halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-12-24
Ra’iisul wasaare Xamse oo xilka u kala badalay 2-wasiir, wasiir kalena magacaabay
Ra’iisul Wasaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federalka Somalia Mudane Xamsa Abdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batrolka iyo Macdanta Xukumada Federalka Soomaalia.
Sido kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deeganka iyo Isbeddelka Cimilada.
Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) loo magacabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, mudane Cisman Axmed Macoow.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo daah furay Kulanka Soo bandhigga Qorshaha Istaraatiijiyadda Dhab-u-heshiinta Qaran.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFs Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa shalay ku daahfuray Muqdisho Kulanka Soo bandhiga Qorshaha Istaraat-iijiyada Hanaanka Dhab-u-heshinta Qaran.
Kulanka waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka socota labada heer ee dowladda iyo bulshada rayidka ah.
Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF
Dowladda Federaalka Somalia ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu wajibadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (EASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.
Wasirka Gashandhiga Jamhur-iyada Federaalka Somalia Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhigiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Gudomiyaha Golaha Wasiirada Gashaandhiga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.
Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.
Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalafadhiga xiga ay Soomaaliya ku marti gelin doono.
Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gado
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumada Federaalka Somalia, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ururrada hawenka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, waxaana kulamadaas diiradda lagu saaray sidii bulshada rayidka ah ay uga qeyb qaadan lahayd hirgelinta iyo taageeridda doorashada qof iyo codka ah oo dowladda Soomaalia ay dalka ka qabaneyso.
Intii uu kulanku socday, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa soo bandhigay taloyin iyo aragtiyo ku saabsan doorkooda ku aadan xaqiijinta doorasho cadaalad ah oo lagu wada qanacsan yahay, bulshada ayaa cadeysay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta dadweynaha iyo iskaashiga si loo helo nidaam dimuquraadi ah oo si hufan u shaqeynaya.
Wasiir Fartaag oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada in ay door firfircoon ka qaataan geedi socodka dimuqu-raadiyadda, isagoo xusay in doorashada qof iyo codka ah ay tahay dariiq muhiim ah oo lagu gaarayo cadaalad iyo horumar siyaasadeed oo waara.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku dadaalayso in ay abuurto jawi ku habboon doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in codka shacabka uu si buuxda uga dhex muuqdo hoggaanka dalka.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo ka qeyb galay Salaadda Janaasada AUN Sheekh Muuse Cadde
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Masjidka Isbaheysiga Islaamka uga qeybgalaya Salaadda Janaasada AUN Sheekh Muuse Cadde oo dhawaan ku geeriyooday dalka
Netherlands.
Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka, Sheekh Muqtar Robow iyo culuma’udinkii ka qeyb galay janaasada ayaa dhamaan sheekha ku tilmaamay in uu door muhiim ah kasoo qaatay fidinta Diinta Islaamka iyo wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed, waxa ayna Alle uga baryeen in Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka XFS ayaa magacaawday dhawaan guddi ka koobanaa 9-xubood oo ay u xil saaratay aasaka caalimkii weynaa ee Sheekh Muuse Cadde oo shalay lagu aasay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka Dib u eegista Howlaha u qabsoomay hay’adda sanadkaan 2024
Gudomiyaha hay’ada Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa daahfuray kulanka Dib u eegista Howlaha SoDMA u qabsomay sanadkan sii idlaanaya ee 2024 iyo qorshaha sanadka soo aaddan ee 2025, (SoDMA Internal Review & Retreat Exercise), kaas oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo ah mid isla-xisaabtan iyo is-qiimeyn, ayuu Gudomiyaha Hay’adda Maxamud Macallin si weyn ugu boorriyay howl-wadeennada shaqada adag iyo juhdiga xooggan ee ay bixiyeen sanadkaan dhamaadka ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii laba jibbaaro dadaalka loogu adeegayo dadkeenna nugul.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaliyed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Agaasimayaasha Guud, Agaas-imayasha Waxaha, La-taliyaya-sha iyo howl-wadeeno laf-dhabar u ah howlaha shaqo ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.
Horjooge ka tirsanaa Al-sabaab oo isku dhiibay ciidamada Dowladda
Horjooge Dooyow Osmaan Ali Oo ka tirsanaa Al-sabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Boliska gaarka ah Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.
Dooyow oo in muddo ah la shaqaynaayey Al-sabaab ayaa kala soo goostay Qori AK47 ah iyo booshkiisa, asagoo sababta Al-sabaab ugu soo baxay ku sheegay in uu kuso qanci waayey fikirka gurracan ay aaminsan yihiin iyo dhibaato fara badan oo uu kala soo kulmay Al-sabaab.
Dooyow ayaa saaxibadiisa al-sabaab kala tirsanaa ugu baaqay inay isaga soo tagaan nolosha mugdiga ah ay duurka kula jiraan, wuxuunsheegay in si wanaagsan loo soo dhoweeyey.
Dagaal beeleed khasaare geystay oo ka dhacay degmada Xarfo ee gobolka Mudug
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay degmada Xarfo ee gobolka Mudug ee dhinca maamulka Puntland.
Dagaal ayaa dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah oo wada dega degmada Xarfo iyo nawaaxigeeda, wuxuuna geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay ilaa labo ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay dagaalka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Dagaalkaan ayaa ka dhashay murun iyo is qabqabsi ka bilaawday ceel biyood ku yaalay degmadaasi, kadib markii rag hubeysan ay gubeen matoorkii biyaha looga soo saarayay, islamarkaana ay duugeen ceelka sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ku sugan degmada Xarfo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iney ku howla yihiin xal u helista dagaalka degmada Xarfo ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan duubabka dhaqanka labada beelood si loo kala dhexgalo maleeshiyaadkaan loona helo xal nabadeed.
Siciid Deni: Puntland waxay ka war haysaa dadka gacanka saarka laleh argagaxisada, cafis ayay u fidinaysaa xubnihii ka toobad keena
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay si buuxda uga war qabto shaqsiyaadka faraha kula jira falalka argagixisanimo ee ka dhaca guud ahaan magaaloyinka Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu madaxwenaha Puntland carrabka ku adkeeyay in tallaabo laga qaadi doono xilliga ku haboon.
Madaxweynaha Punltland ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu cafis u fidinayo xubnaha Shabaab iyo Daacish ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirkooda xagjirnimada.
"Waxaan rabaa inaan halkan farriin uga diro qof kasta oo ku jira ururro xag-jir ah oo diyaar u ah inuu ka tanaasulo fikirkooda - waxaan u fidin doonnaa cafis," ayuu ku dhawaaqay madaxweyne Deni.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyey in ciddii ka dhaga adeygta ay wajihi doonaan ciidamada Puntland oo dhan.
"Ciddii madax adayga ah waxaan farayaa ciidamada Puntland inay gutaan waajibaadkoda, ciddii diyaar u ah inay bulshadooda ka mid noqdan, dowladdu waxay dejisay siyaasad lagu maareynayo dadka doonaya inay dib uga soo laabtaan dambiyadaas.
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya iyadoo Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish, inkastoo uusan weli dagaal bilaaban.
Faransiiska oo sheegay in ay taageerayaan sidii ay Itoobiya ku gaari lahayd Badda Cas
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisa ay si buuxda u taagersan tahay hamiga istaraatiijiga ah ee Itoobiya ee ah in ay galaangal ku yeeshaan Badda Cas iyo in la howlgaliyo ciidamada rasmiga ah ee badda Dowladda itoobiya.
Bayaankaan ayaa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ku qabteen Addis Ababa, taasoo hoosta ka xariiqday sida ay Faransiiska uga go’an tahay xoojinta awoda milateri, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Itobiya.
Madaxweyne Macron ayaa ballan qaaday kaalmo dhinacyo badan leh si loo fududeeyo dadaalka Itoobiya ay ku xaqiijineyso inay hesho marin ganacsi oo dhanka biyaha gobolka.
Bishii April ee sanadkan, Faransiisku waxa uu diiday qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku dhaliilay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo markii hore uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah Qaranimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa markii dambe dib u eegis ku samaysay mawqifkeeda, iyada oo ogolaatay in Itoobiya marin biyood ay ka hesho Soomaaliya.
Dhammaan arrimahaani oo dhami ayaa ka tarjumaya xiisaha sii kordhaya ee juqraafiga siyaasadeed ee Badda Cas, waxana uu hoosta ka xariiqay iskaashiga istiraatijiyadeed ee Faransiisku la leeyahay Itoobiya horumarinta xasilloonida gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha.
Madaxweynaha Somaliland oo soo jeediyay in wadahadal lagu dhameeyo colaadda gobollada Sool iyo Sanaag
Madaxweynaha Somaliland, Abdiraxman Maxamed Abdillaahi Cirro, ayaa sheegay inuu rabo in wadahadal lagu dhameeyo xasaradaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag.
Madaxweyne Cirro, oo kulan amniga lagaga hadlayay daraad la yeeshay madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Kaah, ayaa sidoo kale ciidamada millateriga ku amray inay si buuxda u difaacaan Somaliland.
"Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse ay tahay waajib dastuuri ah in dalka laga difaaco cadaw kasta oo isu soo bahaysta. Ciidamada Qarankuna waxay amar buuxa ku qabaan inay difaacaan dalka iyo dadkaba,” ayuu yiri Afhayenka Madaxtoyada Xuseen Cige Dayr.
Madaxweynaha ayaa mar kale gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag, si loo gaadho xal ku dhisan is afgarad.
Xisbiyada mucaaradka ayaa, dhankooda, ballanqaaday inay barbar istaagayaan xukuumadda cusub, isla markaana ay kala shaqaynayaan difaaca iyo midnimada shacabka Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa marar badan sheegay inuu doonayo in si nabad ah xal loogu helo colaadaha soo noqnoqday ee gobollada Sanaag iyo Sool, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Maxay ka dhigantahay in madaxweyne Emmanuel Macron uu Itoobiya ku taageero inay bad hesho?
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Itoobiya.
Markii uu Macron gaaray dalka Itoobiya, waxaa soo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.
Waxaa la sheegay in Ra'iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Macron ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo arrimaha gobolka.
Labada hogaamiye ayaa shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Sabtidii daraad ku sheegay in Macron uu taageerayo dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay dalalka dariska la ah uga heli lahayd marin badeed, iyada oo loo marayo wadahadal iyo shuruucda caalamiga ah.
Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Abiy, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Erdogan.
Xiisadda ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muran ka abuurtay gobolka Geeska Afrika.
Erdogan ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo rajo ka muujiyay inuu noqon doono tallaabadii ugu horreysay ee nabad iyo iskaashi dhexmara labada dal.
Booqashadiisa rasmiga ah ee Sabtidii, Macron wuxuu xusay inuu taageersan yahay dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helista marin badeed, wuxuuna caddeeyay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono.
Dhankiisa, Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay si weyn uga wadahadleen dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii loo heli lahaa marinka badda si nabad ah.
Maxay ka dhigantahay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu taageero helitaanka Itoobiya ee marin badeed
Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey oo ka faalooda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaan wax ka waydiinay booqashada madaxweynaha faransiiska Macron iyo waxa ay ka dhigantahay.
"Waxaa is badalay si guud xiriirka caalamiga ah iyo sida ay dalalku u danayn jireen Afrika, waana wajiga cusub ee Faransiiska uu rabo inuu ula macaamilo," ayuu yiri Dr Gurey.
Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday in Faransiiska iyo Jabuuti ay si gaar ah u wada xiriiraan oo dano badan ay ka midaysanyihiin.
Waxa uu soo hadal qaaday bogaadinta madaxweyne Macron ee Itoobiya iyo in uu ku garab istaagayo helista marin badeed.
"Faransiiska waxa uu kamid yahay dowladaha Itobiya u soo dhisayay ciidanka badda, taas ayaana keenaysa inay ku taageerto helista marin biyood, waxbadan ayayna wadaagaan labadaas dal," ayuu yiri Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey.
Falaqeeyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in heshiiskii u danbeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhanka muranka badda uu wali sugayo in la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka.
Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Farans-iiska taagerada ay ka geysaneyso dib u habeynta xarunta qaranka iyo dayactirkeeda.
Dhankiisa, Macron waxa uu farriin ku qoran afka Amxaariga ku daabacay boggiisa X waxa uuna sheegay in "Xiriirka labada dal uu yahay mid ku salaysan taariikh iyo mashaariic ay wadaagaan.
Macron waxa uu intaa ku daray in dalkiisa, France, ka qayb qaadan doono "si loo taageero casriyaynta dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Pretoria, kaas oo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Tigrayga.
Macron waxa uu sheegay in Faransiiska ay ka go'an tahay taageerada muwaadiniinta ay saameeyeen colaadaha Itoobiya.
Dhanka kale waxa uu muujiyay taageerada uu u hayo qaab dhismeedka dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya oo uu tilmaamay in ay dhici karto in deyn lagu dhammeeyo "toddobaadyada soo socda," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
"Toddobaadyada soo socda, waxaan ka shaqeyn doonaa si aan u dhameystirno 3 bilyan oo deynta Euro ah," ayuu yiri Macron, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Reuters.
Abiy iyo Macron waxay booqdeen Qasriga Qaranka ee dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay.
Qasriga qaranka oo lagu dhisay 25 milyan oo Yuuro oo ay bixisay hay'adda horumarinta ee dawladda Faransiiska, ayaa la filayaa in dhawaan loo furo dadweynaha.
Nashqadeeyayaal Faransiis ah iyo xirfadlayaal kale ayaa ka qeyb galay dabaaldega, ayuu yiri Macron.
Waa markii labaad ee Emmanuel Macron uu booqdo Itoobiya lixdii sano ee ugu dambeysay.
Madaxweynaha Faransiiska oo isku maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisa rasmiga ah, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisa.
Xigasho BBC
Al-Shara oo iska fogeeyay muran ka dhashay haweenay uu ka codsaday inay timaha asturato kahor inta uusan sawir la galin
Taliyaha guud ee maamulka cusub ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa iska fogeeyay dood ka socotay baraha bulshada, kana dhalatay muuqaal muujinaya isaga oo gabar dhalinyaro ah oo doonaysay inay sawir la gasho u sheegaya inay timaha daboolato kahor inta uusan sawirka la galin todobaadkii hore.
Dhacdada oo hadal hayn dhalisay ayaa siyaabo kala duwan loo falaqeeyay, dadka ka faalooda arimaha libaraalka waxa ay ku tilmaameen in tani tahay mid la dhaleeceeyay, halka kuwa muxaafadkana ay taageereen, waxa ayna dhalisay hadal hayn ku saabsan jihada mustaqbalka dalkaas oo ay xukunka qabsadeen kooxaha mucaaradka hubaysan.
Libaraalka ayaa codsiga hogaamiyaha Hay'at Taxriir al-Sham u arkay mid muujinaya in laga yaabo inuu doonayo in uu ku soo rogo maamul islaami ah Suuriya ka dib markii uu dhacay xukunka Assad, halka muxaafidka mayalka adag ay ku dhaleeceeyeen inuu aqbalay in uu goob fagaare ah sawir kula galo dumarka markii ugu horeysay.
Al-Sharaa oo wareysi siiyay tifaftiraha caalamiga ah ee BBC Jeremy Bowen ayaa yiri: "Aniga kuma qasbin, tani waa xorriyadeyda shaqsiyeed, waxaan jeclahay in aan qiyaaso habka igu habboon."
Haweeneyda oo lagu magacaabo Leah Khairallah ayaa sheegtay in uusan dhibin codsigaas.
Waxay sheegtay inuu codsiga u waydiistay si "dabacsan oo aabbenimo ah," waxayna aaminsan tahay in "hoggaamiyuhu xaq u leeyahay inuu u muuqdo sida uu u arko inay ku habboon tahay."
Dhacdadaan ayaa loo arkay mid muujinaysa qaar kamid ah dhibaatooyinka uu la kulmi karo hoggaamiye kasta oo mustaqbalka maamulaya Suuriya si uu u mideeyo dalkaan ay dadkiisu kala diin duwanyihiin.
Suuriya, Muslimiinta Sunniga ah ayaa ah dadka ugu badan, inta soo hartayna waxay u kala qaybsan yihiin Masiixiyiin, Calawiyiin, Druze, iyo Ismaaciiliyiin.
Waxaa sidoo kale jira aragtiyo kala duwan oo ay qabaan kooxaha kala duwan ee siyaasadda iyo kuwa hubeysan ee ka soo horjeeday Bashaar Al-Asad, qaarkood waxay rabaan dimoqraadiyad cilmaani ah halka qaar kalena ay rabaan in lagu xukumo shareecada Islaamka.
Hay'at Taxriir al-Sham, oo hore uga tirsanaan jirtay Al-Qaacida, ayaa markii hore sharciyo adag ku soo rogtay hab dhaqanka iyo labiska markii ay la wareegtay gacan ku haynta gobolka Idlib sannadkii 2017-kii.
Diinta Islaamka ayaa dadka faraysa inay xirtaan dhar astur u ah oo ku habboon.
Caqiidada Islaamka ayaa sharxaysa in ragga ay dabooshaan inta u dhaxeysa xudunta iyo jilbaha, sidoo kalena dumarka ay asturaan dhamaan jirkooda marka laga reebo wejiga iyo gacmaha inta ay la joogaan ragga aan muxrimka u ahayn iyo kuwa qaba.
Leah Khairallah ayaa weydiisay inay sawir la gasho Al-Sharaa, oo sidoo kale loo yaqaano Abuu Muxamed Al-Julaani, xilli uu ku socdaalayay agagaarka Mezzeh ee Dimishiq 10-kii December.
Inta uusan Al-Sharaa aqbalin sawirka ayuu u tilmaamay in ay timaheeda daboosho, waxa ayna u hoggaansantay arrinkaas iyada oo madaxa ku daboolatay koofiyadda funaanadda ay xirnayd, ka dibna soo ag istaagtay ula gasho sawirka.
Muuqaalo iyo sawiro badan oo dhacdadan ku saabsan ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, taas oo caro ka dhex dhalisay isticmaalayaasha caadiga ah iyo dadka ka faallooda warbaahinta.
Dadka qaba aragtida xorta ah ama kuwa aan muxaafidka ahayn waxay dhacdada u arkeen inay tahay waxa laga filan karo mustaqbalka Suuriya ee hoos imaanaya Ha'at Tahrir al-Sham.
Kanaalka Carabiga ee France 24 ayaa dhacdadaan baahiyay waxa uuna cinwaan uga dhigay waydiin ah in Suuriya ay "u dhaqaaqday dhanka xukunka Islaamka."
Koox Islaami ah oo barta Telegram-ka qoraal ku daabacday ayaa dhaleecaysay in Al-Sharaa uu markii hore ogolaaday inuu sawir la galo gabar yar.
Dadka aragtiyada dhiibanayay ayaa qaarkood waxa ay u muuqdeen kuwo gabadha dhaleecaynayay iyaga oo ku tilmaamayay inaysan habboonayn in qof dumar ah ay sidaas ugu dhawaato nin aan qabin ama ehelkeeda dhaw ahayn.
Qoraal la soo dhigay kanaal Telegram ah oo lagu magacaabo "From Idlib" ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha HTS uu "aad ugu mashquulsanaa sidii uu gabdhaha da'da yar sawir ula gali lahaa".
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-12-24
........