Magaalada Columbus Ohio oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Ku Guulaysteen Deeqo Waxbarasho ah

0
Tuesday July 12, 2016 - 20:04:22 in Wararka by
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Columbus Ohio oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Ku Guulaysteen Deeqo Waxbarasho ah

    Magaalada Columbus ee dalkan Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay xaflad loogu talo galay ardada dhamaysatay dugsiyada Sare iyo kuliyadaha kala geddisan ee ku yaala gobolka Ohio.Magaalada Columbus ee dalkan Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay xaflad loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Columbus ee dalkan Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay xaflad loogu talo galay ardada dhamaysatay dugsiyada Sare iyo kuliyadaha kala geddisan ee ku yaala gobolka Ohio.Magaalada Columbus ee dalkan Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay xaflad loogu talo galay ardada dhamaysatay dugsiyada Sare iyo kuliyadaha kala geddisan ee ku yaala gobolka Ohio.
Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen waalidiinta Soomaalida, madaxda gobolka iyo ardada sanadka ku baasay Imtaxaanaadka dalka, ayaa waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 7 sano ah Hay’ada SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed iyo Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Dr. Abdinur Sh. Mohamed.
Waxaa goobta ka hadlay madaxda dowladda hoose, gobolka iyo heer qaran, Cabdikhayr Soofe oo ah xiriiriyaha xafiiska duqa magaalada iyo jaaliyadaha dalka ku cusub.Doorka waliidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii socon karo. Khadra Maxamed oo madax ka ah ururka haweenka Soomaaliyeed ee Ohio iyo weliba isutagga ururrada Afrika ee Ohio ayaa u mahadcelisay waaliddiinta una hambalyaysay ardada.
 
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgasha xafladan sanadwalba waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiiranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda. Deeqaha waxbarasho waxaa gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.
Sanadkan waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay 13 Arday oo kala ahaa lix wiil iyo toddobo gabdhood. 12 ka mid ah waxaa la guddoonsiiyay deeqo waxbarasho oo qaab bakhtiyaa nasiib ah lagu xulay halka hal gabar ay ku guulaysatay abaalmarin ka sareeysa mida ardayda kale la gudoonsiiyay, gabadhaas oo ku soo baxday ardaygii ugu sareeyay sanadkan dhanka waxbarashada, waana Amal Cabdi.
 
Amal Cabdi waxa ay ka soo baxday Dugsiga: Westland High School, waxaa oggolaansho iyo deeq waxbarasho siiyay in ka badan 10 jaamacadood oo ay ka mid yihiin jaamacadaha heerka sare ee "Ivy Leage” sida Harvard, Yale, Dartmouth, Columbia iyo Cornell. Amal xagaagan ayay billaabaysaa jaamacadda Harvard University.
 
Waxaa iyana deeqo waxbarasho helay Ardayda kala ah
 
1: Omar Ibrahim, Pickerington High School
2 :Maryan Liban, Columbus Alternative High School
3 : Abdigani Ahmed, Dublin Coffman High School
4 : Ali Osman, Westerville South High School
5 : Khalid Mohamed, Metro Early College High School
6 ; Habibo Barre, Westerville North High School
7: Abdikarim Mohamud, Gahanna Lincoln High School
8: Safiyo Mohamud, Columbus Alternative High School
9 :Ahmed Yacoob, Central Crossing High School
10: Ridwaan Mohamed Koriyow, Westerville North High School
11: Firdowsa Hashi, Horizon Science Academy
12: Nimo Suleyman, Westerville South High School
dhalinyar_colombus_1dhalinyar_colombus_2dhalinyar_colombus_3dhalinyar_colombus_4dhalinyar_colombus_5



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip