halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-12-24
Madaxweynaha JFS oo Ganacsatada ku Bogaadiyay sida ay uga go’antahay hirgalinta Mashruuca Muqdishada Cusub
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Shiikh Maxamud o xalay casho sharaf la qatay ganacsata-da Somaliyed ayaa ku bogadiyey sida ay u donayan hirgelinta qorshaha Muqdish-ada cusub oo bedeli doonta muuqaalka caasimadda.
Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in mashruucan waddaniga ah uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ganacsatada uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshan mashaariicda qaranka, iyago ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo hormarka dhaqale ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska sanad-guurada 81-aad ee aas-aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sareeyasha, Sarakiisha sare, Sarakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya.
"Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Ma jirto waddo aan ahayn doorasho toos ah oo innoo furan, waana in qof walba oo Soomaali ah u diyaar garoobo”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan Shuruucda dalka u gutaan waajibaadka, isaga oo tilmaamay in hubka iyo agabka ay wataan uusan wax baddali karin, haddii aan la helin Saraakiil iyo Askar waddaniyiin ah oo ay ka go’antahay daacad ugu adeegidda dadkooda iyo dalkooda.
Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka Somalia, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Somaliyed, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha JFS” Gacan Al-shabaab ayaan kula dagaalameynaa ,gacanna doorasho ayaan ku qabaneynaa ,mana hakineyno dagaalka cadowga”
Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay arrimaha geedi socodka dorashoyinka dalka iyo dagalka lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa caddeeyay in 56-sanno ka dib, dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhaceyso, wuxuuna ciidamada BooliIska Somalia ugu baaqay in ay u diyaarawbaan sugidda amniga iyo nabad galyada muuwaadiniinta codeyneysa.
” Waxaan ugu hambalyeynayo waxay tahay, diyaargarowga ka muuqda doorashada in ay u diyaargarowbeen amnigeeda sidii ay u sugu lahaayeen, waxaan leeyahay sii xoojiya sii diyaargarowba, Ilaahey idimkiisa dalku doorashadu waa ay ka dhaceysaa haddii uu Alle yiraahdo, 56-sanno ka dib muwaadinka Soomaaliyeed aayihiisa iyo masiirkiisa in gacantiisa ay ku soo noqoto howl aad iyo aad u sahlan ama u dhib yar ma ahan, howshaas waa howl qaran iyo ummadda dhan ay u taagan tahay booliskana intaas ayuu ka mid yahay, laakiin shaqo mucayin oo aan sahlaneyn oo laga yaabo gabdho iyo rag Boolis ah ay naftooda u huraan laga yaabo waaye, kan codeynaya iyo kan codeynta maamula iyo dhamaan ay dareemayaan in ay codeeyaan markaas khatar ku ahayn,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.
Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay la dagaallanka argagixisada, isagoo carabka ku adkeeyay in gacanna ay Al-shabaab kula dagaallamayaan gacanna doorashada lagu qabanayo.
"Gacan Al-shabaab ayaan kula dagaalameynaa, gacanna doorasho ayaan ku qabaneynaa, mana hakineyno dagaalka cadowga” muwaadiniinta wali meelaha argagixisada xukunta jooga xaq ayay u leeyihiin in ay codeeyaan, sidaas daraateed waa in aan ka dulqaadnaa dulinimada argagaxisadu ku dulheyso si qalbi nadiif ah oo dhiiran ugu helaan in ay mustaqbalkooda ugu codeeyaan, waxan shacabka Somaliyed ka balan qaadnay qof aanay dooran inaan xukumin,”
Ugu dambeyn, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa tilmaamay inaan jirin meel kale oo loo noqonayo, dalkana uu leyahay Dowlada, islamarkaanna aanay ogolaan doonin in arrimaha Soomaaliya dibadda loo qaado. Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabadda xuska sanad-guurada 81-aad ee ciidanka Booliiska Somaliyed oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galaya munaasabadda xuska sanad guurada 81-aad ee Ciidanka Booliiska Sooomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sareeyasha, Sarakiisha sare, Sarakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya.
"Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Ma jirto waddo aan ahayn doorasho toos ah oo innoo furan, waana in qof walba oo Soomaali ah u diyaar garoobo”.
Madaxwene Xasan Shiikh Maxamud aya kula dardarmay Sarakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan Shuruucda dalka u gutaan waajibaadka, isaga oo tilmaamay in hubka iyo agabka ay wataan uusan wax baddali karin, haddii aan la helin Saraakiil iyo Askar waddaniyiin ah oo ay ka go’antahay daacad ugu adeegidda dadkooda iyo dalkooda.
Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka Somalia, Xildhibano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Sarreeye Guuto Asad Cusman Abdullahi, Taliye ku xigenada Ciidanka Booliska Somaliyed, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.
Xulka Qaranka ee 17-jirada Soomaaliya oo guul ka gaaray ciyaar xiiso badan ay la yeesheen dhiggooda Suudaan
Xulka Qaranka ee 17 jirada Soomaaliya ayaa guul ka gaaray kulan xiiso leh oo ay la ciyaareen dhigooda 17 jirada dalka Suudan oo ah martigaliyasha Koobka qaramada qaaradda Afrika. ciyaarta shalay ayaa ka dhacday magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Xulka qaranka dalkeenna ayaa 1-0 uga badiyay xulka qaranka Suudaan, waxaana ciyaarta oo aheyd mid adag u suurtagashay in xulka Qaranka ee 17-jirada Soomaaliya ay helaan goolkooda koowaad, taas oo ugu dambeyn keentay in ay iyagu guusha raacdo.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda ayaa si weyn ugu dabaaldegay guusha xulka Qaranka 17-jirada, Soomaaliya ee shalay ka dib ciyaar ku soo idlaatay magaalada Kampala, waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin guushaas, waxayna tilmaameen in ay ku bogaadinayaan ciyaaryahanada da’da yar in ay Guruubyada ka soo baxaan.
Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey
Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasarada Isbeddelka Cimilada, Mudane Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Xildhibaan Cabdirashiid Olow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, Xildhibaan Nuur Affey, ayaa shalay booqday dugsiga tababarka ciidamada ee degmada Garbahaarey.
Booqashadan ayaa ahayd mid loogu kuur galayey tababarka ay muddo saddex bilood ah qaadanayeen askar cusub oo lagu diyaarinayo dugsiga tababarka ee Garbahaarey. Wafdiga ayaa u kuurgalay habka tababarka, tayada waxbarashada ciidanka, iyo diyar garowga loogu jiro sugidda amniga gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.
Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo khudbad ka jeediyay dugsiga tababarka, ayaa ku amaanay askarta dadaalkooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay qayb ka noqdaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in dowladda federaalka ay sii wadi doonto taageerada ciidamada si loo helo ciidan tayo leh oo u adeegaya shacabka.
Sidoo kale, xubnaha kale ee wafdiga ka tirsan ayaa dhiirrigelin u jeediyay askarta tababarka ku jirta, iyagoo ku bogaadiyay dulqaadkooda iyo go’aankoda ku aaddan difaaca dalkooda. Waxay sheegeen in tababarkan uu qayb weyn ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka si loo sugo amniga dalka oo dhan.
Booqashadan ayaa muujineysa sida dowladda federaalka uga go’an tahay tayeynta ciidamada iyo sare u qaadista awooddooda si ay uga hortagaan khataraha amni ee ka jira dalka.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo NIRA oo kala saxiixday heshiis wadashaqayn
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta (NIRA) ayaa kala saxiixday heshiis wadashaqayn ah oo ku saabsan isku xirka nidaamka aqoonsiga Qaran ee casriga ah iyo nidaamka maareynta musiibooyinka iyo gargaarka banii’aadannimo.
Ujeedka guud ee heshiiska ayaa ah sidii labada hay’adood isaga kaashan lahaayeen baahinta diiwaangelinta dadweynaha ee nidaamka aqoonsiga Qaran ee casriga ah iyo in qof walba ee la gaarsiinayo gargaar bini’aadannimo uu helo aqoonsi sugan oo la isku haleyn karo.
Heshiisku waxa uu u ogolaanayaa in dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan ee ay Hay’adda SODMA u adeegto ay si bilaash ah ku helaan diiwaangelinta iyo aqoonsiga ay bixiso Hay’adda NIRA.
Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo heshiis la gashay Shirkad Maraykan ah si looga hortago Aqoonsiga Somaliland
Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa heshiis la saxiixatay mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya u qareemidda iyo u ololaynta Maraykanka, iyadoo ujeedku yahay in la taagero dadaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah aqoonsiga madax bannaanida Somaliland.
Warkan oo lagu daabacay joornaalka The Africa Report, ayaa lagu sheegay in shirkadda BGR ay qandaraas ku qaadatay muddo 12 bilood ah lacag dhan $600,000 si ay saamayn ugu yeelato go'aannada sharciyeed ee Maraykanka ee la xiriira arrinta aqoonsiga Somaliland.
Safaaradda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid istiraatiiji ah. "Waxaan sii wadeynaa inaan ka wada shaqeyno la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee amniga. Waxaan sidoo kale doonaynaa inaan ballaarinno iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka labada dhinacba," ayay safaaraddu u sheegtay The Africa Report.
Heshiiskaan ayaa imanaya xilli dhowr ruug-caddaa oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga ay gadaal ka riixayaan aqoonsiga Somaliland. Waxaana kamid ah, Tibor Nagy, oo hore u ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika, iyo Peter Pham, oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Harooyinka Waaweyn.
Sidoo kale, toddobaadkii hore, Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kana mid ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka, ayaa soo bandhigay sharci Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax bannaan.
Siyaasiyiinta u dhuundaloola arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in tallaabadan Maraykanka uu uga gol leeyahay inuu uga hortago saameynta Shiinaha ee gobolka.
Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida oo ka hadashay dagaalkii daraad ka dhacay deegaanka Dacawaley
Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa markii u horreysay ka hadashay dagaalkii daraad ka dhacay degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee Dowlad Degaanka Soomaalida, dagaalkaas oo u dhaxeeyay dablay hubaysan iyo Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida.
Dowladdu waxay sheegtay in dagaalkan u dhaxeeyay iyaga iyo dablayda hubaysan uu ku billowday kaddib markii dablaydu ay galinkii dambe ee Khamiistii aynu soo dhaafnay soo weerartay qaar kamid ah Masuuliyiinta degaanka iyo xubno Boolis ah oo degaanka Dacawaley u joogay howlo xaliin khilaafaad halkaas ka jiray, weerarkaas oo uu ku dhaawacmay hal Askari, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida.
Maalintii xigtay oo ahayd daraad subaxdii ayay Dowladdu sheegtay in mar kale ay dablay hubaysan weerar kusoo qaadeen Ciidankii Booliska ahaa ee ku sugnaa degaanka Dacawaley iyo Ilaaladii Masuuliyiintii goobtaas ku sugnaa, waxayna Dowladdu sheegtay in weerarkan dambe lagu dilay qaar kamid ah Ciidankii goobtaas ku sugnaa, sidoo kalena lagu dhaawacay qaar kamid ah Masuuliyiintii halkaas joogtay.
Ugu dambeyn, Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa baaq nabadeed waxay u dirtay shacabka degaannada ay colaaddu ka dhacday gaar ahaan degaanka Dacawaley, iyagoo ugu baaqay in Nabadda laga shaqeeyo loona hoggaansamo Ciidamada degaanka Soomaalida ee sugaya amniga guud ahaan Degaanka Soomaalida.
Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa jirtay in meel u dhaxaysa Dacawaley iyo Duudbaydaale oo ka tirsan Dowlad Degaanka Soomaalida ay dablay hubaysan oo aan haybtooda lagaranayn ku dileen Madaxii Amniga ee degmaa Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, halkaas oo ay Dowladdu maalmihii lasoo dhaafay u dirtay Masuuliyiinta degaannadaas si loo xaliyo dhibkii halkaas ka dhacay.
Balse galinkii dambe ee Khamiistii aynu soo dhaafnay ayay dablay hubaysan weerar ku qaadeen Masuuliyiintii usocotay xalintii dhibkaa horey uga dhacay degaankaas, halkaas oo lagu dilay qaar kamid ah Askartii la socotay Masuuliyiintaas kuwa kalena lagu dhaawacay, Sida lagu sheegay War ka soo baxay Xafiiska Nabadgalyada ee Dowlad Degaanka Soomaalida.
Somaliland oo Qorshaynaysa Inay Saldhig Ciidan Ka Siiso Maraykanka Magaalada Berbera
Xukuumadda Somaliland ayaa Qorshaynaysa inay Maraykanka saldhig millateri ka siiso magaalo xeebeedka Berbera, haddii ay danteeda ka dhex aragto, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee SOLNA.
Wakaaladda ayaa warisay in Wakiilka Somaliland ee Maraykanka, Bashiir Good, oo waraysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinta, uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay saldhig siiso Maraykanka haddii Washington ay fuliso danaha Somaliland.
"Somaliland waa u diyaar inay saldhig millateri siiso Maraykanka, haddii uu ka shaqeynayo maslaxadaha labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka," ayuu yidhi Danjire Good.
Danjiraha ayaa xusay in Somaliland ay doonayso inay sidii dal madax-bannaan macaamil toos ah ula sameyso Washington, iyada oo aanay jirin cid saddexaad oo dhex-dhexaadinaysa.
Kadib doorashadii 13-kii December, waxaa sare u kacay hadal-heynta aqoonsiga Somaliland, iyadoo warbaahinta Maraykanku tabisay in ay suurtogal tahay in Donald Trump uu aqoonsado Somaliland. Sidoo kale, waxaa jira hindise-sharciyeedyo loo gudbiyay qaar ka mid ah goleyaasha Maraykanka, kuwaas oo lagu doonayo in Somaliland lagu aqoonsado.
Madaxda saldhigga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sannadihii la soo dhaafay si isdaba joog ah u booqday Berbera. Waxaana jira warar sheegaya in Maraykanku danaynayo inuu saldhig ciidan ku yeesho goobtan istiraatijiga ah.
Falanqeeyayaasha qaarkood oo ka faalooda siyaasadda iyo arrimaha ciidamada ayaa sheegay in Washington ay dooneyso inay ka fogaato saldhigga Shiinaha ee Jabuuti, kaas oo marar badan looga shakiyay inuu basaaso siraha ciidamada Maraykanka.
Puntland oo sameysanaysa lacag u gaar ah sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Deni
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay shaaciyay in Puntland ay yeelan doonto lacag u gaar ah sanadka cusub ee 2025.
Madaxwenaha Puntland ayaa sheegay in qorshahani uu yahay mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo dhaqaalaha Puntland, maaddaama sida uu sheegay aan rajo laga qabin in la helo lacag Shilin Soomaali ah oo mideysan.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay socoto daraasado cusub oo ku saabsan sameynta lacagta Puntland, isagoo sheegay in lacagtaasi ay mustaqbalka si habboon ula jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.
"Dowladda Puntland waxay bilowday daraasadda sameynta lacag u gaar ah, sida waddamada federaalka ah ee adduunka qaarkood. Lacagtani waxay noqon doontaa mid mustaqbalka si wanaagsan ula jaan qaadi doonta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya marka miyirka iyo maskaxdu soo hagaagaan,” ayuu yiri Deni.
Degaanada Puntland ayaa haatan laga isticmaalaa lacagta dollarka iyo lacagaha danabaysan ee shirkadaha isgaarsiinta. Sanadkii 2021 ayay ahayd markii Puntland uu ka istaagtay shilinka Soomaaliga.
Sababa ugu weyn ee uu istaagay shilin Soomaaliga ayaa ahayd markii madaxweyne Deni uu soo saaray amar lagu joojinayo in canshuurta dekedda Bosaso lagu qaado shilin Soomaali. Go’aankaan ayaa sababay in ganacsataduna diideen shilin Soomaaliga.
Dadaalo badan oo loo galay in lasoo celiyo shilin isticmaalka Soomaaliga ayaa fashilmmay.
Xuutiyiinta oo gantaal la beegsaday Tel Aviv iyo xasuuqa Israel oo weli ka socda Gaza
Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen uu ku dhacay aagga Tel Aviv ka dib markii nidaamyada difaaca cirka ay awoodi waayeen inay ka hortagaan gantaalkaasi.
Weerarkaasi gantaal oo la sheegay in uu aargoosi u yahay duqeymo dhowaan lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yiillay Yemen ayaa lagu waramay in uu geystay dhaawac soo gaaray 16 ruux,isla,sida ay ku warameen saraakiisha Israel.
Dhanka kale dhakhaatiirta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in weerarrada cirka Israa’iil ee dhacay daraad oo Jimco ah lagu dilay yaraan 25 falastiiniyiin ,halka 24 kii sac ee u dambeeyay tirade dhimashada dadkaasi ka dhigeysa 77 qof sida ayxaqiijiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
Hey’adda UNICEF ayaa sheegtay in 96 boqolkiiba haweenka iyo carruurta ku nool deegaanada Gaza ay la ildaran yihiin xanuunno, dhaawacyo iyo qabow,isla markaana aysan awoodin in ay daboolaan baahiyahooda nololeed.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee dhulka la haysto ee Falastiin ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay go’aanka Sweden ee ah joojinta dhaqaalihii ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxotiga Falastiin ee UNRWA.
Illaa 45,206 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka Gaza, halka uu dhaawac ka soo gaaray 107,512 ruux tan iyo bishii Oktoobar sanadkii tagay.
Muqdisho: Masjid 8 sano lagu muran Sanaa oo xal laga gaaray
Masjidka Khadar oo kuyaala degmada Howlwadaag ee G.Banaadir oo muddo 8 sano ah uu ka taagnaa is qabqabsi u dhaxeeyay maamulka iyo cidii waqaftay masjidkaasi ayaa ugu dambeeyn lagu guuleystay in la xaliyo.
Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha islaamka ee Soomaaliya, Hay'addaha Garsoorka iyo Bulshada Degmada ayaa dadaal dheer kadib waxaa maamulkii Masjidka gacantoodi dib loogu celiyay Qoyskii horey u waqafay sida ay mas'uuliyiin ka socotay wasaaradda ay warbaahinta u sheegeen Salaadii Jimcaha kadib.
Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Aadan oo kamid ah Qoyska masjidkaan waqafay ayaa sheegay in mudadii uu muranka kujiray masjidkaan oo gaaraya ilaa 8 sano uusan gacantiisa soo saarin, waxaana uu soo dhoweeyay go'aanka Wasaarada iyo Maxkamada G.Banaadir.
Bulsho badan ayaa daraad masjidka oo in muddo u xirnaa muranka maamulka iyo dadkii waqfay u dhaxeeyay ugu dambeeyn ku oogay salaadii Jimcaha iyo salaadihii kale ka dambeeyay, waxaana si weyn u soo dhoweeyay waxgaradkii Degmda ee arintaan xalka u raadinayay.
Is qabqabsiga masaajidda ee mararka qaar dhex mara dadka waqfay iyo maamulka gacanta ku haaya masaajida ayaa dhowr jeer kusoo laalabtay maqalkoodi Bulshada caasimadda ku nool, qaar kamid ah mashaaiqda Soomaaliyeedna waxa ay dhowr jeer ka digeen in beytka alle muran lagaliyo.
Dowladda Shiinaha oo u Hanjabtay Somaliland, Kadib Masuul Taiwanese ah oo Hargeysa Booqday
Ergayga Shiinaha ee Geeska Afrika, Xue Bing, ayaa ku hanjabay in aanay dhaafi doonin cid kasta oo wax u dhinta midnimada Shiinaha iyo Taiwan, isaga oo ku boorriyay Somaliland inay ka noqoto xidhiidhka ay la leedahay Taiwan.
Ergaygu waxa uu sheegay in dowladdiisu ay ka xumaatay socdaal uu dhawaan Somaliland ku tagay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Tien Chung-kwang, oo Hargeysa u yimid ka qaybgalka xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.
"Iskama dhaafi doono cid kasta oo isku dayda inay xagal-daaciso midnimada Shiinaha"ayuu yidhi Xue Bing. "Saaka waxaan la shiray madaxweynaha, waxaanan ka wada hadalnay arrimaha Somaliland, anagoo ka yaabban marti-qaadkii ay dhawaan u fidisay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan".
Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya ay aad uga soo horjeedaan socdaalkaasi, isaga oo sheegay in uu jiro hal Shiine oo
kali ah oo caalamka laga aqoonsan yahay, una baahan in Somaliland iyo Taiwan ay tixgeliyaan.
"Taiwan waa qayb muhiim ah oo aan
laga goyn karin Shiinaha. Sidaa darteed, waanu ka soo horjeednaa in ay wax xidhiidh ah la yeelato Somaliland, waxaana ku boorinnaynaa Somaliland inay tixgeliso siyaasadda 'Midnimada Shiinaha," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xue Bing.
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha
ayaa si adag uga soo horjeeda xidhiidhka ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland, oo ah laba jamhuuriyadood oo aqoonsi raadis ah, kuwaas oo xafiisyo matalaad ah is-dhaafsaday sannadkii 2020.
Mareykanka oo Hoggaamiyaha Suuriya kala laabtay 10-kii milyan ee la dul dhigay
Dowladda Mareykanka ayaa meesha ka saartay abaalmarin dhan 10 milyan oo dollar, oo horey loo dul dhigay madaxa Hoggaamiyaha Ururka Hayat Tahrir Al-Sham, Ahmed Al Sharaa (Abu Mohamed Al Jawlani), kaas oo ururkiisu uu hoggaaminayay afgembigii dhawaan ka dhacay dalka Suuriya.
Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Jimcihii ay Magaalada Dimishiq ku kulmeen diblomaasiyiin sare oo Mareykan ah iyo wakiillo ka socday Hayat Tahrir Al-Sham.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee gobolka, Barbara Leaf ayaa sheegtay in iyada iyo diblomaasiyiinta kale ay wada-xaajood miro-dhal ah la yeesheen Saraakiisha Hayat Tahrir Al-Sham.
Barbara Leaf ayaa Warbaahinta u sheegtay in Dowladda Mareykanka ay go’aansatay in meesha laga saaro lacagihii abaalmarinta ee lagu soo qabanayay Ahmed Al Sharaa, ka dib markii ay ka heleen waxa ay ku sheegtay farriimo togan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa habeen hore sheegtay in kulanka looga hadlay mabaadii’da kala guurka ee uu taageerayo Mareykanka, arrimaha gobolka iyo baahida loo qabo inaysan dib u soo xoogeysan Daacishta Suuriya.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in kulanka sidoo kale looga hadlay maqnaanshaha muwaadiniinta Mareykanka ee lagu waayay dalkaasi, intuu uu xukunka hayay Bashar Al Assad, oo ay ku jiraan Wariye Austin Tice oo sanadkii 2012 lagu afduubay Caasimadda Dimishiq iyo dhakhtarka cilmi nafsiga Majd Kamalmaz oo isna la waayay sanadkii 2017.
Inkastoo Mareykanka uu ninka hoggaaminaya mucaaradka qabsaday dalkaasi kala laabtay abaalmarintii lacageed ee dul saarneyd, haddana ururkiisa ayaa weli ku jira ururada uu Mareykanka u aqoonsan yahay argagixisada caalamiga ah.
Mareykanka ayaa Hayat Tahrir Al-Sham ku xiraya shuruudda ah in ay soo dhisaan dowlad loo dhan yahay, kana madaxbannaan wax diin ah.Mareykanka iyo xulafadiisa NATO ayaa si diiran u soo dhaweeyay ridistii Bashar Al Assad, waxayna kooxaha la wareegay talada dalkaasi ay ka doonayaan inaysan Iran dib u soo dhisin kaabeyaasheedii militari ee Suuriya iyo inaysan weerarin Xoogaga Kurdiyiinta ee degan waqooyiga dalkaasi.
Si kastaba ha-ahaatee booqashada wafdiga Mareykanka ee Dimishiq ayaa noqoneyso, tii ugu horreysay oo diblomaasiyiin sare oo Washington ka socda ay ku taggaan Dimishiq, wax ka badan 10 sano.
Waa calaamad kale oo muujineysa is bedelka ballaaran ee ka dhacay dalkaasi, tan iyo markii meesha laga saaray dowladdii uu hoggaaminayay Assad.
Booqashadan ayaa daba socota booqashooyin is xigxigay oo wafdi ka socda Qaramada Midoobey, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ay maalmihii la soo dhaafay ku taggeen Dimishiq.
Mareykanka iyo reer Yurub ayaa daneynaya in ay saamayn ku yeeshaan dhismaha dowladda cusub ee ay Suuriya yeelaneyso.
Itoobiya: Raadinteenna marinka badda waxay ku socotaa hab nabadeed oo ay faa’ido ugu jirto Soomaaliya
Heshiiska Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa wax weyn ka tari doona nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada Geeska Afrika, ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga xiriirka arrimaha dibadda iyo nabadda ee baarlamaanka Itoobiya Fethi Mahdi.
Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, ayaa xusay in heshiiskan uusan ahayn mid guulo dublamaasiyadeed oo kaliya u soo hoyday Itoobiya iyo Soomaaliya, balse uu sidoo kale u yahay Midowga Afrika oo ku hawlan horumarinta nabadda gobolka.
"Ku dhawaaqida heshiiska Ankara waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo arrimaha soo jireenka ah ee diblomaasiyadeed," ayuu raaciyay.
Xildhibaanka wuxuu sheegay raadinta Itoobiya ee hubinta helitaanka badda, inay ahayd arrin Itoobiya muhiimad qaran u lahayd tobannaan sano, haddana ay ku socoto qaab nabadeed oo labada dhinacba faa'iido ku jirto.
Fethi waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay dejiyeen tusaale nabad ku wada noolaanshaha gobolka iyaga oo dib u xaqiijinaya in midba midka kale uu ixtiraamayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed.
Ballanqaadka ah in arrimaha la isku hayo lagu xalliyo wadahadal iyo diblumaasiyad ayaa hoosta ka xariiqaysa sida uu sheegay xildhibaanka, rabitaanka xooggan ee labada waddan ee ku aaddan xoojinta xiriirkooda.
Waxa uu sheegay in heshiiskaan uu waddada u xaarayo in Itoobiya ay hesho marin badeed la isku halayn karo iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo ay la gasho Soomaaliya, iyada oo la hubinayo faa’iidada labada dhinac lana ilaalinayo madaxbannaanida Soomaaliya.
"Bayaanka Ankara wuxuu farriin adag u diraya xoogag shisheeye oo isku dayaya in ay ka faa’ideystaan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayuu yiri xildhibaanka, isaga oo intaa ku daray in heshiiskan uusan ahayn mid kaliya oo looga hortagayo saameyntaas balse uu sidoo kale xoojinayo midnimada gobolka.
Fetih ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in heshiiska uusan ahayn guul u soo hoyatay Itoobiya iyo Soomaaliya balse uu yahay guul u soo hoyatay Geeska Afrika oo dhan.
Xaalad aan loo adkeysan karin oo ka jirta Marinka Gaza
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa Israel ku eedeysay in ay sii waddo falalkeeda waxashnimada ah ee ay si wadarta ah ugu ciqaabeyso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.
Louise Wateridge oo ka tirsan Hay’adda UNRWA ayaa sheegeysa in xaalad aad u argagax badan ay ka jirto guud ahaanba Marinka Gaza, taasna ay dhalatay qaabka ay Israel u waddo dagaalka ay kula jirto Ururka Xamaas.
Haweeneydan ayaa sheegtay in dadka reer Gaza la isugu daray dil toos ah iyo gaajeysiin daran, oo wax joogta ah ka noqotay qaybaha Marinka Gaza, oo ay u dheer tahay inaysan dadku haysan wax ay ka dugaashadaan cimilada qabow iyo roobabka ka da’aya dhulka go’doonsan.
"Kaalmada bani’aadantinimo ayaa si weyn looga baahan yahay halkan, si loo badbaadiyo dadka dhowr jeer ay xididada u siibeen weerarada Israel, kuwaas oo aan haysan wax yar oo ay isaga ilaaliyaan qabowga iyo roobka.” Ayay tiri Louise Wateridge.
Waxay sheegtay in dunidu ay ka indha la’dahay waxa ku socda dadka reer Gaza, iyadoona wax aan macquul ahayn ku tilmaamtay in dadka rayidka ah ay wajahayaan xaalad ceynkani oo kale ah.
"Dunidu ma aragto waxa ku socda dadkan. Waa wax aan macquul ahayn in qoysasku ay ku noolaadaan xaaladahan. Inta badan dadku ma haystaan dhar iyo bustayaal, xitaa ma haystaan dhismayaal biyaha celin kara oo roobka ay ka galaan, maadaama badankooda la burburiyay.” Ayay tiri Louise Wateridge.
Iyadoo sii hadleysay ayay hadalkeeda ku xoojisay "Gebi ahaanba ma jirto meel ay dadku gabaad ka dhigtaan waxa socda.”
Louise Wateridge ayaa xustay in sanad iyo billo oo dagaal xiriir ah ay sii xumaaneyso xaaladda argagaxa leh ee Gaza.
Louise Wateridge ayaa intaasi ku dartay in dadka Gaza oo idil ay ku xukuman yihiin dil, marka loo fiiriyo xaaladda quusta ah ee ka jirta dhulkaasi.
"Bulsho dhan oo halkan ku nool hadda waa xabaal. In ka badan laba milyan oo qof ayaa ku xayiran halkan, mana baxsan karaan. Dadku waxay sii wadaan inaysan haysan waxyaabaha aasaasiga ah ee loo diidan yahay, waxayna dareemayaan in waddo kasta oo aad halkan ku mari karto ay horseedeyso dhimasho.” Ayay sii raacisay Louise Wateridge oo ku sugan xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.
Inkastoo masiibada bani’aadantinimo ay ka jirta Marinka Gaza oo dhan, haddana xaaladda ugu daran ayaa laga soo sheegaya waqooyigeeda.
Saraakiisha Qaramada Midoobey iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah ayaa ku waramaya, tan iyo bishii October inay Israel xanibeyso gargaarkii la gaynayay waqooyiga Gaza, sababtu tahay ciidamadeeda oo halkaasi ka wada hawlgal aan horey noociisa loo arag.
Ciidamada Israel ayaa horaantii bishii October ku laabtay waqooyiga Gaza, iyagoona ka bilaabay hawlgal ay sheegeen inay kula dagaalamayaan Xamaas, balse ay dhibaatada ugu badan ka soo gaareyso dadka rayidka ah iyo deegaankaba.
Taangiyada iyo diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si ula kac ah u duqaynaya dadka rayidka ah iyo dhismayaasha ay gabaadka ka dhiganayaan, iyadoona uu ujeedku yahay in laga wada barakaciyo dhulkaasi.
Ciidamada Israel ee lagu soo daadiyay waddooyinka iyo kuwooda kale ee ku sugan isgoysyada muhiimka ah ayaa hortaagan in kolonyada gargaarka sida ay gaaraan deegaanada Beit Lahiya, Beit Hanoun iyo xerada qaxootiga Jabalia, oo ah meesha ay dadka ugu badan ku sugan yihiin, dhibta ugu weyna ay ka jirto.
Taliska Militariga Israel ayaa ku celcelinaya in ciidamadoodu ay deegaanada waqooyiga Gaza ka wadaan hawlgal ay kaga hortagayaan in Xamaas ay dib ugu soo xoogeysato deegaanadaasi.
Dhammaan hay’adaha gargaarka waxay ka marqaati kacayaan in dembiyo dagaal ay ka dhacayaan Marinka Gaza, oo ay ugu daran yahay qaybaheeda waqooyi, Israel-se waxay diidan yihiin in ay ku xadgudbeyso sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.
Bulshada caalamka ayaa ka argagaxsan dhimashada faraha badan ee dadka rayidka ah iyo burburka baahsan ee ay Israel weli ka gaysaneyso waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Marinka Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza waxay sheegtay in tan iyo bilowgii dagaalka, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ay gaartay 45,227 qof iyo dhaawaca 107,573 kale.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-12-24
..........