Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 19-12-2024

0
Thursday December 19, 2024 - 10:30:54 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 19-12-2024

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweynaha Soomaaliya oo xaqiijiyay in Turkiga uu saldhig Dayax gacmeed ka dhisaayo Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Turkiga uu ka dhisaayo Somalia saldhig dayax gacmeed, taasoo sare u qaadaysa barnamijka tijaabinta gantaallada riddada dheer ee qorshaha xukuumadda Ankara.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho in mashruucaan uu wax badan ka tari doono shaqo abuurka iyo dakhliga soo gala Soomaaliya.

"Aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in ay martigeliso xayndaabka dayax-gacmeedka ee Turkiga ay aad uga miisaan badan tahay balaayiin doollar iyo fursadaha uu mashruuca keeni doono," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbaahinta Bloomberg ayaa bishii September ee lasoo dhaafay waxa ay bogeedi hore ku daabacday in Soomaaliya oo ku taalo cirifka bari ee dhul weynaha Afrika, Soomaaliya waa meel ku habboon in gantaallada laga rido badweynta Hindiya iyada oo aan khatar loo gelin in qashinku ku dhaco meelaha la deggan yahay ama dalal kale.

In Soomaaliya laga dhiso goob laga rido Dayax gacmeedka ayaa sare u qaadi doonta hamiga Turkiga ee ah in uu ku biiro tartanka hawada sare oo ay caado u ahayd in ay maamulaan quwadaha caalamka.

Turkiga ayaa muddo dhowr sano ah qorsheynayay in uu soo rido gantaal, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ma uusan shaacin goobta rasmiga ah ee laga fulinayo mashruucan saldhiga laga diraayo dayax gacmeedka.

Turkiga ayaa ka mid ah quwadaha shisheeye ee fara ku tiriska ah ee xoojinaya xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, iyadoo dalka Afrika uu doonayo inuu dib u dhis ku sameeyo ka dib dagaalo beeleedyo sanado badan socday.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SHEEKH MUUSE CADDE

Madaxwene Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka tacsiyeeyey gerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh Muuse Nuur "Sheekh Muuse Cadde” oo ka mid ah culimmada Somaliyed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo fafinta cilmiga shareecada ee geyiga Somaliyed, isago xusay dhaqamadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahan umada Soomaaliyeed ee uuka baxay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa "waxaan rajeynayaa Guddoomiyaha cusub xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in casimada ay ka bilaaban doonan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banadir ee xilka la waregay noqon dono kii ugu danbeyey ee ku yimada magacabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqradiyada iyo xojinta matalada shacabka.

"Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hogaankii matali laha, waxana rajeynaya Gudomiyaha cusub ee xalay xilka la wareegay in uu noqdo gudomiyihi ugu danbeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa o ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadallada lagu hormarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Gudomiyihi hore e Gobolka Banadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa "Waxaan rabnaa in xoogga la saaro sidii Baasaboorkeennu ula tartami lahaa kuwa Caalamka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda looga fadhiyo sidii Basaborka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.

"Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta Hey’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hey’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada, waana halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Som-aliyed”. Ayu yiri Ra’iisul Wasaraha o ka hadlayey munasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow).

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare, aya uga mahadceliyey Agasimihii hore ee hey’ada shaqadi muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo kula dardarmay agasimaha cusub ee xilka la wareegay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeega ay hey’addu bixiso.

Ra’iisal wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya Munaasabad uu xilka kula wareegayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galaya Munaasabad uu xilka kula wareegayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka qeyb galaya Munaasabad xil-wareejinta, agaasimihii ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Siciid Maxamed ayaa muddadii uu xafiiska joogay dardargeliyay howlaha baasaboor bixinta isla markaana waxa uu sidoo kale saraakiisha ku booriyay in muwaadiniinta loo fududeeyo adeega loo haayo loona turo dadka jilicsan oo soo doonto adeegga baasaboor bixinta.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, in uu noqdo Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka qaybgalay bandhigga warbixinta saboolnimada dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo hay’adda tirakoobka Qaranka.

Warbixinta ayaa soo bandhigaysa heerarka saboolnimada ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay dhinacyada nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah. Warbixintan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo saboolnimada, iyadoo la isticmaalayo xog sugan oo horseedi karta qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan si loo dejiyo siyaasado waxtar leh oo wax ka taraya horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu yareynayo saboolnimada, iyadoo la xoojinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada u adeegaya danta guud.

DF oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro laga soo badbaadiyey xabsiyo muddo dheer ay ku jireen

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo IOM ayaa shalay dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo madax-furasho u heystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaan ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maryan Yaasiin Xaaji Ergayga Gaarka ah ee Xafiiska Madaxwe-ynaha JFS u qaabilsan Muhaajiriinta io Xuquqda Carurta oo ka hadashay hawlaha so celinta Gurmadka dhali-nyarada tahribayasha ah waxana ay ugu baqday in ay la xiriiran safarada Somalia ee dalka Libya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xoogga saareysa sidii dhallinyarada Soomaaliya ee ku dhibaateysan dalalka caalamka gaar ahaan dalalka Liibiya iyo Sudan dib ugu soo celin lahayd ugana badbadin lahayd dhibaatada ay tahriibka kala kulmaan, waxay dhawaan dalka ku soo celiyay ku dhwaad 100- dhallinyaro Somaliyed oo laga soo badbaadiyay xeebaha Jaziiradda Madagascar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa Garoonka Diyaradaha Calamiga ah Ee Shaatigadud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Baydhabo.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Xildhibaano waxay Magaaladda Baydhabo uga qeyb geli doonaan xuska sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Aqoonyahan Faysal Rooble oo faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii la galay

Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas oo waretsi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii Soomaaliya u gashay difaaca qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.

Aqooyan Faysal Rooble ayaa marka hore sheegay in shirka Ankara uu daba-socday shirar kan ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo gogol xaar u ahaa shir labaad oo Ankara ka qabsoomay, kaas oo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada ee Soomaaliya iyo Itoobiya,laakiin shirka saddexaad oo dhacay 12 December 2024, kaas oo go’aan kama dambeys oo heshiis lagu gaaray laga soo saaray.

”Sida la socoto shirkan Ankara wuxuu daba socday shirar ka horeeyay oo kii ugu horeeyay Nairobi ka bilowday oo inaba ambaqaadin, kii labaad Ankara ayuu ahaa runtii inkastoo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal, laakiin loo kala warqaadayay,islamarkaana qodobada muhiimka ah shirkaas lagaga hadlay la iskuna afgaran waayay dhinaca loo socdo,shir kalaa ka dambeeyay isagana waa cakirnaa go’aan lagama gaarin, is-afgarashana lama helin, balse waxaad mooddaa midba midka ka dambeeyay inuu u sii gogol xaarayay kan hadda Ankara ka dhacay 12 December 2024, kaas hadda waxa ka soo baxay Bayaan heshiisna ma ahan,MOU,heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ma ahan waa Bayaan caddeynaya labada dhinac in ay is-afartaan oo dhibtii ka dhaxeysay ka heshiiyaan oo meel lagu ogaado heerkaas ayaa la taagan yahay,”.

Sidoo kale, Aqoonyahan Feysal Rooble ayaa wareysigiisa si qoto dheer kaga hadlay nuxurka heshiiska labada ay ku gaareen magaalada Ankara, kaas oo uu garwadeyn ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey.

” Qacda ugu horeysa waxaa weeye in Itoobiya shirarkii ugu horeeyay ee la isugu yimid dib uga laabatay luqmatul xajarka dib u liqday dhaqaaqday arrimihii ay ku dhegneyd oo aanay xaq u lahayn,markaa shanta qodob ee muhiimka ah ee meesha ku tuugan, midi waa kan sheegay oo hadda ima hor yaalo, laakiin arrimaha ugu waa saddex koow Itoobiya shirarkii la isugu yimid laga soo bilaabo maalintii Kenya ilaa kuwii aan joogay ilaa kan shalay waxaa intaa diidaneyd erayga oranaya muqaddasnimada midnimada Soomaaliya, doorkan sida aan warka ku hayo is-jiid-jiid badan iyo is-riix-riix badan oo Aby ka dhaqaaqi waayay ugu dambeyn wuu saxiixay, waxay u diidayeen midnimada Soomaaliya in ay muqaddas tahayna wax kalaa miiska u saaran,”.

Kulanka Ankara ee dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya, dhammaan qeybaha kal duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay heshiiska iyo sida madaxweyne Xasan Sheekh u difaacay qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.

Shirweynaha Meertada 15-aad ee ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo shalay la soo gabagabeynayo

Shirweynaha Meertada 15-aad ee ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa shalay lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho oo saddexdii maalin ee u dambeysay uu ka socday.

Shirka oo maalintii afaraad galay, ayaa shalay waxaa diiradda lagu saarayaa n lagu dhammeystiro in lagu dhammeystiro qeyb ka mid ah cilmi-baarisyo muhiim u ah daraasaadka iyo marxaladaha kala duwan ee waxbarashada dalkeennu soo martay.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya doona cilmibaarayaal Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo markii ugu horeysay ka qeyb galaya madashan oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana madasha barbar socon doona dood-wadaagyo muhiim ah oo su’aallo lagu weydiin doono aqoonyanada ka madasha ka jooga oo looga hadli doono dhinacyada dhaqaalaha, cadaalladda iyo tacliinta.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah aqoonayada Soomaaliya kana qeyb galaya shirweynaha Meeryada 15-aad ee ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in maalmihii uu shirkan socday aqoonyahanada Soomaaliyeed ay isku dhaafsadeen cilmi baarisyo iyo xogo muhiim u ah soo kabashada dalkeenna.

Gelinka dambe ee shalay ayaa la filayaa inuu soo xiro Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo xilka kala wareegay Yuusuf Madaale

Waxaa habeen hore Magaalada Muqdisho lagu qabtay munasaabad ay xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo bedalaya Gudoomiyihii hore Yusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxaana xilalka u kala wareejiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku amaanay Guddoomiyaha xafiiska baneeyay Yuusuf Madaale shaqooyinkii adkaa ee uu kasoo qabtay Gobolka Banaadir, asigoona kula dar-daarmay Duqa cusub ee Gobolka Banaadir Amiir in uu dar-dargeliyo qorshayaasha horumarinta Caasimadda oo ay ugu horeyso Adeegada dad-weynaha iyo in bulshada la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod si ay usoo doortaan mas’uuliyiintooda.

"Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee xalay xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Gudoomiyaha cusub ee G.Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kasoo qeyb galayaasha munaasabadda la wadaagay in qorshaha ay ugu jirto inuu noqdo Duqii Magaalada ee ugu dambeeyay ee lasoo magaacabo uuna shacabka Caasimadda ujiheeyn doono inay Gudoomiyaha Gobolka soo doortaan.

Madashii habeen hore waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaashii Gobolka Banaadir ee xilalka kasoo qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar sida Cumar Maxamed Maxamuud Finish iyo Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Wasiiru Dowlaha Howla guud XFS oo ka qeyb galay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay dalka Algeria.

Shirka Wasiiradda Howla Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ahaa meertadii 8-aad kalfadhigii 41-aad iyado sanadkana ay marti gelisay Dowladda Algeria waxeyna diirrada lagu saaray dib u dhiska wadamada soo kabanaya ee ay Soomaaliya ku jirto wasiirada ayaa isla qaatay in Dowladda Somaliya laga caawiyo dib u dhiska xarumaha Dowladda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Mudane. Xayd oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirada dhigiisa ah ee Jaamacadda Carabta uga mahadcelinayay sida ay Dowladda Soomaaliya u garab taaganyihiin isaga oo hoosta ka riiqay in Dowladda Somaliyeed ay hayso wadadii dib u dhiska iyo horumarka ayna ka soo kabatay inta badan mar xaladihii ay soo martay.

Intu shirku waxa kale oo ka soo

qeyb galay wasiirka Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta Dalka Shiinaha waxana laysku af gartay in uu u heshiis iskaashi wada galaan Wasiirada howlaha guud ee wadamada Jaamacadda carabta iyo wasiirka Howlaha Guud ee Shiinaha waxana uu dhici doona sanadka soo socdo kaaso si rasmi ah loo wado saxiixi doono.

Somaliland oo Ku Hanjabtay in ay Tallaabo Ka Qaadayso Cid Kasta oo Jiritaankeeda Khatar Gelisa

Somaliland ayaa sheegtay in ay guul weyn ka gaadhay dagaalkii daraad ka dhacay koonfurta gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamadeeda iyo kuwa SSC Khaatumo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi: "Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa Ciidamada Qaranka Jamhuriyada Somaliland oo markasta u taagan difaaca qarannimada iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka. Ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal, waxayna daraad Qaranka u soo hooyeen guul wayn.”

Somaliland ayaa tilshalayy in ciidamadeedu daraad muujiyeen inay si adag uga hortagi karaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeello u gaysato jiritaanka iyo madax-bannaanideeda.

"Dowladda Somaliland waxay u taagan tahay oo astaan u ah nabad, horumar, dimuquraadiyad, iyo himilooyinka lagu xaqiijinayo halka qarankani higsanayo. Balse marnaba gorgortan kama gelayso wax kasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya qarannimada, wadajirka bulshada, iyo amniga guud ee dalka,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka.

Ciidamada Somaliland ayaa guul ka sheegtay dagaalkii xoogga lahaa ee daraad ka dhacay koonfurta Sanaag, kaas oo ay dagaal adag kula galeen ciidamada SSC Khaatumo. Labada dhinac ayaa sheegay in ay kala qabsadeen maxaabiis intii uu dagaalku socday.

Hase ahaatee, SSC Khaatumo iyo Somaliland ayaa midba midka kale ku eedaynaya masuuliyadda dagaalkan. Labada dhinac ayaa ku hirdamaya maamulidda deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, oo Ceerigaabo ay ugu horreyso.

Sida xun ee gabadhan Soomaalida ah loogu dilay Sweden

Nimco Bashiir Daa'uud, oo 28 jir ah, ayaa lagu dilay dalka Sweden xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kayn ah oo ku taalla xaafadda Märsta ee magaalada Stocholm.

Saxiibteed ay aad isugu dhawaayeen, Saynab Xasan, ayaa sheegtay in ay maqashay qayladeedii ugu dambeysay xilli ay qadka taleefanka kula hadleysay.

"Waxay bilowday inay magacayga ku dhawaaqdo, kadibna ay qayliso", ayey tiri Seynab.

Waxay ahayd xilli fiid ah oo ay Nimco Bashiir ka soo baxday shaqadeedii maalinlaha ahayd ee kalkaaliyenimo waxayna soo raacday mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee xaafaddeeda soo aadayay.

"Ma jirin wax cusub ama ku soo kordhay oo ay ii sheegeysay, sideennii caadiga ahayd ayaan axwaasha iskaga wareysaneynay, waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xilligii aan is arki lahayn si aan uga sheekeysanno qorsheyaasheenna", ayey tiri Seynab Xasan.

Seynab waxa kale oo ay sheegtay in saaxibadeed Naciimo ay ka codsatay in aysan qaadin waddadaas maadama ay tahay dhul kayn ah oo hadanna buur ah isla markaana ay buurta ku sibxan karto, balse Naciimo ayaa ugu Jawaabtay "tan ayaa fudud oo xaafadda u dhow".

Saynab Xasan ayaa tiri "Isla markiiba waxa aan maqlay buuq iyo qaylo aad u sarreysay waxaan iri halow halow kadibna shanqar oo dhan ayaan waayay oo Naciimo wey aamustay" ayey sii raaciyay.

Nimco ayaa waxyar kadib meydkeeda laga helay dhulka howdka ah.

Sida ku cad xogta Aftonbladet, waxay dhaawacyo toorrey ah ay kaga dheceen meelo badan oo jirkeeda ah, waxaana booliisku ay xaqiijiyeen in la dilay.

Hibo Daa'uud, oo 26 jir ah, waa walaasha kayar Nimco iyada oo ka hadleysa warka naxdinta leh ee soo gaaray ayey tiri " Ma ahayn walaashay oo keliya, waxay ahayd saaxiibtayda aan qoyska isugu dhownahay.

Nimco, Hibo iyo Saynab waxay bisha Juun u safri lahaayeen dalka Turkiga oo in badan ay qorsheeyeen qalin-jabinta Saynab iyo sidii loogu dabaaldegi lahaa.

Hibo iyo Saynab waxa ay Nimco ku tilmaameen in ay ahayd qof dadka daryeela, qariib ah oo naxariis badan oo ay jeclaayeen asxaabta iyo asxaabta.

Hal qof ayaa loo xiray tuhun la xiriira dilka Nicmo.

Booliska ayaa sheegay inay qabteen qof looga shakisan yahay dilka Nimco.

Hadda ehelka Nimco waxay u fadhiyaan jawaabta ay boolisku ka bixin doonaan sababta keentay dilka ee loo bartilmaameedsaday gabadhoodii.

"Ma doonayno in Nimco ay kamid noqoto dadka la'iska dilo. Waxaan rabnaa jawaab. Sidee ayey wax u dheceen? Qof kasta ayay ku dhici lahayd. Cadow ma laha, dad ay dhibtay iyo wax ay u geysatay toona ma jirto", ayay tiri Saynab.

Sida laga soo xigtay wargayska Aftonbladet, tuhmanuhu waa nin qaatay dawooyinka dhimirka dhawr jeer oo hore.

Booliisku waxay ka shakisan yihiin in laga yaabo inuu soo raacay habeenkii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ninka loo xiray dilka Nimco ayaa la sheegay in uu yahay nin 38 jir ah.

Dilka Nimco ayaa sidoo kale la sheegay in uu walaac iyo cabsi ku abuuray dadka deegaanka.

Sanadihii la soo dhaafay, ninkan ayaa lagu xukumay dambiyo daroogo ah, laakiin sidoo kale wuxuu geystay khasaare.

Dukumentiyada dadweynaha, ayaa u muuqda in ninkan laga helay xanuun maskaxeed oo halis ah dhowr sano ka hor iyo in uu sidoo kale leeyahay balwad in muddo ah.

Waxa kale oo la sheegay in ay u muuqato in ninku dhawr jeer joojiyay daawadii la siin jiray isla markaana uu dib noqday isticmaalka muqaadaraadka.

Markii loo xiray tuhunka dilka Nimco Isniintii, waxaa la rumeysanyahay in uu sheegay in uu dil geystay, sida lagu sheegay xogta Aftonbladet.

Xigasho BBC

Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi) oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa habeen hore Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi) ugu magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha xigga ee Gobolka Gedo.

Tani ayuu macnaheedu yahay in Madaxweynuhu uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii hadda ku magacawnaa gobolkaasi, Abdullahi Cabdi Jaamac (Shimbir).

Gudoomiye Shimbir ayaa dhawaan ka horyimid dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland, oo sida uu sheegay aanay aqbali doonin, taas oo keentay in lagu soo bedelo Gudoomiye Kuxigeenkiisii.

Al Qaadi ayaa haatan ku magacawnaa Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa 6-dii bishii June ee sanadkii 2023 waxa uu Cabdullaahi Shimbir u xushay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, isagoona xafiiska kala wareegay Axmed Buulle Maxamed (Gareed).

Al Qaadi oo horey uga tirsanaa Saraakiishii Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ayay magacaabiddiisu imaneysaa, iyadoo uu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip