Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 18-12-2024

0
Wednesday December 18, 2024 - 09:29:13 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 18-12-2024

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaal-iyeed, qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelida quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah.

"Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl shalay taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya shalay waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse caqabado waaweyn ayaa jiray oo mar kasta dib inoo dhigayey.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ahmiyad weyn siineyso maalgashiga, si dalkeenna uu u gaaro isku filnaasho dhaqan-dhaqaale oo waara, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha maalgashada ku booriyey in ay dalkooda maalgeliyaan si dadka Soomaaliyed ay ula tartamaan ummadaha horumaray.

"Soomaaliya shalay waa meel ay maalgashadayaasha caalamku ay ku tartamayaan sidii ay u soo wada aadi lahaayeen, mashruucyada heerka caalami ah ee hakadka ku jira waxaa ka mid ah maalgelinta hooteelo waaweyn, suuqyo casri ah, dekado, garoomo diyaareed iyo kheyraadka Dabiiciga ah, dowladda Soomaaliyana inta badan waa dhammeystirtay sharciyadii lagu hagi lahaa ee damaannad qaadayey maalgashigoda, waxaana ku dhiirrigelineyna ganacsatadeenna in ay aaminaan dalkooda oo fursadaha jira ka faa’iideystaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay caqbadaha ku gedaaman horumarka, taas oo lid ku noqon karta sharciga dalka u degsan, dhaqankeenna suuban iyo khiyamka bulshada ee aan kaga tilmaaman nahay ummadaha kale, isaga oo ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliya wax kasta oo dhaawici karo diinta.

"dowladnimada waxaa aas-aas u ah in dadka waxa ay leeyihiin u ilaaliso ay ku taagan yihin ummadda jiritaankeeda sida diinta, dhaqanka suuban, afka, difaacdo xuuquuqdooda iyo in ay adeegyo u fidiso sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo xqaiijinta amniga muwaadinka”

Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed maalgelinta mashruucaan weyn ee Gateway ayaa ganacsatada hirgelineysa ku adkeeyey in ay si deg deg ah u soo dhammeytiran qorshaha dhismahaan ka kooban qeybaha kala duwan, sida Hoteel casriya, suuq, isbitaal, maasaajid, hool Shirar caalamiga ah martigeliya iyo goobo kale oo heer sare ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo guddoomiyey kulan ku saabsan mashariicda horumarinta Muqdisho

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay u diyaar garowga munaasabadda Daahfurka Dhismaha Hormarinta Muqdishada Cusub iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho oo la qaban doono 19ka Diseembar 2024.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Mashruucyadan oo leh muhiimmad qaran, ay xoojin doonaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Muqdisho, iyada oo ay magaalada u beddelayaan xarun ganacsi oo heer caalami ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Masuuliyiinta kala ee ka qeyb qaadanaya fulinta mashariicda horumarineed ee wejiga koowaad ee qorshahan, iyadoo looga dhageystay warbixinno khubarada daraasadaha kala duwan ku sameeyay mashariicda horumarinta Muqdishada cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga Madabanaan ee doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaanna Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u faahfaahiyay shaqooyinka guddiga gaar ahaan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa xubnaha guddiga ku bogaadiyay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxaana uu xubnaha guddiga u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah si ay dadka Soomaaliyeed codkooda ugu doortaan hogaanka wadanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kula dardaarmay in ay dardargeliyaan shaqada qaran ee loo igmaday.

Wasiirka kalluumaysiga oo la kulmay wasiirka Beeraha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dawladda Federaalka Soomaliya mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran usoo dhaweeyay Wasiirka Beeraha ee Dawlada Turkiye mudane Ibraahim Yumakli.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigay qorshaha rasmiga ah ee horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan labada dal ee saaxiibada ah.

Wasiirka Beeraha ee Turkiye wuxuu aad u soo dhaweeyay qorshahaan, asagoo soo jeediyay in si degdeg ah loo fuliyo isla markaana sheegay in dhankooda ay siinayaan muhiimada koowaad labada dalna u yahay mid ay si wadajir ah uga faa’iidaysan karaan.

Ugu danbeyn labada dal ayaa magacaabay labo guddi oo hawshaan dardar geliya oo ay hoggaaminaayaan labada Agaasime Guud ee labada wasaaradood, xubnana ka yihiin aqoonyahanno iyo xeeldheereyaal labada dhinac ka socda.

Taliska xoogga dalka oo soo dhaweeyey Taliye xigeenka Militariga Tanzania

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Odawa Yuusuf Raage ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kusoo Dhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Milatariga ee Wadanka Tansaniya S/guud Salum Haji Othman.

Taliye Xigeenka Ciidanka Milatariga ee Wadanka Tansaniya S/guud Salum Haji Othman ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS.

Soo dhawaynta ka dib Wafdiga Taliye Xigeenka ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Odawa Yuusuf Raage waxayna yeesheen kullan looga hadlaayey iskaashiga Labada Dal ee Dhanka Ciidanka.

Baydhabo oo laga hirgaliyey xabsi cusub oo casri ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo uu wehliyo wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS mudane Xassan Macallim Maxamuud ayaa shalay daahfuray xabsiga cusub ee magaalada Baydhabo, kaas oo qaab casri ah loo dhisay.

Xafladda howlgelinta xabsiga waxaa Wasiirka ku wehliyay madax ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin wasiir dowlaha wasaaradda mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar iyo xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda mudane Faysal Aadan Xassan.

Sidoo kale xafladda waxaa ka qayb galay madax ka socotay labada gole ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laamaha amniga iyo Asluubta Labada heer.

Wasiir Xassan Macallin oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo ay tahay tallaabo weyn oo ka mid ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta adeegyada, hagaajinta xaaladaha xabsiyada iyo dhowrista xuquuqda maxaabiista.

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania oo Soomaaliya soo gaartay

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska ee dalka Tanzania Dr. Pindi Chana ayaa shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyaas Cali Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdulqaadir Maxamuud Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania Marwo Pindi Chana ay Muqdisho ku kala saxiixa doonaan heshiis ku saabsan horumarinta iyo iskaashiga dalxiiska labada dalka ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Wasiirka waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Shaati-Gaduud ee Magaalada baydhabo Xubno ka socda bahda Cadaaladda Koonfur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Mudane Cabdiqaadir Yuusuf Cabdi Nuur.

Ujeedka safarka ayaa ah ka qeybgalka xafladda howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo, howlgalinta xabsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta adeegyada Asluubta iyadoo la xaqiijinayo xuquuqda maxaabiista lana tayeynayo xarumaha lagu xannaaneeyo eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha.

Xubnaha Wafiga ee la socdo Wasiirka waxaa kamid ah wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Ilyaash Sheekh Cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Qorshaynta XFS oo kulan la qaatay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamud C. Sheekh Faarax (Beenebene), oo uu weheliyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Abdifataax Xasan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya (Somalia Donor Group – SDG) oo kala ah: Chris Pycroft (FCDO – UK), Martina Durrer (Switzerland), iyo Anna Saleem (Sweden).

Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dalka, oo ay ka mid yihiin: Dhammeystirka Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025–2029), Horumarinta maalgelin waarta si loo xaqiijiyo joogtaynta mashaariicda, Xoojinta ka-qaybgalka shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo Hormarinta tirakoobka qaran, oo ah aasaaska qorsheynta saxda ah.

Wasiirka Qorshaynta XFS iyo guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ayaa waxaa ay hoosta ka xariiqeen doorka muhiimka ah ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ay ku leeyihiin hirgelinta mudnaanta 2025 iyo horumar waara.

Ugu dambeyn Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo wakiiladda ka socday Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ayaa isla qaatay in shirka iskuduwidda la qabto Febraayo 2025, si loo mideeyo dadaallada horumarineed iyo istiraatiijiyadaha lagu gaarayo yoolalka mustaqbalka.

Shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliya oo maalintiisa 3-aad galay

Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa maalintiisa 3-aad galay, kaas oo lagu soo bandhigay warbixinno iyo doodo muhiim u ah dowlad dhiska casriga ah.

Shirweynahan ayaa daraad inta badan xoogga lagu saaray doodo la xiriira ka Fekeridda Dib-u-habeynta Soomaalinimada, Daraasaadka Soomaaliyeed iyo Mustaqbalka Sheekooyinka Wadaagga.

Sidoo kale waxaa iyadana halkaas lagu soo bandhigay doodo ku qotoma Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga ah, Doorka ay waxbarashada kuleedahay dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed iyo doorka Teknoolojiyada Dijitalka ah ee Maamulka, Waxbarashada io Ka-qaybgalka Bulshada.

Wasiir hore ee Waxbarashada Puntland ahna Agaasimaha Guud ee Hill Institute, mudane Cali Xaaji Warsame oo hadal jeedin ka sameeyay shirweynaha ayaa ka hadlay mowduuc ku saabsan Muhiimadda Iskaashiga dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Jaamacadaha iyo ganacsiga si loo Hagaajiyo fursadaha ardayda ka Baxda jaamacadaha.

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan

Kulan dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026) oo Muqdisho ka furmay

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ayaa shalay magaalada Muqdisho ka daahfurtay kulan labo cisho soconaya oo dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026).

Kulanka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federal, Dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, saamileyda waxbarashada, hay’adaha waxbarashada gaarka loo leeyahay, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya hormarinta Waxbarashada iyo ururada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka oo ay si rasmi ah u furtay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa waxyaabaha qabsoomay muddadii 2da sano iyo barka ahayd iyo caqabadaha lala kulmay, waxaana ka filayaa in ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo waddada u xaaraya in dib-u-qaabeyn lagu sameeyo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada, ulana jaanqaado Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029).

Dagaal Xoogan oo shalay dib uga qarxay Koonfurta Gobolka Sanaag

Dagaal aad u xoogan oo aan waxba la isku reeban ayaa shalay ka qarxay deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag, kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Labada dhinac ayaa soo bandhigay maxaabiis ay kala qabsadeen, hase yeeshee khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka shalay weli lama oga. Waxaa keliya baraha bulshada lagu faafinayaa dhawaqa rasaasta iyo dayanka qoryaha waaweyn ee labada dhinac isku adeegsanayaan.

Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa isku dayay inay la wareegaan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ciidamadoodu dhawaan soo galeen. Dagaal laba maalmood socday kadib ayay ka baxeen magaalada, iyadoo qaar ka mid ah ciidankoodana la qabqabtay.

Dagaalka haatan socda ayaa daba socda iska horimaadyo hore oo labada dhinac ku dhexmaray Laascaanood iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Sool, Sanaag, iyo Togdheer. Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedaynaya masuuliyadda colaaddan soo cusboonaatay oo aan weli la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonto.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo hore u sheegay inuu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu qaboojiyo colaadda, ayaa hadda wajahaya cadaadis xoogan oo ka dhashay dagaalka sida isdaba joog ah uga soconaya gobolladaas.

Macluumaad laga helay markab jariif ah oo lagu qafaashay xeebaha Puntland

Markab muddo afar sano ah si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland oo dhawaan burcad-badeeddu afduubteen ayaa laga helay caddeymo, kaddib markii bannaanka lasoo dhigay dukumeentiyo qarsoodi ah.

Markabkan oo sita shatiga kallumeysiga Puntland oo dhacay sannadkii 2020, ayaa ku diiwaan gashanaa inuu yahay doon kalluumaysi oo laga leeyahay Yemen.

Waxaa la ogaaday in ay ku lug leeyihiin masuliyiin katirsan madaxtoyada Puntland, wakiilna uu ka yahay Senatar katirsan Aqalka Sare oo lagasoo doorto Puntland.

Markabkan ayaa la ogaaday inuu Mugiisu qaado halkii mar 5 kun oo doonyod oo ah nooca Yemeniniinta.

Sida aan xogta ku helnay, Kooxda qabsatay markabka ayaa loo bandhigay inay qaataan $500,000 oo madax furasho ah. Si kastaba ha ahaatee, dalabkan way ka horyimaadeen.

Dhacdadani ayaa hoosta ka xariiqaysa dhibaatooyinka sii kordhaya ee ku xeeran kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira Puntland, taasoo dib usoo noolaysay howlaha burcad badeednimada.

Al shabaab oo Buula Mareer ku gowracay Qof Canshuuraha ka qaada Guryaha

Wararka ka imaanaya degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al shabab ay ku gowracen qof magaciisa lagu soo gabiyay Difaa oo askarta dowlada kala shaqenayay ururinta Canshurta Guryaha.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qofkaan uu noqonayo qofkii labaad ee todobaad gudaheedi ay Al shabaab ku gowracaan Buula Mareer.

Dhacdaan sidoo kale waxa ay noqoneysaa tii 3aad oo bil gudaheedi Al shabaab ku gowracaan rag shacab ah oo Ciidamada Dowladda ka taageera uruurinta Canshuuraha Guryaha, degaanka lagu magacaabo Farxaanoole oo u dhaxeeya Qoryooleey iyo Buula Mareer ayay Al shabaab ku Gowraceen Qof Mootoole ah oo Guryaha Canshuurta ka qaadi jiray.

Al Shabaab ayaa guluf dagaal waxa uu uga furan yahay Ciidamada Qaranka, degaanada ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay wali kaga harsanyihiin.

Al shabaab dhowr jeer ayay soo rogeen awaamiir dadka shacabka ay duldhigeen, waxaana ugu dambeeyay ganacsato ay ku bartilmaamaysadeen inay u hogansameen amarka Dowladda ee ah in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka.

Gudoomiyihii hore Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku Geeriyooday dalka Mareykanka

Waxaa magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ku geeriyooday allaha unaxariistee Gudoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Cali Cabdi Camalow, oo xilka hayay intii u dhaxeysay 1990 – 1991.

Cali Cabdi Camalow, wuxuu muddo dheer ka soo shaqeeyey horumarinta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer Agaasime, Kaaliye, Agaasime Guud, illaa uu ka gaaray jagada Guddoomiyaha Bankiga.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii hore.

"Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Dr Cali Cabdi Camalow, oo xilka Guddoomiyaha Bankiga hayay intii u dhaxeysay 1990 – 1991. Marxuumka wuxuu ku geeriyooday dalka Mareykanka (Ohio, USA) taariikhdu markii ay ahayd 16-ka December, 2024" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Bankiga Dhexe.

Dadka ka tacsiyadeeyay Geerida Gudoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Dr. Cali Cabdi Camalow Wuxuu ku dhashay magaalada Buulo Burte sanadkii 1942, wuxuu waxbarashada hoose ku dhameeystay Buulo Burte ka dib waxaa 1955kii waxbarasho Dugsiga sare loogu diray dalka Masar, Halkaas uu waxbarashada dugsiga sare ku dhameystay.

Dr. Cali wuxuu waxbarashadiisa ka dib dalka ku soo laabtay 1963 ka dibna isla sannadkaas waxay deeq waxbarasho ugu dirtay Dowladda Soomaaliya dalka Mareykanka Chicago Illinois halkaas uu waxbarashadiisa sare Jaamacadda ku dhameystay kuna taqasusay dhaqaalaha iyo maareynta, wuxuu ifka ugu tagay xaas iyo caruur iyo waxay sii dhaleen.

Allaha unaxariistee Dr. Cali Cabdi Camalow Waxaa lagu xasuustaa inuu xiray dhamaan Accounts-kii Bankigga Dhexe si aan loo boobin hantida qaranka ilaa la helo Dowlad aan ku meel gaar ahayn.

Munaasabad lagu maamuusayay Xeerka Ciise ee ay aqoonsatay UNESCO oo lagu qabtay magaalada Diridhabe

Magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya ayaa maalintii daraad ahayd waxaa lagu qabtay Munaasabad ballaadhan oo lagu maamuusayay Aqoonsashada ay UNESCO aqoonsatay xeerka beesha Ciise, isla markaana lagu guddoonsiinayay Shahaado sharaf Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Waceys.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Ugaaska Beesha Ciise, Masuuliyiin ka kala socotay Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Ismaamulka magaalada Diridhabe, Odayaal dhaqameed iyo Marti sharaf kale.

Ugaaska Guud ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim Ugaas Wacays oo ka hadlay munaasabaddan ayaa sharaxaad ka bixiyay Xeerkan ay leeyihiin beesha Ciise ee ay aqoonsatay Hay'adda UNESCO, isagoo sheegay in xeerkani uu yahay mid ka hadlaya wax kasta oo bulshada ku saabsan, isla markaana uu yahay mid ilaa 5 qarni soo jiray oo aan ilaa iyo hadda waxba iska baddalin, laguna dhaqmo.

Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha xeerkan ku qoran ee dadka soo jiitay uu yahay in qofka kasoo jeeda beesha Ciise meesha uu doono haka yimaadee inuu u hoyan karo reerka uu doono ee Ciise, haddii la marti galin waayo waala xukumayaa waxaana lagu qaadayaa Xeerka Ciise waxa uga yaalla arrintan.

Xeerkan Xeer Ciise ayaa la sheegay inuu meelo badan kaga duwan yahay xeerarka ay Soomaalida kale badankood ku dhaqmaan, isagoo la sheegay in meesha ugu weyn ee Xeerkan Ciise uu uga duwan yahay xeerarka kale uu yahay in siduu yahay loogu dhaqmo, lana ixtiraamo walina aan la baddalin.

Xeerkan oo soo jiray 5 qarni wax ka badan ayaa markii u horreysay waxaa sameeyay Odayaal dhaqameed ilaa 100 gaaraya oo laga kala soo xulay dhulka ay Ciisuhu degaan, isagoo xeerkan lagu aasaasay Tuulada Waaruf oo hoos tagta magaalada Mille ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Aqoonsashada ay UNESCO aqoonsatay Xeerkan Xeer Ciise ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen guddi dhalinyaro ah oo iskood isu abaabulay, howshan aqoonsiga ahna ay soo socotay muddo ilaa labo sano ah, sidaasna ay ku timid shalay inay UNESCO aqoonsato Xeerkan ay leeyihiin beesha Ciise.

Gabagabadii Munaasabaddan ayaa waxaa shahaado sharaf lagudoonsiiyay Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe oo la sheegay inuu yahay Ugaaska kaliya ee beeshu leedahay, kaas oo mideeyay beesha Ciise meel walba oo ay duniida ka joogto.

Falanqeeyayaasha siyaasadda Itoobiya oo sheegay in Abiy Axmed uu guul darro kala soo kulmay shirkii Ankara

Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda dalka Itoobiya ayaa sheegay in saamaynta sii kordheysa ee Turkiga ee xallinta khilaafaadka gobolka ay sii wiiqayso awoodda Itoobiya ee ku aaddan doorkeeda hoggaamineed ee Geeska Afrika.

Waxay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inuu ku guuldaraystay hanka ballaaran ee Itoobiya ay ka leedahay gobolka, gaar ahaan ka dib wadahadallada nabadeed ee lagu qabtay magaalada Ankara.

Falaqeynta ayaa lagu sheegay in wadahadallada Turkigu ay muujinayaan isbeddelka ku yimid dhaq-dhaqaaqyada awoodda gobolka, iyadoo Abiy Axmed lagu dhaleeceeyay ku tiirsanaanta dhexdhexaadinta dibadda halkii uu toos ula xiriiri lahaa dowladda Soomaaliya.

Waxay ku doodeen in tani ay tahay calaamad muujinaysa daciifnimo ku timid istaraatiijiyadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

"Saamaynta sii kordheysa ee Turkiga ee xallinta khilaafaadka gobolka waxay sii yaraynaysaa awoodda Itoobiya ee ah inay xakamayso sheekadeeda, waxayna xoojinaysaa mowqifka Soomaaliya ee khilaafka gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay intaas ku dareen in natiijada ka soo baxday wadahadallada Ankara ay dhabarjab diblomaasiyadeed ku tahay Itoobiya, taasoo ay shegeen in ay si cad su’aal u gelinayso istaraatiijiyadda fog ee Itoobiya ee ku aaddan gelitaanka Badda Cas iyo doorka ay ka ciyaareyso awoodda gobolka.

"Guul darrada uu Abiy Axmed ku waajahay xallinta xiisadaha kala dhexeeya Soomaaliya ma aha oo kaliya inay wiiqayso saamaynta Itoobiya ee gobolka, balse waxay sidoo kale sii xoojineysaa shakiga laga qabo hoggaankiisa iyadoo ay sii xoogeysanayaan caqabadaha dhaqaale iyo juqraafiyeed ee dalka ka jira,” ayaa lagu soo gunaanaday warbixinta.

Waxay ku baaqeen in la sameeyo dib u

eegis qoto dheer oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya si looga fogaado sii luminta saamaynta ay Itoobiya ku leedahay gobolka Geeska Afrika.

General Igor Kirillov oo lagu dilay Magaalada Moscow

Weerar u muuqday in si weyn looga soo shaqeeyay ayaa shalay lagu dilay General Igor Kirillov oo ka mid ahaa Saraakiisha sarsare ee Ciidamada Ruushka.

Jananka oo hadda ahaa Madaxa Ciidanka Nukliyeerka, Baayolajiga & Ilaalinta Kimikada ee Ruushka ayaa lagu dilay qarax lagu soo xiray mootada nooca korontada ku shaqeysa, taas oo la soo dhigay afaafka hore hoygii uu ka deganaa Magaalada Moscow.

Guddiga Dembi Baarista Ruushka ee baara dembiyada waaweyn ayaa sheegay in ninkaasi iyo kaaliyihiisiiba lagu dilay qaraxan, oo sida ay sheegeen ka dhacay xaafadda Ryazansky Prospekt ee koonfur bari Moscow.

Guddiga ayaa qoraal ku sheegay in goobta uu weerarku ka dhacay ay illaa 7km u jirto Aqalka Kremlin-ke ee Ruushka looga arrimiyo.

Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa Saraakiisha Ciidamada ka soo xigatay in weerarka loo adeegsaday walxa qarxa oo culeyskoodu uu gaarayo 300 garaam oo maadada TNT ah, isla-markaana uu qaraxu ahaa midka meelaha fogfog laga hago. Maadada Trinitrotoluene (TNT) waa nooc ka mid ah kiimikooyinka la farsameeyo ee loo adeegsado qaraxyada.

Warbaahinta Ruushka ayaa dib ka shaacisay magaca qofka labaad ee ku dhintay qaraxii Talaadadan, kaas oo magaciisa ay ku sheegtay Ilya Polikarpov oo caawiye ama kuxigeen u ahaa jananka.

Adeegga Amniga Ukraine ee SBU ayaa sheegtay masuuliyadda dilka General Igor Kirillov, waxayna ku eedeeyeen in uu ahaa dembiile dagaal oo amray weeraro gantaalo oo lagu bartilmaameedsaday shacabka Ukraine.

Weerarka ayaa imanaya, xilli Isniintii daraad ay SBU ay furtay baaritaan ka dhan ah dembiyada loo haysto ninkaasi, oo ay ka mid yihiin inuu hagayay hubka kiimikada ee la mamnuucay, oo sida ay sheegeen ay Ciidamada Ruushka u adeegsadeen dagaalka Ukraine, inkastoo Moscow ay marar badan sheegtay inaysan haysan nooc kasta oo hubka kiimikada ah, wixii ay haysatayna ay baabi’isay sanadkii 2017.

General Kirillov oo 54 jir ahaa ayaa waxaa cunaqabateyn saaray dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Canada, sababo ku aaddan in uu dembiyo dagaal ka gaystay dalkaasi Ukraine.

Ingiriiska oo cunaqabateyn saaray Kirillov bishii October ayaa ugu yeeray afhayeen muhiim u ah Kremlin-ka iyo faafinta wararka been abuurka ah, si uu u daboolo waxa ay ku sheegeen dhaqanka ceebta iyo khatarta ah ee Ruushka.

Weerarkan lagu bartilmaameedsaday jananka ayaa muujinaya in Ukraine ay gacanteedu gaari karto bugcad kasta oo Caasimadda Mocow ah, wuxuuna farriin u diraya Saraakiisha kale ee Ruushka ee halkaas ku sugan inaysan ku nabadgeli doonin gudaha Ruushka.

Hay’adaha ammaanka ee Ukraine ayaa u muuqda inay kordhinayaan beegsiga ka dhanka ah shakhsiyaadka muhiimka ah ee Ruushka ee khibradahooda iyo xirfadahooda ay ahmiyadda u leeyihiin dagaalka Moscow ee ka dhanka ah Ukraine.

Sirdoonka Ukraine ayaa lala xiriiriyay dil 12-kii bishan Saynisyahan Russian ahaa loogu gaystay duleedka Magaalada Moscow. Saynisyahankan ayaa lagu magacaabi jiray Mikhail Shatsky.

Sidoo kale Ukraaniyiinta ayaa 13-kii bishii November qarax baabuur ku dilay Valery Trankovsky, oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Badda Ruushka, waxaana lagu dilay Jasiiradda Crimea ee Ukraine laga haysto.

Dilalka soo badanaya ee ka dhanka ah xirfadleyaasha Ruushka ayaa muujinaya in Kyiv ay u jiheysaneyso hawlgalo saaxada looga saarayo shakhsiyaadka sare ee muhiimka u ah duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Trump oo ku baaqay in loo diyaargaroobo soo afjarista dagaalka Ukraine

Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky uu u diyaargaroobo inuu heshiis la galo Madaxweyne Vladimir Putin, si loo soo afjaro buu yiri dagaalka ku dhawaad saddexda sano ka socdo Ukraine.

"Waxaa loo baahan yahay in heshiis la galo.” Ayuu yiri Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, ka dib shir jaraa’id oo Isniintii uu ku qabtay Magaalada Palm Beach ee Gobolka Florida.

Waxa uu sheegay in uu arrinta nabadda kala hadli doono Putin iyo Zelensky, si loo afjaro dagaalka burburka weyn iyo dhimashada badan gaysanaya ee ka socdo dalkaasi.

Trump ayaa sheegay in uu ka xun yahay muuqaalada burburka ee ka imanaya Ukraine, isla-markaana uu daneynayo heshiis labada dhinac ay ku soo afjarayaan colaaddan.

"Waa in la joojiyaa dagaalka.” Ayuu yiri Trump oo xusay in sawirrada goobaha dagaalka ee dalkaasi ay soo xusuusiyeen qaar ka mid ah sawirradii foosha xumaa ee la qaaday, xilligii dagaalka sokeeye ee Mareykanka ee intii u dhaxeysay 1861-kii illaa 1865-kii.

Trump ayaa tilmaamay in ay jiraan magaalooyin badan oo ku burburiyay dagaalka Ukraine, isaga oo intaasi ku daray in dhulka lagu muransan yahay aysan ka jirin wax dhismayaal ah.

Trump ayaan si toos ah uga jawaabin su’aal la weydiiyay, oo ahayd in Ukraine uu ku khasbi doono in qayb ka mid ah dhulkeeda ay ku wareejiso Ruushka, si ay ugu bedelato nabad iyo in kale.

"Waxaan ula jeedaa waxaa jira magaalooyin aan dhismo ka jirin, waa goob la dumin karo.” Ayuu yiri Trump.

Baarlamaanka Ruushka ayaa daba-yaaqadii sanadkii 2022 meelmariyay hindise uu Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka uu ku qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi Ukraine oo lagu daray dhulweynaha Ruushka. Madaxweyne Putin ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay dhaqangelin doonto, waxa uu ku sheegay ansixinta sharciga qarameynta ah.

Donald Trump, Madaxweynaha dib loo doortay ee Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in ay hayaan qorshe horseedi kara heshiis wada hadal oo keenaya in dagaalka la soo afjaro, inkastoo aanu shaacin waxa uu qorshahaasi yahay, balse ay soo bandhigi doonaan marka uu xafiiska la wareego.

"Waxaan isku dayaynaa inaan joojino dagaalka. Dagaalkaas foosha xun ee u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka.” Ayuu yiri Donald Trump.

"Dadka waxaa lagu dilayaa heerar aanu qofna arkin. Tirada askarta labada dhinac laga dilay ayaa ah mid aad u badan.” Ayuu yiri Trump oo ku andacoonaya in khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac uu ka badan doono, inta hadda laga warqabo.

Trump ayaa intaasi ku daray "Qof walba waa la dilayaa, waa xasuuqii ugu xumaa ee dunidan la arko, tan iyo dagaalkii 2aad ee adduunka, waana in la joojiyaa.”

Trump ayaa qaba in Kyiv iyo Moscow ay labaduba u baahan yihiin tanaasul, si loo joojiyo dhiigga daadanaya.

Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ballanqaaday in uu si dhakhsa ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine.

Mareykanka waa dalka taageerada ugu badan ee militari siiya Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Ku dhawaad saddexdii sano ee ugu dambeysay ee dagaalkan uu socday, Kyiv ayaa taageero xoog leh ka heleysay Washington.

Ruushku ayaa 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku duulay dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka dib markii dowladda dalkaasi uu ku eedeeyay inay xiriir dhow la yeelatay NATO iyo in dalalka isbahaysiga ay ku soo fideen xuduudihiisa, taas oo baalmarsan wixii ay iyagu iyo NATO ku heshiiyeen, ee ahayd inaysan xuduudihiisa ka soo ag-dhawaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip