Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 17-12-2024
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda hoose ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Guddoomiyaha cusub ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula yeeshay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha kala ah; Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka, Gurmadka Deg-Dega, Dhalinyarada iyo xarumo kale oo ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiye Maxamed Axmed Amiir ayaa u kuur-galay howlaha shaqo ee ka socda waaxyaha uu shalay booqday, asigoona warbixin ka dhageystay madaxda waaxyaha.
Guddoomiyaha aqalka sare oo kulan la yeeshay gudiyada dib u eegista Dastuurka
Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa kulan la qaatay Guddiga la-socodka dib u eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.
Xubnaha Guddiyada ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ayaa warbixin ka siiyay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa la tashiyadii iyo soo jeedinta waxka bedelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka oo hadda maraya wajigii 2aad.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay una mahadceliyay Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.
Wasaaradda arrimaha dibadda oo soo dhaweysay ergeyga Shiinaha ee geeska Afrika
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Isaaq Maxamud Mursal ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee Dalka Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika danjire Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray Soomaaliya, isagoo la qaatay kulan gaar ah oo quseeya danaha labada dal.
Wasiir kuxigeenka ayaa Dawlada Shiinaha uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jirto xoojinta Horumarrada kala duwan ee Soomaaliya iyo nabadda Geeska Afrika isagoo bogaadiyay xidhiidka soo jireenka ah ee ku qotoma is ixtiraamka iyo wax wada qabsiga labada dhinac.
Soomaaliya waxay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo wadajirka Dalka Shiinaha, iyadoo ka mahad celinaysa sida ay Shiinaha uga go’an tahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Danjire Xue Bing ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey wuxuuna sheegay in safarkaan uu yahay kii sadexaad ee uu Soomaaliya ku yimaado, uuna rabo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dal, lana dhaqan galiyo heshiisyadii labada Madaxweyne ku galeen Shirkii Iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya.
Munaasabadda soo dhaweynta waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Wang Yu, Agaasimaha Waaxda Aasiya iyo Ustareeliya, Mudane Said Jama Mire, iyo Agaasimaha Waaaxda Hab-maamuuska Qaranka, Mudane Huseen Sheekh Cabdisalaam.
ah ku dhibaateynayeen.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka ka socda magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshisiinta XFS ayaa baaq nabadeed u direysa beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmareyso magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa dhinacyada dagaalamay loogu baaqay in si shuruud.la’aan ah ay ku joojiyaan colaada sababtay khasaaraha isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac,wax walbana lagu dhameeyo wada hadal.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo u dhaxeeyo laba beelood oo walaala ah waxa uu ka socday magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,kaa oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmayGuddoomiyaha Baarlamaanka Carabta
Safiirka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa shalay booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.
Gudoomiyaha Baarlamaaka Carabta ayaa soo dhoweyn ka dib ku celiyey in ay si adag u garab istaagayaan Soomaaliya dhinac kasta, waxayna isla soo qaadeen Arrimaha ka tagaan gobolka.
Danjire Awaare ayaa uga mahad celiyay Gudoomiyaha Baarlamanka Carabta garab istaagga joogtada ah ee Soomaaliya.
Hay’adda Duulista Rayidka oo hourmarin mug leh ku sameeysay Badqabka Duulista Rayidka Soomaaliya
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa hourmarin mug leh ku sameesay Badqabka Duulista Rayidka Soomaaliya iyadoo fulisay dhoolatus ku saabsan ka jawaabida Xaaladaha Deg-dega ah ee Duulista Rayidka Soomaaliya.
Dhoolatus-kan iyo aqoon-isweedaarsi la socday ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaatay Hay’addaha kala ah Hay’adda Socdaalka, Waaxda Canshuuraha Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Caafimadka, Ururada Diyaaradaha, shirkadda Diyaaradaha Egypt Air, Barnaamijka Cuntada Aduunka ee WFP, Xafiiska Adeeg gargaarka Hawada ee QM (UNHAS), shirkadda FAVORI LLC, ATMIS iyo UNSOS, isku imaanshahan ayaa saldhig u ah iskaashi dhex-mara bahda Duulista Rayidka Soomaaliya iyadoo go’aan mideeysan lagu horu-marinayo badqabka Duulista Rayidka iyo u diyaar-garowga xaaladaha deg-dega ah ee ka dhalan kara Duulista Rayidka Soomaaliya.
Ujeedada ugu muhiimsan ee dadaalkan ayaa ah in lagu horu-mariyo habka isku-duwida, hubinta habraaca xiriirada iyo sare u qaadida diyaarowga xaaladaha deg dega ah.
Xubnihii ka qeyb-galay kulankan ayaa aad uga faa’ideeystay aqoon-isweedaarsiga, waxaana xooga la saaray waxa la qaban karo iyo meelaha laga liito haddii xaaladi timaado iyo qorshaha tababar ee mustaqbalka si loo helo istaraajiiyad lagu howl-galo. Dadaalkan ayaa muujinaya tilaabo muhiim ah oo hore loo qaaday.
Dowladda Soomaaliya oo Masar uga warbixisay Qodobadii kasoo baxay Shirkii Ankara
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Dr. Badr Abdel Aty, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Faqi, oo ay ka wadahadleen xiriirka istiraatijiyaded ee kala duwan ee u dhexeeya labada dal ee dhinacyada siyasada, dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Labada wasiir waxay dabagal ku sameeyeen natiijooyinkii ka soo baxay shir madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex maray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya 10-kii October, 2024-ka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Masar uga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shir madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee Ankara ku dhexmaray Soomaaliya, Turkiga iyo Itoobiya, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu caddeeyay in ay ka go’an tahay in la ixtiraamto Qaranimada Soomaaliya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda, halka Dr. Badr Abdel Aty uu carabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto Argagaxisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida Gobolka.
Sidoo kale waxaa la isku afgartay in la dhameystiro isku xiriirka labada dal si loogu diyaar garoobo qabashada shir saddex geesood ah oo heer wasiir ah oo ay yeelanayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya, iyadoo la fulinayo awaamiirta madaxda siyaasadda ee saddexda dal iyo in lagala tashado arrimaha gobolka ee danta guud ah, si loogu adeego danaha amni iyo dhaqaale ee dalalka ay khusayso.
Dowaldda Turkiga ayaa todobaadkii hore ku guuleysatay inay xaliso khilaafka u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaa oo ka dhashay heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland horaantii sanadkaan 2024.
Danjiraha JFS ee Shiinaha oo kulan la qaadatay jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Yiwu
Danjiraha jamhuriyada federaalka Soomaaliya ee dalka shiinaha Dr Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan booqasho iyo is-xog wareysi la yeeletay Ganacstada iyo Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.
Danjire Hodan ayaa Jaaliyadda Magaalada Yiwu ka dhagaystay Xaalada iyo daruufaha haysto gaar ahaan Ardayda, Ganacsatada Waxay la wadaageen Caqabadaha Ka haysta Sharciyada dal ku galka Shiinaha iyo ku dal ku jooga.
Waxa ayna u ballana qaaday in ay Tabashadooda ay kulamo kala yeelan doonto Hay,adaha ay quseyso waxay jaaliyadda ugu baaqday wadajir iyo isku duubni
Safarkani danjiraha dowladda Soomaaliya ee Shiinaha Hodan Cisman aya qeyb ka ah boqashoyin ay ku mareysay gobolada kala duwan ee dalka shiinaha, Si looga ogaado xaaladaha ganacsatada iyo Guud jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool jamhuuriyadaa shacabka Shiinaha.
Shirka Amniga Qaranka oo warbixin la xiriirta caqabadaha Beeraleyda looga dhageystay Wasiir Maareeye
La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin Maxamud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qodobadii lagu soo bandhigay shirka Amniga Qaranka ay qeyb ka ahayd caqabado heysta Beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid tahay isbaarooyin sharci darro ah oo lacaga looga qaado.
Mudane Xuseen Macalin la taliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinno muhiim ah looga dhageystay shirka oo lagu casuumay Wasiirka Beeraha XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, kaas oo soo bandhigay xaaladda dhibta ah oo ay ku jiraan beeraleyda Shabeelooyinka, isagoo sidoo kale la wadaagay Golaha Amniga Qaranka sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah.
Lataliyaha ayaa sheegay in Wasiirka uu soo bandhigay saameynta dhaqaale ee wax-soo-saarka dalka ku yeelan karto hadaan xal loo helin caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Mudane Xuseen Macalin La taliyaha Amniga Qaranka, ayaa tilmaamay in madaxweynaha JFS uu ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.
Shirweynaha 15-aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo xoogga lagu saarayo Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga
Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasadka Soomaaliyeed oo maalintiisa labaad galay ayaa shalay xoogga lagu soo saari doodo la xiriira hanaanka dowlad dhiska casriga ah iyo Waxbarashada.
Shirka ayaa shalay xoogga lagu soo saari doonaa dood la xiriirta Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga ah, taas oo ay ka qeyb-gali doonaan Ambassador Daahir Maxamuud Geelle, Dr Maxamed Xuseen Ciise, Dr Saciimo Cabdullaahi, Dr Cabdiqaadir Macallin Nuur, Dr Maxamed Xaaji iyo Sheekh Ibraahim Maxamed kuwaas oo dhammaan ah aqoonyahanno dhanka Diinta Islaamka.
Dhanka kale waxaa isla shalay jiri doono dood kale oo la xiriirta Doorka ay waxbarashada kuleedahay dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay ka qeyb qaadan doonaan aqoonyahanno ka socda bahda Waxbarashada dalka iyo kuwa kale oo ka yimid dalka dibadiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daraad furay Shirkan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.
Shirkan oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Dib u Eegsita Iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddiga Dib u Eegsita Iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Xubnaha labada guddi ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyay arrimaha dib u eegista Dastuurka gaar ahaan cutubta 5-aad ilaa cutubta 9-aad oo uu guddiga gacanta ku haayo iyo sida loo wajahayo marka uu furmo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka iyo sidoo kale guud ahaan hanaanka dib u eegista dastuurka iyo qodobada ka harsan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa labada guddi uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen dib u eegista dastuurka isaga oo ku bogaadiyay habka ay u wadaan ka shaqeynta cutubyada harsan.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo Faah Faahiyay Dagaalkii Ka Dhacay Ceerigaabo
Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland, Axmed Cabdi Muse, oo kulan la qaatay taliyayasha guutooyinka ciidanka gobolka, ayaa sheegay in magaalada laga sifeeyay ciidamadii SSC Khaatumo ee dagaalka la galay kuwa Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay dibadda iyo gudaha magaalada labadaba, isla markaana ay ciidamada Somaliland guulo ka gaadheen, iyaga oo gacanta ku dhigay maxaabiis.
Waxa uu ka digay in la bililiqeysto guryaha dadka qaarkood ka qaxeen ee magaalada, isaga oo ciidamada amar ku siiyay in ay tallaabo ka qaadaan qof kasta oo xatooyo sameeya.
"Ciidanku waxay amar u haystaan in cid kasta oo shifto ah ama guryaha bililiqo ugu jirta in ay tallaabo adag ka qaadaan, amar cad oo buuxa ayaad u haysataan tallaabo ka qaadkooda dadka ku kacaya falalkaa," ayuu yidhi.
Dhinaca kale, waxa uu ka digay dadka shacabka ah ee hubaysan ee qoryaha dhex sita magaalada, isaga oo ciidamada ku amray in ay xabsiga u taxaabaan qofkii qori lagu arko.
"Qofka shicib ah ee Ceerigaabo lagu arko isaga oo qori sita, ciidanku waxay ku amranyihiin isaga iyo qorigaba in ay qaadaan," ayuu yidhi. "Oday ayaan ka daba iman doonin, cid kale oo looga habranayo ayaan jirin."
Waxa uu sheegay in dadka magaalada deggan aanay wax colaad ahi ka dhaxaynin, laakiin ay colaadu ka dhaxayso nidaam, iyo cid nidaamka duulimaad ku ah. SSC Khaatumo, ayaa dhankeeda Somaliland ku eedaysay in ay masuul ka tahay colaada kasoo cusboonaatay gobolka.
Ciidamada Somaliland ayaa dib ula wareegay xaafado ka tirsan magaalada oo lagu soo daadgureeyay ciidamo ka tirsan SSC Khaatumo, laakiin saansaan colaadeed ayaa wali ka taagan koonfurta Sanaag, oo ay labada ciidan isku horfadhiyaan.
Faahfaahino kasoo baxaya qaraxyo lagu weeraray guryo ku yaala magaalada Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo miino oo Habeen hore lagu weeraray guryo ku yaala degmada Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadaan ayaa la sheegay iney ahayeen miinooyin lagu xiray qaar ka mid ah guryaha ku yaala xaafada loo yaqaano Galmudug oo ka mid ah xaafadaha degmada Garasbaaleey.
Ilaa 5 ruux oo ay ku jiraan caruur ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen qaraxyadaan oo la tiradooda gaarayay ilaa 6 qarax, waxaana lasoo warinaya iney jiraan kuwa kale oo aanan qarxin.
Qaraxyadaan ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay ku xiran yihiin Kaamerooyinka CCTV oo ay horay u amartay dowladda fedaraalka in lagu xiro guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaala wadooyinka waa weyn ee muhiimka.
Ma jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Garasbaaleey iyo saraakiisha laamaha amniga Muqdisho oo ku aadan qaraxyadaan Habeen hore ka dhacay qaar ka mid ah guryaha ku yaala Garasbaaleey.
Ugu dambeyntii qaraxyada noocaan ah ee lagu beegsanayo guryaha ay ku xiran yihiin Kaamerooyinka CCTV ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay sidaan oo kale loo qarxiyay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka, waxaana xusid mudan in kooxda Al-Shabaab ay dhankeeda diidan tahay in Kaamerooyin lagu xiro goobaha ganacsiga ee ku yaala Muqdisho.
Saadaq Joon oo loo magacaabay taliye kuxigeenka hay’ada NISA
Madaxwenaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saadaq Joon u magacaabay xilka taliye kuxigeenka hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA kadib wadatashiyo arrintaasi ku saabsan oo maalmahan ka socday magalada Muqdisho.Somali tourism packages
Sida wararku tilmaamayaan, madaxweyne Xasan oo daraad galab ilaa habeen hore kulamo aan loo kala kicin la lagaa Saadaq Joon oo sidoo kale mudane baarlamaan ah ayaa soo dadajisay in shalay xilkaasi lasiiyo, walow uu quudareynayay xilka taliyaha NISA.
Magacaabista kadib, Saadaq Joon ayaa shalay safar deg deg ah ugu baxay dalka Jabuuti, iyadoo aan la ogeyn sababta soo dadajisay safarkann, walow uu qoys u dagan yahay halkaasi.
Saadaq ayaa kamid ahaa dadkii wax ka waday ololihii uu xilka madaxtinimo ugu guuleystay madaxweyne Xasan bishii May ee sanadii 2022.
30-ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay hawlgallo gobolada dalka ka dhacay
Afhayeenka wasaaradda gaasha-abdhigga dowladda FS Abuukar Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in maalmihii u dambeeyey ciidanka Qaranku fuliyey hawlgallo baaxad leh oo lagu naafeeyey Al-shabaab, loogana dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad u dagaalamayey.
Ku dhawaad 30-ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo hareerihiisa ka fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo nabadsugidda Qaranka, sida u sheegay afhayenka wasarada gaashandhiga.
Horjoogayaasha hawlgalkaas ka dhacay Shabeelaha dhexe lagu dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Abuu Busri oo loo yaqiin Zakariye, Xasan Xuseen oo loo yaqiin Abuu Xamama, Xasan Nasruallah oo loo yaqiin Abuu Baras, Cabduraxmaan oo loo yaqiin Macalin Aaden iyo xubno kale.
Afhayeenka ayaa xusay in sidoo kale hawlgal lagu naafeeyey Al-shabaab uu ka dhacay gobolka Mudug, gaar ahaan wadada xiriirisa degmada Xarardheere iyo Jowle, halkaas oo maleeshiyaadka looga nadiifiyey dhul ay dadka shacabka
Madaxweynaha Turkiga oo imaanaya Soomaaliya sanadka cusub ee 2025
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo booqan doona dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya horraanta sanadka soo socda ka dib markii uu dhex dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray xiisaddii qaraarneyd ee labada dal u dhaxeeysay sida uu ku yiri qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa X.
"Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya ee sanadka cusub, 2025” ayuu ku qoray dhambaal uu kaga hadlay heshiiskii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray Ankara 11-kii December.
Labadan Dowladood ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii u dhexeeyay muddo sannad ku dhow ka dib wadahadalo saacado qaatay oo uu dhexdhexaadinayey Erdogan oo ku tilmaamay heshiiska labada dal mid taariikhi ah.
Khilaafka labadaan dal waxa uu bilaabmay bishii January markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay Somaliland si ay u hesho dhul xeebeed iyo saldhig ciidan.
Taa baddalkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkastoo aysan weli Addis Ababa xaqiijin.
Dowladda Turkiga ayaa dhex dhexaadinta labadaan Dowladood waxa ay soo bilowday bishii Luulyo, waxaa dhacay labo wareeg oo hore oo wadahadal ah, ka hor intaan lagu guuleysan usbuucii hore wada hadalada la isku hor fadhiisiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, taasoo ammaan ka heshay Midowga Afrika, Washington iyo Brussels.
SSC Khaatumo oo Markale Somaliland Ku Eedaysay Colaada Ceerigaabo
Maamulka SSC Khaatumo ayaa sheegtay in Somaliland ay si badheedh ah u beegsatay qaar kamid ah shacabka Ceerigaabo, kadib dagaal 2 maalmod magaalada ka socday.
Warsaxaafadeed kasoo baxay SSC Khaatumo, ayaa lagu sheegay in dagaalka dhacay uu sababay dhimasho dad shacab ah, iyo dhac loo gaystay hantida dadweynaha qaarkood, falkaas oo aan ahayn kii ugu horreeyey balse ay Somaliland muddo badan handaad ku haysay qaybo kamid ah shacabka.
"SSC Khaatumo falkan waxa ay u aragtaa duulaan badheedh ah iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda bulshada," ayaa lagu yidhi warsaxaafadda. "Maamulka SSC Khaatumo waxa kale oo uu xusaya duqayntii aan kala sooca lahayn ee 9-ka bilood ay Somaliland ku haysay Laascaanood, taasi oo galaafatay nolosha dad shacab ah."
Madaxweynaha Somaliland ee cusub, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayay warsaxaafadeedku sheegtay in uu xaaladda uga sii daray, uuna go'aansaday in uu xoog ku gaadho xuduudii Ingiriiska. Cirro ayaa dhankiisa sheegay in uu xal diblumaasiyadeed ku joojin doono colaadda.
Dagaal 2 cisho magaalada Ceerigaabo ku dhexmarayay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo, ayaa hadda istaagay, iyada oo ciidamada SSC Khaatumo ay sheegeen in ay magaalada xeelad dagaal uga baxeen, dhinaca kalena warbaahinta Somaliland ayaa sheegaysa in magaalada awood lagaga saaray.
Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin khasaaraha rasmiga ah, lakiin waxa jira dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac leh, sidoo kale khasaare ayaa soo kala gaadhay labada dhinac.
Qaramada Midoobay oo raadineysa $1.42bn si loo ballaariyo howlaha bani'aadanimo ee Soomaaliya
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in uu u baahan yahay 1.42 bilyan oo doolar sanadka 2025 si loo dardargeliyo howlaha bini’aadanimo ee Soomaaliya, halkaasi oo uu sheegay in 5.98 milyan oo Soomaali ku nool ay u baahan yihiin gargaar.
OCHA, oo daah-furtay Qorshaha Baahiyaha Bani’aadantinimada iyo Jawaabcelinta ee Soomaaliya 2025 (HNRP), ayaa sheegtay in qorshuhu uu u ololeynayo horumarinta kor u qaadista iyo maalgelinta cimilada si wax looga qabto baahiyaha, dhisidda adkeysiga, yareynta khatarta musiiboyinka mustaqbalka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Sida laga soo xigtay hay'adda Qaramada Midoobay, iskahorimaadka Soomaaliya ayaa kor u kacay 53 boqolkiiba, iyadoo ay baraceen 455,000 qof oo cusub, halka jahawareerka cimiladu ay ahaayeen tirada ugu badan ee barakaca 2023 iyo 2022.
Si kastaba ha ahaatee, OCHA waxay sheegtay in kororka abaaraha isdaba jooga ah iyo daadadka ay culeys saarayaan awoodaha iyo adkeysiga malaayiin Soomaali ah, iyadoo intaas ku dartay in roobabka Deyrta oo aan caadi ahayn ay kor u qaadaan qeylo-dhaan abaaraha iyo baahiyaha bini'aadantinimo.
Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 17-12-2024
,,,,,,,