Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 15-12-2024
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay wasaaradda isgaarsiinta
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay wasarada Isgarsiinta iyo Teknoljiyada ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha hormudka u ah hannanka casriyeynta iyo danabenta adegyada dadwenaha.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka aya warbixin la xiriirta waxqabadka wasaaradda wuxuu ka dhageystay wasiirka wasaaraddaas Maxamed Soomaali, agaasimaga guud, agaasime-waaxeedyada iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda, waxayna ka warbixiyeen shaqada baaxadda leh ee ka socota wasaaradda iyo wakaaladaha ay wada-shaqeynta leeyihiin ee ay ka mid yihiin hay’adda isgaarsiinta Qaranka,hay’adda dhowrista xogta iyo hay’adda amniga Sayberka.
Sharaf ayey ii ahayd in aan shalay kormeer ku tago Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknooljiyadda ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, oo ka mid ah hay’adaha hormoodka u ah hannaanka casriyeynta iyo danabaynta adeegyada dadweynaha, loo na tayeeyo karaanka xirfadaha teknolojiyadda, hawlahan oo halbeeg udub-dhexaad ah u ah Qorshaha Isbeddelka Qaran ee la bilaaban doona sannadkan 2025.
‘’Wasaaradda iyo wakaaladahan ayaa door mug leh ku leh diyaarinta siyaasadaha iyo istiraatiijiyadaha gundhiga u ah danabenta adeegyada dawladda iyo kuwa gaarka ah ee ay ka mid yihiin ganacsiyada, jaamacadaha, iyo waaxaha kale ee adeegbixinta, sida oo kale na mahuraan u ah sugidda amniga qaranka,’’ ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Ugu dambeyntii, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ku bogaadiyay howlwadeennada wasaaradda shaqada muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay dardargeliyaan hirgelinta halbeegyada wasaaradda kaga aaddan qorshaha isbeddelka Qaran iyo in ay kala shaqeeyaan hay’adaha kale ee Dowladda iyo guud ahaan adeeg-bixiyaasha dalka sidii loo kobcin lahaa hannaanka danabeynta adeeg-bixinta si loo gaaro himilooyinka qaran ee amni,isku-filnaasho iyo kobac dhaqaale.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirweynaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in lacagta la siiyo argagixisada ay khatar ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka hortagga iyo ladagaallanka Maalgelinta Argagixisada, ayaa hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha Al-shabaab ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.
" Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Al-shabaab waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga".
Mudane Xamsa, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero ciribtirka Al-shabaab iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi: Qorshaha ciidamada AUSSOM qeyb kama ahayn wada-hadalladii Ankara
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay qorshaha ciidamada AUSSOM in uusan qeyb ka ahayn wada-hadalladii magaalada Ankara ee ay heshiiska ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay dowladda federaalka Soomaaliya in ay sii ahaan doonto awoodda ugu dambeysa ee xulista dalalka ciidamada ugu deeqaya howlgalka cusub ee AUSSOM.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Baaqa Ankara uu dib u xaqiijiyay madax banaanida Soomaaliya, midnimada, iyo wadajirka dhuleed, mabaadi’da muhiimka ah isagoo sheegay in dalku uu sii wadayo horumarka iskaashiga gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa doonaysa inay ciidamadeeda qeyb kasii ahaadaan howlgallada nabad ilaalineed ee Soomaaliya, kuna biiraan howlgalka cusub ee lagu wado inuu bilowdo sannadka cusub si uu u beddelo ATMIS.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa magaalada Ankara ka sheegay in ciidamada Itoobiya ay naf hurid u sameeyeen xasiloonida Soomaaliya. Horey madaxweynuhu wuxuu ugu eedeeyay ciidamada Itoobiya inay xadgudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya ka wadaan gudaha dalka.
Wasiirka Cadaaladda oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomeeliyeed ee dalka Turkiga
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin ayaa jaaliyadda Soomaliyed ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga habeen hore la yeeshay kulan ballaaran oo uu uga warbixiyay socdaalkiisa Turkiga, muhiimadda ay dalka u leeyihiin heshiisyo uu dhigiisa Turkiga daraad ay kala saxiixdeen, waxqabadka balaaran ee xukuumadda Danqaran, gaar ahaan horumarka laga gaary dib-u-habeynta Cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka Dastuurka iyo Istaraatiijiyadda Bahda Cadaaladda ee dhawaan la daah-furay.
Mudane Xasan Macallin ayaa sidoo kale ka qeyb galayaasha kulanka ka dhageystay talooyin khuseeya dowladnimada gaar ahaan geedi-socodka dhammeystirka dastuurka iyo horumarinta hanaanka Cadaaladeed ee dalka.
Kulanka dhexmay wasiirka iyo jaaliyadda Soomaalida ku nool Ankara oo guul kusoo dhamaaday ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Danjire Fatxudiin Cali Ospite.
Soomaaliya iyo Shiinaha oo u dabaaldegay 64-sano oo xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi istiraatiijiyadeed ah
Shalay waxa ay ku astueysan tahay sanad-guuradii 64-aad ee xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, iskaashigaas oo sii xoogeysanayay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu xiriirkaas soo bilowday 14-kii Diseembar 1960-kii, wax yar kadib markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, wuxuuna xiriirka labada dal ku dhisan yahay is-aaminaad, is-ixtiraam iyo wadaagidda horumarka iyo himilooyinka.
Bishii Sebtembar 2024, xiriirka labada dowladood ayaa sare loo qaaday oo la gaarsiiyay heerka iskaashiga istiraatijiyadeed ka dib kulan muhiim ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Shiinaha. Marxaladdan muhiimka ah waxay ka tarjumeysaa xiriirka qotada dheer ee ku saleysan wada-shaqeynta si loo gaaro yoolalka horumarineed ee labada dhinac.
Ra’iisal wasaare Zhou Enlai wuxuu ku sifeeyey Afrika inay tahay qaarad "kobceysa oo u jiheysan horumar iyo isbedel” ka dib, booqashadii uu ku yimid Soomaaliya horaantii, 1960-meeyadii, wuxuuna si qoto dheer uga sheekeeyay isbeddelka ballaaran ee ka muuqda Soomaaliya, sidoo kale, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay’’ Soomaaliya waxay aqbashay oo ay cagta saartay waddadii horumarka iyo isbeddelka, iyadoo iskaashi buuxa la yeelatay Dowladda Shiinaha si ay u gaarto himiladeeda ku aaddan horumarka iyo barwaaqada.
Iyadoo loo dabaaldegayo sanad-guurada 64-aad, Soomaaliya waxay xaqiijineysaa inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga muhiimka ah ee faa’iidada u leh labada dal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii Sebtembar ee sanadkan magaalada Beijing uga qeyb galay shir madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC), ayaa sheegay in ay sare u qaadeen xiriirka kala dhaxeeyo Shiinaha ka dib, kullan gaar ah uu la yeeshay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Mombasa ka daahfuray bandhigga Ganacsiga
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa daah furay Carwada, soo bandhigidda, dabaaldegga dhaqanka iyo ganasiga Soomaalida, kaas oo lagu qabtay magaalo xeebeedka, Mombasa.
Danjiraha Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan maamulka gobolka Mombasa, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qayb galay casho sharaftii lagu daahfurayay Firi Festival , laguna qabtay hotelka Blue Sky.
Qabashada Carwada iyo bandhigga ganacsiga Soomaalida ee Firi-Festival waxay ka marag kacaysaa quruxda iyo qaninimada dhaqanka dadka Soomaalida, waxa ay sidoo kale muujinaysaa kaalinta wax ku oolka ah oo ay dadka Soomalida ka qaateen dhismaha iyo horumarka wadamada ku yaala Bariga Afrika.
"Waxa Sharaf u ah dadka Soomaalida inay soo bandhigaan dhaqakooda, cududooda ganacsi ay ku leeyihiin dalka Kenya, isla markaana la wadaagaan shuucbta kale horumarka ay sameeyeen”, ayuu yiri Danjire Jabriil
Bandhiga oo shalay galay maalintiisii labaad ayaa waxaa u soo daawasho iyo ka dukaameysi u tagay goobta bandhiga kumanaan kamida dadka ku dhaqan magalaada Mombasa.
Bandhjgaan ayaa ka socda goobta lagu magacaabo, Mama Ngina Waterfront Park ee Magaalada Mombasa.
Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo
Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toos uga qeyb qadanaya howlgallada Al-shabaab looga xoreynayo dalka oo saldhig ka sameystay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xogga General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay muhiimadda xiligan u leedahay in Baydhabo soo gaaraan Diyaaradaha ciidanka Cirka, kuwaas oo uu sheegay inay door muuqda ka qaadan doonaan soo afjaridda al-shabaab ku dhuumaaleysanaysa halkaasi.
" Waxeenna waan ilaa-shaneynaa diyaaradahan waa kuwa muhiim inoo ah xiligan marka laga eego dhanka cirka, tani waxay inoo tahay shalay farxad aan la soo koobi karin, isagoo bogaadiyey Madaxda Qaranka dadaallada dib loogu dhisayo ciidanka Cirka oo uu sheegay inay muhiim gaar ah u yihiin xiligan oo Tiknoolajiddu gaartay meel casri ah” ayuu yiri Taliye Xasan Baydhabo.
Dhanka kale madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey diyaaradaha magaalada Baydhabo soo gaaray, iyagoo sheegay tan iyo 1991-dii kadib shalay Ciidanka Xoogga dalka heleen diyaaradahan muhiimka u ah howlgalka al-shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka.
Dhankooda Askarta ayaa la qiirooday inay arkaan qeybta 60-aad ee Xoogga dalka oo saldhigooda soo caga-dhigteen diyaarado u gaar ah Xoogga Dalka, iyagoo ku tilmaamay mid muhiim ah, una baahnaayeen inay helaan diyaaradaha noocan ah si dhanka cirka uga qeyb-qaataan la dagaalanka al-shabaab.
Diyaaradaha Ciidanka Cirka ayaa dhawaan bilaabay inay la howlgalaan Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb muhiim ka qaadanaya howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab ee ka socda dalka.
Hay’adda SoMDA oo deeq raashin u dirtay deegaannada maamulka SSC Khaatumo
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA, ayaa shalay magaalada Muqdisho ka dirtay deeq gargaar raashin ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Shiinaha ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku wajahan degaannada maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo.
Gargaarkaan oo ka kooban 500 oo tan oo raashin ah, ayaa Doon looga qaaday Dakedda Muqdisho, iyadoo intaas kadib Dakedda magaalada Boosaso looga daabuli doono gaadiid si degannada maamulkaas shacabka dantayar ee ku nool loo gaarsiiyo.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in Hay’addu u taagan tahay caawinta bulshada Somaliyed, si kasta oo wax loo gaarsiin karaana lagu gaarsiinayo.
Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in iyado la fulinayo awamirta madaxda qaranka ay hay’addu u taagan tahay xoojinta dadallada looga hortagayo abaarta La-nina taas oo laga cabsiqabo in dalkena ku dhufato, isago u mahad celiyay dowlada Shinaha oo garg-arkan ugu deeqay dadkeenna nugul.
Sidee Beesha Caalamka uga falceliyeen heshiiskii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya?
Beesha Caalamka ayaa si diirran u soo dhaweeysay heshiiskii ay magaalada Ankara ee dalka Turkiga kuwada saxiixdeen Ra’iisul Wasaraha Itobiya Abiy Axmed iyo Madaxwenaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud 11-kii Diseembar, 2024.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa heshiiska ku tilmaamay inuu yahay ficil muhiim ah. Wuxuu ku booriyay labada dhinac inay si degdeg ah u fuliyaan heshiiska iyaga oo qaadaya tallaabooyin waafaqsan qodobada lagu heshiiyay
Mareykanka ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda madax-banaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada waddan.
Washington waxay sheegtay in wada xaajodyada farsamo ee qorshuhu yahay in la billaabo Febrayo 2025 ay Itoobiya u suurtageliyaan marin badeed la isku halleyn karo oo waara.
Geesta kale, Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Hormarinta Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay in heshiiska Ankara uu astaan u yahay iskaashiga lagu xoojinayo xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.
Midowga Yurub ayaa heshiiska ku tilmaamay mid ka tarjumaya muhi-imada ixtiraamka iyo wada xaajodka lagu yarenayo xiisadaha gobolka.
Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo ku saleysan saaxiibtinimo iyo ixtiraam labada dhinac ah. Sidoo kale Qaramada Midobay ayaa ku bogaadisay Turkiga hoggaamintiisa dadaalkaasi.
Heshiiska Ankara ayaa qeexaya qorshe wada xaajood oo ku saabsan gelitaanka Itoobiya ee badda Cas, taasoo bilaabaneysa Febraayo 2025.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay iska kaashadaan dhammeystirka heshiisyada ganacsi ee ku saleysan madax-bannaanida Soomaaliya.
Dagaal beeleed khasaare geystay oo maalintii labaad ka dhacay gobolka Galgaduud
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Xarar Xeyle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Xarar xeyle ayaa ahaa mid daba socday dagaal Daraad halkaas ku dhexmaray labadaan maleeshiyo beeleed ee kasoo kala jeeda degmooyinka Guriceel iyo Ceel buur, kaasoo salka ku haayo dhul daaqsimeed.
Ilaa sideed ruux oo isugu jira labada dhinac ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaalada daraad iyo shalay ka dhacay deegaanka Xarar Xeyle ee gobolka Galgaduud, halka ay ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafeysa 10 ruux oo kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in dagaalku uu istaagay, hayeeshee Xaaladdu wali tahay kascsan, maadama ciidanka labada maleeshiyo beeleed ay wali is horfadhiyan waqti kastaba ay surtagal tahay inuu markale qarxo dagaal beeleedkaan.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagal beeleedkaan khasaraha kala duwan geystay ee daraad iyo shalay ka dhacay deegaanka Xarar Xeyle ee gobolka Galagaduud.
Ugu dambeyntii deegaanada iyo degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa inya badan ka dhaca oo kusoo laablaabta dagaal beeleedyo dhexmara beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanada maamulka Galmudug.
Kenya oo adkaysay ammaanka xuduudkeeda, iyadoo walaac ka qabta xiisadaha Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland
Kenya ayaa xoojisay ammaanka xududka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib iska horimaadyadii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni.
Saraakiisha Kenya ayaa walaac ka muujiyay in xaaladdu ay ka sii dari karto maalmaha soo socda.
Arbacadii todobaadkii hore, Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) oo ka cararay dagaalka Raaskambooni ayaa isku dhiibay ciidamada ammaanka Kenya ee ku sugan magaalada xuduudka Ishiakani.
Sida ay sheegtay dowladda Kenya, ugu yaraan 600 oo askari oo ka tirsan ciidamada federaalka Soomaaliya ayaa isku soo dhiibay Kenya fiidnimadii Arbacada.
Iska horimaadkan oo billowday subaxnimadii Arbacada ayaa ciidamada Jubbaland waxay cagta mariyeen xerada Raaskambooni, iyagoo gacanta ku dhigay askar ka tirsan dowladda Federaalka, sidoo kalena gubay gaadiid dagaal.
Kenya ayaa isku diyaarinaysa qulqulka qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararaya xiisadda xuduudka Soomaaliya, iyadoo dadkii ku noolaa tuulooyinka ay dhibaatadu ka dhacday ay isaga cararn guryahoda.
Kenya waxay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka geysay degaanada xaduudka ku teedsadan si ay wax uga qabtaan dhibaatada ka taagan xadka, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddu ay sii xumeyso xasilooni darada gobolka.
Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Somaliland oo Lagu Dhawaaqay
Waxa lagu dhawaaqay 28 wasiir, 16 wasiir ku xigeen iyo 3 wasiir u duule oo kamid noqon doono golaha fulinta ee xukuumada cusub ee Somaliland, ee uu gadhwadeenka kayahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Wasiirada xukuumada cusub ayaa ka kooban Cabdalla Maxamed Carab oo noqday Wasiirka Amniga Gudaha, Xasan Axmed Ducaale Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, iyo Yoonis Axmed Yoonis Wasiirka Caddaaladda. Cabdillaahi Xasan Aadan oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqalaha, Abdiraxmaan Daahir Aadan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) oo noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Difaaca. Wasiirada kale ee waaweyn waxaa kamid ah Marwo Kaltuun Xasan Cabdi Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta iyo Dr. Xuseen Bashiir Xirsi Wasiirka Horumarinta Caafimaadka.
Wasiirada kale waxaa kamid ah Axmed Maxamed Barre oo loo xilsaaray Tamarta iyo Macdanta, Fu’aad Axmed Nuux oo noqday Wasiirka Duulista iyo Hawada, iyo Cismaan Ibraahim Nuur Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa loo magacaabay Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda halka Milgo Maxamed Cilmi loo dhiibay Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac ayaa noqday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, halka Cabdiraxmaan Xasan Nuur loo magacaabay Ganacsiga iyo Dalxiiska.
Wasiiru-dawlayaasha waxaa kamid ah Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiiru-dawlaha Amniga Gudaha, iyo Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi Xasan Wasiiru-dawlaha Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Wasiiru-dawlayaashan ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan wasiirada.
Wasiir ku-xigeenada waxaa ka mid ah Mukhtaar Xaaji Muxummad Wasiir Ku-xigeenka Beeraha, Samsam Maxamed Saalax Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka, iyo Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) Wasiir Ku-xigeenka Dawladaha Hoose. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) iyo Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa iyaguna kamid noqday ku-xigeenada.
Waxa la filaya in dhawaan lagu dhawaaqo xubno kale oo kamid noqon doona xukuumada, madaama oo xubanaha wasiirada iyo wasiir ku xigeenadu ay kala badanyihiin.
Xukuumada Cusub ee Somaliland oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Heshiiskii Ankara iyo Isfahankii Itoobiya
Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskii Ankara ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay arrin aan khuseyn Somaliland, waxa kale oo ay xustay in is-fahamkii Somaliland iyo Itoobiya dib u eegis lagu samayn doono.
Afhayeenka Xisbiga Waddani, Maxamed Faraax Cabdi, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in heshiiska Ankara uu dhexmaray labo dal oo jaarka ah oo aanu saameyn ku lahayn Somaliland.
"Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal anagnuna waxan nahay Somaliland,” ayuu afhayeenku BBC-da u sheegay.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay mowqifka xukuumadda cusub ee ku aaddan heshiiskii is-faham ee horey u dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuu xusay in xukuumaddiisu weli aanay arag isfahankaasi, balse marka ay qiimeeyaan la gaadhi doono go’aan ku saleysan danta Somaliland.
"Xukuumaddu hadda ayay talada la wareegtay, waana arki doonnaa, marka la derso haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteennu ku jirinna laga shaqeyn mayo,” ayuu yidhi afhayeenku.
Xukuumadda cusub ayaa ballanqaaday in dhammaan heshiisyada muhiimka ah dib loo eegi doono si loo hubiyo in ay waafaqsan yihiin danaha Somaliland iyo mustaqbalkeeda. Waxaa sidoo kale xukuumaddu diiradda saartay in ay mudnaanta siiso mashaariicda hormarinta iyo nabadeynta gobollada bariga.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhawaan dalka Turkiga ku gaadhay heshiis dhigaya in Itoobiya ay marin badeed ka hesho Soomaaliya, iyo in Itoobiya ay aqoonsato midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Mareykanka oo soo dhoweeyay heshiiskii Ankara ay ku gaareen Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya
Mareykanka ayaa soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii Ankara ee dhacay Arbacadii kaasoo ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku xaqiijiyeen inay ka go'an tahay midba midka kale inuu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu ammaanay heshiiskan oo ay ku tilshalayy tallaabo horey loo qaaday, iyadoo ku ashalayy Dowladda Turkiga doorka dhex dhexaadineed ay arintaan ka qaadatay.
"Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka Antony Blinken.
Blinken waxa uu intaas ku daray in Washington ay sugeyso "wada xaajoodka farsamada" ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya "iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya."
Bayaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in sii socoshada wada hadallada labada Dowladood iyo ka qayb galkoodi ay muhiim u yihiin kobcinta xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.
Ukraine oo weerartay dhowr gobol oo ku yaala dalka Ruushka
Ciidamada Ukraine ayaa goor dambe oo habeen hore ahayd weerar drones ku qaaday dhowr goobood oo ku yaala gudaha dalka Ruushka.
Ciidamada Ukraine ayaa tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray xarun shidaalka lagu kaydiyo oo ku taala Gobolka Oryol, taasoo keentay in dab uu ka kaco goobta.
Gudoomiyaha Gobolka Oryol, Andrei Klychkov ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday dhisme kaabeyaasha dhaqaalaha ah.
Gudoomiyaha ayaa saaka bartiisa Telegram-ka ku soo qoray in guryaha qaarkood ee gobolka ay muraayadaha ka daateen daaqadaha.
Sidoo kale Gobolada Krasnodar, Bryansk iyo Belgorod ayaa lagu weeraray tiro kale oo drones ah, waxayna masuuliyiinta Ruushka sheegeen in khasaaraha ay gaysteen ay xadidan yihiin.
Vladimir Kondratyev, Gudoomiyaha Gobolka Krasnodar ayaa sheegay in nidaamka difaaca hawada ay ka hortaggeen, isla-markaana ay soo rideen diyaaradahaasi.
Kondratyev ayaa tilmaamay in burburka mid ka mid ah diyaaradaha ay waxyeelo ka soo gaartay guri la deganaa, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.
Gudoomiyaha Gobolka Bryansk, Alexander Bogomaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay in toddobo diyaaradood lagu soo weeraray gobolkaasi, balse lagu guuleystay in la soo rido, sida uu yiri.
Gudoomiyaha Gobolka Belgorod, Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay, gurina uu dab ka kacay, markii Ukraine ay soo weerartay buu yiri laba tuulo.
Weerarada lagu qaaday dhowrka gobolka ee Ruushka ayaa yimid, ka gadaal markii Militariga Ruushka ay gantaalo iyo drones ku garaaceen xarumaha tamarta ee Ukraine.
Ciidamada Ruushka ayaa si joogta ah u beegsanaya xarumaha tamarta muhiimka ah ee dalka Ukraine, iyagoo markaasi burburinaya quwadda korontada ee dalkaasi, xilligan oo qabow daran uu ka jiro dalkaasi, dadkuna aysan ka maarmi karin isticmaalka korontada.
Hoggaamiyeyaasha G7 oo kulan ka yeeshay colaadda Ukraine iyo is bedelka Suuriya
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Jimcihii muuqaalka fogaan aragga kaga qaybgalay kulan ay yeesheen hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah G7, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta taageerada militari ee Ukraine iyo is bedelka ka dhacay dalkaasi Suuriya.
Madaxweyne Joe Biden ayaa riixaya in la joogteeyo, lana xaqiijiyo taageerada militari ee Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka, waana lix toddobaad uun ka hor inta uusan xafiiska la wareegin Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo diidan gargaarka militari ee Ukraine.
Wada hadaladan ayaa daba socday bixinta 20 bilyan oo dollar oo Washington ay bilowgii toddobaadkan ku bixisay dhaqaale cusub oo Baanka Adduunka uu siin doono Ukraine.
Lacagtan ayaa qayb ka ah amaah cusub oo gaareysa 50 bilyan oo dollar oo kooxda toddobada waddan ay siinayaan Ukraine, taas oo lagu soo celin doono dakhli dulsaar ah oo laga helay hantida laga xanibay Ruushka.
Kooxda ayaa mabda’ ahaan bartamihii bishii August ku heshiisay qorshaha 50-ka bilyan ee dollar ee lagu caawinayo Ukraine, si ay ugu adeegsato dagaalka ay kula jirto Ruushka. Lacagtan ayaa xilligaasi lagu sheegay faa’iidada dulsaarka ee laga helo hantidii dibadda u taalay Ruushka ee la xanibay, ka dib duulaankiisii Ukraine.
Horaantii isbuucan sii dhammanaya, Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale ansixiyay kaalmo cusub oo la siinayo Ukraine, tani oo Kyiv siin doonta difaaca cirka oo dheeri ah, madaafiicda, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo baabuurta gaashaaman, waana xirmadii 72-aad ee Maamulka Biden uu siiyo Ukraine, tan iyo markii uu Ruushku weeraray.
Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono bixinta taageerada tooska ah ee Ukraine, illaa iyo inta laga gaarayo 20-ka bisha soo socota ee January, markaas oo Biden uu xukunka ku wareejin doono Trump.
Biden ayaa welwel badan ka qaba in Trump uu meesha ka saaro amaba uu yareeyo taageerada Kyiv. Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ballanqaaday in uu si dhakhsa ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine.
Dhanka kale Hoggaamiyeyaasha G7 ayaa kulankooda diiradda ku saaray is bedelka degdegga ah ee ka dhacay dalka Suuriya ee awoodda lagaga tuuray Madaxweyne Bashar Al Assad.
Hoggaamiyeyaasha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay taageeraan geeddi-socod kala guur ah oo horseedaya in la aamini karo mucaaradka la wareegay dalkaasi, oo ay tahay inay soo dhisaan dowlad loo dhan yahay.
Khamiistii, Hoggaamiyeyaasha G7 ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in soo dhaweynta dowladda cusub ee Suuriya ay ku xiran tahay ixtiraamka sharciga, daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee dalkaasi.
Inkastoo Mareykanka iyo xulafadiisa ay soo dhaweeyeen ridistii Bashar Al Assad, haddana kuma kalsoona kacdoonka uu hoggaaminayo Ahmed Al Sharaa oo loo yaqaano (Abu Mohammed Al Jawlani), haddii ururkiisa Hayat Tahrir Al-Sham ay Washington u aqoonsan tahay urur argagixiso.
Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa kooxaha Suuriya ka doonaya inay la yimaadaan nidaam amaba maamul aan ku dhisneyn diin oo laga sameeyo dalkaasi.
Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 15-12-2024
......