Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

0
Tuesday November 26, 2024 - 22:40:39 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb-galay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee shalay ka furmay Jabuuti ayaa ka hadlay muhiimadda maa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb-galay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee shalay ka furmay Jabuuti ayaa ka hadlay muhiimadda maalgashiga uu u leeyahay qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. "Haddii sharciyada UN, AU, iyo kuwa kale la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka. Laakiin haddii la dhaqangeliyo iskaashi ku dhisan ilaalinta shuruucdaas, waxa si wadajir ah looga faa'iideysan karaa kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, sida badda, wabiyada, iyo beeraha, oo dal kastaa leeyahay qeyb u gaar ah" ayuu yiri Wasiir Fiqi. Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa soo hadal qaaday dhacdii la xiriirtay xadgudubkii Itoobiya ee shir madaxeedkii ka dhacay Xarunta AU Addis-Abbaba ee dowladda Ethiopia kula kacday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. "Mar uu Madaxweynaheena H.E. Hassan Sheikh ka qeybgalayay shir ka dhacay Xarunta AU, waxaa lagu sameeyay xadgudub hab-maamuus ah, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Tani waxay muujinaysaa in aan la ixtiraameyn shuruucda iyo hab-dhaqanka caalamiga ah" ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi. Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maalintiisa labaad galay, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saarayaa 'Xoojinta Xasilloonida Gobolka: Muhiimadda u Hoggaansanaanta Iskaashi Ku Salaysan Shuruucda, Ganacsiga, iyo Nabadda Geeska Afrika.' Madashan ayaa inta ay socota Waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmibaarisyo, dood cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, xal waarana loogu heli lahaa xiisadaha ka aloolsan gobolka. Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa martigelinaya hoggaamiyayaal, aqoonyahanno, cilmibaarayaal, iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, iyo nabadda Gobolka, kuwaas oo kala yimid deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika iyo daafaha dunida, si ay khibraddooda iyo aqoontooda ugu biiriyaan doodaha iyo aqoon-iswaydaarsiga ka dhacaya madasha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip