Shacabka Gobolka Banaadir oo taageeray in dalka laga qabto Doorasho qof iyo cod ah

0
Tuesday November 26, 2024 - 22:33:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Gobolka Banaadir oo taageeray in dalka laga qabto Doorasho qof iyo cod ah

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax balaaran oo Bulshada Caasimadda Muqdisho ay ku taageerayeen Go'aankii labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax balaaran oo Bulshada Caasimadda Muqdisho ay ku taageerayeen Go'aankii labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen xeerarkii Doorashooyinka, Xisbiyadda iyo Guddiga Doorashada iyo Sohdimaha dalka. Sidoo kale kumanaanka shacab ee isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go'aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka. Duqa Muqdisho ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado Doorasho qof iyo cod si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto, iyadoona isku soo baxa ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Madaxda Ururada Dhalinyarada, Haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Caasimadda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip