inta ka aqriso wararka wargeyska mogtimes
Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka
Mudanayaasha labada aqal ee Barlamanka Jamhuriyada Federalka Somalia ayaa yeeshay kulankooda 10-aad ee wadajirka ah waxaana shir Guddoomiyay Gudoo-miyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur (Madobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeennada labada aqal.
Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta Hindisaha sharciyeedka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuur-iyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha Guddiga Doora-shooyinka iyo Soohdimaha Xildhi-ban Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanadda la wadaagay warbi-xinta akhrinta sedaxaad Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyada Federaalka Somalia.
Intaasi kadib Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday xeerkan ayaa waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Adan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.
Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fed-eralka Soomaaliya aya dhawanahan waday ka doodista Xeerarka doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda, taas oo muhiim u ah in dalka ay ka dhacdco doorsho qof iyo cod ah.
Soomaaliya oo Ku Biirtay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ka Dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah
Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay Somalia ku biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Ababulan ee Caalamiga ah (UNTOC) iyo heshiisyadiisa kale.
Talaabadan taariikhiga ah waxay xoojineysaa dadalka Soomaaliya ee la dagallanka dambiyada ababulan ee caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo ammaanka caalamiga ah.
Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Mudane Baashi Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Sooma-aliyeed iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Talaabadan muhiimka ah waxay muujineysa horumarka weyn oo ee laga gaaray dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah iyo ka qaybqaadashada nabadda iyo xasilloonida adduunka.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay sii wadaysaa dadaalka lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee maamulka caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga xooggan ee ay la leedahay beesha caalamka.
Soomaaliya oo ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards
Munaasabad heerkeedu sareeyo oo ka dhacday dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya waxa ay ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards, iyadoo tartanka ugu guuleysatay Mareykanka, Ingiriiska, India iyo Kuuriyada Koonfureed.
"Waxaan ku faraxsannahay in aan Soomaaliya
guul uga soo hooynay abaalmarinta caalamiga ah ee
inta ka aqriso wararka wargeyska mogtimes
...