HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 21, NOVEMBER 2024

0
Thursday November 21, 2024 - 06:08:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 225
  • (Rating 4.8/5 Stars) Total Votes: 18
  • 18 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 21, NOVEMBER 2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku cel iyay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaali -yeed in ay doortaan madaxda hoggaa minaysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Boqorka Dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqor tooyada Ingiriiska ee magaalada Muq disho ayaa bogaadiyey xiriirka soo jir eenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska. Madaxwey naha ayaa sidoo kale soo bandhigay ahmiyadda ay u leedahay xoojinta dow -ladnimada iyo horumarinta dalka hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dad -weynaha.

"Doorashadu waa tiirka ugu muhiim san dimuqraadiyad ku saleysan rabitaa nka shacabka Soomaaliyeed, dowlad du waxay ka shaqeynaysaa in shacab ka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkoo da iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saaxiibada caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliyeed ay ku ga rab istaagaan marxaladdan taariikhiga ah, si loo helo daganaansho siyaasa deed, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada dalka.

Sheekh Sharif iyo Xasan Cali Kheyre oo soo dhoweeyay xildhibaanada cusub ee Jubaland

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaami -yo Madaxweynihii hore ee Soomaa liya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa hambalyo u diray Baarlamaanka 3aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland oo ay xulashadiisu shalay soo gabaga beeyeen odayaasha dhaqanka Juba -land loona dhaariyay xilka lagu xildhiba animo waxaana xisbiga uu bogaadina yay Guddiga Madaxa bannaan ee Xu duudaha iyo Doorashooyinka Jubaland shaqooyinka ay ilaa hadda ay ka qab teen doorashada Jubaland.

"Sida uu qabo qodobka 120ad ee Dastuurka KMG ah, Dhismaha laama ha xeer-dejinta iyo fulinta ee maamul lada Dawladaha xubinta ka ah Dawlad da Federaalka waa arrimo lagu nidaa minayo Dastuurrada maamul-goboleed yada, sidaa awgeed Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Fe deraalka Soomaaliya in ay u hogaansa maan Dastuurka Dalka" ayaa lagu yiri War saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran .

Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubaland ee shalay lagu dhaariyay ma gaalada Kismaayo.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Xildhi baannada Golaha Wakiillada ee Dowla d-Goboleedka Jubaland ee ay soo xu leen Odayaasha Dhaqanka Jubaland, Waxaana ugu baaqayaa in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana shaqeeyaan horumarinta shu ruucda iyo hay’adaha Jubbaland, ayna mudnaan siiyaan ilaalinta danta guud, iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bul shada Jubbaland" ayuu yiri Kheyre .

Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in dowlad Goboleedyada kale ee dalka ka jira loo baahan yahay inay qaadaan wado lamid ah midda Juba -land ay hadda cagta ay saartay.

"Dhismaha Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland waa tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka dalka oo huba nti la’aan ku jiray, Waxaana madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Hir -shabeelle, iyo Koonfur-Galbeed ugu baaqayaa in ay degdeg ah u qabtaan doorashooyinka oo ah xuquuq aasaasi ah oo dastuurka dalku u madaxbannee yay dowlad-goboleedyada." ayuu yiri Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Baarlamaanka oo ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda JFS

Guddoomiyaha Guddiga Ku meel gaarka ah ee u xilsaaran diyaarinta xe -erarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Baarlamaanka ayaa laba da aqal ka hor aKhriyey wax ka badal lagu sameeyey hindise sharciyeedka ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee Dalka.

Intaas kadib Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaas adda Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dha -waaqay natiijada, isagoo sheegay inay Xeerka ogolaatay 177 Xildhibaan, waxaana ka aamusay hal mudane,ma jirin Xildhibaan diiday.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya ayaa tan iyo horaan tii bishan toos u guda galay dhameystir ka Xeerka doorashooyinka Qaranka si shacabka Soomaaliyeed u heleen xuq -uuq dhameystiran oo ku aadan qof iyo cod, si meesha looga saaro doorasho dadban oo uu dalka ku sii jiro.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gu daha XFS Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ay aa labada aqal ee Baarlamaanka Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahaceliyey ansixinta sharciga Ururada iyo Xisbiyada siyaasadeed ee Dalka.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolo -jiyadda XFS oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda UNDP

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloji -yadda xukuumadda Federaalka Soo -maaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaaliya) ayaa shalay xa -fiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaami nayey madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Leonel iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka dhex maray Wasiirka Isgaars -iinta XFS iyo madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP Soomaaliya waxaa dii radda lagu saaray xoojinta horumarinta iyo sara uqaadista Digital-ka Dalka.

Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaa liya mr.Leonel ayaa balan qaaday inay wasaaradda kala shaqeyn doonaan sara uqaadista Degitaalka maadaama ay wasaaradu ka shaqeyso Howlaha ugu muhiimsan ee dhanka Isgaaraiinta iyo Teknolojiyadda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyad Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo tayeyn lahaa Teknolojiyada looga na faa’ideysan lahaa khuburada ka ga cansiin karta howlaha la xiriirta Degital ka iyo guud ahaan Teknolojiyadda Dal ka.

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Shiinaha oo laga guddoomiyey nuqullo ka mid ah warqadaha Aqoosniga

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya u fadhin doonta dalka Shiinaha Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi ayaa shalay uqullo kamid ah Warqadaha aqoonsiga Danjir enimmo waxaa ka guddoomay ku-xigeenka agaasimaha hab-maamuus ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Li Jinjin.

Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi oo maalin ka hor halkaas gaartay ayaa sheegtay inay door muuqda ka qaadan doonto xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka ee Soom aaliya iyo Shiinaha iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ee labada dhi nac wadaagaan.

Hay’adda socdaalka oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan hubinta Dukumintiyada socdaalka

Kulankan oo uu goobjoog ahaa aga -asime ku xigeenka hay’adda mudane Xuseen Cabdullaahi Sheekh, isla mar kaana ay ka qayb galeen Agaasinka waaxyaha xuduuddaha iyo socdaalka, madaxda qaybaha socdaalka iyo xu -duuddaha iyo saraakiisha ka howlga sha Socdaalka ayaa waxaa diirada la gu saaray sidii xoogga la saari lahaa hubinta dokumintiyada dadka kasoo de ga iyo kuwa ka baxa garoonka Aadan Cabdulle.

Sidoo kale waxaa kulankaas shalay looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha adeegga socdaalka, iyadoo dadka loogu adeegayo si hufan.

Adeegga socdaalka ayaa ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan oo ay hay’ addu u qabato dadwaynaha, waxaana uu laf-dhabar u yahay ilaalinta amniga xuduuddaha dalka, taas qayb ka qaa -danaysa sugidda amniga Qaranka.

Golaha Wakiilada Puntland oo shalay Su’aalo weydiinaya Wasiir

Golaha Wakiilada Puntland ayaa shalay magaalada Garoowe ku yeela naya kulan muhiim ah oo siyaasadeed. Kulankani waa Fadhiga 16-aad ee Kal fadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada maamulka Puntland, waxaana ajanda ha ugu muhiimsan ee lagu falanqeyna yo uu yahay La Xisaabtanka Golaha Xukuumadda.

Kulankan, Wasiirka Wasaaradda Wax barashada iyo Tacliinta Sare ee Punt -land ayaa hortagi doona Golaha Wakiil ada, iyadoo la filayo in xildhibaanada ay su’aalo badan ka weydiiyaan shaqa da iyo fulinta hawlaha wasaaradda.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in la sameeyo isla xisaabtan dhab ah oo ku saabsan hufnaanta iyo waxqabadka xu kuumadda Madaxweyne Siciid Deni.

Kulamada noocan ah ee Golaha Wak -iilada iyo u yeeridda Wasiirada ayaa lagu wadaa inay sii socdaan, iyadoo la filayo in wasiiro kale mustaqbalka ay hortagaan Golaha si loo dhammeystiro hawlaha xisaabtanka iyo kormeerka shaqada dowladda.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay Go -laha Wakiilada Puntland u xoojina -yaan doorkooda kormeerka iyo hagista Xukuumadda.

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo billaabay Kormeerkiisii ugu horreeyay

Madaxweynahii cusub ee Somali -land, ayaa shalay bilaabay kormeerkii sii shaqo ee ugu horreeyay tan iyo mar kii shalay la shaaciyay inuu guulaystay doorashadii Madaxweynaha ee maa -mulkaasi.

Kulankan wuxuu astaan u yahay bilo -wga hawlgalka maamulka cusub ee uu hogaaminayo, iyadoo Cirro uu ku bi laabay kulanka saraakiisha ciidamada Somaliland si uu u dhiso xiriir adag oo dhinaca ammaanka ah. Kulankaasi oo uu si gaar ah ula yeeshay Taliyaha cii -damada Somaliland, waxaa ka soo qaybgalay sidoo kale saraakiisha sare ee ciidamada, kuwaas oo qeyb ka ah qorsheyaasha amniga iyo xoojinta xaa ladda gudaha ee dalka.

Kulankaasi ayaa qeyb ka ahaa dadaa -llo lagu doonayo in lagu xoojiyo awoo -dda ciidamada, isla markaana la muu jiyo go’aanka adag ee Madaxweyne Cirro ee ku aaddan amniga iyo xasiloo nida Somaliland. Waxaa la filayaa in Madaxweynaha cusub uu sii wadi doo no kulamo kala duwan oo la xiriira ma daxda iyo qaybaha kala duwan ee bul -shada, si uu uga dhabeeyo ballanqaad yadiisii doorashada iyo sidii loo heli la haa horumar iyo wada shaqayn dhame ystiran.

Ka sokow kormeerkiisa shaqo ee ciid -amada, guushii Cabdiraxmaan Maxa -med Cabdillaahi (Cirro) ee doorashadii Madaxweyne ayaa sababtay farxad iyo dabaaldeg weyn oo ka dhacay magaal ooyin kala duwan oo Somaliland ka tir san, iyadoo si gaar ah loogu dabaal de gay Burco iyo Hargeysa. Muuqaalada iyo sawirrada dabaaldegyada ayaa si ballaaran loogu baahiyay baraha buls -hada, taasoo muujinaysa taageerada ballaaran ee uu ka helay shacabka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, markii Guddi ga Doorashada Somaliland ay shalay shaaciyeen in Cirro uu ku guulaystay codadkii ugu badnaa, wuxuu jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa. Waxaa uu ku baaqay in la joojiyo dab -baaldegyada guusha sabab la xiriirta xanuunka iyo murugada geeridii mada xweynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo. Cirro wuxuu muujiyay da reen tixgelin iyo xushmad leh, isagoo si calool furan uga hadlaya marxa ladda adag ee siyaasadeed ee dalka.

Cirro, oo si weyn looga taageeray sha cabka, ayaa markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxweynaha waxa uu wajahaya marxalado adag oo siyaasa deed, gaar ahaan xaaladaha cakiran, kuwaas oo ay ka mid yihiin kala duwa naanshiyaha siyaasadeed iyo caqaba daha amni. Waxaa uu hadda ku waja hanyahay xaalad isbeddel weyn ku im aanaysa, taas oo ka dhigan in uu wa jahayo hawl adag oo ku aaddan xasilin -ta siyaasadda gudaha, horumarinta dhaqaalaha.

 

Beesha caalamka oo ugu baaqday madaxweynaha Jubbaland inuu dib ugu soo laabto Golaha Wadatashiga Qaran

Saaxiibada caalamiga ah ee Sooma -aliya taageera ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soo -maaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.

Bayaan kasoo baxay dalalka iyo hay’ adaha taageera Soomaaliya, waxaa la gu boorriyay dhammaan saamilayda si yaasadeed inay ka qaybqaataan dood do wax-ku-ool ah oo loo dhan yahay, si loo xalliyo khilaafaadka ku aaddan han naanka doorashooyinka.

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si gaar ah loogu baaqay inay dib ugu soo laabato Golaha Wadatashiga Qaran si loo adkeeyo wadashaqeynta Dowlad Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

"Saaxiibada caalamku waxay ku adke eyeen dhammaan dhinacyada in laga fogaado falalka xiisad-abuurka ah, iya doo lagu baaqay in la bilaabo wadaha dal furan oo ku saabsan dhammaan arrimaha taagan, ka hor inta aan la dhameystirin geeddi-socodka dooras hada.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka.

Saaxiibada Caalamka ayaa ku celce liyay in ay Soomaaliya ka taageera yaan dowlad-dhisidda, oo ay ku jirto higsiga ah in la gaaro doorasho qof-iyo-cod ah. Waxay carrabka ku adkee yeen in loo baahan yahay taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed si loo helo doorashooyin hufan oo loo dhan yahay.

In ka badan 420,000 oo qof oo ku barokacay Soomaaliya 10 bilood gudahood

In ka badan 427,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya 10-kii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2024-ka, sida ay sheegtay Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR).

Heerka barakaca gudaha ee ka dha shay iska horimaadyada iyo ammaan-darrada ayaa aad u kordhay bishii Oktoobar, iyadoo gobollada Gedo, Bay iyo Banaadir ee koonfurta Soomaaliya laga diiwaan geliyay tirada ugu badan ee dadka barokacay.

UNHCR oo dabagal ku samaynaysay is-beddellada barakaca gudaha 17-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa diiwaan gelisay ilaa 66,000 oo barokac gudaha ah bishii Oktoobar, kuwaas oo 50,000 ka mid ah loo aaneeyey colaado iyo na badgelyo-xumo, halka 3,000 ay sabab u yihiin jahawareerka isbeddelka cimila da ee sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Sida laga soo xigtay UNHCR, cunto, hoy, biyo, taageero nololeed iyo dar yeel caafimaad ayaa ah baahiyaha u gu sarreeya ee qoysaska cusub ee soo barakacay.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay siisay gargaar dadka gudaha ku barakacay ee nugul (IDPs) iyo bulshooyinka marti da loo yahay ee ay saameeyeen iska horimaadyada, amni-darrada iyo isbed delka cimilada.

Hay’addu waxay sheegtay inay ka shaqeynayso sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga, magan-gelyo-doonka, qaxootiga soo laabanaya iyo barakaca -yaasha, iyadoo lala kaashanayo dow -ladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya.

Madaxweyne Biixi oo Garab Istaag u Muujiyay Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland

Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cu sub ee la doortay Cabdiraxmaan Maxa med Cabdillaahi Cirro.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in doorashada loo galay sidii bulshadu ay u dooran lahayd qofka ay rabaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in doora -shada Madaxweyne Cirro ay sharci tahay, isla markaana uu xisbigiisu aq -balay natiijada.

"Hambalyo madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi guusha aad gaadhay. Waxaan balan qaadayaa taageero buuxda kula bar -bar istaago iyo in aan xilka si hufan kuugu wareejiyo, Allaha xilkaaga ka dhigo mid horseeda nabad, horumar, iyo guulo waara oo dalkeenna qaaliga ah u soo hoyda" ayuu yidhi Madaxwey ne Biixi.

Biixi waxa uu ku dheeraaday muhiima -da ay leedahay in natiijada doorasha da aan lagu murmin, iyo in bulshadu ay barbar istaagaan xukuumada cusub, isaga oo madaxweynaha la doortay Alle uga baryay in uu ku guuleeyo xilka culus ee loo doortay.

Waxa uu dhinaca kale uga mahadceli yay taageerayaashiisa dadaalkii ay la garab istaageen iyo sidii ay fursada ugu siiyeen in uu 7 sanno xilka hayo, isaga oo uga digay caadifada iyo wax yaabaha aan midnimada bulshada u fiicnayn ee ay dadka qaar faafiyaan.

Jubaland oo mucaaradka ugu baaqday in ay si nabad ah uga qeyb galaan Doorashada Madaxtinimo

Wasiirka Qorshaynta Jubaland Cab -diraxmaan Cabdi Axmed ayaa Siyaa siyiinta mucaaradka ah ee Jubaland ugu baaqay in ay si nabad ah uga qayb galaan nidaamka Doorashada Ju -baland, waxaana hadalka Wasiirka uu ka dambeeyay kadib markii ay mushari -xiin Mucaarad ah oo hogaanka Jubala -nd u hanqal taagaysa ay walaac ka muujiyeen kalsoonida lagu qabi karo ni -daamka doorasho ee Jubalanad.

"Anigoo qadarinaya cid walba oo Xu -kumadeenna ka aragti duwan, dooney sana kursiga Madaxtinimo, waxaan ku boorinayaa in ay uga qayb galaan nida amka Doorashada iyagoo ilaalinayaa Nabad-galyada iyo Xasiloonida Bulsha da reer Jubaland" ayuu yiri Cabdirax maan Cabdi Axmed, Wasiirka Wasaa radda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa kusugan musharixiin mucaarad ah oo iyagu dha -liilsan nidaamka Madaxweynaha Dow -lad Goboleedka Jubaland Axmed Ma doobe, sidoo kale maalmihii ugu dam beeyay waxaa ay walaac ka muujina yeen inaan lagu kalsoonaan karin Gud diga doorashada ee Axmed Madoobe magacaabay.

Midowga Musharaxiinta Jubaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa horey u soo saaray Liiska Guddiga Doorashooyinka Jubaland iyagoo uga jawaabayay Guddiga Doorashada uu Axmed Madoobe magacaabay.

Sida ku cad jadwalka doorashada, maalinta Berrito oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo la -gu qabto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubaland iyadoo shalay la qabanayay araajiida mush arixiinta u taagan xilka Gudoonka.

Xoghayihii hore ee difaaca UK oo sheegay in Donald Trump uu aqoonsanayo Somaliland

Sir Gavin Williamson, xoghayihii hore ee difaaca ee Boqortooyada Mido -wday, ayaa sheegay in Donald Trump uu dhowaan wadahadalo la yeeshay kooxdiisa ku aaddan aqoonsiga Somali land, taas oo noqon doonta tallaabo muhiim ah oo siyaasadeed, sida uu u sheegay wargeyska The Independent.

Sir Gavin ayaa ku kalsoon in Trump uu arrintan qaadi doono marka uu xafii ska la wareego bisha Janaayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soma liland ay u leedahay muhiimad geostra tegic, gaar ahaan marka loo eego bad -da Cas.

Xoghayihii hore ee difaaca UK ayaa hormuud ka ahaa olole ballaaran oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, oo ah qayb ka mid ah degaanada Soomaali yeed ee uu Ingiriisku gumaystay, isla markaana muddo ka badan 30 sano olole ugu jirta inay ka go'do Soomaali ya inteeda kale.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay dhawaan ku guulaysa tay doorasho xor iyo xalaal ah oo uu ku guulaystay Cabdiraxmaan Maxa -med Cabdillaahi, hoggaamiyaha muc -aaradka, isagoo helay 53% codadkii doorashada.

Aqoonsiga Somaliland ayaa ah mid weli ka taagan muran, waxaana arrin tan laga yaabaa inay saameyn ku yee lata siyaasadda gobolka iyo xiriirka caa -lamiga ah ee Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ee Ukraine oo cabsi darteed loo xiray

Safaaradda Mareykanka ee Kyiv ayaa si ku meel gaar ah loo xiray ka dib markii ay heshay "xog gaar ah oo ku saabsan weerar diyaaradeed oo oo dhici kara shalay oo ay bishu tahay 20-ka November”.

"Taxaddar badan awgeed, safaarad da waa la xirayaa, shaqaalaha safaara dda waxaa la farayaa inay gabaad raa -dsadaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafad -eed la soo saaray.

Safaaradda ayaa sidoo kale ku talisay in muwaadiniinta Mareykanka ay u di yaar garoobaan haddii ay dhacdo in di -gniin dhanka hawada ah lagu dhawaa qo.

Xaaska mid ka mid ah mucaaradka Uganda oo sheegtay in ninkeeda lagu afduubtay Kenya

Xaaska Kizza Besigye oo ka tirsan mucaaradka Uganda ayaa sheegtay in ninkeeda lagu afduubtay dalka deriska ay yihiin ee Kenya, haatanna uu ku xi -ran yahay xabsi ciidan oo dalka Ugan -da ku yaalla.

Qoraal ay soo dhigtay barta X, ayay Winnie Byanyima ku sheegtay in nin -keeda lagu qabtay caasimadda Kenya ee Nairobi Sabtidii lasoo dhaafay, xilli ay socotay munaasabad lagu soo ban dhigayay bug oo uu ka qayb galayay.

Waxay sheegtay in hadda lagu hayo xabsi ciidan oo ku yaalla magaalada Kampala, iyadoo dowladda ka dalba tay in ay sii dayso ninkeeda.

Besigye, oo 68 jir ah, ayaa hogaami naya xisbi siyaasadeedka Forum for Democratic Change (FDC), isagoo ku la tartamey afar doorasho oo madaxti nimo Yoweri Museveni oo talada haya -y tan iyo 1986-kii.

Kuuriyada Koonfureed oo sheegtay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi la geeyey Kursk ee Ruushka

Ku dhawaad ​​11,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ayaa la gee yay Kursk, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan Kuuriyada Koonfureed shalay, isagoo soo xiganaya hay’adda sirdoon ka qaranka ee NIS.

Xubin ka tirsan guddiga sirdoonka ee baarlamaanka Lee Seong-Kweun ayaa sheegay in ciidamada loo raray gobol ka dabayaaqadii Oktoobar ka dib mar kii ay dhammeeyeen tabobar la qab siga goobta ee waqooyi bari Ruushka.

Waxa uu intaa ku daray in Kuuriyada Waqooyi ay sidoo kale rartay sahay ciidan oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan gantaalada badan iyo kuwa riddada dheer.

Wararka xanta ah ayaa markii ugu ho -reysay soo baxay bishii Oktoobar in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay bilaa bayaan taageerada dagaalka Ruushka ee Ukraine, inkastoo aysan isla markii -ba u muuqan doorka ay buuxinayaan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheeg -ay in askarta Kuuriyada Waqooyi ay isku dhaceen ciidamada Ukraine 4-tii November.

Seoul, si kastaba ha ahaatee, waxa ay sheegtay in aanay rumaysnayn in ciidamada labada dhinacba uu dagaal toos ah dhex maray, isla markaana ay dhacday dhacdo ay ku lug lahaayeen tiro yar oo ka mid ah askarta Kuuriya da Waqooyi oo ku dhow jiida hore ee dagaalka.

Moscow iyo Pyongyang ayaan si toos ah uga Jawaani arrintan.

Xisbullah oo sheegtay in dagaalyahanadoodu ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada Israa'iil

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in dagaalyahanna dooda ay beegsadeen askar Israa’iili -yiin ah oo isku dayayay inay daadgu -reeyaan ciidamo ku dhaawacmay gan taallo la hagayay habeenkii Talaadada meel u dhow magaalada Markaba ee koonfurta Lubnaan, iyagoo xaqiijiyay in ay "dhimasho iyo dhaawac soo gaa reen” askartaasi.

Xisbullah ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyaha -nnadoody ay "ku beegsadeen ciidama da lugta ee Israa’iil gantaal la hagayey.

Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay dhi -mashada hal askari iyo dhaawaca sad -dex kale oo ku dhaawacmay dagaallo ka dhacay gudaha dhulka Lubnaan, iyadoo ciidamada Israa'iil ay howlgalo xaddidan oo dhulka ah ka wadaan koonfurta Lubnaan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Ukraine oo Ruushka ku weerartay gantaalladii Mareykanku u fasaxay

Dowladda Ukraine ayaa markii ugu horeysay gantaallada riddada dheer ee Mareykanku u fasaxay ku garaacaday dhulka Ruushka, maalin kadib markii Washington ay siisay ogolaanshaha ay ku adeegsan karto.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay adeegsiga Nidaamka Gantaallada Taatikada ee iidanka.Wa -saaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in duqaynta lala beegsaday gobolka Bryansk oo xuduud la leh Ukraine subaxnimadii Talaadada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in shan gantaal la soo riday oo mid ka mid ah uu gaystay khasaare, iyadoo burburka gantaalka uu dab ka kiciyay xarun cii -dan oo ku taalla gobolka.

Laakin laba sarkaal oo Maraykan ah ayaa sheegay in xogaha ugu horreeya ay muujinayaan in Ruushku uu qabtay laba gantaal oo ka mid ah gantaallada ay Ukraine ku ridday Ruushka.

Soomaaliya oo ka mid noqon karta 10-ka Dal ee ugu keydka Shidaalka badan Adduunka


Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu markaasi uga qeyb galo munaasabadda soo dhaweynta Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in tani ay muujineyso walaaltinimada labada Dal iyo labada Shacbi. "Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah loo daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

"Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. shalay mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, "Soomaliya waa cusub ayaa u baryey Shidaalka dalkeena ku jiro ayaan la soo baxeena”, ayuu sii raaciyay.

Haddaba Warar hordhac ah ayaa laga helayaa sahanka baariseed ee laga bilaabay Soomaaliya, taasi ee uu bilaabay Markabka laga leeyaha dalka Turkiye, islamarkaana ay wehlinayaan maraakiib kale oo isugu jira kuwa caawinaya isaga iyo kuwa ay saara yihiin ciidamada badda ee Turkiye oo u ah ilaalo gaar ah, bal aan eegno warbixin dhawaan la helay, sida uu ku waramayo Wargeys laga leeyahay dalka aannu Walaalaha nahay ee Turkiye, kaasi oo lagu magacaaboTurkish Century ayaa Boggiisa lagu shaaciyay in sahminta hordhaca ah ee uu sameeyay Markabka Oruc Reis inay Soonaaliya ay qarka u saran tahay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee ku soo biira dalalka Tamarta iyo Shidaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sheegaysa in sahmintan oo socota wax ka yar bil, sidoo kalena laba Xirmo (block) kaliya oo la fiiriyay lagu ogaaday in keyd Gaaska dabiiciga ah u ceegaago goobaha kala ah Xirmooyinka ama block-yada 152 iyo 153, waxaana la qiyaasayaa inay Soomaaliya dhawaan ka mid noqon doonto 10ka dal ee ugu keydka badan Shidaalka iyo Gaaska Caalamka, taasi oo u ah bishaaro weyn haddii bil ka yar intaasi oo keyd ah lagu ogaaday, waxaana la filaaya in baarista iyo sahminta sii socoto ilaa bisha May 2025-ka, si loo sii ogaado Kheraadka uu Eebbe ku maneystay Dhulka iyo Badda Soomaaliya.

Wargeysa Turkish Century ee ka soo baxa dalka Turkiga ee walaalaha aan nahay ayaa qoray warbixin hordhac ah oo ku saabsan arimaha sahminta shidaalka Soomaaliya, waxa uuna yiri:- "Soomaaliya waxay u muuqataa inay noqon doonto meesha laga bilaabo is-bahaysiga cusub ee Tamarta Adduunka, ka dib markii Markabka sahaminta ee loo yaqaano seismic survey oo ah kii waday baarista gunta hoose ee dhulka ee Markabka Turkida OrucReis uu sameeyay baaritaanno hordhac ah oo ku saabsan dhulka hoostiisa ee badda dhacda Deegaanka Mareeg ee Degmada Ceeldheer ee Goboka Galguduud ee Baloogyada 152 iyo 153 oo ay Shati ka haysato TPAO, kuwaasi oo la sheegay inay muujinayaan keyd aad u weyn oo Gaaska dabiiciga ah iyo Shidaalka Ceyriin”, waxuuna Wargeysku isticmaalay ereyga ‘MASSIVE’ oo ah ‘aad u weyn ama aad u badan’ islamarkaana uu Far waaweyn ku qoray, taasi oo ula jeedo in xaddi badan oo shidaal ah ku jiro badda gunteeda hoose.

Inkastoo baaritaanku socdo ilaa iyo hadda waxaa la ogaaday ‘waa in uu jiro keyd Gaas dabiici ah oo aad u faro badan, haddii baaristaasi lagu baahiyo Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), waxaa la rumeysan yahay in aan faqri dambe laga soo sheegi doonin Soomaaliya, "Haddii uu keydkaan ku sii fido inta kale ee Aagga dhaqaale ee gaarka ah ee badda Soomaaliya (EEZ), waxa ay dalka Walaalaha ah ee Geeska Afrika ee Soomaaliya ka dhigi kartaa mid ka mid ah tobanka dal ee ugu kaydka badan shidaalka iyo Gaaska Aduunka”, sidaasina waxaa qoray Wargeysa Turkish Century ee ka soo baxa dalka Turkiga.

Markabka Turkida OrucReis ayaa 24-kii saacba macluumaadka la wadaaga Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana la filaayaa in maalmaha soo socda ay Dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa wararka sahan baariseedka shidaalka Soomaalida ee hordhaca ah, iyagoo aad u faahfaahin doona ilaa iyo hadda waxa ka soo baxay sahankaasi, iyadoo la filaayo in uu Markabku u sii gudbi doono magaalo xeebeedka Hobyo oo iyana lag filaayo in laga helo mid kaa ka sii baaxad iyo mug weyn kii laga helay Magaalada Xebeedka Mareeg.

By. C/laahi Ruush

Markab kale oo Turkigu leeyahay oo ku soo xirtay dekadda Muqdisho iyo wixii safaaradu ka tiri socdaalkiisa


Safaarada Turkeyga ee Muqdisho ayaa sheegtay in madax da safaaradu ay booqdeen Markabka TCG Ütğm oo ku soo xir tay dekadda Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

"Waxaan booqanay markab TCG Ütğm. Arif Ekmekçi oo ku xirnaa Dekedda Muqdisho, taasoo qayb ka ah hawsha uu ku caawinayo markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel ee baaritaanka kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya. Waxaan u rajeyneynaa guul hawshan iyo dhammaan hawlaha musta qbalka. .”ayaa lagu yiri warka lagu daabacay barta facebook ee safaarada Turkeyga ee Muqdisho.

Ma jirin faahfaafin dheeraada oo laga bixiyey markabkan iyo meelaha uu tagayo.

Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaa naya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkad da shidaalka qaranka ee Turkiga.

Aagaggaan shatiga loo heysto ayaana laga sameyn doonaa sahanno, cabbirka goobahaan ayaana lagu sheegay qiyaastii 5,000-kiilomitir laba jibbaaran iyo 1,930 mayl laba jibbaara.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip