HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 20,NOVEMBER 2024
Cabdiraxmaan Cirro oo ku guuleystay doorashada Soomaaliland
Guddiga doorashooyinka Somali -land ayaa ku dhawaaqay in Cabdirax maan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku guulaystay doorashadii madaxtini mada Xisbiga Waddani, isagoo helay codad gaarayo 63.92%.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya Madaxweyniha 6-aad ee maamulka So -maliland ee Waqooyiga Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhashay magaalda Hargeysa 1955-kii, 1978 illaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwa daagaha Soomaaliya, 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi ka howlgala wasaaradda arrimaha dibedda ee Soo maaliya.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa May 1988 illaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii Soo maaliya ee dalka Ruusha ee Moosko.
Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Cab -diraxmaan Cirro ayaa ka guuleystay Madaxweynaha hadda xilka kasii daga ya Muuse Biixi Cabdi iyo musharax Faysal Cali Waraabe.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u di ray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Wad dani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bog -aadiyey bisaylka iyo fahanka dowladni mada ee ay muujiyeen bulshada Soma -liland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mu -dane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaa liya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiya da la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada dee gaannada Soomaaliland ay u doorteen.
RW Xamse oo Hambalyo u diray Madaxaweynaha Cusub ee Soomaaliland
Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soo -maaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madax -weynaha la doortay ee Maamulka So -maliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.
"Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Mada xweynaha Maamulka Somaliland, Wa xaan u rajeynayaa Madaxweynaha in uu Alle u fududeeyo gudashada waaji baadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa shee gay in Madaxweynaha cusub laga raja ynayo inuu dardargeliyo himillada sha cabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii la gu mideynayey dowladnimada Soo maaliyeed.
Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo lagu soo dhoweeyay Beijing
Safiirka cusub ee ay dowladda Soo maaliya u magacowday dalka Shiinaha danjire Hodan Cusmaan Cabdi ayaa la gu soo dhaweeyay Caasimadda wadd ankaas ee Beijing.
Danjire Hodan Cusmaan waxaa gar -oonka Diyaaradaha magaalada Beijing kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Sa -faaradda Soomaaliya ee dalkaas oo uu hoggaaminayay siihayaha Safaaradda Cabdisalaan Koodaar, iyo Diblomaa siyiin ka socotay Safaaradaha wadama da Afrika ee dalka Shiinaha.
Danjire Hodan Cusmaan ayaa kulan isbarasho ah la qaadatay diblomaasi yiintii soo dhaweynta u sameeyay oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Cameroon ahna hoggaanka danjireya asha wadamada Afrika ee Beijing Martin Mpana, wakiilka joogtada ee Mi dowga Afrika u jooga wadankaas Rah matalla Maxamed iyo Safiirka dowlad da Senegal ee dalka Shiinaha danjire Ibraahim Sory Sylla, waxaana ay adke ysay in muhiim ay tahay inay wadaa shaqeyn buuxda ay la yeeshaan inta ay joogto muddo xileedka.
Safiirka cusub ee Soomaaliya danjire Hodan Cusmaan ayaa sheegtay inay door muuqda ka qaadan doonto xooj inta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhax eeya labada dalka ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ee labada dhinac wadaa gaan.
Madaale oo hor tegay Guddiga Kumeel gaar ah ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mu dane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaa le) ayaa kulan la qaatay Guddiga Ku meel gaar ah ee labada Aqal Baarla maanka JFS ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xis biyadda JFS, Sharciga dhismaha gud diga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gu ddiga Labada Aqal ee Baarlamaanka la wadaagay talooyin la xiriira Hindise Sharciyeedyada Xeerka Doorashooyin ka dalka ee horyaala Baarlamaanka Jamhuuroyadda Federaalka Soomaa liya.
Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga ayaa ugu mahadcel iyay Maamulka Gobolka Banaadir soo jeedinta talooyinka ku aadan xeerka doorashooyinka, iyagoona balan qaa day in ay tixgalin doonaan.
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo farriin u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baar -lamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/ Xigeenka cusub ee maamulka Sooma -liland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdu llaahi (Cirro) iyo Maxamed Aw-cali Cabdi oo ku guuleystay doorashadii dadwa ynaha ee ka qabsoontay Soo -maaliland.
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadinayaa musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Gu -ddiga Doorashada iyo dhammaan sha cabka Somaliland dadaalkii ay geli yeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuq raadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Soomaaliland.
"waxaan bogaadinayaa bisyalka siyaa sadeed, ilbaxnimada iyo dimoqraadiya dda ay muujiyeen bulshada ku dhaqan Soomaaliland oo si nabad ah codkoo da ku doortay madaxdii xukumi lahayd, arrintaas waxay tusaale wanaagsan iyo ku dayasho u tahay deegaannada kale ee Soomaaliya inay ka shaqeey aan iska kaashadaan nabadda dimoqo raadiyadda iyo in shacabku ay cod kooda ku doortaan madaxdii xukumi la hayd”.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa u ra jeeyay shacabka iyo madaxda la door tay ee Soomaaliland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaa bsadaan bulshada ku dhaqan maamul ka Soomaaliland iyo dhammaan shaca bka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga bar yay Madaxweynaha cusub ee Soomaa liland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuley staan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.
Hay’adda SoDMA oo gargaar u qaybisay barakacayaal ku nool Muqdisho
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashi nka u qaybisay 500 oo qays oo ka koo ban danyar, barakacyaal iyo dad naafo ah, kuwaas oo ku jira kaam ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Ba naadir.
Deeqdan oo ay Soomaaliya ugu deeq -aday dowladda Turkiga ayaa waxaa ka mahad celiyay qoysaskii ka faa’I ideeystay, iyagoo sheegay in ay mu caawinadan heleen xilli ay baahi ba dan u qabeen.
Dhinaca kale, hay’adda SoDMA ayaa diyaarad sida shixnad gargaar mucaa wino ah waxa ay isla u dirtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku nool yihiin barakacayaal iyo dad danyar ah oo ay waxyeello kasoo gaareen abaarihii iyo daadadkii halkaa si ka dhacay.
Guddiga doorashooyinka oo kulan wada tashi ah la qaatay bulshada rayidka
Guddiga Kumeel gaarka ah ee laba da Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xil saaran diyaarinta xeerarka doorashooy inka, Ururrada iyo Xisbiyadda JFS iyo sharciga dhismaha guddiga doorashoo yinka iyo soohdimaha ayaa kulan wa datashi ah Magaaladda Muqdisho kula qaatay Ururrada Bulshada rayidka,
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehli yaan Guddoomiye kuxigeenka iyo Xog hayaha Guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada Bulshada rayidka looga talo gelinayay Akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka Qaranka oo uu Guddiga gacanta ku haayo dhowaanna la filayo in la hor geeyo Baarlamaanka labadiisa Aqal.
Xubnaha ka socday Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyin kooda ku biiriyay xeerkan,waxaana Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed uu sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyi nka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.
Golaha Aqalka sare oo anisxiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha
Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku anisxiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sharci yeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed iyo sharciga Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha.
Wasiirka Waaaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa mudanayaasha Gola ha Aqalka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka hay’adda sharci yeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha iyo sharciga Xakameynta Kii mikooyinka Beeraha.
Wejiga labaad ee shirka Maareynta Maaliyadda Guud oo ka furmay Dhuusamareeb
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Fe deraalka Soomaaliya, Mudane Abdirah man Mohamed Anas ayaa maanta si rasmi ah u furay wejiga labaad ee shir ka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), oo ah tababar ku saabsan "IPSAS Cash Basis”, kaas oo socon doona mu -ddo laba maalmood ah (19-20ka November 2024) magaalada Dhuusa mareeb.
ababarkan ayaa diiradda lagu saara yaa mideynta habraacyada diyaarinta xisaabaadka sanadlaha ah, iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah ee IPSAS.
Ujeeddadu waa in la xoojiyo hufnaan ta, saxnaanta iyo kalsoonida dadwey naha ee maamulka dhaqaalaha dalka.
Tababarku wuxuu ka qaybgalayaasha siinayaa fursad ay ku cusbooneysii yaan aqoontooda, taasoo sare u qaa daysa wada shaqeynta iyo isku-xirnaa nta heerarka maaliyadeed ee dowlad da.
Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga Kumeel gaar ah ee doorashooyinka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mu dane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaa le) ayaa kulan la qaatay Guddiga Ku meel gaar ah ee labada Aqal Baarla maanka JFS ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xis biyadda JFS, Sharciga dhismaha gud diga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gu ddiga Labada Aqal ee Baarlamaanka la wadaagay talooyin la xiriira Hindise Sharciyeedyada Xeerka Doorashooyin ka dalka ee horyaala Baarlamaanka Jamhuuroyadda Federaalka Soomaali ya.
Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga ayaa ugu mahadce liyay Maamulka Gobolka Banaadir soo jeedinta talooyinka ku aadan xeerka doorashooyinka, iyagoona balan qaa day in ay tixgalin doonaan.
Kulanka Wadatashiga Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho
Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalga shiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay aa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan Wadatash ah oo ku saa bsanaa Shirweynaha Siyaasadda Dha qaalaha ee qorsheysan sanadka soo socda. Kulankan uu si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, ayaa diirad da lagu saaray sidii loo qiimeyn lahaa siyaasadaha dhaqaalaha iyo sidii taloo yin wax ku ool ah looga soo saari la haa horumarinta dhaqaalaha Soomaa liya.
Shirka ayaa xoogga lagu saaray sad dex qodob oo waaweyn. Ugu horreyn, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay tusmooyinka dhaqaalaha dalka, iyadoo la is dhaafsaday talooyin ku saleysan xaqiiqooyin iyo cilmi-baaris.
Sidoo kale, shirkan ayaa ahaa gogo ldhig muhiim ah oo diyaarinaya shirwe ynaha Siyaasadda Dhaqaalaha ee qor sheysan sanadka soo socda, kaas oo diiradda lagu saari doono siyaasadaha dhaqaale ee dalka. Intaa waxaa dheer, waxaa lagu adkeeyay wada shaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda, si loo xoojiyo waxtarka dhinacyada wa x-soo-saarka iyo adeegyada muhiimka ah.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay wa kiillo ka socda hay’adaha dowladda, khubaro dhaqaalaha ku xeeldheer, iyo marti sharaf muhiim ah. Intii uu socday, waxaa la is dhaafsaday aragtiyo iyo tal ooyin waxtar leh oo horseed u noqon doona horumar joogto ah oo laga da reemo dhaqaalaha dalka.
Agaasimaha Guud, Mudane Maxa -med Shire, ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida ay uga go’an tahay horumarinta dhaqaala ha Soomaaliya. Waxa uu si gaar ah u bogaadiyay Waaxda Horumarinta Dha qaalaha ee Wasaaradda dadaalka ay gelisay qabanqaabada iyo hirgelinta shirkan.
SoDMA oo Muqdisho ku qabatay shir ku saabsan ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah
Guddoomiyaha Hay’adda Maarey nta Musiiboyinka ee SoDMA Maxa -muud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir wa tashi ah oo muddo 2-cisho ah socon doona, kaas oo looga hadlaayo hagid da iyo iskuduwidda ka jawabista xaala daha degdegga ah.
Kulankaan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka [SoDMA], Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo Barnamaijka Cunta Adduunka ( WFP).
Shirkaan waxaa lagu casuumay qaar kamid ah Agaasimyaasha Guud ee wa saaradaha XFS, sida Maaliyadda, Bee raha, Xanaanada Xoolaha, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda insaanka, si doo kale waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah wasaaradaha gargaar ka dowlad goboleedyada dalka, Ururr ada taageera Soomaaliya, iyo Hay’ada ha caalamiga ah.
Kulankaan ayaa la filayaa inay kasoo baxaan talooyin ku habboon kabka ka jawaabista xaaladaha dagdegga ah, iyadoo loo marayo habka illaalinta buls hada, sida sameeynta istiraatijiyadda ka jawaabista khataraha.
SoDMA oo soo bandhigtay Baaxadda Khasaarihii El Nino ee 2023
Waxaa hoollka ay Bulshada Bariga Africa (East African Community EAC), ku leedahay xarunta uu ka socdo shi rweynaha caalamiga ah ee COP29, ka qabsoomay munaasabad ay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka SoDMA ku soo bandhigtay daraasad qiimeeeyn ah oo lagu ogaanayay baaxadda saa meeynta khasaarahii iyo waxyeelladii ka dhalatay fatahaaddii El Niño ee dal ka ku habsatay xilligii Deyrta 2023kii.
Kadib markii la soo bandhigay warbixi taas, waxaa hadal jeedin muhiim aha yd munaasabadda halkaas ka jeediyay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Ma calin Cabdulle, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in loo tabaabusheeysto sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaashii dhaqaale ee ay fatahaaddu burburisay, sida buundada Baardheere, sidoo kale waxaa marti sharaftii halkaas ka hada shay ka mid ahaa Abassador Jamal oo ah Agaasimaha xarunta la qabsiga is badalka cimilada ee urur goboleedka IGAD, waxaa kaloo halkaas ka hadlay la taliyaha wasiirka Wasaaradda qor sheeynta Maxamed Macalin Cumar.
Ugu dambeeyntii, waxaa furmay dood ay ka qeebqaadanayaan dhamaan ka soo qeeybgalayaasha shirka kuwaas oo aad ugu dheeraaday falanqeeynta ah sida ugu fudud oo ay Soomaaliya ku heli lahayd taageero dhaqaale oo loo isticmaallo sidii dib loogu dhisii la haa kaabayaasha ay burburisay fata haadu.
MUUNGAAB oo ka hadlay doorashada baarlamaanka Jubaland, farriin u diray DF
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaa dir Xasan Maxamed Muungaab ayaa qo raal ka soo saaray doorashada xildhiba anada Jubbaland oo maanta lasoo saaray liiskooda, wuxuuna garab istaagay go’aan ka Jubbaland, isagoo farriin u diray madax da dowladda federaalka.
Muungaab ayaa sheegay in Jubbal and ay ku saxan ta hay go’aankeeda do -orashada, isagoo yi ri "Loo joojin mayo waxay dhashaa kuu joojin mayo.”
Muungaab ayaa madaxda DF ugu baaq -ay inay dhowraan dastuurka dalka oo ka tanaasulaan muddo kororsiga ay ku heshii yeen, isla markaana ay ka waantoobaan farogelinta iyo car-qaladeynta doorashooyi nka dowlad goboleedyada.
Hoos ka akhriso qoraalka Muungaab
Waxaan halkaan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Baarlamaanka 3aad ee Dowla dda Jubbaland oo Galabta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo.
Waa tallaabo wanaagsan oo Jubbaland ka ilaalineysa inay ku dhacdo Marnaasho (Firaaq) Dastuuri ah, sida uu dhigayo Dastuurka Jubbaland oo xaq u siinaya ina y waqtigeeda ku qabsato Doorashadeeda.
Waxaan Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ku bogaadinayaa howsha ay qabteen, waxaana rajeynayaa Doorasha da Jubbaland inay sidii loogu talogalay ku soo dhammaato nabadgelyo iyo xasilooni.
Madaxda Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqayaa inay dhowraan Dastuurka Dalka, kana tanaasulaan inay muddo kord hin sharci darro ah u sameeyaan madax da Maamul Goboleedyada waqtigu ka dhammaaday, isla markaana ay ka waan toobaan faragelinta iyo carqaladeynta joog tada ah ee ay ku haayaan Dowlad Gobo leedyada doonaya inay qabsadaan Doo rashooyinkooda.
"LOO JOOJIN MAAYO WAXAY DHASHAA…KUU JOOJIN MAAYO, Liikiin Tan Jubbaland waa gar waafaqsan Das tuurka Dalka ee aan garab istaagno.”
Madaxda wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida faanadda Faadumo Duur
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dha qanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeen ka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdirax maan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasi maha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxya ha iyo Howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Faadumo Maxamed Xasan (Faadumo Du ur) oo ka mid ahaan jirtay Fanaaniinta Ho balada Qaranka.
Allaha u naxariistee Faadumo Duur wa xay ka tirsanayd kooxda Heegan ee ciid anka booliska Soomaaliya, Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuu mada, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyootayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Gargaar loo waday Falastiiniyiinta Qasa oo la bililiqaystay
kolonyo ay la socdeen 109 baabuur oo gargaar cunno ah ayaa la dhacay Sabtidii la soo dhaafay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxooti ga Falastiin ee Unrwa.
Sagaashan iyo toddobo ka mid ah baa -buurta xamuulka ahaa ayaa la waayay, da rawaladoodiina waxaa lagu qasbay in ay dejiyaan gargaarkii ay wadeen, kaddib ma rkii ay adeegsadeen marinka Kerem Sha lom ee ay Israa’iil maamusho oo ku taayya koonfurta Qasa, taasoo la rumeysan ya hay inay ay ka dhacaan shilalka ugu xu nee la xiriira dhac iyo is hortaagga lagu sa meeyo gargaarka.
Goob joogayaal ayaa sheegay in kolon yada ay weerar ku soo qaadeen rag waj iyada soo duubtay oo tuurayay bambaa nooyinka gacanta laga tuuro.
Guddoomiyaha guud ee hay’adda Unrwa Philippe Lazzarini ma uusan carabaabin dambiilayaasha falkaan gaystay, laakiin wuxuu sheegay in ” si guud burburka nid aamka guud ee Qasa ay la macno tahay "Jawi aan degganeyn oo aysan macquul aheyn in lagu shaqeeyo”.
Haddii aan dhibaatooyinka caqabadaha ku ah gargaarka aan wax laga qaban wa xaa welwel laga muujinayaa in malaayiinta qof ee halkaa ku dhibaataysan ay xaala doodu ka sii dari karto.
Liiska xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo la shaaciyay lana dhaariyay
Guddiga doorashada jubbaland ayaa shaaciyay liiska xildhibaanada baarlamaa nka Jubbaland oo ka kooban 75 xubnood, iyagoo isla galabta lagu dhaariyay magaa lada Kismaayo.
Xildhibaano ka socday labada aqal ee ba arlamaanka ayaa ka qeyb galay dhaarinta xildhibaanada. Baarlamaanka cusub ee Jubbaland ayaa noqday baarlamaankii ugu horreeyay ee muddo kooban lagusoo xulay.
Durbaba waxaa hambalyo u diray siyaasi yiin uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed.
Dhismaha baarlamaanka Jubbaland ay aa kusoo aaday, iyadoo dowladda Sooma aliya ay ka hortimid doorashadda Jubba land, iyadoo sheegtay natiijo kaste oo ka soo baxda doorashada Jubbaland inay ta hay xaaraan aan sinaba loo aqbalidoonin, sida uu sheegay raysal wasaare Xamse.
Si kasta ha ahaatee, 25 ka bishaan ayaa loo madlan yahay in la qabto doorashada madaxweynaha jubbaand. Illaa iyo hadda ma jiro musharax isku diiwaan galiyay in uu la tartamo madaxweynaha Jubbaland.
Musharaxiinta mucaaradka ayaa qaada cay doorashada Jubbaland, iyadoo ku ee deeyay madaxweynaha Jubbaland inuu maroorsaday hannaanka doorashada, uu na keensaday guddi doorasho oo kalsooni ka haysan mucaaradka danaynaya doora shada madaxtinimada.
Golaha Ammaanka oo ku baaqay kordhinta gargaarka Gaza
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qara mada Midoobay, oo ay ku jiraan Maraykan ka iyo Britain ayaa codsaday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka la siinayo rayid ka Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza, iya goo ka digay in xaaladda bini’aadantinimo ee halkaas ka jirta ay ka sii dareeyso.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain David Lammy ayaa ku baaqay, in si wee yn kor loogu qaado gargaarka Gaza, hal kaasoo inta badan 2.3 milyan oo deganaa ay barakaceen , taasoo ay uga sii dareen dhibaatooyinka bini’aadanimo.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa uga digay Turkiga Isniintii inuu martigeliyo hog gaanka ururka Hamas oo uu Mareykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso.
Warbixino dhoowr ah ayaa ay tabiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay, in xubno sare oo ka tirsan hoggaanka Hamas ee ka baxsan Gaza ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen Turkiga ka dib markii laga codsaday inay ka baxaan Qatar.
Duqeymaha Turkiga ee Suuriya ee jaray biyihii ay heli lahaayeen hal milyan oo qof
Duqeymaha cirka ee Turkiga ka wada -an waqooyiga bari ee dalka Suuriya oo ay abaaruhu ku dhufteen ayaa sababy in ay go’aan korontadii iyo biyihii ay heli jire en in ka badan hal milyan oo qof, arrin taas oo ay khubaradu sheegeen in laga yaabo inay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah.
Turkiga ayaa qaaday in ka badan 100 weerar intii u dhaxeysay bilihii Oktoobar 2019 ilaa January 2024 , weerarradaas oo lagu qaaday goobaha saliidda, xaru maha gaaska iyo xarumaha korontada ee maamulka Kurdiyiinta ee Waqooyiga iyo Bariga Suuriya (AANES), sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay BBC World Service.
Weeraradu ayaa sii kordhiyay dhibaata da bini'aadannimo ee ka jirta gobol ay ka socdaan dagaalo sokeeye oo sanado ba -dan socday iyo afar sano oo abaaro ba' -an oo ay uga sii dartay isbadalka cimila da.
Biyaha ayaa markii horreba yaraa, laa -kiin weerarradii lagu qaaday kaabayaa sha korantada bishii Oktoobar ayaa dam -iyay korontada saldhigga ugu weyn ee biyaha gobolka, ee Alouk, tan iyo mar kaas ma uusan shaqaynayn. Laba boo qasho oo ay halkaas ku tagtay, BBC-du waxay goobjoog ka ahayd dad la tacaala ya sidii ay biyo u heli lahaayeen.
Turkiga ayaa sheegay in uu bartilmaa meedsaday "ilaha dhaqaalaha iyo kaaba yaasha" kooxaha gooni u goosadka Ku rdiyiinta oo uu u arko argagixiso.
Turkiga ayaa sheegay in la wada ogso -on yahay in deegaanka ay ka jirto abaar, waxaana uu intaas ku daray in biyo la’aa nta iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo la dayacay ay sii kordhisay.
AANES ayaa hore ugu eedeeyay Turki ga inay doonayaan inay "burburiyaan jiri -taanka dadkooda".
Maxaad ka taqanaa Maxamuud Xaashi, siyaasiga ay 'Jookarka' ugu yeeraan taa geerayaashiisu?
In ka badan hal milyan oo qof oo ku nool gobolka Hassakeh oo mar biyaha ka heli jiray Alouk ayaa hadda ku tiirsan biya laga keenbo meel u jirta 12 mayl (20km).
Boqolaal boyada ah ayaa la gaarsiiyaa maalin kasta, iyadoo guddigga biyaha ay mudnaanta siinayaan iskuulada, xaruma ha agoomaha, isbitaallada, iyo kuwa ugu baahida badan. Laakiin keenista biyaha kuma filna qof walba.
Magaalada Hassakeh, BBC-du waxay jooga dad sugaya booyadaha, oo ka cod sanaya darawaliinta inay biyo siiyaan. "Biyaha halkan waa ka qaalisan yihiin da habka," ayuu yiri Ahmad al-Axmed, oo ah darawal booyadle ah. "Dadku waxay u baahan yihiin biyo badan. Waxa kaliya ee ay rabaan waa in aad biyo siisid.
Dadka qaarkiis waxay qireen inay ku dagaalameen biyaha, hal qof oo dumar ahna waxay ku hanjabtay: "Haddii isaga [darawalka booyada] aanu i siin biyo, wa xaan daloolin doonaa taayirkiisa."
"Aan si run ah kuu sheego, waqooyi-ba ri Suuriya waxaa soo food saartay masii bo bini'aadantinimo," ayuu yiri Yayha Ahmed, oo ah maamulaha guddiga biya ha magaalada.
Maabka lagu qaaday dayaxgacmeed
Dhibaatooyinak lasoo dersay dadka ku nool gobolka ma aha kaliya dagaalka so keeye ee ka socda Suuriya, laakiin sidoo kale waxa asaameyay dagaalka Turkiga uu kula jira xoogagga Kurdiyiinta ah, ku waas oo aasaasay AANES 2018 kadib markii ay iyagoo taageero ka helaya is bahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ay ka saareen Dawladda Islaamiga ah ( IS) koox aan ka imaan gobolka. Ciida mada isbaheysiga ayaa wali halkaasi ku sugan si ay uga hortagaan in kooxda IS ay dib u soo laabato.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay AANES - oo aan si rasmi ah beesha caalamku u aqoonsan - "dawlad argagaxiso" oo ku xi -gta xuduudkeeda.
Dowlada Turkiga ayaa u aragta malee -shiyaadka Kurdiyiinta ee ah awooda mili tariga ugu weyn halkaasi in ay yihiin is ballaarinta kooxda fallaagada ee xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), kuwaas oo u dagaalamayey ismaamulka Kurdida ee Turkiga muddo tobanaan sano ah.
Turkiga, Midowga Yurub, UK iyo Maray kanka ayaa u aqoonsan PKK in uu yihiin urur argagixiso.
Intii u dhaxaysay Oktoobar 2023 iyo Ja naayo 2024, xarumaha gudbiya koronta da ee saddex goobood oo AANES ah ayaa la duqeeyay: Amouda, Qamishli, iyo Darbasiyah, iyo sidoo kale warshad da korontada ee gobolka, Swadiyah.
BBC-da ayaa xaqiijisay khasaaraha iya doo adeegsatay sawiro lagu qaaday day ax-gacmeedka, muuqaallo ay qaadeen goob-joogayaal, warbixinno warar, iyo booqashooyin ay ku tagtay goobaha.
Sawirrada dayax-gacmeedka ee nalalk habeenkii ka hor iyo ka dib weerarradii Janaayo 2024 wayaa muujinahya koron to la’aan. "Janaayo 18-keedii.... koronto la'aan weyn ayaa ka jirtay gobolka," ayuu yiri Ranjay Shrestha, saynisya hanka Nasa oo dib u eegay sawirka.
Cawaaqib xumida ka dhalatay colaad da waxaa u sii dheeraa isbeddelka cimil ada.
Ilaa 2020, abaar dhanka beeraha ah oo aad u daran oo aan caadi ahayn ayaa ku habsatay waqooyi-bari Suuriya iyo qa ybo ka mid ah Ciraaq.
70kii sano ee la soo dhaafay celceliska heerkulka dooxada webiga Tigris-Euph rates ayaa kor u kacay 2C (36F), marka loo eego xogta cimilada Yurub.
Webiga Khabour ayaa mar siin jiray Hassakeh biyo, laakiin heerarkoodu aad bay u hooseeyaan, waxaana dadka lagu qasbay inay u leexdaan saldhigga biya ha ee Alouk.
Laakiin 2019ki Turkigu wuxuu la waree gay gacan ku haynta deegaanka Ras Al-Ain, halkaas oo ay ku taal Alouk, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la sa meeyo "aag nabdoon" si dalka looga ilaa liyo waxa uu ku tilmaamay weerarrada argagixisada.
Laba sano ka dib, Qaramada Midoobay waxay soo saartay walaac ku saabsan carqaladaynta soo noqnoqda ee biyaha ka imaanaya Alouk ilaa waqooyi-bari Suuriya, iyadoo sheegtay in biyaha la ha kiyay ugu yaraan 19 jeer.
Bishii Febraayo 2024-kii warbixin ay da abaceen guddi madax-bannaan oo Qara mada Midoobay ah ayaa lagu sheegay in weerarradii Oktoobar 2023 ee kaaba yaasha korontada ay noqon karaan dam biyo dagaal sababtoo ah waxay dadka rayidka ah u diideen inay helaan biyo.
BBC-da ayaa waxyaabihii ay aragtay la wadaagtay qareenno caalami ah.
"Weerarada Turkiga ee kaabayaasha tamarta waxay saameyn xun ku yeeshe -en dadka rayidka ah," ayuu yiri Aarif Abraham, oo ah qareen ka tirsan Dough -ty Street Chambers, isagoo raaciyay: "Tani waxay noqon kartaa xadgudub ba' an oo sharciga caalamiga ah."
Patrick Kroker, oo ah qareen dambiya da caalamiga ah oo ka tirsan xarunta Yurub ee dastuurka iyo xuquuqul insaan ka, ayaa sheegay in "calaamadaha muu jinaya in sharciga caalamiga ah lagu xad gudbay halkan ay aad u xoogan yihiin oo ay tahay in ay baaraan hay'ad dac wad oogayaal ah".
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay "si buuxda u ixtiraamayso sharciga caala miga ah", iyada oo intaa ku dartay in war bixinta Qaramada Midoobay ee Feb raayo 2024 aysan bixin "wax caddayn ah oo la taaban karo" oo ku saabsan "ee deymaheeda aan salka lahayn".
Waxay ku eedaysay biyo la'aanta gobol ka inay sabab u tahay isbedelka cimila da iyo "kaabayaasha biyaha oo muddo dheer la dayacay" dayactirkooda.
HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 20,NOVEMBER 2024
.