HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGTIMES 20, NOVEMBER 2024

0
Tuesday November 19, 2024 - 08:05:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGESYKA MOGTIMES 20, NOVEMBER 2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW Xamse oo Xilka u kala wareejiyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga iyo Taliyihii hore

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaali- yeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ciida nku deegaano badan ka xorreeyeen Alshabaab isla markaana ay Xukuuma ddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga u ahaa bulshada, isagoo taliyaha cusub kula dardaarmay dardargelinta dagaal ka dalka looga xorreynayo AS.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida si ay ulawareegaan amniga guud ee Dal ka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Mudan Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaa -bsatay intii Xukuumaddan ay jirtay, sid a qaadista cunaqabatayntii hubka,ku biiristii Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, xubin ka no -qonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, dhammaan howlahaas la qabatay waxaa markhaati ka ah shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo Saaka lagu aasayo Hargeysa

Saaka oo Isniin ah, magaalada Har -geysa ayaa martigelineysa aas qaran oo loogu sameynayo madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo geeridii su ay shacabka iyo hoggaanka dalka gilgisay. Marxuumka ayaa muddooyin kii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa cusbitaalka weyn ee Hargeysa, halka -as oo uu ku geeriyooday.

Meydka marxuumka ayaa goordhaw laga qaaday cusbitaalka, iyadoo lagu soo wareejiyay goobaha loogu talaga lay in lagu maamuuso ka hor inta aan lagu aasin qabuuraha Baqiic ee magaa lada Hargeysa. Waxaa magaalada ka socota qabanqaabo heersare ah oo loogu diyaar garoobayo aaska, iyadoo waddooyinka qaar la xiray si loo fudu deeyo isu socodka waftiyada iyo shaca bka ka qayb galaya munaasabadda.

Aaska marxuum Siilaanyo ayaa wa -xaa ka qayb galaya mas’uuliyiin heer caalami ah, oo ay ka mid yihiin madax ka kala timid dalalka deriska ah iyo di -badda. Madaxweynaha xilka kasii de - gaya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale ku sugan goobta, taa soo muujineysa sida marxuumka loogu tixgelinayo doorkii uu ku lahaa taariikh da iyo horumarka Somaliland.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) ayaa xilka madaxweynaha Somali -land hayay muddadii u dhaxeysay 2010 ilaa 2017, isagoo lagu xusuusto dadaalladii uu ku bixiyay dhismaha maamulka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo nabadeynta gudaha. Doorashadii uu xilka ku wareejiyay Muuse Biixi Cabdi ayaa astaan u noqo -tay ku-dhaqanka nidaamka dimoqraa diyadeed ee Somaliland.

Shacabka Somaliland iyo taageera -yaal ka kala yimid gobollada kala du wan ayaa ka qayb qaadanaya tacsida, iyagoo marxuumka ku tilmaamaya hog gaamiye taariikhi ah oo door weyn ku lahaa helitaanka aqoonsi buuxa iyo adkeynta xasiloonida dalka.

Hay’adda Duulista Rayidka JFS iyo ICAO oo hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaad -iidka & Duulista Hawada Md. Cabdika -riim Cabdow Xeydar oo uu wehliyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulis ta Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Caa -lamka ee ICAO.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadii -dka iyo Duulista Hawada XFS Cabdi -kariin Cabdow ayaa faahfaahiyey qorshaha safarka isgoo sheegay in dhi -nacyado ay kawada hadleen sidii ga -roonka Aadan Cadde loo hormarin la haa si uu ula jaan qaado garoomada caalamiga ah.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii lagu horumarin lahaa iskaashiga farsa mo ee labada Hay’adood iyo qiimeeyn ta sida Soomaaliya ay diyaar ugu ta hay baarista farsamo (Audit) ee dha waan Hay’adda ICAO ku sameeyn rab -to Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Kulanka lagu faaqi day siyaabaha lagu xoojin karo awoo da farsamo ee Hay’adda Duulista Rayi -dka Soomaaliyeed iyo hubinta waafaq sanaanta Howlaha Hay’adda ee shu -ruucda iyo heerarka Duulista Caalami ga. Wafdiga ayaa booqasho qiimeeyn ah ku tagay xafiisyada iyo kaabayaa sha tijnoolojiyeed ee Hay’addu ku howl -gasho.

Maareeyaha Hay’adda ayaa rajo fii -can ka muujiyay natiijada shirka isagoo tilmaayay muhiimada ay leedahay is kaashiyadda caalamiga si loo hormari yo majaalka Duulista Rayidka Soomaa liyeed.

Booqashada wafdigan ayaa ka dhi gan tilaabo horumar leh oo loo qaaday dhanka xoojinta khibradda farsamo iyo heerarka howlgelinta shaqooyinka Hay’adda, waxay jidka u xaareeysaa in Duulista Rayidka Soomaaliya ay bixiso addeeeg leh badqab la hubo isla mar kaana heerkiisu sareeyo.

Wasaaradda hawlaha guud iyo UNOPS oo kala saxiixday heshiiska horumarinta biyo-mareenada Baydhabo

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dib-u-dhiska iyo guryaynta XFS Dr Cil mi Maxamuud Nuur iyo Hay’adda Qara mada Midoobay ee UNOPS ayaa wa xa lagu qaabeyn doonaa biyo-mareen nada magaalada Baydhabo, iyadoo la gu dhisi doonaa awoodda aqooneed ee Ijineerada Wasaaradda iyo kuwa dawlad goboleedyada si loo helo dhis moyaal tayo leh.

Ugu dambayn barnaamijkan oo socon doona muddo 15-bilood ah ayaa xoog ga lagu saari doonaa sidii qiimayn iyo qaabayn loogu sameyn lahaa biyo-ma reennada magaalada.

Ra’iisul Wasaare Xamse "Hannaanka doorasho ee Axmed ka wado Kismaayo waa sharci daro”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeyo-gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha sharciyad -da aan heysan ee Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu saxiixay dhamm -an heshiisyada Dalka loogu jihaynayo doorashada qof iyo Codka ah, isagoo qeyb wayn ka ahaa kullmada Golaha Wadatashiga Qaranka.

"Hanaanka doorasho ee Ahmed Maxamed Islaam ka wada Kismaayo waa sharci daro, waxii ka soo baxana waa sharci daro, hal xaaraana ah nirig xalaal ah ma dhasho, mana la aqbali karo, waxaana ugu baaqayaa dadka reer Jubbaland inay tashadaan, kana tashadaan sidii ay u dhici laheyn firaaq siyaasi ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Axmed Maxamed Islaam uu hor-isataag ku sameeyay ho -rumarinta ciidanka ka howlgalo Jubba -land, una diiday inay maraan Hannaa -nka diiwaangelinta si ay u heleen xuq -uuq dhameystiran, loona dalacsiiyo sa -raakiisha halkaas ku sugan.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubbaland howlgallada guuleystay ee ay ka wadaan halkaas, kuwaas oo Alshabaab ka khaarajiyay horjooga yaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xuku -umadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in hanaanka doora sho ee Axmed Madoobe ka wada Kis maayo uusan sharciyad heysan, isla markaana waxii ka soo baxo aysan sharci aheyn.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Madaxweyne ka ahaa Jubbaland tan iyo aas-aaskii dowlad gobolleedka Jubbaland, waxuuna noqoday mas’uul-ka ugu waqti dheeree ee dowlad gobol -leed Madaxweyne ka soo noqdo mar ka oo eego dhiggiisa kuwa kale ee dal ka.

Soomaaliya iyo Denmark oo kala saxiixday heshiis deyn looga cafiyey Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fe -deraalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Den -mark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa shalay si wada jir ah ugu saxiixay magaalada Muqdi -sho heshiis Dowaldda Soomaaliya loo ga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dow -ladda Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maa -rso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soo -maaliya ay ku lahaayeen, go’aankaas oo sidoo kale waajibinayay in Dowlad da Soomaaliya ay si gaar ah ula mac aamisho dalalka deymaha kulahaa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qo raal kooban oo uu soo saaray heshiis ka kadib wuxuu ku yiri "Waxaa dhaboo bay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowlad da Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.

Madaxii warbaahinta ee Xisbullah oo Israa’iil duqeyn ku dishay

Madaxii warfaafinta ee ururka Xisbul -lah, Maxamed Afif ayaa lagu dilay we erar ay Israa’iil ka geysatay bartamaha magaalada Bayruut, sida ay xaqiijisay kooxda Xisbullah ee ee dalka Lubnaan.

Weerar dhanka cirka ah ee lagu dilay ninkaan ayaa lagu qaaday xarunta xis -biga ee Baath oo ku taalla xaafadd ay dadku ku badan yihiin oo la yiraahdo Ras al-Naba.Duqeynta ayaa dhacday Axadii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in afar qof la dilay, balse ma aysan magacaabin dadka dhi -ntay.

Afif, ayaa markii ugu dambeysay la ar kay Isniintii, markaa oo uu shir jaraa’id ku qabtay duleedka koonfureed, ee Bayruut halkaas oo ay kooxdu ku xoog gantahay.Xisbullah ayaa xaqiijisay gee rida xalay, dhowr saacadood ka dib ma -rkii ugu horeysay ee la soo sheegay.

Haweeney Muqdisho ku keydin jirtay qaraxyada iyo gabdho badan oo la qabtay

Caasho Cabdullahi Maxamed oo 14 sano ka tirsaneed Al-Shabaab ayaa shalay lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxay Shabaab u qaabilsaneed keydin ta iyo kala gudbinta Qaraxyada.

Sidoo kale ku dhowaad 10 gabdhood oo ahaa xaasaskii Al-Shabaab ayaa shalay Caasho lala keenay Maxkama dda, kuwaas oo guddoomiye Shuute uu toos u weydiiyey su’aalo lala yaa bay sida ay uga jawaabeen.

Gabdhahaan oo intooda badan ka yi mid deegaanada Koonfur Galbeed ayaa laga qabtay busteejooyinka Muq disho, waxayna u socdeen rag ka tir san Al-Shabaab oo haasaawe ama shukaansi dheer kadib ku qanciyey inay ugu tagaan deegaanada ay ka joo gaan Galmudug.

Arrinta lala yaabay waa in gabdhahaa ni aysan garaneyn ragga ay u socdeen, balse ay ku dhiiradeen inay gaari raa caan oo duurka ugu tagaan, gabdhaha qaar waxaa bixiyey waalidkood, waana arrin murugo leh oo ka yaabisay dadka.

Caasho oo aheyd haweeneyda ugu weyn hablihii shalay lasoo taagay ma -xkamadda ayaa sheegtay in Muqdi sho ay joogi jirtay, isla markaana ay ka ganacsa jirtay Qudaarta, iyadoo shaqa deeda Shabaabnimada ku dhex wada jirtay.

Lacag dhan $120 ayey Shabaab ugu shaqey jirtay Caasho, waxayna keydi jirtay oo kala gudbi jirtay qaraxyada, waxaana kiiskeeda ka sheekeeyey xeer ilaalinta.

14 sano oo Muqdisho ay isku dhex qa -rineysay kadib waxaa kashifay wiil ay Shabaab u qorsheeyeen inuu is qarxi yo, balse isku dhiibay ciidanka dowlad da, kaas oo sheegay Caasho inay ta hay keyd hayaha Al-Shabaab.

Rag badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay qiratay inay soo guursatay oo caru -ur badan u dhashay, iyadoo sheegtay in caruurteedii ay jiraan gudaha Al-Sha -baab oo aabahood oo Amiir ah uu heysto.

Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka oo tababar loogu soo gabangabeeyey Masar

Tababarka oo ku saabsanaa xakamey nta, ilaalinta xuduuddaha, baarista dukumi ntiyada iyo ka hortagga tahriibinta dadka, waxa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay dowladaha Masar iyo Talyaaniga, kaasi oo ay qayb galay saraakiil kala kala socotay hay’adaha socdaalka 17-wadan oo Afrika ah.

Saraakiisha ka socotay hay’adda socdaal ka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa la ba ray habka loo ilaaliyo xuduudaha, baarista Dukumiintiyada been abuurka ah ee dalka ku galka, iyo sida looga hortago dembiya da tahriibinta dadka.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soo maaliya ayaa xoogga saaraysa kobcinta aqoonta iyo xirfadda saraakiisha ka shaqa ysa xafiisyadda kala duwan ee hubinta du kumintiyada ee lagu soo dalbado adeegya da ay hay’addu bixiso.

Zelenskiy oo sheegay in uu rajo wayn ay ka abo in Trump uu dagaalka soo afjaro

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dagaalka ay kula jiraan Ruushka uu "dhakhso u dhammaan doono” marka ay howgasho xukuumadda Trump.

Zelenskiy waxa uu sheegay in uu khadka taleefoonka kulan kula yeeshay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.

Trump ma uusan sheegin shuruudo gaar ah oo lagu xirayo wadahadal lala galo Ruu-shka, balse waxa uu sheegay Zelenskiy in mowqifka Trump uu la mid yahay kan Ukraine.

Trump ayaa marar badan sheegay in mu-hiimadiisa ay tahay joojinta dagaalka.

Ruushka ayaa weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022 kii. Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa dhaliilay kaalmada uu dalkiisu siiyo Ukraine, isagoo sheegay in dagaalka Ukraine uu wiiqayo awoodaha Mareykanka.

Bilo ka hor, Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ansixiyay 61 bilyan oo doolar oo gargaar militari ah oo la siinayo Ukraine.

Maraykanka ayaa ah dalka ugu badan ee hubka siiya dalka Ukraine, waxaana tan iyo markii uu dagaalka bilowday uu soo diray hub ku kacaya 55 bilyan oo dollar.

Qaraxyo lagu weeraray guriga ra'iisul wasaaraha Israa'iil

Laamaha ammaanka ee Israa’iil ayaa waxa ay sheegeen in ay saddex ruux oo tuhmanayaal ah u qabteen laba bam oo shalay ku soo dhacay meel u dhaw hoyga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

"Habeenkii xalay waxaanu qabanay saddex tuhmanayaal ku lug lahaa dhacdada,” oo ka dhacday Caesarea oo ah bartamaha Israa’iil, waxaa kale oo warka lagu sii yiri in ay wajahi doonaan baaritaan wadareed ay ku sameyn doonaan booliska iyo laanta sirdoonka gudaha ee Shin Bet.

Laamaha ammaanka ee Israa’iil ayaa waxay sheegeen sabtidii in laba bam ay ku soo dhaceen wajiga hore ee guriga uu degan yahay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, in kasta oo uusan ku sugnayn hoygiisa xilligaas waxa uu ku tilmaamay falkaan "mid aan la dhayalsan karin”.

Booliska iyo hay’adda sirdoonka Shin Bet ayaa xaqiijiyay in qoyska ra’iisul wasaaraha aysan ku sugnayn guriga xilligii ay wax dhacayeen.

Cidda soo tuurtay labada bam ayaan ilaa iyo hadda si sax ah loo ogayn.

Bishii October 22 keedii ayaa sidaan oo kale diyaarad aan duuliye lahayn oo nuuc yar ah lagu soo weeraray hoyga ra’iisul wasaaraha, isla sidaan oo kale Netanyahu kuma uusan sugnayn gurigiisa xilligaas sida xafiisku uu baahiyay.

Balse weerarkaas markii uu dhacay sad-dex maalin ka dib, XIsbullah ayaa sheegatay masuuliyadda.

Muuqaalka baahay ee marwada koobaad ee Brazil oo aflagaadeyneysa Elon Musk iyo waxay ku dhex tiri

Marwada koowaad ee dalka Brazil ayaa waxay aflagaadeysay bilyaneerka Elon Musk xilli ay ku sugneed munaasabad ka horeysay shirka wadamada loo yaqaano G20 ga ee ka dhacaya Rio de Janeiro.

Iyadoo u doodaysay in xeerar adag loo sameeyo warbaahinta bulshada xilli ay qayb ka ahayd dood looga hadlayay warar ka beenta ah ee faafa, ayay Janja Lula da Silva waxay u muuqatay inay ka naxday qaylo xoogan oo ay maqashay, kadibna waxay ku kaftantay, "Waxaan u maleyna yaa inay tahay qayladaasi Elon Musk."

"Kaama baqayo," ayay sii raacisay hada lkeeda, ka dibna waxay aflagaadeysay bil yaneerka iska leh shirkadda gawaarida batariga ku shaqeeya ee Tesla iyo barta bulsho ee X.

Musk, oo uu madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump u xushay in uu noqdo madaxa Waaxda Hufnaanta Dowladda, ayaa waxa uu xiriir aan wanaa gsanayn la lahaa Brazil iyo dowladdeeda garabka bidix ee iminka talada haysa. X ayaa muddo kooban laga mamnuucay dal kaas sanadkaan aan ku jirno.

Waxa uu dib usoo dhigay baraha bulsha da muuqaalka ay isaga aflagaadeysay marwada koobaad ee dalka Brazil, waxa uuna ku dul qoray "lol”, oo macnaheedu yahay in uu si sare u qoslayo.

Qoraal kale, oo uu Musk ku dul qoray muuqaalkaan ayaa waxa uu ku sii daray la ba calaamadood oo qosol muujinaya, isa ga oo qoray: "Way lumin doonaan doora shada soo socota", sida muuqata isaga oo ula jeeda Madaxweynaha Luiz Inácio, xis biga Shaqaalaha ee Lula da Silva.

Horraantii sanadkan, Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa amartay in dalka oo dhan laga mamnuuco barta bulsho ee X, ka dib markii ay ku guuldareysatay in ay magaca -wdo wakiilkeeda sharciga aha ee ku sug naa dalkaas iyo sidoo kale in ay xiraan koontooyin lagu eedeeyay faafinta macluu maad aan run ahaan asalkaba. Xayiraa dda ayaa la qaaday barta bulsho ee X ka dib markii ay bixisay $5.1 milyan oo doola rka Maraykanka ah oo ganaax ah, kadib in ka badan muddo bil ah xilligii xayriaadda lagu soo rogay kadib.

Xilligaas war ay soo saartay barta X ayaa waxay ku dhaliileen dowladda Brazil in ay u hanjabayeen shaqaalahooda ku sugan halkaas oo ay sheegeen in aysan wax awooda u lahayn xakameynta macluumaa -dka ku baahaya barta, xaakimkuna uusan u hugaansamenin shuruucda.

"Si aan u ilaalino badqabka shaqaalahee na waxaan go’aansanay in aan joojinno howlgalkeenna gudaha Brazil, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayay tiri barta X.

Laakiin Musk ayaa dhanka kale waxa uu xulafo la yahay madaxweynihii hore ee midigta fog ee Brazil Jair Bolsonaro, kaas oo lagu helay dambi ah inuu sumcadda ka dilay nidaamka doorashada ee dalka ka dib waqtigii looga adkaaday doorashadii 2022 kii. In kasta oo siddeed sano laga mamnuucay inuu u tartamo xilka madaxti nimada, haddana wuxuu caddeeyay inuu damacsan yahay inuu ka qayb galo doora shooyinka mustaqbalka, Isaga oo sheegay in uu doonayo in uu mar kale isu soo taa go doorashada soo socota ee la qabanayo sanadka 2026-ka.

Bolsonaro, oo dib u daabacay sawir laga jaray muuqaalka baahiyay iyo jawaabta Musk, ayaa waxa uu isna yiri, "Hadda wa xaan lugaha la galnay dhibaato kale oo diblomaasiyadeed."

Hogaamiyayaasha wadamada G20 ga ayaa ku kulmi doona shir madaxeedka ka dhacaya Rio de Janeiro oo bilowday shalay oo Isniin ah.

 



SANNAD GUURADA 31-AAD EE WARGEYSKA MOGADISHU TIMES


Waxaa xalayXaf-lad si weyn loo soo Agaasi-may Laguna Xusayey Aas-aaska Wargeys ka Mogadishu Times ayaa lagu qabtay Quraanka ku furay sheekh Munsar Cismaan Axmed isagoo ku dheeraaday wanaaga laga shaqeeyo inuu fure u yahaa is aaminadda bulashada iyo waxqabad sax ah oo ka dhashay hadda howl bulshada loo qabanayo , shalaywaxaan u jooga an Xuska 29 sano ka soo wareegtay xilligi al sameey Wargeyskan M.Times ,waxaay mudan in runta lag sheego holwaha ummadda loo qabanyo waayoo haddii been la sheego intaan sooma gaari laheyn. marka waxqabadka si daacada ah loo qabto guulahaa iyo in ka badan aya laga dhaxla ayuu yiri Sh.Munsar Cismaan .

Waxaa ka hadlay Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe} oo ahaa Tifaaftirihii ugu horeeyey ee Wargeyskaan isagoo ku bilaabay hadalkiisa ,waxaay I tahay farxad aan la soo koobi Karin inan xaadir ku nahay xuska wargeyska 29 jirkiisa wax ana kaga mahad celinayaa Maama Biibto oo ah Qof daacad u ah Howlaha ay heyso waayoo intaa dalka ka jirtay ee wargeyso 2006-dii bay baaba’een oo ay hawada ka baxaeen waliba kuwa nimman dhaqaale heysto iyadu meelkanta oo ay sameynkarto ku shaqeyn jirtay Allena waa la garab galay dadaaal uma reeban waana ku bogaadinayaa ayuu yiri Md. Xuurshe Ruug Caddayaasha Saxaafadeed ee ka soo qeyb qaatay Halganka Wargeyskan hadda dalka Soomaaliya Gaar ahaan M/muqdisho waxaa ka soo baxa kaliya 2Wargeys oo Maalinleha mid waa Mogadishu Times iyo Xog Ogaal sidoo kalena Wargeyska Xamr Cadde iyo oo Todobaadle ah iyo midka Dowladda oo Isagan aya ila soo baxaan Isninkasta .

Walaasheey waxaan leeyahay qeyr abadan alle haku siiyo dadaalkaaga wuux Muuqdaa horey u soco Faceboo-gga Geli inaga waan gelineynaaye ayuu yiri Md.Xuurshe .

Tifaaf tirihii Wargeyska Danjire Press Madiino Axmed Jimcaale oo ka mid aheyd rug caddayaasha soo maray wargeyskan iyo kuwo kale ayaa ka hadashay xafladdaan

Waxaan ku farax sanahay in aan arko shalayoo kale dadkii howlaha wargeyska Qeybta Qeyb libaax ka soo qaatay ay sheegtay in wergyeyada u baahan yihiin juhdi iyo dadaal dheeri ah kaasoo laga dhehan karo munaasabaddaan ku suganahay

Oo Xilli fog ka soo wareegatay waana alle mahdii waxaan xusuustaa in waregys kaliya lee jiriay xill igaii la aasaasyey iyo iddacadah iska soo horj eeda ee madaxsiyaasadda iku hertineysay kaliya wuxuna wargeysayada ay fure u yihiin horumarka dalka uu ku talabsaday la.antoodan maba soo bixi laheyn wax siyaasi la yiraahdo iyagaa soo saareen haddana waa madaxda shalaysiyaasigii shalay

Dhanka kale Md. Maxamuud Maxamed Juun isagoo sheegay inuu la socda howlaha biibto waayoo iyadoo yar baan arkj jiray maadaama aan iskala shaqeyneyn jirnay WMQ waxayna aaheyd gabar howlkar ah waxaan dhihi lahaa biibto waxay tusaale u tahay haweenka soomaaliyeed ayna sameysay dadaal dheeri ah waxaana ay tahay gabadha 1aad ee leh wargeys maalinle ah oo dal ka soomaaliya ka soo baxa haddana dadaalkeeda uu muuqdo iyadoo muddo 29 sano iyo ka badan saxaafadda u qidmeyneysay waxaan ay tahay mid sida u shaqeysay loo abaal gudin waloow aan maqlay inay kaalinta 2aad ee haweenka saxaafada Afrika goo-baha Qataraha ah ka howl gala inay ka gashay Tartran loo qabtay sanadkii 2014-kii kaalinta 2aad Tartnka Awaddamada Afrika ee haw eenka saxaafadda

ka howll galalka xasaradaha iyo dhibka ka jiro waxana ka guuleysatay kaliya gabar ka soca Dalka Ruwanda, waxaan u rajeynayaa biibto in marar kale iyo meelo kale kaga guuleysan doonto insha allaah waayoo Biibto waxay tahay mid naga mudan inaan dadaalkeeda ku ammaano wallow howl rag aan qaban Karin oo xajmi weyn ay u babac dhigtay iyadoo haween ah inay intaa sano soo waday waxaan leenahay maashaa allaah horey u soo wad anagana garabkaaga ayaan taagan nahay insha allaah ayuu yiri Md.Juun

Sidoo kale dhalliyarad xilligaan howlaha sax aafadda ku soo biirtay ayaa xafladdasi ka akhrisay qorl dheer ay milkiilaha Wargeyskaan ugu tala gashay in aay kag warbixiso howlaha la soo maray iyo xilliyadii adkaa ee soo wajahay

Iyo taariikho kooban iyo wargeysada jiri jiary Dadkii saxafadda ku jiray oo ay ugu mudan yihiin warg eyskaan inta ka oo shaqeysay in nool iyo in dhima tayba isugu jiro halkaasoo looga duceeyey dhinack astaba in ta dhiamtay alle ha u naxariisto in noola nabad iyo caafimaad iyo tobo wanagsan alle ha siiyo

Xamdi Cumar Xasan oo akhriteeda sii wadata yaa misna warbixintiia Maama Biibto ee Munaasa badda looga hadalayey

halay oo kale Maalinta la Soo saaray Nuqulkii ugu horeeyey Waregyska M.Times Isniin 18-ka Novebar oo 1996-dii. aheyd xilligii dhidibbaada loo Taa gay, WargeyskaanMaalinlah ah ee MOGA DISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR shalayLaga Joogo 29 Sax ah laakiin 2 sano xuskiisa ah oo 2 sano oo la diyaariney QorshihiiIsa Shaqo iyo Sha qaale iyo Xaruumihiisaba Maadaama Hal Xarun aysan ku filneyn in laga howlgalo xilliga oo xum maa datiis,waayoo Dhibaatooyin Dagaallo iyo Dege naan la’aan baa dalka ka jirtay waxana si dhaqsi ah u xirm ayay xaafadda xafiiska ka furan yahay loona baahan yahay meel kale oo nabdoon sidaas da radeed baan waqti dheer ay inagu qaadatay Inay u diyaar gar- wga aasa-asidda wargeyska M.Times,

sidoo kale Dadka ka howl bilaabayeyna wax ay ku kala sugnaayeen meelo kala duwan si degd eg looga helana way adkeyd, si aan ugu dhabeyno fekerkeenna ayaa nagu qaada tay inaan ku kor dhinay sanadaahaan hase yeeshee MAAN TIRS ANO 31 Jir mudan tahay in xusuus gaar ah inagu leeyihiin dadaalka dadkii ka soo qeyb qayb qaatay oo in badan oo ka mid ah ay GeeriyoodeenXilliyo kala duwan iyo meelo kala duwan aanan ugu Tacsiyadeynayno EHELKA iyo Qaraabado oda inta noolna aan ugu mahad celneyno oo inagoo leh ajar iyo xasnadda alle ha idinkugu bedello inta dhima tayna alle ha u naxariisto Walaalyaal sidaa waxaa tiri Milkiilaha Wargeyska M.Times Waxaa Mahad leh ASW oo ina soo gaariiyey xilligaan inaga oo nool caafimaadna alle ha siiyo

waxaan oo Muddo Dheer ugu soo Dhabar Aad eegnay inay soo gaaraan xilliigaana alle u gu mahad celisay anagoo dooneynay in dad weynaha laga heli lahaayeen aqbaarta ka jirta dalka iyo caalamka intiisa kaleba

sidii uu u socon lahaa ayaa dadaalkeda same ynay wallow anau nahay dadk amrkaa laga sugaeyy in ay bulshada ka haqab tir-aan wixii baah iyo ah ee dhinka siyaasada iyo waliba wacyigeinta bulshada waixii talo iyo tusaala oo ay noo dhiibaan aan ugu soo saraano boggaeenna Ra’yiga dadweynaha tiri maamo Biibto

dhinaca kale waxaay si qoto dheer ugu hadashya inta xafla-daasi lagu jiray warbixin dheer oo qeybah wargeyka aintii uu jiray uu soo qabtay iyo inta uu hiigsanyoba wargesykaan

___________sii aqris bogga xigga.

Maamada ayaa sheegtay inaysan xusuusteeda ka go.i doonin daadaalkaa iyo adkeysa howl wadeennada garabka gaashaanka ii ahaa ee ila soo shaqeeyey qaar badan oo ka mid ahina hadda ila shaqeeyaan , waxaayna sheegtay in aaladaha warbaahinta xilligaan la jaanqadi doonto si bushada uu u wada gaaro wargeyska Sidoo kale Maamo Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}Tiri waxay dadaalka dadkii la soo galay ayna ka xustay :Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe},

Maxamed Maxamuud Nuureey {Jimcaale},Sh.Mu use Maxamed Cismaan {Kimiko} C/laahi Maxamed Cumar {Mucjis} ,Prof Yaxye Sh. Caamir,Fannaan Bashiir Cali Xusen, Maxamed Cali Shitaawe {Mad eey}, Maxamed Shiil Xasan {Shiil},Madiino Axmed Jimcaale,C/laahi Maxamed Salaad {Dalle} Najiib Cali Cumar Naasir Cali Cumar,C/laahi Maxmed Xuseen {Baarbe},Maxamuud Maxamed Aadan {Ku urdo}, Axmed Shiine Xadhuun {Shiine} AUN, Nuur to Cali Cumar {Nuureyso} Macallin Daahir Xuseen Badiyoow,C/qaadir C/lle Nuur {Qalbi Dahab} , Barre Sh. C/laahi {Bangaala-deesh} C/qaadir Cabdulle Xaaji {Qamrjiga} Badrudiin Sh. C/hi Leylo Cali Saa lax,Aadan Dheere ,Aadan Macallin C/laahi {Aa daamo}, Cali Maxamed Cismaan {Cali Ameeriko} Falastiin Axmed Xaaji {PLO}, Farxiyo Cali Qaajo, Maryan Cali Maxmaed {Caato} Shuri Axmed Leyte {Shiimaa},Safiyo Sheekh Cali {Safoon}, Muqtaar Nuur Lovey,Sacdiyo Macoow, Yaaquub C/laahi Guure, Cali Gaas, Maxamed Ibraahn Isaaq {Bakis taan, C/laahi Maxamed Jiroow, C/fitaax Maxamuud Salaad {Deyeeshe} Mahad Carboow Cali, Nuur Qamdi, Macallin Xasan, Daa’uud Maxamed Sa laad, Aadan Shuuke C/dir Cabdi Calsoow {Yuure} , C/laahi C/raxmaan C/laahi Yariisoow {Alif} AUN, Aweys Xuseen Xasan {A/Shiino} AUN, Maxmed Xasan {Jeeri} AUN, Jabriil Maxamuud Nuur {JAB RA}AUN, Cawil Daahir Salaad AUN, Cali Muu se Cabdi AUN . C/qaadir Maxamed Calsoow {Calas} AUN, Qasim Axmed Numcaan AUN,Muxuddiin Ca bdi Calsoow AUN, Makaraan Xasan Toxoow AUN, Ibraahin Daa’uud Muuddey {Weynax} AUN, Cali Sh.Cabdi {C.Fareey} AUN, Sh.Cali Cumar Max amuud {Sh .Caliyoow} AUN,Xaawo Axmed Jimaca ale AUN

Sidoo kale iyo in kale oo aan soo koob I karin

dhinaca Naadiga Wargeyska Mogadihu Times

kaalimihii horumarineed uu ku tallaabsaday kaga hadashay xafladaas

Milkiilah Wargeyskan ayaa ka dhawaajisay in asbaabihii uu ku yimid : waxaayna trii”

"Waxey Xuska Sandguurada Wargeyska oo Ku Beegneyd shalay Waxay aheyd Isniin 18-ka No vemabar waana Maalintii Waregys kaani uu soo Baxay waliba Xilli looga Baahnaa inuu ka qeyb qaa-to dadaallada iyo horumarinta Aqris Qorista Farta soomaaliga Taaiikhdu aheyd 18-ka Nove mabra sanadkana waxuu ahaa uu ahaa 1996-daii 2024-ka Xaflad Waxaa Maamulka iyo Hao wlade-ennada Wargeyska Mogadishu Times Farxad u ah in Macaami-shiisa iyo ku Akhrista yaa shiiba in uu ugu hambaleynayo sanad guurada 29aad ee uu jirsay wargeyskaan aana ee yahay wuxuu ku soo gaaray dadaalkeena isbiirsday iyo dhabr adeyga iyo adkeysa aan sameynay waloow maraaxillo kala duwan aan soo halgannay .walaalayaal,saaxiibbayaal la’aan tiina waxba ma noqon laheyn haddaad tihiin udubdhexaadka wargeyskaan inta aan soo xusay in ka sii badanba waadna ku mahadsan tihiin had iyo jeer inta wax qabatay ma iloobi dooni insha allaah, markstana howsha insha allaah way soconeysaa wax hala helo ama yaan la helin xagga alle wax lagama waayo niyadeyna ayaa ah mid saafi ah”

Dhanka kel Milkiilaha Wargeyskan ayaa ka ga mahad celisay Heyadaha Xiriirka Shaqo la lahaa oo isugu jiro kuwo gudaha ah iyo kuw caalmiga ahba sidoo kale waxa mahad celin weyn u dirtay intii waxtartay oo xagga qalab IWM , waxayna sidoo kale ka cudur daaratay wixii inta wargeyska uu shaqeyney wixii qalad aad ah oo ay macamiish ku arkeen ma qaldame waa allaah ayeyena tiri,iyadoo ka codsatay hey.adaha , ganacsatada in garab lagu siiyo howla baxadda leh oo ay waddo waloow xilliyadaan wargeysyada ay yihiin kuwa u baahan gacan wax ku ool ah haba ugu darnaaatee maa mada Waxayn si gaar ah Dhalliyarada Iibisa War geys ayada ugu Mahd celisay Dadaalkooda Mud dad dheer

Maama {Biibto} Waxay tahay Haweeneyda kaliya ee In Badan ka howlgashay Howlaha Waregysay ada Dalka soo bixi jireen kuwii hore kuwii dhexe iyo kuwa haatanba jira kaalin mudg leh ku lahe-yd la talin iyo tusaaleynaba ha ugu qeyb qaadatee .

Maamo Biibto yaa sidoo kale caan ku aheyd xilligii dowladdii dhexe ka mid aheyd Ciyaarya han nada Qeybaha kala duwan ee Isboortiga Dalka Qaasatan K/Kolayga, K/Laliska, Ciyaar ah Fudud, iyo walibana K/Cagta inkasta aysan Gabdhaha tart amo ciyaari jirin.

Waxayna sheegtay inay naadiga Ciyaarah Warg eyska M.Times ay ahaayeen kuwoo qeybaa kala duwan ee Sportiga dalka ka qeyb qaatay, kaalim aha horenka galay tartmada dalka la dhacayey koobka

Jen.Daa’uud kaalinta1aad

wiilasha K/.Koyga aan ka galnay 1998-dii ilaa 2000-dii ,kubadda Teniska 2aad baan ka galnay wiilasha, k. Gagtana Hand Pall-ka, k/ Cagta Qeybta C-da kaalinta 2aad baan ka galnay tartmo kale oo ay ka mid ahaayeen kuwa saaxibtinnimo iyo tar mada ramadaankan kaalimo 1aad Ayaan ka gala nay 1aad

waxayna mar kale ugu mahad celisay macallimiintii soo leyliyey kooxaha kala duwan ee ciyaartoyda naadiga mamulkaba ka mid ahaa inta dhimatay alle ha u naxariisto ugu daneyntii

Biibto ayaa u mahad celisay xilligii dagaallada ee muqdisho 2009- 12-kii aan guryahooda ku shaqeynaye ee xaafadaha kala duwan sida boondhere, gurga qaasin xuseen jimcaale, guriga maxamed Cali Mdoobe ,Guga C/kariin iyo Sahro Maxamuud Luunge h iyo xamarweyne oo gacan ay igu siiyeen Xasan maxmed jimcaale{ Gees diir iyo Hibo Maxamed Faarax, Fosiyo sheekh Xasan, Naasir Cali Cumar iyo C/qaadir Sh.Xasan walaalayaal qeyr alle ha idin siiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip