HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 18,NOVEMBER 2024

0
Monday November 18, 2024 - 08:25:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 18,NOVEMBER 2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay oo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ay aa u magacaabay, Axmed Maxamuud Muxumed, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo yeertay safiirka Danmark u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuum adda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda u yeertay Safiirka dowlad da Danmark ee Soomaaliya Steen Son ne Andersen, kaas oo ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

"Runtii waxaa ayaan daro ah in safiir ro halkaas hadallo ka jeediyeen oo qar inayo dalka uu Safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay Safiirka Danish-ka markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi oo sha lay ka hadlayay munaasabad tababar loogu xiray safiirrada cusub ee dhowa an Golaha Wasiirrada ansixiyee ayaa sheegay in safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya qaarkood dhaw -aan tageen Hargeysa, halkaas oo ay ka socotay doorashada maamulka So -maliland,kuwaas oo qariyay halka ay safiir ka yihiin.

"Safiirrada ajanabiga ah ee dalkan ku su gan qaarkood waxay tageen Harge ysa oo doorasho ka socotay, dowladda Soomaaliya mowqifkeeda way cadeys ay oo ku saabsan doorashada, Soo maaliya waa hal dal, waxii dhaxdeenna aan isku haysaneyno aan isku heysa no, laakiin nin safiir ah oo dowlad u soo xilsaaratay inuu safiir ka noqdo hal kan,kama yeeleyno inuu dal ku tilmaa mol, kama yeeleyno inuu qariyo dalka Safiirka uu ka yahay” ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mud -ane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga di gay safiirrada qaarkood ee ajanabiga ah ee Soomaaliya jooga inay soo saa raan qoraallo ka dhan ah midnimada dhuleed ee JFS marka ay soo baxdo natiijada doorashada maamulka Wa qooyiga Soomaaliya (Soomaalind), isa goo tilmaamay waxii dhaxdeena ah inay Soomaali u taalo.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay rajeyne ynaan in wadahadalladii dib u bilow daan hadii meesha isbadal ka dhaco, dowladdana go’antahay xal u helidda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in hadda xooga saarayaan si dii dalka guud ahaan uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, taas oo had da uu u fadhiya Baarlamaanka JFS.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isk aashiga Caalamiga ah ee Xukuumad da Federaalka Soomaaliya ayaa dig niin adag udirtay qofkii ku xadgudba midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya.

Wasiirka degaanka iyo isbaddelka Cimilada XFS oo kulan la qaadatay Madaxa COP29

Wasiirk wasaaradda degaanka iyo is baddelka cimilada JFS Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa kulan muhiim ah la yeelatay Madaxa COP29 Danjire Iskandanov, labada dhinac aya a si qoto dheer uga wada hadlay wad dooyinka lagu gaari karo guusha hann aanka socda iyagoo mar kale adkee yey ballanqaadkooda ah in la xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro heshiisyo macno leh oo dhammaan bulshada saameeya.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay aja ndayaasha muhiimka ah sida Hadafka Cusub ee Isku dhafan (NCQG) isbed delka caddaaladda ku saleysan iyo arri maha kale ee mudnaanta leh. Wasiirka ayaa uga mahadcelisay martigalinta #COP29 ka Dowladd ahaan Azerbai jan soo dhoweyntooda diirran iyo qab anqaabada heerka sare ee #COP29.

Wasiirka Dastuurka XFS oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka KMG ah

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha DastuurkJFS Mudane Xa san Macalin oo wareysi siiyay warbaah inta Qaranka ayaa sheegay in Dastuur ku oo dhameystirmo micnihiisu yahay dadweynaha Soomaaliyeed oo hela xa qoodooda oo ah doorsha qof iyo cod ah.

Mudane Xasan maclin ayaa tilmaam ay in madaama dastuurka ay ku jiraan qodobo u baahnaa wadaxajood siyaas adeed uu madaxweynahu shir guddo omiyay shirka Golaha wadatashiga Qaranka si looga heshiiyo loona dha meystiro dastuurka,haddana lagu guda jiro la tashiyada dadweynaha ee cutub yada 5-aad ilaa 9-ee dastuurka dalka.

Wasiirka Cadaallada iyo Arrimaha da stuurka Xasan Maclin ayaa intaa hadal kiisa ku daray in ay muhiim tahay in da lka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah shacabkana loo celiyo awoodda, si cidda hoggaamineyso ay iyaga u soo doortaan, isagoo sheegay in Hindise Sharciyeedka doorashada ee saddex da ah ay hadda horyaalaan Baarlamaa nka si ay u meel mariyaan kadibna da lka uu aadi doono doorasho toos ah(Q of iyo cod),taa oo looga gudbayo doora sho dadban.

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee (GGGI)

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee GLOBAL GREEN GROWTH INSTITUTE (GGGI) oo ay noqoto dal xubin buuxa ka ah! Iskaashi gan muhiimka ah wuxuu gacan ka geysan doonaa xoojinta qorshayaas -heena waara ee ku saabsan horumari nta dhaqaalaha cagaaran, ilaalinta dee gaanka, iyo la qabsiga saameynta isbe ddelka cimilada.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, oo ku matala ysay Soomaaliya heshiiskan, ayaa tilshalayy muhiimadda iskaashigan iyo inuu yahay tallaabo waxtar leh oo lagu xaqiijinayo himilooyinkeenna ku aaddan mustaqbal cagaaran.

 

Gudoomiyaha Aqalka sare oo ka hadlay shir uu uga qayb galay magaalada Nairoobi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baa -rlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu ma gaalada Nairoobi uga qeyb galay shir ka sideed iyo tobanaad ee Guddomiye yaasha Baarlamaannada Ururka Bul -shada Bariga Afrika

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediy ay shirka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bari ga Afrika ay muhiimad wayn u leeda hay Ururka iyo dalkeennaba, maadaa ma Soomaaliya ay leedahay Khayraad farabadan, dhul qani ah iyo Bulsho firfir coon oo leh hal-abuur ganacsi, karti iyo u adkaysi xaaladaha kala duwan ee ganacsiga.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in midowgan uu tusaale wan aagsan u yahay dhammaan dowlada ha qaaradda Afrika inay midoobaan ay na ka wada faa’iidaystaan khayraadka dhulalkooda, iskana kaashadaan arri maha nabadgalyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dadyawga qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii shirkii Baarlamaannada (EAC)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baa rlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu magaalada Nayroobi uga qeyb galay shirka 18aad ee Guddomiyeyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeedi yay shirka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay muhiimad wayn u leedahay Ururka iyo dalkeenna, maad aama Soomaal iya ay leedahay Kha yraad fara badan oo dabiici ah, dhul qani ah iyo bulsho firfirkoon oo leh hal-abuur ganacsi, karti iyo u adkaysiga xaaladaha kala duwan ee ganacsiga.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaa shi ayaa sheegay in midowgan uu tusa ale wanaagsan u yahay dhammaan do wladaha qaaradda Afrika inay midoo baan ayna ka wada faa’iidaystaan kha yraadka dhulalkooda, iskana kaasha daan arrimaha nabadgelyada iyo horu marinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dad yowga qaaradda Afrika.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaa liyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fa dhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriir ka Booliska iyo Safaaradda oo Dawlad da Turkiga masuul uga ah taageerada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si da dhinacyada tababarrada, taakula da iyo kor u qaadista aqoontooda.

Taliye Asad Cismaan oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa safiirka kala had lay dib u habeynta, kordhinta tirada, a -gabka iyo dhismaha xarun u gaar ah ciidamada Haramcad oo qayb ka ah Booliska Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Isk -aashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Ayaa ka Guddoomay War qadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axme -d Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalami ga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaal iya, Mudane Manuel Marques Pereira. Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soo maaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda wa xay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcin ta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhawee yay mashaariicda xasilinta ee IOM, ku waas oo si dhow ula jaanqaadaya qor -shaha xukuumadda ee dib-u-soo celin ta adeegyada dowladda ee deegaana da laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaa radda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

Ku dhawaad 30,000 oo qaxooti Ethiopian ah oo Puntland gaaray 10 bilood gudahood

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamul ka Puntland, Cabdi Siciid Juxa, ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaad 30, 000 oo qaxooti Ethiopian ah ay muddo 10 bilood ah soo galeen deegaannada Puntland.

Wasiirka ayaa arrintan ka hor shee gay baarlamaanka Puntland, isagoo walaac xooggan ka muujiyay qulqulka dadka soo galootiga ah ee Itoobiyaan ka ah.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in maamul ka Puntland uusan haysan awood ku fi lan oo uu ku xakameeyo ama ula ta caalo qaxootiga sii kordhaya.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in wada-hadallo ay la yeesheen dowladda Ethi opia ay diiradda saarayaan sidii loo xa kameyn lahaa qulqulka qaxootiga iyo dib u celinta qaxootiga ku sugan Punt land.

"Waxaa horey Puntland ugu sugnaa 15,000 oo qaxooti ah iyo 450,000 oo barakacayaal ah. Waxaana xaaladda hadda jirta ka dhigtay mid kasii daran qulqulka muhaajiriinta Ethiopian-ka ah ee maalmihii ugu dambeeyay kor dhay," ayuu yiri Wasiir Juxa.

Wasiirka ayaa ku booriyay dowladaha iyo hay'adaha caalamiga ah in ay ta ageero degdeg ah u fidiyaan Puntland si wax looga qabto dhibaatooyinka bini'aadanimo ee ka dhashay tirada sii kordhaysa ee qaxootiga iyo barakac ayaasha ku sugan deegaannada Punt land.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Ahmed Moalim Fiqi Ayaa la Kulmay Wafdiga Norway si loo Xoojiyo Iskaashiga Labada Dal

’Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Isk aashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa xafiis kiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Norway, oo uu hoggaamin ayey Safiirka Norway ee Soomaaliya, Mr. Einar Rystad. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada-hadlidda arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika. Wuxuu sheegay guulaha laga gaaray dib-u-habaynta dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, oo ay ka mid tahay ansixinta Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo maamul wanaagga dimuqraadiga ah. Wafdiga Norway ayaa bogaadiyey guulahan, iyagoo ammaanay sida Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha dowladnimo inkastoo ay jiraan caqabado.

Doodda ayaa sidoo kale diiradda saartay qorshaha istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee xilliga kadib ATMIS, iyadoo dalka uu u diyaargaroobayo inuu si buuxda ula wareego masuuliyadda amniga qaranka. Wasiir Fiqi ayaa faahfaahiyey dadaallada lagu tayeynayo ciidamada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo ku booriyay iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya yoolalkan.

Waxaa sidoo kale laga hadlay mowqifka Soomaaliya ee ka dhanka ah heshiiska sharci-darrada ah (MoU) ee Itoobiya ay ku doonayso dhul Soomaaliyeed. Wasiir Fiqi ayaa ku adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa muujinaya iskaashiga sii kobcaya ee Soomaaliya iyo Norway, oo ku saleysan danaha wadaagga ah iyo qiyamka wadajirka ah, iyagoo ka shaqeynaya xalinta caqabadaha gobolka iyo horumarinta nabadda waarta.

Arday Soomaaliyeed oo Bandhig dhaqameed uga qeyb galay Jaamacad ku taalo dalka Shiinaha

Waxaa Todobaadkan magaalada Changsha ee dalka Shiinaha lagu qab tay Bandhig dhaqameed, kaas oo ay ka qeyb galeen arday badan oo Ajaan iib ah oo ay ku jiraan ardayda Soomaa liya ee wax ka barta dalka Shiinaha.

Bandhig dhaqameedkan ay soo qa ban qaabisay Jaamacadda Central South University (CSU) ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta jaamac adda, marti sharaf iyo arday badan oo ka kala socda 40-Dowladood oo Soo maaliya ay ku jirto.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Shiinaha ayaa madasha ku soo bandhigay cunto dhaqameed keenna noocyadooda kala duwan iyo ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka, taas oo si weyn u soo jiidatay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qeyb ga lay.

Dhallinyaro ku lebbisan dharka hidda ha iyo dhaqanka, isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaali du ka gashay kaalimaha ugu ho band -hig dhaqameedka ka dhacay magaala da Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

Guddoomiyaha ardayda Soomaaliya ee wax kabarata magaalada Chang -sha ee dalka Shiinaha Axmed Cabdir -ahmaan Ibraahim ayaa aad u bogaadi yay hannaanka hagaagsan ee ardayda Soomaaliyeed ay u soo bandhigeen hiddaha iyo dhaqankooda hodanka ah, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeedi yay gabdhaha Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaateen bandhiga.

Madaxdii bandhig dhaqameedka ka soo qeyb galay iyo ardaydii kale ee ajaaniibta ayaa u riyaaqay bandhiga cajiibka ah ee ardayda Soomaaliyeed ay uu muujiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid kaalin muhiim ah kaga jiray habsa mi u socodka munaasabadka,waxaana ay ku bogaadiyeen inay xoojiyaan dhaqanka Soomaaliyeed.Bandhig dha -qameedkan oo ah mid sanadkii, mar la qabto ayaa sanadkan hal ku dhig loo ga dhigay isku xirka dhaqamada iyo is ku-duubnimada adduunka.

Tirinta Codadka Gobalada qaar oo lasoo gabagabeeyay doorashada Somaliland

Doorashooyinka Somaliland ayaa wali si habsami leh u socota waxaana lasoo gabagabeeyay tirinta Codadka degmooyinka Qaar.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay si wanaagsan ay u socoto doorashada, oo ay dad weynuhu dhiibanayaan codadkooda si xor iyo xalaal ah.

Gobalka Sanaag ayay Guddigu ku dhawaaqeen in lasoo gabagabeeyay tirintada Codadkii laga dhiibtay, sidoo kalena Degmooyinka kale ee Degaanada Somaliland ayaa lasoo afjaray tirinta Codadka.

Balligubadle, Salaxleey iyo degmooyin kale ayaa goor hore lasoo dhammeeyay tirinta Codadkii dad weynaha.

Guddiga ayaa digniin u diray dadka ku hawlan ka hor dhaca natiijada doorashada, waxaana bulshada loogu baaaqay inay sugaan Natiijada doorashada

Yuhuudda oo Xasuuq kale ka gaysatay GAZA iyo dhimasho hor leh

Saraakiisha caafimaadka Falastin ayaa sheegay in ciidamada Isra’il ay Sabtidi dorraad duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, isla markaana ay dhaawaceen 20 kale gudaha Iskuul ay ku noolaayeen dad barakac ah oo ku taala Gaza.

Saraakiishu waxay sheegeen, in iskuulka ay Qaramada Midoobay maamusho ee Abu Assiic laga wado howlo gurmad ah oo looga soo daad gureynayo dadka ku hoos jira burburka hoostiisa. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Isra’il oo ku saabsan dadka rayidka ah ee halkaasi lagu laayay.

Laakin milatariga Isra’il waxay sheegeen in laba madfac oo laga soo tuuray waqooyiga Gaza lagu burburiyay hawada Isra’il. Taasi ayaa muujineysa, awoodda ay wali kooxaha dagaalyahanada Falastiiniyiinta ee Gaza ay u leeyihiin in ay madaafiic ku tuuraan Isra’il, kaddib 13 bil oo ay dagaallo xoog leh ka socdaan Gaza.

Guddiga Doorashada Axmed Madoobe magacawday oo la kulmeen Odayaasha Dhaqanka

Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha Jubbaland, oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shalay si rasmi ah u bilaabay shaqooyinkooda, iyagoo guda galay habraaca soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland. Shaqadan ayaa u muuqata mid muhiim ah oo udub dhexaad u ah qorshaha Axmed Madoobe ee dib u doorashada xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

shalay, guddigu waxa ay la kulmeen Odayaasha Dhaqanka ee mas’uulka ka ah soo xulista xubnaha Baarlamaanka, iyagoo ka wada hadlay hannaanka loo marayo xulista Xildhibaannada cusub. Guddigu waxa uu ku adkeeyay muhiimadda in xulista ay u dhacdo si waafaqsan nidaamka awood-qaybsiga beelaha, taas oo ay beel walba soo gudbineyso xubintooda matali doonta.

Habraaca cusub ee loo marayo xulista Xildhibaannada ayaa ka duwan kii sanadkii 2019, oo markaas saddex xubnood laga xulin jiray beel kasta. Markan, oday dhaqameed kasta waxa uu soo magacaabaya hal xubin oo matalaya beeshiisa. Nidaamkan cusub ayaa ah mid loo arko inuu xoojinayo gacan-ku-haynta Axmed Madoobe ee geeddi-socodka doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeesatay doorashada uu Axmed Madoobe wado, iyada oo ku doodeysa in dalka oo dhan laga hirgeliyo nidaamka doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxweynenimo ee Jubbaland ayaa si weyn u diiddan guddiga iyo habraaca cusub ee doorashada. Waxay ku eedeeyeen Axmed Madoobe inuu doorashadan u adeegsanayo sidii uu isugu caleema saari lahaa xilka mar kale, taasoo ay sheegeen inay meesha ka saarayaan hab-raaca dimuqraadiga ah.

Doorashada Jubbaland ee soo socota ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn looga dareemo dalka, iyadoo lagu til maamayo mid saameyn ku leh xasil loonida siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya. Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa indhaha ku haya geeddi-socodka, iyagoo isku dayaya inay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambaysta ah.

Waxaa la sugayaa sida xaaladdu u sii socon doonto, iyadoo Jubbaland ay weli tahay gobol xiisadihii siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ay ka sii xoogeysanayaan.

Howlgalka ATMIS oo sheegay inuu guul kusoo dhamaaday wajigiii saddexaad ee dhimista tirada ciidamada ATMIS

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (AT MIS) ayaa soo gabagabeeyey wejigii saddexaad ee dhimista ciidama da ATMIS, taasoo ay ku sheegeeen mid ka dhigan guul weyn oo u soo hoy atay safarka Soomaaliya ee ku aaddan isk u-tiirsanaanta amniga qaranka.

Hawlgalka ATMIS ayaa sheegay waji gaan saddexaad in Soomaaliya laga saaray in ka badan 3,000 oo askari oo ATMIS ah, taasoo qayb ka ah istaraatii jiyad ballaadhan oo mas'uuliyadda am niga loogu wareejinayo Ciidanka Qara nka Soomaaliyeed (SNA).

Dhimista ciidamada ATMIS ayaa kas oo bilaabatay heshiiskii 2021 ee u dhe xeeyay Midowga Afrika (AU) iyo Qara mada Midoobay, heshiiskaas oo qeexa yay in ATMIS ay si tartiib tartiib ah uga baxdo Soomaaliya.

Marka la gaaro Disembar 2024, Mido wga Afrika ayaa qorsheynaya in ciid amada ATMIS oo awal ahaa 19,626, lagu soo koobo koox yar oo talo bixin ah, oo taageerta dowladda Soomaaliya. Wajiyadii hore ee la fuliyay bilihii June iyo September, waxaa ka mid ahaa in saldhigyo iyo dhulal muhiim ah lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

ATMIS waxa ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto taageerada Soomaali ya inta lagu jiro xaaladda kala-guurka, iyada oo diiradda saareysa kaalmada saadka, xog-wadaagga, iyo la-talinta Ciidanka XDS.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha ayaa weli taagan iyadoo al-Shabaab ay weli tahay khatar weyn oo ka jirta gobollo dhowr ah. Khubarada caalamig a ah ayaa carrabka ku adkeeyay mu hiimadda ay leedahay taageerada joog tada ah ee caalamka si loo xoojiyo kaa bayaasha ammaanka ee Soomaaliya loogana hortago dib u dhac kasta.

Burburka ka dhashay duqaymo cusub oo xalay uu Ruushku ku garaacay gobolada Ukraine

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka iyo gantaalo ayaa xalay lagu weeraray dalka Ukrain, waxaana lagu bartilmaameedsaday gobollo badan oo dalkaasi kamid ah.

Magaalada Kyiv, dadka deegaanka ayaa gabaad u doontay boosteejooyinka tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada iyadoo duqaymaha dhanka cirka ah ee lagu garaacay caasimadda Ukraine ay sababeen koronto la’aan.

Koronto la’aan ayaa sidoo kale laga soo sheegay gobolka Dnipropetrovsk, halkaas oo lagu dilay laba ka mid ah shaqaalaha tareenada, saddexna lagu dhaawacay ka dib markii weeraro lagu qaaday xarumaha tareenada iyo dhabaha ay ku ordain intaba.

Duqeymaha cirka ee Ruushka ayaa sidoo kale sababay in ay go’do korontadii gobolka bari ee Donetsk iyo gobolka galbeedka ee Lviv, waxaa la sheegay in haweeneey ay ku dhimatay gantaalihii la soo tuuray.

Koonfurta Ukraine gaar ahaan magaalada Mykolaiv, laba haween ah ayaa lagu dilay duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, iyadoo lix kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ay ku jiraan laba carruur ah. Magaalada dekedda leh ee Odesa ayaa sidoo kale la beegsaday duqaymaha.

Kaabayaasha muhiimka ah ayaa duqaymo lagu garaacay gobollada Vinnytsia iyo Volyn waxaana sidoo kale laga maqlay qaraxyo xoog leh magaalooyinka Kropyvnytskyi, Rivne, Ivano-Frankivsk, Cherkasy, Kryvyi Rih iyo Zaporizhzhia, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Sawiro saaka laga soo qaaday goobihii lala beegsaday weerarada ayaa waxay muujinayaan maamulka Kyiv oo nadiifinaya burburkii ka dhashay gantaalada iyo duqaymaha cirka.

Dadka sharci la’aanta ee Mareykanka iyo arrinta wal-walka badan ku haysa

Gabriela, waxay gashay Maraykan ka muddo labaatan sano ka hor iyadoo neef-qabatinowday markii la galiyey qe ybta dambe gaari ay ku rasaysnayd ga lay oo ay wateen koox wax tahriibisa.

Hadda waa gurlai ialiso gobolka Mary land, muwaadinkan Boliviyanka ah waa mid ka mid ah ugu yaraan 13 milyan oo muhaajiriin aan la diiwaan galin oo ku nool Mareykanka.

Dhammaan Maraykanka, muhaajiriinta sida Gabriela, oo kale ayaa la tacaalaya waxa ay ka dhigan tahay ballanqaadka maamulka Trump ee ku saabsan fulinta musaafurinta ballaaran iyo sida ay u saameyn karto mustaqbalkooda.

In ka badan daraasiin waraysi, muhaa jirint aan diiwaan gashnayn ayaa shee gay in doodadaha ugu badan ee ugu kulul ee ku dhexmara baraha bulshada sida whatsappka ay tahay mowdu ucaas.

Qaar, sida Gabriela, waxay aaminsan yihiin inaysan saameyn ku yeelan doonin iyaga.

"Waxba kama baqayo, dhab ahaantii,” ayay tiri. "Taas waa in dambiilayaashu ay ka werweraan, canshuur baan bixiyaa, waana shaqeeyaa.”

"waxay doontaba, ma diiwangashani,” eyey intaa ku darta. "[Sidee] xitaa ayay igu ogaan lahaayeen?”

Xilligii ololaha doorashada, muhaajiriintu waxay ahaayeen mowduuca walaaca wayn ay ka muujinayeen codbixiyaasha Maraykanka, Trump-na wuxuu si joogta ah u ballan qaaday inuu si weyn muhaajiriinta ugu musaafurin doono ciida maraykanka maalinta kowaad ee uu xafiiska tago, haddii uu ku guulaysto madaxweynanimada.

Laakiin ku dhawaad laba toddobaad ka dib markii uu si weyn ugu guulaystay doorashada, ma cadda sida dhabta ah ee hawlgalladan fulinta socdaalka ay u ekaan doonaan.

Madaxweynaha la doortay ayaa ku adkeystay in qarashka uusan noqon doonin dhibaatada, laakiin khubarada ayaa ka digay in ballanqaadyadiisa ay la kulmi karaan caqabado dhaqaale iyo saadka oo aad u weyn.

Tom Homan, oo uu dhawaan loo magacaabay "qofka ugu sarrreeya arrimaha xaduudaha”, ayaa sheegay in muhaajiriinta aan sharciga haysan ee loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ama amniga bulshada ay noqon doonaan kuwa mudnaanta leh.

Isagoo la hadlayey la hadlayey Fox News sabtidii, kusimihii hore ee waaxda socdaalka haddana loo magacaabay arrimaha xaduudaha ayaa si weyn uga horyimid firkadaha qaar oronaya "in kuwa la sharciga dhaqan galinaya ay yihiin kuwo xun xun halka kuwa sharciga jabinayana ay yihiin dhibanayaal”.

"Waa xildhibaan kee, waa guddoomiye goboleed kee, ama waa duqee kan ka soo horjeeda in khataraha amniga bulshada laga saaro bulshadaas?” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in maamulka cusub uu "fulin doono wajibaadka ay shacabka Ameerikaanku siiyeen Madaxweyne Trump.”

Qorshaha mas’uuliyiinta Mareykanka ee ah inay tarxiilaan muhaajiriinta wax cusub maaha. In ka badan 1.5 milyan oo qof ayaa la tarxiilay xilligii madaxweyne Joe Biden, marka lagu daro malaayiin laga celiyay xadka intii lagu jiray masiibada Covid-19.

Muddadii siddeedda sano ahayd ee maamulkii Barack Obama – oo dadka qaar ay ugu yeeri jireen "Madaxa musaafuriska” – ilaa saddex milyan oo qof ayaa la tarxiilay, iyadoo diiradda la saaray ragga doobabka ah ee ka imaanayey dhanka Mexico, kuwaas oo si fudud looga soo tarxiilay gobollada xadka.

Si kastaba ha ahaatee, qorshayaasha uu Trump ballanqaaday ayaa ah kuwo baaxad weyn oo ah kuwo xooggan. Sida la sheegayo, mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka fiirsanayaan in ay isticmaalaan Ciidanka Qaranka iyo diyaaradaha milateriga si ay u xirxiraan dadka ugu dambeyntiina u tarxiilaan

Madaxweyne xigeenka Maraykanka JD Vance, ayaa sheegay in tarxiilku ku bilaan doono hal milyan oo qof.

Ilaa hadda qaar ka mid ah muhaajiriinta aan diiwan gashanyn ayaa aaminsan inay ka faa’iidi doonaan Madaxtinimada Trump halkii laga tarxiili lahaa

"Dad badan oo Laatiinays ah kuwaas oo xaq u lahaa in ay codeeyaan ayaa sheegay in Trump u fiican yahay dhaqaalaha, taasi ayaana annaga sidoo kale noo fiican” ayuu Yiri Carlos, oo aan sharci haysan una dhashay Mexico balse haatan ku nool New York. Wiilkiisa ayaa haysta dhalashada Marayakanka.

Sida laga soo xigtay Golaha Socdaalka ee Maraykanka – oo ah urur aan dhinacna ka tirsanayn oo sameeya cilmi-baaris, una dooda in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka socdaalka Mareykanka – waxaa jira in ka badan shan milyan oo Maraykan ah oo ay dhaleen waalidiin aan sharci lahayn.

Carlos, wuxuu sheegay "inuu ka yar ka walwalsan yahay in lagu qabto howlgallada socdaalka.

Waxaa jira qaar kale oo badan oo aan rajooyinkaan oo kale qabin, oo ku nool cabsi.

Dadkaas waxaa ka mid ah Eric Bautista, oo deggan California, kuna magac dheer "Dreamer”, wuxuu ka faa’iidaysanaya sharci muddo dheer jiray oo musaafurinta ka ilaalinaya dadka iyagoo yar Maraykanka ku soo gala tahriibta.

Hadda waa 29 sano jir, wuxuu xasuustaa noloshii Mexico – wadankii uu ku dhashay ee uu ka soo tagay isagoo toddobo sano jir ah.

Afartii sano ee la soo dhafay, wuxuu baranayey taariikhda Maraykanka isagoo ku jiray dugsiga sare, waxaana ka mid ah waxyaabaha uu darsay sida mowjado muhaarijiinta ah oo ka imaanayey dalalka Talyaaniga, Shiinaha, Japan iyo Mexico ay ula kulmeen falal shisheeye nacayb ah.

Wuxuu BBC-da u sheegay Bautista "inuusan waligiisa waxaas oo kale arkin muddo labaatan sano oo ku noolaa dalka Maraykanka”

Qareennada iyo khubarada sharciga ayaa sheegay in aanay jirin dammaanad qaad ah in muhaajiriinta aan sharciga haysan aan lagu dari doonin dadaallada tarxiilka ee kor loo qaaday.

Soogalootiga aan sharciga haysan ayaa ka shaqeeya dhaqaalaha Maraykanka oo dhan – laga bilaabo beeraha ilaa bakhaarada iyo goobaha dhismaha.

BBC

Shiinaha oo sheegay in uu la shaqayn doono xukuumadda Trump

Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ballan qaaday inuu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Dona -ld Trump, kadib kulankii ugu dambeey a ee uu la yeelanayo hoggaamiyaha hadda ee Mareykanka Joe Biden.

Labaduba waxay ku kulmeen Sabtidii shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaala ha ee Asia-Pacific (Apec) ee sannadla ha ah ee Peru ka dhaca, halkaas oo ay ku qireen "kor u kaca iyo hoos u dha ca” xiriirka labada waddan ee afartii sa no ee Biden xafiiska joogay.

Laakiin labaduba waxay muujiyeen horumarka laga gaaray hoos u dhigista xiisadaha arrimaha qaar sida ganacsig a iyo xaalka Taiwan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha uu no qon karo mid aan hagaagsanayn mar ka uu Trump ku soo laabto xafiiska la ba bilood gudahood, taas oo ay sabab u tahay arrimo ay ka mid yihiin ballan-qaad uu ku kordhinayo canshuuraha badeecadaha Shiinaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip