Wax ka ogow tartanka quruxda adduunka ee Soomaaliya ay ka qeybgaleyso

0
Friday November 15, 2024 - 21:11:15 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka ogow tartanka quruxda adduunka ee Soomaaliya ay ka qeybgaleyso

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Khadija

Xigashada Sawirka,Getty Images

Tartanka 73aad ee gabadha ugu quruxda badan adduunka ee Miss Universe ayaa maalinta berri ah ee 16-ka November ka dhici doona magaalada Mexico, waxaana lagu wadaa inuu noqdo mid xiiso gaar ah leh.

Gabadha ku guuleysata ayaa waxay taajka kala wareegi doontaa Sheynnis Palacios oo dalka Nicaragua u dhalatay taasoo haatan heysata koobka.

Tartanka ayaa soo maray heerar kala duwan oo kala xulid ah, 30-ka haween ee isku soo haray ayaa fiinalka u tartami doona maalinta berri ah.

Sanadkan waxaa ka qeyb qaatay ilaa 130 dumar ah oo caalamka ka kala socda, waxaana ku jirta Soomaaliya oo ay ka socoto Khadiija Cumar.

Kahor tartanka ugu dambeeya berri ayaa waxaa jirta in Mia le Roux oo mataleysay dalka Koofur Afrika ay isaga baxday tartanka, sida ay ku dhawaaqeen qabanqaabiyeyaasha, iyagoo u sababeeyay arrimo caafimaad.

Gabadhan 28 jirka ah ayaa taariikh dhigtay iyadoo noqotay gabadhii ugu horreysay ee maqalka naafo ka ah ee bishii August loo caleema saaray Miss South Africa, kadib markii tartan lagu murmay uu dhacay kaasoo sababay in lagu maadeysto mid ka mid ah gabdhihii ka qeyb galayay sababo la xiriira inay asal ahaan kasoo jeeddo Nigeria.

Gabadhan ayaa toddobaadyo ku sugneyd Mexico oo ay uga qeybgeli lahayd tartanka indhaha lagu wada hayo.

Koofur Afrika

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Caafimaadka Mia le Roux waa noo muhiim, qabanqaabiyeyaasha ayaa sidaa yiri

Waa tuma gabadha Soomaaliya uga qeybgaleysa tartanka?

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sanadkan ka qeyb-galaya tartankan, iyadoo Khadiija Cumar ay noqoneyso gabadhii ugu horreysay abid ee iyadoo xijaaban ka qeyb gasha kuna matasha Soomaaliya.

Khadiija oo 23 jir ah ayaa waxaa ka qeybgalkeeda uu taariikh muhiim ah u yahay Soomaaliya, maaddaama ay iyadoo xijaaban ka qeybgaleyso.

Sheekada Khadiija ayaa ah mid xiiso leh waxayna dhiirrigelin u tahay gabdhaha iyada oo kale ee nolol adag kusoo koray kuwaasoo aan fursad u helin tartamada noocan ee caalamiga ah.

Khadiija waxay ku dhalatay xerada Xagardheer ee dalka Kenya. Iyada iyo qooyskeeda ayaa u qaxay dalka Canada sanadkii 2010, halkaasoo ay kala kulantay caqabado dhanka dhaqanka ah balse waxay ku dhex jirtay bulshada Soomaalida ee halkaas ku nool.

Kahor Khadiija, waxaa la xusuustaa Xaliima Aadan oo ah Soomaali heysata dhalashada dalka Mareykanka isla markaana dharka xayeysiisa taasoo noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban ka qeyb gasha Miss Minnesota sanadkii 2016, iyadoo tartanka meel fiican kasoo gashay.

Khadiija

Xigashada Sawirka,Instagram @khadija.omarr

Sida Xaliima, ayay Khadiija tusaale u noqotay haweenka Muslimiinta ah ee tartamada quruxda inay ka qeybgalaan doonaya, waxayna tan muhiim u tahay inay dareemaan inaan lagu faquuqin dhaqankooda iyo diintooda.

Sanadkii 2022, Khadiija ayaa indhaha caalamka soo jiidatay kadib markii ay soo gashay 13-ka ugu sarreeya ee tartanka Miss World, iyadoo taariikh cajiib ah usoo jiidday Soomaaliya.

Mar ay ka warrantay sida ay u aragto ka qeybgalkeeda tartanka caalamiga ah ayay Khadiija sheegtay inay ka go’an tahay u doodidda xuquuqda haweenka. Waxay aad uga heshaa sare u qaadidda wacyigelinta arrimaha qaxootiga iyo xuquuqda haweenka, iyadoo eegeysa khibradihii qudheeda ay lasoo kulantay markii ay qaxooti ahayd.

"Aniga ahaan, inaan noqdo Miss Universe 2024 anigoo Soomaaliya matalaya wax ka weyn magac ayay iiga dhigan tahay — waa madal aan ugu ololeeyo arrimaha bulshada ee muhiimka ah," ayay Khadiija ku tiri qoraal ay dhowaan soo dhigtay barteeda baraha bulshada.

"Waxaan doonayaa inaan matalo haweenka loo sheegay inaysan iyagu lahayn, waxaana doonayaa inaan tuso in quruxdu ay ku timaaddo qaabab badan."

Sidee ayaa loo kala saaraa oo loo xushaa?

Quruxda

Xigashada Sawirka,Getty Images

Dumarkan 130-ka ah ayaa la geliyaa tartan horudhac ah kahor kan kama dambeysta ah. Waxaa kadib isku soo hara ilaa 30 dumar ah, kuwaasoo kadibna laga xusho 25.

Waxaa intaa dheer, afar dumar ah oo isku soo haray ayaa loo xulan doonaa iyadoo gobollada la eegayo, kuwaasoo matalaya Latin Ameerika, iyo Caribbean-ka, Yurub, Afrika, iyo Aasiya iyo Oceania.

Afartaas ayaa waxaa kadib laga xulan doonaa hal dumar oo qaadda koobka quruxda adduunka loona caleema-saaro Miss Universe 2024, waxayna sanadka soo socda ee 2025 noqoneysaa safiirka quruxda.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip