HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER NOVEMBER 11 2024

0
Monday November 11, 2024 - 08:27:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER NOVEMBER 11 2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Golaha Wasiirada oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay sarreeye Gaas Odowaa

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya , oo xalay yeeshay kulan degdeg ah ayaa ans -ixiyey soo jeedinta Wasa aradda Gaa shaandhigga ee magacaa bista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/ Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Alshabaab.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’ii -sul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soo maaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhinaca kale looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo dardargalinta howlaha Xukuumadda iyadoo goluhu uu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangali nta Mulkiila ha shirkadaha iyo Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soo maaliya iyo Sacuudiga, kaas oo ku saab -san horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga.

Dowladda Federaalka oo si adag uga hortimid magacaabidda guddiga doorashada Jubbaland

Dowladda Federaalka ah ee Soomaal iya ayaa cambaareysay go’aanka uu madax weynaha Jubbaland Axmed Madoobe habeenhore ku magacaabay guddi ga doorasha da ee maamulkiisa, iya doo ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo halis ku ah dad aallada dimuqraadi yeynta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay was aarad da arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa loogu baaqay Axmed Madoobe, inuu u hog gaansanaado heshiisyada wada sha qeynayd ee kasoo baxay Golaha Wad atashiga Qaran (NCC) ee lagu dhisayo nidaam doorasho oo mi deysan.

"Tallaabada Axmed Madoobe waxay niyad jab ku tahay madaxda Dowladda Fe deraalka oo u arka ficilkiisa mid ka soo hor jeeda qorshaha kala guurka. Hoggaanka Soomaaliya ayaa aamin san in tagitaanka Aaxmed Madoobe ay halis gelineyso midn imada qaranka iyo hannaanka dimoqraadi yadda," ayay tiri wasaaradda arrimaha gu daha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka waxay sheeg tay inay weli ku adkeysaneyso in khila afaadka Jubaland lagu xalliyo wada xaajood, iyada oo raadineysa in si xushmad leh loo waja ho dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrimaha Jubaland.

Ciidanka Xoogga oo 8 dhagar qabe ku dilay Masagaway

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed ayaa jab xooggan gaarsiiyey koo xda Alshabaab oo maanta isku day day in ay weerar ka geysato Masagaw -ay, Afhayeenka Wasaaradda Gaash -aandhiga XFS Abuukar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta waranka ayaa yiri”Ciidanka Xoogga Dalka waxay Masagawaa ku dileen 8 dhaqar qabe oo ka tirsan Alshabaab.”

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidaan oo kale dhoor jeer Alshabaab ku jabi yay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay khawaarijtii soo qaaday wee -rarrada naf lacaariga ah.

Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika oo lagu soo dhaweeyey Angola

Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afri ka Maxamed Sheekh Isxaaq iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Luanda ee caasimadda dal ka Angola, halkaasi oo ay si diirran ay ugu soo dhaweeyeen jaaliyadda Soom aaliyeed ee ku nool dalkaasi Angola.

Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeedka socdaalkiisa uu ku saabsan yahay in dalkaasi uu ka no qon doono safiir aan degnayn.

"Dalkan Angola ayaan ka noqondoo naa Safiir aan degneyn haduu Alle id mo, Madaxweynaha dalkan ayaa maa -lmaha soo socda iga guddoomi doo naa warqadaha aqoonsiga, sidoo kale waxaan u gudbin doonaa Salaan iyo fariin aan ka sido Madaxweynaha Qara nka Soomaaliyeed Mudane Dr. Hassan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Inta uu joogo magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq iyo saraakii sha diblomaasiyiinta la socota waxaa ay kulamo la yeelan doonaan jaaliyad da Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, si looga dhageysto baahiyaha ay u qab aan adeegyada Qunsuliyadeed loona fududeyn doono.

Madaale oo khudbad ka jeediyay Shir ka dhacay dalka Masar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah -na Duqa Magaalada Muqdisho oo ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee lagu casuumay Madasha Magaalooyin ka Aduunka ee 12-aad ayaa hadal jeedin ka sameeyay munaasabadda Isbaheysiga Duqoowda Magaalooyin ka ee dhinaca ka faa’ideysiga Tiknoo -lajiyada.

Duqa Muqdisho ayaa ku dheeraaday horumarada tiknoolajiyadeed ee ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan sida ay Dawladda Hoose ee Muqdisho u ade egsato, asigoona xusay in tiknoolaj iyada loo adeegsado adeegyada dad weynaha iyo hanaanka dakhli aruurinta, taasi oo xoojiso waxqabadka iyo isla-xisaabtanka Maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Magaalada Muqdisho Muda ne Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa codkiisa ku biiriyay muhiimadda ay leedahay Adeegsiga iyo ka faa’idey siga tiknoolajiyada, si loo tayeeyo adee gyada dadweynaha, isla markaana lagu horumariyo Magaalooyinka Aduu nka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir uga qayb galay Sucuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay shirka wasiirrada ee loogu diyaar garoo bayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Carabta iyo Islaamka ee aan Caadiga ahayn. Shirka ayaa ka dhacay caasimad da Boqortooyada Sacuudi Carabiya, hal kaas oo lagu gorfeeyay weerarka joog tada ah ee Israel ku hayso dhulka Falas tiin iyo Lubnaan, iyo sidoo kale xaalada ha ugu dambeeyay ee gobolka iyo isku-dubaridka mowqifyada wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ah.

hirkan waxaa ka soo qaybgalay Xog hayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Xuseen Ibraahim Ta ha; Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Aboul Gheit; iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee da -lalka Carabta iyo Islaamka.

Sidoo kale, shirka waxaa ka qaybgalay Danjire Cali Cabdi Aware, Safiirka Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta; Danjire Cabdu lqaadir Macallin Nuur, Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka; iyo Danjire Oweys Xaaji Yuusuf, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Axmed Madoobe oo Magacaabay Guddi iyo Khilaafkii Labada dhinac oo sii xoogeystay

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa magacabay Gu ddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Axmed Madobe ayaa soo saaray war qad uu ku magacaabay 7 xubnood oo uu shsegay inay ka shaqeyn doonaan doorashooyinka iyo xuduudaha.

Arrintaan ayaa loo arkaa mid sii kala fogeynaysa Dowladda dhexe ee federa alka iyo Axmed Madoobe oo markii hor eba khilaaf xooggan ka dhexeeyay.

Baarlamaanka Jubaland oo ansixiyay Guddiga Doorashada Jubaland

Baarlamaanka Dowladd Goboleedka Jubaland ayaa saakay ansixiyay guddi ga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo uu habeenhore soo magacaabay Madaxwe yne Axmed Madoob

Fadhigan oo ay soo xaadireen 66 Mu dane ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Cabdi Maxamed Cabdiraxm aan waxa uu sheegay in uu ansax yahay guddiga oo qabanaya howsha soo xuli da Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo doorashada Guddoonka iyo tan Mad axtooyada.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood ay aa loo igmaday inay howsha doorasha da Jubaland ay ugu qabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan marka loo eego xiisa da siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jub aland.

Magaalada Kismaayo waxa ay guda ga laysaa maalmihii olalaha doorashada ink -astoo dibad joog ay ka tahay Xukuum adda federaalka Soomaaliya.

Anisixinta Guddigan oo ay Baarlamaan ka Jubaland ansixiyeen waxa ay kusoo beegantay saacado kadib markii ay Was aaradda Arrimaha Gudaha ay ka horti mid go'aankii uu Madaxweynaha Jubala nd uu ku magacaabay habeenhore Guddiga Doorashada, waxaana ay ku eedeysay Wasaaradda Axmed Madoobe inuu mar kale doonayo in isku doorto magaalada Kismaayo.

Xisbiga uu hogaamiyo Sheekh Shariif oo soo dhoweeyay Magacaabista Guddiga Doorashada Jubaland

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay magacaabista Guddigii Doo rasho ee habeenhore uu ku dhawaaqay Madax weynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in ay ku bogaadinayaan tallaabada Dastu uriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Juba land.

Xisbiga Himilo ayaa shaaca ka qaaday in ay kasoo hor-jeedaan siyaasad ay ku tilmaameen mid gurracan ee qoor-qabad ah oo ay madaxda Federaalku kula dha qmayaan Dowlad Goboleedyada Dalka.

Xisbiga Himilo Qaran waxa ay si adag uga digeen in Dowladda Federaalku ab aabusho kacdoonno hubaysan oo lagu khalkhal gelinayo xasilloonida iyo nida amka ka jira Dowlad Goboleedka Juba -land.

Madaxweyne Qoorqoor "Waxaan diyaar u nahay in deegaanada Galmudug laga qabto Doorasho qof iyo cod ah"

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa shaaca ka qaaday in maamul kiisa uu diyaar u yahay qabashada doo rasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 11-aad ee Baarla maanka Galmudug ayaa tilmaamay in deegaanada Galmudug laga hirgalin doo nto go'aanadii kasoo baxay Shirkii Gola ha Wadatashiga Qaranka oo ay ugu ho reeyeen in la qabto doorasho qof iyo cod ah iyo dhameystirka Dastuurka.

"Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in dalka ay ka qabsoonto doo rasho qof iyo cod ah, Galmudug waxaay qaadaneysa kaalinteeda, waxaana diy aar u nahay in deegaanadeena laga qab to doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Ma daxweyne Qoorqoor.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxwey ne Qoorqoor in amni ahaan deegaanada maamulka Galmudug ay ka dhici karaan doorashooyin qof iyo cod ah oo ay ka wanaagsan yihiin inta badan deegaana da kale ee dalka.

"In doorasho qof iyo cod ah laga qabto Galmudug iyo guud ahaan dalka waa guul weyn oo u soo hoyatay dadka Soo maaliyeed, maadama ay muhiim tahay in dib loogu celiyo awooda bulshada So omaaliyeed si ay u soo doortaan cida ay doonayaan" ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyna ha Galmudug ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan golaha wadatashiga Qaranka, gaar ahaan madaxda maamulada Koo fur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo maamulka gobolka Banaadir ay ku hes hiiyeen in doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhacdo, hayeeshe waxaa heshiis kaas ka maqnaa oo aan qeyb ka aheyn madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo si cad u diiday go' -aanada kasoo baxay Golaha adatashiga Qaranka.

NISA iyo Ciidanka Xoogga oo sheegay inay Fashiliyeen Qaraxyo

Ciidamada Xoogga Dalka, gaar aha an Ururka 141-aad ee Guutada 14-ka October oo ka howlgala degmada Mar ka, iyo Ciidanka NISA ee halkaas ka hawlgala ayaa shaaciyey inay ku guul eysteen fashilinta miino ay halkaas ku aaseen kooxaha Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey in miina dan la geliyey jidka u dhexeeya Marka Cadey iyo Buufow-bacaad. Tallaabada lagu fashiliyey qaraxan ayaa suurta ga shay kaddib markii dadka deegaanka xog ku saabsan miinada ay la wadaag een Ciidanka Xoogga Dalka, taasoo keentay in miinada laga saaro goobta iyadoon wax khasaare ah la geysan.

Intaa waxaa dheer, saraakiishu wa xay xuseen inay saacadihii la soo dha afay fuliyeen howlgallo gaar ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasoo ka dhacay qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan miinooyin ku aasa waddoo yinka muhiimka ah ee ay isticmaalaan ciidamada dowladda iyo dadweynaha shacabka ah, taasoo ay ka dhalato kha saare ba’an. Hore ayaa qaraxyo ka dhacay gobolkaasi ay sababeen dhaa wac iyo dhimasho soo gaaray dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda.

NISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay dagaalame katirsan AS oo dhawaan dil gaystay

Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dagaalame ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loo gu geystay Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Sawirkiisa iyo Magaciisa ayay soo bandhigtay NISA.

Midowga Afrika oo go’aamiyay in waddamada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya ay ka qeybgalaan howlgalka AUSSOM

Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in ciidamada ka qeyb galaya howlgalka nabad ilaalinta ee soo socda ee Soom aaliya ay ka imaanayaan oo kaliya wad damada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya.

newsnsideGuddiga Midowga Afrika oo fulinaya go’aannada iyo hawl-maal meedka Midowga Afrika, ayaa la-tashi yo la sameynaya dalalka Afrikaanka ah ee muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidammo ku biiriyaan Hawlgalka Taag eerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee loo diro Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay go’aa nna ka soo saaray arrimaha la xiriira taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaa soo bedeli doona ATMIS. Waxa kale oo uu soo saaray bayaan uu ku faah faahiyey nuxurka shirka iyo go’aamadii ka soo baxay golaha ammaanka.

Iyadoo dowladda Soomaaliya ay qaa bili doonto isla markaana ay martigelin doonto howlgalka xiga ee nabad ilaa linta ayaa golaha ammaanka waxa uu ku dhawaaqay in guddoomiyaha gudd iga Midowga Afrika uu la kulmayo dowl adda federaalka Soomaaliya si uu wad atashi ugala sameeyo qaabka ay noq on doonaan ciidamada howlgalka ku jira iyo dalalka ay ka imaanayaan.

Dhinaca kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay oo go’aan ka soo saar ay khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo go’aankaas uu Guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegay inay si dhow ula shaqeeyaan dhinacyada dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika, hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee ay khusayso si khilaafka laba da dal si degdeg ah loo xalliyo.

Si loo xaliyo khilaafka labada dal, gud diga Midowga Afrika ayaa faray in la isticmaalo dhammaan janaalada diblo maasiyadeed ee ay awoodaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadaal lada lagu xallinayo khilaafka labada dal lagu saleeyo qodobka 4-aad ee Axdiga Midowga Afrika, Hab-maamuuska dhis maha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale mabaadi'da deris wanaaga ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.

Dagaal khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxa ya weerar Saakay xubno ka tirsan koo -xda Al-shabaab ay ku qaadeen fariisi mo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin magaala da Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowl adda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay ka horta geeen weerarka ay kooxdu kusoo qaa day magaalada Masagawaa, islamarka ana khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay xubnahii weerarka soo qaaday.

"Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo ku wa deegaanka oo kawar qabay weerar ka ayaa cashar u dhigay maleeshiyaad kii Alshabaab ee la soo qalday, ciida mada ayaa sii daba jooga firxad arga gixisada waxayna howlgal ka wadaan dhulka ku teedsan degaanka Dhabaq le" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Dhame Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha guutadda 77-aad ee ciidan ka xoogga dalka ee ku sugan magaa lada Masagawaa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, islamar kaana ciidanku ay ku howlan yihiino tir inta xubnaha weerarka looga dilay Al-shabaab.

Weerarkaan ka dhacay magaalada Masagawaa ayaa kusoo aadaya, iyad oo deegaano iyo degmooyin ku yaala bariga gobolka Galgaduud bilahii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in howlgaladaasi kooxda looga saaray dhul balaaran oo ay horay u maamuli jirtay kooxda.

JUBALAND HADII AY DOORASHO QABSATO AQOONSI MA KA HELI DOONTAA DOWLADDA FEDERAALKA?


Maamulka Jubaland ayaa soo saaray liiska xubnaha guddiga doorashada ee doorashada xilli maamulku doonayo inuu qabsado doorasho u gaar iyadoo ay dowladda federalkuna doonaysay in la mideeyo doorashooyinka heer federal iyo maamul goboleed ee ka dhacaysa dalka.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa habeenhore soo saaray wareegto uu ku magaacabay guddiga madaxa banaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland.

Guddiga oo ka kooban toddobo xubnood waxaa kaliya ku jira hal dumar halka inta kale ay rag yihiin, taas oo muujisay doorka yar ee haweenku ku leeyihiin guddiga.

Ka dib magaacbista guddiga ee Jubaland, dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war aan jawaabtiisa lala daahin oo ka dhana tallaabada uu qaaday madaxweyne Madoobe.

Wasaaradda arrimaha guddaha ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay cambaareynayso waxay ku sheegtay "Tallaabo sharci darro ah” in madaxweyne Axmed Madoobe ku magaacabay guddiga doorashada ee Jubaland

"Waxayna ugu digaysaa tallaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalaaso siyaasaddeed, mid amni, iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federalka.

Waxa kale oo wasaaraddu sheegtay in madaxweynaha Jubaland uu waqtigu ka dhammaaday bishii Ogoosto ee sanadkii 2023-kii taas baddelkeeda uu muddadaas ku joogay heshiis siyaasi ah oo ka dhaxeeyey maamulada iyo dowladda dhexe.

Qadar oo hakisay doorkeedii dhexdhexaadinta ee Israa’iil iyo Xamaas

Dhanka kale Jubaland ayaa maanta oo axada soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay xiriirkii wada shaqaynta u jartay dowladda federalka.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaga gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa lagu sheegay in Jubbaland ay xiriirkii wadashaqayneed u jartay dowladda fedraalka ee Soomaaliya.

Arimo ay ka mid yihiin khilaafka doorashooyinka iyo la dagaalanka al Shabaab ayay Jubbaland ku tilmaantay in ay yihiin sababaha ay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa sidaan oo kale dhowr jeer oo hore oo ay ugu danbaysay sanadkii 2022-dkii sheegtay inay jartay xiriirkii wadashaqayneed ee kala dhaxaysay dowladda Federalka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaana ka qayb galin dhowrkii shir ee wadatashiga qaran ee madaxda ku yeesheen Muqdisho.

Maxay kala doonayaan Jubaland iyo Dowladda Federaalku?

Sida ku cad qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dowladda Federalka ayaa doonaysa saddex qodob oo kala ah.

1.In la mideeyo doorashada dalka, 2. in la qabto doorasho qof iyo cod ah, 3. in la sameeyo hal guddi oo madaxbannaan oo isku dhaf ah oo Soomaaliya ka hirgaliya doorasho dadku codkooda dhiibtaan.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in qodobadaas dhanka dowladda ay wehilisay muddo kordhin sanad ah oo loo sameeyey madaxda maamulada dalka marka laga reebo Puntland oo iyadu doorashadeedii qabsatay sanadkan 2024-kii.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan qarin doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah uma muuqato inay arrintani ka miro dhalayso Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha.

Jubaland ayaa caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suura gal ahayn inay ka dhacdo dalka iyadoo Madaxweyne Madoobe uu ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran isagoo sheegay in Jubaland aysan doonayn muddo kordhin.

Maxamed Mukhtaar, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wax la isku yahay ay tahay awoodaha ayna arrintan taagnaan doonto ilaa go’aan laga gaaro sida ay noqoyso awoodaha dowladda federalka iyo Maamulada.

"Doorashadu waa cudurka laysku hayo calaamadihiisii laakiin waxa la isku hayo waa awoodda. Haddii Farmaajo shalay joogay , maanta Xasan Sheekh joogo, barina qof kale joogi doonno doodaasi waa taagnaanaysaa ilaa iyo go’aanka laga gaaro awood qaybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyo sida ay kala noqonayaan,” ayuu yiri Mukhtaar.

Go'aamo isku eg

Sanadkii 2018 bishii June, madaxda dowladda federaalka iyo Maamulada ayaa shirkoodii wadatashiga qaran ku yeeshay magaalada Baydhabo kaas oo lagaga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen hannaanka doorashada ee dalka iyo qaybsiga qayraadka.

Bishii september isla sanadkaas, madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku shiray magaalada Kismayo iyagoo sheegay inay xiriirka u jareen dowladda federalka.

Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, waxaa haatan humaag u eg tan sanadkii 2019 kii.

Sanadkii 2019 kii, Jubaland ayaa sheegtay inay qabsanayso doorashadeed iyadoo bishii Agoosto isla sanadkaas ay dhacday doorasho lagu murmay oo mucaaradku diideen taas oo lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dowladda Federalka ee xiligaas ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn natiijada doorashadaasi.

Cilmebaare Axmed Shire, wuxuu BBC-da u sheegay in " haddii doorashada ka dhacda Jubaland ay noqoto mid si saxa u dhacda loona tartamo waxaa la aadi doonaa dhanka Jubaland haddiise siduu hadalka u dhigay ay la mid noqoto iyadoo ay haysato caqabada ah inaa labada heer la isla socday waxay u ekaanaysaa in sharciyadeeda su’aal ku timaado”, sidaas daraadeedna doodda laga yaabo in ay dowladda dhankeeda ka timaado ay xoogeysato.

Balse Mukhtaar ayaa qaba in waxkasta oo dhaca ay ku dhammaan doonto in laga gudbo oo laga heshiiyo marka la is mari waayo.

"Runtii sida horrey u soo aragnay, waa la kala caroon, ayaanbaa la kala qaylin, cid xoog cid ku maquunin kartana ma jirto, waxay ku dhammaan doontaa aan hore u socono iyo aan heshiino” ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar

..XIGASHO:BBC

Qadar oo hakisay doorkeedii dhexdhexaadinta ee Israa’iil iyo Xamaas


Qatar ayaa hakisay shaqadeedii dhexdhexaadinta ee xabad joojinta iyo wadahadallada sii deynta la haystayaasha ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

Waxay sheegeen inay shaqadaas dib u bilaabi doono marka Xamaas iyo Israa'iil ay "muujiyaan rabitaankooda" inay wadahadlaan.

Arrintan ayaa timi ka dib markii saraakiil saresare oo Maraykanka la sheegay inay sheegeen in Washington aysan aqbali doonin joogitaanka wakiillada Xamaas ee Qadar, iyagoo ku eedeeyay kooxda Falastiiniyiinta inay diiday hindise cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.

Qatar ayaa sheegtay in warbixinnada hore ee sheegay in ay ka baxday wadahadallada dhexdhexaadinta iyo in xafiiska siyaasadda ee Hamas ee Doha "uusan shaqeynayn" ay yihiin kuwo "aan sax ahayn."

"Qadar waxa ay 10 maalmood ka hor ku wargelisay dhinacyada isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in lagu heshiiyo, iyo in ay joojinayso dadaallada ay ku dhexdhexaadinayso Xamaas iyo Israa’iil haddii aan heshiis laga gaarin wareeggaas,” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar.

"Qadar waxay dib u bilaabi doontaa dadaalladaas... marka ay dhinacyadu muujiyaan rabitaankooda iyo sida ay uga go'an tahay inay joojiyaan dagaalka arxan darada ah." ayuu intaasi ku daray bayaanku

Iran oo ka jawaabtay eedeymaha Mareykanka ee ku lug lahaanshaha shirqoolkii lagu dili rabay Trump

Qatar ayaa sidoo kale dhaleeceyn kala kulantay xildhibaanada Mareykanka ee ku aadan xiriirka ay la leedahay Xamaas. Jimcihii, 14 Senatar oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa warqad u qoray wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyagoo ka codsanaya Washington inay si degdeg ah u xayirto hantida saraakiisha Xamaas ee deggan Qatar, una soo gacan geliso dhowr sarkaal oo sare oo Xamaas ah oo deggan Qatar, waxayna Qatar ugu baaqeen "in ay joojiso martigelinta hoggaanka Xamaas. ”

Dhowr wakaaladood oo kuwa wararka ah ayaa Sabtidii sheegay in Qatar ay Maraykanka kula heshiisay inay Xamaas u sheegto inay xirto xafiiskeeda siyaasadeed ee Doxa sababo la xiriira "Diidmada inay si niyad sami ah uga wada hadlaan heshiis".

Balse wasaarada arimaha dibada ayaa sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan sax ahayn. Sheegashadaas waxaa sidoo kale beeniyay saraakiisha Xamaas.

Wadankan yar balse saamaynta ku leh Khaliijka ayaa ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanku ku leeyahay gobolka. Maraykanka ayaa dalka Qadar ku leh saldhig ciidan oo dhanka cirka ah. Doxa ayaa kaalin ku lahayd gorgortan siyaasaddeed oo ay ka mid ahaayeen Iran, Taliban iyo Ruushka.

Marka laga soo tago Maraykanka iyo Masar, Qatariyiintu waxay sidoo kale door weyn ka ciyaareen wareegyada wadahadallada aan ilaa hadda lagu guulaysan ee lagu dhexdhexaadinayo xabbad joojinta dagaalka muddada sanadka ah u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ee Qasa ka socda.

Laakiin waxaa jira caddayn isa soo taraya oo muujinaya isbeddel ku yimi xiririirka.

Kadib markii la dilay hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, Xamaas waxa ay teendho baroor diiq ah oo laba saacadood ah ku qabsatay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, waxaana ay ku qabatay hool yar, taas oo si weyn uga duwan baroordiiqda saddexda maalmood ah ee halkaa loogu sameeyay hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh.

Wadahadalladii u dambeeyay ee bartamihii bishii Oktoobar ayaa ku guul darreystay in wax heshiis ah laga gaaro, iyadoo Xamaas ay diiday hindise xabbad-joojin ah oo muddo gaaban ah. Kooxdan ayaa mar walba ku baaqaysay in gebi ahaanba la joojiyo dagaalka, isla markaana ciidamada Israa’iil ay si buuxda uga baxaan Qasa.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu yiri: "Wararka warbaahinta ee la xiriira xafiiska Xamaas ee Dooxa waa kuwo aan sax ahayn”.

"Hadafka ugu weyn ee xafiiska Qatar waa in uu noqdo marin isgaarsiineed...[taasoo] ka qayb qaadatay in xabad joojin la gaaro marxaladihii hore."

Israa’iil ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay diiday heshiisyada. Maalmo ka dib markii shaqada laga eryay horraantii toddobaadkan, wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant, kaas oo ku eedeeyay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu inuu diiday heshiis nabadeed.

Baaqa Xamaas ee ah in Qatar laga saaro ayaa u muuqda isku day maamulka Biden ee xilka kasii dagaya uu ku doonayo inuu ku qasbo nooc ka mid ah heshiis nabadeed ka hor inta uusan dhamaanin waqtigiisa bisha Janaayo.

Hadii Xamaas lagu khasbo inay ka baxaan Doha, ma cadda halka uu saldhigan doonaan xafiiskooda siyaasadeed. Xulafada muhiimka ah ee Iran ayaa noqon doonta ikhtiyaar, inkastoo dilkii hogaamiyihii hore Ismail Haniyeh ee Tehran bishii Luulyo ay soo jeedineyso inay halis ugu jiraan Israa’iil haddii ay halkaas saldhig ka dhigtaan.

Ikhtiyaarka ugu macquulsan waa Turkiga. Kaas oo xubin ka ah Nato, laakiin sidoo kale ah waddan ay Sunnigu aqlabiyad ka yihiin, waxay siin doontaa kooxda saldhig ay uga hawlgalaan si ammaan ah. Bishii April ee la soo dhaafay Madaxweyne Erdogan waxa uu Istanbul ku qaabilay madaxa siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh iyo wafdigiisa, halkaas oo ay kaga wadahadleen "waxa loo baahan yahay in la sameeyo si loo hubiyo in ku filan oo aan kala go’ lahayn la gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo ee Qas, iyo geeddi-socod nabadeed oo caddaalad ah oo waarta oo gobolka ah” .

Tallaabadan ayaa sidoo kale loo badinayaa inay soo dhaweyn doonto Ankara, oo marar badan isku dayday inay isu dhigto dallaal u dhexeeya bari iyo galbeed.

Shaqsiyaadka muhiimka ah ee Xamaas sida Osama Hamdan, Taher al-Nunu, iyo kuwa kale oo inta badan lagu soo bandhigo xarumaha wararka ayaa ku sugnaa Istanbul muddo bil ka badan.

Joogitaankooda dheeraadka ah ee Turkiga waxay calaamad u tahay ka bixitaan booqashooyinkii hore, kuwaas oo caadi ahaan ku koobnaa joogitaano kooban.

Waxaa loo malaynayaa in ammaanka shakhsiga ah ee hoggaanka Xamaas uu hadda welwel weyn ku hayo kooxda oo laba hoggaamiye laga dilay wax ka yar afar bilood. Sidoo kale dhimashadii Haniyeh bishii Luulyo iyo bishii Oktoobar oo ay Israa'iil dishay Yahya Sinwar.

Sida laga soo xigtay Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, "Xamas waxay qaadatay qaab ku meel gaar ah oo hogaamin wadajir ah si loo yareeyo saameynta dilalka mustaqbalka ee Israa’iil".

H A Hellyer, oo ah xubin sare oo ka tirsan Machadka Royal United Services Institute (Rusi), ayaa BBC u sheegay in meelna "aanay ka ilaalin doonin isku dayga dil ee Israa’iil si la mid ah sidii ay u joogeen Doxa, halkaas oo Maraykanku ku leeyahay saldhigga ugu weyn ee gobolka.y"

Tillaabadan ugu dambeysay ayaa imaaneysa iyadoo saraakiisha Mareykanka ay u muuqdaan kuwo aad uga careysan qaabka ay dowladda Israa’iil u qaadatay joojinta dagaalka. Bishii Oktoobar, Xoghayeyaasha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in haddii Israa'iil aysan oggolaan gargaar bini'aadannimo oo dheeraad ah, ay wajihi doonaan siyaasad aan la cayimin "saameynteeda".

Laakin, sida uu qabo Dr Hellyer, isku daygii Mareykanka ee gorgortanka ayaa ahaa mid khaldan.

"Iyagoo dejinaya khadadka cas oo u oggolaanaya Netanyahu inuu ka gudbo cawaaqib la'aan, maamulka Biden wuxuu si wax ku ool ah u dhiirigeliyay isla xisaabtan la'aan. Uma maleynayo in mid ka mid ah tani ay isbedeli doonto 10ka toddobaad ee soo socda, "ayuu yiri.

Wax ka bedel kasta waxaa si isdaba joog ah u diiday Netanyahu iyo isbahaysigiisa garabka midig, kuwaas oo hadda sidoo kale dareemi doona dhiirranaanta rajada madaxtinimada ee soo socota ee Donald Trump.

In kasta oo dhab ahaan qaabka uu Trump u wajihi doono gobolka aan la hubin, haddana waxaa loo malaynayaa in ay u badan tahay in uu u ogolaado Israa’iil in ay ku dhaqanto shuruudaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in Trump uu Netanyahu u sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka marka uu xilka la wareego.

Sidaa darteed waxa laga yaabaa inay rumaystaan sida ugu wanaagsan ee lagu qasbi karo nooc heshiis ah inay tahay in cadaadis lagu saaro Xamaas. Haddii ay faa'iido hesho waxay ku xiran tahay in Qatar, oo ah saaxiib la isku halleyn karo, ay go'aansato inay la socoto…XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip