HALKAN KA AQRISO W.WAREGYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 5TH, NOVEMBER 2024

0
Tuesday November 05, 2024 - 08:24:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WAREGYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 5TH, NOVEMBER 2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Masar

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wa -saare ku xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Dalka Masar iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira Danjire Cali Cabdi Awaare.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee XFS socdaalka uu ku tagay Masar waxaa ku wehliya Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeenta Cilmi Maxamuud Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Ba naadir ahna Duqa Magaalada Muq disho Yuusuf Xuseen Jimcaale(Mad aale).

Wafdigaan ka socda Soomaaliya ay aa qayb galaya Madasha Duni Magaa laynta 12 aad (World Urban Forum 12) oo sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jamhuuriyadda Carbeed Masar.

Baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyadda 2025

Mudanayaasha labada Aqal ee Baar lamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ah ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ee uu maanta ansixiyay Baarlamaanka ayaa gaareysa $1,359,714,328 ,wax aana ogolaatay 172-Xildhibaan laba Xil dhibaan ayaa diiday hal Xildhibaa nna waa uu ka aamusay.

Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

Kordhinta dakhliga gudaha ee dowla dda ayaa saldhig u ah qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulsha da iyo horumarinta kaabayaasha dha qaalaha.

Miisaaniyadda Dowladda 2025-ka ayaa dhaqan gal noqon doonto marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud laguna soo saaro faah-faahinta rasmiga ah ee dowladda.

Wasiir Fiqi "Weli labada dal cilaaqaadkii ma go’in safaaraddeenna weli waa ka furan tahay Addis Ababa "

Wasiirla Arrimaha Dibadda Sooma aliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay warbaahin Qaranka ay aa sheegay in safiirka Itoobiya uusan joogin dalka uuna ka baxay kadib xiisa dii ka dhalatay heshiis beenaadkii Itoo biya lagashay Maamulka Soomaaliland, tan iyo xiligaasna uusan soo laaban.

"Horta safiirka sida uu u baxay ayuu maqan yahay diblumaasiyiinta kale ee meesha joogay way joogaan, fasaxyo iyo dalalkooda si ikhtiyaar ah kuwa ugu maqan maahinee way ku qoran yihiin meesha” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Sidoo kale intaa hadalkiisa sii raaciyay in uusan si rasmi ah u go’in xiriirka labada dal oo wali ay safaaradda Soomaaliya ay ka furantahay Addis Ababa.

"Weli labada dal cilaaqaadkii ma go’in safaaraddeenna weli waa ka furan tahay Addis Ababa diblumaasiyiinteenna way jiraan”.

wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaadan la’dahay go’aan rasmi ah oo lagu xirayo gabi ahaan safaaģradda Itoobiya, waxa uu sheegay in aan loo baahneyn caadifad, balse dowlada federaalka ay ku dhaqmeyso diblumaasiyad.

Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo xiriirk a Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa xa runta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Safi irka Sweden u fadhiya Soomaaliya H.E. Joachim Waern,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Gudd iga Xildhibaan Maxamed Jaamac Mur sal oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxig eenka guddiga Xildhibaam Aweys Xu -seen Macalin Xoghayaha Guddiga Xild hibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya wa damada Soomaaliya iyo Sweden gaar ahaan Baarlamaanadda labada dal taa si oo loo marayo hanaan wada shaqe yn oo dhex mara Guddiyadda Arrim aha Dibadda ee labada Baarlama an,waxaana Danjire Waern dhankiisa uu muujiyay sida ay Sweden uga go’an tahay inay taageerto horumarka Soo maaliya ee dhinacyada nabadda, xasil loonida iyo sidoo kale horumarka waa ra.

Mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay oo gaaray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Kam aal Daahir Guutaale iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah Maxamed Shire ayaa xarunta diyaarinta Qorshah a Isbeddelka Qaranka (QIQ) ku soo dhaweeyey isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr George Conway oo soo booqday xarunta.

Mas’uuliyiinta ayaa yeeshay kulan ga ar ah iyadoo Warbixin laga siiyey isku duwaha habsami usocodka howlaha diyaarinta Qorshaha ee todobaadkii Sa ddexaad ka socda halkaan, waxaa si doo kale ay ka wada hadleen mas’u uliyiintu xoojinta iskaashiga dowladda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha UN-ka iyagoo isla soo qaaday sida ay muhiim u tahay in Qaramada Midoobay ay taageero dhaqaale ka geysato diyaarin ta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee socda.

Kulanka ka dib mas’uuliyiinta ayaa kormeeray Sheybaarada ay ka socoto diyaarinta Qorsahaha Qaranka waxaa na Mr Conway uu muujiyey sida uu ug u qancay shaqada ka socota xarunt aan.

Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Jubaland oo sheegay inay aqbaleen shirka wadatashiga ee loogu yeeray

Qaar kamid ah Xildhibaanada laba da aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada Juba land oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay aqbaleen shirka wadatashiga ee loogu yeeray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Ma doobe ayaa warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiskiisi waxaa uu shir wadatashi ah iskugu yeeray xildhibana da labada aqal ee Jubaland kasoo ga lay Baarlamaanka Soomaaliya, waxa ana dhamaantooda laga sugayaa inay tagaan Kismaayo inta u dhaxeeysa 8-11 November 2024

Waxa ay mudanayaashaan cod dheer ay ku sheegeen inay tagayaan magaal ada Kismaayo ayna wadatashi la yee lan doonaan Madaxweynaha Jubaland iyo Golahiisa Wasiirada, si lamid ah xu bnaha Golaha wakiilada Jubaland iyo odayaasha dhaqanka iyo Bulshada ra yidka, waxaana ay xuseen inay wixii ka soo baxa ay ku dhaqi doonaan aayaha ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Bulshada ku dhaqan de gaanada Jubaland.

Xildhibaan Xasan yare oo kamid ah xi ldhibaanadii maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhamaantoo da xildhibaanada labada aqal ay tagi doonaan Kismaayo marka laga reebo hal mudane oo uusan xusin magaciisa.

"Waxaan rabaa inaan idin sheego inaan aqbalnay inaan aadno Kismaayo, waxaan u tageynana waa wada tashi, waana la soconaa daruufaha Siyaasad eed ee dalka marayo, xildhibanada la bada aqal ee Baarlamaanka ku matala Jubaland waxa ay ka kooban yihiin 51, in kabadan 40 ayaa gaari doonto Dowl ad Goboleeda Jubaland oo u diyaar ah inay gaari doonaan, waan ognahay dar uufaha ay ku jiraan Wasiirada iyo Xil dhibaanada kale” waxaa sidaasi yiri Xi ldhibaan Xasan yare.

Ugu dambeeyn warbaahinta oo su’a alo weydiisay Xildhibaanadaan oo ku qotontay in Dowladda federaalka ay carqaladeen doonto socdaalkoodi Kis maayo ayna jirto warar sheegaya in Lii skoodi la dhigay Garoonka Diyaarad aha oo aysan ka bixi karin, waxa ay sheegeen in aysan haynin warka arinta asi la xiriirta balse markii ay arintaas ay dhacdo ay kahadli doonaan hadiiba ay jirto.

Waxaa cirka isku sii shareeyay khilaaf ka Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Dowladda Federaalka wixii ka dambee yay markii Shirkii Madasha uu iskaga baxay Axmed Madoobe maadama uu diiday in xiligaan la joogo aysan Soo maaliya ka hirgalin karin Dowladda Doorasho Qof iyo Cod.

Musharax Cirro oo Ka Hadlay Mawqifkiisa ku Aadan Heshiiska Itoobiya iyo Colaada Sool

Musharaxa Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu sii wadi doono heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, sidookale, uu colaada go bolka Sool wadahadal ku dhamayn doono.

Cirro oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in uu wadahad al ka gali doono colaada ka aloosan go bolka Sool, waxa uu sheegay in dadka Somaliland iyo dadka reer Laascaano od ay yihiin dad walalo ah waxkasta oo dhexmarana ay tahay in wadahadal lagu xaliyo.

Musharaxa oo wax laga waydiiyay ma wqifkiisa ku aadan is-afgaradka Somal iland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in an ay ka xisbi ahaan heshiiska arag, ayna soo jeedinayaan in golayaasha baarl amaanka la horkeeno, wuxuuna shee gay in heshiiska uu sii wadi doono ha dii uu madaxweyne noqdo.

"Waxaanu tilmaanay in waxkasta oo Somaliland usoo kordhaya aanu waafa qsanahay, xukuumadu heshiis way gali kartaa, lakiin xeerarkeenu waxay tilm aamayaan in la keeno baarlamaanka heshiis kasta oo ay xukuumadu gash ay, anagu wixii heshiis ah ee Somal iland ku jirtay waanu sii wadaynaa" ay uu yidhi Cirro.

Cirro sidookale waxa uu sheegay in uu dhisi doono Somaliland iyaduna he shiis ah dunidana heshiis la ah hadii uu guulaysto, isaga oo xusay in uu mu ddo dheer ahaa dibulumaasi, isla mar kaana uu xoojin doono xidhiidhka Som aliland iyo waddamada muhiim ka ah sida Itoobiya, Kenya, Ingiriiska iyo Ma raykanka.

Ugu danbayn, waxa uu sheegay in uu koomiishanka doorashooyinka u saxee xay in uu aqbalo go'aankasta oo ay ka soo saaraan doorashada, sida darteed na uu aqbali doono hadii uu guuldara ysto, mardanbena aanu tartami doonin.

Xildhibaanada xisbiyada mucaaradka oo ku eedeeyay Deni iyo Juxa inay afduubteen doorashadii saddexda degmo ee gobolka Nugaal

Xildhibaanada xisbiyada mucaarad ka ee Puntland ayaa qaadacay heshiis ay wada galeen xisbiga Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweyn aha Puntland iyo madaxda xisbiyada Mideeye, Shaqaalaha iyo Runcad, kuw aas oo ku heshiiyay cidda noqonaysa guddoomiyayaasha Garowe, Dangora yo iyo Godobjiraan.

Dhammaan saddexda degmo guddoo miyayashooda waxaa wada qaatay xis biga Kaah, waana guddoomiyayaashii horey u joogay xafiiska oo dib usoo la banaya.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni iyo wasiir ka arrimaha gudaha Juxa inay faraga lin ba'an ku sameeyeen xisbiyada oo ay ka horyimaadeen caqlibiyadda xild hibaanada oo doonayay in doorasho la aado, si loo fuliyo rabitaanka shacabka saddexda degmo.

Xildhibaanadu waxay sharci darro ku tilmaameen heshiiska dhexmaray xis biyada, iyagoo sheegay in dhaawac weyn loo geystay dimuqraadiyadii curd inka ahayd ee Puntland.

Xildhibaanadu waxay ku goodiyeen inay qaban doonaan mudahaarad nab ad galyo ah oo ay ku dalbanayaan in doorasho la aado. Sidoo kale waxay sheegeen inay dhexdooda iska dooran doonaan guddoomiyayaasha iyo ku xigeenada haddii laga jawaabi waayo baaqadooda.

23 kii bishii July 2024, doorashooyin kii ka dhacay saddexda degmo, dadwe ynaha ayaa 70% u codeeyay axsaabta mucaaradka ee isbeddel doonka aha yd.

Hase yeeshee, xeerka doorashooyin ka ayaa dhigaya in xisbiyadu ku heshi in karaan inay soo wada dhistaan gola yaasha degaanka.

 

Turkiga oo soo jeediyay in Itoobiya la siiyo deked badeed

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in dalkiisu uu wado dadaallo aan kala joogsi laha yn oo uu ku doonayo in lagu xalliyo khi laafka hadda ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo la samaynayo hes hiis guud oo ku habboon labada dhi nac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ku sugan Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la aqoonsado madax bana anideeda iyo midnimada dhuleed, iyo sidoo kale sida ay lagama maarmaan ka u tahay in Itoobiya ay hesho marin badeed.

Fidan waxa uu muujiyay in heshiis gu ud uu u baahan yahay in laga gudbo caqabadaha taariikhiga ah ee culeyska ku haya madaxda labada dal, lagana gaaro go’aanno u adeegaya baahida hadda jirta, iyadoo oo ku micneyay in nuxurka arrintu uu u baahan yahay in si shuruud la’aan ah loo aqoonsado madax-bannaanida iyo midnimada dhu leed ee Soomaaliya, waxaa intaa dhe er in Itoobiya baahida ay u qabto ba dda in lagu gaaro hab nabadeed.

Waxa uu tilmaamay in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin dad aad u badan, ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin ganacsiga badda, taas oo ka dhigaysa gelitaanka badda mid mu hiim u ah danaheeda dhaqaale.

Fidan waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiis dhexmara Itoobiya iyo Soo maaliya uu ka dhigan yahay muhiimad da koowaad ee Ankara ay siineyso wa da hadaladaan ay garwadeenka ka ta hay, isla markaana dalkiisu uu la sha qeynayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, ujeedaduna tahay in la ga aro heshiis guud oo qanciya dhamm aan dhinacyada.

Waxa uu ku macneeyey in uu arrimah an kala hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana uu sheegay in kulankani uu xoojin doono fikradaha iyo soo jeedinta ay soo ban dhigeen dhinacyada, isaga oo carabka ku adkeeyay in Turkiga ay ka go’an ta hay in ay sii wadayaan taageeradooda si loo gaaro heshiis guud oo ay ku wa da qanacsan yihiin labada dhinac uu ul a jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya si go bolka u noqdo mid xasiloon.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Jubbaland oo ku kala qeybsamay baaq ka yimid Axmed Madoobe

Xildhibaannada iyo Senatarada laba da aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoo du tahay Jubbaland ayaa ku kala qay bsamay baaq ka yimid Madaxweynaah Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku saabsanaa in ay isugu yimaadaan shir wadatashi ah kaas oo ka dhici doona magaalada Kismaayo sideeda illaa tobanka bishan Noofeembar.

Xildhibaanno iyo Senataro u janjeera dhinaca xukuumadda Federaalka ayaa diiday baaqa Axmed Madoobe, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyayn ay sheegeena in ay tagi doonaaan Kis maayo.

Xoghaya Guddiga Maaliyadda ee Go laha Shacabka Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Uurdoox ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaanno kaleba ay tagi doonaan magaalada Kismaayo, iyagoo ka jawaabaya baaqa Madaxweynaha Jubaland.

Halka Senator Iftin Xasan Baasto oo kamid ah senatarada laga soo doorto Jubaland, uu BBCda u sheegay in uu ku gacanseyray baaqa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Khasaare ka Dhashay Dab xalay ka kacay qaybo la mid ah Suuqa Bakaaraha

Faah faahino ayaa ka soo baxata Khasaaraha ka dhashay Dab ayaa Xa lay ka kacay Dhismo ku yaalla Bakaa raha ee magaalada Muqdisho .

Dabkan oo aan la ogeyn waxa dhal iyay ayaa ka kacay Dhismo ganacsi ayaa ku yaalla qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha .

Daminta Dabka xalau ka kacay suu qa Bakaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Gaadiidka Dab demiska oo ha lkaas gaaray markiiba dhismaha dabku qabsaday taas oo keentay in markiiba lagu guuleysto deminta dabkaas .

Suuqa bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa gubtay dhowr jeer ka dib markii uu dab ka kacay ku waasoo geystay khasaare maaliya deed oo aad u tiro badan .

ATMIS oo ka hadashay Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane

Howlgalka Ciidamada Midowga Afr ika ee ATMIS xalay soo saaray War-saxaafadeed uu ku cambaareeyay Ma daafiicda shalaySubixii hore lagu wee raray xerada Xalane ee magaalada Mu qdisho.

ATMIS oo aan sheegin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca weerarka Madaafiicda ah dhaliyay ayaa tacsi tiir aanyo leh u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dadkii ku dhintay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay we erarkii Madaafiicda ee shalay subax ay ku qaadeen Xalane ay ku dileen Sad dex Ajnabi Caddaan ah oo ka tirsan shaqaa laha UN-ka, halka 3 ka mida ciidamada Uganda, taasoo ana weli la xaqiijin.

Hay’adaha Amniga Dowladda Federa alka ayaa ka gaabsaday weerarkan oo ah mid soo noqnoqda xilli ay Hay’adda NISA shalay ay ka hadashay howlgal lagu lagu dilay 27 xubnood oo Al-Sha baab ka tirsan kaas oo ka dhacay go bolka Sh/Dhexe.

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiya ha Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef ayaa qoraalka ATMIS ku shee ga inay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, isla markaana aanay we erarradan u joogsan doonin Hawlaha Xasilinta ee ay ka wadaan Soomaa liya .

Kooxaha gurmadka deg degga ee Spain oo Jasiiradaha Cannary ka helay 5 Qof oo meyd ah

Kooxaha gurmadka deg degga ee Spain ayaa sheegay, in Axaddii shalay ay xeebaha mid ka mid ah Jasiiradaha Cannary ee dalka Spain ka heleen ilaa 5 meyd ah ah oo sabbeynaya kuwaas oo la rumeysan yahay in doon kuwa la buufiyo ah oo ay wateen ay banjartay.

Afhayeen u hadlay shaqaalaha gurma dka ayaa wakaaladda wararka Rueters u sheegay, in ay soo badbaadiyeen ila a 97 qof oo ka mid ahaa muhaajiriin la socotay laba doon oo macmal ah oo ay ku jirtay tan qallibantay.

Kooxaha gurmadka waxay sheegeen in todobaadkaan oo kaliyah ay xeeba ha Spain kasoo badbaadiyeen socoto gaareysa 1,500 oo ruux. Dadkaan ay aa intooda badan kasoo hirjroonaya xeebaha galbeed ee Africa iyaga oo soo maraya biyaha Badweynta Atlaanti ga.

Muhaajiriinta oo u badan dhalinyaro ayaa kasoo cararaya xasillooni-darrida ka jirto gobolka Saxil ee Galbeedka Afr ica. Waxay doonyo ku tagaan Jasiira daha Cannary ee raacsan Spain, hal kaas oo ay uga sii tallaabaan dalalka ku jira Midowga Yurub.

Cabdi Nageeye oo ku guuleystay tartanka Orodka Ragga ee New York Marathon

Cabdi Nageeye oo ah Orodyahan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya haatan matela dalka Netherlands ayaa ku guuleystay tartanka Orodka Ragga New York Marathon oo ka dhacay mag aalada New York ee dalka Mareykan ka.

Nageeye ayaa sameeyey Orod xaw aare sare ah oo uu kaga horeeyay guu laystihii sanadkii 2022 Evans Chebet, wuxuuna Nageeye xiritaanka tartanka ka gudbay xariiqda 2:07.39, isagoona lix ilbiriqsi ka dheereeyay Evans Che bet oo u dhashay dalka Kenya.

Cabdi Nageeye ayaa tartankaan ho rey ugu soo muuqday marar kala du wan kaalmaha kala ah 5-aad, 4-aad iy o 3-aad, hayeeshee sanadkaan 2024 ayuu noqday guuleystaha galay kaalin ta koowaad.

Orodyahanka haysta dhalashada dal ka Netherlands Cabdi Nageeye ayaa ku dhashay Magaalada Muqdisho 2-dii Maarso sanadkii 1989-kii waxuuna ka mid noqday Soomaalidii firxadka ku ga shay dalka Netherlands ee qaxooti aha anta loo qaabilay, halkaas ayuuna kula soo baxay hibadiisa Orodka isago san adkii 2020-kii tartan Orod oo ka dha cay magaalada Tokyo ku guuleystay biladda Qallinka ah.

Ugu dambeyntii Cabdi Nageeye ayaa ka mid ah dhallinyaro badan oo Soom aali ah, kuwaas oo matala dalal kala duwan oo dhaca Qaaradaha Yurub iyo Ameerika, waxaana orodyahanadaas ka mid ah Mo Farah oo matala dalka In giriiska, kaasoo marar kala duwan gu ulo waa weyn ka gaaray tartanada Oro dka Aduunka.

Magaalada Lahore ee Pakistan iskuulada ayaa la xiray kaddib markii hawadu wasakhowday

Wasakhowga hawada oo aan hore loo arag ee ka dhacay magaalada La hore ee dalka Pakistan ayaa ku khas bay maamulku inay xiraan dhammaan dugsiyada hoose dhexe muddo toddo baad ah.

Laga bilaabo maantay oo sniin ah, 50% shaqaalaha xafiisyada ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona guryaha, taas oo qayb ka ah qorshaha "in dadka lag badbaadiyo wasakhda) ". Tallaabooyin ka kale waxaa ka mid ah mamnuucista mootooyinka iyo ganacsiga waratada ah.

"Qiicu aad buu u dhibaa carruurta, wa ji-xirashaduna waa in Khasab lag dhi gaa iskuulada," ayay tiri wasiirka sare ee Punjab Marrium Aurangzeb.

Lahore, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Pakistan, ayaa shalay oo Axad ahayd kaalinta 1aad ka gashay liiska magaalooyinka ugu wasakhey san dhanka hawada.

Tilmaanta tayada hawada, oo cabbira ysa noocyo kala duwan oo wasakhay san, ayaa dhaaftay 1,000 Sabtidii, taas oo aad uga sarreysa heerka 300 ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee loo arko "khatar", marka loo eego xogta IQAir.

36 qof oo ku dhimatay bas ku dhacay waadi ku yaal Hindiya

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhimat ay dhowr kalena waa ay ku dhaawac meen kaddib markii uu bas ku dhacay meel ka mid ah gobolka waqooyi ee Uttarakhand ee dalka Hindiya.

Saraakiisha ayaa sheegay in 44 qof ay saarnaayeen markii darawalku uu xa kameyn waayay baskuna uu ku dhacay bohol 50m ah oo ku taala Marchula, oo ku yaala degmada Almo ra ee gobolka.

Dowladda gobolka ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo shilkan.

Basaska ayaa ah gaadiidka ugu badan ee gobolka Himalaya, shilalku na ma ahan inta badan ka dhaca.

Baska ayaa kusii jeeday degmada Ramnagar markii shiulku uu dhacay subaxnimadii Isniinta.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaa day goobta ayaa muujinayay gaar iga oo si xun u burburay oo ku rogmaday buur hoosteeda.

Dhowr qof oo rakaab ah ayaa isla go obta ku dhintay, halka kuwa dhaawac may loola cararay isbitaallada ku dhow dhow. Waxaa wali socda howlaha sam ata bixinta.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa tacsi u diray qoysaska dad kii ku dhintay shilkaas.

Spain oo weli la tacaaleysa daadad

Mas'uuliyiinta gobolka Valencia ee dalka Spain, ayaa weli la daala dhacay a daadkii halkaas ku dhuftay todobaad kii la soo dhaagay.

Waxay sii kordhiyeen xaddiidaada isu scodka iyo weliba mudadii iskuulada la xiray iyadoo ay weli socdaan howlaha samatabixinta iyo baadi goobka ee dhibanayaasha.

Ciidamada madaniga ayaa sheegay inay daabuleen shaqaale hor leh. In ka badan laba boqol iyo toban qof ayaa ku dhintay daadaka ka dhashay roo bab ka xooggan ee ku dhuftay guud ahaan gobolka.

Toogasho ka dhacday Magaalada Columbus ee dalka Maraykanka

Wiil Soomaali ah ayaa la xiray, la guna soo oogay dacwad dil ah oo la xir iirta toogasho uu ku dilay wiil kale oo Soomaali ah, toogashaddan ayaa ka dhacay saaka subaxii hore waqooyi ba ri ee magaaladda Columbus, Ohio, waa sida ay booliisku sheegeen.

Sidoo kale, booliiska ayaa sheegay markii ay gurmad deg-deg ah ku yimaa deen goobta la isku toogtay, waxay he leen hal qof oo dhaawacan kaddib mar kii dhowr xabadood lagu dhuftay, wiilka dhintay oo dhaawac ah yaa loo qaaday xarunta caafimaadka ee Grant isagoo xaaladdiisu liidato, balse waxaa la sheegay in uu dhintay 6:21 subaxnimo.

Weli lama shaacin aqoonsiga, magac yadda iyo da’da labadda wiil ee is too gtay.

SODMA oo Baydhabo dirtay afar diyaarad oo sida shixnado gargaar ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maa mulka Koonfur Galbeed, waxa ay u dir tay afar diyaarad oo sida shixnado gar gaar mucaawino ah.

U jeedka gargarkaan ayaa ah in sha cabka magaladaas uga gaashaantaan abaarta cabsida laga qabo, waxaana hore gargarkaan dalkeenna ugu deeq ay dowladda Shiinaha.

SODMA ayaa sidaan oo kale magaal ooyin badan oo dalka gaarsiiyay gar gaar lagu daabulay dhanka dhulka iyo cirka ah si dadka Soomaaliyeed oo wa xyeelada ka soo gaartay abaaraha iyo fatahaadaha loo gaarsiiyo cunnno iyo agab kale

Qoyska saddexdii haween ee Nairobi lagu dilay oo BBC la hadlay kadib soo xiridda qofkii lagu tuhmay dilkooda

Nin lagu magacaabo Hashim Daga -ne Maxamed oo ah eedeysanaha ugu weyn ee lagu tuhunsan yahay dilka sa -ddex haween ah oo dhawaan ka dha cay xaafadda Islii ee magaalada Nairo -bi ayaa gacanta lagu dhigay.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay aya a saddexda haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay Nairobi.

Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabatay eedeysanaha kad dib baaritaanno ay sameeyeen isagoo ku dhuumanayay goob ku taal Kamuk unji Nairobi.

Eedeysanaha waxaa hadda su’aalo la gu weydiinaya xarunta DCI, waxaana la filayaa in maxkamadda la soo taago maanta oo Isniin ah.

Eliud Lang'at oo ah ku xigeenka hogg aanka booliska Kenya oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in howshan ay aheyd in degdeg loo soo farageliyo ka hor inta aysan noqon mid aan suur agal aheyn wax ka qabadkeeda.

"Isbeddelkan murugada leh wuxuu muujinaya baahida degdegga ah ee loo qabo ficilada diiradda lagu saarayo iyo iskaashiga si wax looga qabto dhi baatada baahsan ee xadgudubka ku saleysan jinsiga ee ka dhexjira bulsha deena”

Saddaxda haween ee la dilay ayaa ahaa hal qoys. Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Ca bdi Maxamuud oo 12 jir aheyd. Mid ka mid ah haweenka oo aheyd hooyada qoyska ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay she egeen qoyskeeda.

Maamada la dilay ayaa la sheegay in ay aadday isbitaal. Gurigeeda ayaa wa xay ka baxday labo saac oo habeen nimo kaddib dib dambe uma aysan so o hadlin, meel ay jirto ayaa la wayay ayey sheegeen qoyskeeda.

Maxay qoysku ka dheheen soo xirid da eedeysanaha?

Booliiska ayaa intii ay wadeen baaris ta la xiriiray qoyska una sheegay halka ay wax marayaan iyo in maanta oo Isn iin ah maxkamdda la keenayo.

"Markii gacanta lagu dhigay waa nala la soo xiriiray, qeybta dambi-baarista ayaa la geeyay, wey noo diideen in aa n aragno, iyaga ayaa maxkamadda ballamiyay, saakay ayaa maxkamada geeyay”

Qoyska dhibanayaasha waxay noo sheegeen in uu horjoogo cadaaladda ninka ay ku tuhmayaan dilka qoyskoo da, ayna rajeynayaa in ay helaan ca daalad.

Cabdi Maxamed oo loo yaqaan Ba shiir waa aabbaha qoyska waxa uu BB C-da u sheegay in ay doonayaan cadd aalad.

"Aad ayaan u faraxay, Alle ayaa ma had leh, awal hore waxaan raadiney nay sidii lagu heli lahaa taas ayaa mu rugo nagu haysay, hadii la soo helay, aad baan ugu faraxnay, iyad ayaan ugu dambeyneynaa wixii dhiman”

Sidoo kale Cabdi Maxamed wuxuu noo sheegay in saakay ay tageen ma xkamadda, ayna goobooj u ahaayeen sida wax u bilowdeen. Wuxuu kaloo sheegay in ay rajeynayaan in ay hel aan cadaalad

"Caddaalad ayaa rajeynayaa, curad eydi ayuu dilay, xaaskeygi ayuu dilay iyo gabadhii aan adeerka u ahaa”

Xariga eedeysanaha ayaa yimid ka ddib markii waaxda dambi-baaristsa ay soo saareen codsi ay dadweynaha ka ga dalbanayaan in lala wadaago xogta halka uu joogo ninka la tuhunsan ya hay.

Muuqaallo ay duubtay caamerada ay aa lagu arkay gaariga Maxamed oo ka qaadaya gabdhaha xaafadda Islii wax yar ka hor inta aan meydkooda laga he lin meelo kala duwan.

Gaariga lagu qaaday haweenka ayaa markii dambe laga helay isagoo yaalla meel cidlo ah oo ku taalla suuqa Wakul ima oo u dhow masraxa macallinka EN A. Gaariga ayaa loo jiiday Xarunta DC I-da halkaas oo baaris dheeri lagu sa meeyay.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ka dalbaday madaxweynaha Kenya Wi lliam Ruto in dilka haweenka yahay mu siibo qaran, uuna dedejiyo go’aan ka gaarista dhammaan kiisaska la xiriira geerida iyo weerarka loo geysto hawee nka.

Madaxweyne William Ruto iyo mad axa cadaaladda Martha Koome ayaa ku baaqay in tallaabooyin degdega ah ay qaadaan ciidamada ammaanka.

Madaxa booliskam, Douglas Kanja Kirocho, ayaa u xaqiijiyay dadweynaha in booliska ka go’an tahay ilaalinta amniga iyo cadaaladda dhammaan shacabka.

Waaxda dambi-baarista Kenya oo war ka soo saaray weerar ka dhacay xaafadda Islii

Waaxda dambi-baarista dalka Kenya (DCI), ayaa war ka soo saaray weerar iyo dhac Jimcihii, 1-da bishan Novembar ka dhacay dabaqa Ushirika Towers ee xaafadda Islii ee magaala -da Nairobi.

Waxay sheegeen in nin hubeysan uu gudaha u galay guri ku yaala dabaqa lixaad ee dhismahaas, isagoo gacan ka helay gabar gurigaas ka shaweyney say oo la yiraahdo Everlyne, taas oo heysata dhalashada waddanka Ugand -a.

Ninkan, oo isna la sheegay inuu ya hay muwaadiin u dhashay isla Uganda, ayaa weeraray oo six xun u dhaawa cay gabar Soomaali ah oo iyaduna gu rigaas ka shaqeyneysay oo la yiraahdo Xakiimo Muxyadiin.

Xakiimo waxaa soo gaaray dhaawac yo culus. Ilig ayaa ka jabay, waxaa uu -na dhaawac ka soo gaaray madaxa, gacan, iyo lugaha, sida ay sheegtay waaxda dambi barista Kenya. Waxaa sidoo dhabarkeeda ka muuqday dhaa wacyo jirdil ah. Xaaladeeda waa lala ta caalay isbitaalkana waa laga saaray.

Dhanka kale, waxaa gurigaas laga dhacay agabyo kale oo kala duwan sida, laptop-yo gaaraya afar, dahab iyo sidoo kale lacago isugu jira doolar iyo lacagta dalka Kenya.

Everlyne, oo ah gabadha guriga ka shaqeyneysay, ayaa la sheegay in sha qadaas ay bilowday saddex todobaad ka hor dhacdada, haatanna way baxsa deen, iyada iyo ninkii falka geystay.

Hooyada guriga la weeraray ayaa ma qneyd xiligii ay wax dhacayeen, waxa ana la sheegay inay howlo caafimaad u aaday dalka Hindiya, halka aaba hana uu carruurta u kaxeeyay dalxiis.

Howlaha barista ee la xirriira arrintan ayaa ayaa weli socda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip