halkn ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Thursday October 31, 2024 - 08:06:24 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkn ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Madaxweynaha JFS oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka Jamhuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuti Mudane Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed, iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo Gobolka u horseedi karta hormar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta. Dhankiisa Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo ugu baaqay dowlad gobolleedyada ka maqan shirka madasha in ay ka soo qayb galaan

Munaasabadda habeen hore ka qabsomay Madaxtooyadda taas oo madaxweynaha qaranku ku maamusay Xildhibaanada laba aqal ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad goboledyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad gobole-dyada ka qayb-galay Madasha Wadata-shiga Qaranka, taasoo lagaga arinsanayo aayaha iyo hormarka dalkeena, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyadxa ka maqan shirka madasha wadatashiga in ay ka soo qayb galaan shirka "Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Shalay dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqenaynaa adkaynta amniga dalka, dhamaystirka dib-u-xoreynta deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu” ayuu yiri Madax-weynuhu.

Madaxweynaha JFS oo labada aqal ee Baarlamaanka ka codsaday kulan gaar ah

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud, ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka.

Munaasabadda xalay waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeenadiisa, iyo Madaxweyneyasha Dowlad-goboledyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogadiyey Madaxda Dowlad-goboledyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.

"Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Shalay dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deeganada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone.

Ra’iiul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhagaystay Khubarrada ku howlan qorista Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, wuxuuna kormeeray Sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta, waxa uu ka qaybgalay doodwadag wax ku ool ah oo ay yeesheen Wasaaradda Caafimadka, Dhaqaatiirta iyo Ganacsatada kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo ee DanQaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in Qaranka lagu horumariyo.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu intaa raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada Ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in Xukuumadda DanQaran ay dalka ku hogamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo.

Guddoomiye Madaale oo daah-furay Shirweynaha 5-aad ee Hogaanka iyo Hal-abuurka dhalinyarada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Shirweynaha 5-aad ee Hogaanka iyo Hal-abuurka dhalinyarada, kaasi oo loogu hadlaayo doorka ay dhalinyarada ku dhex leeyihiin bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin doorka dhalinyarada, isla markaana ay yihiin laf-dhabarka bulshada, waxa uuna kula dardaarmay in lagu dadalo waxbarashada, ayna isku gurmadaan dhalinyarada si usoo bandhigaan hal abuurkooda.

Shirkaan oo socon doonna muddo labo maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Somali Youth Leadership Center iyo Arkaan Leadership and Innovation Hub oo kaashanaya Xafiiska Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad ee XFS oo gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad ee Xukumada Federalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa halkas kaga qeyb-galayo Shir-madaxedka 23aad ee Suuqa loo Dhan Yahay ee Bariga iyo Konfurta Afrika (COMESA) ee Sooma-aliya xubinta ka tahay.

Shirkan ayaa looga doodi doonnaa istiraatiijiyadaha amniga iyo nabadda, saamenta isbedelka cimilada, dhaqaalaha, iyo horumarka waara ee dalalka suuqan ku mideysan.

SoDMA oo martigelisay kulanka billaha ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa shalay martigelisay kulanka billaha ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta iyada oo guddoomiyey guddoomiyaha hey’adda Mudane Maxamuud Macallin.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha kala duwan ee dowladda heer federaal ee ka shaqeeya arrimaha Xasilinta iyada oo Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Gurbiye uu ka warbixiyay baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka guddiga ee tobinkii bil ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka(SoDMA) mudane Maxamuud Macallin oo ka hadlay Kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha warbaahineed iyo wacyigalinta deegaannada Cadowga Al-shabaab laga xorreeyay iyo in sidoo kale ay xafiisyada warbaahineed ee dowladda yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo soo dhaweeyay wafdiga ururka mideynta Community Services

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Calamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda wafdi ka socda ururka Mideynta Community Services oo ka dhisan Kanada, uuna hoggaaminayo Mudane Mahad.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray natiijooyinka shirkii dhawaan ka dhacay Uganda Oktoobar 22-24, kaas oo ku saabsanaa adkeynta iyo awood-siinta dhallinyarada. Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay sida Wasaaradda uga go’an tahay taageeridda dadaallada dhiirrigelinaya ka-qaybgalka dhallinyarada iyo horumarinta awooddooda.

Wafdiga ayaa muujiyay mahadnaqooda ku aaddan taageerada Wasaaradda iyo fursada ay u heleen inay wada shaqeeyan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashiyo xooggan oo la wada shaqeynayo si loo gaaro horumar waara.

Kooxo hubeysan oo Muwaadin Soomaaliyeed ku dilay dalka Koonfur Afrika

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa deegaanka khayalisha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ku dilay Muwaadin Soomaaliyed oo halkasi ka shaqesanayay.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee burcadu dileen ayaa magacabiisa lagu sheegay Suleymaan Axmed Maxamuud, wuxuuna ahaa wiil aad u da'yar kana shaqeeynaayay dukaan ku yaala deegaanka Khayalisha.

Kooxda geystay dilka wiilkaan yar ayaa horay u qaatay lacago iyo agab kale oo dukaanka dhexyaalay, kuwaas oo dilka kadibna goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta lagu dilay wiilkan Soomaaliyeed ayaa sameeyay sidii caadada u aheyd baaritaan, hayeshee ma jirto cid ay u soo qabteen dilka loo geystay wiilka yar ee Soomaaliga ah.

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan dilal joogta ah loogu geystay dhalinyarada Soomaaliyeed ee u ganacsi tagay dalkaas, mana jirto cid ka wax ka qabaneysa dhibaatooyinka ay ku hayaan burcada hubeysan ee u dhalatay dalkaas.

SODMA oo shixnad gargaar ah gaarsiiyey Diinsoor

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka (SoDMA), ayaa shalay laba diyaarad oo sida shixnad gargaar ah u dirtay degmada Diinsoor ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Gargaarkan ayay hay’adda SoDMA, ugu talagashay in la gaarsiiyo danyarta iyo qoysaska barakacyasha ah ee ku nool degmadaan iyo degaannada ku xeeran oo muddo go’doon ku jiray, si ay uga gaashaantaan abaarta la saadaalinaayo.

Shixnadaan gargaar waxaa hore SoDMA ugu deeqay Dowladda Shiinaha, waxaana mucawinadaan ku soo aadday iyadoo maalmihii danbe xaalado adag oo dhanka nolosha ah ay wajahayeen shacabka degmadaas.

Lix ruux oo lagu dilay dagaal beeleed dib uga qarxay degmada Luuq

Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in markale uu shalay dib uga qarxay gudaha iyo duuleedka magaalada Luuq dagaal beeleed aad u xoogan.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid culus oo labada maleeshiyo beeleed isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kale duwan, waxaana dagaalka xoogiisa la soo sheegaya inuu wali ka socda duleedka Bari ee degmada Luuq.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya labadii beelood ee dhawaan ku dagaalamay gudaha degmdaas, waxaana lasoo sheegaya inuu dagaalka geystay khasaarooyin kala duwan.

Inta la xaqiijiyay ilaa 6 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah iyo labada maleeshiyo ayaa ku dhintay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo ah mid dhowrkii bilood ee la soo dhaafay labadaan maleeshiyo beeleed ku dhexmaraayay degmadaas.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka shalay ka qarxay degmada Luuq iyo duuleedkeeda iney qeyb ka yihiin askar ka tirsan Booliiska ka howlgala magaaladaas.

Shir lagu heshiisiinaayay labadaan beelood oo bishaan gudaheeda ka dhacay magaalada Kisnaayo ayaa noqday mid fashilmay, kadib markii shirkaasi kadib dagaalkaan uu noqonayo kii labaad oo beelahaan ku dhexmara degmada Luuq ee gobolka Gedo.

UK: Soomaaliya ayaa leh go'aanka ugu dambeeya ee Itoobiya ugasii mid ahaan karaan nabad ilaaliyaasheeda

Danjire Michael Nithavrianakis oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay go’aanka ugu dambeeya ee ku saabsan ka qeyb galka ciidamada Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika inuu horyaalo dowladda Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray safiirka UK ayaau hoosta ka xariiqaya mowqifka Dowladda UK ee ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida Soomaaliya si loo go’aamiyo iskaashiga dhinaca amniga ah.

Danjire Nithavrianakis ayaa muujiyay sida ay UK u taageersan tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee socda oo ay hormuud ka yihiin Kenya iyo Turkiga, kuwaas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda hadda ka dhex taagan Muqdisho iyo Addis Ababa.

Waxa uu iftiimiyay in UK ay diiradda saarayso dhiirigelinta xalalka ay dalalka Ciidamada ku tabarucay (TCCs) ay u gudbi karaan si ay mustaqbalka u noqdaan Iskaashiga Ciidamada (TPNs).

"Mawqifka dawladda UK waa in la helo waddooyin awood u siinaya ciidamada hadda jira inay si habsami leh ugu gudbaan howlgalka xiga, iyaga oo la jaan qaadaya yoolalka xasilloonida gobolka ee muddada dheer," ayuu raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay ka soo horjeedo ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta, iyadoo sabab uga dhigtay xad-gudubyo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya oo ay geysatay Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda walaac xooggan ka muujisay amnigeeda iyo xasillonida gobolka haddii ciidamadeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS laga saaro Soomaaliya.

In ka badan 60 ruux oo ku dhintay daadad ku dhuftay gobol ku yaala dalka Spain

Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka dalka Spain uga tacsiyadeeysay dadka uga geeriyooday daadad ku dhuftay qeybo ka mid ah dalkaas.

Daadadka ayaa ka dhacay gobolka Valencia oo ku yaala Waqooyiga dalkaas, waxaana la xaqiijiyay iney ku dhinteen in ka badan 63 ruux.

Fariinta tacsida ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qorneyd luqada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay murugada la wadaageyso dowladda iyo shacabka dalka Spain ee waxyeelada kasoo gaartay daadadka ku dhuftay gobolka Valencia.

"Soomaaliya waxay la wadaagtay murugada iyo naxdinta dhacdadan musii-bada leh, iyadoo garab taagan qoysaska iyo bulshooyinka ay musiibadu taabatay. Soomaaliya waxaa ka go'an in ay kobciso iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado adkeysiga, soo kabashada gargaarka, iyo ixtiraamka xiriirka aadanaha ee nagu xira waqtiyada murugada iyo dhibaatada" ayaa lagu yiri qoraalka tacsida ee kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda.

Wasaarada arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa sidoo kale fariinteeda ku sheegtay iney u rajeyneyso shacabka iyo dowladda Spain iney si deg deg ah uga soo kabsadaan musiibada ka dhacday gobolka Valencia ee dalkaasi Spain.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda silica iyo rafaadka ee ka jirta Gaza

Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa dib u bilaabaya adeegyadii uu bixinayay, ka dib markii Ciidamada Israel ay burbur u gaysteen.

Ciidamada Israel ayaa Jimcihii xoog ku galay isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya, ka dib maalmo ay go’doomin ku hayeen. Ciidamada ayaa isbitaalka ka qabqabtay dad fara-badan, oo isugu jira bukaankii lagu daweynayay, eheladooda iyo qaar ka mid ah shaqaalihii ka hawlgalayay, iyagoo sidoo kale halkaasi ku dilay tiro ka mid ah bukaankii jiifay. Bukaankii kale ee lagu daweynayay iyo qoysaskii barakacayaasha ee gabaadka ka dhiganayay ayayna amar ku bixiyeen in halkaasi laga daadgureeyo.

Ciidamada Israel ayaa markii dambe isaga baxay isbitaalkaasi, iyagoo burbur u gaystay qaybihii isbitaalka oo dhan. Sidoo kale burbur weyn ayay u gaysteen waddooyinka soo gala iyo dhismayaasha ku xeeran. Taangiyada Militariga Israel ayaan ka fogeyn agagaarka isbitaalkaasi.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa la sheegaya in isbitaalka ay keenayaan dhaawacyada ay u suurtagasho inay soo qaadaan.

Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan, Dr. Hussam Abu Safiya ayaa sheegay in baahi weyn oo caafimaad ay ka jirto waqooyiga Marinka Gaza, ka dib hawlgalka ay Ciidamada Israel horaantii bishan ka bilaabeen halkaasi. Militariga Israel ayaa dhulkaasi ka go’doomiyay Gaza inteeda kale.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay shaqaale la’aan ka jirto isbitaalkaasi, isla-markaana ay soo food saartay dawo yari ba’an iyo qalab la’aan, waxaana uu ku baaqay in shaqaale caafimaad loo soo diro isbitaalkaasi, dawooyinkana la keeno.

Agaasimaha ayaa xaaladda ku tilmaamay mid aad u adag, marka loo eego burburka soo gaaray isbitaalka, dhaawacyada badan ee ay la tacaalayaan, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee ku yar. Shaqada isbitaalka ayuu sheegay inaanan looga maarmi karin xaaladda adag ee bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

Abu Safiya ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay xaalad madow geliyeen dadka ku nool waqooyiga Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa toddobaadkii afaraad wax u muuqdo hawlgal sifeyn ah ka wada xaafadaha ku yaala waqooyiga Marinka Gaza, iyadoona aan muddadaasi wax gargaar ah la gaarsiinin qaybo badan oo ka mid ah dhulkaasi, sida xerada qaxootiga Jabalia oo dadka intiisa badan ay ku nool yihiin.

Ciidamada Israel ayaa dadka ku amraya inay banneeyaan xeradaasi iyo deegaanada kale ee waqooyiga Marinka Gaza, waana xilli ay dadka rayidka ah ku beegsanayaan waddooyinka. Ciidamada ayaa dilay dad fara-badan, iyagoo kuwo kalena dhaawacay, halka ay boqolaal kalena xirxireen.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa la soo sheegaya inay weli ku adag tahay inay gaaraan meelaha qaarkood, si ay uga soo qaadaan meydad badan oo sida la sheegay daadsan waddooyinka iyo dhaawacyada lagu hayo meelaha sida weyn loo go’doomiyay.

Muddada uu socdo hawlgalkan, Ciidamada Israel ayaa dilay in ka badan kun qof oo dad rayid ah, iyadoo tiro intaasi ka badana ay dhaawaceen, isla-markaana ay burburi-nayaan dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee dadweynaha.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay si toos ah duqaymo ugu gaysanayaan dadka rayidka ah, taas oo sida uu sheegay halis ku ah nolosha dadka rayidka ah.

Waxa uu xoojiyay digniinaha ka soo yeeraya hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ee ka digaya in macluul ay ka dilaacdo waqooyiga Marinka Gaza, haddii aysan Israel dib u furin marinada bani’aadantinimo.

Ciidamada Israel ee halkaasi ku sugan ayaa xiray dhammaanba waddooyinkii dadka loo soo marsiin lahaa gargaarka bani’aadantinimo. Shaqaalaha gaadiidka xamuulka ee u raran hay’adaha gargaarka ayaan halkaasi u socdaali karin, iyaga oo aan wax fasax ah ka haysan Israel, haddii kalena la duqayn doono.

Ciidamada Israel ayaa carqaladeynaya in raashiinka, biyaha, shidaalka iyo dawada la gaarsiiyo dhulka lagu hareereysan yahay, waana ciqaab wadareedka ay hay’aduhu ka qaylo dhaaminayaan.

Tallaabooyinkan ay Israel uga sii dareyso xaaladda dadka rayidka ah ayaa dhalisay walaac caalami ah.

Xoghaye Guterres oo farriin u diray Israel iyo cawaaqibka ay la kulmi karto

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa saacadihii dambe ee Talaadadii warqad u qoray Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, si xukuumaddiisu ay uga laabato sharciyada lagu mamnuucay Hay’adda UNRWA.

Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa habeen hore meelmariyay laba hindise sharciyeed, oo sharci ka dhigaya inaysan UNRWA ka shaqeyn karin Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Israel.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Raysal Wasaaraha Israel ugu baaqay inaysan xukuumaddiisu dhaqangelin sharciga lagu wiiqayo howlaha hay’addaasi.

Xoghayaha ayaa sheegay inaanan hadda la bedeli karin Hay’adda UNRWA, maadaama xaaladda gobolka ay tahay mid aad u cakiran, ayna tahay inay shaqadeeda sii wadato, haddii ay tahay hay’ad ay Qaramada Midoobey leedahay.

Xoghaye Guterres ayaa xusay in sharcigu uu uga sii darayo masiibada bani’aadantinimada ee muddada dheer ka jirta Marinka Gaza, kana dhalatay go’doominta daran ee Israel iyo is hortaaga ay ku hayso kaalmada bani’aadantinimo

Dhanka kale Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stephane Dujarric ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta go’aanka ay Israel ku mamnuucday shaqada ay hay’addu u hayso shacabka Falastiin.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in warqadda uu Guterres u qoray Netanyahu ay Israel xusuusineyso waajibaadka ka saaran ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobey iyo ixtiraamka xeerarka caalamiga.

"Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu carabka ku adkeeyay in Hay’adda UNRWA ay tahay habka ugu muhiimsan ee kaalmeynta lagama maarmaanka u ah Falastiiniyiinta ku sugan dhulka la haysto ee Falastiin. Ma jirto wax lagu bedeli karo hay’adda.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri "Waxaan ugu baaqayaa Israel in ay si joogta ah ugu dhaqanto waajibaadkeeda hoos yimaada Axdiga Qaramada Midoobey iyo waajibaadka kale ee hoos imanaya sharciga caalamiga ah ee bani’adanimada iyo kuwa khuseeya dhawrsanaanta Qaramada Midoobey. Sharciga qaranku ma bedeli karo waajibaadkaas.”

Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in sharcigu uu halis ku yahay jiritaanka Qaramada Midoobey, isla-markaana ay Israel la kulmi karto inay weyso xubinim-adeedii Qaramada Midoobey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Israel Katz ayaa la sheegay in goor sii horreysay uu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii Xildhibaanada Baarlamaanka ay meelmariyaan hindise sharciyeedyada lagu joojinayo shaqada UNRWA.

Wararka ayaa sheegaya in Xoghaye Guterres iyo xafiiskiisuba ay u ololeyn karaan in Israel laga joojiyo xubinimadeedii Qaramada Midoobey, illaa iyo inta ay u hoggaansameyso shuruucda caalamiga ah.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ee laga wareysanayo Warbaahinta caalamiga ah ayaa si aan looga baran u dhalleeceynaya Israel, waxayna si isku mid ah ay uga digayaan in la dhaqangeliyo sharcigaasi.

Afhayeenka Hay’adda UNRWA, Juliette Touma ayaa su’aal ka keentay, sida dal xubin ka ah Qaramada Midoobey uu u carqaladeyn karo waajibaadka mid ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobey, weliba xilligan oo si weyn loogu baahi qabo adeegyada ay bixiso.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa wax aan macquul ahayn ku tilmaamay tallaabada ay Israel ku joojineyso hawlgalada muhiimka ah ee UNRWA.

Borrell ayaa Israel uga digay in ay carqaladeyso bixinta adeegyada UNRWA ee dhulka Falastiiniyiinta.

Xiriirka Qaramada Midoobey iyo Israel ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay, ka dib markii Qaramada Midoobey ay horey uga hortimid qaabka ay Israel u waddo ololaheeda militari ee Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa marar fara-badan cambaareysay xadgudubyadeeda ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Israel oo ka carootay cambaareynta Qaramada Midoobey ayay ciidamadeeda ay Gaza ku dileen 230 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA, si colaad loogu muujiyo Qaramada Midoobey. Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xitaa burburiyay inta badan xarumihii ay Qaramada Midoobey ku lahayd Marinka Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa dilka shaqaalaheeda ku tilmaamtay khasaarihii ugu weynaa ee ay ebid la kulmaan shaqaalaha gargaarka, waana shaqaalihii ugu badnaa ee ka tirsan Qaramada Midoobey ee lagu dilo goob qura, muddo sanad gudaheed ah.

Guterres iyo kooxdiisa ayaa la sheegaya in hadda ay ka dhur-sugayaan jawaabta Israel, ka hor inta aysan qaadin tallaabooyin ay dunida kaga dalbanayaan in lagu ciqaabo maamulkaasi, iyadoo laga jawaabayo halista ay gelinayaan nolosha 2.3 milyan oo qof oo ku nool Marinka Gaza.

Taageero kasta oo Qaramada Midoobey ee dunida ka hesho ayaa u suurtagelineysa in jawaabteedu ay noqoto mid xoogan, waxayna taasi Israel ka dhigeysaa dowlad go’doon ah. Waxay kaloo noqonaysaa mid aysan Israel horey ula kulmin iyo cawaaqibkii ugu xumaa ee ay siyaasad ahaan wajahdo, tan iyo aasaaskii dowladn-imadeeda.

Mareykanka oo ah saaxiibka ugu weyn ee Israel ku difaaca siyaasad iyo militari ahaan ayaa xitaa ka horyimid sharciga ka dhanka ah Hay’adda UNRWA.

Dowladda Mareykanka oo sharaxaad ka dalbatay Israel

Dowladda Mareykanka ayaa Israel ugu yeertay inay sharaxaad ka bixiso dhacdadii ay dadka faraha badan ku dhinteen ee Taladadi darad ka dhacday Marinka Gaza.

Diyaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay dhisme shan dabaq ka koobnaa oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya ee waqoyiga Marinka Gaza. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaana xaqiijisay in duqaynta lagu dilay 93 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmen. Wasarada ayaa sheegtay in 25 carur ah ay ka mid yihin dadka la dilay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka, Matthew Miller ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagax leh.

"Waxaa jira warar sheegaya in laba daraasiin carruur ah lagu dilay dhacdadan. Shaki kuma jiro tiro ka mid ah dadka dhintay ayaa ah carruur ka soo carartay saamaynta dagaalkan in ka badan halka sano socdo.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa Israel ugu yeeray inay sharaxaad ka bixiso sababta dadkaasi faraha badan ay ku dhinteen.

Waxa uu sheegay in inkastoo Israel ay hoos u dhigtay awoodda militari ee Ururka Xamaas, haddana ay taasi keentay in dadka rayidka ah ay noqdaan dhibaneya-asha dagaalkan.

Militariga Israel ayaa sheegay inay baarayaan dhimashada faraha badan ee dadka rayidka ah, balse maysan sheegin waxa keenay in uu bartilmaameed noqdo dhismaha ay dadka barakacayaasha gabaadsanayeen.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si joogta ah dadka rayidka ah ugu beegsada qaybaha Marinka Gaza oo dhan, iyadoo aan loo eegeyn inay degan yihiin Xarumaha Qaramada Midoobey amaba kaabeyaasha rayidka iyo xitaa wadooyinka ay adeegsanayaan, si uga baxsadaan goobaha colaadda.

Dhanka kae Matthew Miller, Afhayeenka Wasarada Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Israel ugu baaqay inay keento xal looga gudbi karo dagaalka, si iyagoo nool ay guryahooda dib ugu soo laabtaan la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

"Si loo hubiyo ammaanka dadka la haysteyaasha ah, Israel waa inay keentaa keliya hab aan ahayn sii wadidda iska horimaadka aan dhammaadka lahayn.” Ayuu yiri Miller.

Iyadoo wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas ay dib uga bilowdeen dalkaasi Qatar, haddana Israel ayaa isku dayeysa inay kordhiso weerarada ay ku hayso shacabka aan hubeysneyn.

Mareykanka ayaa riixaya wada hadalada nabadda ee Magaalada Doha, si loo helo dariiq lagu gaari karo xabad joojin dhameystiran.

Weeraro cadowtinimo ah oo ka dhacay Marinka Gaza

Israel oo sii wadda weeraradeeda naxariis darrada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ayaa in ka badan 100 qof ku dishay waqooyiga Marinka Gaza, ka dib laba weerar oo lagu beegsaday guryo ay dad shacab ahi deganaayeen.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa goob qura ku dilay 93 qof, ka gadaal markii ay Talaadadii duqeeyeen dhisme shan dabaq ah, oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya ee waqooyiga Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa sidoo kale goor dambe oo habeen hore ahayd beegsaday guryo ku yaala waqooyiga Marinka Gaza, halkaasna ay ku dileen 19 qof oo kale.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 25 carruur ah ay ka mid yihiin dadka faraha badan ee lagu laayay Beit Lahiya, tobanan kalena ay ku dhawacmen.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay caado ka dhigatay inay si indha la’aan ah isaga leyso dadka maatida ah, taasna ay ku timid aamusnanta dunida. Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in ay ka argaxeen weerarka, waxaana uu ku sheegay mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Gaza, ku dhawaad saddex bilood.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in weerarka uu ka mid yahay toddobo dhacdo, oo dad fara-badan ay ku dhinteen oo isbuucii la soo dhaafay ka dhacay Marinka Gaza.

Weraradan ugu dambeeyay ayaa imanaya maalin uun ka dib, markii la sheegay in Ciidamada Israel ay xiren Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza.

Ka dib maalmo ay hawlgal ka wadeen isbitaalkaasi, Ciidamada Israel ayaa uga tagey burbur baahsan, taasoo keentay in howlihii isbitaalka ay istaagaan.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay isbitaalka ka daadgureeyeen qoysaskii barakcayaasha ee gabaadsanayay iyo inta badan bukaankii lagu daweynayay, marka laga soo tago in tiro ka mid ah ay dileen. Sidoo kale waxaa la sheegay in ay dhaawac iyo xarigba isugu darayn dhowr iyo soddon ka mid ah shaqaalihii caafimaadka ee isbitaalkaasi.

Ka hor inta aysan Ciidamada Israel gudaha u gelin isbitaalka ayaa waxaa ku sugnaa lix boqol o bukaan oo ay wehliyaan eheladoda iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka. Isbitaalka waxaa kaloo gaba-dsanayay qoysas la soo barakaciyay, sida ay shegtay Wasarada Caafimadka Gaza.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa isna xaqiijiyay in 600 oo bukaan ah ay daryeel caafimaad u joogeen isbitaalkaasi.

Madaxa Hay’adda WHO ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay dhaawaceen qaar ka mid ah shaqaalihii caafimaadka ee ka hawlgalayay isbitaalka, isla-markaana ay xireen tobanaan kale.

Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan, Dr. Hussam Abu Safiya ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay dileen wiilkiisa, isla-markaana ay horey u kaxeysteen 31 ka mid ah shaqaalihii isbitaalkaasi.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Israel ay isaga baxeen isbitalka, balse ay taangiyadooda ku hareereysan yihiin isbitalkiisa, iyago xanibaya adegyadii uu isbitaalku bixinayay.

Kamaal Adwan ayaa ka mid ahaa sadexda isbital ee sida yar haatan uga shaqeynayay waqooyiga Marinka Gaza, waana kan ugu dhow dhaqdhaqaaqa militari ee Israel ee Beit Lahiya iyo xerada qaxootiga Jabalia. Isbitaalkan ayaa qaabili jiray inta badan dadka ku dhawacma dagaalada ku xeeran iyo dadka kale ee bukan socodka ah.

Ciidamada Israel oo muddo afar toddobaad ah hawlgal militari ka wada waqooyiga Marinka Gaza ayaa xiray marinada bani’aadannimo, sida ay sheegeen Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Sida gabadhan Soomaaliyeed looga joojiyay inay xirato surwaal dheer marka ay kubadda dheeleyso

Gabar tababare kubadda cagta ah una ololeysa qaxootiga ayaa laga hor istaagay inay ku dheesho surwaal sababtoo ah waxay xirataa kuwo dhaadheer beddelkii ay surwaal gaaban xiran lahayn, taasoo ay sheegtay inay wax u dhimeyso diinteeda.

Iqra Ismaaciil, oo kabtan ka ahayd Soomaaliya sanadkii 2019 isla markaana aasastay Hilltop FC, ayaa sheegtay in arri-mahan ay yimaaden kadib markii ay heshiis la saxixatay koxda United Dragons FC.

Gabadhan 24 jirka ah oo ku nool galbeedka London ayaa la filayay in cayaartii ugu horreysay ay ka qeyb gasho Axaddii taasoo ay la dheeli lahayd koox ka dhisan bariga London.

"Xiiso ayaan u hayay, inaan aado ayaan diyaar u ahaao. Waxaan imid qeybta hore ee ciyaarta garsooraha ayaana ii sheegay inaanan dheeli karin ilaa aan soo xirto surwaal gaaban," ayay tiri.

"Isla kooxdaas ayaan ku dhowaad shan sano u cayaarayay anigoo xirnaa isla dharkan dheer weligeyna ma xiran dhar gaagaaban.

"Waxaan u sheegay inaan marnaba ku qanacsaneyn inaan xirto dhar gaagaaban.

"Wax la yaab leh ayay ii ahayd in garsoruhu uu go'aan saa u adag qaato.

"Si la dareemayo ayaan u murugeysnaa iyado ciyartu socoto, saaxiibbadey kooxda iyo maamulaha aad ayay ii caawiyeen. Qof walba wuu la muraara dillaacay.

Iqra, oo tan iyo siddeed jirkeedii banooniga dheeli jirtay, ayaa sheegtay in mar qalba ay xirato shaati gacmo-dhere ah, funaanadda kooxda, hijaabka ciyaaraha loogu talo-galay iyo surwaal dheer iyo qalab kale oo muhiim ah.

"Waan ogahay haween badan [oo aan isku diin nahay] oo aan u dheelin kooxahan, xitaa haddii ay awoodaan, sababtoo ah kuma qanacsana inay xirtan dhar gagaban. Taasi waa sababta aysan u cayaarin."

Waxay sheegtay in surwaalka dheer uu ahaa dhibka, ee uusan ahayn shaatiga gacma-dheeraha ah.

Naadiga Greater London Women's Football League, oo United Dragons FC ay xubin ka tahay, ayaa u muuqda inay baal-marayaan shruucda Bahda kubadda cagta ee (FA) ee ku amraya inay arrintan ku ad adkaan, balse shuruucda rasmiga ah ee FA ayaa sheegaya in surwaalkan dheer keliya loo oggol yahay inuu xirto gool-hayaha.

"FA ayaa kala hadashay in haddii cayaartoyda ay xirtaan dharka caadiga ah sabab la xiriirta diintooda, waa in loo oggolaadaa inay cayaaraan," ayay tiri Iqra.

'Meel ammaan ah'

War kale oo kasoo baxay Greater London Women's Football League ayaa xaqiijiyay in cayaartoyda aysan xiran surwaallada dhaadheer.

Iqra ayaa sheegtay in iyadoo tababare ahaan u shaqeyneysa ay isku dayday inay naadiga arrintan kala hadasho, iyadoo soo xiganeysa talada FA ee ah inaan lagu ad adkaan, balse lagama dhegeysan.

"Sababo jira awgood waxay go'aansadeen inaysan waxba ka qaban.

"Sanadihii lasoo dhaafay, waxaan u ololeynayay Muslimiinta haweenka inay meel ammaan ah ka helaan cayaaraha."

"Tusaale ahaan, waxaan qabannay kulan ka tirsan fiinalka kobka FA oo khamri xor ka ah, si hawenka Musliminta ay u dareman qanacsanaan iyo inaan la takoorin.

"Aad ayay u adag tahay in la arko in shaqada adag ee aan billowgii gelinnay ay carqaladeeyaan dhacdooyinka sidan oo kale."

Iqra ayaa sheegtay inay rajeyneyso inay arrintan wax ka qabato mar dhow, ayna FA iyo naadiga kala shaqeyneyso in la beddelo shuruucda, iyadoo mustaqbalkana hiigsaneysa in si heer caalami ah wax looga beddelo.

"Shruucdaada diimeed iyo waxa aad ku qanacsan tahay waa in aad loo tixgeliyaa.

"Dadku waxay yiraahdaan marka aad garoonka joogta, waxaad tahay cayaartoy, balse waxaan aaminsanahay inaad awoodi karto inaad la timaaddo dhaqankaaga, haa waa ficil ka dhiidhin oo shakhsiyadeed, balse aniga keliya way iga weyn tahay."

Afhayeen u hadlay FA ayaa yiri: "Waan ka war heynaa arrintan waxaana la xiriireynaa Middlesex FA si loo hubiyo in deg deg loo xalliyo.

"Waxaan si cad ugu qornay dhammaan naadiyada deegaannada iyo saraakiisha cayaraha ee cayaaraha haweenka horantii sanadkan si loo xaqiijiyo in haweenka iyo gabdhaha loo oggolaado inay xirtaan dhar hubinaya inaan diintooda lagu xad-gudbin. Waxaa aad nooga go'an hubinta in cayaaraha Ingiriiska ay yihiin kuwo loo siman yahay iyo meel soo dhoweyneysa qof walba."

FA ayaa xaqiijisay inay toos ula xiriireen Iqra si ay u caawiyaan ayna ugu xaqiijiyaan inay ka shaqeynayaan xallinta arrinta.

Xigasho BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip