halkaa ka a qriso wararka wargeyska mogtimes

0
Tuesday October 29, 2024 - 09:23:40 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaa ka a qriso wararka wargeyska mogtimes

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.

Ergayga Gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Somalia hormarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta, ku biirista East African Community, qaadista cunaqaba-teynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 — 2026.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo dada-lkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Carabta

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo diirran u diray Mudane Maxamed Axmed Al Yamaxi oo ku guulaystay dorashada Gudomiyaha Baarlamanka Carabta labada sano ee soo socota.

Guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu u rajaynayaa Guddoomiyaha cusub ee la doortay inuu ilaahay la garab galo xilkaas culus ee loo doortay, isla markaana wuxuu ballan qaaday in Aqalka Sare uu si dhow ula shaqayn doono.

Wasiirrada Difaaca JFS iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaaca ah

Wasiirka Gashandhiga Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuu-riyadda Turkiga Mudane Yaşar Güler ayaa dalka Turkiga ku kala saxixday heshis iskashi maaliyaded oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ujedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, kobcinta iskaashi faa’iido u leh labada dhinac, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb galeen masuu-liyiin ka tirsan labada dowladood, iyadoo heshiiskan lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaallada horumarineed ee socda.

Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska Ciidankeeda, kadib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah.

Sida ku cad heshiiska, Turkiga wuxuu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda hormarineed ee muhiimka ah ee militariga Somalia, taas oo ka mid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, kuwaas oo lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka.

Tani ayaa ah Tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo horumarinta difaaca, iyadoo dhamaan Muqdisho uu soo gaaray markabka baarista shidaalla Soom-aaliya oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii horay u gaareen labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa shalay kulan la qaatay Safirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Ambassador Wang Yu.

Inta uu kulanku socday, arrimaha laga hadlay waxaa ugu muhiimsana; iskaashiga labada dhinac iyo taageeridda howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Wasiirrada Qorsheynta iyo Isgaarsiinta oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin Cali, aya daraad boqday sheybarada lagu kala shandhenayo muhimadah Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Labada wasiir ayaa bogaadiyay khubarada iyo shaqaalaha dadaalka ku bixinaya qorshahan, oo lagu tala galay in uu horseedo isku filnaansho bulsho iyo horumar waara oo dalka ka hirgala.

Qorshaha waxaa lagu salaynayaa talooyin iyo habraacyo wax-ku-ool ah oo xal u noqonaya caqabadaha taagan, si loo gaarsiiyo Soomaaliya mustaqbal barwaaqo leh oo ay dadkeedu ku noolaadaan nolol ammaan ah iyo adeegyo tayo sare leh.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo furay shirka lagu dhisayo Guddiga Isku-xirka Hay’adaha u xilsaaran Maaraynta

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa furay shir lagu dhisayo Gudiga Iskuxirka Hay’adaha u xilsaaran Maaraynta iyo wadashaqenta bar xududedyada Maamul Goboleedka Galmudug.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in muhiimadda uu leeyahay dhisidda Guddigan ay tahay in si wadajir uga wadashaqeyaan adkaynta amniga xudduudaha, fududaynta isku socodka dadka iyo Ganacsiga sharciga ah.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa ku booriyay Xubnaha Guddiga in la xoojiyo isdhaafsiga xogta iyo macluumaadka isla markaana la joogteeyo kulamada iyo kormeerka si sare loogu qaado wadasahqaynta hay’adaha ka dhaxaysa.

Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay kobcinta dhoofka xoolaha Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo booqosho rasmi ah ku jooga saldanadda Cumaan ayaa shalay heshiis is-afagarad la saxiixday dhigiisa Cumaan Mudane Dr. Saud Bin Hamoud Al Habsi, Wasiirka Wasaarada Beeraha, Kallumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhoofka Xoolaha, hilibka, kobcinta tayada caafimadka Xoolaha iyo la dagaalanka cudurada faafa, khibradaha iyo xogaha la xiriira badqabka cuntada, kor u qaadida sugnaanta cuntada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga.

Heshiiska is afgarad ee labada Dal ay kala sixiixdeen waxaa uu ku saabsanaa caqabadaha hortaagan ganacsiga Xoolaha, fududeynta malgashiga labada dhinac ee sector xanaanada xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Heshiiskan waxaa looga golleyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka soo dejinta iyo dhoofinta Xoolaha nool ee u dhexeeya labada dal, kobcinta awooda adeega cafimadka xoolaha, adeegyada ogaanshaha, hababka karantiilka, hubinta u hogansananta ku dhaqanka shuruudaha caalamiga ah iyo heerarka dhoofinta xoolaha.

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada

Golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada oo ay horay golaha u horkeentay Golaha Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka ee XFS, 29 Senator ayaa ogolatay in la meelmariyo sharcigan mana jirto cid ka aamustay.

Ciidanka NISA oo fashiliyay weerar al-shabaab kusoo qaaday duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa fashiliyey weerar naf la caari ah oo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay shalay ku soo qaadeen fariisin ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in jab culus ay Al-shabaab ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo dhacay duleedka Buurhakaba, iyagoo soo bandhigay meydadka xubno Al-shabaab ah oo goobta ay uga carareen.

Ciidamada ayaa sii baacsanaya firxadkii Al-shabaab, kuwaas oo goobta uga cararay meydadka dhagarqabayaal badan.

Kobcinta Fursadaha Maalgashiga iyo Ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay Eng. Khalid bin Abdulaziz Al-Falih, Wasirka Malgashiga e Boqortoyada Sacuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan dhiirrigelinta fursadaha maalgashi io ganacsi ee Soomaaliya u so bandhigeso malgashadayasha Sacuudiga. Wadahadalladu waxay muujiyeen awooda dhaqaale ee Soomaaliya iyo faa’iidooyinka labada dal ka heli karaan iskaashi xooggan oo dhanka horumarka ah. Waxaan rajeyneynaa wada shaqeyn wax ku ool ah oo horseedi doonta koritaanka iyo barwaaqada labada dhinac.

Ciidanka Xoogga oo howlgal lagu baacsanayo al-shabaab ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Gedo

Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyed ayaa howlgal lagu baacsanayo Al-shabaab ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Gedo halkasi o maleyshiyadka nabadidka ah ay shacabka ku dhibaateynayen.

Ciidanka ayaa burburiyay goobo ay Al-shabaab ku dhuumaaleysanayeen, si dadka shacabka ah e ku safra wadoyinkas ay lacago baad ah ay uga qaadaan.

Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed L/X/le Ahmed Maxamed Nuur (Ahmed Dhagey) ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan lana ciribtiri doono tirada yar ee Al-shabaab halkaas uga dhuumaaleysata.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Ururka Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Alymaaxi.

Xubnaha Baarlamaanka Carabta oo kulan ku yeeshay magaaladda Qaahira ee Caasimadda Wadanka Masar ayaa Guddoomiyaha cusub ee Ururka u doortay Mudane Maxamed Alymaaxi.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay oo kasoo jeeda wadanka Imaaradka Carabta ayaa xilka hayn dona mudo laba sano ah, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ururkaas ku matala.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip