halkaa n ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Sunday October 27, 2024 - 09:40:10 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaa n ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wasiirka Warfaafinta oo kormeer ku tagay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta diyarinta Qorshaha Isbedelka Qaranka ayaa booqday qeyabaha kala duwan ee sheybarada lagu diyaarinayo qorshaha isaga oo ku dhiiragaliyay holwadenada kala duwan shaqada muhiimka ah ay u haayaan Qaranka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Wasiirka Warfaafinta ayaa si gaar ah kulan ula yeeshay masuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee ka shaqaynayay Qorshaha Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiska, isagoo wasiirku uu ka dhagaystay warbixinta shaqada ay haayaan.

Madaxwenaha Jamhuriyada Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 16-kii Bishaan October si rasmi ah u daah-furay Qorista Qorshaha Isbadalka Qaranka, kaasi oo hadda diyaarintiisa ay ku howlanyihiin masuuliyiin iyo howlwadeeno kala duwan oo ka socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wasiir Batroolka iyo Macdanta XFS "Waxaan mar kasta u taagannahay fulinta qorshayaasha, siyaasadaha guud iyo midnimada qaranka”

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhacdadii hadal haynta badan dhalisay ee sawirka MAPKA qaldanaa oo lagu soo bandhigay xafladdii soo-dhawaynta Markabka Oruc Reis ee daraad ka dhacday Muqdisho.

Wasiirka oo ka cudur-daartay cilladaas farsamo ee sida qaldan ku dhacday ayaa sheegay in ay markasta u taagan yihiin fulinta qorshayaasha iyo siyaasadaha guud ee qaran, kuwaas oo ku salaysan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Badroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay sababta keentay cilladda farsamo, cidda ka dambeysay iyo waliba iyo qaladkaas dhacay in aan looga dan lahayn kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah midna.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi ayaa akhriyay warsaxaafa-deedka oo sida u dhignaa:-

”Bismilaahi Raxmaani Raxmiin, waxana shacabka Soomaaliyeed ooga mahad naqayaa sida niyadda samida iyo wanaaga lahayd ee ay ugu dabaldegen dhacdadi tariikhiga ahayd ee imaatinka markabka sahminta shidaalka ee ORUC REISee qeyb ka ahaa dadaallada loogu jiro ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna si loo gaaro horumar dhaqaale iyo isku filnaasho nololeed, waxaa hubaal ah in dhacdadii daraad ay ahayd mira dhal ka dhashay shaqo qaran oo aad u baaxad weyn taas oo ah qabashadeeda uu mashquul iyo waqti dheer ka galay howlwadeenadii u xilsaarnaa howshani taariikhiga ah, sida la wada filan karana shaqo kasta oo culeyskeeda intaa la egyahay natiijada laga rabana guul qaran oo ummadda oo dhan ka wada farxiso tahay, waxaa suurta gal ah in ay dhacaan qaladaad farxsamo oo aan ku talagal ahayn”,.

”Annagoo taa ka duuleyno waxaa ka cudur-daaraneynaa ciladihii farsamo ee soo baxay intii howshu socotay, taas oo ay ka mid tahay sawirka qariiradda ama Mapka lagu so bandhigay munasabadii soo dhoweyne ee markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid shirkaddii qaabilsaned naqshadenta iyo hagajinta muuqalka munsaabada, waxay shirkaddu isticmaashay Map aan ahayn midkii saxda ahaa, markii la wadaagnay falcelinta dadweynaha ka timid waxay noogu cudurdaareen in qaladkaas si aan ku talagal ahayn uga dhacay, maddaama ay adeegsadeen Map ay horay dad kale u sameeyeen oo internetka ku jiray, kaas oo wax xiriir ah la lahayn shaqadii wasaaradda Badroolka uga wakiilka ahayd guud ahaan xukuumadda iyo qaranka Soomaaliyeed”.

”Wasaaraddu waxay u taagan tahay fulinta iyo ku shaqeynta siyaasadaha guud ee qaranka, kuwaas oo jiheyn iyo jaangoyn ku sameeya wax kasta oo la qabanaayo, sida ku cad bogga rasmiga ah ee wasaaraddu macluumaadkeedu kula wadaagto bulshada, mana jiro meel aan ku isticmaalnay Map la mid ah kan hadda sida qaladka ah ugu yimid dhinaca shirkadii nalagala shaqenesay munaasabadda, sidaas darteed, waxaan bulshada Soomaaliyeed ka raali gelineynaa cilad kasta oo farsamo oo saameyn ku yeelatay yiddidiiladii iyo farxadii ay qabeen, waxaan xaqiijinena in hoggaanka iyo howlwadeennadu wasaaraddu ay markasta u taagan yihiin in dadka iyo dalka ugu adeegaan si waafaqsan shuruucda iyo mabadii’da guud ee Dowladnimadeenu ku dhisan tahay, kuwaas oo aan meelna ka soo gelin kala qoqob, kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah ka dhan ah. Waad Mahadsantihiin,”.

Shir ku Saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa shir guddoomiyay kulan lagu jaangoynayo yoolalka Wasaaradda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (NTP 2025-2029).

Kulanka waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Jogtada ah Mudane Hamza Aadan Haadow iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda, iyagoo diiradda saaray arrimaha mudnaanta leh ee diblomaasiyadda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025-2029) waa khariidad lagu gaaraayo koritaanka dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta maamulka, kaas oo xoojindoono xasilloonida gobolka, isku xirka dhaqaalaha, iyo saameynta caalamiga ah ee dalka. Kulanku wuxuu xoogga saaray horumarinta yoolalka diblomaasiyadda iyadoo loo marayo iskaashiga goboleed, ka qaybgalka qurba-joogta, iyo soo jiidashada maalgashiga.

Agasimaha Waxda Iskashiga Calamiga ah ee Wasaaradda, Mudane Jibriil Afyare, ayaa soo bandhigay hindisayal la jaanqaadaya Qorshaha, halka Agasimaha Arimaha Sharciga, Mudane Mahad Maxamed, uu ka hadlay arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed.

Wasaaraddu waxay ballan qaaday inay taageerto horumarinta qaranka iyo isku xirka caalamka.

Mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka oo ka qeyb galay howlgallo lagu xaqiijinayay amniga caasimadda

Wasiirka Amniga Gudaha mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale ayaa habeen hore Ciidamada ammaanka kala qayb galay, howgallo saf ballaaran ah oo lagu xaqiijinayay ammaanka caasimadda Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kala qayb galay socod dheer oo amni xaqiijin ah oo lagu soo maray dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir iyo deegaanNada dhaca duleedka caasimadda, iyaga oo u kuur galay hannaanka shaqo ee ciidamadu u gudanayaan waajibaadkooda isla markaana shacabka ka xog wareystay caqabadaha amni ee ay la kulmaan.

Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa wadajir u faray Saraakiisha ciidamada in ay dardar galiyaan howgalada lagu sugayo amniga magaalada, iyaga oo xusay in ay joogteyndoonaan kormeerada loogu kuur galayo shaqada ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka argagixisadu ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo sagootiya saraakiil tababar ku soo qaadan doono dalka Masar

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sagootin rasmi ah u sameeyay leyli saraakiil oo muddo sanad ah tababar ugu maqnaa dalka Masar.

Saraakiishan oo dalka dib ugu soo laabtay si ay daraasado la xiriira waxbarashadooda u sameeyaan, ayaa hadda mar kale dib ugu laabanaya Masar si ay u sii wataan tababarkooda.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan tababarka mudada u harsan.

Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay si guul leh ku dhammaystaan tababarkooda, si ay ugu adeegaan Qaranka Soomaaliyeed iyagoo xirfad iyo aqoon sare leh.

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay xiisaabxirka miisaaniyadda sanadkii 2023

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ansixiyay xiisaabxirka miisaaniyadda sanadkii 2023, waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan, sedax xildhiban ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose

Howlgallo ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka fuliyeen aagga Dhasheeg Waamo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu dilay horjooge ka tirsan al-shabaab iyo maleeshiyaad kale.

Horjooge Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarshada ee kooxda Argagixisada ugu yeeraan uu yahay (Qayliyoow) ayaa dhibaato fara badan ku hayay bulshada halkaas ku dhaqan, iyagoo ka mahadceliyey dilkiisa.

Qeyliyoow oo xubin muhiim u ahaa al-shabaab ayaa al-shabaab u qaabilsanaa arrimaha la xiriira sameynta waxyaabaha qarxa sida miinooyin iyo dhanka sahanka ah, kaas oo muddo fog kamid ahaa Argagixisada.

Sidoo kale howlgalka oo ahaa mid saf balaaran ayaa laga fuliyay deegaannada Dharkeen Urur iyo Orgiyoow oo katirsan gobalka Jubbada hoose, isagoo wali ka socda halkaasi.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ka socda gobollada dalka ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal sar-sare iyo maleeshiyaad tiro beel ah kuwaas oo lagu dilay howlgallo toos ah iyo kuwa dhanka cirka ah.

Saraakiil ka tirsan SoDMA oo aqoon is weeydaarsi ugu soo gabagaboobay China

Khubarro iyo Saraakiil ka Socda Hey’adda SoDMA ayaa safar aqoon is weeydaarsi iyo tababar ugu soo gabagaboobay dalka Shiinaha.

Tababarka aya lagu baranayey maareynta qataraha musiibooyinka iyo ka jawaabida xaaladaha degdega ah, iyadoo sidoo kale hab baraatikaal ah loo tusay sida loo mareeye masiibooyinka.

Tababarkaan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay dalalka kala ah, Masar, Tanzania, Sri Lanka iyo Bangladesh waxaa uuna socday muddo 15 maalin ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo lagu soo dhoweeyay Minneapolis

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Amb. Dahir Hassan Carab, iyo wafdi uu hogaminayo ayaa so gaaray magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halkaas oo jaaliyadda Soomaaliyeed si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen.

Intaa kadib, Danjiraha ayaa la filayaa inuu kulamo gaar ah la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo diiradda saari doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya.

Kulamadan ayaa noqon doona fursad uu Danjiruhu jaaliyadda kala hadlo arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta bulshada iyo daryeelka jaaliyadda, isagoo sidoo kale u sheegi doona dadaalka safaaradda ee ku wajahan kobcinta danaha Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Qarax khasaare kala duwan geystay oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo shalay ka dhacay xaafadda Ceelka Cali Geedi ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada Kaaraan ayaa la sheegay inuu ahaa miino la sii dhigay goob maqaaxi ah oo ay fariistaan dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa miino, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Kaaraan ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo wada baaritaano la xariira cida geystay qaraxaan dadka shacabka ahaa lagu dilay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax noocaan oo kale ah lala eegto goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah, waxana Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid magaalooyinka dalka horay uga dhacay qaraxyo sidaan oo kale loola eegtay maqaayado ay fariistaan dad shacab ah.

Siciid Deni: Waxaan garab iyo gaashaan u ahay in madaxweynaha Jubbaland uu qabsado doorasho uu u madax bannaan yahay

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay taageerayaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu qabsado doorasho uu maamulkiisa u madax bannaan yahay.

"Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharcigu iyo nidaamku yahay ku qabsato. Waxaan ku boorinaynaa guddiga doorashada Jubbaland inay qabtaan doorashada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan awood dastuuriya u lahayn inay soo faragaliso doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in madaxda Soomaaliya ay isku dayayaaninay laalaan dastuurada ay leeyihiin dowlad goboleedyada.

Deni wuxuu sheegay, dowladda Federaalka in aanay doonayn in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya, wuxuu sheegay in qorshaheeda uu yahay in dowlad goboleedyada taabacsan loo kordhiyo muddo sanad ah , si ay u xalaaleysato muddo kororsigeeda.

Wuxuu sheegay dalku inuu khatar wajahayo, haddii madaxda dowladda aysan kusoo laaban xayndaabka sharci, sidoo kale wuxuu ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka in ka doodaan xaaladda uu dalku marayo.

Puntland oo shaqadii ka joojisay hay'ad ka howlgasha degaanada maamulka SSC Khaatumo

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa si rasmi ah shaqadii uga joojiyey Alight International oo kamid ah hay'adaha ka howlgalla magaalada Laascaanood, kadib markii lagu eedeeyay in ay ku xad gudubtay xeerar Puntland.

Shatigii ay hay’addan uga shaqayn jirtay Puntland ayaa lagala noqday sida uu sheegay ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Go'aankan ayaa lagu ogeysiiyay hay’adaha UNICEF iyo WFP, kuwaas oo taageera mashaariicda ay hay'addan ka waddo gobolka Sool.

Puntland ayaa kula talisay UNICEF, WFP, iyo hay’adaha kale ee la-hawlgalayaasha ah inay joojiyaan wada-shaqeyn kasta oo socota ama mustaqbalka ah ee ay la yeelan doonaan hay’adda Alight International ee gudaha gobollada Puntland.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa ka horyimid go’aanka Puntland, wuxuuna sheegay cid aan maamulka SSC Khaaatumo ahayn in aysan Hay'adda Alight ka joojin karin shaqadeeda.

"Hay'adda Alight ee ka hawlgasha SSCKhaatumo cid aan Maamulka SSC khaatumo ahayn oo deegaanka ka saari kartaa ma jirto waxayna uga lexajeclo badantahay kuwo boodh isku qarin jirey haddase bannaanka iskeenay. Alight waa joogaysaa waana la difaacayaa,” ayuu yiri Timacadde.

Dhowaan ayay ahayd markii maamulka Khaatumo uu ku eedeeyay Puntland inay faragalin ku hayso arrimaha gudaha ee maamulkooda. Puntland ayaa dhawaan masuuliyiin u magacowday degaano hoos yimaada gobolada Sool.

Dad ku dhintay gantaal ay Xisbullah ku weerartay Israel

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, toddobo kalena ay ku dhaawacantay weerar gantaal oo Xisbullah ay gelinkii dambe ee Jimcihii ka gaysatay deegaanka Majd Al-Krum oo 16km u jira Magaalada Acre.

Labada qof ee weerarka ku dhintay oo magacyadooda lagu kala sheegay Hassan Suad iyo Arjwan Manaa ayuu gantaalku ku dilay goob laga dukaameysto oo ku taala deegaankaasi, sida ay ku warantay Warbaahinta Israel.

Warbaahinta maxaliga ayaa sheegeysa in Arjwan Manaa oo 19 jir ahayd ay fadhisay maqalka ama khasnajiga goob ganacsi, halka Hassan Suad oo isna 21 jir ahaa uu ka mid ahaa macaamiishii halkaasi wax ka iibsaneysay.

Muuqaalada ay baahisay Warbaahinta gudaha ayaa muujinaya in gantaalka uu ku soo dhacay suuq yar, oo inta badan lagu iibiyo quutul daruuriga.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay goobta ka qaadeen dhaawacyada toddobo qof, kuwaa oo laba ka mid ah ay xaaladoodu garaab tahay.

"Laba kale ayay xaaladoodu dhexdhexaad tahay, saddexda kalena dhaawac fudud ayaa soo gaaray.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Adeegga MDA.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Xoogaga Xisbullah ay 30 gantaal ku soo weerareen aagga, in badan oo ka mid ahna ay soo rideen.

Militariga ayaa habeen hore war ay soo saareen ku sheegay in Jimcihii ay illaa 65 gantaal kaga soo dhaceen koonfurta dalka Lubnaan.

Isla Jimcihii, Militariga Israel ayaa qirtay in laga dilay shan askari, 19 kalena ay kaga dhaawacmeen dagaal ka dhacay xuduudda ay la wadaagaan Lubnaan.

Militariga ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in askarta qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dagaalka u dhaxeeya Xisbullah iyo Israel ayaa waxaa muuqata in uu xoogeysanayo.

Ciidamada Israel oo weerar ku galay Isbitaalka Kamal Adwan

Ciidamada Israel ayaa xoog ku galay Dhismaha Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo dhinaca kalena ay hawlgal qabqabasho ah ka wadaan.

Kamaal Adwan waa mid ka mid ah saddexda isbitaal ee sida yar uga shaqeeya waqooyiga Marinka Gaza, waana kan ugu dhow dhaqdhaqaaqa militari ee Israel ee Beit Lahiya iyo xerada qaxootiga Jabalia. Inkasta oo awoodda isbitaalka ay xadidan tahay, haddana waxa uu qaabili jiray inta badan dadka ku dhaawacma dagaalada ku xeeran iyo dadka kale ee bukaan socodka ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Jimcihii sheegtay in Ciidamada Israel ay xoog ku galeen isbitaalkaasi oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya, ka dib maalmo ay go’doominayeen.

"Ugu yaraan 600 oo bukaan oo ay wehliyaan eheladooda iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ayaa ku xayiran isbitaalka.” Ayay sheegtay wasaaraddu.

Wasaaradda ayaa qoraal ku sheegtay in Ciidamada Israel ay dharka ka dhigeen dhammaanba dadkii goobta ku sugnaa, oo ay ku jiraan qoysas barakacayaal ah oo isbitaalka gabaadsanayay, si loo hubiyo inay hub wataan iyo in kale. Wasaaraddu waxay tani ku sheegtay caado ay dhaqan ka dhigteen Ciidamada Israel, waxayna intaasi ku dartay in la xiray Falastiiniyiin badan.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa daabacday in Ciidamada Israel ay dhammaanba dadkii ku sugnaa isbitaalka ay isugu keeneen barxadda, isla-markaana ay qabqabteen qaar badan oo ka mid ah.

Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan, Dr. Hussam Abu Safiya ayaa sheegay in intii gargaar la soo gaarsiin lahaa ay qaabilayaan taangiyada Militariga Israel.

Agaasimaha ayaa sheegay in baahi weyn oo dhanka sahayda dawada iyo shidaalka ah ay ka jirto isbitaalkaasi, xilli ay ku soo qulqulayaan sida uu sheegay bukaanada iyo dadka kale ee ay waxyeelado ka soo gaareyso weerarada Israel.

Muuqaal uu soo duubay ayuu Abu Safiya ku sheegay in taangiyada iyo cagaf-cagafyada Israel ay soo galeen isbitaalka, isla-markaana ay duqayn ku socoto qaybaha isbitaalkaasi.

"Dhammaan waaxyaha isbitaalka waxaa ku socda duqayn toos ah.” Ayuu yiri Abu Safiya oo intaasi ku daray "Intii aan gargaar heli lahayn, waxaan qaabilaynaa taangiyo.”

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii sheegay in ay waayeen xiriirkii ay la lahaayeen shaqaalaha isbitaalkaasi.

Tedros Ghebreyesus ayaase habeen hore sheegay in ay u suurtagashay inay la xiriiraan shaqaalaha, balse sida uu sheegay uu isbitaalku yahay mid weli go’doonsan.

"Saddex ka mid ah shaqaalaha caafimaadka iyo shaqaale kale ayaa la dhaawacay, 44 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaana xabsiga la dhigay. Afar ka mid ah gaadiidka gurmadka, ku dhawaad ​​600 oo bukaan, shaqaale caafimaad iyo shakhsiyaad kale ayaa ku hooyanayay isbitaalka.” Ayuu yiri Ghebreyesus.

Ghebreyesus ayaa intaasi ku daray "Waxaan ku boorinaynaa isbitaalada, shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada in la ilaaliyo, hana la sameeyo xabad joojin.”

Dhanka kale Militariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in hawlgalku uu ka dambeeyay, ka dib markii ay heleen xogo sirdoon oo sheegaya in isbitaalka ay ku sugan yihiin kooxaha wax iska caabinta, ayna u adeegsadaan goob ay weerarada ka soo qaadaan. Warkaas oo aanay jirin cid madaxbannaan oo xaqiijin karta.

Weerarkan ayaa abuuray walaac hor leh, mana cadda waxa uu ku dambayn doono masiirka Isbitaalka Kamal Adwan.

Ciidamada Israel ayaa burbur iyo xabaalo wadareedyo uga tagey isbitaalo dhowr ah, oo sidaan oo kale ay horey u galeen.

Israel oo weerar ka fulisay gudaha dalka Iran

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa aroornimadii hore ee Sabtidan qaaday weeraro xiriir ah, oo ay ka fuliyeen gudaha dalka Iran.

Weeraradan ayaa ahaa kuwo lagu bartilmaameedsanayay xarumaha ciidamada ee ku yaala hareeraha magaalada caasimadda ah ee Tehran.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in mowjado duqaymo ah lagu qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaala galbeedka, koonfurta iyo bariga Tehran.

TV-ga Israel ee Channel 12 ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday Xarunta Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ee Magaalada Tehran iyo goobo kaloo ciidan.

Channel 12 ayaa ku waramaya in duqaynta oo laba wareeg ahayd in wareeggii hore lagu beegsaday goobaha lagu sameeyo gantaalada iyo weliba xarumaha difaaca hawada.

Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in qaraxyo waaweyn laga maqlay Caasimadda Tehran, ka dib weeraradii ay Israel qaadday.

Warbaahinta Iran oo soo xiganeysa Saraakiisha Ilaalada Kacaanka ayaa ku warantay in la garaacay saldhigyo militari oo ku yaala galbeedka iyo koonfurta Tehran.

Illaa iyo hadda lama sheegin in la weeraray xarumaha nukliyeerka iyo saliidda ee Iran. Wakaaladda Wararka Tasnim oo lala xiriiriyo Taliska Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in aanu jirin wax weerar ah oo lagu soo qaaday warshad saliidda sifeysa oo ku taala koonfurta caasimadda.

Telefishinka Qaranka ayaa sidoo kale baahiyay in howlaha Garoonka Diyaaradaha Imam Khomeini ee Tehran ay sidoodii u socdaan. Telefishinka ayaa xusay in aanu wax dib u dhac ah ka jirin garoonka kale ee Mehrabad.

Ma cadda baaxadda khasaaraha ka dhashay duqaymaha xiriirka ah ee lagu qaaday Magaalada Tehran.

Dhanka kale Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in Israel ay weerartay qaar ka mid ah xarumaha militariga ee ku yaala bartamaha iyo koonfurta Suuriya.

Ciidanka Cirka Israel ayaa loo maleynaya in ay duqeeyeen kaabeyaasha militari ay Iran ku leedahay dalkaasi Suuriya.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay sawirka Netanyahu oo ku sugan xarunta hawlgalada ee Taliska Militariga, intii uu socday weerarka.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa teleefanka kula hadlay dhiggiisa Israel Yoav Gallant, ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday inay bartilmaameedyo ka fulisay gudaha Iran.

Weeraradan ayaa jawaab u ah weeraradii gantaal ee ay Iran 1-dii bishan ku qaadday Israel, markaas oo ay ka aargudaneysay dilkii ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.

Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa war qoraal ah ku sheegay in Israel ay xaq u leedahay in ay ka jawaabto weerarkii Iran, isla-markaana ay u diyaarsan tahay sida uu yiri weerar iyo difaac buuxa.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden iyo haweeneyda kuxigeenka u ah Kamala Harris oo olole ka wada Texas ayaa warbixin laga siiyay duqaymaha xagga cirka ee lagu qaaday Iran, sida ay BBC ku warantay.

Dowladda Iran ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin duqaymaha aan horey noocooda loo arag ee ay Israel ka gaysatay dalkaasi, balse waxay muddooyinkanba ku hanjabeysay in ay jawaab adag ka bixi doonto weerar kasta oo Israel kaga yimaada.

Iran waa cadowga ugu weyn Israel ee Bariga Dhexe, waana xulafada ururada hubeysan ee gobolka ka jira.

Goorma ayaa la heli karaa natiijada sahminta shidaalka goorma ayeyse Soomaaliya shidaal heli kartaa?

Markabka Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ugu dambeyn ku xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo ay galbinayaan maraakiib dagaal.

Munaasabad weyn ayaa ka dhacday dekedda Muqdisho taa soo lagusoo dhaweynayay markabka, waxana ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax ka socota dalka Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar.

Markabka Oruc Reis ayaa bilaabaya howlaha shidaal sahminta ah uu u yimid Soomaaliya.

Haddaba maxan ka ognahay markabkan Oruc Reis?

Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa dhismihiisa daaha laga furay sanadkii 2017, waxaa lagu naqshadeeyay oo lagu dhisay dalka Turkiga, ujeedka loo sameeyay ayaana ahaa sahminta juquraafiga badaha iyo naqshada oo loo yaqaan ‘oceanographic’ kaas oo muhiim u ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye.

Oruç Reis ayuu dhererkiisu yahay 87-mitir oo dherer ah una dhiganta 285-fiit , halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisanyahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit.

Sidoo kale waxa uu leeyahay afar matoor oo nafto ah kuwaas oo kiiloowaatkoodu yahay 2,520-KW, waxa uuna awood u leeyahay sahminta seismic ee 2-D iyo 3-D, oo lagu sameeyo saliidaha iyo gaaska badda hoostiisa ku jira.

Markabkaan ayaa awood u leh ku jirista badda muddo dheer, qaadista qalabka loogu talagalay sahminta laga sameynayo gudaha biyaha, waxaa kale oo uu leeyahay qeyb barxad ah oo ay ku soo dagi karaan diyaaradaha la shaqeynaya inta uu howlaha sahminta ku jiro.

Goorma ayey soo gunaanadmi karaan howlahan sahminta ee uu u tagay Soomaaliya?

Oruç Reis ayaa haddaba guda galaya howlaha sahminta shidaal ee u tagay Soomaaliya, haddaba si aan howlaha baariseed wax markan qadka taleefanka ayaan kula xiriirnay Injineer Faarax Siciid oo ka la shaqeeya shirkad laga leeyahay dalka Norway kana howl gasha arrimaha shidaalka kana mid ahaa mas’uuliyiintii Turkiga kasoo sagootiyay markabkan Oruç Reis.

"Markabkan Oruç Reis ee gaaray Soomaaliya haddaba waxaa uu howl gelayaa howlaha sahminta taas oo qaadan karta muddo 5 ilaa 6 bilood ah, kadib waxa uu ula noqon doonaa dalka Turkiga si loogu baaro macluumaadkii uu soo uruuriyay taas ooiyadana qaadan karta dhowr bilood oo kale”, ayuu yiri Injineer Faarax Siciid.

Waxa uu sharraxay in shirkaddan dowliga ah ee markabkan ay tahay markii ugu horreysay ee dal dibadda ah ay ka sameyso howlo shidaal sahmineed taasna ay fursad u tahay Soomaaliya iyo shirakaddaba.

Wakhti intee la’eg ayaa Soomaaliya shiidal looga soo saari karaa?

Bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa u hanqal taagaya ogaanshada xilliga rasmi ah ee Soomaaliya shidaal lagasoo saarayo wallow xitaa qaarkood uu jahwareer uga jiro sababta uu hadda markabkan Oruç Reis u yimid in ay tahay shidaal qodis amaba sahmin.

Injineer Faarax Siciid oo ka sheekeynaya in ay qaadan karto in shidaal laga qodo Soomaaliya marka lasoo tago sahminta hadda la guda galayo ayaa yiri,"In soomaaliya shidaal laga qodo waa barnaamij aad u weyn waxana ay qaadan kartaa waqti ku xiran shaqada la qabanayo, haddii sida hadda wax lagu wado ay u socdaan waa ifafaalo fiican, shirkadda hadda heshiiska lagula jirana waa shirkad macquul ah iyadana ay fursad u tahay in wadan kale ay shidaal ka qoddo”.

"Waxa aan aminsanahay in wakhtiga ugu fiican ay kusoo saari karaan haddii ay si toos ah uga guda galaan, waa ilaa 6 ama 7 sano laakiin waqtigu mushkliyo malaha haddiiba la bilaabo waxa ay ku socon doontaa heerar wanaagsan”, ayuu sii raaciyay Injineer Faarax Siciid.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in kala qayb sanaanta iyo is qab-qabsiga marka lagasoo tago ay tani Soomaaliya u tahay natiijo wanaagsan oo la xiriirta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.

Markabka sahminta ayaana ka soo dhaqaaqay dekedda Filyos ee Zonguldak, oo ku taala waqooyi-galbeed Turkiga kaas oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya.

Oruç Reis oo uu marinkiisu ahaa badda Mediterranean-ka, waxa uu u soo gudbay kanaalka Suweys, kadibna waxa uu ku soo dhacay Badda Cas si uu ugu soo xirto biyaha Soomaaliya.

Xigasho bbc.

Madaxweyne Biden oo qiray in shacab aan waxba galabsan lagu leynayo Gaza

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in Israel ay tahay in ay joojiso dadka rayidka ah ee ay ku dileyso Marinka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlayay munaasabad uu qaranku ku raaligelinayo doorka Dowladda Federaalka ee dugsiyada hoyga ah ee dhallaanka Mareykanka ayaa waxaa khudbaddiisa hareeyay buuq ay sameynayeen dad ka carreysan dhiigga ay Israel ku daadineyso Marinka Gaza.

Madaxweynaha oo ka garaabayay carrada muwaadiniinta Mareykanka ayaa qiray in dad badan oo aan waxba galabsan lagu dilayo gudaha Gaza

"Waxaa jira dad badan oo aan waxba galabsan oo la dilayo, waana in la joojiyaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Hadalka Madaxweynaha ayaa jawaab u ahaa su’aal uu weydiiyay nin ku qaylinayay "Ka waran dadka Gaza, ka waran shacabka Falastiin?”

Dadkii goobta u yimid inay khudbaddiisa dhageystaan ayaa qaarkood ku lahaa "Halkan ka tag.”

Carrada shacabka Mareykanka ayaa qayb ka ah dareenka xun ee weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel ka waddo Marinka Gaza uu ku dhaliyay bulshada caalamka.

Mareykanka ayaa lagu dhalleeceeyaa in uu bixiyo hubka ugu badan ee ay shalay Israel ku xasuuqeyso dadka reer Gaza.

Israel ayaa hadda gabood fallo ka dhan ah aadanaha ka waddo waqooyiga Marinka Gaza, halkaas oo ay diidan tahay in kaalmada bani’aadantinimo la geeyo, iyadoo sidoo kalena ay dil iyo xarigba ku hayso dadka ay sida khasabka ah uga barakacineyso guryahooda.

Hawlgalka waqooyiga Gaza oo galay toddobaadkii afaraad ayaa waxaa lagu dilay dad tiradooda lagu sheegay illaa kun qof, iyadoo tiro kalena ay Ciidamada Israel ku dhaawaceen. Ciidamadan ayaa xitaa hortaagan in sahayda dawada ah la gaarsiiyo goobaha caafimaadka ee waqooyiga Marinka Gaza.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip