halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtiimes

0
Saturday October 26, 2024 - 08:29:47 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtiimes

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweynaha Soomaaliya oo madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Turkiye

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiciga ah ee Jamhuuriyada Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaasminaayey.

Wafdigaan ayaa ka qeybgalaya Munaas-abadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlo laxiriira sahminta shidaal u yimid dalka.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay soo dhaweynta Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud, ayaa ka qeybgalay munasabad lagu qabtay Dekedda Muqdisho oo lagu soo dhaweynayay Markabka ORUC REIS, kaas oo baaris ku sameyn doona shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiga, gaar ahaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen taageerada Soomaaliya.

Waxa uu xusay safarkii Madaxweyne Erdogan uu ku yimid Muqdisho xilli abaar daran ay ka jirtay dalka, markaas oo uu keenay gargaar bani’aadantinimo oo lagu badbaadiyay kumanan qof oo Soomaali ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somalia ay hadda marayso marxalad muhiim ah oo u baahan dhaqaale dib loogu dhiso,

"Iyada oo la is weydiinaayo Soomaaliya mala maalgeshan karaa; ayay walaalahen Turkiga iyo madaxweyne Erdogan heshiis la galeen dowladda Soomaaliya, heshiiskani oo horseed u noqday in markabkan shalay ku soo xerto dekadda Muqdisho.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in intii markabka uu usoo socday Muqdisho ay jireen dhinacyo badan oo doonaya in ay wax ka ogaadaan fursadaha maalgelin ee Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay muujiyaan midnimo, ayna ka shaqeeyaan sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka dalka, oo uu ka mid yahay shidaalka.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay Xukuumadda Dan Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka ku bixiyeen ansixinta heshiiska dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

"Hadalkii ahaa ‘maalmaha wacnaa way soo socdaan’ bilowgiisii ayaan joognaa, kuwa aad u waaweynna way soo socdaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay madaxda Yurub ee xaadiray shirka Hey’adda Lacagta iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee hey’ada lacagta IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa kulamo doceedyo miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Dalalka Qaaradda Yurub ee qeybta ka ah ama ka shaqeeya hormarinta dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Kulamadaasi oo ka dhacay Magaalada Washingyon waxaa looga hadlay ama uu salka ku hayaa horumarinta Dhaqaalaha guud iyo dib-u-habeynta Maliyada Somalia.

Kulamadi uu Wasiirku la yeeshay madaxda Yurub waxaa kamid ahaa:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip