halkaaan ka aqriso wararka wargeyska mogtiimes

0
Thursday October 24, 2024 - 08:26:59 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaaan ka aqriso wararka wargeyska mogtiimes

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxeexday heshiisyo ku saabsan Amniga iyo dhaqaalaha

Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba gabeeyay safar shaqo oo u ku jogay dalka Kenya, halkas oo u kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Kenya, Mudane William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo hormarinta ganacsiga.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbada soo socda:

1. Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025.

2. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada.

3. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA.

4. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliyed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyen isaga iyo wafdigiisa.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayah Guud e Qaramada Midobey u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, Mudane Atul Khare, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta taageerada xagga amniga iyo farsamo ee Q.M. u fidiso dowladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa, gaar ahaan qorshaha ciidanka amniga Soomaaliya kula wareegayaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo u diyaargarowga hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taagerada Holgallada, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhowaynta Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo ugu hambalyeeyay Soomaaliya kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, una rajeeyay in Soomaaliya ay gacan ka geysan karto nabadda iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Warsaxaafadeed: Mowqifka Soomaaliya ee doorka Itoobiya ee Howlgalka AUSSOM

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS.

"Marka aan ka gudubno ATMIS oo aan u wareegno Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saareysa gobanimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasa-aradda Arrimaha Dibadda ee XFS.

"Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay.

Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka waa inuu waafaqsanyahay danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeda.

Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya dhawaan qaaday, kuna ku jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideena waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.

"Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa uu sara u qaaday kororka kooxda Al-shabaab, iyadoo horumada dhinaca guulaha ee laga gaarayna aanu gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, Iyadoo la eegayo arintaas dowladda Soomaaliya waxay dalbanaysaa xulashada istaratiijiyaded ee dheeraadka ah ee la-holgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya”.

Waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Haya’adda duulista: Ma jiro shil diyaaradeed oo dalka ka dhacay

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay shacabka Soomaaliyeed kula wadaagtay in uusan jirin shil diyaraded oo ka dhacay dalka, Hay’adda ayaa been abuur ku tilshalayy warar baraha bulshada lagu faafiyey.

"Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u caday-naysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka Hay’adda ayaa intaas ku sii daray, "Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labdii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.”

Golaha shacabka oo ansixiyey heshiiska QM ee ka hortagga dembiyada abaabulan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Abdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay Ra’isulwasaare Kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub e Golaha Wasirada.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa, waxaana ogolaatay 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sedax Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamanka Dalka ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisida Hay’ada Maalgashiga Sooma-aliyeed, waxaana ogolaatay 140-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday laba Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahadceliyay ansixinta heshiiska Qaramada Midobay ee la dagaalanka dambiyada ababulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip