'halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes
Wasiir Fiqi oo qaabbilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal Carbeed
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal dhowr ah oo aan walaalo nahay.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Mudane Fadhl Cali Axmed Al-Hanak, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen; Mudane Axmed Jumca Al-Rumaithi, Safiirka Isutaga Imaaraadka Carabta; Mudane Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuaymi, Safiirka Dowladda Qatar; Mudane Axmed Maxamed Saalax Al-Mawliid, Safiirka Boqortoyada Sacudi Carabiya iyo Mudane Camar Axmed Babiker, Ku-simaha Safirka Jamhuriy-ada Suudaan.
Diblomaasiyiintu waxay booqdeen Wasiirka si ay ugu gudbiyaan tacsi tiiraanyo leh kadib geeridii kutimid Hooyadiis Marxumad Fatima Shirdon Ducaale, hooyada Wasiirka oo ku geriyotay Muqdisho Sabtidi, Oktoobar 19, 2024.
Boqashadoda aya muujisay midnimo xooggan iyo taageero aad u weyn xilligan murugada leh.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Danjirayasha dareenkooda naxariista leh iyo ficilladoda sharafta leh wakhtigan adag.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qayb galay shirka Bangiga Adduunka iyo IMF
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS
'halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes
,,,