halasn ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Tuesday October 22, 2024 - 09:44:18 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halasn ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan muhiim ah ku yeeshay Jibuuti

Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminaayo waxaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuu-riyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diirada lagu saaray xoojinta iskashiga walaalnimo ee labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku marayo qaar ka mid ah dalalka gobalka.

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad iyo wasiirro

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa Isniinta shalay ah u magacaabay Cabdisalan Cabdi Calii inuu noqdo Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2aad ee dalka, iyadoo sidoo kale wasiirkii hore ee Maaliyadda, Dr.Cilmi Nuur loo magacabay inuu noqdo wasiirka hawlaga guud iyo guriyeynta, Yuusuf Maxamed Aaden ayaa isna loo magacaabay inuu noqdo wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, halka Maxamed Axmed Aaden loo magacaabay inuu noqdo wasirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda.

Afhayenka xukuumada Farxaan Maxamed Jimcale aya sheegay in Ra’iisul Wasaruhu sidoo kale u magacaabay 6-wasiir dowle waaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dasturka, Batrolka iyo Macdanta, Hawenka iyo arrimaha Qoyska, Shaqada iyo arimaha Bulshada, Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Ganacsiga iyo Warshadaha.

Magacaabistan ayaa timid ka dib markii Ra’iisul Wasaaruhu qadariyey talada madaxweynaha iyo ahmiyada ay leedahay in la dardargeliyo shaqada xukuumadda, sida uu sheegay Afhayeenka xukuumaddu.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Shiinaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaamin-ayay safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu, iyaga oo kawada hadlay arima dhowrah oo la xarira horma-rinta Casimada iyo xojinta iskashiga labada dhinac.

Kulankan oo goob joog ka ahaa Gudomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray arima ay kamid yihin, Dardargalinta mash-ariicda lagu hormarinayo bilicda Casimada gaar ahaan Dhismaha Wadoyinka, dib u howlgalinta Bulaacadaha Biyamarenada ah, dhismaha Warshadaha wax soo saarka, Matanenta Magaloyinka Muqdisho iyo Beijing.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yusuf Xusen Jimcale (Madaale) iyo Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Somalia Mr Wang Yu ayaa isku afgartay in la dadajiyo fulinta qodobadii kulankan looga hadlay iyo in la hormariyo xariirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

labada aqal ee Baarlamanka oo ka dooday xisaab xirka sanad miisaaniyadeedka 2023

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare mudane Cali Shacban Ibrahim oo uu wehliyo Gudomiye kuxigeenka labaad ee golaha aqalka sare.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023, waxaanna Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka uu xubnaha labada Aqal u faahfaahiyay warbixinta xisaabxirka miisaaniyaddii 2023.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023, waxaana Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare oo kulanka soo xiray uu sheegay in shalay lasoo gaba gabeeyay ka doodista xisabxirka sanad maaliyadedkii 2023 islamarkaana guddiga maaliyadda ee labada Aqal dib loogu celiyay si uu usoo diyaariyo Akhrinta sedaxaad dibna Golaha uu ugu soo celiyo.

Wasiirka kalluumeysiga oo guddoomiyey shirkagolaha Maareynta iyo horumarinta kalluumeysiga

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xassan Aadan ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ee Wasaaradaha Kalumesiga ee heer federaal iyo dowlaha Xubnaha ka ah dowlada federalka kaas oo ka qabsomE Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Shirkaan oo ah kii 4aad ee golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga FMDC waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, ka doodista iyo meelmarinta heshiis hoosadka maamulka mashruuca badmaal (Badmaal Subsidiary Agreement) ee heer federaal iyo heer dolwad gobolleed iyo mudnaan siinta ka hortaga kallumeysiga xad-dhaafka ah iyo Jillaabashada noole biyodka dabar go’aya.

Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeysiga ee heer federaal oo doodo wax ku ool ah ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta wasaaradda kalluu-meysiga ee heer federaal iyo fulinta qorsheyaasha loo dajiyey nidaaminta iyo horumarinta Kalluumesiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda mudane Axmed Xassan Aadan ayaa hadaljeedintiisa shirka ku sheegay in ay ka go’an tahay sidii horumar la taaban karo loo gaarsiin lahaa Kalluumeysiga isaga oo intaa ku daray in Golaha Qaran ee FMDC uu kaalin muhiim ah ku lee yahay hirgalinta ajendeyaasha horutabinta u leh hormarinta Kallumeysiga Qaran ka.

Wadatashi ku saabsan qabyo-qoraalka xeerka nidaamka kala xadeynta awoodaha hay’adaha dowladda oo Muqdisho ka furmay

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha mudane Kamaal Daahir Guutaale ayaa furay aqoon isweydaarsi ku saabsan qabyo-qoraalka xeerka nidaamka xukuumada iyo kala xadeynta waajibaadka wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.

Kulankan o ay ka so qeyb galeen madaxda iyo wakiillo ka socda hey’adaha dowladda, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo wadashaqenta iyo iskudubaridka shaqo-yinka hey’adaha kala duwan ee dowlada. Aqon iswedarsiga ayaa xooga lagu saaray sidii loo kala caddeyn lahaa waajibaadka wasaaradaha iyo hey’adaha, si loo hubiyo habsami u socodka howlaha dowladda iyo maamul wanaagga.

Xoghayaha Joogtada ah, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hey’adaha iyo in la helo xeer cad oo hagaya nidaamka xukuumadda, si loo gaaro adeeg hufan oo ka jawaabaya baahiyaha shacabka.

Safiirka Soomaaliya u magacawday Malaysia oo Boqorka dalkaa uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee dhawaan loo magi-cabay dalka Malesia, Danjire Ali Maxamed Abukar o shalay si rasmi ah uga gudomay waraqaha aqonsiga danjirinimo boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday dhismaha boqorka ee Istana Negara ayaa sheegay bogga cusub ee xiriirka diblomaasiyadeed oo u furmay labada dal inuu u beddelayo iskaashi wax wadaag ah.

Danjire Cali Maxamed Abukar, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dadaali doono sare u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia.

"Waxaan diiradda saari doonaa in xiriirka labada dal aan ka sii horumariyo halka uu shalay marayo,” ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in uu dhiso iskaashi xooggan oo guulo waaweyn laga gaaro.

Safiirka cusub ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya iyo Malaysia ay yeeshaan iskashi dhow oo dhinacyo badan tabanaya, si loo xoojiyo arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horeyan waxbarashada, hormarinta xirfadaha, ganacsiga, dhaqanka iyo is dhexgalka bulshada.

Malaysia oo ah dal ku yaalla koonfur bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, dalkaanna wuxuu ka mid yahay waddamada ay muwadiniinta Somalida u tagaan arimaha waxbarashada iyo caafimaadka, taa oo u fududeynaysa in muwaadiniinta Soomaalida ay ku tagi karaan Malaysia iyagoo aan u baahan wax dal ku gal ah, waxaana lagu siiyaa garoommada diyaaradaha ee Malaysia.

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka EAC oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Tanzania

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.

Kulankani waxa isugu yimid agasimayasha Furdooyinka ee EAC iyo khubarro ka socday Furdoyinka dowladaha ku midesan Ururkan, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee EAC Marwa. H.E Veronica M. Nduva.

Ujeedadda kulanka ayaa aheyd dhaqan gelinta heshiisyada muddaysan ee la xiriira howlaha Furdoyinka iyo kobcinta wadasha-qenta dowladaha xubnaha Ururkan.

Dhinaca Soomaaliya waxaa ku matalayay agaasimaha Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Abukar Sheekh Ahmed Mursal iyo Khubaro kale.

Howgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda gobollada Shabeellooynka

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hogaminayo ayaa gaaray deegaannadii dhawan laga xoreyey kooxaha Al-shabaab ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgal Toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Al-shabaab looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle.

Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Al-shabaab ah muddo kooban looga sifeeyo deegaannada ay kaga dhuumaa-leystaan gobollada Shabeellooyinka, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa labadii todobaad ee ugu dambeysay daraasiin al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku khaarajiyay gobollada Shabeellooyina iyo Galgaduud, waxaana laga furtay hub farabadan, taasoo keentay in kuwa kale isoo dhiibaan.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda samafalka ee Boqor Salmaan

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay wafti ka socda xarunta arrimaha Gargaarka iyo Bani’aada-nimada e Boqor Salman oo uu hogaminayay ku xigeenka madaxa KS Relief Dr. Cabdullaahi Macallin oo uu wehliyo Madaxa Xarunta ee xafiiska Afrika Dr. Yasid Cabdalla Xaamud.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii Xarunta King Salman taageero wax-ku-ool ah uga geysan lahayd ka hortagga iyo yareynta khataraha ka dhalan kara abaaraha la saadaalinayo, sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha adkeysiga iyo la qabsiga is-beddelka cimilada, dhisidda tayada iyo kartida hay’adda SoDMA iyo xoojinta hindisaha digniinaha ee dadka lagu ogaysiiyo khataraha.

Intii uu socday kulanka waxaa la isku raacay in Hay’ada Maareynta Musiiboyinka ay korjogteyn rasmi ah ku yeelato howlaha iyo mashaariicda ay dalka ka fulineyso Xarunta KSRelief iyo in SoDMA laga taagero, loona diyariyo sidi ay mustaqbalka dhow ula wareegi lahayd hirgalinta mashaariicda Boqortooyada Sacuudigu ugu deeqdo Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wada shaqeynta dhow ee ka dhaxaysa labada dhinac, halka ay wadajir u bogaadiyeen xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dalka dib ugu soo celisay qaxooti Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in dalka dib loogu soo celiyo qaxooti Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Kuwaas oo kasoo ambabaxay magaalada Caden.

Dadkan oo gaaraya 157 qof oo Soomaali ah ayaa ka koobnaa rag, haween iyo carruur kuwaas oo qaba daruufo isugu jira mid nololeed iyo mid caafimaad, waxaana dib u soo celintooda ka shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo kaashaneysa Hay’adda UNHCR.

Cabdikariim Naasir Saciid (CABDIDHEEG) siihayaha safaradda Soomaaliya ee dalka yemen oo dekeda kula hadlay shacabkan ayaa u rajeeyay in ay si nabad ah ku gaaraan dalkooda, isaga oo u mahad-celiyay Madaxweynaha dalka DR. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda mudane Xamse Cabdi Barre, madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Hay’adda UNHCR iyo Dowladda Yemen kaalinta ay ka geysteen dib-u-celinta shacabkan.

Hantidhowraha Guud oo ka qeyb galay Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka (EAC}

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaele, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare ee Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC}. oo lagu qabtay magaalada Mwanza, Tanzania. Kulankan oo soconayay intii u dhaxaysay 15-18ka October, 2024, ayaa ujeedkiisu ahaa diyaarinta qorshe hufan oo loogu talagalay baarista qayb kamid ah hay’adaha EAC, iyada oo la xaqiijinayo in ay si buuxda u daboolaan hay’adaha mashaariicda Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} . .

Intii uu kulanku socday, waxa ay Hantidhowrrayaasha Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} si qoto dheer uga doodeen dejinta qorshaha baarista, yoolalka muhiimka ah, iyo kala soocidda mas’uuliyadaha, si loo hubiyo in dhammaan hawlaha muhiimka ah loo qabto sida ku cad qorshaha la isku afgartay. Kulanku waxa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la helo istiraatiijiyad mideysan oo ay iska kaashadaan hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya baarista Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip