halka.an ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Monday October 21, 2024 - 09:41:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halka.an ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa oo gaaray Burundi

Wafdi u hogaminayo Madaxwenaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxwenaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynayasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulan gaar ah ku yeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-sabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxwenaha Burundi iyo doladisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin.

Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Al-sabaab, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

DOWLADAHA SOOMAALIYA IYO UGANDA OO KU HESHIIYEY XOOJINTA ISKAASHIGA AMNIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Somalia iyo Uganda.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay;

1. Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskashiga ganacsiga io malgashiga.

2. Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM.

3. Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

4. Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabatenta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

Wasiirka arrimaha dibadda oo 17 qof aan soo marin wasaaradda arrimha dibadda ku qoray la taliyayaal safaaradeed

Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia, Amb. Axmed Macalin Fiqi, ayaa lagu eedeeyay inuu sifo sharci darro ah 17 qof oo la-taliyayal ah ugu qorayay safaradaha dibbada, kuwaas oo aan kaso shaqayn wasaaradda arrimaha dibadda.

La-taliyayaashan ayaa lagu qoray safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Turkiga Marekanka Uganda, Kuwait, Suuriya, Kenya, South Afrika, Masar, Riyad, Belgium, iyo Roma.

Senator Maryan Faarax Kaahiye, oo ah Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda, ee Aqalka Sare, ayaa magacaabistan ku tilshalayy sharci darro. Senator Maryan waxay sheegtay in dadka loo magacaabay xilalkan aysan waayo aragnimo hore u lahayn shaqada arrimaha dibadda.

Waxay tilmamtay in magacaabistan ay xaqiraad ku tahay shaqaalaha muddada dheer u soo shaqeynayay wasaaradda, kuwaas oo qaarkood aan waligood mushaar helin.

"Markii ay fursad yar heleen shaqalaha wasaaradda, waxaa dusha looga keenay dad aan shaqada u qalmin. Waxaan halkaan u fadhiyaa xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha arrimaha dibadda inaan lagu tumanin, iyo in aan sharciga lagu tumanin. Cidna bannaanka loogama keeni karo, iyadoo aysan xaquuq helin shaqaalaha,” ayey tiri Senator Maryan.

Dhinaca kale, Wasiir Fiqi ayaa sheegay in magacaabista la taliyay-aashan ay tahay mid ku timid arrimo siyaasadeed, isagoo xusay in magacaabistooda aysan ku imaan rabitaankiisa gaarka ah ama inay ku qabiil yihiin.

Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga Dalka iyo Sarakiil uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Xudur

Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga Dalka Generaal Xassan Baydhabo oo uu wehliyo Taliyaha guutada 9-aad G/le dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa manta waxay booqasho kutagen Xerada ciidanka Ururka 93-aad guutada 9-aad oo ku sugan Bariga Magaalada Xuddur.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Xassan Baydhabo ayaa ujeedka guud ee kormeerkiisa waxa uu ku saabsanaa dar-dargalinta howlagalada ka dhanka al-sabaab iyo dhiirigalinta ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta Golka Bakool.

Taliyaha ayaa sarkiisha uu la kulmay kula dardarmay in la xoojiyo howlga-llada lagu baacsanayo firxadaka al-sabaab, si looga sifeeyo degaanada fara ku tirsaka ah ay ku dhuum-aleysana argagixisada.

Taliyaha Boliiska oo kulan la qaatay Taliyaasha Hoggaannada iyo Fadhiyada Madaxbannaan ee Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Sooma-aliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay kasoo qeyb galen dhaman Taliyasha Hoganada, Qebaha io Fadhiyada Madaxbanan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga gudaha dalka, gaar ahaan kan caasimadda.

Taliyaha ayaa faray saraakiisha kuna bixiyay amar in la dardargeliyo arrimaha lagu sugaayo amniga gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoo si cad u sheegay in qof kasta mas’uuliyadda loo igmaday lagula xisaabtami doono, gaar ahan sugida amniga casimada iyo xasiloonida guud ee Dalka.

Howlgal lagu soo qabtay xubno katirsan al-sabaab oo ka dhacay Gobalka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed Gaar ahaan Guutada 8-aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulkaayaa Howlgal Qorshaysan oo ay kafuliyen Degano Dhaca Buuraleda Gobalka Baay waxay ku soo qabteen laba dhagar qabe oo ka tirsanaa al-sabab oo halkaasi ku dhuumalaysanayay .

Deegaanada Mooro Busto, Ceel sharif iyo Degaanka Ceel Mareer Ee Gobalka Baay ayaa ah deegaanada sida gaarka ah ay geesiyaasha xooga dalka somaliyed ay howlgalka sida gaarka ah uga fuliyeen waxana maleshiyaadka la soo qabtay hadda ku socdo baaritaan dheerada ah.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya Bayle, iyo Siyaasiyiin kale oo ku biiray xisbiga Waddani

Wasiirkii hore ee maaliyada Sooma-aliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Bayle oo dhawaan ka laabtay aragtidiisii 'Soomaali Wayn', oo Somaliland dib ugu soo laabtay kadib sannado badan oo uu wasiir ka ahaa dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo reer Awdal ah ayaa ku dhawaaqay in ay ku biireen xisbiga Waddani.

"Waxaanu go'aansanay in aan xisbigan ka mid noqono, la shaqayno, waxa kale oo aanu ku boorinaynaa dadka kale ee reer Somaliland, in ay iyaguna arrintan naga aqbalaan, oo ay u codeeyaan xisbigan, annagana waxa naga go'an qofka kali ah ee samato bixin kara dalkan in uu yahay Cirro" ayuu yidhi Bayle.

Wasiir Bayle iyo raga kale ee la socday ayaa sheegay in ay mustaqbalka Somaliland ka dhex arkeen xisbiga Waddani, iyaga oo sheegay in xisbigu uu diyaar u yahay in uu wax ka qabto tabashooyinka ay dadka reer Awdal qabaan.

Waxa ay sheegeen in Somaliland ay tahay qorax soo baxaysa, oo lagu soo hiran karo, isla markaana loo bahanyahay in maalinba cidii ku haboon taladeeda loo dhiibo.

Xisbiga Waddani ayaa bilihii u danbeeyay soo jiitay taageerada siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah, xisbigan oo ah ka ugu wayn axsaabta mucaaradka Somaliland, ayaa xusul duub ugu jira sidii uu ugu guulaysan lahaa talada Somaliland.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil galinki hore ee shalay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho sarkal ka tirsana ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Hanad Axmed Muuse ayaa lagu dilay hoygiisa oo ku yaala xaafada Moalin Nur ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Dilka sarkaalkaan ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan iney geysteen askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda, kuwaas oo marxuumka ku toogtay gurigiisa dhexdiisa.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay sarkaalkaan iyo waxa uu salka ku haayo, mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowladda oo ku aadan dilka loo gaystay sarkaalkaan oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhawaan kasoo laabtay tababar uu kusoo qaatay dalka Turkiga.

Si kastaba ha ahaate Muqdisho iyo magaaloyin kale oo ka mid ah dalka waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka ay isku gaystaan ciidamada dhexdooda, waxaana badana sababa dilalkaas isku dhacyo dhexmara iyo murano soo kala dhex gala.

Dagaal beeleed khasaare geystay oo ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa shee-gaya in aroornimadii hore ee shalay uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka shalay dib uga qarxay gudaha magaladas ayaa dhexmaray laba maleeshiyo oo dhawaan ku dagaalantay halkaas, waxaana la sheegay inuu ahaa dagaalka mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsaden hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal beeleedka shalay dib uga qarxay gudaha magaalada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana wali xaalad kacsanaan ah laga daremaya gudaha magaladas.

Dagaalka shalay markale dib uga dhex qarxay labadaan maleeshiyo beeleed ayaa imaanaya, iyadoo Daraad galinkii dambe Madal lagu heshiisinaayay odoyaasha labadaan beelood ay ka dhacday magaalada Ksismaayo, taasoo uu soo xiray madaxwenaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Luuq oo ku aadan khasaaraha dhashay dagaalka shalay ka dhacay gudaha magaaladaas iyo waxa sababay inuu markale dib u qarxo dagaal beeleedkaan.

In ka badan 70 qof oo lagu dilay duqayn ka dhacday Beit Lahiya, Gaza

Ugu yaraan 73 qof oo ay ku jiraan dumar iyo carruur ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay duqayn ay Israel ka gaysatay deegaanka Beit Lahiya ee waqooyiga Marinka Gaza.

Tobanaan kale ayaa ku dhaawacantay duqaynta Israel ay habeen hore ka gaysatay waqooyiga Marinka Gaza, sida ay sheegeen masuuliyiinta goobta ku sugan.

Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa sheegay in tirada dhimashada ay ka badan karto inta hadda la ogyahay, maadaama ay jiraan dad fara-badan oo dhaawacyo culus qaba iyo kuwo kale oo la tuhunsan yahay in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

Dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ayaa ka dhashay duqayn loo gaystay guryo ay deganaayeen dad u badan qoysas, kana mid ah dadka deegaanka.

Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen xaafad ay dadku ku badan yihiin.

Wakaalada Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa ku warantay in weerarku uu dhulka la simay dhisme dhan oo la deganaa.

Kooxaha samatabixinta ayaa wajahaya caqabad ku saabsan isgaarsiinta iyo adeegga internet ee deegaanka oo Israel ay jartay.

Israil waxay sheegtay inay hubineso wararka sheegaya in dad badan oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen duqaynta, inkastoo ay been abuur ku tilmaamtay tiroo-yinka ay daabacen masuliyiinta caafimaadka, isla-markaana aysan isu dhigmin xogta ay hayaan ciidamadeeda.

Barraha bulshada ayaa la soo dhigay muuqal mujinaya meydadka qaarkood oo la karfanay, isla-markaana la dhigay Isbitaalka Al-Awda ee waqooyiga Marinka Gaza.

Agaasimaha Isbitaalka Al-Awda, Mohamed Saleha ayaa sheegay in ay qaabilen tiro badan oo dhawacyo, taas oo ka dhigtay in qaybaha isbitaalkaasi ay buux-dhaafiyaan, isagoona xusay in dhaawacyada qaarkod lagu daweynayo sagxadda.

Weerarkan ayaa yimid, saacado uun ka dib, markii Ciidamada Israel ay rasaas ku harqiyeen Isbitaalka Indonesian oo ku yaala Beit Lahiya.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeyay in ay hareereeyeen isbitaalkaasi, ka hor inta aan goobta laga maqlin rasaas xoogan.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin agagaarka isbitaalka, balse waxay sheegeen inaysan si ula kac ah rasaas ugu ridin.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 40 qof oo bukaan ah iyo sidoo kale shaqaale caafimaad ay ku jiraan gudaha isbitaalka, iyadoo markii dambe sheegtay in laba qof ay u dhinteen koronto la’aan iyo sahayda caafimaadka ee isbitaalkaasi ka go’an.

Ciidamada Israel oo horaantii bishan dib ugu soo laabtay deegaanada waqooyiga Gaza ayaa si guud u go’doomiyay dhulkaasi, iyadoona uu taliskoodu sheegay in ciidamadu ay kula dagaalamayaan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadant-inimada ee OCHA ayaa sheegay in Israel ay ka hortaagan tahay in ay halkaasi keenan kala bar kolonyada gargaarka bani’aadantinimo ee u raran Qaramada Midoobey.

Israel ayaa Jimcihii sheegtay in illaa 30 baabuur oo sahay siday ay u ogolaatay inay gaaraan waqooyiga Marinka Gaza, oo ay ku jiraan cunto, biyo, sahay caafimaad iyo qalab hoy, balse ilaha caafimaadka maxaliga ayaa sheegay in gargarka aan la gaarsiinin meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka jirto.

Israel ayaa marar badan beenisay in ay xanibeyso gargaarka sida weyn loogu baahan yahay, ha yeeshee Mareykanka ayaa dhawaan ka dalbaday inay sare u qaaddo helitaanka gargaarka bani’aadan-tinimo ee Gaza ama ay halis ugu jirto in uu ka jaro qayb ka mid ah taageeradii militari ee uu siinayay.

Israel ayaa waxaa muuqata inaysan masuuliyad gaar ah iska saareen ilaalinta iyo badqabka ee shacabka aan waxba galabsan.

Dalalka ku bahoobay howlgalka ATMIS oo sheegay inay diyaar u yihiin howlgalka AUSSOM

Itoobiya iyo dalalka kale ee ciidamada ay ka joogan Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ku sii wadaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya, xilli howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamaad sannadkan.

Rabitaankooda ayaa daba socday shir heer wasiir ah oo ka dhacay Addis_Ababa 16kii Oktoobar, 2024, kaas oo ay ka qayb galeen madaxda difaaca dalal dhawr ah ayna isugu yeertay wasiirka gaashaandhigga Itoobiya, Aisha Mohammed.

Wasiirradu waxay sidoo kale soo qaadeen walaaca ku saabsan dhibaatooyinka dhaqaale ee ATMIS iyo AUSSOM." Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay wax ka qabashada yaraanta miisaaniyada holgalladan.

Wasiirrada gaashaandhigga waxay sheegeen in cashiradii laga bartay ATMIS si fiican loogu tixgeliyo howlgallada soo socda, waxayna iftiimiyeen baahida loo qabo in lagala tashado wadamda cidamada ugu tabarucay Somalia naqshade-nta howlgalka AUSSOM.

Wasiiradu waxa ay dhinaca kale ka horyimaadeen xiisadaha sii kordhaya ee Geeska Afrika iyo caqabadaha ku xeeran kala guurka ATMIS.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayanan doonayn in Itoobiya ay ka mid noqoto ciidamada Midowga Afrika ee loo dejiyay in ay beddelaan ATMIS, ka dib markii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah bishii Janaayo 2024.

Dhawaan, Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya waxay shir saddex geesood ah ku yeesheen Asmara, halkaas oo ay ku heshiiyen talaboyin kor loogu qaadayo "awoodda ay Soomaaliya u leedahay ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.

Netanyahu oo sheegay in Xisbullah ay sameysay khalad weyn, ka dib isku daygii dil

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in werarka ay Xisbullah Sabtidii ku soo qaadday hoygiisa uu ahaa isku day dil, oo la doonayay in lagu dilo isaga iyo xaaskiisa Sara.

Raysal Wasaaraha ayaa isku daygan dil ee ka dhanka ah isaga iyo xaaskiisa ku tilmamay khalad weyn.

Xisbullah ayaa la sheegay in diyarad drone ah ay ku weerartay hoyga Raysal Wasaaruhu uu fasaxa ku qaato e ku yala Magalada Caesarea (Qaysaria).

Afhayeenkiisa ayaa goor sii horreysay sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo duuliyay dalka Lubnaan ay ku dhacday guriga Raysal Wasaaraha, isla-markaana ay isaga iyo xaaskiisuba ka maqnaa-yeen gurigaasi.

"Wakiilada Iran ee isku dayay inay aniga iyo xaaskayga na dilaan, waxay sameeyeen khalad weyn.” Ayuu yiri Raysal Wasare Netanyahu oo habeen hore ka hadlay weerarka lagu beegsaday hoygiisa.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ku hanjabay in werarkan aanu ka joojin doonin dagaalka uu sheegay inay kula jiran koxaha ay Iran bari-taarto.

Netanyahu ayaa sheegaya in Israel ay sii wadi doonto dagaalkan, illaa ay ka ciribtiraan ururada hubeysan ee ka jira gobolka, cid kasta oo waxyeelo u gaysata Israeliyiintana ay bixin doonto qiimo culus.

"Waan sii wadi doonnaa ciribtirka argagixisada iyo kuwa soo diraya. Waxaan soo celin doonnaa dadka na looga haysto Gaza.” Ayuu yiri Netanyahu oo intaasi ku daray in Israeliyiintii ku barakacday xiisadda ka jirta xuduudda ay la wadaagaan Lubnaan ay iyana dib ugu soo celin doonaan guryahooda.

Militariga Israel ayaa sheegay inay baarayaan sababta aanu nidaamka difaaca hawada ee Israel uga hortegin diyaaraddaasi, inkastoo ay militarigu sheegeen in saddex diyaaradood lagu soo weeraray gudaha Israel, laba ka mid ahna ay soo rideen.

Dhawaqa seeriga digniinaha ayaan laga maqlin Magaalada Caesarea, ka hor inta aysan diyaaraddu ku qarxin hoyga Netanyahu.

Muuqaal la isku la wadaagay barraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad helicopter ah oo hawada ku jirta, iskuna dayeysa inay soo riddo diyaaradda aan duuliyaha lahayn oo ku sii socota dhanka waqooyi.

Codka digniinaha ayaase mar dambe laga maqlay xaafadda Glilot ee waqooyiga magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv, oo ay ku yaallaan Saldhigga Sirdoonka Militariga iyo Xarunta Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad.

Xisbullah ayaan weli si rasmi ah u sheegan masuuliyadda weerarka, ha yeeshee dhammaan calamadaha ayaa muujinaya in diyaaradda ay ka soo duushay dhinaca koonfurta Lubnan oo Xisbullah ay maamusho.

Xisbullah ayaa Jimcihii ku dhawaa-qday dagaal weji cusub oo ka dhan ah Israel, si loogu khasbo in ay joojiso xasuuqa ay ka waddo Gaza iyo Lubnaan.

Weerarkan ayaa ka tarjumaya in Xisbullah ay garaaci karto bugcad kasta oo Israel ah, taas oo fasiraad ka bixineysa in awoodda Xisbullah ay tahay mid aad u sarreyso.

Faransiiska ayaa ka digay in guusha Ruushku ay horseedi doonto ‘Fowdo’

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa ka digay in guusha Ruushku ka gaaro Ukraine ay abuuri doonto "qalalaase” gudaha nidaamka caalamiga ah.

Hadaladiisa ayaa lagu sheegay booqasho uu ku tagay Kyiv, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay Faransiiska inay taageeraan Ukraine.

Booqashadani waxay daba socotaa todobaad uu madaxwenaha Ukraine Volodymyr Zelensky soo bandhigay "qorshihiisa guusha” ee looga gol leeyahay in laga gudbo gardarrada Ruushka wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo kaalmada reer galbeedka.

Isagoo ka garab hadlaya dhiggiisa Ukraine Andriy Sybiga, Mr. Barrot wuxuu yiri: "Guusha Ruushka waxay taageereysaa mabda’a kan ugu xoogga badan waxayna u horseedi doontaa nidaamka caalamiga ah fowdo.”

Waxa uu sidoo kale tixraacay soo jeedin gooni ah oo ka timid Zelensky oo qeexaysa aragtida Kyiv ee nabad waarta oo cadaalad ah, isaga oo xusay: "Wada hadalkeena… waa in ay fududeeyaan horumarka hindisaha nabada ee Madaxweyne Zelensky.”

Intaa waxaa dheer, Mr. Barrot wuxuu muujiyay walaaca ah in ku lug lahanshaha cidamada Waqoyiga Kuuriya ee taageeraya Ruushka ay keentay "khatar weyn oo sii xumaanaysa” oo ay kordhin karto khilaafka "oo ka baxsan xuduudaha hadda.”

Hay’adda sirdoonka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa daraad sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay go’aansatay in ay geyso ciidamo aad u ballaaran si ay u taageeraan dadaallada Moscow ee Ukraine, iyadoo 1,500 oo ciidamo gaar ah ay horay u joogeen bariga fog ee Ruushka si ay u tababaraan.

Muujinta midnimada, madaxwenaha Mareykanka Joe Biden iyo hoggaa-miyeyaasha Jarmalka, Faransiiska, iyo Britain waxay ku celiyeen "go’aankooda ah inay sii wadaan taageerada Ukraine si ay u hesho nabad cadaalad ah oo waarta” daraad.

Horaantii bishan, Mr. Zelensky waxa uu ku sugnaa Paris iyada oo qayb ka ah socdaal diblumaasiyadeed oo degdeg ah oo uu ku booqanayo xulafada muhiimka ah ee Kyiv.

Weli ma uusan helin taageerada qaybaha gaarka ah ee "qorshihiisa guusha,” gaar ahaan codsiga dhexe ee martiqaad degdeg ah ee NATO, taas oo inta badan loo arko mid aan macquul ahayn.

Intaa waxaa dheer, qorshaha Mr. Zelensky wuxuu diiday heshiisyada dhulalka, wuxuu ku boorinayaa xulafada in ay kor u qaadaan xayira-daha isticmaalka hubka riddada dheer ee lagu deeqay ee ka dhanka ah bartilmamedyada miltariga Rushka, wuxuuna soo jeedinayaa in la geeyo "xirmo istiraatijiyadeed oo aan nukliyeer ahayn” gudaha gudaha Ukraine.

Puntland oo soo bandhigatay dagaalame Israa’iil uga yimid ku biirista Daacish

Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan kooxda Daacish, kadib markii ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Bari. Saraakiisha PSF ayaa xaqiijiyay in holgalku u dhacay sidi lo qorsheyay, taas oo ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan dagaalyahan lagu magaca-abo Abdalla Mustaf Abu-deyr, oo magacisa af-garashaduna yahay Saalim.

Muuqaal kooban oo uu baahiyay Taliska PSF, ayaa Cabdalla Mustaf Abu-deyr ka muuqday isagoo qiraya in u ka tirsan yahay kooxda Daacish. Wareysi laga qaaday ayuu ku shegay in u horey cilmiga Injinerinka uga baran jiray jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil, kahor inta uusan ku biirin dagaalyah-anada Daacish.

Cabdalla ayaa sheegay in markii uu soo gaaray buuraha ay ku sugan yihiin Daacish uu halkaasi kula kulmay shan xubnood oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo u geeyay meel tababar lagu bixiyo oo la yiraahdo Istiqbaal, halkaas oo uu tababar ku qaatay.

"Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.

"Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay shan xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ayaa muddoo-yinkii dambe si xoog leh uga socday deegaannada Puntland, iyadoo PSF ay ku guuleysatay inay beegsato dagaalyahanada kooxdas ku sugan gobollada waqoyi-bari ee Somalia. Taliska PSF ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada ay ku sugayaan amniga deeganada Puntland.

Rigathi Gachagua: "Mudane madaxweyne, ha i dilin, ha dilin carruurtayda"

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa ku andacoonaya in "Ruto uusan wax niyad ah u laheyn in uu ila shaqeeyo”, waxa uu rabay oo kaliya in uu aniga ii adeegsado si aan doorashada uu ugu guuleysto”, ayuu u sheegay warbaahinta.

Gachagua ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka soo baxayay Isbitaalka Karen oo lagu daweynayay maalmihii u dambeeyay.

Rigathi Gachagua ayaa sii waday sheegashada in ay jiraan dad isku dayay in ay dilaan isaga oo sida uu sheegay loo sumeeyay cuntadiisa laba jeer.

"Markii ugu horeysay, waa inaan idhahdaa 30-kii August, magaalada Kisumu, ilaalo sir ah ayaa qolkeyga Kisumu soo galay, waxayna xoog ku galeen mid ka mid ah ayaa isku dayay inuu sumeeyo cunnadayda, laakiin waan ogaanay, waxaana awodne inan ka hortagno qorshahs." ayuu yiri Gachagua.

"Waxay la rabay in laygu dilo suntan, bishii Sebtembar deegaanka Nyeri, koox kale ayaa timid oo isku dayay inay sumeeyaan cuntadii ay iigu talgalen golaha odayasha e Kikuyu."

Rigathi Gachagua oo sii waday eedeymaha uu u jedinayo madaxwene William Ruto ayaa sheegay in Ruto uu ku gacan seyray heshiiskii ay wada galeen ka hor inta aysan xukunka qaban sanadka 2022-ka.

Gachagua ayaa intaa ku daray in uu shaqada ka ceyriyay qaar ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee xafiiskiisa sababo ammaan darteed.

Sida laga soo xigtay Gachagua, qof uu isaga aaminay ayaa ku sameyay xaalad adag sanad ka hor.

"Sannadkii la soo dhaafay, aad buu iigu dhib badna, laakiin waxaan ahay qof dulqaad badan, runtii dulqaad badan, wixii dhacay Khamiistii waxay ahayd dhammaadka sannad silica iyo walbahaar lahaa." ayuu intaa ku daray.

Gachagua ayaasidoo kale ku andacooday in tan iyo markii Khamiistii la dhigay cusbitaalka Karen, dad ku dhow dhow madaxweynaha oo aanu magacaabin ay soo wacayeen isbataalka si ay u ogaadaan in xaaladdiisa caafimaad ay ka dartay iyo in kale.

"Waxaan maqlay qaar badan oo dadkiisa ka mid ah oo halkan (cisbitaalka) soo wacay iyagoo weydiinaya haddii aan dhintay, haddii aan badbaaday, haddii aan bogsanayo, way dabaaldegayeen," Gachagua ayaa sidaasi u sheegay saxafiyiinta markii uu ka baxayay isbitaalka.

"Ruto ayaa mas'uul ka noqon doona wax kasta oo igu dhaca," ayuu yiri madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua.

Waxa uu isbarbar dhigay 'dhibaato-oyinkii' loo geystay Kenneth Matiba intii uu xilka hayay maamulkii madaxweynihii hore ee Daniel Moi.

"Markaan fiiriyo, malaha waa in taariikhda dib u milicsanaa, Madax-weyne William Ruto wuxuu rabay inuu i marayo waddadii Madaxwene Moi uu mariyay Matiba, wuxuu ku riixay Matiba ilaa uu ku dhacay istaroog wuuna dhintay, markaan eego waxa uu madaxweynuhu igu sameeyay, gaar ahaan hadda oo aan cisbitaalka ku jiro, oo i niyad-jabsan, oo aan ula dhaqmayo sidii xayawaan oo kale, ayuu yiri.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii Golaha Shacabka Kenya ay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo, islamarkana mooshinka laga gudbiyay aqalka Sanetka.

Senatarrada ayaa u codeeyay in ay taageeraan ugu yaraan shan ka mid ah kow iyo tobankii eedeymaha ee lagu soo oogay Gachagua.

Mooshinka xil ka qaadista ayaa waxa horgeeyay aqlaka xildhibanka laga soo doorto galbeedka Kibwezi Mwengi Mutuse.

281 mudane ayaa u codeeyay in xilka laga qaado 44 mudane-na way kasoo horjeestay mooshinka.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip