Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Shiinaha

0
Monday October 21, 2024 - 21:45:33 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Shiinaha

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu, iyaga oo kawada hadlay arrima dhow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu, iyaga oo kawada hadlay arrima dhowr ah oo la xariira horumarinta Caasimadda iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac. Kulankan oo goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray arrima ay kamid yihiin, Dardargalinta mashaariicda lagu horumarinayo bilicda Caasimadda gaar ahaan Dhismaha Waddooyinka, dib u howlgalinta Bulaacadaha Biyamareenada ah, dhismaha Warshadaha wax soo saarka, Mataaneenta Magaalooyinka Muqdisho iyo Beijing. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu ayaa isku afgartay in la dadajiyo fulinta qodobadii kulankan looga hadlay iyo in la hormariyo xariirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip