halkaa ka aqriso wararka wargeyska mogtimes
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DALKA UGANDA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay uga billabatay safar shaqo.
Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasillonida Gobolka.
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqash-ooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare xigeenka oo kormeeray Markab Sida Shixnad Gargaar
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay kormeeray, goobjoogna ka ahaa shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah oo dawladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed, taas oo uu Guddoomiyaha Hey’adda Gargaarka iyo Marenta Musiiboyinka(SODMA), Maxamud Macallin, kala wareegay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Turkiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaalti-nimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.
DF oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo Dowladda Turkiga ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed
Munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa shalay Dowladda Federaalka waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad Gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan.
Gargarkaan waxaa la wareegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigenka XJFS Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’ada Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana sidoo kale xafladaan qeyb ka ahaa safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’addaha gargaarka biniaadannimo u qaabilsan Turkiga.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltini-mada iyo saaxiibnimada ku dhisan.
Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay 40-Al-shabaab ah
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay sameeyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Al-shabaab ah halka 29 kalana lagu dhaawacay.
Horjooge Sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ka hortagay maleeshiyaad isku abaabulayay, waxaana halkaas lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan.
Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka al-shabaab iyo horjoogeyaasha dhiigyo-cabka ah.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lagu guuleysatay yareynta fakhriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay yareynta faqriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka.
"Warbixintii ugu dambeesay hadda oo ay dowladda soo saartay, waxaa ku xusan in 15 boqolkiiba faqriga hoos loo dhigay, guul aad u wayn oo dowladda Soomaaliya iyo shacabka ay qeyb ka ahaayeen oo lagu farxay yay noqotay, qorshahan marka la suubinayay waxay aheyd 69 boqolkiiba hadana waa 54.4 boqolkiiba oo ah in 15 boqolkiiba hoos u dhacay” ayuu yiri wasiir Beenebeene.
Sidoo kale wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Soomaaliya dhaqaalaheeda koror wayn sameeyay, isagoo tilmaamay halbeegga lagu cabiro dhaqaalaha ee GPD uu hadda noqday 4.2 boqolkiiba, kaasoo uu sheegay in waqtitadii ugu dambeeyay uu ahaa 2.7 boqolkiiba.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda DanQaran ee uu hogaanka u haya Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dadaallada ku aadan xaqiijinta qorshayaasha ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay in ka badan 30 Al-shabaab ah
Ilaa 30 ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.
Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaame-edsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay: -
1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Al-shabaab ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.
2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Al-shabaab u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.
In ka badan 40 Al-shabaab ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Al-shabaab isku qarinayeen.
Qorshaha Shanta Sanno ee Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo Muqdisho lagu soo bandhigay
Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa ka qeyb galay Bandhigga Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda 5-ta sano ee soo soo socota ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo sharaxday sida uu muhiim u yahay qorshaha Qaran ee qaxootiga iyo dadka gudaha dalka ku barakacay ayaa xustay in haddii la xoojiyo doorka dowladda iyo bulshada ay garab dhab ah u noqonayso dadkeena danta yar.
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee shirka ka qeyb galay ayaa boggaadiyay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow ayaa sheegay in dowladdu dhan kasta diyaarisay qorshayaasha iyo sharciyada kaabaha garab istaagga Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday, wuxuu sidoo kole xusay in Bulshada Soomaaliyeed ay door muhiim ah kaga jiraan Garab istaagga dadkeena danyarta ah.
Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday oo socon doona ilaa 2029 ayaa ku dhisan xog uruurin laga sameeyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loo sal fariisiyo xalka waara ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.
Galmudug oo laga furay tababbar ku saabsan la dagaalanka Maalgelinta al-shabaab
Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda ee dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac ayaa shalay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ka furey, barnaamijka wacyigelinta iyo ka hor tagga lacag dhaqidda ee la dagaalanka maal gelinta argagaxisada oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Warbixinada Maaliyadda ee FRC.
Wakiilo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’addaha maamulka Galmudug iyo bulshada rayidka ayaa ka qeybgalaya barnaamijkaan wacgelinta ah, kaas oo socon doona muddo isbuuc ah.
Barnaamujkan oo mid Barnaamuj ay fulinayso Dowladda federaalka ayey Galmudug noqonaysaa dowlad goboleedkii labaad nasiibka u heshay in laga fuliyo barnaamijkan.
Xarunta Warbixinadda Maaliyadda, ayaa ah xarun u xilsaaran ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada dalka, xarunta ayaa barnaamijkan ugu talo gashay adkeynta xiriirka iyo sare u qaadista qorshayaasha lagula dagaalamyo maalgelinta argagaxisada dalka.
Ugu dambeynti, Wasiiru dowlaha ayaa ka qeybgalayasha barnaamijkan kula dar daaramaya in ay si wanaagsan ugu faa’iideystaan isla markaana u dhabar adeegaan howlaha, istiraatiijiyada iyo hababka looga hortago loolana dagaalamo maalgaalgelinta argagixisada.
Ollolaha Doorashooyinka oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Somaliland
Ollolaha doorashooyinka ayaa shalay ka bilaabmay guud ahaan Somaliland, ollolaha ayaa socon doona 22 cisho, iyada oo lasoo afmeeri doono 10 November.
Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ayaa shalay lagu ibo-furay ollolaha doorashooyinka, iyada oo taageerayaasha ururku ay iskugu soo baxeen fagaarayaasha loo asteeyay ollolaha ee Somaliland oo dhan.
2 cisho oo kali ah ayaa loo asteeyay ururada cusub in urur kasta isku soo bax samaysto, tusaale ahaan ururka Barwaaqo hal maalin oo kale oo kali ah ayaa u hadhay, 19 October ayuu markale isku soobax samayn doonaa.
Sidookale, saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo UCID oo iyagu u tartamaya doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururada labadaba, ayaa la siiyay mid kiiba saddex cisho, oo uu isu soo bax samayn doono.
Dhinaca kale, waraaqaha codbixinta oo lagu soo daabacay dalka Ingiriiska ayaa saaka soo gaadhay madaarka Cigaal, doorashooyinkan ayaa wakhtigoodii dib uga dhacay middo 2 sanno ah kadib khilaaf ka dhex taagnaa mucaaradka iyo muxaafadka.
Madaxweynaha Somaliland oo Go'aamo Ka Soo Saaray Adeegsiga Hantida Dadwaynaha iyo Warbaahinta Xiliga Doorashada
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mamnuucay in hantida dadwayanaha, shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada loo adeegsado ollolaha doorashooyinka, sidookale, warbaahinta xukuumada ayuu ku amray in ay si siman u tabiyo wararka axsaabta kala duwan.
"Waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in xisbigyada qaranka iyo ururada siyaasaddu u sinnaadaan war-baahinta dowladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh" ayaa lagu yidhi wareegto kasoo baxday madaxtooyada.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu faray wasiirka arrimaha guddaha in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ollolaha muddada ollolaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta axsaabta iyo ururrada siyaasadda ee ku sugan fagaarayaasha ollolaha.
"Waxa reebban in hantida danta guud ee qaranka nooc kasta oo ay tahay in loo adeegsado ollolaha doorashooyinka innagu soo foolka leh. Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha dowladda iyo ciidammada kala duwan ee qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ollolaha" ayaa lagu yidhi wareegtada.
Madaxweynuhu waxa uu faray hay'addaha kala duwan in ay gacan ku siiyaan komishanka doorashooyinka gudashada waajibaadkooda oo ah qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo asxaabta siyaasada.
Amaradan ayaa imanaya iyada oo uu olloha doorashooyinka madaxtooyada iyo asxaabta siyaasada Somaliland shalay si rasmi ah uga bilaabmayo dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.
Ciidamada Kenya oo wareejiyay saldhigga ay ku lahaayeen tuulada Kudhaa ee Jubbada Hoose
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah saldhigga Kudhaa ugu wareejiyay ciidamada nabad sugidda Jubaland (SSF).
Kudhaa oo ku taalla Jubbada Hoose, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2015-kii gacanta ku hayay ATMIS Ciidamada Difaaca Kenya (KDF), iyagoo door muhiim ah ka qaatay difaaca magaalada Kismaayo.
Col. Ibraahim oo ah sarkaal katirsan ciidanka ATMIS ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya sida ay u sugeen ammaanka gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna kula dar daarmay ciidamada Soomaaliya ee imaanaya in ay feejignaadaan oo ay sii wadaan guulihii ay ka gaareen kuwii ka horreeyay.
Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay xil wareejinta inay muujineyso sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalkeeda.
Xilwareejinta Kudhaa waxay daba socotaa qorshe ballaaran oo dhex maray ATMIS, SSF, iyo ciidamada Jubbaland, taas oo hubinaysa in kala guurku uu si habsami leh u dhaco.
Munaasabadan ayaa qeyb ka ah hannaanka lagu wado in lagu soo gabagabeeyo in si buuxda mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya marka la gaaro Disembar 2024, markaas oo lagu wado in howlgalka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uu dhaco.
Dowladda Masar oo xaqiijisay inay ciidamadeeda u dirayso Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Masar ay dhawaan u soo diri doonaan Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay AlQahera News ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto adkeynta ammaankeeda.
Tani waxay ku soo beegantay todobaadyo uun ka dib markii Masar, Soomaaliya, iyo Ereteriya ay ku heshiiyeen hindise wada jir ah oo lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo tayo leh, si ay u difaacaan xudduudaha iyo dhulalka badda ee dalka.
"Masar waxa ay diyaar u tahay in ay bixiso gargaar kasta oo ay u baahan karaan dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Wasiirka, isagoo farta ku fiiqay dadaallada ciidan iyo iskaashigan sii kordhaya ee saddexda dal.
Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Geeska Afrika ay ka jiraan xiisado ka taagan Somalia, Badda Cas, iyo colaadaha gudaha ee Itoobiya.
Keenista ciidamada Masar waxay calamad u noqon karta rabitaanka Masar ee ah inay balariso jogitankeda gobolka io ilalinta dan-aheda ku tedsan Wabiga Nil iyo Bada Cas.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo ku baaqay in laga faa’iideysto dilka Yahya Sinwar
Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay in dunida aysan u dulqaadan doonin marmarsiiyo dambe oo Israel ay ka keento gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in xaalad aad u liidato oo bani’aadantinimo ay ka jirto Marinka Gaza, loona baahan yahay in wax laga qabto.
Raysal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay inaanan Israel laga aqbali doonin cudurdar kale oo xilligan ay ka bixiso xaaladda Gaza.
"Waxaan mar labaad leeyahay Israel, dunida uma dulqaadan doonto marmarsiyo kale oo ku saabsan gargaarka bani’aada-ntinimo. Dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga Gaza waxay u baahan yihiin cunto, hadda.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo shir jaraa’id ku qabtay Safaar-addooda Berlin.
Israel ayaa lagu eedeeyay in si nidaamka ay u xanibeyso gargaarka aadka loogu baahan yahay, iyadoo qiil ka dhiganeysa inay diiradda saareyso burburinta Xamaas.
Hay’ada Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiin-iyiinta (UNRWA) aya sheegtay in shacabka Falastiiniyiinta ay halis ugu jiraan inay u dhintaan macluul soo fool leh, ka dib markii ay Israel ku eedeysay inay hortaagan tahay in dadka la gaarsiiyo gargaar wax ku ool ah.
Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ka digay raashiin yarida baahsan ee ka jirta Gaza oo dhan, isagona dunida ugu baaqay in si degdeg ahi wax looga qabo masiibada gacan ku sameyska ah ee Israel.
Dhanka kale Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay in loo baahan yahay in dilka Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Yahya Sinwar uu noqdo mid wax ka bedela colaadda Bariga Dhexe.
"Qofna uma barooran Sinwar.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Starmer oo intaasi ku daray "Waa inaan si wanaagsan uga faa’ii-daysanaa xilligan.”
Starmer ayaa ku baaqay in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, lana soo afjaro dagaalka ay dadka faraha badan ku dhinteen.
Starmer ayaa u muuqday mid si toos ah ula hadlayay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo habeen hore sheegay inaanan la gaarin dhammaadka dagaalkan.
Netanyahu ayaa hoos u dhigay rajada ah in ay wada hadalo la bilaabaan Xamaas, si Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza loogu soo sii daayo heshiis maxaabiis kala bedesho ah.
Netanyahu ayaa ku hanjabay inay xoog ku soo furan doonaan dadka looga haysto Marinka Gaza, oo tiradooda lagu sheego 101 qof. Dadkan ayaa qayb ka ahaa Israeliyiintii ay kooxaha Falastiiniyiinta ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.
Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa Jimcihii wacad ku maray inaanan laga fara maroojin doonin dadkaasi, inta uu socdo dagaalkan.
Xamaas ayaa ku gorgortameysa in si buuxda loo soo afjaro dagaalka, in Ciidamada Israel ay ka wada baxaan meelaha ay ka joogaan Marinka Gaza oo dhan iyo inay iyagu soo qortaan magacyada maxaabiista ay doonayaan in loo soo sii daayo.
Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa haatan ku xiran xabsiyada Israel, kuwaa oo ay ku jiraan Saraakiil iyo xoogag ka tirsan iska caabinta Falastiin.
Ayatollah Ali Khamenei oo sheegay inaanan laga adkaan doonin Xamaas
Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Xamaas aysan burburi doonin, ka dib dilkii ay Israel u gaysatay Yahya Sinwar.
Hoggaamiyaha ugu sarreya dhinaca diinta ee Iran ayaa sheegay in Xamaas ay sii jiri doonto, ayna sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israel, iyadoo ayna Iran tahay dalka keliya ee taageerada tooska ah siiya ururkaasi.
Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in inkastoo geerida Yahya Sinwar ay Xamaas uga dhigan tahay mid xanuun badan, haddana aysan geeridiisa noqon doonin dhammaadka ururkaasi.
"Waa hubaal in geeridiisa ay iska caabinta uga dhigan tahay mid xanuun badan, laakiin gebi ahaanba kuma dhammaan doonto shahiidnimada Sinwar.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.
Warkiisa ayaa jawaab u ah hadalkii ka soo yeeray Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ee ku aaddanaa in geerida Sinwar ay bilow u noqon doonto burburka Xamaas.
"Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas waa mid nool, wayna sii noolaan doonaan.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.
"Sinwar wuxuu ahaa sawirka ifaya ee iska caabinta iyo halganka.” Ayuu Khamenei ka sheegay hadalkiisii ugu horreyay ee ku saabsan geerida Sinwar.
Khamenei ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay "Sinwar wuxuu si aan gambasho lahen uu uga hortegay cadowga arxanka daran, dharbaaxo ayuuna si dhiranaan leh uu ugu dhuftay.”
Madaxda Israel ayaa dilka Sinwar ku macneeyay mid guul u ah shacabka Israel, ka dib markii ay sheegeen inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii hore lagu qaaday Israel, laguna dilay 1,200 Israeliyiin ah. Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu khasaaaraha badnaa ee ay la kulmaan Israeliyiinta, ka dib dagaalkii labaad ee adduunka.
"Sinwar waxa uu ka tegay dharbaaxadii aan laga soo kaban karin ee 7-dii October, oo ah dhaxalka uu u leeyahay taariikhda gobolkan, ka dibna wuxuu si sharaf leh u kiciyay shuhadada.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran.
Yahya Sinwar ayaa hadda ahaa ninka ay Israel ugu doonista badan tahay, wuxuuna la wareegay Hoggaaminta Ururka Xamaas, ka dib dilkii 31-kii bishii July Hoggaam-iyahoodii Ismail Haniyeh loogu gaystay dalka Iran.
Sinwar ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu muddada gaabnaa ee soo mara Ururka Xamaas, inkastoo uu sanado badan ku magacawnaa Gudoomiyaha Marinka Gaza.
Ururka Xamaas ee Falastiin waa dhaqdha-qaaqa ugu weyn ee gobanimo doon ee halganka ugu jira xoreynta dadka Falastiin-iyiinta iyo dhulkooda xoogga lagu haysto.
Xamaas ayaa sidoo kale u taagan xoojinta qaddiyadda qaranimada ee Falastiin, waana Xamaas oo dunida tustay in Israel ay tahay dowlad leysa dumarka iyo dhallaanka.
Dagaalka 13-ka bilood ee xiriir ah ka socdo Marinka Gaza ayaa sare u qaaday qaddiyadda qaranimada ee reer Falastiin, iyadoona ay soo badanayaan dowladaha u ololeynaya xaqa iyo xuquuqda ay shacabkaasi u leeyihiin inay yeeshaan dowlad xubin rasmi ah ka ah Qaramada Midoobey.
Dagaalkan ayaa si aan horey loo arag u suurad xumeeyay muuqaalkii Israel ee dunida, ka dib markii si naxariis darro ah ay u leysay in ka badan 42,500 oo qof oo dad rayid ah iyo dhaawaca 99,637 kale. Dhibaneyaasha ayaa u badan dumar iyo carruur.
Xoogaga Xisbullah oo hadaf ka dhiganaya Haifa iyo barakac ka socda
Xisbullah ayaa is daba joog ah u garaaceysa magaalada waqooyiga Israel ugu weyn ee Haifa, xilli uu xoogeysanayo dagaalka Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee labada dal.
Ka dib markii Israel ay 1-dii bishan ku dhawaaqday inay hawlgal dhinaca dhulka ah ka sameynayso deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan ayay Xisbullah joogteysay gantaalada ay ku harqineyso waqooyiga Israel.
Inkastoo magaalooyinka kale ee waqoyiga Israel ay ka socdaan duqaymuhu, haddana Xisbullah ayaa waxay u muuqataa inay si gaar ah u beegsaneyso magaalada warshadaha leh ee Haifa.
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xisbullah ay shalay oo keliya ay illaa 50 gantaal ku weerareen magaalada dekedda leh ee Haifa, duqaymuhuna ay weli socdan.
Seeriga digniinaha ayaa si aan kala joogsi lahayn looga maqlaya magaalada, iyadoo ayna jiraan gantaalo gudaha ugu soo dhacay magaaladaasi.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in sagaal qof ay ku dhawacantay duqaymaha ka dhacay Haifa iyo nawaaxigeeda.
Raadiyaha Ciidamada Israel ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay, 10 kalena ay ku dhaawacmeen weerarada shalay ka dhacay waqooyiga Israel.
Wargeyska Israel ee Hayom ayaa sheegay in nin Israeli ahaa uu ku dhintay duqayn ka dhacday Magaalada Acre, ka dib markii gaarigii uu watay uu gantaal ku haleelay agagaarka Isgoyska Na’aman.
Qof kale ayaa la sheegay in dhaawac dhexdhexaad ah uu ka soo gaaray weerarka, loona qaaday xarun caafimaad oo ku taala Galilee.
Gantaalada Xisbullah ee aan bartilmaameedkoodu seegeynin ayaa burbur ka gaysanaya Haifa, tanina waxay cabsida ku kordhisay Israeliyiinta la deegaameeyay ee ku nool waqooyiga Israel.
Cabsida sii kordheysa ayaa waxay waddo u furtay in dadka degan Haifa ay isaga cararaan magaalada, ayna badbaado u raadsadaan bartamaha Israel.
Wararka ayaa sheegaya in barakaca aanu ku koobneyn Haifa oo keliya, balse sidoo kale ay Israeliyiintu ka yaacayaan maga-alooyinka kale ee waqooyiga Israel.
Shacabka Israel ayaa noqday kuwo baqdin la nool ah, xilligan oo ay arkaan in xaaladdu ay faraha ka sii baxeyso, diblomaasi-yadduna aanay shaqeyneyn.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe biden ayaa Jimcihii sheegay in ay suurtagal tahay in xabad joojin laga sameeyo colaadda Israel iyo Lubnaan, balse ay ku adkaan doonto in laga hirgeliyo Gaza, sababtu tahay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo ku adkeysanaya inaanu weli dhammaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas, ka dib dilkii Yahya Sinwar.
Khamiistii, Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dilka Sinwar uu abuurayo fursad ay dhici karto in xabad joojin laga sameeyo Gaza, balse Netanyahu ayaa ku gacan seyray, sheegayna inaanan la gaarin dhammaadka dagaalka.
Xisbullah waxay wacad ku martay haba yaraatee inaysan joojin doojin dagaalka ay kula jirto Israel, inta uu socdo weerarada ay ku hayso Gaza iyo Lubnaan.
Xisbullah ayaa xabad joojinta Lubnaan ka hormarineysa tan Gaza, haddii ay dagaalkan ugu soo biirtay, sidii xabad joojin looga dhaqangelin lahaa Marinka Gaza.
Lama garanayo waxa uu ku soo idlaan doonto dagaalka Bariga Dhexe, haddiise uu sidaan ku sii socdo ay dadka gobolka qaarkood ka dhaxli doonaan cawaaqib ba’an.
Xisbullah oo weerar dareen dhaliyay ku qaadday hoyga Netanyahu
Xoogaga Xisbullah ayaa shalay weerar diyaarad drone ah loo adeegsaday ku qaaday hoyga uu Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku leeyahay Magaalada Caesarea (Qaysaria).
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in diyaaraddu ay ku qaraxday hoygaasi, oo Raysal Wasaaruhu uu waqti ku qaato maalmaha fasax ah, iyadoona weerarkan lagu soo beegay maalin Sabti oo Israeliyiintu ay shaqooyinka ka nastaan.
Hay’adaha ammaanka ayaa ciidan fara-badan ku soo daadiyay waddooyinka soo gala gurigaasi, waxaana Wariyeyaasha loo diiday inay goobta booqdaan.
Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Netanyahu iyo xaaskiisa ay ka maqnaayeen hoyga, xilligii uu weerarku dhacayay.
"Raysal Wasaaraha iyo xaaskiisa ma joogin goobta, mana jiraan wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.
Afhayeenka Xukuumadda Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in saddex diyaaradood lagu soo weeraray Israel, kuwaa oo mid ka mid ah ay beegsatay guriga, halka labada kalena la soo riday, balse aysan jirin cid wax ku noqotay, Netanyahu iyo afadiisana ay ka maqnaayeen.
Wargeyska Wararka Israel ee Walla ayaa sheegay in mashquul badan uu ka jiro hawada Israel, sababo ku aaddan Ciidanka Cirka Israel oo heegan buuxa la geliyay, si ay uga hortaggaan weerarada ceynkani oo kale ah.
Militariga Israel ayaa markii dambe sheegay in diyaaradaha drones-ka ah ay ka soo duuleen koonfurta Lubnaan, mid ka mid ahna ay ku dhacday dhisme ku yaala Qaysaria.
"Laba ka mid ah diyaaradaha ayaa la qabtay, diyaarad kale ayaa ku dhufatay dhismo ku yaala Qaysaria, wax dhaawac ah ma jiraan.” Ayaa lagu yiri warka militariga.
Weerarka ayaa yimid, ka dib markii Xisbullah ay habeen hore ku dhawaaqday dagaal weji cusub oo ka dhan ah Israel, si loogu khasbo in ay joojiso xasuuqa ay ka waddo Gaza iyo Lubnaan.
Xisbullah iyo Israel ayaa muddo sanad ah ku lug lahaa is dhaafsi gantaalo, inkastoo xaaladda ay cirka isku shareertay dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay, ka dib markii Israel ay si qoto dheer ay dagaalka ugu fidisay dalka Lubnaan.
Israeliyiinta ayaa weerarkan ugu dambeeyay ee lagu qaaday hoyga Netanyahu u tixgelinaya isku day dil, laba cisho uun ka dib, markii Israel ay ku dhawaaqday in saaxada dagaalka laga saaray Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee Falastiin, Yahya Sinwar.
Xamaas ayaa Jimcihii xaqiijisay geerida Sinwar, kaas oo Arbacadii lagu dilay iska horimaad Xamaas iyo Ciidamada Israel ku dhex maray xaafadda Tel Al-Sultan ee deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
'Ma muujin kartid daciifnimo' - sababta madaxda Afrika ay u qariyaan xaaladooda caafimaad
Waxaa la isla dhexmarayay Warar ku saabsan xaalad caafimaad darro oo la soo daristay laba madaxweyne oo Afrikaan ah toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo dhalisay jawaabo is khilaafsan, soona if-bixisay in caafimaadka hoggaamiyayaasha loola macaamilo sida sir dawladeed oo kale.
Waxay ku bilaabatay madaxweynaha Cameroon Paul Biya, oo 91 jir ah, oo wasiiradiisu ay dafireen inuu xanuunsan yahay, iyagoo ku adkaystay inuu "caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay".
Warbaahinta Cameroon ayaa laga mamnuucay inay ka warbixiyaan xaaladda caafimaad ee madaxwayne Paul Biya.
Kadib, aqalka madaxtooyada Malawi ayaa diiday xanta ah in madaxweyne Lazarus Chakwera usan cafimadkiisu wanagsanen iyada oo la soo bandhigay muuqaalada hogaamiyaha oo ordaya islamarkana jimicsi sameynaya caasimada Lilongwe.
"Waa inaad ka tarjumtaa nooc ka mid ah nin si aad ugu guulaysato siyaasadda - ma muujin kartid daciifnimo ama nugeel," ayuu yiri borofisar ku-xigeenka jaamacadda Oxford ee siyaasadda Afrika, Miles Tendi, oo ka hadlaya sharafta iyo sirta ku xeeran hoggaamiyeyaasha Afrika iyo caafimaadkooda.
Chakwera iyo Biya waxay isticmaaleen habab aad u kala duwan si ay u beeniyaan wararka la isla dgexmarayo ee ku saabsan xanuunkooda, laakiin waxay la sinaayeen u jeedada oo ah in la muujiyo in xaaladooda caafimaad ay wnaagsan tahay.
Laakiin waxaa ugu muhiimsan ayaa ah, in xaaladooda laga qariyo dadka ka soo horjeeda .
Prof Tendi wuxuu sheegay in ciyaarta siyaasaddu ay tahay "waxqabadka raganimada" oo loo baahan yahay in la sameeyo si loo ilaaliyo awoodda.
Wuxuu intaas ku daray in siyaasadda ragganimada ku dheehan tahay ay aad ugu adkeysay haweenku inay guuleystaan. Dalka Tanzania waxaa hadda maamusha haween kali ah ee madaxwayne ka ah qaaradda Samia Suluhu Hassan, waxayna xilka ka dhaxashay madaxwaynihii hore ee geeriyooday.
Hogaamiyayaasha siyaasadda, Afrika iyo kuwa kaleba, waxa laga filayaa inay noqdaan astaan awood iyo adkaysi.
Xaaladda way ka siii adkaanaysaa gaar ahaan marka uu hoggaamiyuhu gaboobo, caafimaadkoodu waxa uu noqdaa arrin xasaasi ah oo muhiimad weyn u leh qaran, sida aynu ku soo aragnay doorashooyinkii Maraykanka ee sanadkan.
Professor Adekeye Adebajo oo ah borofisor ka tirsan jaamacada Johanesburg ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha qaaradda "ay bixiyaan aragtida ah in caafimaadka dalalkoodu uu ku xiran yahay caafimaadkooda shakhsi ahaaneed”, waxa wararka ku saabsan hoggaamiyaha buka inta badan loola dhaqmo sida sir qaran.
Haddii ay wax ku dhacaan, waxay saameyn kartaa dhaqaalaha, suuqyada, waxayna bedeli kartaa muuqalka siyasada, ayuu yiri khabiir dhanka ammaanka ah oo u dhashay Zimbabwe oo BBC-da la hadlay, waana sababta taxadar dheeraad ah loo sameeyo.
Waddamada ay hay’adaha siyaasaddu liitaan, habraacyada kalaguurka siyaasada ayaa inta badan aan si fiican loo dejin, taas oo keenta cabsi laga qabo in haddii uu hogaamiyaha meesha ak baxo ay horseedi karto loolan awoodeed.
Labaatan sano ka hor, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Laurent-Désiré Kabila ayaa waxaa dilay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Maamulkii xilligaa jiray ayaa diiday in ay qirtaan in la dilay, iyaga oo iska dhigaya in xaalad caafimaad loogu diray Zimbabwe, iyaga oo ka shaqaynayay waxa xiga ama tallaabada xigta ee la qaadi karo.
Dhab ahaantii, maydkiisii ayaa loo duuliyay qaarada oo dhan iyadoo si heersare ah loo soo bandhigay.
Wiilkiisii Joseph, oo aan waayo-aragnimo badan lahayn, ayaa aakhirkii loo doortay hoggaamiyaha xiga ee dalka.
Malawi, dawladdu waxay dib u dhigtay ku dhawaaqista geeridii madaxweyne Bingu wa Mutharika 2012, taasoo dhalisay mala-awaal ah in uu jiro dadaal looga hortagayo inb madaxweyne ku-xigeenkiisa Joyce Banda uu badalo.
Laakiin dalka deriska la ah ee Zambia, oo ay laba madaxweyne dhinteen iyaga xilka haya, iyo Ghana, o uu markas madaxwene John Atta Mills ku dhintay 2012, geedi-socodka dastuurku si habsami leh ayey u shaqeeyeen oo xilka laguma murmin.
Sanadihii la soo dhaafay, madax kala duwan oo Afrikaan ah ayaa la kulmay su'aalo ku saabsan caafimaadkooda oo jahwareer uu ka dhashay.
Sannadkii 2010-kii, hoggaamiyihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa sannado badan oo la isla dhexmarayay caafimaad daradiisa ku tilmaamay "been qaawan oo ay sameeyeen warbaahinta reer galbeedka ah".
Saddex sano ka hor, ku dhawaaqista in madaxweynihii Tanzania John Magufuli uu geeriyooday ayaa timid ka dib toddobadyo la beeninayay in uu xanuunsan yahay. Dad ayaa xitaa loo xiray inay faafiyeen warar been-abuur ah oo ku saabsan cafimadkisa, kaliya si loo xaqiijiyo inay warraka dowladda sax yihiin.
Mid ka mid ah kiisaska ugu daran ee dawlad qarinaysa caafimaadka hogaami-yaheeda waxay ahayd Nigeria, halkaas oo madaxweyne Umaru Yar'Adua aan lagu arag fagaare muddo shan bilood ah.
Xafiiskiisa ayaa sheegay in la daweynayay bishii Janaayo 2010 iyo in uu " fiican yahay" si kastaba ha ahaate, waxaa jiray warbixino badan oo sheegaya in uu "maskax-ahaan dhintay".
Yar'Adua dib ugama soo muuqan fagaarayaahsa, waxaana dhimashadiisa la shaaciyay bishii May ee sanadkaas.
"Qaar ka mid ah nimankan waxay rabaan inay ku dhegganaadaan awoodda," ayuu yiri Prof Tendi, xitaa haddii ay geeriyoodan.
Hogaamiyaal badan, oo ka baxsan Afrika sidoo kale, uma malaynayaan in muwaadi-niintoodu xaq u leeyihiin inay ogaadaan caafimaadkooda, taas oo loola dhaqmo si qarsoodi ah.
Laakiin waxaa jiray xaalado laga soo reebi karo arrimaha aan kor ku soo xusnay.
Ka dib toddobo usbuuc oo fasax caafimaad oo rasmi ah 2017, madaxweynaha Nigeria Buhari ayaa u muujiyay qarankiisa inuusan waligiis "jirin", inkastoo uusan sheegin waxa khaldan.
Madaxweynihii hore ee Cameroon Ahmadou Ahidjo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee Afrikaan ah ee iscasila sababo caafimaad darro awgeed, 1982, ka dib markii uu xukunka hayay 22 sano.
Daah-furnaanta noocaan ah iyo ka tanaasulida awoodda waa naadir. In ka badan 20 hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa dhintay iyaga oo xilalka haya, qaarkood iyaga oo aan u sheegin dalkooda in xitaa ay xanuunsan yihiin.
Tusaalaha ma uusan qaadan ninkii dhaxlay Ahidjo, oo ah madaxynaha imika xilka haya Paul Biya.
Hogaamiyayaasha ayaa laga yaabaa inay ka baqaan muujinta arrimaha caafimaadka ay dhiirigelin karto kuwa ay iska soo horjeedaan ama xitaa quwadaha shisheeye ee doonaya inay saameyn ku yeeshaan ama khalkhal galiyaan dalka.
Madaxweynayaasha qaar ayaa xilka laga tuuray ka dib markii la shaaciyay in xaaladdooda caafimaad ay aad u liidato.
Sannadkii 1996-kii, waxa ay ahayd markii ay ogaadeen dadwaynaha in hoggaamiyihii Zaire (hadda DR Congo) Mobutu Sese Seko, laga daweynayay kansarka ku dhaca xubinta taranka ragga.
Tani waxay shaki la'aan u fududaysay Laurent Kabila inuu hogaamiyo koox fallaago ah oo ay Rwanda taageerto oo dagaalo halkaasi ka bilaabay.
Mobutu aad buu u xanuunsanaa oo ma uusan awoodin isku dubbaridka iska caabin , waxaana uu u qaxay dalka Marooko, markaasi oo uu xukunka ula wareegay.
"Haddii laguu arko mid daciif ah, waxay fariin u direysaa kuwa kula tartamaya ee gudaha," ayuu yiri Prof Tendi.
Abeku Adams, oo ah macalin reer Nigeria, islamarka 41 jir ah, oo la kulmay laba madaxweyne oo dhintay iyaga oo xilka haya, ayaa sheegay in sirtu sidoo kale noqon karto "arrin iska dhaqan ah".
"In laga qariyo caafimaadka qofka waa shay loo arko qayb ka mid ah habka bogsashada ee dhaqamo badan oo Afrikaan ah. Tani waxay noqon kartaa xididka suurtogalka ah ee sababta ay qariyaan ama uga been sheegaan caafimaadkooda," ayuu yiri.
Inkasta oo muwaadiniinta caadiga ah ay xaq u leeyihiin in ay xafidaan diiwaankooda caafimaad si qarsoodi ah, waxaa lagu doodaa in hoggaamiyeyaasha siyaasaddu aysan haysan fursadan sababtoo ah caafimaadkooda ayaa saameyn ku yeelan kara dalka oo dhan.
Maaddaama waddamo badan oo Afrikaan ah ay sameysteen habab isku xigxig oo xooggan, ayaa waxaa soo baxaya baaqyo ku aaddan hufnaan dheeraad ah marka ay timaaddo caafimaadka madaxdooda, gaar ahaan dadka qaaradda ee sii kordhaya ee dhalinyarada ah ayaa qaba fikirkaas.
"Dowladuhu waxay ku leeyihiin muwaadiniintooda inay wadaagaan macluumaadkaas," ayuu yiri Mr Adams.
Waxa uu ku adkaysanayaa in maadaama muwaadiniintu ay bixiyaan cashuur, ay tahay in ay si gaar ah u ogaadaan caafimaadka madaxdooda.
Waxaa laga yaabaa in nidaamka siyaasadeed ee Malawi ee loolanka adagi ka jiro, ee doorashooyinku dhacayaan sanadka soo socda, uu yahay waxa ku riixay Chakwera inuu sameeyo dhoolatuskiisa dadweynaha - si uu u muujiyo inuu ka fiican yahay ninka ay sida weyn ula loolamayaan, Peter Mutharika, oo 15 sano ka wayn.
Taas bedelkeeda, Biya waxa uu wajahayaa khatar yar oo ka imanaysa doorashooyinka waxa uu hore ugu guulaystay shan jeer, inkasta oo ay mucaaradku ka cawdeen wax isdaba marin.
Dimuqraadiyada dhabta ah, caafimaadka hoggaamiyuhu waa inuu ahaadaa mid hufan, mid ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sidaa u sheegay BBC.
Laakiin dabeecadda siyaasadda Afrika inteeda badan, oo inta badan xisbiyada talada haya lagu eedeeyo musuqmaasuqa doorashada, inqilaabyada militarigu mar walba waa khatar, xitaa madaxwey-nayasha la doortay waxay noqon karaan kuwo la iska dhaxlo, daah-furnaanta maaha dhaqan ay hoggaamiyeyaal badan u muuqdaan inay diyaar u yihiin inay qaataan waqti dhow.
Xigasho bbc
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DALKA UGANDAMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay uga billabatay safar shaqo.
Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasillonida Gobolka.
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqash-ooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare xigeenka oo kormeeray Markab Sida Shixnad Gargaar
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay kormeeray, goobjoogna ka ahaa shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah oo dawladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed, taas oo uu Guddoomiyaha Hey’adda Gargaarka iyo Marenta Musiiboyinka(SODMA), Maxamud Macallin, kala wareegay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Turkiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaalti-nimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.
DF oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo Dowladda Turkiga ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed
Munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa shalay Dowladda Federaalka waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad Gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan.
Gargarkaan waxaa la wareegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigenka XJFS Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’ada Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana sidoo kale xafladaan qeyb ka ahaa safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’addaha gargaarka biniaadannimo u qaabilsan Turkiga.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltini-mada iyo saaxiibnimada ku dhisan.
Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay 40-Al-shabaab ah
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay sameeyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Al-shabaab ah halka 29 kalana lagu dhaawacay.
Horjooge Sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ka hortagay maleeshiyaad isku abaabulayay, waxaana halkaas lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan.
Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka al-shabaab iyo horjoogeyaasha dhiigyo-cabka ah.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lagu guuleysatay yareynta fakhriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay yareynta faqriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka.
"Warbixintii ugu dambeesay hadda oo ay dowladda soo saartay, waxaa ku xusan in 15 boqolkiiba faqriga hoos loo dhigay, guul aad u wayn oo dowladda Soomaaliya iyo shacabka ay qeyb ka ahaayeen oo lagu farxay yay noqotay, qorshahan marka la suubinayay waxay aheyd 69 boqolkiiba hadana waa 54.4 boqolkiiba oo ah in 15 boqolkiiba hoos u dhacay” ayuu yiri wasiir Beenebeene.
Sidoo kale wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Soomaaliya dhaqaalaheeda koror wayn sameeyay, isagoo tilmaamay halbeegga lagu cabiro dhaqaalaha ee GPD uu hadda noqday 4.2 boqolkiiba, kaasoo uu sheegay in waqtitadii ugu dambeeyay uu ahaa 2.7 boqolkiiba.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda DanQaran ee uu hogaanka u haya Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dadaallada ku aadan xaqiijinta qorshayaasha ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay in ka badan 30 Al-shabaab ah
Ilaa 30 ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.
Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaame-edsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay: -
1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Al-shabaab ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.
2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Al-shabaab u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.
In ka badan 40 Al-shabaab ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Al-shabaab isku qarinayeen.
Qorshaha Shanta Sanno ee Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo Muqdisho lagu soo bandhigay
Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa ka qeyb galay Bandhigga Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda 5-ta sano ee soo soo socota ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo sharaxday sida uu muhiim u yahay qorshaha Qaran ee qaxootiga iyo dadka gudaha dalka ku barakacay ayaa xustay in haddii la xoojiyo doorka dowladda iyo bulshada ay garab dhab ah u noqonayso dadkeena danta yar.
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee shirka ka qeyb galay ayaa boggaadiyay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow ayaa sheegay in dowladdu dhan kasta diyaarisay qorshayaasha iyo sharciyada kaabaha garab istaagga Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday, wuxuu sidoo kole xusay in Bulshada Soomaaliyeed ay door muhiim ah kaga jiraan Garab istaagga dadkeena danyarta ah.
Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday oo socon doona ilaa 2029 ayaa ku dhisan xog uruurin laga sameeyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loo sal fariisiyo xalka waara ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.
Galmudug oo laga furay tababbar ku saabsan la dagaalanka Maalgelinta al-shabaab
Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda ee dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac ayaa shalay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ka furey, barnaamijka wacyigelinta iyo ka hor tagga lacag dhaqidda ee la dagaalanka maal gelinta argagaxisada oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Warbixinada Maaliyadda ee FRC.
Wakiilo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’addaha maamulka Galmudug iyo bulshada rayidka ayaa ka qeybgalaya barnaamijkaan wacgelinta ah, kaas oo socon doona muddo isbuuc ah.
Barnaamujkan oo mid Barnaamuj ay fulinayso Dowladda federaalka ayey Galmudug noqonaysaa dowlad goboleedkii labaad nasiibka u heshay in laga fuliyo barnaamijkan.
Xarunta Warbixinadda Maaliyadda, ayaa ah xarun u xilsaaran ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada dalka, xarunta ayaa barnaamijkan ugu talo gashay adkeynta xiriirka iyo sare u qaadista qorshayaasha lagula dagaalamyo maalgelinta argagaxisada dalka.
Ugu dambeynti, Wasiiru dowlaha ayaa ka qeybgalayasha barnaamijkan kula dar daaramaya in ay si wanaagsan ugu faa’iideystaan isla markaana u dhabar adeegaan howlaha, istiraatiijiyada iyo hababka looga hortago loolana dagaalamo maalgaalgelinta argagixisada.
Ollolaha Doorashooyinka oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Somaliland
Ollolaha doorashooyinka ayaa shalay ka bilaabmay guud ahaan Somaliland, ollolaha ayaa socon doona 22 cisho, iyada oo lasoo afmeeri doono 10 November.
Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ayaa shalay lagu ibo-furay ollolaha doorashooyinka, iyada oo taageerayaasha ururku ay iskugu soo baxeen fagaarayaasha loo asteeyay ollolaha ee Somaliland oo dhan.
2 cisho oo kali ah ayaa loo asteeyay ururada cusub in urur kasta isku soo bax samaysto, tusaale ahaan ururka Barwaaqo hal maalin oo kale oo kali ah ayaa u hadhay, 19 October ayuu markale isku soobax samayn doonaa.
Sidookale, saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo UCID oo iyagu u tartamaya doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururada labadaba, ayaa la siiyay mid kiiba saddex cisho, oo uu isu soo bax samayn doono.
Dhinaca kale, waraaqaha codbixinta oo lagu soo daabacay dalka Ingiriiska ayaa saaka soo gaadhay madaarka Cigaal, doorashooyinkan ayaa wakhtigoodii dib uga dhacay middo 2 sanno ah kadib khilaaf ka dhex taagnaa mucaaradka iyo muxaafadka.
Madaxweynaha Somaliland oo Go'aamo Ka Soo Saaray Adeegsiga Hantida Dadwaynaha iyo Warbaahinta Xiliga Doorashada
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mamnuucay in hantida dadwayanaha, shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada loo adeegsado ollolaha doorashooyinka, sidookale, warbaahinta xukuumada ayuu ku amray in ay si siman u tabiyo wararka axsaabta kala duwan.
"Waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in xisbigyada qaranka iyo ururada siyaasaddu u sinnaadaan war-baahinta dowladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh" ayaa lagu yidhi wareegto kasoo baxday madaxtooyada.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu faray wasiirka arrimaha guddaha in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ollolaha muddada ollolaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta axsaabta iyo ururrada siyaasadda ee ku sugan fagaarayaasha ollolaha.
"Waxa reebban in hantida danta guud ee qaranka nooc kasta oo ay tahay in loo adeegsado ollolaha doorashooyinka innagu soo foolka leh. Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha dowladda iyo ciidammada kala duwan ee qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ollolaha" ayaa lagu yidhi wareegtada.
Madaxweynuhu waxa uu faray hay'addaha kala duwan in ay gacan ku siiyaan komishanka doorashooyinka gudashada waajibaadkooda oo ah qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo asxaabta siyaasada.
Amaradan ayaa imanaya iyada oo uu olloha doorashooyinka madaxtooyada iyo asxaabta siyaasada Somaliland shalay si rasmi ah uga bilaabmayo dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.
Ciidamada Kenya oo wareejiyay saldhigga ay ku lahaayeen tuulada Kudhaa ee Jubbada Hoose
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah saldhigga Kudhaa ugu wareejiyay ciidamada nabad sugidda Jubaland (SSF).
Kudhaa oo ku taalla Jubbada Hoose, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2015-kii gacanta ku hayay ATMIS Ciidamada Difaaca Kenya (KDF), iyagoo door muhiim ah ka qaatay difaaca magaalada Kismaayo.
Col. Ibraahim oo ah sarkaal katirsan ciidanka ATMIS ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya sida ay u sugeen ammaanka gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna kula dar daarmay ciidamada Soomaaliya ee imaanaya in ay feejignaadaan oo ay sii wadaan guulihii ay ka gaareen kuwii ka horreeyay.
Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay xil wareejinta inay muujineyso sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalkeeda.
Xilwareejinta Kudhaa waxay daba socotaa qorshe ballaaran oo dhex maray ATMIS, SSF, iyo ciidamada Jubbaland, taas oo hubinaysa in kala guurku uu si habsami leh u dhaco.
Munaasabadan ayaa qeyb ka ah hannaanka lagu wado in lagu soo gabagabeeyo in si buuxda mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya marka la gaaro Disembar 2024, markaas oo lagu wado in howlgalka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uu dhaco.
Dowladda Masar oo xaqiijisay inay ciidamadeeda u dirayso Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Masar ay dhawaan u soo diri doonaan Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay AlQahera News ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto adkeynta ammaankeeda.
Tani waxay ku soo beegantay todobaadyo uun ka dib markii Masar, Soomaaliya, iyo Ereteriya ay ku heshiiyeen hindise wada jir ah oo lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo tayo leh, si ay u difaacaan xudduudaha iyo dhulalka badda ee dalka.
"Masar waxa ay diyaar u tahay in ay bixiso gargaar kasta oo ay u baahan karaan dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Wasiirka, isagoo farta ku fiiqay dadaallada ciidan iyo iskaashigan sii kordhaya ee saddexda dal.
Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Geeska Afrika ay ka jiraan xiisado ka taagan Somalia, Badda Cas, iyo colaadaha gudaha ee Itoobiya.
Keenista ciidamada Masar waxay calamad u noqon karta rabitaanka Masar ee ah inay balariso jogitankeda gobolka io ilalinta dan-aheda ku tedsan Wabiga Nil iyo Bada Cas.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo ku baaqay in laga faa’iideysto dilka Yahya Sinwar
Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay in dunida aysan u dulqaadan doonin marmarsiiyo dambe oo Israel ay ka keento gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in xaalad aad u liidato oo bani’aadantinimo ay ka jirto Marinka Gaza, loona baahan yahay in wax laga qabto.
Raysal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay inaanan Israel laga aqbali doonin cudurdar kale oo xilligan ay ka bixiso xaaladda Gaza.
"Waxaan mar labaad leeyahay Israel, dunida uma dulqaadan doonto marmarsiyo kale oo ku saabsan gargaarka bani’aada-ntinimo. Dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga Gaza waxay u baahan yihiin cunto, hadda.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo shir jaraa’id ku qabtay Safaar-addooda Berlin.
Israel ayaa lagu eedeeyay in si nidaamka ay u xanibeyso gargaarka aadka loogu baahan yahay, iyadoo qiil ka dhiganeysa inay diiradda saareyso burburinta Xamaas.
Hay’ada Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiin-iyiinta (UNRWA) aya sheegtay in shacabka Falastiiniyiinta ay halis ugu jiraan inay u dhintaan macluul soo fool leh, ka dib markii ay Israel ku eedeysay inay hortaagan tahay in dadka la gaarsiiyo gargaar wax ku ool ah.
Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ka digay raashiin yarida baahsan ee ka jirta Gaza oo dhan, isagona dunida ugu baaqay in si degdeg ahi wax looga qabo masiibada gacan ku sameyska ah ee Israel.
Dhanka kale Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay in loo baahan yahay in dilka Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Yahya Sinwar uu noqdo mid wax ka bedela colaadda Bariga Dhexe.
"Qofna uma barooran Sinwar.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Starmer oo intaasi ku daray "Waa inaan si wanaagsan uga faa’ii-daysanaa xilligan.”
Starmer ayaa ku baaqay in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, lana soo afjaro dagaalka ay dadka faraha badan ku dhinteen.
Starmer ayaa u muuqday mid si toos ah ula hadlayay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo habeen hore sheegay inaanan la gaarin dhammaadka dagaalkan.
Netanyahu ayaa hoos u dhigay rajada ah in ay wada hadalo la bilaabaan Xamaas, si Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza loogu soo sii daayo heshiis maxaabiis kala bedesho ah.
Netanyahu ayaa ku hanjabay inay xoog ku soo furan doonaan dadka looga haysto Marinka Gaza, oo tiradooda lagu sheego 101 qof. Dadkan ayaa qayb ka ahaa Israeliyiintii ay kooxaha Falastiiniyiinta ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.
Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa Jimcihii wacad ku maray inaanan laga fara maroojin doonin dadkaasi, inta uu socdo dagaalkan.
Xamaas ayaa ku gorgortameysa in si buuxda loo soo afjaro dagaalka, in Ciidamada Israel ay ka wada baxaan meelaha ay ka joogaan Marinka Gaza oo dhan iyo inay iyagu soo qortaan magacyada maxaabiista ay doonayaan in loo soo sii daayo.
Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa haatan ku xiran xabsiyada Israel, kuwaa oo ay ku jiraan Saraakiil iyo xoogag ka tirsan iska caabinta Falastiin.
Ayatollah Ali Khamenei oo sheegay inaanan laga adkaan doonin Xamaas
Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Xamaas aysan burburi doonin, ka dib dilkii ay Israel u gaysatay Yahya Sinwar.
Hoggaamiyaha ugu sarreya dhinaca diinta ee Iran ayaa sheegay in Xamaas ay sii jiri doonto, ayna sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israel, iyadoo ayna Iran tahay dalka keliya ee taageerada tooska ah siiya ururkaasi.
Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in inkastoo geerida Yahya Sinwar ay Xamaas uga dhigan tahay mid xanuun badan, haddana aysan geeridiisa noqon doonin dhammaadka ururkaasi.
"Waa hubaal in geeridiisa ay iska caabinta uga dhigan tahay mid xanuun badan, laakiin gebi ahaanba kuma dhammaan doonto shahiidnimada Sinwar.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.
Warkiisa ayaa jawaab u ah hadalkii ka soo yeeray Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ee ku aaddanaa in geerida Sinwar ay bilow u noqon doonto burburka Xamaas.
"Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas waa mid nool, wayna sii noolaan doonaan.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.
"Sinwar wuxuu ahaa sawirka ifaya ee iska caabinta iyo halganka.” Ayuu Khamenei ka sheegay hadalkiisii ugu horreyay ee ku saabsan geerida Sinwar.
Khamenei ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay "Sinwar wuxuu si aan gambasho lahen uu uga hortegay cadowga arxanka daran, dharbaaxo ayuuna si dhiranaan leh uu ugu dhuftay.”
Madaxda Israel ayaa dilka Sinwar ku macneeyay mid guul u ah shacabka Israel, ka dib markii ay sheegeen inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii hore lagu qaaday Israel, laguna dilay 1,200 Israeliyiin ah. Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu khasaaaraha badnaa ee ay la kulmaan Israeliyiinta, ka dib dagaalkii labaad ee adduunka.
"Sinwar waxa uu ka tegay dharbaaxadii aan laga soo kaban karin ee 7-dii October, oo ah dhaxalka uu u leeyahay taariikhda gobolkan, ka dibna wuxuu si sharaf leh u kiciyay shuhadada.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran.
Yahya Sinwar ayaa hadda ahaa ninka ay Israel ugu doonista badan tahay, wuxuuna la wareegay Hoggaaminta Ururka Xamaas, ka dib dilkii 31-kii bishii July Hoggaam-iyahoodii Ismail Haniyeh loogu gaystay dalka Iran.
Sinwar ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu muddada gaabnaa ee soo mara Ururka Xamaas, inkastoo uu sanado badan ku magacawnaa Gudoomiyaha Marinka Gaza.
Ururka Xamaas ee Falastiin waa dhaqdha-qaaqa ugu weyn ee gobanimo doon ee halganka ugu jira xoreynta dadka Falastiin-iyiinta iyo dhulkooda xoogga lagu haysto.
Xamaas ayaa sidoo kale u taagan xoojinta qaddiyadda qaranimada ee Falastiin, waana Xamaas oo dunida tustay in Israel ay tahay dowlad leysa dumarka iyo dhallaanka.
Dagaalka 13-ka bilood ee xiriir ah ka socdo Marinka Gaza ayaa sare u qaaday qaddiyadda qaranimada ee reer Falastiin, iyadoona ay soo badanayaan dowladaha u ololeynaya xaqa iyo xuquuqda ay shacabkaasi u leeyihiin inay yeeshaan dowlad xubin rasmi ah ka ah Qaramada Midoobey.
Dagaalkan ayaa si aan horey loo arag u suurad xumeeyay
muuqaalkii Israel ee dunida, ka dib markii si naxariis darro ah ay u leysay in
ka badan 42,500 oo qof oo dad rayid ah iyo dhaawaca 99,637 kale. Dhibaneyaasha
ayaa u badan dumar iyo car

...