halkan ka aqri wararka wargeska mogtimes

0
Saturday October 19, 2024 - 08:28:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkan ka aqri wararka wargeska mogtimes

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Dowladda Fedaraalka oo shaacisay waqtiga uu dib u furmayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Warsaxafadadeed kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaralka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka e ka socday magaalada Muqdisho ee maalmahan hakadka ku jiray in madaxda dib isugu soo laaban doonaan 26-ka bishaan Oktobar.

Warka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxda ay wali sii wadaan wadatashi-yadii ku saabsanaa xoojinta iskaashiga guud ee dowladda Fedaraalka iyo dowlad gobolleedyada dalka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka.

"Madaxda Qaranku waxay diiradda saareen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab, dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Wadatashiyadan ayaa sii socon doona, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-ka bishan Oktoobar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Warsaxafadadeedkaan kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha ee lagu shaaciyay mudada dib isugu soo laaban-ayaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shirkaan uu isaga baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si cad uga horyimid hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo in Puntland kasii maqnaanto shirarka Golaha Wadatashiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in tiknoolajiyaddu ay qayb ka qaadato yareynta musuq-maasuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qadatay fududaynta bixinta mushaharadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunku u wareegay adeegsiga Teknolo-jiyadda, sidaa awgeed waxa ka go’an Xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay hormarinta teknolojiyada maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay dowladdu dhiiri galinayso ganacsiyada gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha Bandhigga Tekno-olojiyada Maaliyaded ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in hadda dowladdu ay xoogga saareso isticmalka adegsiga teknolajiyada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa "Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuu-riyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Abdi Barre, oo haben hore ka qayb galay bandhigga wax-qabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024, ayaa sheegay in maamulku uu xaqiijiyey labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, hormarinta kabayasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda ku dhaqan u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyadda gaara ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah, isaga oo ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda.

Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray degaanka Geerille ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumada Federalka Somalia, Abdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa gaaray degaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo daraad Ciidanka Xoogga Dalka ay dagaal culus kaga looga adkaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, oo hoggaaminaya howlgalka ka socda bariga gobolka Galguduud, iyadoo ciidamadu ay wadaan howlgallo lagu sugayo amniga degaannada laga saaray Al-shabaab.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo sheegay in lagu guuleystay kordhinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalg-ashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud C/raxmaan Faarax oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay ku guleysatay yarenta faqriga, isla markana ay u howlgashay kordhinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in hoos loo dhigay 15 % Faqriga, isla markaana lala yimid koboc dhaqaale oo gaaraya 4.7 marka loo eego halbeegga lagu cabiro heerka wax soo saarka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalg-ashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa qiray in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ama ay mudnaanta siineyso hagaajinta amniga dalka la dagaalanka faqriga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Guddoomiye Madaale oo Xulka Kaaraan guddoonsiiyay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoonsiiyay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad Xulalka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan kadib markii ay 2-0 ugu badiyeen dhigooda degmada Gubadleey.

Cayaartaan oo aad u xiiso badneed waxaa usoo daawasho tagay kumanaan taagee-rayaal ah oo xiiseya cayaaraha, iyo madax kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banadir & Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa Hambalyo u diray dhamaan Kooxaha ka qeyb galay Tartanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad, Guddiga Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Xiriirka Soomaa-liyed ee Kubadda Cagta, Laamaha Amniga iyo guud ahaan inta ka qeyb qaadatay habsami u socodka Tartanka inta uu soo socday.

Wasiir Fiqi oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Ergeyga Qaramada Midobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda, Rosemary A. DiCarlo, intii ay ku guda jirtay booqash-adeedii Muqdisho.

Danjire Fiqi ayaa H.E. DiCarlo uga warbixiyay horumarka dhinaca amniga ee Soomaaliya ku tallaabsatay, shirka Golaha Wadatashiga Qaran, iyo soo jeedinta DF ee ku aadan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Sidoo kale, H.E. DiCarlo ayaa xaqiijisay taageerada ay Qaramada Midoobay u fidinayso Soomaaliya, gaar ahaan kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, taasoo uu Danjire Fiqi si weyn u soo dhaweeyay, isagoo sheegay in kooxdaasi ay ka shaqeyn doonto New York iyo gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin Cali (Soomaali) ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo lagu lafagurayo Teknoolojiyadda Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Ujeedka Bandhiggan sannadlaha ah ayaa ah in la dhiirrigeliyo, lana abaalmariyo shirkadaha Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta ganacsiyada iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Washington

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska XFS Mudane cabdirahman Yuusuf Cumar Al Cadaaala oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington.

Wasiirka waxaa soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Ambassador Dahir Hassan Arab iyo hawl-wadeennada Safaaradda.

Wasiir Al Cadaa ayaa madaxda Safaar-adda ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan inay u adeegaan dadka Soomaaliyeed ee xilliyada qaar ay soo wajahaan daruufo adag.

Danjire Dahir Hassan Arab ayaa Wasiirka si qoto dheer ugalahadlay howlaha Safaar-adda iyo shaqooyinka joogtada ah ee ay qabtaan maalin kasta.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Abwaan Sugaal Cabdulle

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Somalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo madaxda kale ee wasaaradda, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Abwaan Sugaal Cabdulle, oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Heegan, ayaa door muuqda ka qaatay wacyigelinta iyo hormarinta fanka Soomaaliya. Marxuumka ayaa shalay lagu aasay deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa Alle uga baryay in uu u naxariisto marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. .

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo daahfuray madal loogu talagalay isku xirka ganacsiga

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Danjire Jibriil Ibraahim C/lle ayaa daahfuray madal loogu talagalay isku xirka qeybaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ka xoogsada Dalka Kenya.

Madashaan oo lagu qabtay deegaanka South Seas ee Magaalada Nirobi waxaa ka qeybgalay boqolaal ganacsato ah oo ay ku jiraan madaxda shirkadaha ganacsiga Soomaalida eek u sugan dalkaasi.

Madashaasi waxaa looga hadlay qodobbo ay kamid ahaayeen ka shaqeyta iyo soo bandhigista fursadaha ganacsi ee u bannaan maalgashatada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay isku xirka ganacsatada iyo dadweynaha.

"Xaafadda South C waxa ay noqotay xarun ganacsi oo soo jiidatay indhaha dadka maalgashatada ah ee doonaya in ay ku soo biiraan ganasiga halkaasi ayuu yiri Safiirka Soomaalida ee Kenya.

Deegaanka South C oo dhaca caasimadda Nirobi waxaa ku soo badanaya ganacsiga Soomaalida, iyadoo sidoo kale ay kordhayaan dhismooyinka maguurtada ah ee ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee caadiga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip