halkaan ka aqri wararka wargeska mogtimes

0
Thursday October 17, 2024 - 08:24:40 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqri wararka wargeska mogtimes

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda qorshaha isbadalka Qaran

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbedelka Qaranka e 2025-2029 aya tilmamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hanaan qaran oo sal adag leh, cabadaha ku gedaman iyo fursadaha aan haysano si aan uga miro dhaliyo aragtiy-aha umada ku jihenesa higsi iyo himiloyin fog.

Madaxweynaha Jamhuriyada aya xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleyso xaqiijinta hadafyada horumarineed ee uu dalkeennu u baahan yahay ayaa diiradda saartay sameynta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku qotomo la falgelidda xaaladaha taagan, soo saaridda khayraadka dalkeenna, ka faa’iideysiga fursadaha iyo khibradda aan u lenahay in aan ku saleno bahiyaha ay dadkena u qabaan hirgelinta ujedoyin waxtar leh ee guuleysta.

"Soomaaliyada cusub ee aan rabno 2060-ka, waa ka duwan tahay tan aan shalay joogno, dhabbaha iyo qorshaha aan dejinay haddan ka run sheegno waa xaqiijin karnaa aragtideedna, waxaana sameyn karnaa in aan qaadno tallaboyin waaweyn iyo mucjusooyin aan adunyada hore uga dhicin haddan iska kaashanno ka shaqeysiinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, taas waxay abuureysa kalsooni iyo maalgashiyo waaweyn oo ay ku dhiiradaan ganacsata-deenna iyo kuwa caalamkaba in ay mashariic ka hirgeliyaan dalka gudahisa, waana bilaabatay hadda howshaas, kuwa badanna inta uusan dhamman sannadka ayaa dhagax dhigi doonna”

Madaxwene Xasan sheekh aya sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay isbedel dhab ah ka sameyso,xoojinta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta garsoorka iyo adeegyada bulshada oo ay ugu horreyaan tacliinta, caafimaadka iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isaga oo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la kobciyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado hal abuurka iyo wax soosaarka dalka, iyada oo ay dowladdu ku hoggaamineyso sameynta xeerarka, shurucda iyo dhaqangelintooda, ilaalinta xasillonida iyo daahfurnaanta si loo helo deegan nabdon oo u sahlaya ganacsa-tada inay kuso bandhigan malgashigoda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya halkii ay joogtay muddo dheer aysan marnaba suuragal ahayn in ay sii joogta, si cabsida looga gudbaana ay tahay in si daahfuran loo wajaho caqbadaha waaweyn, laga dabaasho xaaladaha adag, iyada oo markasta xoogga la saarayo waddada guusha, lana yareynayo guul darrada si loo xaqiijiyo hadafyada fog ee ay dadka Soomaaliyeed filayaan, loona gaaro horumar waara, isaga oo xusay in kala aragti duwanaanta dadkeenna ay tahay mid muujineyso ilbaxnimo, buseyl, qadarin iyo dhiiragelin ay Mas’uuliyiinta dowladda ay helayaan si loo hormariyo dowladni-madeenna iyo isbedelka togan, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ku adkeyey in Xukuumadda lagu garabsiiyo meelmarinta qorsheyasha qaran ee ay ugu muhiimsan yihiin in shacabka codkooda ku soo doortan hoganka dalka iyo in argagixisada laga sifeeyo dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka (NTP) 2025-2029.

Munaasabadda Daah furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha Xuku-umadda DanQaran, ku xigeenkiisa, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socota Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labadii sano ee dowladdani joogtay 70 kun oo ruux ay dowladdu shaqaaleysiisay, kuwaas oo isugu jira Shaqaale Rayid ah iyo Ciidanka amniga.

Wuxuuna intaa ku daray in ay dhiirri gelinayaan ganacsiyada gaarka loo leyahay, kuwaaso oo qayb ka qaadanayo yaraynta shaqa la’aanta, isagoo xusay in bilaha soo socda ay dalka ka billaaban doonaan mashaariic badan iyo maal-gashiyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Qorshaha Isbadalka Qaranka uu caddeynayo halkii aan daraad joognay, halka hadda aan ku sugannahay iyo meesha aan u soconno.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in shaqo la’aanta Soomaaliya ka jirta ay ka badan tahay 70%, wuxuuna xusay inta ay xukuumadda DAN-QARAN samaysay dedaallo lagu yaraynayo arrintaas.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay shirka golaha wadatashiga Qaran

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa lagu sheegay in madaxda golaha wadatashiga Qaran o ka kooban dowlada FS iyo dowlad goboleedyada dalka ay ka doodeen marxaladda dalka, la iskuna soo laaban doono dhammaadka bishan.

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo xariga ka jaray xarunta wasaaradda oo dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arimaha Dastuurka dowlada FS mudane Xasan Macalin oo ay wehliyaan wasiiru-dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasarada ayaa shalay xariga ka jaray xarunta wasaaradda oo dib-u-dhis iyo qalabeyn lagu sameyay, isagoo uga mahadceliyey hawlwadeenada wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay dalka u hayaan.

Wasiirka ayaa xusay in muuqaalka iyo xafiisyada wasaaradda oo la hagaajiyey ay wax badan ku soo kordhinayso tayada shaqada iyo wax soo saarka wasaaradda, islamarkaana wasaaraddu ay ku hawlantahay in laga shaqeeyo casriyeynta dhismaha iyo qalabaynta xafiisyada shaqada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha: "Cunto saxan ayaa leh mustaqbal iyo nolol wanaagsan”

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Beeraha iyo waraabaaka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in Cuntada saxan ay leedahay mustaqbal iyo nolol wanaagsan.

Wasiirka oo ka hadlayay laba munaasa-badood oo kala ah Maalinta Beeralayda Soomaaliyeed iyo maalinta Cuntada Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa ku daray in ay muhiim tahay in qofkasta oo caalamka ku nool uu helo cunto nafaqa leh.

Wasiirka ayaa sheegay in sugnaanta cuntada Soomaaliya ay ka jirto caqabado, kuwaas oo ay ugu horreeyaan amniga, isbeddelka iyo in la xoojiyo aqoonta beeralayda, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha XFS Maxamuud Maxamed ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoogga saaraan tacbashada beerahooda.

Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Ronald Kassab ayaa sheegay in hay’addu dowladda ku garab istaagi doonto soo saarista dalagyada kala duwan ee dalka.

Agaasime ku xigeenka hay’adda WFP Allison Lawi ayaa sheegtay in Isbeddelka Cimillada uu keenay wax soo saarka dalka in uu yaraado.

Wasiirka Deegaanka XFS oo dalka Sacuudiga uga qeyb gashay shir looga hadlayay Cagaarinta Bariga dhexe

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Amb Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magalada Jeddah ee Boqortoyada Sacudi Carabiya uga qebgashay shir-ka Golaha Wasiirada ee Barnaamijka Cagaarinta Bariga dhexe (The Middle East Green Initiative”MGI” Ministerial Council Meeting) oo ay ku kulmeen wadamada aas aasay MGI oo ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Shirkan waxaa kasoo qeybgalay inta badan Wasiirrada jaamacadda Carabta waxaana Hindisaha MGI uusoo bilowday 2021 kii kadib markii ay 30 waddan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ay ku kulmen Magaalada Riyaad si looga hortago xaalufka io degan burburka, Deegankana dib loogu soo nooleeyo.

Labaatan dal oo ay hoggaaminayso Sacuudi Carabiya, Soomaaliyana ay xubin ka tahay ayaa billaabay diyaarinta Barnaamijka MGI oo hadafkiisu yahay in la beero 50 bilyan oo geed dhamaadka sanadka 2030-ka.

Soomaaliya ayaa sanadkii ugu horeeyay ku dhawaaqday in la beero ku dhawaad 10 milyan oo geed oo uu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay (Hindisaha Soomaaliya Cagaaran), oo ay Wasaarada Deeganka iyo Isbadalka Cimilada, XFS waxbadan ka qabatay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Shirka meelmarinta habraacyada isku xirka Dhaqaalaha Buluugga ah oo lagu soo xiray Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa soo xiray shirka meelmarinta habraacyada isku xirka iyo isku dubaridka Dhaqaalaha Buluugga, kaas oo ay kasoo qeybgaleen wasaaradaha Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, Warfaafinta, Dekadaha, Batro-olka iyo Tamarta iyo KHeyraadka biyaha.

Wasiirka ayaa hadaljeedintiisa munaasabadda kaga hadlay dedaallada ay wasaaraddu galisay in la mideeyo dhammaan dhaqdhaaqyada la xriira dhaqaalaha buluugga ee dalka iyadoo ay hogamineyso wasaarada Kalluumeysiga,

Wasiirka ayaa sheegay in meeshaan lasoo gaaray ay ku timid dedaal ay bixisay wasaaradda oo kaashaneysa wasaaradaha bahwadaagta la’ah iyo dhinacyada kale ee Soomaaliya ka taagera hormarinta Dhaqalaha Buluuga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa xusay in dhawaan la meelmariyey Isitira-atiijiyada Dhaqaalaha Buluugga ee dalka taas oo la waafajiyey qorsheyaasha heer qaran iyo heer gobo ee la xiriira Dhaqaalaha Buluugga.

Shirkan ayaa lagu meelmariyay madasha dhaqaalaha Buluugga oo ay ku mideysan yihiin wasaaradaha ku bahoobay Saktar-kaan taas oo ka kooban heer wasiir oo hoggaamin doona dhinaca siyaasadda, heer agaasimeyaasha guud oo hoggaamin doona arrimaha farsamada, iyo heer xog-hayeyaal oo diyaarin doona shaqooyinka guddiyada.

Muqdisho: Kooxo hubeysan ragg Ganacsato ahaa ku dhex dilay goobahooda ganacsi

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo shalay goobahooda ganacsi loogu dgex geystay dhalinaro Dukaamo ganacsi ku lahaa xaafada Soonakey ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa geeriyootay mid kalana dhaawac ahaan ayaa loola cararay goobaha Caafimadka, kadib markii kooxo bastoolado ku hubeysna oo lo maleynayo iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ay dhalinyaradaan ku beegsadeen goobahooda ganacsi.

Raggaan dhalinyarada ahaa ee shalay lagu dilay goobahooda ganacsi ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan in sababaha loo dilay ay la xariirto in ay Dukaamadooda ganacsi ku xirteen kaamira CCTV darteed, waxaana goobta si caadi ah uga baxsaday kooxdii hubeysned ee fulisay dilalka qorsheysna ee lo geystay dhalinyarada ganacsatada aheyd.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo gaaray goobta dilalka ka dhaceen ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaano, waxana la tilmaamay in ciidamada muuqaalo kala baxeen kaamirooyinkii ku xirnaa dukaamada ganacsi ee lagu dhex dilay labada nin ee dhalinyarada ahaa, islamarkaama mid sadaxaad lagu dhaawacay.

Si kastaba ha ahaate dhacdaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo maalmo kooban ka hor sidaan oo kale degmooyinka Deyniile iyo Hiliwa ay uga dhaceen dilal loo geystay rag ganacsato ahaa oo Dukaamadooda ku xiray kaamirooyinka CCTV oo ay amartay in lagu xiro gobaha ganacsi dowlada Fedaralka Soomaaliya, halka Al-shabaabna ay diiday in lagu xiro Kaamerooyinka goobaha ganacsi

Ugu dambeyntii gacansatada magaalada Muqdisho ee u hogaansantay amarka dowladda ee la xariiray xerista Kaamer-oyjnka ayaa haatan wajahaya cabsi xoogan oo lasoo daristay, kadib beegsiga lagu haayo oo kordhay.

Shirka dib u eegidda habraacyada isku dubaridka dhaqaalaha buluugga ah oo ka furmay Muqdisho

Shirka ansixinta habraacyada isku xirka iyo isku dubaridka Dhaqaalaha Buluuga, (Interministerial Coordination and Resource Mobilization Meeting on Blue Economy), oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda saaraya Ansixinta habraacyada lagu xoojinayo isku-xirka iyo maareynta Dhaqaalaha Buluugga, Dib u eegista iyo ansixinta warbixinta Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Horumarinta Istaraatiij-iyadaha isku-dubaridka kheyraadka si loo taageero fulinta Istaratiijiyada Dhaqaalaha Buluga ee Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Dhaqaalaha Buluugga ee Wasaaradda Marwo Ra’isa Mohamed ayaa furitaanka shirkaan ka sheegtay in wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgalinta habraacyo dhammeystiran kuwaas oo si wada jir ah loogu maareyn karo Qorsheyaasha horutabinta u leh dhaqaalaha Buluugga ee dalka.

Wasiirada wasaaradaha ku bahoobay dhaqaalaha Buluugga ayaa si rasmi ah u meelmarin doona habraacyada lagu soo bandhigay, habraacyadaan ayaa la jaanqaadaya Istiraatiijiyadda Qaran ee Dhaqalaha Buluugga iyo Sharciga Maarenta iyo Hormarinta Kalluumeysiga Qaranka.

Aabe iyo Wiilkiisa oo afar sano jir ahaa oo lagu dilay duuleedka magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya gobolka Galgadud ayaa sheegaya in duuleedka magaalada Dhuusamareb ee Caasimada maamulka Galmudug lagu dilay Aabe iyo Wiil yar oo uu…..dhalay.

Aabaha la dilay isaga iyo wiilkiisa yar oo 4 sano jir ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cabdi Shire, waxaana dilka isaga iyo wiilkiisa la xariiriyay inuu yahay mid salka ku haaya aargoosi aano qabiil ah.

Dilkaan argagaxa leh ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaadle oo qiyaas ahaan dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ilaa 40 KM, waxaana lasoo wariyay in dableydii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya deegaanka Beerxaadle ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay dilka naxdinta leh ee loo geystay Aabaha xoolo dhaqatada ahaa iyo Wiilkiisa yaraa.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka naxdinta badan ee loo geysto dadka shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana sidoo kale goboladaasi meelo ka mid ah haatan ka jira dagaal beeleedyo khasaarooyin kala duwan geystay.

Masar oo Soomaaliya ka dhisaysa howlgalkeeda military ka hor bixitaanka ciidamada Itoobiya

Masar ayaa lagusoo waramayaa inay dhiseyso howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin bisha December 31-da oo ku beegan in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya.

Qaahira ayaa sidoo kale tababaro siineyso ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Alshabaab, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wargeyska The National.

Masar iyo Soomaaliya oo xubno ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigeedu yahay magaalada Qaahira, ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah.

Kumanan ka tirsan shaqaalaha Masarida ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan holgalka milatari ee dhamadka sanadka, sida ay sheegayaan ilo-wareedyada.

Masar iyo Soomaaliya labaduba waxay is hayaan Itoobiya. Qaahira ayaa ka cabatay in biyo xireenka Nile ee ay Addis Ababa dhiseyso uu hoos u dhigi doono saamiga muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay biyaha wabiga.

Soomaaliya waxa ay sheegtay in Ethiopia ay qaranimadeeda kusoo xadgudubtay, kaddib markii ay heshiis la gashay Somaliland si ay Addis Ababa deked iyo saldhig militari uga hesho badda cas.

Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay.

Qaar ka mid ah ciidamada Soomaalida oo ay taageerayaan la-taliyayaal Masaari ah, ayaa ilo-wareedyadu sheegeen, in mar hore loo diray waddooyinka ay saadka u maraan ciidamada Itoobiya, si ay uga hortagaan, haddii loo baahdo, isku day kasta oo Addis Ababa ay ku doonayso inay ciidamo dheeraad ah ugu soo dirto Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin wakhtiga bixitaankooda.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Itoobiya ay kordhisay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo lagu qiyaasay in ka badan 4,000 oo askari, kadib markii ay Masar ay bilowday inay hub iyo ciidan u soo dirto Soomaaliya.

Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Ganaaxay Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani

Koomiishanka Dorashoyinka Somaliland ayaa xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ku ganaaxay midkiiba 10 milyan oo Shillinka Somaliland ah, kadib ollole ay sameyen kahor bilowga ollolaha rasmiga ah ee doorashooyinka.

Guddida Anshaxa ee Koomiishanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xisbiyadani ay ku xadgudbeen xeerka anshaxa kadib ollolayaal hordhac ah oo ay ka sameeyeen gobolada qaarkood.

"Waxaanu ku ganaaxnay labada xisbi ee kala ah Waddani iyo Kulmiye min 10 milyan oo shilinka Somaliland ah, waxa kale oo aanu ka joojinay socdaalada ollolaha u eg ee ay ku jiraan labada xisbi, hadii ay taa yeeli waayaana waxa aanu ka joojin doonaa maalmaha ay xaqa u leeyihiin ee ollolaha doorashooyinka" Guddoomiyaha Guddida Anshaxa ayaa sida yidhi.

Sidookale, guddidu waxa ay mamnuucday in gaadiidka xukuumada loo isticmaalo ollolaha doorashooyinka. Kadib amarkan, Musharax Abdiraxmaan Cirro ayaa hakiyay socdaal cod doon ah oo uu ku marayay deegaanada galbedka Somaliland.

Cirro ayaa joojiyay safar uu berri ku mari laha degmoyinka Sabowanag, Cadadley, Balli-Maataan, Qoton-dabo iyo Balli-Kalil kadib amarka koomiishanka "Safarka waxa aan u baajinnay annaga oo u hoggaansamaynna amarka xalay ka soo baxay Guddida Anshaxa ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland" ayuu yidhi Cirro.

Olloha doorashooyinka isasaaran ee madaxtooyada iyo axsaabta ayaa si rasmi ah u bilaabmi doona 19 October, waxaana la soo gabagabayn doonaa 10 November, oo ah 2 cisho kahor maalinta codaynta. Ururada cusub oo ah 7 ayaa midkiiba 2 cisbo banaanbixidoonaa, halka saddexdii xisbi ee hore midkiiba 3 cisho la siiyay.

Doorashadan ayaa jaangoyndoonta cida noqonaysa madaxweynaha Somaliland ee 5-ta sanno ee soo socda iyo saddexda xisbi ee hoggaamin doona masraxa siyaasada 10-ka sanno ee soo socda.

UK oo ballan qaaday £7.5 milyan si loo xoojiyo amniga Soomaaliya ka hor bixitaanka ATMIS

Dowlada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday 7.5 milyan oo gini oo dheeraad ah oo lagu taageerayo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), taasoo ka dhigaysa wadarta guud £77 milyan oo ay ku taageertay ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo 2021-kii.

Kaalmada UK waxa ay siin doontaa gunnooyin ciidamada ka socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, iyo Uganda, kuwaas oo laf dhabar u ah hawlgalka ATMIS.

Safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa sheegay in ay UK ka go’an tahay horumarinta amniga Soomaaliya. Nithavrianakis ayaa sidoo kale ku baaqay taageero dheeri ah oo caalami ah, isaga oo ku booriyay bahwa-daagta in ay gacan ka geystaan dadallada amniga ee Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa bogaadiyay deeqda UK, isagoo yiri "Maalgelintan waa mid muhiim u ah taageeridda dadaallada ATMIS iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, waxaan si qoto dheer uga mahadcelineynaa iskaashiga joogtada ah ee UK, anagoo ka shaqeyneyno dib u dhiska Soomaaliya oo ammaan ah.

ATMIS ayaa lagu wadaa in la soo gebagebeeyo bisha December 2024-ka, taasoo qeyb ka ah qorshahaheeda ka bixitaanka Soomaaliya, iyadoo ay masuuliyadda la wareegayaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo ciidamada deegaanka. Kala-guurkaani ayaa wuxuu ku dhamaan doonaa marka la bilaabo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) bisha Janaayo 2025.

Wasiirka Dekedaha ee dalka Masar iyo maalgashadayaal kusoo wajahan Soomaaliya

Wasiirka Qorshaynta Somalia Maxmuud Cabdiraxman Faarax Beenebe, ayaa shalay shaaciyay in dalka ay kusoo wajahan yihiin Wasiirka Dekedaha dalka Masar, Kamel El Wazir, iyo ganacsato ka socda dalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeeddada safarkooda ay tahay in ay ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn Soomaaliya, iyagoo qorsheynaya inay maalgashiyo ku sameeyaan dekedaha dalka.

Wasiir Beene Beene ayaa muujiyay in Soomaaliya ay xisoo u qabto maalgasha-dayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, taasoo uu sheegay in loo aqoonsan yahay fursad muhiim ah.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in booqashada wafdiga Masar ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu sahaminayo fursadaha maalgashi ee dalka, isla markaana ay ka dhigan tahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Warkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo Masar lagusoo waramayo inay dhiseyso howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin bisha December 31-da oo ku beegan marka ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya.

Qaahira ayaa sidoo kale tababaro siineyso ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Alshabaab, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wargeyska The National.

Israel oo colaadda ku fidineysa xuduudda Suuriya iyo dagaal laga cabsi qabo

Taliska Militariga Israel ayaa xoojiyay ciidamada ka jooga jiidda waqooyi, gaar ahaan xuduudda dalka Suuriya, iyadona laga cabsi qabo in furin kaloo saddexaad oo dagaal ah uu ka qarxo Bariga Dhexe, ka dib dagaalka Gaza iyo kan Lubnaan.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Militariga Israel uu guutooyin cusub oo ciidamo ah uu geeyay dhulka Buuraleyda Golan ee laga haysto Suuriya.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay dhufeyso ka qoteen inta u dhaxeyso Buuraha Golan iyo aagga militariga ka caagan ee ay hadda ku egtahay xudu-udda Suuriya.

Ciidamada Suuriya ee degan koonfurta ayaa sheegay in Israel ay ku soo durugtay xeendaabka kala xadeeya Buuraha Golan ee la haysto iyo aagga DMZ ee Suuriya.

Militariga Suuriya ayaa laga soo xigtay inaysan jiri doonin wax u dhaxeeya iyaga iyo Israel, haddii uu dagaal bilowdo.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya ujeedada ka dambeysa in Israel ay dhaqdhaqaaq militari ka bilowdo xuduudda Suuriya. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka baqdin qabto in weerar dhinaca dhulka ah uu kaga yimaado xoogaga gobolka ee taageera Ururka Xisbullah, waa sida ay warineyso Warbaahinteeda.

Xoogagan oo doonaya in garab istaag loo muujiyo Xisbullah ayaa waxaa la sheegay inay soo buuxiyeen meel aan ka fogeyn aagga militariga ka caagan ee labada dal, ayna suurtagal tahay in ay weeraraan Buuraha Golan, iyadoo laga xoreynayo Israel oo ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in laga yaabo in Israel ay halkaasi kaga duusho Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, iyadoo markaasi culeyska ku kordhineysa ururkaasi.

War loo qaateen ah oo Warbaahinta caalamiga ah ay heshay ayaa sheegaya in Israel ay qorsheynayso in ay ka hortagto joogitaanka Militariga Iran ee dalka Suuriya, si ay u burburiso kaabeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran ay ku leeyihiin dalkaasi.

Weeraradan ayaa noqon kara mid ay Israel kaga aargudaneyso weeraradii gantaal ee ay Iran 1-dii bishan ku qaadday Israel, iyadoo ka jawaabeysay dilkii ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.

Israel iyo Iran ayaa waxaa suurtagal ah inay ku dagaalamaan dalka Suuriya, taas oo abuureysa khatarta ah in qulqulatooyinku ay horseedi karaan dagaal furan oo u dhaxeeya labada dal.

Navvar Saban oo ah fallanqeeye militari oo ka tirsan Harmoon Center oo fadhig-eedu yahay Magaalada Istanbul ayaa sheegay in wax kasta oo ka dhaca dalka Suuriya ay noqon doonaan wax u adeegaya istiraatiijiyadda dagaalka Israel ee dalka Lubnaan.

Khubarada ayaa qaba in Israel ay joogitaanka Iran ee Suuriya u aragto mid khatar ku ah gulufka ay dooneyso in ay ku soo afjarto Xisbullah.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Taliska Militariga uu u jiheystay dhinaca xuduudda Suuriya, ka gadaal markii Taliyaha Ciidanka Difaaca Israel ee jiidda waqooyi, General Ori Gordin uu Taliska Guud ugu baaqay in loo baahan yahay in loo diyaargaroobo wax ka qabashada xaaladda amni ee waqooyiga.

Warbaahinta maxaliga ayaa tebineysa inay Israel tuhunsan tahay in Iran ay xoogaga hubeysan ee gobolka isaga kala yimid ay ku soo jiheynayso Buuraha Golan, ayna dooneyso inay ka hortagto, ka hor inta aysan soo weerarin.

Dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ka jira Bariga Dhexe waxay keenayaan kicin ballaaran oo gobolka ku sii jeedeysa xaalad hubinti la’aan ah.

Maxkamadda sare ee Kenya oo diidday codsi ay u direen qareennada madaxweyne kuxigeenka

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa talaadadii daraad diidday codsi ay qareennada madaxweyne ku xigeenka Kenya ku doonayeen in golaha senate-ka laga joojiyo ka doodista mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah isaga kadib markii baarlamaanka uu u codeeyay in xilka laga qaado todobaadkii hore.

Garsoore Chacha Mwita ayaa go’aamiyay in baarlamaanka loo ogolaan doono in uu sii wato waajibaadkiisa dastuuriga ah, maxkamadduna aysan "faragelin doonin.”

Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua ayaa waxaa baarlamaanka ku ansixiyay 281-44 cod usbuucii hore, waxaana loo gudbiyay aqalka senate-ka, kaasoo bilaabanaya shalayba.

Gachagua ayaa wajahaya xil ka qaadis ka dhan ah musuq maasuq iyo wax is daba marin kale, oo ay ku jiraan eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inuu taageeray mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday bishii June. Waa uu diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay.

Sida uu qabo dastuurka Kenya, xil ka qaadista ayaa ah mid toos ah haddii ay ansixiyaan labada aqal, in kasta oo Gachagua uu ka doodi karo tallaabada maxkamadda, wax uu sheegay inuu sameyn doono.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa Isniintii ansixiyay saddex garsoore oo dhageysanaya lix dacwadood oo ka dhan ah hannaanka xil ka qaadista.

Dowladda Mareykanka oo digniintii ugu adkeyd u jeedisay Israel

Dowladda Mareykanka ayaa Israel ka dalbatay in ay si degdeg ah wax uga qabato xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza, haddii kalena ay Washin-gton hoos u dhigi doonto taageeradeeda Tel Aviv.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka dalbaday in ay muddo 30 maalmood ah sare ugu qaaddo helitaanka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza.

Washington ayaa Hoggaamiyaha Israel la wadaagtay, haddii aysan taasi dhicin in Mareykanku uu dhimi doonto taagee-radiisa militari ee Israel.

Mareykanka ayaa farriintan ugu sheegay Israel warqad uu u diray maamulkaasi, ayna ku saxiixnaayen Wasiirada Arimaha Dibadda, Antony Blinken iyo Gaashaan-dhigga Lloyd Austin.

Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa qaylo dhaan ka muujiyay dhibaatoyinka bani’aadantinimo ee ka jira dhulka go’doonsan, ka dib markii ay Israel qaadday tallaabooyin dheeraad ah, oo ay isku hortaageyso kaalmada bani’aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza, gaar ahaan qaybaheeda waqooyi.

Xafiiska Xuququl Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Isniintii sheegay in Israel ay wado colaad, iyadoo aan tixgelineynin nolosha iyo ammaanka ee dadka rayidka ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller oo gelinkii dambe ee Talaadadii daraad ka hadlayay digniinta ay u jeediyeen Israel ayaa sheegay inay doonayaan in ay si degdeg ah wax uga bedesho, una hagaajiso xaaladda bani’aadantimo ee Gaza.

"Waxa aan aragnay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waa in heerka gargaarka bani’aadantinimo aan la sii waarin. Dhab ahaantii waxay hoos uga dhacday in ka badan boqolkiiiba konton (50%), halkii ay joogtay. Marka Wasiir Blinken oo uu wehliyo Wasiir Austin waxay u maleeyeen inay ka kooban tahay in loo caddeeyo Dowladda Israel in ay jiraan is bedelo ay u baahan yihiin in ay mar kale sameeyaan.” Ayuu yiri Matthew Miller.

Mareykanka ayaa muddooyinkanba dunida kala kulmayay cambaareyn ku aaddan taageeradiisa indha la’aanta ah ee Israel iyo inaanu kula xisaabtameyn masiibada bani’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ee ka jirta Marinka Gaza.

Mareykanka waa dalka ugu weyn ee taageerada militari iyo midda maaliyad-eedba siiya Israel, waana dalka joogtada ah ee ku difaaca Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, taasoo siyaasad ahaan Israel ka caaweysay inay si joogta ah ugu xadgudubto xeerarka caalamiga ah, iyadoo isku haleynaysa cidda gadaal ka taagan.

Digniintan ayaa lagu sheegay tii ugu adkeyd ee Mareykanka uu u jeediyo Israel.

Mareykanka waa dalka ugu tunka roon xulafada reer galbeedka ee Israel ku ilaaliya Bariga Dhexe.

Ururka Xisbullah oo shuruud ku xiray inay joojiyaan dagaalka Israel

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa shuruud ku xiray heshiis xabad joojin ah ay la galaan Maamulka Israel, si loo dejiyo xiisadda labada dal.

Hogaamiye Kixigeenka Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa sheegay in xabad joojinta lagu heli karo, iyadoo ay Israel joojiso xasuuqa ay ka waddo sida uu yiri Gaza iyo Lubnaan.

Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa sheegay inta ka horreyso in Xisbullah ay ka go’an tahay inay sii waddo dagaalka ay xoogageeda kula jiraan Ciidamada Israel.

Xisbullah ayaa daneynaysa in xabad joojin laga hirgeliyo Marinka Gaza, waana sababta ugu weyn ee ay dagaalkan ugu soo biirtay, inkastoo Israel aysan hadda taasi diyaar u ahayn.

Muuqaal uu soo duubay Naim Qassem ayuu ku sheegay in Xisbullah ay leedahay awood ay bartilmaameedyo kaga fulin karto dhulka Israel oo dhan, taasna ay caddeyn u tahay weeraradii dhowrkii maalmood ee ugu dambeysay ay ka fuliyeen waqooyiga Israel iyo weliba Tel Aviv oo dhacda bartamaha Israel.

Waxa uu soo hadal qaaday weerarka Axaddii ay Xisbullah ku qaadday Xerada Binyamina ee lagu tababaro Ciidanka Difaaca Israel, gaar ahaan Guutooyinka Golani ee ku taala koonfurta Magaalada Haifa ee waqooyiga Israel, iyadoo ay Xisbullah weerarkaasi u adeegsaday diyaarad drone ah, wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ka tarjumayo awoodda Xisbullah.

Ninka labaad ee ugu sarreya Ururka Xisbullah ayaa sheegay in weerarkaasi ay khasaare weyn ku gaarsiiyeen Ciidamada Israel, isagoona been abuur ku tilmaamay qirashada Israel ee ku aaddan in afar askari ay kaga geeriyotay weerarka, lixdan kalena ay ku dhaawac-antay. Khasaaraha ayuu sheegay inuu intaasi ka badan yahay, balse ay Israel qarineyso.

"Marka tani waxay muujineysaa awoodda iyo go’aanka ay leeyihiin iska caabinta.” Ayuu yiri Naim Qassem, Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah.

Wuxuu kaloo sheegay in Isniintiina ay gantaaladoodu garaaceen Magaalada Tel Aviv iyo nawaaxigeeda, laba milyan oo qofna ay ku khasbeen inay gabaad u doontaan godadka dhulka hoostiisa ee gantaalada laga galo.

Naim Qassem ayaa ka dhawaajiyay in Xisbullah ay leedahay awood intaasi ka badan, lana arki doonto, haddii uu dagaalku sii socdo.

Waxaa uu muujiyay in shacabka Israel ay baqdin la noolaan doonaan, haddii aysan dowladdoodu qaadan go’aan ay ku joojineyso dhiigga dadka rayidka ah ee ay daadineyso.

"Xalku waa xabad joojin, kama hadlayno meel daciifnimo.” Ayuu yiri Naim Qassem oo reer Israel uga digay inaanan la joojin dagaalka.

"Haddii Israeliyiintu aysan dooneyn taas, waan sii wadi doonnaa.” Ayuu yiri Naim Qassem.

Qassem ayaa wacad ku maray inay kordhi doonto barakaca ay sameynayaan Israeliyiintii la deegaameeyay, ayna khatar geli doonto nolosha mallaayiin kale oo Israeliyiin ah.

Xisbullah iyo Israel ayaa muddo 12 bilood ah ku lug lahaa gantaalo isaga kala gudba deegaanada xuduudda ee labada dal, ka hor inta aysan Israel bishan ku dhawaaqin hawlgal dhinaca dhulka oo laga sameynayo gudaha xuduudda Lubnaan.

Xisbullah ayaa muddo dheer ku adkeysaneysay inaysan joojin doonin weeraradeeda gantaal ee Israel, illaa iyo inta laga soo afjarayo duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Israel oo aan dhageysan dalabka Xisbullah ayaa dagaalka ku fidisay dalka Lubnaan oo dhan, taasoona gantaalihii xuduudda u bedeshay dagaal fool ka fool ah oo ciidamadeeda iyo kuwa Xisbullah ku dhex maraya dhulka xuduudda. Sidoo kale waxay tani kordhisay cabsida laga qabo dagaal aan waxba la isku reeban oo gobolka ka dhaca.

Ururada kale ee hubeysan ee gobolka ayaa ku hanjabay inaysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan Israel, inta uu socdo xasuuqa Gaza.

Joojinta colaadda Gaza ayaa xilligan muhiim u ah in la xakameeyo xiisadda aan caadiga ahayn ee ka jirta Bariga Dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip