halkaaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Wednesday October 16, 2024 - 09:45:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay xaafad casri ah oo laga hirgalinayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud aya shalay dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalnayan ganacsato Somaliyed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yelayo dowladnimada Somaliyed, isaga oo faray dhamaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani.

"Dhismaha xaafaddan waa billowga Somaliyada cusub e dib u qaabaysa dowladnimadeeda, isla markaana la tartamaysa adunyada. Ganacsatada Somaliyed ha aaminaan dalkooda, hana garab istagan dowladda iyaga oo bixinaya canshuraha ku wajibay, si aan uga soo kabano dhibatoyinkii na gaaray.”

Madaxwenaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyay ganacsatada Som-aliyed ee hantidooda ku aaminay dalka, kuwaasi o ka qayb qadanaya maalgashiga masharicda waxtarka badan u leh bulshada Somaliyed, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaran garab istaaga dowladnimada Soomaaliyeed, si loo gaaro isku filnaansho Qaran.

Raysal Wasaare Xamse iyo James Swan oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa shalay kulan kula qatay Xafiskisa magalada Muqdisho sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay u qabilsan Somalia James Swan.

Kulanka dhexmaray labada masuul ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wadash-aqeynta ee ka dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midobay.

Labada dhinac waxay sidoo kale wada hadlen hirgalinta doorashoyin qof iyo cod ah iyo in dowladda Soomaaliya ay hesho taageero ku aadan xasillinta deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab iyo arrimaha bini’aadanimada.

"Kulankan ayaa si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda sida xasillinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab, hirgelinta doorashooyin ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arimaha bini’aadanimada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasare Xamse Cabdi Barre.

Kulankan shalay dhexmaray Raysal wasaare Xamse iyo James Swan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kooban ka hor uu James Swan safar ku tagay magaalada Kismaayo oo uu kula soo kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhawaan isaga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib markii uu diday in dalka laga hirgaliyo door-ashooyin qof iyo cod ah iyo Puntland ay kasii maqnaato shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray saraakiil loo tababaray xiriirka Bulshada

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed( Kaniif ) oo uu wehliyo Aggaasimaha Guud ee Wasarada Amniga Mundane Yuusuf Cali Maxmed ayaa shalay Tababar usoo xirey 64 kamid ah dhalinyarada Booliska la shaqaysa (Communty team) ka dhisan 4 degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir iyo ku dhawaad 20 Sarkaal oo kamid ah Boliiska Soomaliyeed kuwaas oo si wadajir ah Tababar kusaabsan xiriirka Bulshada iyo Boliiska ku qaatay Akadeemiyada Boliiska Soomaaliyeed ee Sarreeye Guuto Kaahiye muda todobaad ah.

Musuuliyiinta ayaa ku amaanney Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada iyo Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Qaali Axmad Cadaaan sida wanaagsan ee ay u dhiseyso xiriirka Boliiska io Bulshada Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxay u mahadceliyeen hay’adda UNDP oo taabagilisay tababarkaan.

Taliye xigenka ayaa kula dardarmay Dhallinyarada in ay la shaqeeyaan Boliiska Somaliyed gacana kusiiyan sidii loogu adkaan lahaa khawaariijta ku dhumanesa Bulshada dhexdeda.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeeray shirarka qaar ka mid ah guddiyada golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) oo ku guda jira gudashada waajibadkiisa shaqo iyo dardar-gelinta howlaha Golaha ayaa kormer ku tagay xafiisyada qaar ka mid ah guddiyadda Golaha Shacabka oo xiliga Gudomiyaha uu kormerayay ku guda jiray howlmaalmeedkooda shaqo, waxaana Guddoomiyaha oo guddoomiyay shirarka guddiyadda ku bogaadiyay shaqooyinka ay Qaranka u hayaan, isaga oo kula dardaarmay in ay dardargeliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala maadaamaa uu dhowaan xirmayo kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddiyadda uu shalay kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha, Amniga, Federaalka iyo Maamuladda ee Golaha Shacabka, Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyada, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la Xisaabtanka Hay’addaha Dowlada ee Baarlamanka labadiisa Aqal waxaana dhamaan guddiyada uu kormeeray uu kula dardaarmay gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqeynta shuruucda hortaala.

Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho siinaysa 30 kamid ah ardayda Suudaan ee colaaduhu saameeyeen

Wasaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa dhawaaqday furitaanka deeqo waxbarasho loo fidinayo 30 kamid ah ardayda Suudaan ee doonaya in ay waxbarasho sare ka helaan Soomaaliya.

"Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayay wasaaraddu ku sheegtay inuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo iskaashiga aqooneed iyo dhaqan ee ka dhexeeya Somalia iyo Jamhuuriyadda Suudaan. Iyado wasaaraddu sheegtay inay fursad cusub siinayso ardayda labada waddan.

Dhinaca Kalena Safarada Somalia ee Sudan ayaa bogadisay go'aanka Wasarada Waxbarashad io Taclinta Sare ee Soomaaliya, ee ku aaddan in deq waxbarasho lo fidiyo ardayda reer Sudan.

"Tani waa talaabo muhiim ah oo ay Soomaalidu ku mujineyso taagerada walalahooda Sudan, iyado colaadda ka jirta dalkaas ay sababtay in Jaamacadaha dalka ay inta badan xirmaan, taasoo saameyn weyn ku yeelatay waxbarashada ardayda,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda waxay sheegtay in go’aankan uu sidoo kale ah mujinayo mahadnaq iyo abaalmarin loogu talagalay shacabka reer Sudan, kuwaas oo waqti dheer ka shaqeynayay badbaadinta ardayda Soomaaliyeed ee waxbarasho la'aanta ku dhacay markii burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu saameyn ku yeeshay nidaamka waxbarashada.

Wasiir Fiqi oo la kulmay guddiga arrimaha dibadda aqalka sare

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskashiga caalamiga ah ee dowlada FS Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Aqalka Sare, oo ay guddoominaysay Senator Maryan Farah Kahiye. Wasiirka ayaa xuqu in ay ku dhaqmayso wasaaraddu mabda’a hufnaanta iyo isla xisaabtanka, isagoo xoogga saaraya arrimaha muhiimka ah sida wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, heshisyada caalamiga ah, xiriirka iskaashiga caalamiga ah, dhaqangelinta shuru-ucda shaqada dibedda, miisaniyada safaaradaha, iyo dhowrista siyaa-sadda arrimaha dibadda.

Wasiirku wuxuu ballanqaaday in isla xisaabtan dhab ah uu noqon doono udub dhexadka hawlaha Wasarada si loo hubiyo in howllaha muhiimka ah ee qaranka loo fuliyo si wafaqsan caddaaladda iyo sharciga.

Kulankan wuxu buxiyey waajibadka dastuuriga ah ee Wasaaradda iyo Guddiga Aqalka Sare.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa sidoo kale ka qaybgalay wadahadallada, taas oo abuurtey wada shaqeyn lagu horumarinayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo wax ka qabashada baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo la kulmay Madaxa howgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Sooma-aliyed Sareeye Guuto Asad osmaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qabilay Madaxa holgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Kestitis Lancinskas.

Labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ka hortagga qataraha argagixisada iyo kordhinta taageerada midowga Yurub ee Ciidanka Booliiska.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo ka qaybgalay shirka xoghayaasha Baarlamaanka adduunka

Xoghayaha gud e Golaha Shacabka Barlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo xoghaye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayasha Baarlamaanka Aduunka kulankiisa 149-aad oo lagu qabtay Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland.

Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Golaha urur ay ku mideysanyihiin xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka,waxaana sidoo kale shirka looga dooday Barnaamijyada horumarineed ee ay Baarlamaanadda sameeyaan.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa aad uga dooday horumarinta iyo isku dubaridka howlaha golaha ay ku mideysanyihiin Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka.

Shirka ayaalagu soo bandhigay sida looga faa’ideysan karo Garaadka Macmalka ah ( Artificiall intelligence ) AI.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka XFS oo lagu soo dhoweeyay magaalada Seatle ee Dalka Mareykanka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Seatle ee Dalka Mareykanka.

Wasiirka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seatle uga war bixiyay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, guulaha laga gaaray dib u habeynta adeegyada caafimaadka iyo horumarrada guud ee ay ku tallaabsaneyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka 19-aad ee Shabakadda Bixinta Adeegga Isgaarsiinta iyo Duulista Hawada ee NAFISAT oo ka furmay Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shalay magaalada Muqdisho ka daahfurtay shirka 19-aad ee Shabakadda Bixinta Adeegga Isgaarsiinta iyo Duulista Hawada ee NAFISAT.

Hay’adaha duulista rayidka ee 11 dal iyo labo ka mid ah ururrada caalamiga ah oo ka shaqeeya arrimaha duulista hawada ayaa ku mideysan Shabakaddaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan martigelineysa shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto, waxaana looga hadlayaa xal u helidda caqabadaha jira, ka faa’iideysiga fursadaha, casriyeynta iyo bixinta adeegyada isgaarsiinta Duulista, wuxuuna socon doonaa muddo labo maalmood ah.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan oo Shirka furay ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendaha shirka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalalka ku bahoobay, iyadoo sanadkaan ay Soomaaliya qaadatay doorkeeda martiginta.

"In Soomaaliya marti geliso oo ay guddoomiso shirka sanadlaha ah ee Nafisat waxaa ay adduunka tuseysaa horumarka laga gaaray dhinaca duulista hawada,” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macalin Xasan.

Ciidanka xoogga oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Guutada 14-ka Octobar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan shalay ka fulisay degaanno hoos taga tuulooyin Jannaale iyo Shalanbood ee gobolka Shabeellada hoose.

Howlgalka oo dhowr jiho ahaa ayay geesiyaasha Qaranka Cagta ku mariyeen Al-shabaabtii ku dhuum-aaleysaneysay degaannada kala ah Kaaytoy, Mushaani, Majabto, Donka daafeedoow, Buula kamiirow, Buula jadiid, Shufeeri, Doon Dheere, Cadceed, Malable, Buula naaji, Buula aruundi iyo Beeraha baay, sida uu Xaqiijiyay Taliyaha guutada 14-ka October G/sare Nuur Fareey.

Ciidanka xoogga dalka ayaa dhammaan tuulooyinkii ay ka sifeeyeen haraadiga al-shabaab waxa ay ka sameeyeen baaritaanno lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidanka xoogga oo gacanta kusoo dhigay dhagar qabayaal ka tirsanaa al-shabaab

Guutada 14-ka Octobar ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay gacanta kusoo dhigay laba dhagar qabe oo ka tirsanaa al-shabaab kadib howlgal qorshesan oo ay ka sameeyeen inta udhaxeysa deegaanada Janaale iyo Shalan-bood ee Gobolka Shabelaha hoose.

Dhagar-qabayaashan ay ciidanka soo qabteen oo kala ah Axmed Mustaf Aadan oo 26-jir ah iyo Cabbdi Soomaali oo 30-jir ah ayaa isku dayey in ay Mooto Feykoon uga baxsadaan howlgalka sifeynta ahaa oo geesiyaasha guutada 14-ka Octobar ay Cagta ku mariyeen tuulooyin iyo deegaanno Al-shabaab gabbaad u ahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabbilay Ku-simaha Safiirka Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabbilay Mudane Ammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah iyo wada shaqeynta arrimaha labada dal danaynayaan.

Waxaa sidoo kale la isla falanqeeyey xaaladda gobolka iyo tan caalamka, gaar ahaan xaaladda Suudaan.

Danjire Fiqi ayaa muujiyey taageerada buuxda ee Soomaaliya u hayso shacabka Suudaan.

Itoobiya oo shirkii ugu horreeyay u qabatay Wasiirada Difaaca Afrika

Shirkii u horeeyay ee Wasiirada Difaaca Afrika oo ay Itoobiya si iskeed ah u soo qaban qaabisay ayaa ka furmay magaaalda Addis Ababa, isagoo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Wasiirka Difaaca Injineer Caasha Maxamed ayaa sheegtay in shirka halku dhigiisu yahay "Afrika, si midnimo xooggan loo helo, si loo helo amni iyo nabad caalami ah”

Wasiirku waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in wada tashi iyo xal loo helo caqabadaha ka jira Qaaradda, Itoobiyana ay shirkan u qabatay si ay u fududayso doodahaas.

Caa’isha waxa ay sheegtay in shirkan lagu gorfayn doono mowduucyo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo amniga qaaradda iyo sare u qaadista iskaashiga milatari ee ka dhexeeya dalalka Afrika.

Waxay kaloo muujisay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga hadda jira ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo wax ka qabashada khataraha amniga caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Waxa ay sidoo kale xustay in la tashi laga yeelan doono sidii dadka Afrikaanka ah oo ay Itoobiya ku jirto ay u sii xoojin lahaayeen doorkooda ku aaddan howlgalka nabad ilaalinta adduunka.

Sidee u dhacay dilkii shalay ka dhacay shirkada Hormuud?

Maamulka Shirkadda Hormuud Telecom oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay dhacdo sababtay dil oo shalay ka dhacday xarunta wayn ee Suuqa Bakaaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkadda ay tageen laba nin oo hubeysan, isla markaana watay dareeska ciidanka, kuwaas oo doonayay inay lacag kala baxaan shirkadda, laakiin wuxuu maamulku sheegay in la ogaaday in Sim-cardka ay wateen aysan iyagu lahayn kadib markii laga shakiyay dhaq-dhaqaaqooda.

Intaas kadib labada nin ayaa baxay, waxayna keeneen gabar ay afduub ahaan usoo wateen, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhacday israsaaseyn dhex-martay raggaasi iyo ilaalada Hormuud, waxaana goobta ku dhintay mid kamid ahaa labada nin halka kan kale uu baxsaday.

Waxaa weli soconayo baaritaano dheeraad, iyada oo kiiskan ay la wareegeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Shalay oo taariikhdu tahay Talaado, 15, Aktoobar 2024, abaare 7:30 subaxnimo waxaa Xarunta shirkadda ee Hormuud Telecom yimid laba qof oo rag ah oo wata darays ciidan oo doonayay in lamber aysan lahayn ay kala baxaan lacago.

Kadib maxaa dhacay?

Labada nin mid ka mid ah wuxuu soo galay xarunta, halka kan kalena uu mooto bajaaj ay la socdeen kuna sugayeen, Hubin ka dib howlwadeenadii shirkadda Hormuud waxay ogaadeen in qofkaas uusan lahayn lamberka uu lacagta ka dirsanayey wayna ka diidan in ay howshaas u qabtaan.

Daqiiqado ka dib waxay keeneen xarunta gabadh, gabadhiina waxay sheegtay in la soo afduubay, balaayaddu halkaas beey ka billaatay, Muran kii halkaas ka dhashay ayaa wuxuu keenay in ay qoryohoodii la soo baxaan, halkaasna waxaa ka dhashay in ay rasaas isweydaarsadaan ragii hubaysnaa ee xarunta yimid iyo waardiyihii xarunta. Halkaas waxaa ku dhintay mid ka mid ah labadii nin, kii kale ee Ciidanka ahaana wuu cararay.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayay saraakiisha shirkaddu markiiba la xiriiray, wixii macluumaad ahna dowladda ayey shirkaddu ku wareejisay.

Tuugadii gabadha afduubatay Hormuud way iska celisay, gabadhii iyo Hantideediina way bad baadisay shirkaddu. Hormuud waxay shacabkeeda Macaamiisha ah ugu baaqaysaa iney ilaaliyaan shuku-ucda adeegga, haddii shirkadda talaabo qaldan loola yimaadana way is difaacaysa oo Dowladda Soomaaliyeed ayaa ogolaashahaas siisay Hormuud.

Muwaadin (Macmiil) Hormuud hantidaada way ilaalinaysaa, sabab kasta iyo waqti walba oo macquul ah.

Dowladda Canada oo ceyrisay Diblomaasiyiin sare oo Hindi ah

Canada ayaa Isniinti daraad ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso "caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Goor sii horreysay oo daraad aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho a u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso.

Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada. Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo.

Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iuslwasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar.

Hindiya ayaa in muddo ahba diidaneyd eedaha Canada. Iyada oo ku eedeysay ra’isulwasaare Trudeau nin ajandayaal siyaasadeed ka leh Indiya.

Booliska Somaliland oo xiray 9 qof oo jarjaray boorarka Xisbiyo

Booliska Somaliland ayaa sagaal qof u xidhay boodhadhka xisbiya oo ay jarjareen.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay booiska, Dadka intooda badan waxa lagu xidhay magaloy-inka Burco iyo Hargeysa.

Warka Booliska waxaa lagu sheegay in dadkani ku kaceen falal dembi ah islamarkaana Maxkamad la horgayn doono.

Waxa ay ugu baaqen taagerayasha xisbiyada iyo Ururrada in ay ilaaliyan anshaxa iyo nidaamka ololaha Doorashada.

Tahriibayaasha Soomaalida ah ee Liibiya ku dhiban: 'Intaan islahaa gaajo ka carar ayaan gaajo u dhiman gaaray'

Magaalooyin kala duwan oo ka tirsan dalka Liibiya waxaa ku dhibaataysan dhalinyaro badan oo Soomaali ah isla markaana ka tagay deegaanno kala duwan oo dhulka Soomaalida ka tirsan, sida ay inoo sheegeen qaarkood oo aan la hadalnay.

Qaar ayaa xabsiyada ku jira muddo dheer oo gacanta ugu jira dadka loo yaqaanno Magafayaasha, oo ah kuwa sida sharci darrada ah u tahriibiya dadka doonaya in ay gaaraan dalalka Yurub.

Dadkaas waxaa ay wajahayaan dhibaato adag oo dhanka nolosha ah,waxaana qaar badan oo ka mid ah ay hadda doonayaan in ay ku soo laabtaan deegaannadii ay markii hore ka hayaameen, sida ay u sheegeen BBC da.

Sheekada Cabdiraxmaan Cali Sheekh

Dhalinyaro aaminsanaa in ay mar uun Yurub tagaan si ay u helaan nolol sida ay iyagu qabaan dhaanta tan markaa ay ku jiraan, ayaa markii ay la kulmeen nooc walba oo dhib ah, sida Xabsi, gaajo, harraad jirdil iyo tacadi kale, waxaa ay ka qoomamaynayaan in markii horaba ay ku fikireen tahriib iyo in dhulkoodii ay ka tagaan.

Cabdiraxmaan Cali Sheekh, hadda waxa uu ka mid yahay dhalinyaro uu noo sheegay in ay ka badan yihiin boqol oo ku sugan caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, kuwaasoo bannaanka jooga oo aan xabsiyo ku jirin walow ay jiraan tiro badan oo jeelasha magaalooyin kala duwan oo dalka Liibiya ah ku jira.

Bishii Maarso ee sanadkaan 2024-ka ayuu Cabdiraxmaan ka tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland, wuxuuna rajeynayay in uu hiigsado nolol ka duwan tii uu markaa ku jiray, hase-yeeshee wixii uu filayay iyo waxa uu la kulmay waa laba sawir oo kala duwan aadna u kala fog.

Dhalinyaradaan Cabdiramaan ka mid yahay oo xabsiyo kala duwan ku soo maray gudaha Liibiya ugu dambeyn safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa ka sii daysay xabsi ku yaalla Tripoli, waxaana ay hadda dhowrayaan in safaaraddu ay dib ugu so celiso deegaannadii ay ka tageen markii hore.

"Safaaradda ayaan ka dalbaday in la igu celiyo Soomaaliya soo dhaweyn wanaagsan ayaana kala kulmay safaaradda, mar dhow-na in dib la ii celiyo ayaan rajeynayaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo BBC-da u warramay.

Cabdiraxmaan markii uu arkay dhibaatada ka qabsatay safarkiisii uu ku doonayay inuu ku gaaro Yurub, waxaa uu ku qoomameeyay in uu hadda ogaaday dalkiisu uu yahya hodon oo ay tiillay nolol qurux badan, haddii uu ogaan lahaana in xaaladdani ay qabsanayso aanu ku fikireen tahriib.

"Walaahi waxaa ii soo baxday in wadenkgu hodan yahay, wadank-eygu meel aan ku doorsado in aaney jirin, in wadankeygu meel wanaag-sanyahay ayaan ogaaday, oo wadan shisheeyo aanu waxaba ahaeyn,”.

Intaas wuxuu ku daray in xitaa uu gaajo u dhiman gaaray isla markaana wax walba oo uu ku haystay deegaankiisii markii hore uu waayay dibna uu u xasuusaty, inuu barwaaqo ku jiray.

"Wallaahi waxaan ogaaday noloshu waxay tahay, caafimaadku waxa uu yahay, xitaa cuntadu waxa ay tahay ayaan ogaaday, intaan is lahaa waddankaagu waa gaajo, ayaan gaajo ugu dhiman gaaray Liibiya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo laga dheehan karo in wixii uu kala kulmay safarkisii Hargeysa ilaa Liibiya uu badelay hab-fikirkisii nolosha.

'Silicii iyo tacadigii ayaan ku arkay xabsiyada magafayaasha'

Sida marar badan ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqada aadanaha xabsiyada magafayaashu ay ku xiraan dadka tahriibaya ee ku yaalla dhulka lama degaanka ah, waxaa lagu ciqaabaa dadka si ay u bixiyaan lacago madax-furasho ah.

Cabdiraxmaan Cali Sheekh, ayaa tilmaamay in xabsiyada magafayaasha isaga iyo dad kale oo isugu jira Soomaali, Itoobiyaan iyo Afrikaan kale loogu gaystay jirdil aanu aadamuhu xamili karin. Wuxuu sheegay inuu arkau dad la garacaayo saacado badan, dad xanuusanaya oo saxaraha lagu tuurayo iyo kuwa naftu ka baxday sidii loo garacaayay.

"Wallaahi Noloshaas nolol aan ka warrami karo maaha nolol adag bay ahayd, nolol qallafsan oo dadka aad loo dilayo, qaar sida loo dilayo ay dhimanayaan ayay ahayd,”ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Ugu yaraan 107 muhaajiriin ah oo isugu jiray dumar, rag iyo caruur ayaa laga sii daayay afduub loogu haystay Koonfur Bari Liibiya, sida uu sheegay afhayeenka xoogagga amaanka horaantii bishii Juulay ee aynu ka soo gudubnay

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip