halkaan ka aqriso wararka wargska mogtimes
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Furay Shirka 7-aad ee Madasha Dhaqaalaha Qaranka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taagerayo kobaca dhaqaale ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareyo sabolnimada.
Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaami-yeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Duqa Muqdisho oo sheegay in ay dhiirra gelin doonaan cid kasta oo door ka qaadata maalgashiga Caasimadda
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu dhiiragelin doono cid kasta oo door ka qaadaneyso maalgashiga iyo horumarinta Caasimadda.
Guddoomiyaha oo ka qeyb galay madal lagu soo bandhigayay mashruuc ballaaran oo la xariira dhismaha casriga ah ee laga fulin doono xeebta Luulka (Ex Mariina Beach) ee Degmada Kaaraan, wuxuuna sheegay inuu aad u bogaadinayo Xaafadda cusub ee Xeebta Luulka (Ex Marina beach state).
Bandhiggan waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Maxmed Axmed Beerreey, Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyed Mudane Maxamud Abdikariin Gabeyre, Maamulada shirkadaha Marina beach state, Al-Asab Group, Bulsho Development bank iyo ganacsato ka socotay waddamada Caalamka.
Maamulka gobolka Banadir, Ganacsatada iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku howlanaa dib u dhiska dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, iyagoo sameeyay goobo badan oo lagu caweeyo iyo meherado casri ah.
halkaan ka aqriso wararka wargska mogtimes
....