halkan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes;

0
Monday October 14, 2024 - 10:36:56 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes;

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo

Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Abdi Barre, o dhagax dhigay mashruca dibu-dhiska Tulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, ayaa sheegay in dhismaha mashru-ucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumada DanQaran ee hormarinta isboortiga iyo dhallinyarada Sooma-aliyeed.

Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee shalay la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto hormarka dalka io bilicda caasimada, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha io dalxiiska, isaga o uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.

Tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka, ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiirigelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh xirfadaha kala duwan ee cayaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hanjabaad Itoobiya Ka soo yeertay

Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay hanjabaadda Itoobiya ee ku aaddan muranka dublamaasiyadeed ee ka dhashay heshiiskii Addis Ababa iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan cabsi gelin doonin hanjabaadaha Itoobiya, uuna diyaar u yahay dalku inuu ka jawaabo tallaabo kaste oo ka dhan ah ciidankeeda ama shacabkeeda.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay goob fagaare ah ayaa yiri "Waxaan rabnaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay nabad iyo derisnimo ku wada noolaadaan, si kastaba ha ahaatee, haddii maamulka taagta daran ee Abiy iyo Jula aysan qaadan karin nabadda, dadka hurinaya colaadda ha arkaan cidda ay u daran tahay.

Hadalka wasiirka ayaa jawaab toos ah u ahaa taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya (ENDF) Field Marshal Berhanu Jula, oo horay u sheegay in Soomaaliya aysan awood u lahayn in ay qaado tallaabo kasta oo Milatari oo ka dhan ah Itoobiya.

"Xasan Sheekh ma awoodo inuu dagaal galo, waa inuu marka hore sugo ammaanka Muqdisho, ka hor inta uusan ka fikirin inu na horyimado” ayuu Jula ku yiri wareysi uu dhawaan bixiyay.

"Waa inuu marka hore xaqiijiyaa kursigiisa," ayuu Jula ku daray, isagoo ka dhawajiyay in hoganka Somalia uu yahay mid aan xasilloonayn oo aan diyaar u ahayn colaad.

"Haddii uu jiro qof kaalmo ka helaya ciidamada ajnabiga ah ee isku dayaya in uu faraha la galo arrimaheenna gudaha isago taageraya mucaaradka oo noo diraya dagaal sokeeye, waa khaa'inul waddan," Jula ayaa yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay saaxibo ku leedahay gudaha Somalia, kuwasi o ka hortagi dona faragelintas.

Wasiirka Howlaha Guud oo Xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socda USAID

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Dibu-dhiska io Guryenta XFS Mudane Abdisalaan Abdi Ali oo ay weheliyeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ayaa shalay Xafii-skiisa ku qaabbilay wafdi ka socday USAID/TIS3 oo uu hoggaaminayay Madaxa Hay’adda DT Global ee Soomaaliya Iftikhar Ahmad.

Ajandaha kulankan aya ahaa xoojinta xiriirka shaqo ee Hay’adda TIS-3 iyo Wasaaradda howlaha Guud iyo dard-argelinta Barnaamijyada xasilinta iyo dib-udhiska dalka.

Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga mamnuucay agagaarka garoonka Aadan Cabde

Hay’ada Duulista Rayidka Somaliyed ayaa qoral ay so saarta ku sheegatay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) laga mamnuucay isticmalka agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada muqdisho.

sticmaalka diyaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) waa laga mamnucay agagaarka garoonka Aadan Cabdulle ee Caalamiga ah masaafo dhan 5 Nautical Mile oo dhan walba, marka laga reebo kuwa ka haysta ogola-nshaha Hay’adda Duuulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS).

Guddiga horumarinta adeegga bulshada ee golaha shacabka oo kulan la qaatay midowga Jaamacadaha dalka

Gudiga Hormarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan la yeeshay Midowg Jaamacadaha Dalka iyo Ururka Cilmi barista Soomaaliyed ,waxana kulanka shir gudominesay Gudomiyah Gudiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhageysiga Midowg Jaamacadaha Dalka iyo Ururka Cilmi baarista Soomaaliyeed sida ay u arkaan Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo uu guddigu ku guda jiro Diyaarinta Warbixinta Akhrintiisa labad, waxaana Guddiga uu Midowga Jaamacadaha Dalka iyo Ururka Cilmi baarista Soomaaliyed ka dhageystay taloyin la xiriira hindise sharciyeedkan

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gudiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay inuu Sharcigan muhiimad weyn u leeyahay bahda waxbarashada Dalka ayna sii wadi donan la kulanka bulshada qebaheda kala duwan si gaar ah bahda waxbarashada Dalka si Akhrintiisa labad loo horgeeyo Golaha Shacabka loogana doodo.

Xeer ilaaliyaha guud oo kulan la qaatay Xeer ilaaliye ku-xigeenada guud

Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Sulayman Mohamed ayaa shalay shir la yeeshay ku xigeenada Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, shirkaas oo ujeedkiisu ahaa ka go’aan gaarista Xaashida Eedda iyo warbixinta Galalka.

Xeer Ilaaliyeyaasha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay isbar-bardhiga qaab dhismeedka Eedda iyo soo jeedinadda cusub ee la xariira Xaashidda Eedda iyo Hannaanka Warbixinadda gal dacwadeedyadda.

Ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa kula dardaarmay Xeer-Ilaaliye kuxigenada in Xaashida Eedda ee ay diyaariyaan ahaato mid ka turjumeysa xirfad, aqoon iyo dhaqan gelinta sharciga.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaanka Qudus ee Jubbada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaal-iyeed iyo Daraawiishta Jubbaland oo shalay xili hore la wareegay deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose, hallkaas oo Al-shabaabu aheyd meel istaraatiijI ah.

Howgalka qorshaysan ayaa lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaabku lahaayeen deegaanno badan oo hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo ay ku baadi jireen dadka shacabka ah, waxaana halkaasi wali ka socda baacsiga maleshiyadka Al-shababah.

Taliye kuxigeenka Ururka 162-aad ee kumaandooska Danab Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka shalay hore Al-shabaabkala wareegeen deegaanka Qudus halkaa oo jab xoogan lagu gaarsiiyay al-shabaabta.

"Waxaa jira howlgal soo bilowday habeen hore saqdii dhexe kana soo bilowday deegaanno hoostaga degmada Kismaayo oo kow ka tahay Leel-kuus, Qudus, Yaaq Caleen, waxuuna ahaa howgal burburin ah, inta uu socday wax iska-caabin ah kalama kulmin al-shabaabta’ ayuu yari

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka wada howlgallo ka dhan ah al-shabaabta, kuwaas khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay al-shabaabloogana dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan.

Wafdi ka socda BFS oo Switzerland uga qeyb-galaya Kalfadhiga 149-aad ee Baarlamaanka Aduunka

Geneva-Switzerland October, 12, 2024: Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Geneva ee Dalka Switzerland waxayna halkaasi kulan kula qaateen wafuud ka socota Baarlamaanada Carabta ee dalkaasi ku sugan, waxa uuna kulankaasi horudhac u ahaa Kalfadhiga 149-aad ee Baarlamaanka Adduunka.

Kulanka oo diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga Carabta ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa jiray doodo ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga baarlamaaniga ee u dhaxeeya dalalka Carabta si wax looga qabto caqabadaha Gobolka, ka qeyb qaadasho firfircoon oo ku saabsan Golaha Guud ee IPU si gacan looga geysto qaabeynta Ajendaha sharci-dejinta caalamiga ah, Xaqiijinta xiriirka diblomaasiyaded oo adag iyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Baarlamanka adunka.

Sidoo kale madaxda kulanka ka qeyb gashay ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo horumarin lahaa nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka iyada oo loo marayo nidaamka sharci-dejinta, waxaana ugu dambeyn la isla qaatay tallaabooyinka lagu dhisayo mustaqbal horumarsan oo loogu talagalay baarlamaanada dowladaha midowga Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda IHH

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan daba socda shirar iyo heshiisyo hore u dhacay oo la xariiray ka wada-shaqeynta barnaamijyada soo kabshada iyo adkeysiga la qaatay wafti uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda IHH Md. Huseyin Oruc.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray qodobbo ay qeyb ka yihiin arrimaha bani’aadannimo ee taagan, sidii dhinacyadu isaga kaashan lahaayeen dhisidda kartida iyo aqoonta shaqaalaha Hay’adda iyo xarumaha hoos taga iyo sidii loo heli lahaa agabyada iyo gaadiidka muhiimka u ah guud ahaan howlaha gargaarka, sida; Aambalaasyada, Dab-damisyada iyo gawaarida Xamuulka.

Guddoomiyaha SoDMA, Md. Maxamuud Macallin oo ka mahad-celiyay taageerada hagar-la’aaneed ee IHH ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta abaaraha la saadaalinayo ay IHH gacan ka geysato sidii gargaarka bani’aad-annimo loo gaarsiin lahaa goobaha fogfog ee ay adag tahay in si sahlan deeqaha raashin ee dibadda ka imaanaya loo gaarsiiyo.

Hay’adda IHH oo ka mid ah hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa horay heshiis ku aaddan arrimaha bini’aadannimada la gashay hay’adda SoDMA, iyagoo dhowr mar wada qaatay kulamo arrintaasi la xiriira.

Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay magaalada Baydhabo

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Habeen hore magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dilay Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji oo ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga dhex yaqiinay Baydhabo.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsatay dableydii geysatay dilka nabadoonka.

Laamaha amaanka magaalada Baydhabo ayaa howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxaha geystay dilka Nabadoon Yacquub ka waday xaafadaha magaalada Baydhabo Habeen hore iyo shalay.

Howlgaladaas ayaa la sheegay in ciidamadu kusoo qabqabteen dad ay ku tuhmayaan iney ka dambeeyaan dilka Habeen hore loogu geystay magaalada Baydhabo Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji.

Magaalada Baydhabo waxaa inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan ee noocaan oo kale ah iyo weeraro gaadmo ah oo mararka qaar ay ka geystaan gudaha magaaladaas kooxda Al-shabaab.

Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab ayaa guulo ka sheegtay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab Maxamed Xasan Abuukar Dhala dheere oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka ay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-shabaab, islamarkaana khasaare xoogan ay gaarsiiyeen xubnahii weerarka kusoo qaaday.

"Geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa cashar u dhigay Al-shabaaboo ay isku dayeen inay weerarto saldhiga ciidanka Xoogga Dalka ee degaankaasi Raas qaboow, waxaana halkaasi looga dilay 25 dhaqarqabe" ayuu yiri Taliye Maxamed Xasan Abuukar Dhala dheere.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliye Dhala dheere in ciidanka xoogga dalka ay wali sii baacsan hayaan firxadka xubnahii weerarka kusoo qaaday Saldhiga deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Raas qabow ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka mid ah gobolada ay sida xoogan uga socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

QM oo Israel u sheegtay inaysan ciidamadeeda ka guuri doonto xuduudda Lubnaan

Taliska Hawlgalka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in Ciidanka Qaramada Midoobey aysan ka guuri doonin goobaha ay haatan ka degan yihiin deegaanada xadka koonfureed ee dalkaasi.

Afhayeenka Hawlgalka UNIFIL, Andrea Tenenti ayaa sheegay in Ciidanka Qaramada Midoobey ay sii joogi doonaan farriisimahooda.

Warkiisa ayaa jawaab u ah baaqa uga yimid Israel ee ku aaddan in ciidamadu ay 5km u guuraan waqooyi, si loo xaqiijiyo inaanan la weerarin.

Khamiistii illaa Sabtidii daraad, dhowr jeer ayaa la weeraray Xerada Hawlgalka UNIFIL iyo laba goobood oo kale oo Qaramada Midoobey ay ku leedahay dhulka xuduudda, waxaana la sheegay in 5 askari ay ku dhaawacmeen weeraradaasi.

Afhayeenka Hawlgalka UNIFIL ayaa sheegay in Israel ay ka codsatay inay banneeyaan farriisimahooda, balse ay Qaramada Midoobey diiday, ka dib markii arrintaasi ay mowqif mideysan ka qaateen.

Andrea Tenenti ayaa sheegay in joogitaanka Ciidanka Qaramada Midoobey ay muhiim u tahay gobolka iyo in mar kasta ay xaaladda uga warbixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

"Waxaa jira go’aan loo dhan yahay, oo ah inaan sii joogsno halkan.” Ayuu yiri Tenenti oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka AFP.

Kororka isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ee ka socda dhulka xuduudda ayaa ka dambeysay, ka dib markii Taliska Militariga Israel uu Isniintii ku dhawaaqay in la ballaariyay hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu la dagaalamayo Xoogaga Xisbullah ee degan deegaanada dhaca xuduudda Lubnaan.

Go’aanku wuxuu daba socday, ka gadaal markii Israel ay 1-dii bishan iclaamisay in ciidamadeeda ay hawlgal xadidan ka sameynayaan gudaha xuduudda Lubnaan.

Dagaalka safka ballaaran ee ka soconaya deegaaada xuduudda ayaa caqabad amni ku noqday Ciidamada & Shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa Ciidamada Israel uga digay inay weeraraan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee halkaasi degan.

Ciidanka Hawlgalka UNIFIL ayaa leh xaqa ay isku difaaci karaan, haddii la soo weeraro, inkastoo illaa iyo hadda aysan wax falcelin ka bixin weeraradii ay Ciidamada Israel ku soo qaadeen.

Israel ayaa isku dayeysa in ciidamadeeda ay ku uruuriso xuduudda Lubnaan, iyadoo markaasi Xisbullah laga fogeynayo.

Israel ayaa Ciidanka Qaramada Midoobey ku cadaadineysa in ay farriisimahooda soo wareejiyaan, si ay uga hujuumaan Xisbullah.

Haddii ay taasi dhacdo, Xisbullah waxay u arki doontaa kuwo aan dhexdhexaad ahayn, ayna ku weerari karto goobaha kale ee ay deggaan.

Si Xoogaga UNIFIL aysan uga leexin waajibaadkii uu u igmaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayay ku adkeysanayaan inay sii joogaan barraha la ogyahay ee ay hadda degan yihiin.

Somaliland oo heshiis kale oo xasaasi ah la gashay Imaaraadka Carabta

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee maamulka Somaliland ayaa heshiis isfahan wada shaqeyn ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, shirkad-daas oo lagu magacaabo Emirates Industrial Laboratory ayaa ka shaqeysa arrimaha Macdanta.

Heshiiskaan waa mid shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta u oggolanaya in deeganada Soma-liland ay ka hirgaliso qalab sheybaar oo lagu baarayo macdanta kala duwan ee deegaannadaas laga qodo.

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo heshiiskaan la saxi-ixatay shirkadda Emirates Industrial Laboratory, ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabay qalabka sheybaarka ah iyo baaritaanka macdanta Somaliland, isla markaana hadda xal loo helay caqabadihii jiray.

Somaliland ayaa sheegtay in markii hore Macdanta laga qodo deega-anadooda loo qaadi jiray dibadda, si loo ogaado nooceeda iyo tayadeeda sheygaas, balse hadda waxay heshiis la galeen shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

"Waxaan kala saxiixannay heshiis isfahan ah oo ay maalgalin ku sameeyaan laabka macdanta ee wasaaradda, haddii ay dhisme noqoto iyo haddii ay qalab noqotaba,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soo-maali) oo BBC u waramay isagoo ku sugan magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta.

Deegaanada Somaliland horay waa looga qodi jiray Macdanta, waxaana dhowr jeer dadkii qodayey ku soo dumay godad waaweyn, maadaama aysan heysan qalab, aqoontiina aysan laheyn.

Qolada ay Somaliland heshiiska cusub la gashay ee Emirates Industrial Laboratory waa hay’ad bixisa adeegyo kala duwan oo ay kamid tahay baarista goobaha ay ku jiraan macaadinta, shidaalka iyo saliidda, sidoo kale waxaa lagu sheegay inay qeyb ka qaadato soo saarista injineero ku xeel dheer shaqooyinkaan iyo qalab kala duwan oo wax lagu baaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga carootay, aadna uga gilgilatay heshiis ay bilowgii sanadkaan Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo khatar ku ah badda Soomaaliya, mar kale waxaa soo shaac baxay heshiiskaan ku saabsan macdanta ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

Inkastoo aysan cadeyn mowqifkooda, Imaaraadka ayaa loo arkaa inuu u janjeero dhanka Itoobiya, isla markaana uu ku jiro dowladaha khatarta ku ah Soom-aaliya, kana soo hor jeeda dib u soo kabashadeeda, dowladda Soom-aaliya ayaa laga sugayaa sida ay uga jawaabto heshiiska cusub ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

Tel Aviv: Dibadbaxayaal iyo booliska oo isku dhacay

Shacabka Israel qaarkood ayaa habeen hore Magaalada Tel Aviv ka dhigay mudahaaraad ay kaga soo horjeedaan colaadda Gaza iyo in Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza dib loogu soo celiyo guryahooda.

Dibadbaxayaasha ayaa xiray Waddada Ayalon ee bartamaha Tel Aviv, taasoo ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada.

Dibadbaxayaasha ayaa gubay taayaro, iyagoona xanibay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada, waxayna keentay inay isku dhacaan Ciidamada Booliska.

Ciidamada Booliska ayaa la arkayay iyagoo xoog u adeegsanaya dibadba-xayaasha, si ay u kala eryaan.

Wararka ayaa sheegaya in dibadb-axayashu ay dhowr saacadood xanibeen isu socodka magaalada ugu weyn ee Israel.

Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha oo ka carreysan inaanan codkooda la dhageysan ayaa Sabti walba dhigga mudaaharaad ay ku dalbanayaan in laga shaqeeyo sii deynta dadkaasi.

Dadkan ayaa waxaa mararka qaarkood dibadbaxyada kala qayb qaata Israeliyiinta kale ee diidan dagaalka uu dalku ku jiro iyo in la joojiyo halista la gelinayo nolosha la haysteyaasha.

Dadkii ka qayb qaatay mudaaharaadkii habeen hore waxaa ka mid ah Einav Zangauker, oo wiilkeeda Matan uu ka mid yahay Israeliyiintii lagu qafaashay weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023.

"Waan ka xumahay in sanad uu dhammaaday, welina kuma aanu guulaysan in ay dowladdu aqbasho heshiiska lagu sii deynayo la haysteyaasha.” Ayay tiri Einav Zangauker, iyadoo hadal ka jeedineysay mudaaharaad ka dhacay agagaarka Taliska Militariga Israel ee Kirya.

Dhanka kale Booliska Israel ayaa sheegay in ciidamadu ay soo xireen shan ka mid ah dibadbaxayaasha, kuwaa oo ay ku eedeeyeen inay xireen waddada weyn ee Ayalon, intii uu socday mudaaharaadka lagu dalbanayay in la soo sii daayo dadka lagu haysto Gaza.

Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in waddada la furay, ka dib markii ay ciidamada kala eryeen dibadbaxayaasha.

In ka badan 100 qof oo Israeliyiin ah ayaa lagu haystaa gudaha Marinka Gaza, kuwaa oo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Israeliyiinta ka soo horjeedo halista ay la haysteyaasha ugu jiraan inay dhintaan ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku cadaadinaya inay heshiis la gaarto Xamaas, si loo sameeyo maxaabiis is dhaafsi.

Israel oo ololisay suuqii ugu weynaa ee koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa habeen hore si ba’an u garaacay suuqa ganacsiga ee Magaalada Nabatieh ee dalka Lubnaan.

Wararka ayaa sheegaya in duqayntu ay burbur lixaad leh u gaysatay suuqan, oo ah xarun ganacsi oo taariikhi ah, sidoo kalena ah xarunta ganacsi ee koonfurta Lubnaan.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in dhamaan dukaamada iyo meheradaha kale ee suuqa ay u muuqdaan kuwo burburay.

Warbaahinta Lubnaan ayaa ku warantay in dadku ay ku kadsoomeen weerarkaasi, isla-markaan aan la garaneyn ujeedadii ka dambeysay in la beegsado.

Hay’ada Laanqeyrta Cas ee Lubnaan ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay ku howlan yihiin samatabixinta, bal haddii ay jiran cid uun ka badbaday weerarka.

Hay’addu waxay weerarku ku sheegtay mid aad u weyn oo burbur baaxad leh gaystay.

"Dabka daran ayaa naga hor istaagaya inaan gaarno aagga oo dhan.” Ayay hay’adu ku shegtay war ay soo saartay.

Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa mujinaya in xaalad laga argagaxo ay ka jirto suuqii ugu weynaa ee konfurta dalka Lubnaan.

Marka aad eegto waxa goobta ka dhacay ayaa waxaa aad u yar dadka nolol ka badbaadi kara weerarkaasi.

Kooxaha samatabixinta ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socdo war ka soo saaraan khasaaraha nafeed ee la diiwangeliyay, si Wasarada Cafimadka ay ugu xusto cusbooneysiinta daabacadda khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee dalka oo dhan.

Si kastaba ha-ahaatee Militariga Israel ayaan weli ka hadlin sababta keentay in suuqaasi uu bartilmaameed noqdo.

Israel ayaa mar kasta oo kaabeyaasha rayidka ay beegsato ay ku andacootaa in loogu adeegayay amaba ay ku sugnaayeen xubnaha Xisbullah.

In la beegsado suuqyada, goobaha ay dadku ku badan yihiin iyo kaabeyaasha kale ee dadweynaha ayaa ka dhigan dembi dagaal, marka loo fiiriyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Xisbullah oo sheegtay in ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen askarta Israa'iil

Subaxnimadii saaka oo Axad ahayd ayaa waxaa socday duqeymo ay is dhaafsanayeen Israa’iil iyo Xisbullah iyadona duqeymahasi ay ku dhacayeen dhowr goobood oo labada dhinac ah.

Xisbullah ayaa soo saartay bayaanno dhowr ah oo kala danbeeyay iydoona sheegtay inay fuliyeen bartilmaamedyo ay ku beegsatay goobo ay ku suganyihiin ciidanka Israa’iil iyo saldhigyo ay isugu imaanayeen.

Dhanka kale waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen isku day militariga Israa’iil ay ku doonayeen inay gudaha u galaan Lubnaan.

Bayaanada is daba joogga ah oo qaar shalay soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay qaraxyo la beegsaden ciidanka Israa’iil ee doonayay inay gudaha u soo galaan magalada Ramieh ee konfurta Lubnan, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay qabteen ilaa shan gantaal oo laga soo riday goobo kala duwan oo ku yaala waqoyiga Lubnan, waxana qeybo badan oo Israa’iil ah laga maqlayay dhawaqa seeriga digniinta gantaalada.

Maxaa dhacay Sabtidii?

Israa’iil ayaa duqeymo fulisay habeenkii Sabtida, Oktoobar 12, 2024, duqeymahaas oo lala beegsaday meelo kala duwan oo Lubnaan ah, waxaana la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 15-qof oo reer Lubnaan ah, sidoo kale duqeymaha ayaa sababay burbur soo gaara dhismayaal ay kamid yihiin labo isbitaal, jaamacad iyo xarun difaac oo degmada ah.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in isbitaalada Tamnin iyo Rayak ee Doxada Beka ay waxyelo soo gaartay, sidoo kale wakaaladda wararka Lubnan ayaa sheegtay burbur soo gaaray jaamacadda Antonine ee magaalada Rayak.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan oo daraad soo saartay bayaan ayaa ku dhawaaqday in "Sagaal qof ay ku dhinteen duqeynmaha Israa’iil sidoo kalena ay 15-qof oo kale ay ku dhaawacmeen” weerar ay Israa’iil ku qaaday magaalada Al-Muaisra, ee waqooyiga Beirut.

Dhanka kale weerar duqeymo ah oo lagu qaaday Burja oo ka tirsan degmada Chouf ee koonfurta caasimadda, in lagu dilay 5-qof sidoo kalena la dhaawacay 4-qof.

Duqeymo kale oo lagu garaacay Deir Bella oo u dhow magaalada Batroun, waqooyiga Lubnaan ayaa la sheegay in lagu dilay labo qof 4-kalena la dhawacay, waxa sidoo kale la sheegay dad jirkooda ay goo’go een kuwaas oo aanan la aqoonsan eheladooda.

Dhanka bariga Lubnaan, isbitaalka Tal Shiha ayaa la sheegay inuu soo gaaray waxyeello fudud, taasoo ka dhalatay weerarrada Israa’iil ee ay la beegsatay agagaarka magaalada Zahle, oo ay ku badan yihiin Masiixiyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in Xisbullah ay Sabtidii ku soo rideen ku dhawaad 320 gantaal oo ku wajahan Israa’iil, waxayna ku dhawaaqeen in deegaannada ku xeeran qaar ka mid ah magaloyinka waqoyiga Isra’iil ay xireen.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil, Avichai Adraee, ayaa ku hanjabay in ciidamada Israa’iil "ay qaadi doonaan tillaabo-oyinka lagama maarmaanka ah ee ka dhanka ah baabuur kasta oo qaadaya ragga hubaysan, iyadoon loo eegin nooca uu yahay", wuxuuna ku eedeeyay xubnaha xisbullah inay isticmaalaan ambalaasyada si ay u daabulaan hubka, sida uu ku sheegay bartiisa Facebook.

Reuters ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganesa NBC, in sarakiisha Mare-kanka ay rumeysan yihiin in Israa'iil ay hoos u dhigtay baaxadda bartilmaam-edkeeda si ay uga jawaabto weerarkii dhawan Iran ay ku qaaday kaabayasha militariga iyo tamarta.

Warbixinta oo laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax muujinaya in Isra’iil ay beegsan doonto xarumaha Nukliyerka ama ay fulineyso dilal qorsheysan, waxayna intaa ku dartay in Israa’iil aysan gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan sida iyo goorta ay qaadi doonto.

Sida warbixinta lagu sheegay, saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil waxay filayeen in jawaabta Israa’iil ay imaan doonto inta lagu guda jiro fasaxa Yom Kippur ee hadda, laakiin taasi ma dhicin.

Yom Kippur, ayaa bilaabatay Jimcihii, Oktoobar 11, waxayna dhammaatay habeenkii Sabtida, Oktoobar 12.

Israa’iil ayaa marar badan sheegtay in ay ka jawabi donto weerarkii gantallada Iran ee 1-dii October, kaas oo Tehran ay qaaday si ay uga jawaabto duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan iyo Gaza iyo dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay caasimadda Iran.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip