halkaan ka aqriso, wararka wargeyska mogtimes

0
Sunday October 13, 2024 - 09:04:50 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso, wararka wargeyska mogtimes

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda.

"Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka ah argagixisada, barwaaqana ay ku noolyihiin dadkeedu.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta Calanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in shalay ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay markii shalay oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

"Waxaan aan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Shalay waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay dullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka cadowga Al-shabaab ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed.

Aqalka sare oo isku khilaafay in xubinimada laga qaado raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Jaamac

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Golaha aqalka sare usoo gudbiyay qoraal ku saabsan inuu xubinimadii aqalka sare lumiyay raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.

Kulanka aqalka sare ayaa laga sheegay in Senator Saalax Jaamac uu maqnaa 4 kalfadhi oo xiriir ah, isagoo aan soo gudbin wax cudur daar ah, sidaas daraadeedna uu lumiyay xubinimadiisii aqalka sare.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in Saalax Jaamac lagu beddelay Ibraahim Suleymaan Iidle, oo ahaa musharixii xubnimada aqalka sare kula tartamay Saalax, kaasoo sida uu guddoomiyuhu sheegay xaq u leh inuu buuxiyo xubintaas uu banneeyay raysal wasaare ku xigeenka.

Qaar kamid ah Senotarada aqalka sare ayaa ka horyimid arrintaan, iyagoo sheegay in raysal wasaare ku xigeenku shaqo qaran uu ku maqnaa muddadaas.

Senator Cusmaan Obokar Dubbe ayaa kamid ah Senatorada ka horyimid, isagoo ku eedeeyay guddoomiyaha aqalka sare inuu adeegsanayo awood sharci darro ah oo uu ku doonayo inuu xubinimada uga xayuubiyo senator Saalax Jaamac.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha aqalka sare ayaa dib u dhigay in Ibraahim Suleymaan Iiidle loo dhaariyo xubinimada aqalka sare, kaddib markii xubnaha aqalka sare ay diideen in ay u codeeyaan in xubinimada laga qaado Saalax Jaamac.

Xigasho hiiraan online

Wasiirka difaaca oo hambalyo ku aaddan maalinta Calanka la wadaagay shacabka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhiga XFS abduqaadir Maxamed Nuur oo shacabka la wadaagay hambalyada maalinta Calanka ee 12ka October.

"Waxaan guud ahaan ummadda Sooma-aliyeed ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 70-aad ee Munaasabadda Maalinta calanka oo ku beegan maalintii ugu horreysay ee ciideena laga taagay calankeena Cawaale ee 12-kii October 1954-tii.” Ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir.

Wasiir oo la kulmay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka amniga, xuquuqda aadanaha iyo taageerada Sweden ee madax bannaanida Soomaaliya.

Danjire Fiqi wuxuu xusay guulaha wadahadalada saddex geesoodka ah ee Asmara, gaar ahaan horumarinta awoodda ciidanka Soomaaliya. Safiirka Sweden ayaa bogaadiyay doorka cusub ee Soomaaliya ee Golaha Ammaanka iyo dadaalka diblomaasiyadeed ee Wasiir Fiqi, isagoo sidoo kale amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden.

Danjire Fiqi wuxuu xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay si wax ku ool ah uga qayb qaadato Golaha Ammaanka, gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, xasilloonida gobolka, iyo xuquuqda aadanaha.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhoweeyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarla-maanka Dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda wadankaasi oo uu ka mid yahay dhiggiisa dalkaasi Saqr Ghobash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaannadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Beeraha oo shalay daah furay Barnaamijka Adkeysiga Nolosha Miyiga

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa daah furay munaa-sabadda Barnaamijka Adkeysiga Nolosha Miyiga oo ay soo qabanqabisay Wasarada Beeraha iyo Waraabka XFS.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Xananada Xoolaha JFS, Wasiiru dowlaha Wasaa-radda Beeraha iyo Waraabka JFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, Wasiir ku xigeennada Wasaaradaha Beeraha ee maamullada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Agaasima-yaasha Guud ee Wasaaradaha Beeraha iyo Wasaaradda Deegaanka XFS.

Kulanka lagu daah-furayay Barnaamijka Adkeysiga Nolosha Miyiga waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Hey’adaha kala ah IFAD, FAO, WFP.

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo la kulmay Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Wang Yu.

Safiirka ayaa ugu horrayn ugu hambalyeeyay Wasiirka dedaalkiisa ku aaddan difaaca madax bannaanida Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Shiinuhu uu garab taagan yahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in shalay ay tahay sannad guuradii 10-aad ee furitaanka safaaradda Shiinaha, wuxuuna ugu hambalyeeyay Wasiirka iyo shacabka Soomaaliyeed Maalinta Calanka Soomaaliya 12 Okt.

Wasiirka ayaa dhankiisa ka hadlay guusha Shirka FOCAC ee labada dal, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga labada waddan.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka

Asalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu,

Munaasabadda Maalinta qiimaha badan ee Calanka Soomaaliyeed awgeed, waxaan dhambaal hambalyo ah la qaybsanayaa dhamaan muwaaddiniimta Soomaaliyeed ee sharafta badan, aniga oo Alle naxariisa u weydiinaya dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Shalay waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 70 sanno ka hor, markii la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah.

Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca ciidda iyo calankooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya cadowga gudaha iyo kan dibadda ee duullaanka ku ah jiritaankeenna.

Maalintan weyn awgeed, waxaan idiin rajeynayaa dadkeygoow nabad, xornimo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sooma-aliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa hambalyo ku aaddan sanad guurada 70-aad ee kasoo wareegatay maalinta calanka Soomaaliyed ee 12-ka October la wadaagay shacabka Soomaaliyed.

"Waxaan u dabaal dageynaa 70-sano guuradii ka soo wareegatay xuska markii ugu horeysey ee aan yeelanno astaanta dalkeenna, taasoo sharaf iyo karaamo u ah qof kasta oo Soomaali ah, Alle ha u naxariisto halgamayaashii sababay guusha aan heysano.” ayuu yiri Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay howlgalka ka dhanka Al-shabaab oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe, Galguduud iyo gobolka Shabellaha Hoose, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada 14-ka iyo kuwa Gor Gor oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgal ka fuliyeen deegaanno ku teedsan degmada Awdhiigle iyo Jannaale, halkaas oo Al-shabaab lagaga faramaroojiyay deegaanka Daarusalaam oo ay shacabka musliimta ku gumaadi jireen.

” Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka, waxay howlgallo barakeysan ka fuliyeen gobolladda Shabeellaha hoose, Dhexe iyo Galguduud, haddii aan ku hormaro gobolka Shabeellaha hoose guutada 14-ka October iyo Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor ee xoogga dalka oo iskaashanaayo ayaa waxay howlgal barakeysan ku sifeeyeen deegaannada xiriiriyo Awdhiigle iyo Jannaale, sidoo kale, waxay gacanta ku dhigeen Daarusalaam ee hoostagta degmada Awdhiigle,”.

Sidoo kale, howlgallada oo saf-ballaaran ku socday ayay ciidamada geesiyaasha waxay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, howlkaas oo Alle fadligii lagu khaarijiyay horjoogayaal iyo dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab.

” Shabeellaha Dhexe, haddii aan ku xijino deegaan lagu magacaabo Harqaboobe, waxay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 3-aad, qeybta 12-ka Aprill, Guutada 25-aad ee Cumar Bini Khadaab iyo ciidamada CDS qeybahooda kala duwan oo iskaashanaya waxay howlgal ka fuliyeen halkaas, waxayna ku khaarijiyeen dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab Al-shabaab, waxaana dhulka daadsan meydadkooda”.

Ciidamada xoogga dalka oo toddobaadyadii u dambeeyay waday howlgalo guulo wax ku ool ah laga gaaray ayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed ku fara saaray deegaanka Waniile iyo deegaanno kale oo hoostaga Cowsweyne iyo Galcad, halkaas oo Al-shabaab cashar lama ilaabaan ah loogu dhigay.

”Gobolka Galguduud, xadka xiriiriyo Shabeellaha dhexe iyo Galguduud, howlgalka barakeysan ayaa ka dhacay qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, ciidamada Gor Gor iyo DANAB oo iskaashanaya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay howlgal ka fulinayeen Waniile iyo deegaanno hoostaga Cowsweyne iyo Galcad, waxaanna Cadowga looga furtay hub tiro badan, waxaanna looga dilay iyo horjoogayaal iyo dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab, toddobaadyadii ugu dambeeyay farxad ayay u ahayd ciidamada xoogga dalka guulaha wax ku oolka ah ay ka gaarayaan howlgalka ka dhanka Al-shabaab, sidaas oo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa ku faraxsan,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Difaaca.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-shabaab Al-shabaab deegaanno badan oo ka tirsan dalka, halkaas oo ay dadka rayidka ah ku dhibaateyn jireen.

Wasaaradda Beeraha XFS iyo hay’adda WFP oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federalka Somaliya iyo Hay’adda WFP ayaa shalay kala saxiixday heshiis ku saabsan qeybinta agabka iyo cuunnooyinka aas aasiga u ah badbadinta nolosha bulshooyooinka xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed si loogu caawiyo taasoo hoos u dhigi doonta u nuglaanshahooda waxyaleeda korna u qaadi doonta awoodooda la qabsiga cimilada.

Heshiiskaan waxaa kala saxiixday wasiirka wasaaradda beeraha Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} iyo Agaasimaha Hay’ada WFP Soomaaliya uga wakiilka ah Mudane El-Khidir Daloum.

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Waniile

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgalka sifeynta Al-shabaab ka wada deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Taliyaha ayaa saraakiisha kala hadlay dardar gelinta howlgallada iyo sidii cadowga looga xoreyn lahaa deegaanada faro ku tiriska ah ee ay ku dhuumaa-leystaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay kadib kormeeray fariisimaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey howlgallada guuleystay ee Al-shabaab lagu naafeeyay ee ciidanku fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka oo soo dhoweyn u sameeyay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Washington ee dalka Mareykanka ayaa soo dhoweyn ballaaran u sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al Cadaala.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Seattle Marwo Sarhra Farah & qaar ka mid ah hoggaanka Jaaliyadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Dekadaha Hamdi Mohamed, Duqa Magaalada SeaTac Mohqmed Egal, Guddoomiyaha Golaha deegaanka Magaalada Tukwila iyo Marti sharaf kale.

Wasiir Al Cadaala, ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo dadaalka dowlad dhiska, isagoo gaarsiiyay salaan uu uga waday madaxda dalka.

Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo booqasho hawleed ku jooga magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Norway, Marwa Bjork Sandkjaer.

Waxa ay labada wasiir si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dal ee ku aaddan waxbarashada iyo guud ahaan hindisayaasha horumarineed ee diiradda saaraya awood siinta iyo xirfad-u-yeelidda bulshada dhallinta yar ee Soomaaliyeed, si ay u hoggaamiyaan koboca iyo horumarka dhaqaale ee ay Soomaaliya hiigsanayso.

iyo midnimo dhammaantiin.

Xildhibaan Cabdullaahi Black oo si kulul uga hadlay qorshe Koonfur Galbeed ka wado degmada Xudur

Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmad Black oo ka tirsan Baarlamanka Fedaralka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay qorshe uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ku doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha degmada Xudur oo uu tilmaamay inuu ku yimid doorasho.

Xildhibaan Black ayaa uga digay maamulka Koonfur Galbeed ineysan qalalaase ka abuurin degmada Xudur ee gobolka Bakool oo uu sheegay in halkaasi abaabul ka wadaan Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed.

"Beryahaan dambe waxaa bilaabatay guddoomiyaha degmada Xudur ayaa xilka laga qaadayaa warar noocaas ah ayaa nasoo gaaraya, waana nin ku yimid doorasho oo si aqlabiyad leh loo doortay, waxaa Arbacadii tegay magaalada laba wasiir, waana wasiirka arrimaha gudaha iyo midka amniga marka farriimaha nasoo gaarayo ma ah kuwa u adeegayo nabadda iyo wada noolaashaha” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Black.

Wuxuu sidoo kale sheegay Xildhibaanka in degmada Xudur ee gobolka Bakool ay ka caaganeyd waayahii dambe xaaladaha ka jiray degmooyinka kale ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin dilalka iyo dagaalada sokeeye.

"Maamulka Koonfur Galbeed hadda dhamaan waa xil gaarsiiyeyaal laga soo bilaabo madaxweynaha iyo golihiisa waisirada, ma haystan sharciyad ay wax ku badali karaan, waa dayuusnimo in indhaha laga eegto waxa Xudur ka socdo oo ay wado Koonfur Galbeed" ayuu yiri Xildhibaan Black.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka ku nool dambe Xudur iney ka fogaadaan qorshaha ay wado koonfur Galbeed oo uu xusay inuu yahay mid abuuri kara dhibaatooyin ka dhaci kara degmadaas.

Taiwan oo Malaayiin dollar ku Bixinaysa Horumarka Diqmuquraadiyada iyo Caafimaadka Somaliland

Taiwan ayaa ku dhawaaqday in ay 22 milyan oo dollar ku maalgalinayso dib u dhis lagu samaynayo Isbitaalka Guud ee Hargaysa, sidookale 2 milyan ayay ku taageertay doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Wakiilka Taiwan, ayaa si rasmi ah shalay u kala saxeexday heshiis dib loogu casriyaynayo Isbitaalka Guud ee Hargaysa, oo ku kacaya 22 milyan oo dollar, talaabadan ayaa qayb ka mashruuc lagu horumarinayo caafimaadka Somaliland oo ay Taiwan maalgalinayso.

Taiwan ayaa sidookale dhawaan ku dhawaaqday in ay 2 milyan oo dollar ku taageerayso qabsoomida doorashooyinka isasaaran ee Somaliland.

"Dimuquraadiyadu waa luuqad aanu wadaagno, xoriyaduna waa ujeedo na midaysa, xoriyada iyo dimuquraadiyadu waa qiyamka aas aasiga ah ee Somaliland iyo Taiwan ku xidhaya caalamka" ayaa lagu qoraal lagu baahiyay bogga Xafiis Wakiileedka Taiwan ee Hargaysa.

Taiwan iyo Somaliland oo ah jamhuuriyado aan haysan aqoonsi caalami ah, ayaa xidhiidh yeeshay sannadkii 2020, intaa wixii ka danbeeyay Taiwan ayaa Somaliland ka caawisay mashaariic dhawr ah oo ay ugu muhiimsanyihiin macdan qodista, horumarinta caafimaadka iyo doorashooyinka.

Inkasta oo ay Somaliland iyo Taiwan waddaagaan u jeedooyin badan oo aqoonsi raadintu ugu horayso, hadana Waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya, ayaa xidhiidhkooda u arka mid xadgudub ku ah madaxbannaanidooda, madaama oo dalalkani ay aaminsanyihiin in Taiwan iyo Somaliland ay yihiin dhulal ka tirsan dalalkooda.

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo kooxda Al-shabaab Habeen hore ku qaaday Saldhig ciidanka Itoobiya ku leeyihiin duuleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Weerarka ayaa lasoo warinaya inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee si rasmi ah looma oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo Habeen hore hurdada u diiday dadka ku nool degmadaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay dagaalka kadib iney sameeyeen duqeymo xoogan oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen duqeymaha oo la tilmaamay iney la eegteen ciidanka Itoobiya goobo ay tuhmayeen in weerarka kasoo qaadeen Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya shalay howlgalo xoogan ka wadaan deegaanada dhaca duuleedka degmada Waajid ee gobolja Bakool.

Kooxda Al-Shabaab oo war kooban kasoo saartay weerarka ay ku qaaday Saldhiga ciidanka Itoobiya ee degmada Waajid, waxay sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay askar Itoobiyaan ah oo aysan tiradooda sheegin, islamarkaana sidoo kalena ay soo furateen hub iyo saanad ciidan.

Ururka la-dagaalanka Burcad-Badeedda oo ku baaqay in la sii wado Feejignaanta ka jirta Xeebaha Soomaaliya

Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (IMB), oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa la dagaalanka burcad badeeda, ayaa carrabka ku adkeysay baahida loo qabo feejignaanta joogtada ah, inkastoo hoos u dhac weyn uu ku yimid weeraradii burcad badeeda ee xeebaha Soomaaliya muddo sagaal bilood ah.

IMB ayaa warbixintii ugu dambeysay oo ay heshay Xinhua ku sheegtay in saddex markab la afduubay, labana la fuulay oo rasaas lagu furay, midna wuxuu sheegay in la isku dayay in lagu wajaho biyaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed.

"IMB kama aysan helin warbixino ku saabsan wax weerar ah oo budhcad-badeed ah oo ka dhan ah maraakiibta isaga gudba biyahan intii u dhaxaysay bilihii Luulyo iyo Sebtembar, taas oo ay suurtogal tahay in ay ugu wacan tahay roobabka dabeylaha," ayaa lagu yiri warbixinta.

Xarunta Warbixinta Budhcad-badeedda ee IMB (PRC) ayaa uga digtay milkiilayaasha iyo hawl-wadeennada maraakiibta inay is-hoosaysiiyaan, iyadoo iftiimisay in dhacdooyinkii u dambeeyay ay muujinayaan awoodda ay budhcad-badeedda Soomaalida u leeyihiin inay ku beegsadaan maraakiibta in ka badan 1,000 mayl-badeed meel u jirta xeebaha Soomaaliya.

Hay'adda Ilaalada la dagaalanka budhcad-badeeda ayaa kula talisay dhammaan maraakiibta inay u hoggaansamaan xeerarkii ugu dambeeyay ee badda.

Dowladda Nicaragua oo gebi ahaanba xiriirka u jartay Israel

Dalka Nicaragua ee dhaca bartamaha Qaaradda Latin America ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Israel, sababo la xiriira dhiigga ay daadineyso.

Dowladda Nicaragua ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in gebi ahaanba ay jartay xiriirkii ay la lahayd Israel, sababtu tahay weerarada ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta iyo colaadda ay ku ballaarineyso Gobolka Bariga Dhexe.

Shirweynaha Qaranka ayaa Jimcihii lagu ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Dowladda Nicaragua ay qaaddo tallaabo ku aaddan sanad guurada koowaad ee ka soo wareegatay dagaalka Gaza.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Israel ay tahay dowlad Fashiste ah, kuna caan ah xasuuqa dadka maatida ah.

Nicaragua ayaa sidoo kale Israel ku eedeysay in hadda ay colaadda ku fidisay dalka Lubnaan, welina ay ku hanjabeyso inay burburin doonto Suuriya, Yemen iyo weliba Iran.

Nicaragua ayaa ku biirtay dalalka America ee xiriirka diblomaasiyadeed u jaray amaba hoos u dhigay xiriirkii ay la lahaayeen Israel, sida Bolivia, Belize, Brazil, Chile, Colombia iyo Honduras.

Waxa kaloo jira dalal kale oo kuwa caalamka ah oo hoos u dhigay xiriirkii ay la lahaayeen Israel, iyadoo laga jawaabayo xasuuqa aan ciqaabta lahayn ee ay ka waddo Marinka Gaza.

Mar kasta oo cadaadiska diblomaasiyadda uu kordho, waa mar kasta oo Israel ay noqonayso dowlad go’doon ah.

Kenya oo amartay qaxootiga inay soo celiyaan baasaboorradooda bisha Oktoobar ama ay wajahaan masaafurin

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya aya amartay qaxotiga iyo dadka magangelyo doonka ah in ay ku soo celiyaan baasaboo-radooda ama dukumentiyada safarka bisha Oktoobar dhammaadkeeda, haddii kale ay wajihi doonaan inay lumiyaan qaxootinimada iyo in la masaafuriyo.

Amarkan ayaa ka dambeeyay markii qaar ka mid ah qaxootiga ay ku safraan baasa-borada waddamada ay ka soo jeedaan, taas oo dhalisay walaac ku saabsan ku xadgudubka nidaamka qaxootinimada.

Qaxootiga ayaa haysta 30 maalmood si ay u fuliyaan amarka cusub, sida uu sheegay John Burugu, oo ah Madaxa Arrimaha Qaxootiga ee Kenya.

"Waaxda Adeegyada Qaxootiga waxay mamnuucday in qaxootigu isticmaalaan baasaboorrada dalalkooda asalka ah, sababtuna waa walaaca ku saabsan isticmaalka khaldan,” ayuu yiri Burugu.

"Haddii aan la raacin amarkan, waxay keeni doontaa tallaabooyin sharci oo culus, oo ay ku jiraan luminta xaaladda qaxoot-inimada iyo suurtagalnimada in dalka laga masaafuriyo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Amarkan cusub wuxuu saameyn weyn ku leeyahay qaxootiga Soomaalida oo ah tiro badan, kuwaas oo badankood ka soo cararay amni-darrada iyo abaaraha soo noqnoqda ee Soomaaliya. Inta badan qaxootiga Soomaalida waxay ku nool yihiin xerada Dhadhaab, halka kuwa kalena ay ku jiraan Kakuma.

Burugu wuxuu intaas ku daray in qaxootiga u baahan inay dibadda u safraan ay heli karaan dukumentiyada Adeegyada Qaxootiga, kaasoo xaqiijinaya in qaxootiga ay haystaan fursado sharci oo ay ku safri karaan, iyagoo raacaya amarka cusub.

Hoggaamiyeyaasha qaxootiga Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay xeerarka cusub. Cabdullaahi Cali Aadan, oo ah gudomiyaha xerada qaxootiga ee Dhagaxley, ayaa sharaxay in haynta xaaladda qaxotinimada iyo baasaboorka Soomaaliyeed ay hadda noqotay arrin sharci oo adag, sababo la xiriira xubinimada Soomaaliya ee EAC.

Cabdullaahi wuxuu sidoo kale sheegay in waqtiga loo qabtay uu yahay mid kooban. "Waxaan codsanay waqti dheeraad ah sababtoo ah dad badan oo qaxooti ah ayaa u baahan baasaboorka si ay u safraan ganacsi ahaan, mana fududa in qaxooti ahaan la helo dukumentiyada safarka. 30 maalmood waa waqti aad u yar,” ayuu yiri.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa la kulmay hoggaamiyeyaasha qaxootiga Soomaalida si ay uga wada hadlaan arrimahan, waxayna ballan-qaadeen in ay dib u eegayaan xaaladda. Wadahadallo u dhexeeya mas’uuliyiinta Kenya iyo dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda dhacaan si looga codsado in muddada la kordhiyo.

Amnesty International oo Israel ku eedeysay inay marin habaabineyso dadka Lubnaan

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa Israel ku eedeysay inay bixineyso awaamiir ay dadka rayidka ah ee reer Lubnaan uga barakacineyso guryahooda, iyadoo aan siineyn badbaado amaba goobo nabdoon oo ay guryahooda iyo deegaa-nadooda uga baxaan.

Hay’adu waxay dhalleceysay awamiirta daadgureynta Israel, oo ay ku tilmaamtay mid lagu marin hababinayo dadka rayidka ah.

"Waa mid marin habaabin ah oo aan ku filneyn dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Hay’adda Amnesty International.

Amnesty International ayaa sheegtay in Israel ay ku guuldareysatay inay shacabka siiso waddo ay ku doortaan inay barakacaan.

"Digniinaha ay Israel u jeedineyso dadka rayidka ah ma siinayaan ikhtiyar wax ku ool ah oo lagu daadgureeyo.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in tani ay calaamad u tahay khatar dhab ah oo dadka rayidka ah ugu jiraan inay ku waxyeeloobaan ololaha militari ee Israel ka waddo dalkaasi.

Hay’adda Amnesty International waxay xaqiijisay in baaritaanada ay sameysay ay ku ogaatay in Israel ay dadka rayidka ah ee degan koonfurta Magaalada Beirut iyo koonfurta Lubnaan ay fartay inay ka barakacaan guryahooda, hase ahaatee aysan siinin macluumaad muhiim ah, sida waddooyin ammaan ah iyo meelaha kale ee ay rayidku badbaadada u doonan karaan.

Hay’addu waxay sheegtay in dadka nugul, sida naafada, dadka da’da ah iyo carruurta ay tahay in la hubiyo inay si nabad ah u barakacaan, haddii dalka oo dhan ay xaalad dagaal ah gelisay.

Xoghayaha Guud ee Hay’adda Amnesty International, Agnes Callamard ayaa walaac ka muujisay halista ay wajahayaan dadka rayidka ah.

Agnes Callamard ayaa sheegeysa in Israel ay u baahan tahay inay xaqiijiso in aysan ciidamadeedu waxyeelo u gaysan shacabka Lubnaan.

Dad badan oo isku dayayay inay ka cararaan guryahooda ayay duqeeyeen diyaaradahaha dagaalka Israel, intii ay raadsanayeen goobo ka durugsan meelihii lagu amray inay banneeyaan.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa bilowgii toddobaadka dhalleeceysay qaabka ay Israel u waddo hawlgalka ay kula dagaalameyso Xisbullah, iyadona uga digtay xasuuq ay ka gaysato dalkaasi.

Human Rights Watch waxay sheegtay in weerarada xagga cirka ee Israel ay qoysas fara-badan ku khasbeen inay ku go’doomaan guryahooda, halkaasina ay u badan tahay inaysan ku badbadin.

Dowladda Lubnaan ayaa marar badan cambaareysay weerarada ay Israel ka waddo dalkaasi, iyadoona ku sheegtay mid aan kala sooc lahayn.

Iyadoo Israel ay ku andacooneyso inay dagaal kula jirto Xisbullah ayaa waxaa haddana muuqato in rayidku ay yihiin dhibaneyaasha dagaalka, marka loo eego inaysan wax taxadar ah ka muujineyn badbaadadooda.

Askarigii shanaad ee nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo lagu dhaawacay Lubnaan

Sarkaal ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa lagu dhaawacay koonfurta Lubnaan ka dib markii ay haleeshay rasaas, sida ay sheegeen ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee ku sugan Lubnaan (Unifil) ayaa sheegtay in uu yahay qofkii shanaad ee ka tirsan ciidamada caalamiga ah ee la dhaawacay maalmihii la soo dhaafay.

War qoraal ah oo ay soo saartay Sabtidii shalay, Unifil waxay ku sheegtay in sarkaalka lagu dhaawacay xarun ku taal koonfurta magaalada Naquora habeenimadii Jimcaha iyada oo "dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdo meel u dhow", inkasta oo ay raacisay in aanay garanayn halka ay weerarada ka socdeen.

"Waxa uu qaliin ku maray cusbitaalkayaga Naqoura si looga soo saaro rasaasta, haatanna xaaladdiisa waa ay soo hagaageysaa," ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Dhinaca kale, ku dhawaad 20 qof ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay Jabalia oo ku taala Qassa habeenkii Jimcaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa dhakhaatiir.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu dagaalku ka socdo koonfurta Lubnaan, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay ugu baaqeen ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay inay ka baxaan goobahooda. Afhayeen u hadlay Unifil ayaa Sabtidii sheegay in uu jiray "go'aan loo dhan yahay" oo lagu sii joogayo gobolka xadka.

Dhanka kale, Unifil waxay sheegtay in dhismayaal ku yaal meel ka agdhaw tuulada Ramyah ay soo gaareen "khasaare la taaban karo oo ka dhashay qaraxyo ka dhacay duqeymo is xigxiga" habeenimadii Jimcaha.

"Waxaan xasuusineynaa dhammaan dhinacyada waajibaadkooda si loo xaqiijiyo badbaadada iyo ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha, oo ay ku jiraan ka fogaanshaha dhaqdhaqaaqyada dagaal ee u dhow xarumaha Unifil," ayaa la raaciyay.

Jimcihii, Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) waxay qirteen in ciidamadoodu ay mas'uul ka ahaayeen dhacdo ay ku dhaawacmeen laba askari oo Sri Lanka ah, kuwaas oo ku sugnaa Naqoura.

IDF ayaa sheegtay in askarta ka howlgasha agagaarka saldhigga ay rasaas fureen ka dib markii ay ogaadeen in ay jirto khatar, iyaga oona sheegay in dhacdadaan loo baari doon si "heerkeedu sarreeyo”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sri Lanka ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareysay weerarka.

Maalintii Khamiista, laba ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Indonesia ayaa ku dhaawacmay xilli ay saarnaayeen dhisme taawar ah oo loo sameeyay waxaana soo toogtay ciidanka Israa’iil oo watay taangiyada dagaalka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo wax laga weydiiyay dhacdooyinka jimcihii ayaa sheegay in uu ciidanka Israa’iil ku booriyo in ay joojiyaan rasasta ay la beegsanayaan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Hogaamiyayaasha Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain ayaa sidoo kale cambaareeyay ficilada Israa’iil, iyagoo bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay inay yihiin kuwo aan loo dulqaadan karin, isla markaana ay tahay in si degdeg ah loo joojiyo.

Horaantii, IDF waxay sheegtay in tobanaan gantaal oo kale ay Sabtidii ka soo gudbeen Lubnaan ayna galeen Israa'iil iyadoo tiro ka mid ah la qabtay.

xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip