halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes/

0
Saturday October 12, 2024 - 09:03:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes/

    ,,,,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,,,,

Madaxweynaha JFS oo shir seddex geesood ah la qaatay madaxda dalalka Ereteriya iyo Masar

Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Mudane Asias Afwerk iyo Masar Mudane Cabdullfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, halkaas oo ay ku falanqeeyen arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga saddex-geesoodka ah iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Shirkan oo muhiimad gaar ah leh ayaa Madaxdu isku weydaarsadeen aragtiyo iyo qorsheyaal ku saabsan xoojinta nabadda io hormarka gobolka, tagerada midnimada iyo madaxbananida Somalia, caqabadaha amni ee saameeya dalalkan kulaala Badda Cas iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa ilaalinta iyo nabadgelyada marin badeedkaasi.

Madaxweynayaasha oo ay wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ayaa adkeeyey in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah lagu xalin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa uga mahadceliyey dhigiisa dalalka Masar, Mudane Cabdulfatax Alsiisi, iyo Ereteriya, Mudane Asias Afwerk, sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dalalkan bahwadaagta ah, isagoo soo bandhigay aragtida dowladda Soomaaliya ee ku salaysan daris wanaagga iyo ilaalinta madaxbananida iyo midnimada dalkeenna.

Madaxeyne Xasan Sheekh oo booqday xerooyinka tababarka ciidanka Soomaalida ee Dalka Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Eritrea ayaa kormeeray xerooyin ay ku jiraan ciidamo Soomaali ah oo loo tababarayo difaaca Cirka ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo taliyeyaasha hoggaaminaya ciidankaasi, isagoo ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen mudadii uu socday tababarka.

Madaxweyne Xasan ayaa ka dhawaajiyay sida ay dowladdu uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda iyo tayada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia, Mudane Xasan Sheikh Maxamud waxa uu ciidamada kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkoda, isaga oo xusay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo difaaca hawada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray waddooyin cusub iyo kuwo kale oo lagu sameeyay dayactir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuu-riyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah, taas oo laga hirgeliyey degmada Garasbaley e gobolka Banaadir.

Sido kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay xarigga ka jaray waddada Via Uganda ee dhex marta degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Dhinaca kale R/wasasre Xamsa ayaa waxa uu dhagax-dhigaya waddada isku xirta Dabka illaa isgoyska Bakaaraha, taas oo u dhaxeysa Degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan.

Waddooyinkaan ayaa fududeyn doona isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, iyado lagu dhisay canshurta laga qaado bulsh-ada ku nool gobola Banaadir.

Dhismaha iyo dayactirka waddooyinka ayaa qeyb ka ah qorshaha hormarinta caasimadda ee dalkaaga ku dhiso hal doollar.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii la isaga kaashan lahaa fulinta Barnaamijyo horumarineed oo wax ka qabanaya dhinacyada shaqo abuurka, caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, taasi oo hortabin u leh Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda hoose ee Xamar.

R/wasaare ku-xigeenka oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay (UNDP)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay qaabbilay wafdi ka socda Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) oo ay hoggaaminayso Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo waftigaan ayaa ka wada hadlay horumarrada Soomaaliya ka sameysay sannadihii la soo dhaafay dhinacyada dawlad-dhiska, horumarinta arrimaha bulshada, soo kabashada dhaqaalaha, amniga, xasilinta degaannada la ga xoreeyey argaggixisada, iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta XFS oo Kulan la qaatay Duqa Magaalada Seatte ee Dalka Mareykanka

Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Somalia, Mudane abdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo maalmahaan ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Mohamed Egal oo ah Duqa Magaalada Seattle Gobolka Washington ee carigga Maraykanka.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ku weheliyey Xoghayaha koowaad ee Safaaradda aan ku leenahay magaalada washington DC ee Magaalo Madaxda Maraykanka & qaar ka mid ah hoggaanka Jaaliyaadda Soomaaliyeee ee Gobolka Washington oo ay hoggaaminaysay Marwo Sahra Farah oo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Seattle.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya maamulka magaalada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, iyada oo la taageerayo dadaallada lagu horumarinayo dhaqanka, warfaafinta, iyo fursadaha dalxiiska ee Soomaaliya.

Wasir Al-Cadala aya ka hadlay muhiimada ay leedahay in la kobciyo fahamka dhaqan-dhaqaale ee labada dhinac iyo in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay sii wadaan kaalmada iyo horumarinta dalkooda hooyo.

Wuxu sidoo kale soo bandhigay fursadaha dalxiiska ee Soomaaliya, isaga oo ku booriyay Duqa Magaalada SeaTac, inay ka qayb qaatan dadaallada lagu dhiirigelinayo maalgashiga dalxiiska Soomaaliya.

Duqa magaalada, Mohamed Egal, ayaa dhankiisa muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu sii wado taageerada bulshooyinka Soomaalida Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga dhex mara Soomaaliya iyo maamulka magaalada SeaTac uu noqon karo mid faa’iido leh oo labada dhinacba ka faa’iidaystaan.

Wasiir Al Cadaala ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay Gudomiyaha Gollaha deegaanka Magalada Takwille e Gobolka Washington mudane Mohamed Abdi isagoo ku soo dhaweeyey Xarunta Gollaha deegaanka Magalada Takwillae Gudoomiye Mohamed Ayaa biggaadiyey wasiirka & booqashada, isagoo wasiirka u sharaxay shaqada Gollaha deegaanka Magaalada Takwilla.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo gaaray Magaalada Seattle

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane abdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magalada Seattle, Gobolka Washington ee dalka Maraykanka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee SeaTac ku soo dhaqweeyey qaar ka mid ah hoggaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Washington oo si weyn ugu diyaar garoobay soo dhoweynta Wasiir Al-Cadaala iyo wafdigiisa oo qeyb uu ka ahaa xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington DC ee Mudane Abuukar Goley.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magalada Seattle Marwo Sahra Faarax oo in ka badan 30 sano u adeegaysay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas iyo xubno kale oo hormuudka Jaaliyadda ah ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta wafdiga wasiirka.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed Washington uga mahadceliyey soo dhaweynta wafdigiisa safarka shaqo ku jooga dalka Mareykanka, isagoo ka balan qaaday inuu waqti iyo kulamo la qaadan doono, warbixina uu ka siin doono xaaladda dalka.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo booqday xarunta Dhaqanka Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa booqday Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Wasiirka waxaa booqashadaan ku wehliyey xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Washington DC Mudane Abuukar Xasan Goley, waxaana xarunta ku soo dhoweeyey Agaasimaha, ahna aas-aasaha Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Mudane Cismaan Cali Gurey.

Agaasime Cismaan ayaa wasiirka iyo wafdigiisa ku soo wareejiyey xarunta iyo agabka yaala oo ka turjumaya jiritaanka dhaqanka wanagsan umada Soomaaliyed, wuxuuna Wasiir Al-Cadaala si weyn u dhiirigeliyey shaqada soo nooleynta dhaqanka Soomaalida ee xaruntaan iyo Agaasime Cismaan Cali Gurey ay hayaan.

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo tababar u xiray qaar kamid ah shaqaalaha

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arimaha Diinta XFS Mudane Seekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira sare u qaadista awooda u soo xiray qeyb ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaasi.

Munaasabaddii xiritaanka tababarkaasi waxaa ka Soo qeyb galay mas’uuliyiinta wasaaradda Awqaafta, Safiirka Turkiya ee soomaaliya mudane Alper Aktash iyo marti sharaf kale.

Tababarka oo muddo laba maalmood ah u socday shaqaalaha wasaaradda ayaa waxaa taageeray qeybta qeybta arrimaha diinta ee Safaarada Turkiga oo fadhigeedu yahay Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ali Yusuf Ali (Xoosh) o ay wehliyan Wasiiru Dowlaha Xildhibaan Sadad Maxamed Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa kulan la qaatay Wafdi sare oo ka socday Qaramada Midobay oo ay hogam-inayso Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agasimaha ee Dawladaha Carabta (RBAS) ee Hay’adda UNDP.

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr Lionel Laurens aya looga hadlay arimaha la xiriira geedi socodka Somalia ee Dowlad dhiska, arimaha Xasilinta, Dib-u-heshisinta, Federaalaynta iyo arrimaha horumarinta.

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gubiyeen Soomaaliya iyo UK

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midobay aya shalay si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Somalia iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.

Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva, Khadra Ducaale, oo khudbad muhiim ah ka jeedisay Golaha Xuququl Insanka ee Qaramada Midoobay, ayaa bogaadisay tallaabadan iyada oo soo bandhigtay dadaallada ay Soomaaliya ka waddo dhinaca xuquuqul insaanka iyo horumarada laga gaaray.

Ambassador Khadra ayaa sheegtay in Soomaaliya ay hiigsaneyso dhameystirka xilliga kala-guurka ee la falgalka hay’adaha xuquuqul insaanka muddo 12-bilood gudahood, iyadoo diiradda la saarayo hirgelinta qorshe-hawleed ku saleysan isla xisaabtan iyo daah-furnaan.

Waxay sidoo kale iftiimisay tallaabooyinka muhiimka ah ee dhowaan la qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin ansixinta sharciga xuquuqda naafada Qaranka, soo bandhigidda istaraatiijiyadda shanta sano ee Hay’adda Naafada Qaranka, iyo ansixinta sharciga carruurta.

Danjiraha ayaa ku adkeysatay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadidda ka-qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay, iyada oo gaar ahaan xustay muhiimada ay leedahay in hawenka iyo dadka la heyb-sooco laga qeyb geliyo go’aamada muhiimka ah. Waxay intaa ku dartay in dalku uu dadaal xooggan ugu jiro xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka.

"Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in sanadka soo socda ay soo gabagabeyso xilka Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ee arrimaha xuquuqda aadanaha, taasoo cadeyn u ah in dalka uu ku sii dhawaanayo isku-filnanta ilaalinta xuquuqda aadanaha,”

Ambassador Khadra Ducaale ayaa uga mahadcelisay beesha caalamka taagerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Ingiriiska, Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya, iyo Kooxda Ilaalinta iyo Xuquuqul Insaanka ee UNSOM, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta xuquuqul insaanka ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Switzerland ee qaabilsan waddamada Bariga Africa

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka (SoDMA) Mudane Maxamud Macallin Cabdulle oo ku gudajira socdaal shaqo oo uu maalmahan ku joogay magaalada Nairobi ayaa shalay kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Switzerland ee qaabilsan waddamada Bariga Africa oo ay ku jirto Soomaaliya Ambassador Mirko Giulietti.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareyn lahaa khasaraha ka dhasha, sidii loo xoojin lahaa wada-shaqenta deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda iyo adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin ayaa si weyn dowladda Switzerland uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay joogteeyaan taageeradooda, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay ka wada shaqeynta sidii loo hubi lahaa in ay deeqdoodu u gaaraan dadkii loogu tala galay.

Wasaaradda Awqaafta XFS iyo Midowga Xamladaha Xajka oo shaaciyey in la bilaabay qabashada baasaboorada Xujeyda

Shalay waxaa magaalada Muqdisho si wada jir ah shir jaraad uga qabtay Agasimaha Guud ee Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Ibrahim Adam Ibrahim (Nadara), io Gudomiyaha Midowga Xamladaha Xajka ka shaqeeya, Xaaji Cali Faarax.

Waxaa shirka jaraa’id lagu shaaciyey in la bilabayo qabashada baasaborada Xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya inay sanadka 1446/2025 gutaan waajibaadka Xajka.

Agaasimaha Guud, Ibrahim Adam Ibrahim, ayaa sheegay in qabashada baasaboorada Xujeyda ay socon doonto ilaa 10-ka Janayo 2025, wuxuuna ku booriyay Xujeyda in ay si degdeg ah u dhiibaan baasabooradooda, isago tilmamay in ay u dhiibaan shirkadaha ku xusan liiska ay Wasaaradda Awqaafta soo saartay.

Ciidanka Xoogga oo deegaanno muhiim ah ka sifeeyay al-shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal sifeyn ah ka sameeyey deegaanno dhaca duleedka Jowhar, Awdheegle iyo Daarusalaam oo ka wda tirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Sh.Dhexe.

Deeganadan waxa horay dadka shacabka ah ugu dhibaateyn jiray Al-shabaab, Iyadoo Ciidanka ay ka fuliyeen holgal jab xoogan loogu geystay Argagaxisada.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Abuukar Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay wali Ciidanka Xooogga dalka ku raad joogaan firxadka xubnihii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanada ay lawareegeen ciidanka.

Sidoo kale, tirada dhimashada dadka reer Lubnaa ayaa illaa hadda lagu sheegay in ku dhow kun iyo shan boqol oo ruux.

Safiirka J.F.S ee Masar oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Jabaan

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacada Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa la kulmay safiirka Safaaradda Japan ee fadhigeedu yahay Dalka Masar Mudane Oka Hiroshi.

Kulamnka labada dhinac ayaa ka dambeeyay casuumaad rasmi ah oo uu safiirka Soomaaliya ka helay dhiggiisa Dalka Jabaan oo ay naga dhaxeeyaan xiriir joogto ah oo wax ku ool ah.

Labada Danjire ayaa ka wada hadley hormarinta iskaashiga dhinacyada nabad dhalinta, la tacaalidda xagjirnimada iyo barnaamijyada hormarineed ee beeraha, kalumaysiga iyo barnamijyada caafimadka.

Danjire Awaare ayaa uga mahad celiyay Danjire Oka soo dhawaynta diirran iyo martigalinta wanaagsan ee loo sameeyay.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo booqday Isbitaalka Madiina

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto, Asad Osmaan Abdullaahi ayaa shalay booqday Isbitaalka Ciidanka Booliiska ee Madiina si uu ugu kuurgalo xaalada Isbitalka, Shaqaalaha Caafimadka iyo bukanada ku jira ee lagu baxnaninaayo.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyay, dhammaan Saraakiisha iyo shaqaalaha caafimaadka ee sida hufan uga shaqe-ynaya daryeelka dadka bukaanada ah ee taageerada u baahan.

Maamulka gobolka Hiiraan oo cambaareeyay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baladweyne

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeele ayaa cambaareeyay xasilooni darrada ka jirta magaalada Baladweyne, isagoo ku eedeeyay kooxo caqabad ku ah dowlad-nimada oo xambsaarsan aragti guracan.

Maamulka ayaa war saxaaafdeed uu soo saaray ku sheegay, in iska hor imaad dhex maray kooxahan ay ka dhalatay dhimashada qof shacab ah iyo qalqal gelinta bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne.

"Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu ilaalinayaa sareynta sharciga iyo Nabad-galyada. Cidna laga aqbali maayo inay qalqal geliyaan amniga guud ee shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoo falalka nuucaan ah ay qeyb ka qaadan karaan Kooxaha al-shabaab ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka.

Maamulku waxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdada laga baaqsan karay, waxuuna caddeeyay inuu qaadi doona tilaabooyin si loo badbaadiyo sarrayanta sharciga iyo ilaalinta amniga shacabka.

Maamulku wuxuu sheegay masuuliyadda falalka amniga liddiga ku ah inay qaadanayaan ciddii sababta u ahayd, wuxuuna intaas kusii daray in aan marnaba la aqbali doonin in kooxo qaswadayaal ah ay sameeyaan falal lid ku ah nabad-galyada shacabka.

Warkan ayaa kusoo aaday, iyadoo shalay ay magaalada Baladweyne ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Hiiraan State. Xiisadda ka dhalatay dagaalkan ayaa weli ka taagan gudaha magaalada Baladweyne.

War-murtiyeed Wadajir ah oo ka soo baxay Shir Madaxeedka Saddex-geesoodka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud, aya ka qeybgalay shir madaxed sadex geesod ah oo ka dhacay magaalada Asmara, caasimadda dalka Ereteriya, maalinimadi daraad oo ku beegneyd 10-ka Oktoobar sanadka 2024.

Shirkan waxaa martigaliyey Madaxwe-ynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, waxana sido kale ka qebgalay Madaxwe-ynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi.

Madaxda saddexda dal ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyey xaaladaha jira.

Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Waxaa kale oo lagu heshiiyey in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyed si ay ula dagaallamaan argagixisada.

Shirka waxa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka.

Madaxdu waxay isla garteen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee saddexda dal, si lo dardargeliyo iskashiga istiratijiy-aded ee dhinacyada oo dhan.

Israel oo weerar ay dad badani ku dhinteen ka gaysatay Beirut

Weerar xagga cirka ah oo habeen hore ka dhacay bartamaha Magaalada Beirut ayaa lagu dilay 22 qof, halka 117 kalena ay ku dhaawacmen, sida ay sheegtay Wasarada Caafimaadka Lubnaan.

Duqaynta oo ahayd mid is xigxigtay ayaa lagu qaaday dhismayal ku yaala xaafadaha ay dadka ku badan yihiin ee Ras El-Nabaa iyo Al-Nuweiri.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmamedka uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbullah oo lagu magacaabo Wafiq Safa.

Al Jazeera ayaa ku warantay in Wafiq Safa oo ahaa Madaxa Qaybta Xiriirka & Isku Xirka Xisbullah uu ka badbaaday weerarka.

Dad fara-badan oo ka baxay guryihii ay deganayen aya isugu so baxay wadoyinka, iyagoo ka baqdin qaba in mar kale la soo hujuumo dhismayaasha dhaadheer.

Goobaha uu weerarku ka dhacay ayaa ka baxsan xaafadaha konfured ee magalada, halkaas oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay ay si joogta ah uga dhacayeen duqaymaha ay gaysanayaan diyaaradaha dagaalka Israel.

Tan iyo wixii ka dambeeyay 27-kii bishii September, markaas oo Israel ay duqayn ku dishay Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa waxaa kordhayay weerarada ay Israel ka fulineyso magalada, gaar ahaan xaafadaha konfured oo Xoogaga Xisbullah ay ku badan yihiin.

Dadka reer Lubnaan iyo muwaadiniinta kale ee shisheeye ee ku sugan dalkaasi ayaa arka in ay soo wajahday xaalad khatar badan, ka gadaal markii Israel ay ku dhawaaqday inay meel walba oo Lubnaan kamidah ku beegsaneso Xogaga Xisbullah.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in duqaymaha cirka ee Israel ay khatar ku yihiin dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, iyadoona ka digtay xasuuq ay Israel ka gaysato dalkaasi.

Saraakiisha Lubnaan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay dileen dad rayid ah, oo isku dayayay in ay ka baxsadaan duqaymaha aan kala sooca lahayn ee ay Israel waddo.

Dadka rayidka ah ee ka cararaya guryahooda oo u badan dumar iyo carruur ayaa ka walaacsan duqaymaha Israel oo lagu sheegay kuwo aan loo meel dayeynin.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in dad kor u dhaafaya 2,160 qof ay ku dhinteen duqaymaha, halka in ka badan 10,200 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ku dhawaad 1.5 milyan oo dad rayid ah ayay duqaymuhu ku khasbeen inay qaxaan. Tiradan waa inta dalka gudihiisa ku barakacday.

Dowladda Lubnaan ayaa xaqiijisay in in ka badan 400,000 oo qof oo isugu jira Lubnaaniyiin iyo Suuriyaan, oo ka cararay koonfurta dalkaasi ay gaareen dalka Suuriya.

Weerarada ballaaran ee Israel ayaa dalka oo dhan geliyay xaalad dagal, iyadoona ay dadka rayidku yihin dhibaneyasha dagalkan.

Caalamka oo si adag u cambaareeyay ficilada aan la aqbali karin ee Israel

Israel ayaa cambaareyn xoog leh kala kulantay calamka, ka dib marki ciidamad-eda ay Arbacadi iyo Khamiistii ay weeraren Cidanka Nabad Ilalinta Qaramada Midobey ee Lubnaan ee degan aagga khadka buluugga ee kala qaybiya labada dal.

Militariga Israel ayaa Khamiistii dhaawacay laba ka mid ah Ciidanka Hawlgalka UNIFIL, markii taangiyadooda ay rasaas ku fureen taawarka sare ee ilaalada ee Xerada Ciidanka UNIFIL.

Raysal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmamtay habdhaqanka Ciidamada Israel, iyadoona warbixin la xiriirta badqabka Ciidamada Talyaaniga ka dhageysatay Taliyaha Qaybta Galbeed ee Hawlgalka UNIFIL, General Stefano Messina.

Giorgia Meloni ayaa u yeertay Safiirka Israel u jooga Magaalada Rome, si wax looga weydiiyo weerarka Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey iyo laba xarumod oo kale oo Qaramada Midobey ay aagga xuduudda ku leedahay.

Giorgia Meloni ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in sidoo kale ay xiriirtay Wasiirka Difaaca Israel, isla-markaana ay u sheegtay in waxa dhacaya ay yihiin wax aan la aqbali karin.

Dolada Indonesia o askarta dhaawacantay ay dalkeeda ka socdaan ayaa si adag u cambareysay weerarkaasi. Indonesia waa dalka ciidamada ugu badan ku taageeray Hawlgalka UNIFIL.

Turkiga ayaa dhankiisa sheegay inaanan gebi ahanba lo dulqadin karin si socoshada dembiyada ay Israel gaysaneyso.

"Ka dib xasuuqii ay u gaysatay dadka rayidka ah ee Gaza, Daanta Galbeed iyo Lubnaan, weerarka lagu qaaday Ciidamada Qaramada Midoobey waa mid muujinaya dembiyada Israel ee aan ciqaabta lahayn. Beesha Caalamka waxaa ku waajiba inay xaqiijiso in Israel ay u hoggaansanto xeerarka caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasarada Arimaha Dibada Turkiga.

Canada oo dhankeeda cambaareysay weerarkaasi ayaa ku qeexday wax laga naxo, isla-markaana aan la aqbali karin, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska oo cambaareysay weerarkaasi ayaa Maamulka Israel ka dalbatay inay sharaxad ka bixiyan sababta loo begsaday saddexdaasi goobood. Faransiiska waxaa halkaasi ka jooga 700 oo askari.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay inaanan wax cudurdaar ah loo heli karin in la weeraro Ciidanka Qaramada Midoobey, iyadoo si fiican loo garanayo buu yiri meelaha ay degan yihiin.

Spain ayaa sheegtay in weerarku uu yahay xadgudub qaawan oo ka dhan ah qaanuunka caalamiga ah, halka Ireland ay weerarka ku sheegtay taxadar la’aan ka timid Ciidamada Israel. Labada dal waxay ka mid yihiin kontonka dal ee ciidamada tobanka kun gaaraya ku yaboohay Hawlgalka UNIFIL.

Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Lubnaan, Jeanine Hennis-Plasschaert oo Golaha Ammaanka warbixin ka siisay xaaladda dalkaasi ayaa sheegtay inay korodhay heerka halista ah, isla-markaana ay ciidamadu joojiyeen howlahoodii shaqo ee xuduudda.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov ayaa ku baaqay in dunida ay wax ka qabato duqaymaha aan joogsiga lahayn ee Israel.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Moscow ayaa sheegay in colaadda ka sii dareysa ee Bariga Dhexe ay cawaaqib xun ku yeelan karto gobolka oo dhan.

Peskov ayaa xusay in boqolaal kun oo qof oo dad rayid ah ay halis ugu jiraan dagaalka ay Israel ku wada fidisay dalka Lubnaan oo dhan, ka dib hawlgalkeeda militari ee Marinka Gaza.

"Nasiib darro dagaalka mar horeba waa uu fidayay, waxaana hadda lagu daray safafka Lubnaan. Dhammaan waxyaabahaas oo dhan si dabiici ah waxay keenayaan burburka kaabeyaasha rayidka.” Ayuu yiri Peskov oo is dultaag ku sameynaya waxa ka socdo Lubnaan iyo Gaza.

Paris iyo Washington ayaa ku taliyay in la xoojiyo oo la tayeeyo Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan iyo in dowladda dalkaasi laga caawiyo inay hanato ammaanka dalka oo dhan.

Safiirka Faransiiska ee Qaramada Midobey, Nicolas de Riviere ayaa sheegay in xalka qalalaasaha Lubnaan uu ku xiran yahay Lubnaan oo xoog badan.

Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Robert Wood oo isna ka hor hadlayay Golaha Amaanka ayaa jediyay mid la mid ah hadalka Danjiraha Faransiiska.

Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ahna Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga, Kamala Harris ayaa Khamiistii ku baaqday in xabad joojin laga sameeyo Gaza iyo Lubnaan.

"Waa inaan gaarno xabbad joojin, waana inaan hoos u dhigno xiisadda.” Ayay tiri Kamala Harris.

Kamala Harris waxay ka gaabsatay inay cambaareyso rasaasta ka soo dhacday dhinaca Ciidamada Israel ee lagu weeraray Xerada Ciidanka UNIFIL iyo labada goobood ee kale ee Qaramada Midoobey.

Dad badan ayaa ku doodaya in isla xisaabtan la’aanta dunida ee Israel ay Tel Aviv ka dhigtay mid fududeysata ku dhaqan la’aanteeda xeerarka caalamiga ah bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Walaaca ku saabsan duqeymaha Israel ee Lubnaan & Gaza oo sii kordhaya

Israa’iil ayaa dishay ugu yaraan 22 qof,isla markaana dhaawacay 117,kadib markii ay duqemo kuweraren bartamaha magalada Beyruut,halkaasi oo ay ku burburiyeen laba dhismo oo la deggan yahay.

Sidoo kale ciidamada Israel ayaa maalinimadii daraad duqeymo xagga cirka ah ku dilay 63 Falastiiniyiin ah oo ku sugna Marinka Gaza sida lagu ogaaday Ilo-waredyo caafimaad oo la xiriiray Al Jazeera

Waxaa muddo todobaad ah sii xoogeysanaya go’doominta milatari Israel ay ku hayaan dhulka waqooyiga ah ee Gaza, iyado duqeymaha xagga cirka ah ay maalin kasra ku dhimanayaan dad rayid ah.

Dhinaca kale, Madaxa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan ayaa u sheegay golaha ammaanka in badbaadada iyo ammaanka ciidamada nabad-ilaalinta Lubnaan ay ay wajahayaan khatar, iyadoo ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen xarumaha UNIFIL ee koonfurta Bryruut, halkaasi oo ay ku dhaawaceen laba ruux.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Israa’iil ay geysanayso dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, kadib kolkii ay weeraro ula kac ah ay ku fuliyeen xarumaha daryeelka caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka ee Gaza.

Qaza, ugu yaraan waxaa illaa hadda ku dhintay 42,065 qof, halka dhaawacu uu marayo 97,886.

Cabsi soo wajahday Sacuudiga, Emirate-ka & Qatar iyo baaq ay u direen Mareykanka

Dowladaha Sacuudiga, Emirate-ka Carabta iyo Qatar ayaa Dowladda Mareykanka ka codsaday inay ka hortagto weerar ay Israel ku qaaddo xarumaha saliidda ee dalka Iran.

Wararka ayaa sheegaya in dowladahan ay ka baqdin qabaan in ay Iran bartilmaameedsato ceelasha shidaalka ee saddexdaasi dal.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka gadaal markii Tehran ay Riyadh, Abu Dhabi iyo Doha uga digtay in hawadooda loo adeegsado goob laga soo weeraro dalkeeda, haddii kalena ay dagaalka qayb ka noqon doonaan.

Dalalkan ayaa si dhab ah u qaatay digniin kaga timid Iran, isla-markaana ay u cabsadaan in la burburiyo wax soosaarkooda ugu muhiimsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi oo Arbacadii Magaalada Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa si dhow uga wada hadlay xaaladda kacsan ee gobolka iyo sidii isku dhac ballaaran looga baaqsan lahaa.

Dowladaha Khaliijka oo xulafo la ah Mareykanka ayaa isku dayaya in ay Mareykanka ku cadaadiyaan in saamayntiisa uu u adeegsado Israel, si loo xakameeyo.

Jonathan Panikoff oo horey uga tirsanaa Sirdoonka Mareykanka ee ka hawlgala Gobolka Bariga Dhexe ayaa sheegay in walaaca dalalka gobolka uu noqon doono qodob muhiim ah, oo ay ka wada hadlaan dhigooda Israel.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa horey walaac uga muujiyay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii Israel ay beegsato xarumaha tamarta ee dalkaasi.

Madaxweyne Biden iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii khadka teleefanka isaga wareystay jawaabta Tel Aviv ay ka bixin karto weeraradii gantaal ee Tehran ay 1-dii bishan ku qaadday Israel. Wada hadalkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay oo ay yeeshaan, tan iyo bishii August,

Aqalka Cad ayaa doonaya in jawaabta Israel ay noqoto mid ay u fuliso si taxadar uu ku jiro, oo macnaheedu yahay inaysan isku weerarin xarumaha saliidda ee Iran.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaan illaa iyo hadda ka hadlin in Washintgon ay Tel Aviv middaasi ku qancisay iyo in kale, ha yeeshee Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ku hanjabay in jawaabta Tel Aviv ay noqon doonto mid halis ah, oo sax ah iyo weliba la yaab leh.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Israel uga digay burbur dhan kastaba leh, haddii aysan ka fiirsan weerarka ay karkarineyso.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in Washington ay dareensan tahay in goobaha shidaalka ee Mareykanku gacanta ku hayo ee dalka Suuriya ay xitaa bartilmaameed noqon karaan, haddii la isku dayo in dhaqaalaha Iran la curyaamiyo.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa qortay in sicirka saliidda uu kor u kacay boqolkiiba afar (4%), iyadoona u sababeysay cabsida ka jirta gobolka iyo duufaanta ku dhufatay Mareykanka.

Danta gobolka iyo tan dhaqaalaha caalamka ayaa la sheegaya in ay ku jirto Mareykanka oo Israel ka hor istaago gacanta culus ee laga yaabo inay u adeegsato Iran, taas oo keeni karta in gobolku uu isla qarxo.

Mareykanka waxaa loo arkaa dal gacmaha qaban kara Israel, inkastoo xiriirka hoggaamiyeyaasha labada dal aanu wanaagsaneyn.

Iran oo mar kale diyaar u ah inay ruxdo Israel

Dowladda Iran ayaa wacad ku martay in jawaab aan la arkin ay ka bixin doonto, haddii Israel ay weerar ku soo qaaddo taako ka mid ah dalkeeda.

Warbaahinta gobolka ayaa ku warameysa in Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah uu miiska u saaran yahay bartilmaameedyada la weerari doonto ee Israel.

Warbaahinta waxay sheegeysaa in Iran aysan ka laba labeen doonin inay mar kale weerarto dhulka Israel iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, balse ay saldhigyada ku leeyihiin Ciidamada Israel.

Wararka ayaa sheegaya in Ilaalada Kacaanka Iran ay rakibteen gantaalada guuxooda ka dheereeya ee qorshuhu yahay in lagu garaaco Israel, haddiiba ay dhacdo in la soo weeraro.

Iran ayaa toddobaadkii hore 181 gantaal ku weerartay Israel, markaas oo ay ka aargudaneysay dilkii Israel ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Caasimadda Tehran.

Ebrahim Jabbari oo ah La taliyaha Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka, Hossein Salami ayaa sheegay in waxa ay Israel sugtaaba uu yahay jawaab adag.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay kun gantaal ku harqin doonaan dhulka yar ee Israel, taas oo ciriiri badan gelin doonto sida uu sheegay Israel.

Waxa uu sheegay xarumaha ammaanka, saldhigyada militariga iyo dhaqaalaha Israel ay dhammaantood noqon doonaan bartilmaameed.

Ebrahim Jabbari ayaa tilmaamay jugraafi ahaan in Israel ay ku fadhiso cabir yar, marka loo eego dalka Iran, sidaasi daraadeedna ay tahay in Tel Aviv ay taxadarto.

"Sahyuuniyadda waa inay ka taxadaraan dhibaatooyinka ka dhalan kara aargoosiga Iran.” Ayuu yiri Ebrahim Jabbari.

Jabbari ayaa ka digay in Iran ay awood buuxda u leedahay inay muddo gaaban ku burburiso Israel oo dhan.

"Waxaan nahay dal ballaaran, waxaanu abuurnay awood aanu kaga dhiidhin karno, haddii meel ka mid ah dalkeenna la soo weeraro, laakiin maxay samayn doonaan? Mareykanku kuma dhiiran doono inuu dagaal nala galo, maxaa yeelay si degdeg ah ayaan u dhalan rogi karnaa dhulkaas yar.” Ayuu yiri Jabbari.

Iran waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe, waana cadowga Israel iyo Mareykanka ee gobolka.

Iran waa dalka keliya ee hubeeya ururada hubeysan ee gobolka ee dagaalka kula jira Israel.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip