HALKAAN KA AQRISO. WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES
Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Eretria
Madaxwenaha JFS mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaami-naayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea.
Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulamo la yeelan doona madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arimaha geeska Afrika.
Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka ah ee Somalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa safarka ku wehliyo wasiirka arimaha dibadda mudane Axmed Macalin Fiqi.
Soomaaliya iyo Eritrea oo ka wada arrinsanaya xasiloonida gobolka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabantay booqasho shaqo oo rasmi ah.
Madaxweynaha ayaa garoonka diyaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxwenaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.
Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha JFS oo tababbar u soo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay tababbar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee Komaandooska Danab.
munaasabada saraakiishan tababbarka loogu soo xidhayo ayaa ka dhacday xerada Dugsiga loogu magacdaray halyeeygii Gaashaanle Xasan Tuurre ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay dhigiisa Imaaraadka Carabta
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarla-maanka Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shalay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay dhigiisa Baarlamaanka Dowladda Imaaraadka Carabta mudane Saqr Ghobash.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.
Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhigisa kaga mahad celiyay casumaada rasmiga ah ee uu u sameyay iyo qaabilada kulanka shalay ee ka dhacay xarunta baarlamaanka dowladda Imaaraadka Carabta.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtin-imada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamanka Jaamacada Carabta.
Wasiir Fiqi oo Qaabbilay Agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigenka Agasima Goboledka Dalalka Carabta ee Barnamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo wafdi ay hoggaaminaysay.
Labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowlada Federalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.
Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, muhiimadda isku-duwidda dedaallada horumarineed si looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida beeraha iyo kallumeysiga.
Kulanka ayaa sidoo kale waxay kaga wada hadleen caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka sii socda ee Wasaaradda Arrimaha Dibada ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado horumar waara oo Soomaaliya ay ka gaarto dhinacyada horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay Safiir ku xigeenka Findland ee Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukumada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala hadlay dowlada Finland xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo socdaalka.
Wasiirka oo kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Ku-xigeenka Danjiraha Finland u fadhiya Soomaaliya Marwo Nelli Mikkola, ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan Soomaaliya, si looga guuleysto kooxaha Al-shabaab ah oo dhibaato ku ah amniga gobolka iyo midka caalamkaba.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la kulmay Safiirka Qatar u jooga Soomaaliya
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Osmaan abdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr. Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo ladagaallanka argagixisada iyo taageerada Dowladda Qatar ee dhinaca tababarada iyo qalabenta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Waxay sidoo kale ka wada hadleen doorka Dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta tayada Cidanka iyo xaqijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya, si loo adkeeyo amniga iyo wada shaqeynta labada dal ee dhinaca Boliiska.
Wasiirka Cadaaladda XFS oo la kulmay Agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta
Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Dasturka, mudane Xasan Macallin iyo Agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta, Ms. Marina Walter, oo booqasho ku timid dalka ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay horumarinta xariirka iyo wadashaqeynta, fulinta mashaariicda ay ka wadashaqeyan labada dhinac, dhamey-stirka Dastuurka iyo baahinta adeegyada cadaaladda.
Ms. Marina Walter oo wasiir Xasan uga mahadcelisay qaabilada heerkedu sareyo, ayaa hey’adaha u xilsaaran arrimaha dib-u-eegista dastuurka ku bogaadisay hormarrada laga sameeyay geedi-socodka dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka.
Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Faysal Aadan, Madaxa xafiiska UNDP Soomaaliya, Lionel Laurens iyo saraakiil sare oo ka tisan xafiiska UNDP Soomaaliya, ayaa ku dhamaaday is-afgarad.
Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi Carabiya iyo Kuwait
Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador; Khadra Ducaale ayaa halkaas kulan kula qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ambassador Abdulmohsen M.Binkhothaila.
Ambassador Khadra Ducaale iyo dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay adkeynta xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo ee labada dal, xaaladda gobolka iyo hannaanka ugu wanaagsan adkeynta xiriirka labada dal iyo in si dhow u wada shaqeeyaan labada xafiis.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa sidoo kale kulan la qaadatay Safiirka Kuwait ee dalka Switzerland Ambassador Nasser A. Al-Hayan iyagoo ka hadlay iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dalalka Soomaaliya iyo Kuwait.
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo Nairobi kula kulmay safiirka Sweden ee Soomaaliya
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Joachim Waern oo ay wehliso Madaxa barnaamijka adkeysiga qaybta Soomaaliya Cecilia Kleimert.
Shirkaan waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareyn lahaa khasaaraha ka dhasha, sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda, adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa si weyn dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada muddada dheer ah ay la garab taagantahay Soomaaliya, si gaar ah dhismaha Xarunta NEOC oo udub-dhexaad u ah arrimaha gargaarka degdega ah.
Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyey xadka Baay iyo Bakool
Ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgal ay shalay ka fuliyeen deegaanno dhaca xadka gobollada Baay iyo Bakool ku burburiyay goobo ay maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ku dhuumaaleysanayen.
Hawlgalka qorsheysan ee lagu baacsanayo Al-shabaab ayey Ciidanku ka sameeyeen deegaannada Ceelshariif, Mooro-Busle iyo Ceel-Mareere oo ku yaala inta u dhexeysa degmada Bardaale, iyo deegaanka Goofguduud Buurey, waxaana ay Ciidanka Xoogga dalka ay cagta mariyeen saldhiyo ku sheegii Al-shabaab ay ku dhuumaaleysanayeen.
Taliyaha ururka 47aad eeeguutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka laba xidigle Axmed Maxamed Nuur ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanku ay ku guuleysteen inay shacabka ka dulqaadaan dhagartii iyo isbaarooyinka ay Al-shabaab ugu dhigan jirtay dhulka howdka ah.
Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin
Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa habeen hore abaalmarin guddoonsiisay jilayaasha Taxanaha Dabin, shirkadda Asal oo maalgelisay iyo App-ka Nasiye oo lagu soo bandhigay, maamulayaasha, jilaayaasha iyo shaqaalaha farsamada ee taxanaha, iyagoo lagu abaal mariyay laguna dhiirigaliyay tayadooda.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiijo Maxamed Almakhzoumi ayaa bogaadisay hindisahan lagu soo bandhigaya aflaamta ka tarjumaya danaha bulshada, waxanaya fartay in lagu soo daro wacyi gelin ku saabsan ilaalinta deegaanka.
"Waxaa codsanaa in fanaaniinta ay Filimada kuso daran wacyigalinta deganka, maadama ay dhibaato naga haysato ilaalinta deegaanka dalkeena.”
Mareyaha Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in muqdisho ay soo martay xaalado badan oo mugdi iyo murugo leh haatanna ay dhinaca kale isu rogtay, wuxuuna tusaale usoo qaatay Filimka ay soo bandhigeen dhallinyada Soomaaliyeed oo ka tarjumaya bilicda iyo soo kabashada dalka gaar ahaan goobaha dalxiiska oo ay ka mid tahay quruxda xeebteenna.
"Filimkan ay dhallinyada soo bandhigeen waxaa ka muuqda quruxda magaalada Muqdisho, bilicda Xeebtena dhallinyadana aad ayaan ugu mahad celinayaa.”
Agaasimaha Wakaalada Filimadda Soomaaliyed Ali Abdulqaadir Ali "Maykal” ayaa sheegay in Wakaaladdu ay diyaar u tahay in ay dhiirigeliso Shirkadaha filimada, ayna qayb ka noqdan ilaalinta dhaqankena suubban.
Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa haatan wadda qorshe baaxad leh oo lagu dhiirri gelinayo Aflaamta maxalliga ah ee lagu wacyi gelinaya dhallinyarada iyo bulshada qaybaheeda kale.
SSC Khaatumo oo deegaanadeeda ka mamnuucday in lagu dhex qaato hubka
Maamuka SSC Khaatumo ayaa soo saaray go’aano la xariira inaan wax hub ah lagu dhex qaadan karin magaalooyinka ay maamusho SSC Khaatumo.
Wasiirka Wasaarada Warfafinta Khaatumo oo shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidan aan ahayn ciidanka maamulka SSC Khaatumo ineysan wax hub la dhex mari karin magaalooyinka SSC khaatumo.
"Ciidamada kala ah Darawiishta, Booliiska, Asluubta iyo Ciidanka Nabad Sugida kaliya ayaa hub ku dhex wadan kara magaalo-oyinka Khaatumo, ciidii ka baxsan ciida ka Khaatumo oo lagu arko hub waxaa laga qaadi doona talaabo adag oo sharciga waafaqsan" ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Warfafinta SSC Khatumo Najiib Barkhadle.
Wasiir Najiib Barkhadle ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada SSC iney la shaqeeyaan maamulka Khaatumo oo uu sheegay inuu u taagan difaaca dadka iyo deegaanadaas.
Hadalkaan kasoo yeeray SSC Khaatumo ayaa la ogeyn sida uu uga dhaqan gali karo magaalooyinka maamulkaas oo qaarkood marar badan ka dhaceen dagaalo noocya kala duwan leh.
Somaliland oo ku baaqday in doorashada si bilaa turxaan ah loo galo
Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada ugu baaqday in doorashada loo galo si bilaa cunfi ah, oo aan dhibaato ka tagin.
Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi gaar ah siiyay SKY Cable, ayaa mucaaradka usoo jeediyay in cunfiga laga fogaado.
"Saaxiibaday waxan leeyahay si turxaan li'i ah aynu u tartano oo qaranimo ku jirto, kursiga in aynu ku tartano xaq ayaynu u leenahay lakiin yanay noqon mid dal daloolisa qaranimada" ayuu yidhi Wasiir Koore.
Koore waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay rajaynayaan in ay markale guul ka gaadhaan doorashooyinka, isaga oo ku andacooday in xukuumada Kulmiye ay qabatay laban laab in ka badan wax qabadyadii ay balan-qaadeen 2017.
Ollolaha doorashooyinka ayaa bilaabmi doona bishan October dhexdeeda, iyada oo markii labaad ay Somaliland ka qabsoomi doonto doorasho isku sidkan, oo ka kooban doorashada madaxtooyada iyo ururada siyaasada.
Qaramada Midoobey oo sheegtay in Israel iyo Xisbullah ay ka gudbeen heerka is xakameynta
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka digaya kororka isku dhacyada hubeysan iyo burburka soohdinta Lubnaan iyo Israel, isla-markaana aysan tani xalin doonin arrimaha asaasiga ah iyo in la helo amni & xasillooni mustaqbalka fog ah.
Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Lubnaan, haweeneyda lagu magacaabo Jeanine Hennis-Plasschaert iyo Taliyaha Cidanka Nabad Ilalinta Qaramada Midobey ee Lubnan ee Hawlgalka UNIFIL, General Aroldo Lázaro ayaa sheegay in hal sano ka dib ay duqaymihii Israel iyo Xisbullah isu bedeleen olole militari oo ballaaran.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka gudbeen heerka is xakameynta, ka dib markii sida ay sheegeen baaqyadooda la dhageysan waayay.
"Shalayy hal sano ka dib duqaymihii maalinlaha ahaa ee la is weydaarsanayay waxay isu bedeleen olole millatari oo aan kala joogsi lahayn, oo saamayntiisa bani’ad-ntinimo aanay ka yareyn masiibo.” Ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen jananka iyo haweeneydaasi.
Bayaanka ayaa lagu yiri "Duqaymaha joogtada ah ee Israel oo hadda qayb ka ah nolol maalmeedka Lubnaan iyo gantaalaha Xisbullah ku soo rideyso Israel, dad aad u tiro badan ayaa ku bixinaya qiimo aan la qiyaasi karin. Qaar badan ayaa ku dhintay, in badan oo kalena way ku dhaawacmeen, boqolaal kun oo kalena way ku barakaceen.”
Taliyaha Hawlgalka UNIFIL iyo Jeanine Hennis-Plasschaert waxay sheegeen in kororka rabshadaha iyo weerar dhinaca dhulka ah oo la sameeyo ay dhinacyada ka fogeynayaan qaraarkii nabadeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 1701 (2006) iyo shuruudaha kale ee lagama marmanka u ah nabad-gelyada waarta ee shacabka labada dal.
"Si loo sheego waxa muuqda gantaal kasta ama bam oo la rido iyo weerar dhulka ah oo la sameeyo waxa ay dhinacyadu ka sii fogeynayaan aragtidii lagu dejiyay qaraarka 1701 (2006) iyo sidoo kale shuruudaha lagama maarmaanka u ah dhinacyada Khadka Buluugga ah.” Ayay ku sheegeen bayaankooda.
Waxay sheegen in colaada la ballaarinayo iyo burburkuba aysan xal u noqon karin shacabka labada dhinac iyo weliba deegaanada xuduudda ee labada dal.
Waxay kaloo sheegeen in shacabkii deganaa deegaanada xuduudda ee labada dhinac aysan soo laaban karin, haddii aysan labada dal go’aansan in colaadda lagu xaliyo wadaxaajod diblomaasiyadeed.
"Waxa kale oo cad in rabshado iyo burbur hor leh aanay xalineynin arrimaha salka ku haya ama aanay cidna ka dhigi doonin mid nabad ah mustaqbalka fog. Taas bedelkeeda wada-xaajoodka waa dariiqa keliya ee lagu soo celin karo amniga iyo xasiloonida ee dadka rayidka ah ee labada dhinacba.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Dagalka ka soconaya deeganada xuduuda ayaa saamayn weyn ku yeeshay Ciidanka UNIFIL, kuwaa oo degan aagga khadka buluuga, iyadoo ayna Ciidanka Qaramada Midobey noqden kuwo lagu dul dagalamayo.
Ciidamadu waxay gebi ahaanba joojiyeen roondadii ay ku samayn jireen deegaanada xuduudda, dhaqdhaqaaqooduna hadda ma dhaafsiisana xeryahooda, sababtu tahay xaaladda adag ee soo korortay.
Ciidamadan oo ku shaqeeya amarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban 10,000 oo askari iyo 800 o shaqale rayid ah oo ka kala socda 50 dal.
Golaha Ammaanka ayaa bishii March ee sanadkii 1978-kii aasaasay Hawlgalka Nabad Ilaalinta ee UNIFIL, si loo xaqiijiyo ka bixitanka Israel ee Lubnaan, soo celinta nabadda & amniga caalamiga ah iyo in laga caawiyo Dowladda Lubnaan tababarada ciidamada iyo xoojinta dowladnimada.
Hawlgalka UNIFIL ayaa la ballaariyay sanadkii 2006, ka dib dagaalkii 33-ka maalmood socday ee dhex maray Israel iyo Xisbullah, iyadoona uu ujeedku ahaa in ay xaqiijiyaan heshiiskii xabad joojinta ee ay Qaramada Midoobey riixeysay. Dagalkaasi oo qarxay 12-kii bishii July, 2006 ayaa istaagay 14-kii bishii xigtay ee August, markas oo ay dhaqangashay xabad jojin ay Qaramada Midobey garwaden ka ahayd.
Israel ayaa 23-kii bishii ina dhaaftay ee September ku dhawaaqday hawlgal ay ugu magac-dartay (Fallaaraha waqooyiga), kaas oo ka dhan ah Ururka Xisbullah. Hawlgalka oo ku bilowday duqaymo culus oo dhanka cirka ah ayaa waxaa xigay duulaan xadidan oo dhinaca dhulka oo 1-dii bishan ay Israel ku dhawaqday, iyadona ay natiijadu noqotay in 6 maalmod ka dib ay ku dhawaqdo in la ballaariyay hawlgalkii dhinaca dhulka ee deegaanada koonfurta Lubnaan, taasoo calaamad u ah in labada dhinac ay u jiheysteen dagaal ballaaran.
Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey oo dhexda u galay Israel iyo Xisbullah
Xoogaga Ururka Xisbullah iyo Ciidanka Difaaca Israel ayaa toddobaadkii labaad ku dagaalamaya deegaanada xuduudda ee Israel iyo Lubnaan.
Israel ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ay ballaarisay hawlgalka dhinaca dhulka ee deegaanada koonfurta Lubnaan, ka dib markii ay ciidan dheeraad ah gaysay xadka. 15 kun o askari o ka tirsan Militariga Israel ayaa ka qayb qaadanaya hawlgalka.
Dagaalka labada dhinac ayaa ku fiday aagga khadka buluugga, oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan (UNIFIL).
Inkastoo labada dal ay wadaagaan xuduud dheer, haddana Ciidanka UNIFIL ayaa khadka buluugga u jooga ammaanka barta kala qaybisa xuduudda labada dal iyo in laga hortago rabshadaha yaryar ee cola-adaha hurin kara.
Xisbullah ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay ku xadgudbeen heshiiskii nabadda ee khadka buluugga, ka dib markii ay isku dayeen inay halkaasi ka soo galaan dalka Lubnaan.
Xisbullah ayaa sheegtay, ka dib markii Ciidamada Israel ay ku fashiliyeen inay dalka ka soo galaan xuduudda inteeda kale ay Talaadadii damceen inay ka soo galaan aagga khadka buluugga, oo ah goob militariga ka caagan.
Militariga Israel ayaa toddobaadkii hore Xoogaga Qaramada Midobey ka dalbaday inay 5km ka guuraan khadka buluugga, isla-markaana ay gudaha u galaan konfurta Lubnaan, balse Qaramada Midoobey ayaa ku gacan seyrtay.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlaha Nabadda, Jean-Pierre Lacroix ayaa sheegay in Ciidanka Qaramada Midoobey ay sii joogi doonaan halka ay kaga sugan yihiin xuduudda.
Ciidamadii howlaha nabadda halkaasi ka waday waxaa la leeyahay waxay halis ugu jiraan hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalka culus la isku adeegsanayo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidanku ay joojiyeen gebi ahaanba kormeerkii ay ku samayn jireen deegaanada xuduudda, isla-markaana ay keeb la yuurur ku yihiin xeryahooda.
Ciidanka UNIFIL ayaa ku dhawaad muddo 20 sano ah door muhiim ah ka ciyaarayay xasilloonida xuduudda, si looga fogaado kicin aan ula kac ahayn, iyada oo loo marayo habka isku xirka hawlgalka.
Colaaddan ka hor, UNIFIL waxay ahayd tan mar kasta u taagan xalinta is faham la’aanta soo kala dhex gasha dhinacyada iska soo horjeeda ee ku wada sugan xuduudda labada dal. Muddadaasi UNIFIL waxay ku guuleysatay inay xakameyso dhinacyada, haatanse xaalku waa uu ka duwan yahay sidii hore.
Tan iyo 8-dii bishii October ee sanadkii hore waxaa cad in Ciidanka UNIFIL ay ku guuldareysteen inay xakameyan Militariga Israel iyo Xoogaga Xisbullah, waana tan keentay in muddooyinkii ugu dambeysay ay kordhaan gantaalada isaga gudba deegaanada xuduudda. Colaadda labada dal ayaana salka ku haysa dagaalka ka soconaya Marinka Gaza.
Israel oo ka madax adeygtay in ay soo afjarto duulaankeeda Gaza ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee Setember dagaalka xoogiisa u wecisay dhinaca dalka Lubnaan, iyadoona wacad ku martay in ay burburin doonto Xisbullah.
Taliska Militariga Israel waxay sheegeen in qorshaha socda uu yahay in Xoogaga Xisbullah laga sifeeyo deegaanada xudu-udda iyo in xasillooni lagu soo dabaalo xuduudda.
Israel ayaa waxay u muuqataa inay si buuxda isugu furtay furin labaad oo gobolka ah, xilli ay mudo sanad ah dhibato badan ka mareysay, sidii ay uga adkaan lahayd Ururka Xamaas ee Falastiin.
Israel oo beegsatay dhisme ay Safaarado ku ag yaallaan, gudaha Dimishiq
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa habeen hore weerar ku qaaday dhisme la degan yahay oo ku yaala Magaalada Dimishiq ee dalkaasi Suuriya.
Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay xaafadda Mazzeh, ka gadaal markii diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen dhisme 12 dabaq ka kooban.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in toddobo qof ay ku dhinteen weerarka, oo ay ku jiraan carruur iyo haween, 11 kalena ay ku dhaawacantay.
SANA ayaa ku warantay in diyaaradaha Israel ay beegsadeen dhisme ay shacabku degan yihiin iyo xarun kale oo ganacsi.
Shaqaalaha gurmadka degdegga oo goobta gaaray ayaa dhibaneyaasha u qaaday goobaha caafimaadka ee magaalada.
Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur soo gaaray dhismaha la deganaa, dhegxaanta burburka oo daboolay waddada hoose iyo qashin dusha kaga soo daatay baabuur halkaasi tiilay.
Dhismaha la weeraray ayaa u dhow Xarunta Safaaradda Iran, iyadoo xaafadda Mazzeh ay ku yaallaan dhowr Safaaradood iyo weliba xarumo ammaan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhismaha ay inta badan tagaan Saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran iyo Ururka Xisbullah.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in xilligii uu weerarku dhacayay uu dhismaha kulan uga socday xubno ka tirsan Xisbullah iyo Ilaalada Kacaanka Iran.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa si adag u cambaareysay weerarka, waxayna ku sheegtay mid ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan is difaaci karin.
Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in dunida looga baahan yahay tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo Israel, si aysan gobolka ugu jiidin iska horimaad ka dhalan doona sida sheegtay cawaaqib xun.
Iran ayaa dhankeeda cambaareysay weerarkan, iyadoona ku eedeysay Israel, inkastoo Israel aysan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin weerarkaasi. Israel ayaan inta badan ka hadlin weerarada xagga cirka ee ay ka fuliso dalkaasi.
Safaaradda Iran ee Suuriya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aysan jirin muwaadiniin reer Iran ah oo lagu dilay amaba ku dhaawacmay weerarka.
Israel ayaa tan iyo sanadkii 2011 dalka Suuriya ka wadday duqaymo ay ku bartilmaameedsaneyso Saraakiisha Suuriya, kuwa Militariga Iran iyo xubnaha ay la xiriiriso Xisbullah.
Weerarka ayaa imanaya, iyadoo gobolku uu qarka u saaran yahay isku dhac ballaaran.
Mareykanka iyo Israel oo u muuqdo in mad madow uu soo kala dhexgalay
Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa si lama filaan ah u baajiyay safar la qorsheyay in Talaadadii uu ugu ambabaxo dalka Mareykanka.
Wasiirka ayaa lagu waday in Arbacadan uu Magaalada Washington kula kulmo dhiggiisa Mareykanka Lloyd Austin, si looga wada hadlo kororka xiisadda Bariga Dhexe iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara dagaal goboleed.
Sabrina Singh, Kuxigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii xaqiijisay in kulanka labada nin uu baaqday, inkastoo aysan wax tasaafiil ah ka bixin sababta. Ma cadda goorta ay kulmi doonaan.
Washington Post ayaa daabacday in Wasiirku uu daqiiqadihii ugu dambeeyay baajiyay safarkiisa, tani oo ay u sababeysay xiriirka hoggaamiyeyaasha labada dal oo sii cakirmaya.
Warbaahinta Mareykanka ayaa shaki gelisay taageerada Maamulka Madaxweyne Joe Biden ee Israel, iyadoo laga cabsi qabo in isku dhac ballaaran uu gobolka ka qarxo.
Wararka ayaa sheegaya in Israel ay u baxsaneyso inay jug culus u gaysato Iran, taasoo sida la sheegayo uu Mareykanku ka soo horjeedo.
Madaxweyne Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in Mareykanka iyo Israel ay tahay inay wadatashi ka yeeshaan, sida ay Israel uga jawaabeyso weeraradii gantaal ee Iran. Madaxweynaha ayaa xilligaasi ugu baaqay Israel inaysan beegsan bartilmaameedyada saliidda ee dalkaasi.
Biden oo 4-tii bishan markii ugu horreysay, muddadii uu xafiiska joogay ka soo muuqday qolka shirarka ee xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad ayaa wuxuu yiri "Haddii aan booska Israel taagnaanaan lahaa, tallaabo kale ayaan ka fekeri lahaa.”
Khamiistiini wuxuu Biden sheegay inaanu taageersaneyn in Israel ay hadaf ka dhigato goobaha nukliyeerka ee Iran, bacdamaa ay gobolka ku riixi karto dagaal dhan walba leh.
Inkastoo Washington iyo Tel Aviv aysan weli aragti mideysan ka qaadan jawaabta laga yaabo in Israel ay ka bixiso weerarkii gantaalada loo adeegsaday ee ay Iran 1-dii bishan ku qaadday Israel, haddana Washington ayaa ka soo horjeeddo in Tel Aviv ay weerarto xarumaha tamarta nukliyeerka iyo saliidda ee dalkaasi.
Wasiirka Difaaca Israel ayaa Axaddii sheegay in Israel ay go’aansatay in ay si adag uga aargudato Iran, balse ma sheegin goobaha la qorsheeyay inay weerarayaan. Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in kaabeyaasha rayidka ee Iran ay ka mid yihiin waxyaabaha miiska saaran, ayna suurtagal tahay in la weeraro.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Israel ay haysato ikhtiyaaraad kale oo xilligan ay kaga aargudan doonto Tehran, isla-markaaa aan ahayn meelaheeda ugu muhiimsan, sida warshadaha saliidda.
Mareykanka ayaa toddobaadkii hore taageeray hawlgalka xadidan ay Israel ku dhawaaqday inay ka bilowday deegaanada xuduudda ay la wadaagto Lubnaan, balse Mareykanka ayaan caddeyn aragtidiisa ku aaddan warka Israel ka soo yeeray Isniintii, ee ah in la ballaariyay hawlgalka dhinaca dhulka ee deegaanada xadka koonfureed ee Lubnaan.
Masuuliyiinta Aqalka Cad ayaa la sheegaya in ay ka carreysan yihiin dagaalka uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu fidinayo, iyadoo doorashada madaxtinimada Mareykanka ay ka harsan tahay wax ka yar muddo bil ah.
Iran oo si toos ah dagaalkan ugu soo biirto ayaa Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ka mashquulineysa ololaha doorashada, waxaana laga yaabaa in taasi ay dhibaato kaga timaado codbixinta, maadaama ay jiraan shacab badan oo Mareykan ah oo si weyn uga soo horjeeda duulaanka Israel ee Gaza iyo Lubnaan.
Aqalka Cad ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya in Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe ku sugan iyo danahooda gobolkaba ay bartilmaameed noqdaan.
Khubarada militariga ayaa qaba in haddii Iran ay ku soo biirto dagaalkan uu wax weyn ka bedeli doono miisaanka ama dheelitirka dagaalka gobolka, Mareykankuna uu markaasi ku khasban yahay in uu garab iyo gaashaanba u noqdo Israel.
Human Rights Watch oo ka digtay in Israel ay xasuuq ka gaysato dalka Lubnaan
Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo dalka Lubnaan ay halis ku yihiin nolosha dadka rayidka ah.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in weerarada xagga cirka iyo kuwa dhulka ee Israel ay is hortaagayaan dadka rayidka ah ee isku dayaya in ay noloshooda la baxsadaan.
Qulqulka dadka rayidka ah ee ka cararaya duqaymaha Israel ee gaaraya dalka Suuriya ayaa aad u yaraaday, ka dib markii Militariga Israel ay weerar xagga cirka ah ku burburiyeen waddada la isaga kala gudbo ee xuduudda Lubnaan iyo Suuriya.
Militariga Israel ayaa Jimcihii sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen fariisimo ay Xisbullah ku leedahay meel u dhow kontoroolka xuduudda ee Al Masnaa, iyagoo ka hortagaya in hubka Iran laga keeno si qarsoodi ah lagu soo gaarsiiyo Xisbullah.
Human Rights Watch ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in burburka waddadan ay qayb ka tahay waxyaabaha dib u dhigay dadka doonaya in ay isaga barakacaan bariga iyo koonfurta Lubnaan ee dhaca xuduudda ay Lubnaan la wadaagto Israel.
"Duqaymuhu waxay dadka rayidka ah gelinayaan khatar aad u weyn. Waxay sidoo kale ay carqaladeynayaan howlaha gargaarka bani’aadantinimo.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Human Rights Watch ayaa bayaankeeda ku sheegtay "Weerar ay Israel ku qaadday bartilmaameed militari oo sharci ah ayaa laga yaabaa inuu weli sharci darro yahay, haddii la filan karo inuu keeno waxyeelo rayid ah oo ka ballaaran faa’iidada militari ee la filayo.”
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Militariga Israel ay mar kasta qarka u saaran yihiin inay gaystaan khasaare ballaaran oo dadka shacabka ah, marka loo eego tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku go’doonsan deegaanada ku dhow dhow xuduudda iyo duqaymaha aan loo meel dayeynin ee Israel.
Ciidanka Cirka Israel iyo kuwa ku hubeysan madaafiicda goobta ayaa si ba’an u duqaynaya deegaanadaasi, waana tan keentay in walaac laga muujiyo xasuuqa ay gaysan karto Israel.
Human Rights Watch ayaa Israel ku boorisay in ciidamadeeda ay taxadar badan muujiyaan, si looga fogaado waxyeeleynta shacabka aan hubeysneyn.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca Yoav Gallant ayaa ku hanjabay in Israel ay adeegsan doonto awoodeeda, si Israeliyinti ku barakacay xiisadda xuduudda ay dib ugu soo guryo noqdaan waqooyiga Israel.
Madaxda Israel wax welwel ah kama qabaan in ciidamadooda ay dad rayid ah laayaan, haddii ay aaminsan yihiin inaysan jirin cid kula xisaabtami karta.
Israel ma lahan sawir wanaagsan oo ka tarjumaya inay tahay dowlad ilaalisa xuquuqda aadanaha, waana dowlad aan askarteda u ciqabin dembiyada ay gaystan, haddii ay colaad jirto iyo haddii kaleba.
Waxaa naadir ah in Maxkamadaha Israel ay xukun ku ridaan, haddii ayba dhacdo in askar loo soo xiro xadgudubyo ay u gaysteen dad aan Israeliyiin ahayn.
Diyaarad ka kaceysa Beirut oo muujisay heerka khatarta ee magaalada
Waxaa Talaadadii barraha bulshada lagu baahiyay diyaarad nooca rakaabka ah oo ka duuleysa Garoonka Diyaaradaha Rafic Hariri ee Magalada Beirut, xilli diyaaradaha dagalka Israil ay garacayan bartilmamedyo ku yaala koonfurta magaaladaasi.
Sawirrada ayaa muujinaya diyaaradda oo ka duushay garoonkaasi, iyadoo uu qiiq/uuro ka dhashay goobihii la duqeeyay ee magaalada.
Arrinta argagaxa leh ee la hadal hayo ayaa ah in Israel ay aad weeraradeeda ugu fidisay nawaaxiga garoonkaasi, isla-markaana aysan wax taxadar ah ka muujineyn in garoonku uu bartilmaameed noqon karo, inkastoo lagaga digay inay waxyeeleyso. Tani waxay calaamad u tahay heerka khatarta ee ka jirta Caasimadda Beirut.
Israel ayaa horey ugu hanjabtay inaysan meel-na uga hari doonin Xisbullah, ayna ku beegsan doonto bugcad kasta oo dalkaasi ah.
Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in Ciidanka Cirka Israel ay marar kala duwan duqeeyen dhismayal ku yaala xeendaabka garoonkaasi.
Howlihii shaqo ee garoonka ayaa u muuqdo mid istaagay, sababtoo ah Israel oo weeraro ka ka fulineyso xaafadaha koonfureed ee magaalada, halkaas oo Xoogaga Xisbullah ay ku xoogan yihiin.
Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ayaa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Garoonka Diyaaradaha Beirut, illaa iyo inta ay arrimuhu wax iska bedelayaan.
Garoonka Rafic Hariri ayaa waxaase mararka qaarkood ka dega diyaarado ay la socdaan madaxda booqaneysa magaalada, kuwa Qaramada Midoobey iyo diyaarado kaloo la soo kireystay, oo la doonayo in lagu samatabixiyo dadka shisheeye ee ku xaniban magaaladaasi.
Dalalka caalamka oo walaac ka muujinaya xaaladda dalkaasi ayaa isku dayaya in ay muwaadiniintooda ka daadgureeyaan Beirut, iyadoo mararka qaarkood la adeegsanayo diyaaradaha militariga.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa Isniintii Militariga Israel ku booriyay inaysan weerarin garoonkaasi iyo waddooyinka soo galaba, si muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka kale ee doonaya inay ka soo baxaan dalkaasi uu ugu noqdo meel ay ka dhoofaan.
Beirut waa meesha keliya ee suurtagalka tahay in ajaaniibta looga daadgureeyo diyaarado, marka loo eego dalka intiisa kale.
Walaaca caalamiga ah ee hadda jira waa in dagaalka Israel iyo Xisbullah uu noqdo mid jiitama, sida kan Gaza oo kale.
Gantaal ay Xisbullah ku weerartay waqooyiga Israel oo dad ku dhinteen
Laba qof oo midi ay haweeney tahay ayaa la sheegay inay ku dhinteen gantaal ay Xoogaga Xisbullah shalay ku weerareen Magaalada Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in labadaasi qof oo lamaane ahaa ay la kulmeen weerarka, iyagoo waddada kula lugeynaya eygooda.
Wararka ayaa sheegaya in lamaanahan aysan helin waqti ay ku raadsadaan goobaha gabaadka ee gantaalada laga galo.
Adeegga Gurmadka Degdegga ee Magen David Adom ayaa sheegay in labadaasi qof ay dhaawac ahaan uga qaadeen goobta, balse ay markii dambe u geeriyoodeen dhaawicii ka soo gaaray weerarka.
"Waxaan qaadnay nin iyo haweeney oo qiyaastii 40 jiro ah, iyagoo miir beelay, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray firir. Waxaan u qaadnay goobaha caafimaadka, laakiin dhaawacooda oo aad halis u ahaa ayay u geeriyoodeen.” Ayuu Adeegga MDA ku sheegay qoraal.
Shaqaalaha Dab-demiska ayaa sheegay inay la tacaalayaan dab ka kacay dhismayaal dhowr ah oo magaalada ku yaala, ka dib weerarka gantaal ee magaalada ka dhacay.
Ururka Xisbullah oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa ku hanjabay in ay kordhin doonaan weerarada ay kaga jawaabayaan duqaymaha baahsan ee ay Israel ka waddo dalka Lubnaan.
Dhimashadan ayaa daba socota gantaalo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay Xoogaga Xisbullah ku garaacayeen magaaladaasi.
Dhanka kale shan qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay, markii Xisbullah ay Arbacadan tiro gantaalo ahi ku weerartay magaalada dekedda leh ee Haifa.
Waa weerarkii ugu dambeeyay saddex maalmood oo xiriir ah oo Xisbullah ay ku garaaceysay magaalada ugu weyn ee waqooyiga Israel.
HALKAAN KA AQRISO. WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES
....