halkaan ka aqriso wararka wargeska mogtimes,

0
Wednesday October 09, 2024 - 10:42:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeska mogtimes,

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay qado sharaf uu Ra’iisal wasaare Xamse u sameeyey xubnaha golaha wadatashiga Qaranka

Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay qado sharaf uu Ra’iisul wasaraha xukumada FS mudane Xamsa Cabdi Barre ugu sameyay xubnaha golaha wadatashiga Qaranka oo Muqdisho shir uga socdo.

Ra’iisal wasaare Xamse ayaa sheegay in wali ay socdaan wadatashiyada ay leeyihiin xubnaha shirkaka qaybgalaya, islamarkaana dhawaan la soo saari doono war-murtiyeed rasmi ah oo ku aadan waxyaabihii shirka looga wada hadlay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo muqdisho ka furay barnaamijka Badmaal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in mashruuca Badmaal ay ka faa’iidaysan doonaan kumanaan ka tirsan kalluumaysatada Soomaaliyeed, islamarkaana dib u dhis loogu samayn doono kaabayaasha muhiimka u ah kalluumaysiga dalka.

Barnaamijka Badmaal ayaa ah mid diirada saaraya taageerida bulshoyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnanta iskaashatoyinka kallunka ee dalka, si ay uga faa’iideystaan kheyraadka baddeena hodanka ah ceegaaga.

Raiisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay daah-furaayey barnamijka Badmaal lagu hormarinayo iskaashatooyinka kalluumaysiga, iyada oo xoogga la saarayo tayeynta qalabka, xirfadaha kalluumaysatada, kobcinta dakhligooda, iyo guud ahaan kor u qaadidda kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaa waaxda kallumaysiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay halka uu marayo shirka wada tashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay halka uu marayo shirka wada tashiga Qaran oo maalmahan ka socday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo habeen hore la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa la wadaagay guulihii laga gaaray shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna xusay in kulanka 10-aad ee Golaha lagu soo bandhigay Ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta la dagaallanka al-shabaab, xoreynta dalka, dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Mudane Xamsa ayaa intaa raaciyay in madaxda kasoo qayb gashay shirka ay ku jiraan wada tashiyo la xiriira qodobbada qaarkood oo muhiim ah, wuxuuna sheegay in marka uu kulanku dhamaado laga soo saari doono war-murtiyeed, isagoo u rajeeyay in shirku uu kusoo dhamaado guul.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay ilalinta midnimada, gobanimada, Qaranimada Soomaaliyeed, dhowrista karaamada Umadda iyo inaan ka fogaanno wax kasta oo keeni kara kala qaybinta dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa la kulmay Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa la Kulanka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukumada Federaalka Soomaaliya iyo go’aaminta Jadwalka Habraaca diyaarinta Akhrinta labad ee Hindise Sharciyedka Tacliinta Sare ee Qaranka.

Wasiirka ayaa Guddiga warbixin guud ka siiyay howlaha baaxadda leh ee horyaalla, waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshayaasha u degsan, wuxuuna wasiirka si gaar ah xubnaha guddiga faah-faahin uga siiyay Hindise Sharciyedka Taclinta Sare ee Qaranka, Guddiga tacliinta sare ee dalka iyo sido kale hab raacyada ay ku imaanayo xubnaha Guddiga Tacliinta Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhiban Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahdcelisay xubnaha ka socday wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, waxanay sheegtay in ay guda geli doonaan diyaarinta Akrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Turkiga

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Federalka Somalia mudane Maxamed Xaashi Carabey ayaa safarada Turkiga ee magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uliyiin katirsan safaarada Turkiga.

Agaasimaha Wasaaradda Batroolka iyo mas’uuliyintan ayaa kawada hadlay xiriirka Labada dal iyo waliba sidii kor loogu sii qaadi lahaa iyaga oo dhanka kale kulan miro dhal ah ka yeeshay arimaha sahminta shidalka Soomaaliya oo dhawaan Markab laga leeyahay Turkiga uu bilaabi doono.

Agasime Carabey ayaa ka dhagesatay mas’uulintan warbixin la xiriirta soo dhaweynta iyo howlgalka markabka sahminta ee Oruç Reis, kaasoo shaqo ka bilaabi doona Soomaaliya iyada oo la filayo in dhamaadka Bishan October uu soo gaaro xeebaha Soomaliya.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasarada Tamarta dalka Turkiga, waxaana si wadajir ah Markabkaas usoo sagotiyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed iyaga oo ka qeyb galay munaasabadda uu markabkaas kaga soo shareecanayay Turkiga.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar.

Heshiiskii bishii Maarso ayaa la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada sadex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo Fiqi oo soo xiray tababarka Safiirada cusub iyo saraakiisha diblomaasiyadeed

Danjire Axmed Macallin Fiqi wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu wehliyo wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Balcad ayaa shalay si rasmi ah u soo gabagabeyay tababarka diblomasiyada ee loogu talagalay safiirada cusub iyo saraakiisha diblomaasiyadeed. Barnaamijkan, oo ay ka qeyb galeen 12 safiir iyo 21 sarkaal oo diblomasiyaded, ayaa lagu soo gabagabeeyay bixinta Shahaadooyinka Tababarka Hab Maamuuska iyo diblomaasiyadda. Munaasabaddan waxaa marti sharaf ku ahaa senataro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, taas oo muujisay muhiimadda xafladdan.

Danjire Fiqi ayaa ammaanay dadaalka mugga leh ee uu sameeyay machadka tababarada iyo diblomaasiyadda ee wasaaradda, iyaga oo soo saaray hoggaamiyayaal diblomaasiyadeed oo cusub. Wuxuu adkeyay dorka muhimka ah ee ay safiirada iyo saraakiisha cusub ka qaadan doonaan kor u qaadista xiriirka diblomasiyaded ee Soomaaliya ee caalamka.

Danjire Fiqi ayaa kalsooni ku muujiyay in ka-qaybgalayaasha tababarku ay ilaalin doonaan heerarka ugu sarreeya ee xirfadda oo ay Soomaaliya si sharaf leh ugu matali doonaan masraxyada caalamiga ah. Wasiiru Dowlaha Cali Cumar ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ka qaybgalay-ashu sida ay uga go’an tahay inay sare u qaadan xirfadahoda diblomasiyaded.

Danjire abdulqaadir Aamin, Agasimaha Machadka diblomaasiyadda, ayaa tilmaamay in tababarku uu daboolay meelo muhiim ah sida diblomaasiyada, juqraafi-siyaasadeedka, iyo aragtida siyaasadda iyo sida loogu dabaqo xaaladaha caalamiga ah. Barnaamijkan wuxuu kaloo ka koobnaa maadooyin gaar ah oo ku saabsan farsamooyinka wadaxaajoodka iyo maaraynta dhibaatooyinka. Danjire Aamin ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonta iyo xirfadaha ay ka heleen barnaamijkan ay si weyn u kordhin doonaan waxtarka ka-qaybgalayaasha ee doorkooda diblomaasiyadeed.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya

Agaasimaha guud ee hay’ada Socdalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa ku soo dhaweeyay xafiiskisa safirka dowlada aan walalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Agaasimaha guud ayaa ugu horayn uga mahadceliyay safiirka dowladda Jabuuti booqashadiisa xarunta dhexe ee HSJ, sidoo kale agaasimaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo kaalinta ay dowlada Jabuuti ka qaadato dhismaha Hay’adaha kala duwan ee dowlada oo ay ku jirto HSJ.

Agaasimaha guud ee HSJ ayaa kala hadlay safiirka wadashaqaynta labadda dowladood ee isdhaafsiga dhinacyada xogta socdalka iyo ka qayb qadashada horumarinta aqoonta iyo khibradda howlwadeennada HSJ.

Dhanka kale, Safiirka dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Danjire Maxamed Ibrahim Yusuf ayaa adkeyay wadashaqaynta labada dowladood ee ku aaddan horumarinta adeegga socdaalka iyo khibrad wadaagga iyo in ay wadashaqayn joogta ah yeeshaan hay’adaha labada dowladod u qabilsan Jinsiyadda iyo Socdaalka.

Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed oo la kulmay safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Sucuudiga u jooga Soomaaliya mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Taliyaha iyo Daniiraha ayaa kulankoda kaga hadlay xojinta iskaashiga amniga ee labada dal, ka hortagga qataraha argagixisada, xoojinta taageerada Boqortooyada Sucuudiga ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagallanka kooxaha xagjirka ah.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 59 al-shabaab ah

ilaa iyo 59 ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka deganka iyo saxiibada caalamka oo laga fuliyey degano ku yaalla bariga Gobalka Galgadud iyo Shabellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 dhagarqabe ah o isugu jiray horjogayal iyo maleshiyaad Al-shabaab ka tirsana ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deganka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 dhagarqabe ayaa wuxuu ka dhacay goob ay cadowgu isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale holgalkasi lagu burburiyay farisinki uu cadowgu isku aruursanayay.

Hawlgalada bartimaameedka ah ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la kordhiyay, iyadoo maalmihii ugu dambeyay si wayn cadowga loogu naafeeyay.

Ciidanka Danab oo howlgallo baaxad leh ka fuliyay degaanno ka tirsan Galgaduud

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska XDS Danab ayaa habeen hore saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Gariile oo hoostaga degmada Ceel-dheer ee gobolka Gal-guduud.

Howlgalka ayay ciidanka ku dileen 27 Al-shabaab katirsanaa, kuwaasi oo isugu jiro Horjoogayaal iyo Malleshiyad sida ay Warbahinta Qaranka u sheegen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa laba jibbaaray howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga kooxda al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo ugu dambayn bishaan October u qabatay in Itoobiya ay ka baxdo heshiiska Somaliland

Dowlada Somaliy ayaa ugu damban bishan October u qabaty Dowlada inay Itobiya uga baxdo heshiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland.

La taliyaha amniga qaranka Somalia, Xuseen Sheekh Cali ayaa u sheegay wargeyska The New Humanitarian in ciidamada Itoobiya sii joogaankooda Soomaaliya uu ku xiran tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxayaan is afgaradka badda ee Somaliland. Isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay haysato ilaa bisha Oktoobar.

"Waxaan isku daynay inaan siino waqtiga ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin waxaan u maleynayaa inay hadda soo dhowaaneyso ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalkeenna.

Xuseen Sheekh Cali waxa uu sheegay ciidamada Itoobiya jooitaankoda inuu saamayn taban ku leeyahay dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay dareemayaan in Itoobiya ay ku socoto gardaro iyo boobka dhulkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga 3,000 oo askari oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS) ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Holgalka ay qeybta ka yihin ciidamada Itoobiya ayaa ku eg December 2024, iyadoo la filayo in bisha Jannaayo ee sannadka 2025-ka lagu bedelo howlgal cusub oo ay ka qeyb galayaan tiro yar oo ciidamo ah.

Xigasho hiiraan online.

Qaramada Midoobay: 3.6 Milyan oo Soomaali ah ayaa wajahaya gaajo aad u daran

Ugu yaraan 3.6 milyan oo qof oo Somalia ku nool ayaa wajahaya gaajo daran, iyado la saadaalinayo in xaaladu ay ka sii dari doonto bilaha soo socda, sida ay shegtay hay’ada isku xirka gar-garka Qaramada Midobay e UNOCHA.

Hay’addu waxay warbixinteeda ku sheegtay, in inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Disembar, la filayo inay tiradan kor u kacdo 4.4 milyan oo qof, taasoo ay ugu wacan yahay roobabka dayrta oo aan si fiican loo helidoonin, iyado ay horey u jireen dhibaatooyin ka dhashay colaado, fatahaado iyo daadad.

Iyadoo laga jawaabayo baahiyaha bini'aadantinimo ee sii kordhaya, ayaa hay’adda UNOCHA waxay $3 milyan oo doollar uga qoondaysay Sanduuqa Waxqabadka Degdega ah e Qaramada Midoobay (CERF) si wax looga qabto barokaca ay sababeen dagaallada ka socda Soomaaliya.

Maalgelintan ayaa ujeedadeedu tahay in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay sameyen rabshadaha iyo barakaca.

Dad ku dhintay doon ku Rogmatay Webiga Shabeelle iyo dad la’ayahay nolol iyo geeri

Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa la la’yahay kaddib markii dooni ay la socdeen 7 qof ay ku rogmatay meel u dhexeysa tuulooyinka Cumar Ismaan iyo Gallefo oo ka wada tirsan deganada Balcaano, bariga magaalada Jowhar. Shilkaasi naxdinta leh ayaa dhacay xilli dadka deegaanku ay ku safraayeen doonyo yar yar oo ganacsi madama wadoyinka dhulka ay ka go’een fatahaadaha wabiga Shabeelle.

Deegaannada Balcaano, oo ka kooban in ka badan 70 tuulo, ayaa muddo laba sano ah go’doon ugu jirta fatahaadaha uu sameeyay wabiga Shabeelle. Fatahadahasi ayaa si weyn u sameyay dadka ku nool tuulooyinkaas, kuwaas oo ku qasban inay isugu kala gooshaan doonyo yar yar, iyagoo khatar badan la kulma mar kasta oo ay safrayaan.

Maxamed Cali Shuute, guddoomiyaha deegaannada Balcaano, oo la hadlay warbaahinta, aya xaqiijiyay in ilaa hada doonti rogmatay aan la helin, islamar-kana ninkii waday donta u weli la’yahay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in 5 qof oo ka mid ahaa rakaabka doonta la soo badbadiyay, balse hal qof ayaa geriy-oday halka mid kalena an weli la heyn.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in dadka ku dhintay iyo kuwa la la’yahay ay ka mid yihiin dadka deegaanka oo nolol malmedkoda ku tiirsan donyahan yar yar ee ay ku safraan, maadaama ayan jirin qaab kale oo ay ugu kala gooshan tuuloyinka go’donsan. Wuxuu xusay in fatahaadda wabiga Shabeelle ay dhibaato joogto ah ku hayso dadka deegaannadaas, oo afartii sano ee ugu dambeysay ay wajahayeen khasaroyin ba’an o ka dhashay fatahadah, kuwaas o saameyay noloshoda io ganacsig-odaba.

Fatahaadaha ayaa sabab u ah in dadku ay waayaan fursado ay isku kala gooshaan si nabad ah, taas oo halis ku sii kordhineysa nolosha bulshada ku dhaqan deegaannada Balcaano. Gudomiyaha aya ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha samafalka in ay ka jawaabaan xaaladda adag ee ka jirta deeganka, si wax looga qabto fataha-daha iyo go’dominta sii daba dheeratay oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka deegaanka.

Xisbullah oo argagax ka abuurtay Magaalada Haifa

Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay Magaalooyinka Haifa iyo Acre ee waqoyiga Israel, xilli Israel ay ballarisay holgalkeda dhinaca dhulka ee konfurta Lubnaan.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in dhawaqa seeriga digniinaha ay is qabsadeen qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga Israel, oo ay ku jiraan Haifa iyo Acre.

TV-ga Channel 13 ee Israel ayaa sheegay in Xisbullah ay halmar soo ridday illaa 100 gantaal, isla-markaana ay ku soo weerartay Magaalada Haifa oo keliya.

Channel 13 ayaa ku waramaya in qaar badan oo gantaalada ka mid ah ay ku soo hoobteen magaaladaasi, ka dib markii ay ka baxsadeen nidaamka difaaca hawada ee Israel.

Goobjoogeyaasha ayaa Warbaahinta maxaliga u sheegay in gantaaladu ay si toos ah u saameeyeen magaalada, balse ma jirto cid ka warbixin karta khasaaraha ay gaysteen, iyadoo aan ogolaansho laga haysan ciidamada.

Barraha bulshada ayaa la isku la wadagay muqalo muujinaya burburka ka dhashay gantaalada ku soo dhacay magaalada. Muuqaalada ayaa laga arki karay guryo, waddooyin iyo gaadiidka nooca raxada oo waxyelo ay so gaarte.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in gantaaladan ay argagax xoog leh ka abuuren magalada, dadkuna ay darem-ayan in xaladu ay faraha ka sii baxeyso.

Xisbullah ayaa maalintii labaad oo xiriir ah beegsatay Haifa, taas oo qiyaastii 128km u jirta xuduudda Lubnaan.

Waa weerarkii ugu xooganaa oo Xisbullah ay ku qaaddo magaalada dekeda leh ee Haifa, tan iyo markii shalay o kale sanad ka hor ay Xisbulah bilowday inay gantaalo ku garaacdo deegaanada waqooyiga Israel, iyadoo is garabtaag loo muujinayo shacabka Falastiiniyiinta.

Haifa wa magalada ugu weyn waqoyiga Israel, waana magaalada saddexaad ee Israel ugu weyn.

Magaalada ayaa halis ugu jirta inay gubato, bacdama ay ku yaallaan goobo aad u guban kara.

Warshadaha saliidda ee ugu weyn Israel e ku yala Haifa, hamaha waawen ee shidalka iyo bartilmamedyo kale oo aad u guban kara ayay ledahay magaladu, kuwaa oo ay suurtagal tahay in la beegsado.

Raysal Wasaaraha Lubnaan oo sheegay in dalkiisa oo keliya aanu qiimaha bixin doonin

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa ku hanjabay in dalkiisu aanu gacmaha ka laaban doonin duulaanka ay Israel, sida qotada dheer ugu ballaarineyso dalkaasi.

Raysal Wasaaraha Lubnaan ayaa sheegay in Ciidamada Lubnaan ay u diyaargaroobayaan in ay xoojiyaan difaaca hore ee jiidda koonfureed ee dalka, waana xilli Xoogaga Xisbullah ay Ciidamada Israel kula dagaalamayaan deegaanada xuduudda.

Raysal Wasaare Mikati oo wareysi siiyay Sky News ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku booriyay in ay ka hortaggaan colka soo hujuumay dalka.

Mikati ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay xabad joojin, balse waxa uu ka digay in khasaaraha uusan dadkiisu uun ku koobnaan doonin.

"Lubnaan keligeed uun ma bixin doonto qiimaha, haddii arrimuhu ay sidaan ku sii socdaan.” Ayuu yiri Mikati.

Warka Mikati ayaa ka dhigan in gacanta Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan ay gaari karto Militariga Israel iyo Israeliyiinta kaleba, si looga falceliyo weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel.

Dhanka kale tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay dalka Lubnaan ayaa la sheegaya in ay kor u dhaaftay 2,100 qof, halka ku dhawaad 10,000 oo kalena ay dhaawacmeen. Inta badan dadkan ayaa ku dhintay duqaymaha ay Israel kordhisay 16-kii cisho ee la soo dhaafay.

Israel ayaa ciidan xoogan gaysay deegaanada xuduudda ee labada dal. Wararka ayaana sheegaya in cutubyo ka mid ah ay ciidamadeeda gudaha u galeen deegaanada xadka koonfureed ee Lubnaan.

Militariga Israel ayaa ku goodiyay inay kordhinayaan weerarada iyo culeyska ay ku hayaan Ururka Xisbullah, si loo burburiyo kaabeyaashooda militari, loona wiiqo awoodooda.

Inkastoo Israel ay iska diiday in colaadda labada dal lagu xaliyo wada-xaajood diblomaasiyadeed, haddana ma jirto cid sheegi karta muddada uu qaadan karo dagaalkan ay kula jirto Ururka Xisbullah.

Dagaalkan ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid furan oo iska socda, illaa waqti aan la garaneyn.

Israel oo ballaarisay hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee dalka Lubnaan

Israel ayaa hadda ballaarisay hawlgalka dhinaca dhulka ee ka dhanka ah koonfurta Lubnaan, ka dib markii toddobaadkii hore ay ku dhawaaqday hawlgal xadidan oo ciidamadeeda ay ka sameynayaan deegaanada xuduudda ee labada dal.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidan xoojin ah la geeyay deegaanada xuduudda, si ay uga qayb qaataan gulufka la doonayo in lagu burburiyo Xoogaga Xisbullah ee ka dagaalamaya deegaanada xuduudda.

Militariga Israel ayaa shaaciyay in qayb saddexaad oo ciidan ah, kana kooban dhowr guuto la geeyay xadka, iyadoo la dardargelinayo hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu la dagaalamayo Xisbullah.

"Qaybta 91aad ee Ciidanka Difaaca Israel oo ka hawlgasha waqooyiga Israel ayaa hawlgal maxali ah ka bilaabay Lubnaan.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Militariga Israel.

Bayaanka ayaa lagu yiri "Qaybta 91aad waaxay ku biirtay saddex qaybood oo kale, kuwaas oo ka shaqeeya dhulka Lubnaan.”

Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa dadka reer Lubnaan ugu baaqay inay isaga fogaadaan dhulka xeebaha iyo weliba badda ee koonfurta Lubnaan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale qof kasta kula taliyay in uu xitaa ka fogaado isticmaalka doomaha kalluumeysiga ee lagaga jilaabto Webiga Awali oo dhinaca waqooyi ka mara magaalada xeebta leh ee Sidon. Sidon ayaa ka mid ah magaalooyinka koonfurta Lubnaan.

Afhayeenka ayaa muujiyay in goobahaas oo dhan ay bartilmaameed noqon karaan, xilligan oo Israel ay dagaal adag kula jirto Xisbullah.

"Ciidamada Badda Israel ayaa halkaasi ka bilaabi doona hawlgal ka dhan ah Xisbullah. Iska ilaali inaad joogtid badda ama xeebta hadda, illaa ogeysiis dambe. Joogitaanka xeebta iyo dhaqdhaqaaqa doomaha ee aagga Webiga Awali waxay khatar ku yihiin noloshaada.” Ayuu yiri Avichay Adraee.

Israel ayaa waxay damacsan tahay in ay koonfurta Lubnaan ka sameyso aag ka caagan Ururka Xisbullah, iyadoo markaasi qoysaskii Israeliyiinta ee ku barakacay xiisadda dib loogu soo celinayo guryahooda.

Hawlgalka hawada ee Israel ka waddo dalka Lubnaan oo dhan iyo xoojinta furinta dhinaca dhulka ee xuduudda ayaa muujinaya, sida uu dagaalku u ballaartay.

ITOOBIYA oo war culus kasoo saartay hubka ay soo gelisay Soomaaliya

Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Itoobiya Jeneraal Birhanu Jula Gelalcha oo mar kale soo hadlay ayaa u jawaabay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ku eedeeyay in Itoobiya ay hub soo gelisay Soomaaliya.

Jeneraal Birhanu Jula ganafka ku dhuftay eedeynta uga timid dowladda Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray in Itoobiya ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada difaaca oo hadalka sii wata ayaa ku hanjabay haddii ay sii socdaan hadallada ka imaanaya Soomaaliya in Itoobiya ay qaadi doonto tallaabooyin kale oo dheeraad ah.

"Hadda Itoobiya hub sharci ah ma gelin Soomaaliya, laakiin haddii hadallada noocaas ah ay sii socdaan waxaa dhici karto in Itoobiya ay qaado tallaabooyin kale oo aan ahayn hubka nalagu eedeynayo” ayuu yiri Jeneraal Birhanu Jula.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor madaxweyne Xasan Sheekh uu Itoobiya ku eedeeyay inay hub soo gelisay gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejisay maleeshiyaad qabaa’il gudaha ah, si ay uga dhex faa’iideysato coladdaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo ku eedeeyay inay qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi.

Xigasho caasimada online

Sirdoonka Ingiriiska oo ka digaya shirqoollo ay Iran ka dhex wado gudaha dalkooda

Hay'adda sirdoonka Ruushka ayaa mudaba ku guda jirtay howl ay ku doonaysay in ay "qalalaaso joogto ah ka abuurto waddooyinka Ingiriiska iyo Yurub", sida uu sheegay madaxa sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

Isagoo bixinayay warbixintiisa sanadlaha ah ee khataraha ammaanka Ingiriiska, ayuu Ken McCallum wuxuu sheegay in wakiilada GRU ay fuliyeen falal ay ka mid yihiin "gubid, cuuryaamin iyo falal kale oo khatar badan oo ay ku sameeyeen qaab aan ka fiirsasho laahyn oo siyaado lahayd" oo ay ka sameeyeen gudaha Inigiriiska kadib marki UK ay Ukraine ku taageertay dagaalka ay kula jirto Ruushka.

MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah.

Khatarahaan isku milan ee la xiriira argagixisanimada iyo kuwa kale ee ka imanaya dawladaha kale ayaa uga dhigan MI5 inay "gacmaha ku hayso shaqo ay faraha ugu gubteen", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Khudbad aad u dheerayd ayaa waxa uu ku yiri:

Waxa isi soo taraysa in dhallinyarad yaryar lagu dago xagjirnimo loo soo mariyo internet ka, iyadoo 13% kuwa baaritaanada la xiriira argagixisianimada lagu sameeyay ay yihiin kuwa ka yar 18 jir

Wadarta 43 shirqoollo goor dambe la maleegay oo loo adeegsan rabay hub iyo walxaha qarxa si "dil wadareed" loogu geysto dadka Ingiriiska ayaa fashiliyay tan iyo 2017 kii.

Tirada baaritaanada MI5 ee ku aadan khataraha ka imaanaya dowladaha kale ee ayaa kordhay 48%

Shaqada la dagaalanka argagixisanimada ayaa u kala qaybsantay "75% xagjirnimada Islaamiyiinta, 25% argagixisada garabka midig ee xagjirka ah"

Waxa jiray "aaminaad iyo fikrado kala duwan oo aad u qaab daran" oo ay noqotay in MI5 ay wax ka qabato, ayuu ku sheegay warbixin kooban oo uu ku bixiayay xarunta MI5 ee hawlgallada ka hortagga argagixisada ee ku taalla London.

"20-kii sano ee ugu horeysay ee shaqadeyda halkan waxaa jiray hanjabaado argagixisanimo. Hadda waxaan wajahaynaa kuwa ay barbar socdaan shirqoollo ay dowladdu taageeriyaan iyo cuuryaamino,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kaalinta hogaamineed ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ee taageerada Ukraine waxay la macno tahay "waxaan aad ugu soo horjeednaa mala-awaalka foosha xun ee nidaamka uu hugaamiyo Putin" iyo in aan hadaba ka sii hortagayno falal duulimaad gardarro ah oo uu ku soo qaado ciidda Ingiriiska, ayuu si ka digitaan ah u yiri.

Heerka khatarta argagixisanimada ee Ingiriiska ee hadda waa mid sare - taasoo la micno ah in ay suurtogal tahay in weeraro dhacaan.

In ka badan 750 dublamaasiyiin Ruush ah ayaa laga eryay Yurub tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine, isagoo sheegay in "intooda badan" ay ahaayeen basaasiin, sida uu yiri McCallum.

Tani waxay saamaysay awoodda sirdoonka Ruushka, ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in fiisayaasha diblomaasiyadeed loo diiday kuwa badan oo Ingiriiska iyo xulafadiisu ay u arkayeen basaasiinta Ruushka.

Xubno ka mid ah dublumaasiyiinta Ruushka ayaa waxay isku badaleen basaasiin goonidooda u shaqaysta iyo danbiilayaal si ay u qabtaan "shaqadooda wasakhaysan", balse arrinkaan ayaa waxa uu sameeyay shaqooyinkoodii waxaana fududaatay in meesha laga saaro.

Inkasta oo McCallum uu si shaac baxsan marar hore uga hadlay khataraha Ruushka iyo Iiraan labadaba, balse horay sidan oo kale hadalo qaawankuma uusan eedeynin Moscow.

Khudbad uu hore uga jeediyay fagaareyaal ayuu kaga hadlay 10 shirqool oo ka dhan ah Ingiriiska oo ay maleegeysay Iran. Tiradaas ayaa hadda labanlaabantay, taasoo ka dhigan in dhaq-dhaqaaqa dawladda Iran uusan ahayn mid la dhaylsan karo.

Labada kiisba, Ruushka iyo Iran, madaxa MI5 wuxuu carabka ku adkeeyay in sababo la xiriiray in ay adkayd in la ogaado in dublumaasiyiin ay ayaga siiyeen ogolaansho ay arrintu iskuba badashay aduun kale oo ay ku naaloodaan kooxo danbiilayaal ah.

Dhanka Shiinaha, wuxuu sheegay in Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) uu haysto barnaamij lagu xado xogta iyo macluumaadka Ingiriiska "waxaan aragnay 20,000 oo habab dahsoon ah oo ay shaqsiyaad u adeegsatay dowladda Shiinuhu.

Xigasho BBC

Netanyahu oo mar kale hanjabay sannad kaddib dagaalka Qaza

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku tilmaamay ololaha milateri ee socday muddo sannad ah inuu yahay howlgal muqaddas ah oo sii socon doona ilaa iyo inta uu jiritaankooda khatar ku jiro.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gaza, Lubnaan iyo meelaha kale ee gobolka ay tahay inaan la joojin — waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uuna sheegay in weli uu qabyo yahay dagaalkaasi.

Hadalkan ayuu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay taleefishinka dalkaasi gabagabada xuska sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Waxaa jira duqeymo kale oo dhanka cirka ah oo lagu qaaday bartilmaameedyada Xisbullah ee ku yaala caasimadda Lubnaan ee Beyruut.

Dhinacooda, kooxda ay taageerto Iran ayaa in ka badan boqol gantaal ku riday Israa’iil Isniintii. Inta badan waxay Israa’iil sheegtay in la qabtay gantaalkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip