Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka oo kulan la qaatay mas'uuliyiin ka tirsan safaaradda Turkiga

0
Tuesday October 08, 2024 - 21:38:12 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka oo kulan la qaatay mas'uuliyiin ka tirsan safaaradda Turkiga

    Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xaashi Carabey ayaa safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiin katirsan safaaradda Turkiga. Agaasimaha Wasaaradda Batr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xaashi Carabey ayaa safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiin katirsan safaaradda Turkiga. Agaasimaha Wasaaradda Batroolka iyo mas'uuliyintan ayaa kawada hadlay xiriirka Labada dal iyo waliba sidii kor loogu sii qaadi lahaa iyaga oo dhanka kale kulan miro dhal ah ka yeeshay arrimaha sahminta shidaalka Soomaaliya oo dhawaan Markab laga leeyahay Turkiga uu bilaabi doono. Agaasime Carabey ayaa ka dhagesyatay mas'uulintan warbixin la xiriirta soo dhaweynta iyo howlgalka markabka sahminta ee Oruç Reis, kaasoo shaqo ka bilaabi doona Soomaaliya iyada oo la filayo in dhamaadka Bishan October uu soo gaaro xeebaha Soomaliya. Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda Tamarta dalka Turkiga , waxaana si wadajir ah Markabkaas usoo sagootiyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed iyaga oo ka qeyb galay munaasabadda uu markabkaas kaga soo shareecanayay Turkiga. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar. Heshiiskii bishii Maarso ayaa la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip