halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimess

0
Monday October 07, 2024 - 08:53:14 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimess

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Agaasimaha Hay’adda cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) aya Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay wafdi uu hogaaminaayay Agaasimaha Hay’ada cuntada aduunka WFP ee Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum.

Shirka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac, xoojinta Mashaariicda ay Hey’adda WFP ka wado Gobolka Banaadir iyo Qorshayaasha lagu horumarinaayo dhinacyada kalluumaysiga, farsamada gacanta, Beraha iyo ilaalinta bulshada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Madaxa xiirirka WFP Sara Cuevas, isku duwaha Masharicaha Mohamed Gimbe iyo Madaxa Barnaamijka Nafaqeynta Koofurta iyo Bartamaha.

Duqa muqdisho iyo Wasiirka deegaanka oo ka wada hadlay ilaalinta iyo maareynta deegaanka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wasiirka Wasarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ayaa warbixin ka siisay Duqa Magaalada Muqdisho halka uu maraayo dhaqan gelinta ollolaha dalka looga joojiyey Bacaha halka mar la isticmaalo, dhiba-atada ay deegaanka ku hayso bacaha iyo xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha, iyadoo dhinaca kalena ay Wasiiraddu ka mahad celisay sida maamulka gobolka Banaadir kaalinta uu ka qaatay, sidoo kalena waxa ay dhankeeda xaqiijisay in ay ka go’an tahay dhaqan gelinta sharciga ilaalinta iyo Maareynta deegaanka .

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay dedaallada ay Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Soomaaliya ku joojisay Bacaha halka mar la isticmaalo, taasi oo dhibaato weyn ku heysa Caafimadka, Deeganka iyo Bilicda Caasimadda waxaana uu Gudoomiye Madaale uu ballan qaaday in Dowladda hoose ee Xamar ay si buuxda ula shaqeyneyso Wasaaradda Deegaanka XFS.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay Dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed iyo wafdi uu hogaminayay ayaa shalay si diiran loogu so dhoweyay Garonka Calamiga ah ee Aadan Cadde, kadib safar shaqo oo uu dibada ugu maqnaa.

Munaasabadda soo dhoweynta ah waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah mudanayaasha labada Aqal ee Baarla-manka J.F.S, Xoghayaha Jogtada ah, Danjirayaal, Oday dhaqameedyo, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah holwadenada Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiir Fiqi oo cambaareeyay qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka imanaya Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, ayaa cambaareeyay soo gelinta hub sharci-darro ah oo ka yimid Itoobiya, isagoo ku tilmaamay khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladu ay tallaabooyin adag qaadeyso si looga hortago arimahan oo loo ilaaliyo madax bannaanida Soomaaliya, wuxuna ugu baaqay Itoobiya in ay ixtiraamto heshisyada caalamiga ah oo ay joojiso ficillada khalkhalka gelin kara gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga kaalinta ay ka qadanayso fududeynta wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo caddeeyay in wada-hadalladu aysan guul dareysan, inkastoo hoganka Addis Ababa ay ka caga jiidayaan ka qaybgal buuxa.

Wasiirku wuxuu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay wada hadalka, iyado Turkigu u dor muhim ah ka qadanayo dhexdhexadinta nabada gobolka.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ah in la hagaajiyo adeegyada fiisaha ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee u socdaala Hindiya, gaar ahaan kuwa waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo ganacsiga u aada halkaas, isagoo soo jeediyay in Qunsuliyad laga furo Muqdisho.

DanJire Fiqi wuxuu ka qaybgalay shirar heer sare ah inta lagu guda jiray Kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahayen kulanka Wasirada Dhaqdhaq-aqa aan Isbahaysiga laheyn (NAM), halkaas oo uu mar kale ku xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee Falastiin iyo ka hadalka ficillada Itoobiya.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo la kulmay qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr; Maxamed Xasan Maxamed Bullaale ayaa kulan is xog-wareysi ah la yeeshay qaar kamid ah dhaqaatiirta iyo guud ahaan bahda caafimaadka ee Jaaliyadda Somaliyed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Wasiirka ayaa u sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay ka go’an tahay isla markaana diyaar u tahay in ay la wadaagto ama ka tala geliso fikradaha wax dhiska ah dhammaan daneeyayasha hormarinta caafimadka Dalka si ay qayb uga noqdaan deda-allada kor loogu qaadayo adeegga caafimaadka dalka.

Wasiirka Waxbarashada oo guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee Gurmadka

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shalay guddoomiyay kulan ay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku yeeshen Guddiga Qaran ee Gurmadka kaas oo looga hadlay qodobo kala duwan iyo howlaha kale ee guddiga u qorsheysan.

Kulanka waxaa looga hadlay Xarig-jarka xarunta cusub e daryelka dhawa-yada u baahan gurmadka degega ah oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaal Madiina.

Dhinaca kale Gudigan ayaa qaabilay ganacsatada ku hanti beelay weerarkii Liido iyo kuwa uu saamenta ku yeshay, waxaana ganacsatada loo ballan-qaaday taageero.

Wasiirka Difaaca: Guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka faah-faahiyay qorshaha howlgalka gaba-gabada ah ee ATMIS.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay kala wareegeen howlgalka ATMIS in kabadan 27 xarumo oo guud ah dalka.

"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wajigii 3-aad wuu dhameeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah ilaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhimantahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay howlgalka cusub ee AUSOM, kaas oo bilaaban doono waxii ka dambeeyo sanadkan, isagoo sheegay inay socdaan arrimo farsamo ee lagu dhameystirayo howlgalka cusub ee bilaaban doono waxii dambeeyo bisha December ee 2024.

"Wadahal ku aadan howlgalka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa, waxay doodi ka taagneyd oo sidii u taagan tahay dowladda Ethiopia oo hadday ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howlgalkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan” ayuu intaasi ku daray Wasiirka.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale soo hadal-qaaday shaqan galka heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in daraad magaalada Istanbul ay kasoo dhaqaaqeen qeyb kamid ah ciidanka Badda Turkiga oo galbinaya markabka baarista shidaalkaa Soomaaliya.

"Waxaa farxad innoo ah in heshiiskii fulintiisa ay dhaqan-galeyso badda

Soomaaliyeedna guud ahaan amnigeedii kaalintooda ka geysan doonaan, dadka Soomaaliyeed howshii Madaxweyne Xasan Sheekh u ballan qaaday ee maalmihii wacnaa way soo socdaan qeybta ugu muhiimsan bilaaban doonto hadduu Alle idmo” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan la howgalka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 kadib marka uu dhamaado howgalka ATMIS ee Soomaaliya hadda ay ka harsan tahay wax yar, iyagoo dhanka kale hadda wado howlgalkii lagu soo afmeeri lahaa Al-shabaab arxanka daran.

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah al-shabaab

Wasiirka Wasarada Gaashaandhiga XFS, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xubno badan argagixisada looga dilay howlgallo culus oo ka dhacay gobollada Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Jubbooyinka.

"Jowhar iyo Muqdisho waddada isku-xirta waxaa ka socda howlgallo nadiifin ah oo ka dhan ah Al-shabaab si shacabka isticmaala loogu dhibin halkaas, muddo labo maalin ah ayuuna howlgalkaasi socdaa, sidoo kale Galgaduud waxaa ka socda dagaal lagula jiro Al-shabaab, kaas oo looga nadiifinaya dhulka howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan” ayuu yiri wasiirku.

Howlgallada ka socda Galgaduud ayuu Wasiirka sheegay in ay isugu jiraan kuwa toos ah iyo kuwa dhanka cirka ah, kuwaas oo lagu khaarajiyay in kabadan 100 malleeshiyaad ah, tiro intaas ka badanna waa lagu dhaawacay, isagoo tilmaamay in dagaalka sii socon doono illaa Al-shabaab laga saaro halka.

Howlgalka socday waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaari nooca Soom-aalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulestey in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.

Dowlada Soomaaliya oo kashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamka ayaa labo jibartay holgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowga ku soo duulay waddankeenna.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo sifayn ah ka sameeyay deegaanka Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib ayaa howlgallo sifayn ah ka sameeyay aagga deegaanka Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Dhagaxyaale ayaa ah deegaan maalmo ka hor Al-shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan , iyadoo la bur buriyay godad ay ku dhuumaalaysanayeen si ay uga soo abaabulaan weerarada gurracan ee ay dadka ku dhibaateeyaan.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay ciribtirka Argagaxisada

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaalieed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay La-taliyaha dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee Safaarada Marek-anka ee Soomaaliya Flannery Robert.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal, Qorshaha dowladda Federaalka iyo Saaxiibada caalamiga ah ee ku aadan ciribtirka Argagaxisada iyo Tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho kusoo bandhigay 24 dhalinyaro ah oo ku eedeysan falal amaan darro

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho kusoo qabqabtay 24 dhalinyaro ah oo ku eedeysan iney rabshado ka sameyeen Daraad galab garoonka kubbada Cagta Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in garoonka Eng. Yariisow oo ay Daraad shalay ka socotay ciyaar ka tirsaneyd tartanka degmooyinka gobolka Banadir oo dhexmareysay Kaaraan iyo Wadajir iney saameyen falal lidi ku ah amaanka.

"Waxaa xalay fiidkii Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Sooma-aliyeed gaar ahaan Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir lagu soo qabtay eedeysanayaal ciyaal wareero ah, o garaya 24 dhalinyaro ah kuwaaso shalay Garonka ciyaraha Eng Yarisoow ka geestay falal ammniga liddi ku ah, kana baxsan xeerarka taageerayaasha ciyaaraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska cidanka Boliska Somalia.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya lagu sheegay in dhalinyaradaan lasoo qabqabtay ay ku socoto baaris, islama-rkana la hor keni doono Maxkamadaha awooda u leh.

Ugu dambeynti Booliiska Soomaaliya ayaa ayaa uga digay dhalinyarada Somaliyed falalka lidiga ku ah amanka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

"Waxaa looga digayaa dhalinyarada usoo daawashataga ciyaaraha Dagam-ooyinka Gobalka Banaadir in ay ka fogadan falal Amni darada ah ilaaliyana xasiloonida ciyaaraha iyo xeerarka u yaala" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska cidanka Boliska Somalia.

Puntland oo boggaadisay mowqif uu Madaxweynaha Jubbaland ka qaatay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Maamul goboleedka Puntland oo aanan qeyb ka aheyn shirka golaha wadatashiga Qaranka ee ka socda maalintii afaraad magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay go'aan uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka qaatay shirka golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu bogaadinayo go'aanka uu madaxweynaha Jubaland ku diiday in Puntland ay kasii maqnaato shirarka golaha wadatashiga Qaranka.

"Waan bogaadinaya Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe mawqifka uu ka istaagay shirka Xamar sida uu u diiday maqnaanshaha Puntland iyo Khaatumo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor.

Hadalkan kaso yeeray madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya, kadib markii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dalbaday in shirka Wadatashiga Qaranka lagu soo biiriyo Puntland iyo Khaatumo, dalabkaas ayaana noqday mid saameyn xooggan ku yeeshay inuu soo gabagaboobo shirka Golaha Watashiga oo maalintii afaraad galay.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la sheegay inuu diidan yahay hanaanka doorashooyinka qof iyo cod oo uu sheegay ineysan suurta gal ahayn in haatan laga qabto Soom-aaliya, iyadoo aan heshiiska laga soo qeyb galin Puntland iyo Khaatumo.

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Beirut iyo masaajid ku yaalla Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay masaajid ku yaalla bartamaha Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah, halka la so weriyay tiro kale oo dhaawacyo ah.

Sidoo kale, milateriga Israa’iil ayaa mowjado cusub oo weraro ah ka gestay xaafadaha konfured ee Beirut, waxana illa hada jira khasaroyin, balse ma cada tirada dhimashada duqemaha Israel.

Wararka ka imaanaya Lubnaan ayaa sheegay in tan iyo maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay uu lumay xiriirkii kooxda Xisbulah ay la laheyd guddoomiyaha golaha fulinta Hashem Safieddine, kaas oo si weyn loogu tuhunsan yahay inu yahay hogamiyaha xiga ee kooxda.

Dhinaca kale, tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah wadoyinka magaalooyinka caalamka laga soo bilaabo Paris ilaa New York iyo Cape Town, iyagoo ku baaqaya in la soo afjaro dagaalka Israa’iil ee Gaza oo galay muddo sanad ah.

Qaza, tirada dhimashada ayaa gaareysa ugu yaraan 41,825 qof, halka Lubnaan la sheegayo in tirade dhimashada ay kor u dhaaftay 1119 ruux (kun boqol iyo toban iyo sagaal).

Netanyahu oo si kulul u weeraray Madaxweynaha Faransiiska

Raysal Wasaraha Israil, Benjamin Netan-yahu ayaa si kulul uga jawaabay baaqii daraad ka soo yeray Madaxwene Emanuel Macron, ee aha in la joojiyo hubka la geeyo Israel.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in Madaxweynaha Faransiiska ay ceb ku tahay in u ku baaqo in la jojiyo hubka ay rer galbedku siiyan Israel.

"Sida Israel ay ula dagaalanto xoogaga ee Iran hoggaamiso, dhaman wadamada ilbaxnimada leh waa inay si adag u garab istaagaan dhinaca Israel.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaraha aya yiri "Madaxwene Macron io hogamiyeyasha kale ee reer galbeedka ayaa hadda ku baaqaya in cunaqabateyn hubka lagu soo rogo Israel. Ceeb haku dhacdo iyaga.”

Netanyahu ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Israel laga joojiyo kaalmada militari, xilligan oo sida uu sheegay uu ku furan yahay dagaal dhinacyo badan leh.

"Iran ma waxay cunaqabaten dhanka hubka ah ay sareysa Xisbullah, Xuthiyiinta, Xamaas iyo wakiiladeeda kale? Dabcan maya, kuwaas oo Iran ay u dhistay in lagu la dagaalamo Israel.” Ayuu yiri Netanyahu oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Netanyahu oo caro laga dhadhansan karay ayaa yiri "Dhinacan argagixsada ayaa is garab taagan, balse dalal loo maleynayo inay ka soo horjedan argag-ixisada aya ku baqaya in cunaqabaten hubka ah la saro Israel. Maxa ceb ah.”

Netanyahu ayaa sheegaya in Israel ay ku guuleysan doonto dagaalka, xitaa haddii aysan wax gacan ah ka helin reer galbeedka.

"Laakiin ceebtoodu waxay sii socon doontaa muddo dheer, ka dib marka dagaalka lagu guuleysto. Waan hubaa Israel waxay dagaalami doontaa illaa dagaalka aan ku guulaysano, annaga aawaden iyo nabada & amniga adunka awadod.” Ayuu yiri Netanyahu.

Madaxweyne Macron ayaa Sabtidii sheegay inaanan la dhageysan baqodii aha in la jojiyo colada Gaza. Madaxwe-ynaha aya xusay in colada ay horse-deyso naceyb, islamarkana uu amanka Israil ku xiran yahay in la jojiyo dagalka.

Xafiiska Macron oo markii dambe ka jawaabay dhalleeceynta kaga timid Netan-yahu ayaa sheegay in Faransisku uu yahay saaxiibka joogtada ah ee Israel, balse falcelinta Netanyahu ay ahayd mid xad dhaaf ah, oo saaxiibti-nimada labada dal ka dhigesa mid kala socan amaba kala go’an.

Netanyahu ayaa toddobaadkii hore iska diiday baaq nabadeed oo uga yimid xulafada Israil ee Marekanka iyo Faran-siska, oo ku saabsaneyd in la sameeyo 21 cisho oo xabad joojin ah oo u dhaxeysa iyaga iyo Lubnaan, si xiisadda labada dal loogu dhameeyo miiska wada hadalka.

Erdogan oo Somaliya u soo diray markabka shidaal baarista sameynaya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan aya darad galab ka qaybgalay munasabad markabka Oruc Reis logu so ambabixinayay dalka Somalia.

Markabkan ayaa lagu wadaa in uu sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah uu ka bilaabo qaybo ka mid xeebaha dalka, tani oo daba socoto heshiis ay horaantii sanadkan kala saxiixdeen labada dowladood.

Heshiiska iskaashiga tamarta ee bishii March ayaa saddex shati ama ogolansho lagu siiyay Shirkada Turkish Petroleum inay sadex gobod oo xebaha dalka ah ka sameyso baaris shidaal.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Sabtidii sheegay in markabka baarista tamarta ee Turkiga uu hadda howlaha sahminta ka bilaabayo saddex goobood oo shati leh.

"Midkiiba wuxuu u taagan yahay 5,000 kiilo mitir oo isku wareeg ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Somalia oo mudo dher lala xiririnayay colaado iyo xasillooni darro in hadda loo aqoonsanayo sida uu yiri horumar dhaqaale, barwaaqo iyo nabad.

Munaasabadda lagu soo ambabixiyay markabka Oruc Reis ayaa ka dhacday Madaxtoyada Dolmabahce ee Magaalada Istanbul, iyadoo ayna Madaxweyne Erdogan ku wehlinayeen Wasiirkiisa Tamarta, Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka & Macdanta Somaliya, abdirisaaq omar Maxamed.

Madaxweyne Erdogan ayaa salaamay shaqaalihii markabka oo u soo dhaqaaqay xeebaha Somaliya, halkaas oo howlahooda shaqo ay ka bilaabayaan daba-yaaqada bishan.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa fileyso in bisha April ee sanadka 2025 uu bilowdo shidaal qodista dalka, waxaana laga samayn doonnaa saddex ceel oo ku yaala degaanada Galmudug.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batrolka & Macdanta Somalia ayaa dhawaan sheegay in Somaliya ay leedahay illaa 260 ceel oo badda ah.

Wasiirka ayaa xusay in sababta ay culeyska u saarayaan howlaha sahminta badda ay tahay duruufaha amni ee dalka ka jira, marka loo eego dhinaca berriga.

Shirkadda Geoseismic ayaa cilmi baaris ku sheegtay in Somaliya ay leedahay kayd shidaal iyo gaaska dabiiciga ah oo u dhigma 30 bilyan oo fuusto.

Somaliya ayaa rajeynaysa in markii ugu horreysay ay dadku ka faa’iideysan doonaan khayraadka aan la taaban ee dalka uu leeyahay.

Dadka ka baxsanaya colaadda Lubnaan ee gaaraya Suuriya oo aad u kordhay

Ku dhawaad ​​375,000 oo qof ayaa gaaray dalka Suuriya, ka dib markii ay ka soo carareen duqaymaha ballaaran ee ay Israel ka waddo koonfurta dalka Lubnaan.

Dowlada Lubnaan ayaa ku dhawaqday in wax ka yar laba toddobad ay dadkan uga barakaceen guryahooda, ka dib markii Israel ay bilowday in si aan horey loo arag ay u duqayso dalkaasi.

Dowladda ayaa sheegtay in dadkan ay isugu jiraan shacab Lubnaaniyiin iyo kuwo kaloo Suuriyaan ah, isla-markaana ay ka gudbeen kontoroolka xuduudda labada dal ee Al Masnaa.

Qoysas fara-badan ayaa la arkay, iyagoo lug uga baxsanaya dalka, kuna gaaraya dalka deriska ee Suuriya.

Suuriyaanka hadda barakacaya waxay qayb ka yihiin 1.5 milyan oo qof oo horey magangelyo ugu soo raadsaday dalka Lubnaan, intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Sabtidii, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqayn ku dilay lix qof oo barakacayaal ah, halka in ka badan toban kalena ay dhaawaceen, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA.

Sidoo kale dad kor u dhaafaya 1.2 milyan oo qof ayaa ku barakacay dalka gudihiisa, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Lubnaan.

Madaxa Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa sheegay in hay’adiisa iyo hay’a-daha kale ee caalamiga ah ay dadka gargaarka ugu gayn doonaan xuduudda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi oo Sabtidii Warbahinta kula hadlayay Magaalada Dimishiq ayaa ballanqaday in Tehran ay gurmad bani’adantinimo garsin donto qoysaska la soo barakaciyay, si loo caawiyo buu yiri qaxotiga Lubnan e Suriya ku sugan.

Si kastaba ha-ahaatee in ka badan 2,000 o qof aya ku dhintay duqaymaha Israel, tan iyo markii ay xiisadda ka soo dhex cusboonaatay labada dal. Dadkan ayaa intooda badan lagu dilay duqaymaha ay Israel kordhisay dhowr iyo tobankii cisho ee ugu dambeysay.

Muwaadiniinta Ruushka oo lagu wargeliyay in ay si degdeg ah uga baxaan Israel

Dowladda Ruushka ayaa dhammaan muwaadiniinteeda ku wargelisay in ay si degdeg ah uga baxaan Israel, ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

Maamulka Madaxweyne Vladimir Putin ayaa muwaadiniinta faray in ay si dhakhsa ah uga baxaan dalkaasi, inta aysan xirmin garoomada diyaaradaha.

Safiirka Ruushka ee Israel, Anatoly Viktorov ayaa sheegay in maalintii ay shaqeynayaan dhowr duulimaad oo caalami ah, ayna tahay in muwaadiniintooda ay hadda isaga baxaan Israel.

Safiirka ayaa sidoo kale muwaa-diniinta Ruushka, kuwooda booqanaya Israel kula taliyay in ay ka baaqsadaan safarada Israel.

Moscow ayaa dhowr cisho ka hor soo saartay digniin tan oo kale ah, oo ay u jeedineyso muwaadiniinteeda ku sugan dalka Lubnaan.

Xiisadda Israel iyo Iran ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, ka dib weerarkii Iran ee gantaalada loo adeegsaday ee habeenkii Talaadada lagu qaaday Israel.

Israel ayaa ku hanjabeysa in Iran ay ka shalaayi doonto weerarkaasi, halka Iran ay iyana ku goodisay in ay ka bixin doonto jawaab aan horey loo arag.

Cid kasta waxay tixraaceysaa in hanjabaadaha labada dhinac ka soo yeeraya ay horseedi karaan dagaal aan waxba la isku reeban.

Maadaama Ruushku uu yahay dal ay xulafo dhow yihiin Iran ayaa waxaa la leeyahay wax badan ayuu ogyahay.

Dowladda Iran ayaa Khamiistii warqad u dirtay Mareykanka, iyadoo sii mareysa Qatar, waxayna sheegtay in Israel ay la kulmi doonto weerar ka xoogan kii Talaadadii, haddii ay soo weerarto dalkeeda.

Mareykanka qudhiisu markan waxa uu arkaa in Iran ay xarga goosan doonto, haddii Israel ay garaacdo xarumaheeda tamarta nukliyeerka iyo weliba saliidda.

Dagaalka ay u biro tumanaayan labada dhinac ayaa noqon kara kiisii ugu weynaa ee ka dhaca Bariga Dhexe.

Saamaynta dagaalka ayaan noqon doonin mid ku kooban dadka gobolka, oo cawaaqibkiisu waxaa laga dareemi doonnaa dhulka aadka uga durugsan, bacdamaa Bariga Dhexe uu qayb ka yahay dheelitirka ganacsiga caalamiga ah.

Waa kuma hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Carbeed ee heshiiska la galay Israa’iil ee la dilay shalay oo kale

Shalay oo kale lixdii Octoobar sanadkii 1981-dii ayey ahayd markii koox saraakiil ciidan ah ay dileen maaxweynihii Masar Anwar Saadaat kaas o ka qayb galayey dholatus militari oo ka dhacay magaalada Qaahir.

Dilkiisa waxaa ka soo wareegtay 43 sano. Madaxweyne Saadaat, munaa-sabaad lagu dilay waxaa lagu xusayey sanad guuradii siddeedaad ee ka soo wareegtay dagaalkii dhexmaray dalalka carabta oo ay Masar hoggaaminaysay iyo Israa’iil.

Anwar Saadaat, ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee Carbeed oo heshiis la gala Israa’iil laba sano ka hor dilkiisa, go’aankaas oo ka caraysiiyay dad badan oo Masaari ah isla markaana horseeday banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo.

Bilowgiisii

Muxamad Anwar Saadaat, waxa uu ku dhashay bishii December 25, 1918-kii tuulada Mit Abu al-Kum ee gobolka Menoufia ee dalka Masar.

Sida ay sheegtay Encyclopedia Britannica Saadat, ayaa ka qalin jabiyay kuliyadii ciidamada ee Qaahira sanadkii 1938-kii, dagaalkii 2-aad ee aduunkana uu qorsheeyay in uu Ingir-iiska ka saaro Masar isaga oo kaashanaya Jarmalka.

Ingriiska ayaa xiray sanadkii1942-kii, balse laba sano ka dib wuu baxsaday. Sannadkii 1946-kii, Saadaat ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilkii wasiirkii taage-ersanaa Ingiriiska Amiin Cismaan, waxaana uu xirnaa ilaa 1948-kii isagoo aakhirki wax dambi ah lagu waayay.

Sanadkii 1950-kii, waxa uu ku biiray Dhaqdhaqaaqii Xoreynta Qaranka. Saadaat waxa uu ka mid ahaa madaxdii ururkii Free Officers Organisation ee afgambiyey boqortooyadii Masar sanadkii 1952-kii, waxa kale oo uu taageeray doorashadii Cabdi Naasir ee madaxweynenimada sanadkii 1956-kii.

Madaxweynanimadiisii iyo caqabadihii

Saadaat waxa uu soo qabtay jagooyin sar sare oo kala duwan oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka intii u dhaxaysay 1964 ilaa 1966 iyo 1969 iyo 1970-kii.

Ka dib waxa uu noqday ku simaha madaxweynaha dhimashadii Naasir, ka dib Sebtembar 28-dii sanadkii 1970=kii, waxaana loo doortay madaxweyne afti dadweyne Oktoobar 15, 1970-kii.

Waxa uu la kulmay caqabado waaeyn ka dib markii uu jagadan ka qaatay kuwii loo yaqaanay xarumaha awooda, kuwaas oo ahaa tiirarkii taliskii Cabdi Naasir, waxa uuna ku guuleystay in uu afgambiyo wixii Masar looga yaqaanay "Kacaanka toosinta”.

Dhaqaalaha Masar ayaa sidoo kale ahaa mid liita kadib dagaalkii 1967-kii iyo jabkii ciidamada Masar ay kala kulmeen Israa’iil, waxaana bulshada Masar la ildarnayd sicir barar iyo la’aan adeegyadii aasaasiga ahaa.

Sannadkii 1972-kii, ka dib markii Saadaat uu dareemay in Midowga Soofiyeeti aanu siinin taageero ku filan, waxa uu dalka ka saaray kumannaan farsamo-yaqaanno iyo la-taliyeyaal ah oo Soofiyeedka ah.

Dagaalkii 1973-dii

Sida laga xigtay Encyclopædia Britannica, hindisayaasha nabadeed ee Masar ee ku wajahan Israa'iil waxay billaabeen horraantii madaxweyne Saadaat, markii uu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu xal nabadeed gaaro haddii Israa'iil ay soo celiso Jasiiradda Siinaay oo "Israa'iil ay qabsatay dagaalkii 1967-kii."

Ka dib markii uu ku guul daraystay hindisahan, Saadaat, waxa uu qaaday weerar millatari isaga oo kaashanaya Suuriya si ay dib ugu hantan dhulalkas, kaas oo dhaliyay dagaalkii Carabta iyo Isra'il e Oktobar 6-dedi sanadki 1973-ki.

In kasta oo Israa’iil ay iska celisay horusocodka ciidammada Masar si ay dib ugu qabsadaan gacanka Siinaay, waxa ay la kulantay khasaare xooggan.

Saadaat, waxa uu ka soo baxay dagaalka. Waxa kale oo uu mawqifkii uu ka taagnaa masraxa caalamiga ahaa mid xoog badan, iyada oo ay dad badani u arkayeen in uu yahay halyey qaran iyo hoggaamiye maskax badan oo soo celin kara sharaftii iyo karaamadii ummadda Carabta. Si kastaba ha ahaatee, dagaalkani ma ahayn kaliya dhaqdhaqaaq ciidan, balse wuxuu horudhac u ahaa dhaqdh-aqaqyo diblomaasiyadeed oo waawen.

Nabada

Dagaalka ka dib, Saadaat waxa uu ka shaqeeyay sidii nabad looga dhalin lahaa Bariga Dhexe. Waxa u booqasho taariikhi ah ku tagay Israa’iil 19-kii iyo 20-kii November 1977-kii, xilligaasi oo uu u safray magaalada Jerusalem si uu ugu soo bandhigo qorshihiisa nabadeed aqalka Knesset ee Israa'iil.

Tani waxay kicisay dadaallo dublam-asiyadeed oo isdaba joog ahaa oo Saadaat uu sii waday in kasta oo ay si weyn uga soo horjeesteen inta badan dalalka Carabta iyo Midowga Soofiyeti.

Madaxweynaha Maraykanka Jimmy Carter, ayaa dhexdhexaadiyey wada-xaajood dhex maray Saadaat iyo Menachem Begin Ra’iisul wasaarihii Israa’iil, kaas oo natiijadii ka soo baxday ay noqotay in la saxeexo heshiiskii Camp David Sebtembar 17, 1978-kii, heshiis nabadeed oo hordhac ah oo u dhexeeya Masar iyo Israa'iil.

Saadaat iyo Begin waxa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Nabadda e Nobel sanadkii 1978-kii, gorgort-ankodi siyasaded ee socdayna waxa uu keenay in heshiis nabadeed la saxeexo March 26, 1979-kii, kaas oo u dhexeeya Masar iyo Israa’iil.

Geeridiisa ka dib, shakhsiyadda Anwar Saadaat, waxa ay noqotay arrin muran weyni ka taagan yahay, iyadoo dadka qaarkood ay u arkayeen inuu ahaa halyey qaran iyo horseedkii nabadda ee Bariga Dhexe, halka qaar kalena ay u arkaan inuu yahay shakhsi kala qaybiya gudaha iyo dibadda. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la dafiri karin in dhaxalkiisa uu saameyn weyn ku yeeshay Masar iyo Carabta.

Marka la eego heerka caalamiga ah, Saadaat waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ka qayb qaatay beddelka astaamaha Bariga Dhexe. Heshiiskii nabadeed ee uu la saxexday Israa’iil ma ahayn oo keliya heshiis laba geesod ah, balse waxa u ahaa bilowga weji cusub oo xidhiidhka dalalka Carabta iyo Israa’iil, xataa haddii aanu xidhiidhkaasi si buuxda u horumarin ilaa sannado badan ka dib.

Dadka qaarkiis waxay dareemayaan in taariikhdu ay cadaysay habkii Sadat u wajahnaa colaadda Carabta iyo Israa'iil. In ka badan toban sano ka dib dilkiisa, Falastiiniyiintu waxay bilaaben wadadii dheerayd ee dhibka badnayd ee ay ku nabadayn lahaayen dariskoda, waxa ku xigay Urduniyiinta oo la heshiisay Israa’iil, ka dibna waxaa heshiisla saxiixday Israa'iil dalaka Imaaraadka, Marooko, Suudaan iyo Baxrayn.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip