halkaan ka aqriso wararka wargeska mogtime
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii afaraad ka socda magaalada Muqdisho
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu gudoominaayo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maalintii afaraad s habsami leh uga socdo xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaxda heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka.
Kullamada shalay ayaa waxa ay ahaayeen kulan doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey guddiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka Golaha, inkastoo madaxweynaha Hirshabeelle uu fasax u qaatay ka qeybgalka xafladda sanadguurada Hirshabelle, balse waxa uu ku soo biiri doonaa kullamada berrito lagu balansan yahay.
‘’Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ ayuu yiri C/raxmaan Xudeyfi, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirka ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta berito ah oo axad ku beegan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder-aalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya, Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke.
Madaxweynaha ayaa yiri, "Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Alle ha u naxariisto Wasiirkii hore ee Waxbar-ashada Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke, waxuu kaalin mug leh kasoo qaatay horumarinta waxbarashada dalka iyo dowlad-dhisidda.”
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay Marxuumka in hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabada, iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday.
Waxaa Marxuumka lagu xasuustaa dadaalkiisa iyo hogaamintiisa dhinaca waxbarashada, taasoo door muhiim ah ka qaadatay horumarka dalka.
Wasiirka Difaaca "Itoobiya ciidankeeda qeyb kama noqon doonaan howlgallada ciidan ee dalka ka socda haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka”
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay xaaladda howlgalka ATMIS iyo halka uu marayo qorshahooda ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka 27-xarun ciidan ay kala wareegeen ciidamada ATMIS. Sannadka 2024-ka, ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Sidoo kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS iyo doodda ka taagan damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeybo ka mid ah Baddeenna, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkaas qarankeenna iyo Baddeenna ay ku damacday in aysan ka mid ahaan doonin howlgalkaas (Mission), oo Dowladdo kale booskaas ay buuxin doonaan.
” Xaaladda ATMIS meesha ay mareyso ayaan rabaa in aan kalmad ka iraahdo, ciidadamada xoogga dalka wejigii seddaxaad wuu dhammeeyay, guud ahaan ATMIS 27-xarumood ayaa lagala wareegay in intaas la mid ahna ilaa iyo 2024-ta waa la dhamm-eystirayaa oo 3-bilood ka dhamin tahay howlgalku (Missionka) ku egyahay 2024-ka,waxay doodi ka taagneyd, sidiina u taagan tahay Dowladda Itoobiya oo aad la socotiin haddii aysan ka laabanin heshiis beeneedkaas qarankeenna iyo Baddeenna ay ku damacday in aysan ka mid ahaan doonin howlgalkaas (Mission), oo Dowlado kale booskaas ay buuxin doonaan,’.
Dhanka kale, wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka iyo xubnaha beesha caalamka ee caawiya holgalka ATMIS ay u socdaan wadahadallo ku aaddan arrimaha farsamo ee lagu dhammeystiri lahaa howlgalkaas iyo sida uu noqon doono.
” Doodaha badan aad qabi kartaan waxaa ka mid ah howlgalkaas iyo siduu noqon doono, waad la socotiin howlgalka magaciisa waa la bixiyay, waxaana wali socda arrimihii farsamo ee lagu dhammeystiri lahaa howlgalkaas, wada-hadalkaas wuxuu noo socdaa anaga iyo African Union, United Nation iyo hay’adihii kaalmeyn lahaa, waxay doodi ka taagneyd,”.
Ciidamada xoogga dalka ayaa si buuxda ula wareegaya amniga guud ee dalka, marka si dhammeystiran dalka uga baxaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.
Natiijada ciyaaro xiiso badan oo dhexmartay kooxaha Kubadda Cagta ee Degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa shalay ka qeyb galay daawashada kullan aad u xiiso badan oo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ku dhex-martay kooxaha Kubadda Cagta ee Degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir.
KulLankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana qeyb ka ahaa Wareega sideed dhamaadka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waqtigii loogu tala galay waxa uu kusoo idlaaday 0-0, balse gool ku laad (Rigoore) labada dhinac loo dhigay ayaa cayaarta ka dhigtay mid ay guusha ku raacday Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan.
Degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Kaaraan ayaa xaqiijiyay in ay usoo gudbaan Wareega Afar dhamaadka ama Semi-finalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona maalinta barito la sugaayo in ay cayaar aad u xiiso badan dhex marto Xulalka Kubadda Cagta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Dharkeenley oo xulkii ay guusha raacdo ku biiri doonna xulalka usoo gudbay Semi-finalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Golaha Shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Xakamaynta kiimikada
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ansixiyay Hindise Sharciy-edka Xakameynta Kiimikoyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegga iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 151-Xildhibaan ma jiro xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo kulan doceedyo la qaatay qaar kamid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Afrika
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada
XFS,
halkaan ka aqriso wararka wargeska mogtime
....