:halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Saturday October 05, 2024 - 21:20:23 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    :halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    .........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.........

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka fadhigiisa 3-aad oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka fadhigiisa 3-aad ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.

Intii uu socday shirka, waxaa warbixin muhiim ah laga dhageystay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), kaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee geeddi-socodka dimuquraadiyeynta iyo qorshayaasha doorashooyinka soo socda.

Afhayeenka Madaxweynaha XFS, Mudane Cabdiraxmaan Xudeyfi, oo la hadlay saxaafadda shirka kadib, ayaa xaqiijiyay in kulanka shalay uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, isla markaana madaxda ay ku heshiiyeen in la sii wado kullamada shirka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah oo ku saabsan arrimaha dimuquraadiyeynta, doorashooyinka, iyo dadaallada socda ee dib-u-xoreynta dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiy-adda ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee Golaha horyaala ayna tahay inuu Golaha ka shaqeyo kalfadhigan shanaad.

Sidoo kale guddoomiyaasha guddiyada Golaha ayaa soo gudbiyay guddi walba hindise sharciyeedyada horyaala iyo habraacyada ay marayaan, waxaana Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ay ka doodeen ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay dardargelinta shuruucda muhiimka u ah horumarinta dowladnimo ee dalka.

Wasiirka Difaaca oo kormeeray Xarunta Ciidanka Dhulka Xoogga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumada Federalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay xarunta Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib u dayactir ballaaran lagu sameeyay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeyo Guuto Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan CXD ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay xaruntaan oo si casri ah loo dayactiray.

Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha, isagoo ka xog wareystay Injineerada gacanta ku haya dhismahaan kaas haatan maraya heer gabogabo ah.

Madax ka tirsan Dowladda FS oo ka qeybgalay kulanka qalinjebiyaasha xirfadleyda sharci ee jaamacadda Daha

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin ayaa Muqdisho uga qeyb galay kulanka qalinjebiyaasha xirfadleyda sharci ee jaamacadda caalamiga ah ee Daha oo kamid ah jaamacadaha dalka ee lagu barto qaanuunka.

Kulanka ay oo isugu yimaadeen qaar kamid ah sharciyaqaannada jaamacadda Caalamiga ah ee Daha ka aflaxay ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiir ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta, Saalax Shariif Sayid Cali, wasiirkii hore ee diinta, Sheekh Cabdulqaadir Cali Ibraahim (Baqdaadi) iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah madaxda jaamacadda.

Guddoomiyaha guddigga sare ee jaamacadda Daha, Dr. Sheekh Abuukar Xasan Maali, Guddoomiyaha Jaamacadda, Daahir Axmed Xasan, iyo xirfadleyda sharci ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir Xasan Macallin uga mahad celiay kasoo qeyb galka kulanka dhiirri gelinta iyo dadaallada horumarita qeybta qaanuunka ee dalka.

Wasiir Xasan Macallin oo ay ka go’antahay horumarinta qeybta sharciga dalka, ayaa dhawaan dalka Turkiga deeq waxbarasho sare ugu diray sharciy-aqaanno dowladda u shaqeeya, si ay takhasus sharci usoo sameeyaan oo xirfad iyo aqoon sare dalka ugu soo celiyaan, arrintaas oo qeyb ka ah dadaallada uu ku dhisayo karaanka howl-wadeennada sharciga qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyay in al-shabaab lagu jabiyay howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe iyo Gaalgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Al-shabab lagu jebiyay holgalo shalay iyo daraad ka socda deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deeganada Xuseen cagey, Cali yabaal, Dhagaxyaale , Ceelbacadiyo howdka dhaca magaalada Ruunir-goodkuwaas oo hoostaga gobolada Sh/Dhexe iyo Gaalgaduud.

"Geesiyaasha Qaranka oo kaashanaya shacabkooda ayaa shalay iyo daraad waxay Shabeellaha Dhexe iyo Gaalgaduud jug weyn ku gaariiyeen Al-shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo Dalka Cummaan uga qeybgalay shir muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada Waxbarashada ee Waddamada Islaamka, kaas oo lagu qabyay dalka Cummaan.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa uga hadlay xaaladda waxbarashada dalka, dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay waxbarashada u gaarsiin lahayd carruurta Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ee aan fursad waxbarasho haysan.

Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay kordhisay miisaaniyadda ku baxdo waxbarashada, sidoo kale ay shaqaalaysiisay 6 kun oo macallin muddadii labada sanno ahayd ee lasoo dhaafay.

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee QM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Fiqi ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo u mahadceliyay hoggaanka Switzerland ammaanna u jeediyay Danjire Sania Strasi doorkii ay ka qaadatay doodihii hore. Wuxuu sidoo kale xusay wadatashiyada qaran ee ka socda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ujeedkoodu yahay horumarinta maamulka loo wada dhan yahay iyo dib-u-habaynta doorashooyinka.

Wasiir Fiqi wuxuu si xooggan u diiday sheegashada dhuleed ee Itoobiya, isagoo ku eedeeyay inay ka faa’iidaysanayso la dagaallanka argagixisada sidii marmarsiiyo ay dhul ugu qabsan lahayd. Wuxuu sidoo kale soo bandhigay in la qabtay hub sharci-darro ah oo Itoobiya ka yimid, kuwaas oo hurinaya dagaallo maxalli ah oo awood siinaya kooxaha xagjirka ah, isagoo tallaabooyinkan ku tilmaamay xadgudub cad oo lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qiray taageerada Hawlgalka Kumeel Gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), wuxuuna xoogga saaray howlgallada xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS, iyadoo adeegyada dowladeed lagu ballaariyay deegaannada la xoreeyay. Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la shaqaynta Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga iyo maamulidda iyadoo waddanku ku jiro marxalado muhiim ah.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS oo la kulmay la taliye sare oo ka socday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa la kulmay la-taliyaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mudane Xamsa Warfaa oo ah wiil Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa La-taliye Xamsa Warfaa warbixin ka siiyey xaaladda dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay xoojiso iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqa-alaha iyo hormarinta bulshada, isago xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta Soomaaliya kala dhexeysa Mareykanka.

Wasiirka ayaa kulankaas ka cadeeyey in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso ka faa’iideysiga fursadaha ku xeendaaban iskaashiga kala dhexeeya dowladda Mareykanka.

Dhankiisa La-taliyaha sare ee Wasaa-radda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mudane Xamsa Warfaa ayaa Wasiirka u xaqiijiyey in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay taageerto dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiir ku xigeenka Maaliyada XFS oo lagu soo dhoweeyay gobolka Minnesota ee Mareykanka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada XFS Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xarunta gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaa ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Minnesota oo ay ka mid yihiin Hodan Xasan, Maxamuud Nuur iyo Samakaab Xuseen.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda People Action ee fadhigeedu yahay gobolka Minnesota iyo waliba Xildhibaan Samakaab Xuseen.

Wasiirka ayaa kawar bixiyey xaalada dalka iyo hormarka dowladda Soomaaliya ay ka samaysay arrimaha deyn cafinta iyo waliba guulaha laga gaaray Amniga.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS oo ka qeybgalay shirka la dagaallanka argagixisada

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay shir ku saabsan la dagaallanka Argagix-isada ee dhanka Teknoolojiyadda.

Shirka oo ka dhacay xarunta Isbahaysiga Militariga Islaamka ee la dagaallanka Argagixisada ee magalada Riyaad dalka Sucuudiga ayaa Soomaaliya waxaa ku matalayay u qeybsanaha Ciidanka XDS ee Isbahaysiga Militariga Islaamka ee ladagaallanka Argagixisada Jeneral Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Shirka waxaa kale oo ka qeybgalay wadada ku bahoobay Isbahaysiga Militariga Islaamka, kaasi oo inta uu socday looga hadlay sidii Argagixisada loogala dagaalami lahaa dhanka Teknoolojiyadda casriga ah ee shalay dunida ku talaabsatay.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo si diiran ugu soo dhaweysay Minneapolis Wasiir Al-Cadaala

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka ayaa magaalada Minneapolis ku soo dhaweysay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Mudane abdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Kulanka labada Mas’uul oo dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed ay ku wehliyeen ayaa la isaga xog-wareystay xaaladda Soomaaliya oo Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala uu uga warbixiyey Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Taliska Ciidanka Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaal-iyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Taliyaasha hoggaanada, Fadhiyada Madax banaan iyo Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saaray dardar galinta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka Kooxaha Khawaariijta.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Sooma-aliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 7aad ee Qeybta 12-ka April, ayaa howlgal isugu jiray sifeyn iyo burburin ku qaaday goobaha ay ku dhuumaleysanayen Al-shabaab, waxaana howlgallada laga sameeyay deegaanada u dhexeeya wadada xiriirisa Bali-doogle iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo lagu burburiyay baro ay Al-shabaab ku dhibaateynayeen shacabka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 7aad G/dhexe Axmed Cabdi Cali "Axmed Gaashaan”, oo ay wehliyaan taliye ku-xigeenka Guutada iyo saraakiil kale.

Deegaanada howlgalka laga fuliyay waxaa ka mid ah Baqdaad, Doonka, Kaxaroow, Jambaluul, Doon Dheere, God Doofaar, Baladul-amiin, Warmaxan, Tixsiile iyo kuwo kale.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qaranka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga XFS, Sheekh Abuukar Maxamed, ayaa shir jara’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, kaga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeyay ee ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya dadka deegaanka.

Deegaanada laga fuliyay hawlgalada ayaa ka mid ah Buurfuule, oo hoos taga deegaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guutada 14-ka Oktoobar, NISA, iyo maamulka deegaanka ayaa iska kaashaday howlgalkan, waxaana la sheegay in Al-shabaab lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh.

Afheyeenka ayaa xusay in ciidamada Qaranka ay si weyn u jabiyeen Al-shabaab dhibaateynayay shacabka oo ku dhuuma-aleysanyay howdka xiriiriya gobollada Baay iyo Gedo, iyo sidoo kale gobollada Shabeellaha Dhaxe iyo Galgaduud.

Intaa waxaa dheer, Guutada 77 ayaa hawlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Cali Heele oo hoos-taga degmada Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud, ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana la gubay gaari Cabdi Bile ah oo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ay kaga carareen.

Sidoo kale, Ciidamada Qaranka ayaa deegaanka Jowhar-Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku weeraray xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo gaarsiiyay Al-shabaab jab xooggan.

Intii uu guda jiray Shirka Jaraa’id, Sheekh Abuukar ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay isu soo dhiibeen Ciidamada Qaranka, "waxaa batay isu soo dhiibayaasha u adkaysan waayay rafaadka ay Al-shabaab ku jiraan iyo weerarada joogtada ah ee ay fuliyaan Ciidamada Qaranka.”

Hawlgalladan ayaa muujinaya dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan xakameynta khatarta Al-shabaab, si loo sugo amniga iyo xasiloonida dalka.

Dalal kamid ah caalamka oo ku celiyay inay lama taabtaan tahay Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka

Dowladdaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera dhinaca Amaanka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxay mar kale ku celiyeen inay lama taabtaan tahay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed, waxayna isku raaceen inay ka soo horjeedaan wax kasta oo qal qal iyo xasilooni daro ka abuuri kara Geeska Afrika.

Wadamadaan ayaa sidoo kale dowladda Turkiga ku bogaadiyay dadaalada ay ku doonayso inay ku dajiso xaalada xilli Turkiga uu marti galiyay labo shir oo loo qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, shirarkaas oo dowladda Soomaaliya ay ku cadaysay mowqifkeeda ah in aysan ka gor gortamayn in Itoobiya ay ka laabato damaceeda xadgudubka ah.

Kulaan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, iyadoo lagu soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aadan diyaarinta iyo isku dabaridada ciidan Qaranka oo lagula xisaabtami karo xasiloonida wadanka.

Dhanka kale kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay baahida deg dega ah ee loo qabo in la dhamaystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo soo afjaro howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Wadamadaan Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga ayaa isku raacay shirka xiga oo ah shireka 8-aad in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Turkiga oo maalmaha soo socda shidaal ka baaraya Soomaaliya. warbixin

Maraakiib laga leeyahay dalka Turkiga ayaa qorsheynaya ineey soo gaaraan xeebaha Soomaaliya dhamaadka bishaan October, iyagoo billaabi doona raadinta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysay wasaaradda tamarta ee Turkiga maalinimadi daraad.

Tallaabadaan ayaa dabasocota heshiis dhanka tamarta ah oo bishii Maarso ay wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiye, kaas oo dhigayey in shidaal baarista iyo soo saarista loo ogolaado in Turkish Petroleum ay shatiyo ka hesho saddex goobood oo ku yaala badda Soomaaliya.

Markabka Oruç Reis ayaa sahamin doona dhul gaaraya ku dhawaad ​​5,000 oo kiilo mitir oo isku wareeg ah oo u dhigma (1,930 mayl laba jibaaran), sida ay ka dhawaajiyeen wasaaradda tamarta oo intaa ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ka qeybgali doono xafladda ambabaxa maraakiibtaasi ee dhinaca Soomaaliya.

"Waxaan saadaalineynaa in aagga uu markabka Oruç Reis ka shaqeyn doono uu yahay gobol leh rajooyin shidaal,” Wasiirka tamarta Alparslan ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Markabkaan Oruç Reis ayaa waxaa shaqadiisa ku wehlin doona labo markab oo kuwa badda ah iyo maraakiib taakuleyn ah waxayna imaan doonaan xeebaha Soomaaliya iyagoo soo mari doona badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas.

Howlaha ku aadan raadinta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah ayaa la filayaa inay socoto muddo toddoba bilood ah.

SoDMA oo gaarsiisay deeq raashin 6,000 oo qoys oo ku dhaqan Afgooye

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SoDMA ayaa deeq raashin ah gaarsiisay 6,000 oo qoys oo ku dhaqan degmada Afgooye, oo ay fatahaaddu saameysay. Deeqdan raashinka ah ayaa loogu tala galay taageero nololeed, si loo yareeyo culeyska saameynta fatahaadaha.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka iyo degaannada dalka, fatahaaddan ayaa sii adkeysay nolosha dadka nugul, kuwaas oo hore ula daalaa-dhacayay saameynta abaaraha.

Tababar aqoon-kororsi ah oo loo soo xiray haweenka Gobolka Hiiraan

aamulka gobolka Hiiraan,gaar ahaan kan Degmada ee Magaalada Baladweyn ayaa tababar aqoon-kororsi ah oo kor loogo qaadayo kobcinta doorka Haweenka u soo xiray qaar kamid ah Haweenka gobolkaas.

Tababarkaan oo muddo shan cisho ah u socday haween ka kala socday shanta degmo ee gobolka Hiiraan, waxaa looga hadlaayey kaalinta haweenka ee ay ka geysan karaan dhinaca nabada iyo amaanka.

Tababarkaan oo loo qabtay haween gaaraya 100 ruuwaxaa casharro ka bixiyay Caasha C/lle Cismaan oo kamid ah ururada haweenka ee gobolka.

Xiritaankii tababarkaasi waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Baladweyn Cumar Cisaan calasoow iyo taliyw ku xigeenka qeybta boliiska Muuse Cabdi.

Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha Jabuuti

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa shaacisay in 45 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti, kadib markii laba doon oo ay la socdeen ay ku quuseen biyaha Badda Cas.

Doonyaha qarraqmay oo kasoo shiraacday dalka Yemen ayaa watay 310 qof, waxaana illaa iyo hadda la badbaa-diyay 32 qof oo kaliya.

Lama shaacin weli heybta dadka ku dhintay shilkaas.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha dhijitaalka Dowladdaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa magaalada Lusaka ee Caasimadda dalka Zambia uga qeyb galay Shirweynaha dhijitaalka ee dowladaha Afrika ee sanadka 2024.

Shirweynahaan uu daahfuray Madaxweynaha dalkaasi Zambia Hakainde Hichilema ayaa ah mid dowladaha Afrika ay kaga wada hadlayaan sidii loo horumarin lahaa Teknoolajiyada dalalka Afrika.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyda Soomaaliya Maxamed Soomaali ayaa shirka ka sheegay in dowlada Soomaaliya horumar ka gaartay dhanica dhijitaalka, Isgaarsiinta iyo ICT-da oo muhiim u ah la jaanqaadista isbadalka dunida casriga ah.

"Soomaaliya waxay sameysay sharciyo muhiim u ah Horumarinta Teknoolajiyadda Casriga ah oo kala ah, Dhowrista Xogta, Dhismaha xarunta Xogta Qaranka, Sharciga Cybarka, Sharciga Denbiyada Cybarka, Istaraatijiyadda E Government, Sharciga Macaamilka danabaysan ee –E- Transaction Law, siyaasada Horumarinta ICT – ICT Policy and Strategy" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Isgarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale shirka kusoo bandhigay in la daahfuray Mashruuca isku xirka Dhijitaalka ee Bariga Afrika oo uu tilmaamay in wax badan ka badali doono kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku

xirka wadamada Bariga Afrika, isagoona xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Maalgashi Caalami ah oo la xariira dhanka dhijitaalka.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ku guuleystay qaadista isbaarooyin yaalay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Mataan

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa gordhaw u dhaqaqay xal u helista cabasho xoogan oo kasoo yeereysay maalmahii lasoo dhaafay gaadiidleeyda gobolka Hiiraan, taasoo ku aadaneyd isbaarooyin tiro badan oo yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Baledweyne.

Ugaas Yuusuf oo uu wehlinaayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye iyo Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa u jiheystay wadada laamiga ah ee isku xirta Matabaan iyo Baledweyne, si ay u qaadaan dhamaan isbaarooyinka yaala halkaas.

Wararka haatan kusoo dhacaya warqabadka HOL ee magaalada Baledw-eyne ayaa sheegaya in Ugaaska iyo xubnaha la socda ay ku guuleysteen iney qaadaan isbaarooyinkii yaalay inta u dhaxeysa Baladweyne ilaa deegaanka Ceelgaal, islamarkaana ay shalay wadadaas ka qaadi doonaan dhamaan isbaarooyinka yaala.

Talaabadaan uu qaaday shalay Ugaas Yuusuf ayaa ah mid timid, kadib mudo 20 maalmood oo ay ku xiyaran yihiin inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Matabaan in ka badan 200 oo baabuur oo sida raashiin kala duwan.

Isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Matabaan iyo Baledweyne ayaa la sheegay iney yihiin 36 isbaaro, kuwaas oo u yaala maamulada Hirshabeelle, Hiiraan State iyo maleeshiyaad kale.

Isbaarooyinkaan xaddhaafka ah ayaa sababay in sicir barar xoogan uu ku yimaado qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga ah gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana talaabada Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan si weyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee shacabka iyo gaadiidleyda gobolka.

Madaxweyne Biixi oo ka jawaabay silsilad suuggaaneedii ay Xidigaha Geesku ku dhaliileen xukunkiisa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa sheegay in Xidigaha Geesku ay ku jees jeeseen askar xabsi u galay difaaca qaranimada Somaliland.

Biixi oo Jaamacada Hargaysa kula hadlayay arday baratay dastuurka, ayaa sheegay in cida askarta u heestay anay ilaalinayn qaranimada, isaga oo dadka ugu baaqay in ay ka foojignaadaan fariimaha ay faafinayaan.

"Ninka shalay nin dalka naftiisa u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa, maaha siyaasad, maaha tartan, qaranka lama taaban karo" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in waraaqaha codaynta laga arki doono cida ay shacabka Somaliland rabaan, isaga oo sheegay in ay haboontahay in musharixiinta lagu kala saaro halka ay ka taaganyihiin jiritaanka Somaliland.

Kooxda Hobolada Xidigaha Geeska oo taageeradooda iskugu geeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo saaray heeso silsilad ah oo ay ku dhaliilayaan xukuumada uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

Kooxda ayaa si gaar ah madaxweynaha ugu dhaliishay jabkii ciidamada Somaliland kasoo gaadhay dagaalkii Laascaanood iyo dhulka ay Somaliland lumisay intii uu talada hayay.

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Lubnaan iyo Gaza

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 37 ay ku dhinteen 151 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro duqeymo ah oo ka dhacay dalkaasi 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Sidoo kale,ugu yaraan 18 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha dagaalka Israel ku qaadeen xerada qaxootiga Dulkarem ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Madaxa UNRWA, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah lagu dilay saddex hoy oo iskuul oo ay Qaramada Midoobay maamusho, kadib kolkii ciidammada Israa’iil ay ku weerareen marinka Qaza.

Ugu yaraan 41,788 qof ayaa lagu dilay Gaza, halka 96,794 kalena lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo bishii Oktoobar 2023.

James Swan: Soomaaliya waa inay heshaa sharciyo doorasho oo la fulin karo iyo guddi doorasho oo madax bannaan

Ku-simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo khudbad ka jeediyay Golaha Amanka ee Qaramada Midoobay, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la qaato sharciyo doorasho oo la fulin karo iyo in la dhiso guddi doorasho oo madaxbannaan.

James Swan ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay Qaramada Midoobay in ay Soomaaliya ka taageerto sidii looga gudbi lahaa caqabadaha farsamo, saadka, iyo maaliyadda si loo xaqiijiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonaan karo.

Swan waxa uu walaac ka muujiyay xiisadaha ka taagan gobolka ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee 1-dii January. Isagoo ammaanay dadallada dhexdhexadinta ee saaxiibbada caalamka, wuxuuna ku celceliyay go'aanka Golaha Amaanka e ilaalinta madax-bananida iyo wadajirka dhuled ee Somalia.

Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya inay raadiyaan xal diblomaasiyadeed oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

"Qaramada Midoobay waxay si buuxda uga go'an tahay inay taageerto arrimaha mudnaanta leh ee Soomaaliya," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Swan, isagoo sheegay inuu rajeyneynayo in Qaramada Midoobay ay si dhow ula shaqeyo dowladda Soomaaliya.

Mareykanka oo taageeray in Israel ay sii waddo duulaanka dalka Lubnaan

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa u arka inay tahay in Israel ay sii waddo weerarada ay ku hayso Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Israel ayaa 23-kii bishii September bilowday olole militari oo dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Ururka Xisbullah, waxayna Talaadadii ku dhawaaqday duulaan dhinaca dhulka ah, oo sida ay sheegtay ay Xisbullah kaga fogeynayso deegaanada xuduudda ee labada dal.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa sheegay in dalkiisu uu u arko mid ku habboon in Israel ay sii waddo weerarada ay ku burburineyso kaabeyasha Xisbullah, inkasta oo ay khatar ku tahay sida uu yiri inay uga sii darto xaaladda gobolka.

"Iyadoo Mareykanka uu ugu dambayntii doonayo inuu arko xabad joojin, haddana Israel waxay ku saxan tahay inay sii waddo beegsiga Xisbullah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.

Matthew Miller ayaa tilmaamay in aanay caddeyn inta uu socon doono hawlgalka Israel ee dalka Lubnaan iyo inaysan cidna garaneyn, waxa dhici doona.

Waxa uu sheegay in dabeecadda colaadaha oo dhami ay yihiin mid dareere ah oo aan la saadaalin karin, sidaa darteedna aan la sheegi karin inta ay Israel ku qaadaneyso hawlgalkan, si ay u gaarto yoolkeeda la sheegay ee ku saabsan in la burburiyo kaabeyaasha militari ee Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

"Waxaan ku dhiiranahay inaan iraahdo reer Israel ma laha ma garanayaan waxa dhacaya xilligan, mana ahan in la yiraahdo ma haystaan ​​qorshe. Ma aha in la yiraahdo ma laha ujeedooyin, waana in la sheego in isku dhacyadu yihiin kuwo aan la saadaalin karin.” Ayuu yiri Matthew Miller.

Miller ayaa Israel ugu qiil dayay "Waxaan u maleynaynaa inay habboon tahay in Israel ay markan argagixisada horkeento caddaaladda.”

Militariga Israel ayaa sheegay in 1-dii bishan ay hawlgal xadidan ka bilaabeen xadka Lubnaan, taas oo isu bedeli doonto wax aad uga duwan, wixii ay fileysay, marka aad eegto iska caabinta nool ee Xisbullah. Xoogaga Xisbullah ee ku daadsan deegaanada xuduudda ayaa ka hortaagan Ciidamada Israel in ay gudaha isugu soo ballaariyaan deegaanada koonfureed ee xuduudda Lubnaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Yoav Gallant ayaa ku hanjabay in Israel aysan joojin doonin gulufka ka dhanka ah Xisbullah, illaa laga xaqiijinayo ujeedooyinkooda dagaalka.

In ka badan 1.2 milyan oo qof oo reer Lubnaan ah ayaa ku barakacay colaadda ay Israel ku fidisay dalka Lubnaan.

Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad ayaa sheegay in weerarada Israel ay ku dhinteen 2,000 oo qof, 9,384 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan oo sii fido ayaa ka dhigan, xiisaddii kacsaneyd ee gobolka ka jirtay oo dab lagu sii shiday.

Duulaanka Israel ay ku dhawaad sanad ka hor ku qaadday Marinka Gaza ayaad arkaysaa in uu khatar ku yahay gobolka oo dhan.

Iran oo Mareykanka ku wargelisay in ay xarga goosan doonto

Dowladda Iran ayaa warqad u dirtay Mareykanka, iyadoo sii mareysa Qatar. Iran waxay farriinteeda ku sheegtay inaysan dooneyn dagaal gobolka oo dhan ah, waxayse si adag uga digtay weerar kasta oo kaga yimaada Israel.

Saraakiil Iraaniyiin ah ayaa Telefishinka Al Jazeera u sheegay in Tehran ay u caddeysay Washington in uu dhammaaday waqtigii ama wejigii is xakameynta ee halka dhinac.

Saraakiishan ayaa sheegay in Tehran ay wacad ku martay in Israel ay la kulmi doonto jawaab aan caadi aayn, oo ay ku jirto beegsiga kaabeyaasha muhiimka ah ee Israel.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian oo booqasho ku jooga Magaalada Doha ayaa muujiyay in danta Israel ay ku jirto in ay ka baaqsato weerarka Iran.

Madaxweyne Pezeshkian ayaa Warbaahinta u sheegay in dalkiisa lagu khasbay in Talaadadii uu weeraro Israel, ka dib dilkii Israel ay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyen ugu gaysatay magaalada caasimadda ah ee Tehran.

"Ma raadinayno dagaal aan la galno Israel, laakiin Israel waxay argagixisay martidayada Tehran, intii lagu jiray caleemo-saarkayga. Waxaan rabnaa inaan abuurno nabad, haddaad na khilaaftaan nabad ma dhismi doonto.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Saraakiisha Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in ay Israel kala shaqeynayaan, sidii ay uga aargudan lahayd Iran, inkastoo Washington aysan dooneyn in Israel ay weerarto kaabey-aasha muhiimka ah ee Iran, sida xarumaha tamarka nukliyeerka iyo weliba saliidda, haddii kalena dagaalka uu oodda jabsan doono.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii sheegay in ay isku dayi doonaan inay xakameeyaan Israel, si aysan u beegsan kaabeyaaha rayidka ee Iran.

Madaxweyne Biden ayaa xusay inay doonayaan in laga fogaado isku dhac ballaaran oo gobolka ah.

Iyadoo ay bil ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Mareykanka, Washington ayaa waxaa suurtagal ah in ay juhdi ku bixiso, sidii looga hortagi lahaa adeegsiga gacan culus oo ka dhan ah Iran.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Arbacadii ku hanjabay weerar xoogan oo lagaga jawaabayo fara-gelinta tooska ah ee militari ee lagu taageerayo Israel.

Taliska Ilaalada Kacaanka ayaa dalalka reer galbeedka uga digay wax kasta oo horseedaya in Israel ay xadgudub ku soo sameyso dalka Iran. Taliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay hadaf militari noqon doonaan xarumaha iyo danaha dowladaha shiseeye ee Gobolka Bariga Dhexe, haddii aysan joojin taageeradooda Israel.

Khubarada militariga ayaa weerarkii Iran ay Talaadadii ku qaadday Israel ku macneeyay mid sii huriyay xiisadda muddooyinkanba ka jirtay Bariga Dhexe.

Khubarada ayaa qaba in jawaabta Israel iyo Mareykanka ay ka bixiyaan weerarka uu noqon karo bilowga dagaal weyn oo ka qarxa gobolka.

Weerarka Iran ayaa si guud looga dareemay dhulka Israel, iyadoona uu baqdin xoog leh ku abuuray shacabka Israel, kuwaa oo dareemay cawaaqibka dagaalka ay dowladdoodu fidineyso.

Inkastoo Mareykanku uu si buuxda u garab taagan yahay Israel, haddana waxaa la leeyahay waxa uu ka baxsanaya in uu ku lug yeesho dagaal aan ciribtiisa la aqoon.

Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in Mareykanka ay tahay in uu ka fiirsado dagaalkan, haddii kalena danihiisa gobolka iyo saldhigyada ciidamadiisuba ay la kulmi doonaan weeraro aan joogsi lahayn, taasina ma ahan mid ay Washington hadda diyaar u tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip