,halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Thursday October 03, 2024 - 09:52:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ,halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    ,,,,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,,,,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka shirka golaha wadatashiga Qaranka

Madaxwenaha Jamhuuiyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa: Boolisku waa hay’adda udub dhexaadka u ah siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in hay’adda Boolisku ay udub dhexaad u tahay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, la’aanteedna aysan waxba socon Karin.

Mudane Xamse oo ka hadlayay Munaasabad ay si buuxda xilka ugu kala wareegayaan Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha Cusub Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa intaa raaciyay in waajibaadka ugu weyn ee dowladdu uu saaran yahay Booliska.

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Taliyaha cusub uu khibrad weyn u leeyahay ladagaallanka Al-shabaab, wuxuuna sheegay inuu wax abadan kusoo kordhin doono Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa u mahad celiyay guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliye Sulub oo wax weyn ka qabtay amniga caasimada asaga oo kaashanaya Ciidanka Qalabka sida.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in aysan shaqadiisu ku koobnaan doonin oo keliya ka daba tagidda fal-danbiyeedyada iyo fulinta sharciga balse uu kor u qaadi doono ka hortagidda qataraha si shacabkeennu uu nabad ugu noolaado, wuxuuna xusay in uu curin doonno qorsha lagu xoojinayo Amniga oo ku saleysan Cilmi iyo Khibrad.

Labada Taliye ayaa waxay daraadto la kala wareegeen Faylasha Ciidanka Booliska, iyagoo kormeer uu ku wehliayay Wasiirka Amniga ku gaalaa bixiyay xarunta Taliska Booliska iyo qaybaha ay ka kooban tahay.

Wasiirka Difaaca oo kulliyadda Turkisom ugu qeyb galay xaflad lagu dhaarinayay Askar loo diyaariyay Leyli-Sarkaal

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulliyadda tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho uga qeyb galay xaflad lagu dhaariyay Askar loo diyaariyay Leyli-Sarkaal iyo furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025.

Wasiir Jaamac oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intaa raaciyay in aan marnaba la dagi doonin bulshadeenna, wuxuuna xusay in shacabka Soomaaliyeed uu ku baraarugsan yahay oo aan la kala qaybin Karin.

Wuxuu sheegay wasiirku in cadowga uusan guuleysan karin hadduusan helin gacan gudaha ah ama mid walaalkiis uusan usoo marin taasina aysan oggolaan doonin.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa labalaabay tabab-arada kala duwan ee loo fidinayo ciida-mada, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay ka gp’an tahay in ay gacta mariso cadowga gudaha iyo kan dibaddaba.

Ra’iisul awasaare ku xigeenka dalka oo so xiray shirweynaha Beeraha Soomaaliya

Ra’iisul wasaare Kuxigenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay soo xiray Shirweynaha Caalamiga ah ee Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo daraad ka furmay Muqdisho.

Shirweynaha oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa inta uu socday waxaa lagu lafa-guray sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka beeraha dalka.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhinaca beeraha, kuwaas oo fursado ballaaran u horseedi kara kobaca dhaqaalaha dalka iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha iyo maalgashadayaasha in ay xoogga saaraan horumarinta beeraha si loo xaqiijiyo isku filnaansho dhinaca cuntada iyo kor u qaadista dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda oo sagootiyay sharci yaqaanno waxbarasho ka helay dalka Turkiga

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa munaasabad sagootin iyo dardaaran ah Muqdisho ugu qabatay sharci-yaqaanno ka tirsan howl-wadeenada wasaaradda oo waxbarasho sare ugu baxaya dalka Turkiga.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo munaasabadda ka hadlay ayaa qiray in sababta ay howlwadeennada ugu direen takhasuska sharciyeed ay tahay in heerka aqoonta sharciga ee dalkeenna sare loo qaado si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogu difaaco qaanuunka hortiisa.

Howl-wadeennada ay wasaaraddu waxbarashada sare u dirtay oo munaasabadda sagootinta iyo dardaaranka uga mahad-celiyay wasiir Xasan Macallin ayaa ballan qaaday in ay huri doonaan dadaalkooda ugu sarreeya si aqoon iyo khibrad sare ay dalka ugu soo celiyaan.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay shariyaqaannada fursadda la siiyay in ay si wanaagsan wax usoo bartaan si ay naftooda, dadka iyo dalka Soomaaliyeed u anfacaan.

Hay’adaha SoDMA iyo ADRA oo iska kaashanaya arrimaha gargaarka

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyey wafdi ka socda Hay’adda ADRA-Somalia oo ka shaqeysa Arrimaha Hormarinta iyo Gargaarka oo uu hoggaaminayey Maareeyaha Mashaariicda Md. Edwin Magati.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo booqasho ayaa looga hadlay sida ay labada hay’adood u wada shaqen karaan, waxaana la isla meel dhigay in laga iska kaashado Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musibooyinka.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed, ayaa ka mahad-celiyay booqashada, wuxuun aad u boorriyay muhiimadda ay leedahay in ay dhinacyadu iska kaashadaan diyaar-garowga iyo ka jaabista abaaraha iyo guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaarada Qorshenta, Malgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarada laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP/NTP), iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo qaab-dhismeedka deeqaha ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay kaalinta ay Midowga Yurub ku leedahay taageerada deeqaha gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, maamul wanaagga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimada uu leeyahay iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo hoosta ka xariiqay in qaab-dhismeedka deeqaha ee hadda jira uu yahay mid fure u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, si loo hubiyo in deeqaha iyo taageerada Midowga Yurub si habsami leh loogu isticmaalo mashaariicda wax ku oolka ah ee wax ka beddeli kara nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Labada dhinac waxay isla garteen in la sameeyo habab cusub oo lagu kormeero laguna qiimeeyo saameynta deeqaha, si loo hubiyo in ay gaaraan yoolalka loogu talo galay.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la sii wado iskaashiga istiraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara oo Soomaaliya gaarta, iyadoo la isku halleynayo taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda waxtarka leh ee deeqaha lagu maalgeliyo, si loo gaaro yoolalka qaran ee horumarinta.

Madaxweyne Lafta gareen oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynahaa Koonfur Galbeed ayaa ka qayb galaya shirka golaha wada tashiga Qaran oo lagu wado inuu maalmaha soo socda ka furmo Muqdisho.

Mashruuca taakuleeynta carruurta agoonta ah oo laga daah-furay muqdisho

Wasiir dowlaha arrimaha gudaha XFS Saadaad Caliyow , Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismsan Libaax oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ,Safiirka Dalka Qatar u jooga Soomaaliya Dr Abdalla Bin saalim Al- nucaymi iyo Masuuliyiin kale ayaa shalay magaalada Muqdisho ka daah-furay Mashruuc lagu taakuleeynayo laguna ka faala qaadayo carruurta agoonta ah.

Mashruucaan waxaa magaalgalinayo Dowladda Qatar, waxaana fulinaya Hay’adda Qatar Charity, iyadoo ay kormeeri doonto fulinta mashaaruucaan Hay’adda SoDMA.

U jeedka Mashruucaan ayaa ah in carruurta agoonta goobaha lagu xanaaneeyo la gaarsiiyo shixnado gargaar ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, si loogu taakulayo agoonta.

Shirka Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha oo maalintii labaad galay

Waxaa maalintii labaad si rasmi ah ugu socda magaalada muqdisho Shirka Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha, kaas oo diiradda lagu saarayo fursadaha maalgashi ee ka jira dhanka beeraha ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya ganacsato, maalgashadayaal caalami ah, iyo khubaro ku takhasustay beeraha, iyagoo wadaagaya aragtiyo iyo fikrado ku saabsan horumarinta, wax-soo-saarka beeraha, ganacsiga iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro horumar waara oo dhinaca beeraha ah.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan daraad ka furay Muqdisho, waxaana lagu wadaa in shalay lasoo gabagabeeyo.

Taliyaha Booliska oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Amb. Mario Daccò Coppi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee labada dal, iyada oo ay qeyb ka tahay ladagaallanka argagixisada, kordhinta tababarada iyo taageerada Dowladda Talyaaniga ay siiso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay doorka Dowladda Talyaaniga ee ku aaddan horumarinta howlaha booliska iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo cambaareysey weerarkii Khartoum ee lagu bartilmaameedsaday safiirka Imaaraadka Carabta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ka dhacay magaalada Khartoum ee lagu bartilmaameedsaday hoyga safiirka Imaaraadka Carabta ee Sudan.

Wasaaradda ayaa weerarkaan ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, waxayna soo jeedisay in loo baahan yahay in la dhowro xurmada xarumaha safaaradaha.

Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeysay muhiimadda ay leedahay in xarumaha safaaradaha la siiyo ilaalo buuxda, sida ku xusan axdiga Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku boorrisay dhammaan waddamada inay ixtiraamaan qawaaniinta caalamiga ah si loo ilaaliyo amniga iyo xurmada xiriirka diblomaasiyadeed.

Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in isniintii guriga uu daggan yahay safiirkooda magaalada Khartoum lagu weeraray diyaarad militari oo ciidamada Suudaani ay leeyihiin, iyadoo ku tilshalayy weerar aad u fool xun.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka lagu qaaday guriga safiirkooda uu burbur xooggan u geystay dhismaha.

Ciidamada Suudaan ayaa marar badan ku eedeeyay Imaaraadka in ay hub iyo taageero siiyeen jabhadda Rapid Support Forces (RSF) ee qeybta ka ah dagaalka Sudan 17-ka bilood ka socda. Dowladda Khaliijka ayaa beenisay eedeymahaasi.

Kormeerayaasha cunaqabataynta ayaa ku tilmaamay eedaymo lagu kalsoonaan karo oo ah in Imaaraadku taageero millatari siiyeen RSF.

Somalia oo garab istaagtay Imaaraadka Carabta kadib weerarkii lagu qaaday…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar todoba-adkan lagu qaaday guriga safiirka Imaaraadka Carabta ee dalka Sudan, kaas oo lagu eedeeyay ciidamada dowladda Sudan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo garab istaag loogu muujiyay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka kasoo horjeedo xadgudubkaas oo kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah iyo diblumaasiyadda.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa weerarkii lagula kacay xarunta Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Khartoum, iyadoo xaqiijisay diidmada adag ee ku xadgudubka noocan ah ee shuruucda iyo dhaqanka caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay "Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah falalkan, kuwaas oo ah jebinta cad ee shuruucda caalamiga ah iyo anshaxa diblomaasiyadda”

Imaaraadka Carabta ayaa horay si caro leh uga falceliyay kadib markii la weeraray, oo si xun loo waxyeeleeyey guriga safiirka u fadhiya dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Sudan..

"Imaaraadka Carabta wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii foosha xumaa ee lagu beegsaday hoyga uu magaalada Khartoum ka degan yahay madaxa howlgalka Imaaraadka Carabta, oo ay geysatay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan, kaasi oo burbur xooggan uu ka soo gaaray dhismaha,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay wakaaladda wararka rasmiga ah ee WAM.

Dhankooda ciidamada Sudan ayaa iska fogeeyay eedeynta loo jeediyay, waxayna ku jawaabee "inay cambaareynayaan oo ay beeninayaan eedeynta” Imaaraatka Carabta, waxaynta intaas ku dareen in aysan "bartilmaameedsan xarumaha diblomaasiyadeed, hay’adaha Qaramada Midoobay ama hay’adaha mutadawiciinta ah, oo aysan u rogin saldhigyo ciidan, islamarkaana bililiqaysan hantidooda.”

"Cidda fulinaysa falalkan foosha xun ee fulaynimada ah waa argagixisada, Jabhadda (Dacmu Sariic) … oo in ay waxaas oo dhan ku kacaan ay ku taageeraan dalal laga yaqaan caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.

Ku dhawaad 50 ruux oo Tahriibayaal ahaa oo ku geeriyooday xeebaha dalka Jabuuti

Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in 45 ruux oo tahriibayaal ahaa ay ku dhinten xeebaha dalka Jabuuti, kadib markii quuseen biyaha Badda Cas doomahii ay la socdeen.

Dadkaan dhintay ayaa qeyb ka ahaa 310 ruux oo saarna laba doomood oo kasoo shareecday xeebaha dalka Yamen, waxaana dadkaas laga badbaadiyay 32 ruux kaliya, halka 233 ruux oo kale wali lagu la' yahay nolol iyo geeri.

32-da ruux ee laso badbaadiyay ayaa la dajiyay mid ka mid ah xarumaha sida gaar ah u qaabilsan gacan ku heynta tahriibayaasha oo ku taala dalka Jabuuti.

Ciidanka Badda Jamhuuriyadda dalka Jabuuti iyo howl wadeenada Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa lasoo warinaya iney ku howlan yihiin soo badbaadinta dadka la waayay oo wali laga raja qabo qaarkood iney nool yihiin.

Si kastaba ha ahaate dowladda Jabuuti iyo Hay'adda IOM wali ma sheegin jinsiyadda dadkaan muhaajiriinta ah ee doomahii ay saarnayeen kula qaraqmeen badda dhexdeeda sababaha keenay in tiro intaas la eg ay kusoo raacaan laba doomood kaliya.

Goobo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho oo habeen hore qaraxyo lagu burburiyay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo habeen hore laga maqlay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo si gaar ah loola beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray dukaan iyo kaalin shidaal oo ku taalla gudaha degmada Dayniile, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in goobaha la qarxiyay dhowaan lagu xiray Kaamirooyinka CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya si loola socda dhaq-dhaqaaqooda.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in khasaare nafeed aysan gaysan qaraxyada, laakiin waxaa jira burbur soo gaaray dhismaha goobaha ganacsiga iyo hatida tiilay.

Mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha amniga ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaris ku aadan ciddii ka dambeysay qaraxyadaas oo loo badinayo Al-Shabaab.

Kooxda ayaa horay u beegsatay goobo ganacsi oo ku yaalla gudaha Muqdisho, gaar ahaan suuqyada waa weyn, kadib markii lagu xiray Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii duleedka Muqdisho laga fuliyay laba weerar oo lagu qarxiyay suuqa Ceelasha Biyaha iyo kan Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo kaamirooyin lagu xiray.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya xilli dhankeeda dowladda Soomaaliya ay kordhisay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni oo Boosaaso ka bilaabaya abaabulka duulaan ka dhan ah Shabaab iyo Daacish

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, oo ay horay ugu sugnaayeen gudo-omiye ku-xigeenka 1aad ee barlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha kala duwan ee maamulkiisa.

Saraakiil Madaxtooyada Puntland katirsan ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyey in Madaxweynuhu Boosaaso ka hagi doono duulaan ka dhan ah kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad ee gobolada Bari iyo Sanaag.

Madaxweyne Deni ayaa dhowaan sheegay in Puntland ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo uu sheegay inay kujiraan ajaaniib ku soo duuley waxyeelada ammaanka Puntland iyo suurad xumaynta horumarka Puntland.

AFRICOM: Ciidamada Itoobiya waxay fure u yihiin xasiloonida ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed

Taliyaha Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, General Michael Langley, ayaa sheegay ciidamada Itoobiya inay doorka muhiim ah ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay howlgalka nabad ilaalinta ATMIS, Langley wuxuu xusay wax-qabadka Itoobiya, gaar ahaan dowlad goboleedka Koonfur-galbeed, halkaasoo uu sheegay in ciidamada Itoobiya joogitaankoodu uu fure u ahaa dadaallada xasilinta.

Si kastaba ha ahaatee, Langley ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalka ciidamada Itoobiya ee joogitaankooda Soomaaliya iyadoo ATMIS ay u wareegayso qaab dhismeed cusub dhamaadka sanadkan, taasoo keentay su'aalo ku saabsan cidda noqon doonta dalalka ciidamada ku deeqaya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la xalliyo khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, maaddaama xiisadahaasi ay saameyn ku yeelan karto amniga gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka bixidoonaan haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland.

In ka badan 4000 askari ayaa haatan Itoobiya ka joogaa Soomaaliya, kuwaas oo badi ka howlgalla dowlad goboleedyada Jubbaland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

Quwadaha reer galbeedka oo is garab taagay Israel

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay weerarka walaaca abuuray ee ay Iran habeen hore ku qaadday Israel.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Faransiiska ee gobolka ku sugan ay isku dayeen inay ka hortaggaan gantaalada ballaastikada Iran ee lagu weeraray gudaha Israel.

Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Faransiiska ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga Israel, isla-markaana ay si buuxda u garab taagan yihiin maamulkaasi.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer oo isna jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xiisadda Bariga Dhexe ayaa cambaareeyay weerarka Iran, isagoona ballanqaaday taageeradooda Israel.

"Farriintayadu way caddahay. Waxaan cambaareynaynaa weerarka Iran, waxaana aqoonsanaynaa xuquuqda Israel ee amnigeeda iyo inay is difaacdo, waxaana taas u sheegayaa si aan ka leex leexad lahayn.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska.

Raysal Wasaare Starmer ayaa xusay in dhinacyada oo dhan ay ka walaacsan yihiin in tani ay xaaladda uga sii darto, laakiin mabda’a xuquuqda Israel ee is difaaceeda uu yahay mid cad.

"Waxaa muuqata in dhammaan dhinacyada oo dhan ay ka walaacsan yihiin in tani ay noqoto mid ku faafta gobolka oo dhan, balse mabda’a xuquuqda Israel ee is difaaca ayaa ah mid cad.” Ayuu yiri Starmer.

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa si adag u cambaareeyay weerarka, wuxuuna ku celiyay taageerada aan xadidneyn Mareykanka ee Israel.

Madaxweyne Biden oo Warbaahinta la hadlay ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid aan wax tar lahayn, ka dib markii sida uu sheegay lagu guuleystay in laga hortago, waxaana uu intaasi ku daray in Ciidamada Mareykanka ee gobolka ay si weyn ula shaqeeyeen Militariga Israel, si Israel loo difaaco.

"Aniga ayaa amray Ciidamada Mareykanka, si firfircoon ayayna u taageereen difaaca Israel, waxaana weli qiimeynaynaa saamaynta, laakiin marka la eego waxaan hadda ognahay weerarku wuxuu ahaa mid la jebiyay oo aan wax tar lahayn, taas oo caddeyn u ah awoodda Militariga Israel iyo Ciidamada Mareykanka.” Ayuu yiri Biden.

Australia, Jarmalka iyo Japan oo ah xulafada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Israel.

Dalalka reer galbeedka ayaa riixaya in Israel ay jawaab adag ka bixiso weerarkaasi, taasoo calaamad u ah inuu fidayo dagaalka Bariga Dhexe.

Dalalka gobolka oo ay ku jiraan saaxiibada Israel iyo dunida Muslimka ayaan cambaareyn weerarka.

Cabsida laga qabo dagaal ku baaha Bariga Dhexe oo sii kordhaya

Saraakiisha Israa’iil ayaa ka dhawaajiyay in ay ka jawaabi doonaan weeraro gantaallo ah oo Iran ay la begsadeen bartilmaameedyo muhiimka u ahaa militariga iyo kuwa ammaanka ee Israa’iil.

Israel ayaa sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaai doonto Iran,Lubnaa iyo Gaxa,kadib kolkii in ka badan laba boqol oo gantaal lagu weeraray xarumo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dalkaasi,gaar ahaan dhowr magaallo oo ay ku jirtay Tel-aviv.

Iran ayaa sheegtay in weeraradii gantaalada ee lala beegsaday Israel ay jawaab u ahaayeen weeraro lagu qaaday Gaza iyo Lubnaan iyo sidoo kale dilalkii ugu dambeeyay ee loo geystay hogaamiyayaasha Xamaas, Xisbullah iyo Ilaalada Kacaanka.

Dhinaca kale, Xisbullah ayaa sheegtay in meel u dhow magaalada Odaisseh ee koonfurta Lubnaan ay dahaallo kula galeen ciidanka Israel,iyagoo tilmaamay in ay khasaare u geysteen ciidank-aasi,isla markaana ay ku qasbeen inay dib u gurtaan.

Waxaa sii kordhaya cabsi laga qabo in ay sii kordhaan dagaalada ka socda bariga dhexe ee u dhaxeeya Israel oo dhinac ah iyo xulufada Xamaas iyo Xisbulah ee ay taageeraan Iran.

Bannaanbax lagu taageerayo weerarkii Iran ee Israel oo ka dhacay Tehran

Isu soo bax ballaaran ayaa saqdii dhexe ee habeen hore ka dhacay waddooyinka Magaalada Tehran, ka dib markii Iran ay gantaaladii ugu badnaa ku weerartay Israel.

Dowladda Iran ayaa habeen hore fiidkii ku dhawaad laba boqol oo gantaal ku weerartay gudaha Israel, ka dib muddo ay ka gaabineysay inay ka aargudato fara-gelintii Israel ay dhammaadkii bishii July ku soo sameysay dalkeeda, markaas oo Caasimadda Tehran ay ku dishay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismail Haniyeh oo booqasho ku joogay Tehran.

Iran waxay sheegtay in weerarkaasi ay ugu aargudeysay Hoggaamiyeyaashii Xamaas, Xisbullah iyo Saraakiisha kale ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ay Israel ku dishay meelo ka mid ah Bariga Dhexe.

Dadweyne aad u fara-badan ayaa ka qayb qaatay bannaanbaxa ka dhacay waddooyinka Tehran, waxayna wateen Calamada Iran iyo Xisbullah, sidoo kalena qaarkood ayaa watay sawirka Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah, kaas oo Jimcihii lagu dilay duqayn ay Israel ka gaysatay koonfurta Magaalada Beirut.

Dadweynaha ayaa markii dambe isugu soo uruuray bannaanka barxadda Safaaradda Britain, waana isla goobtii uu dabaaldeg la mid ah ka dhacay bartamihii bishii April, markaas oo Iran ay gantaalo iyo drones ku weerartay Israel. Iran waxay xilligaasi ka aargudaneysay weerar ay Israel April 1-deedii ku qaadday Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq.

Weerarkii habeen hore ay Iran ka gaysatay Israel ayaa ka weynaa midkii ay April ku qaadday.

Dhanka kale dibadbaxyo kale oo lagu taageerayo weerarkii habeen hore ayaa ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto iyo weliba Magaalada Baghdad ee dalkaasi Ciraaq.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in 181 gantaal lagu soo weeraray Israel, inkastoo aysan faah faahin goobaha la beegsaday. Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa laga arki karay gantaalada Iran oo ku hoobanaya magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv iyo Jerusalem.

Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in gantaalada ay sagaashan boqolkiiba (90%) haleeleen bartilmaameedkoodii saxda ahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in Tehran ay beegsatay oo keliya saldhigyada ciidamada.

Israel ayaan illaa iyo hadda sheegin cid wax ku noqotay weerarkaasi.

Mareykanka iyo Israel oo wadatashi ka yeeshay tallaabooyinka la qaadi karo, ka dib weerarkii Iran

Wasiirka Difaaca Marekanka, Lloyd Austin ayaa wada hadal la yeeshay dhiggiisa Israel Yoav Gallant, ka dib weerarkii gantaalada ay Iran habeen hore ku qaadday Israel.

Wasaaradda Gaashaandhiga Marekanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Wasiir Austin uu dhiggiisa Israel ka dhageystay warbixin la xiriirta weerarka.

Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, General Patrick Ryder oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada nin ay wadatashi dhow ka yeesheen tallaabooyinka la qaadi karo, iyadoo laga jawaabayo weerarkaasi.

"Iran ayaa Talaadadii ridday ku dhawaad ​​laba jibaar gantaalada ballaastikada ah, sidii ay sameysay intii lagu jiray weerarka ka dhanka ah Israel, horaantii sanadkan, laakiin uma muuqan in ay ridday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.” Ayuu yiri Patrick Ryder.

Sarkaalkan ayaa sheegay in maraakiibta Ciidamada Badda Mareykanka ee USS Cole iyo USS Bulkeley ay rideen darsin gantaalo ah, si Israel looga difaaco weerarkii habeen hore.

Patrick Ryder ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in Dowladda Iran ay dooneyso inay dejiso xiisadda gobolka.

"Ma tuuri kartid gantaalahaas badan, adigoon ulajeedadu ahayn inaad wax ku dhufato.” Ayuu yiri General Ryder.

Warbaahinta reer galbeedka iyo tan iyo Israel ayaa warineysa in Iran ay ku dhawaad laba boqol oo gantaal ku weerartay gudaha Israel.

Ryder ma sheegin wax go’aan ah oo la isku raacay, si looga aarguto weerarka Iran.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dalalka caalamka oo dhan ugu yeertay inay cambaareeyaan weerarkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa sheegay in dal kasta ay tahay inuu cambaareeyo weerarka Iran.

"Waan sii wadi doonnaa garab istaagga dadka Israel, xilligan xasaasiga ah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.

Matthew Miller ayaa sheegay in Washington aysan ka warqabin wax waxyeelo ah oo soo gaartay xarumaha Mareykanka, isagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay horey u soo saartay digniin ah in Shaqaalaha Mareykanka ee Israel ay raadsadaan goobaha gabaadka.

"Mana ogin wax dhaawac ah oo shaqaalaheenna ku so gaaray gudaha Israel, iska daa in uu qof Mareykan ah ku dhintay.” Ayuu yiri Miller.

Miller ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in Iran ay Mareykanka la soo wadaagtay digniin la xiriirta weerarka.

"Ma jirto wax digniin ah oo naga soo gaartay Dowladda Iran oo ku saabsan in ay qaadi doonto weerar noocan oo kale ah.” Ayuu yiri Miller.

Miller ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in Israel ay xaq u leedahay inay is difaacdo iyo in ay Iran cawaaqib xumo ka raacdo weerarkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka hadlay sababta ay u weerareen Israel

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa marka hore sheegay in dalkiisu uu intaasi kaga egyahay weerarkii gantaalaha ballaastikada loo adeegsaday ee ay habeen hore ku qaadeen Israel.

Wasiirka ayaa tilmaamay in weerarku uu ahaa mid ay isaga difaacayeen Israel, ka dib dilkii qorsheysnaa ee 31-kii bishii July ay Ismail Haniyeh, Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ugu gaysatay Magaalada Tehran.

"Waxaan sameynay is difaacid, sida uu dhigayo Qodobka 51aad ee Axdiga Qaramada Midoobey, annaga oo bartilmaansanay keliya goobaha ciidamada iyo kuwa amniga ee xasuuqa ka gaysanaya Gaza iyo Lubnaan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in Tehran ay is xakameyn sameysay labadii bilood ee la soo dhaafay, si fursad loo siiyo dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in xabad joojinta lagaga sameeyo Marinka Gaza.

"Waxaan sidaas yeelnay ka dib, markii aan sameynay is xakameyn weyn, ku dhawaad laba bilood, si aan fursad u siino xabad joojinta Gaza.” Ayuu yiri Wasiir Araghchi.

Wasiirka ayaa sheegaya in dowladdiisu ay soo geba-gabeysay weerarka, isla-markaana aysan dooneyn inay weeraro kale ku qaaddo Israel, waxaase uu ka digay in Israel ay ka jawaabto weerarkaasi.

Araghchi ayaa sheegay haddii ay taasi dhacdo in falcelinta Tehran ee soo socoto ay noqon doonto mid aad u xoog badan.

Waa weerarkii ugu weynaa ee Iran ku qaaddo gudaha Israel, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Khubarada militariga ayaa sheegaya in xaaladda gobolka ay faraha ka bixi doonto, haddii Israel oo Mareykanka uu la socdo ay go’aansadaan in laga jawaabo weerarkaasi.

Khubarada ayaa qaba in jawaabtani ay horseedi doonto isku dhac ballaaran oo gobolka oo idil ah.

Weerarkan ayaa si weyn looga dareemay Israel oo dhan, iyadoona uu baqdin geliyay shacabka Israel, kuwaa oo hadda dareemaya cawaaqibka dagaalka ay dowladdoodu fidineyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip