.halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes
Madaxweyne Xasan Sheekh oo muqdisho ka furay shirweynaha horumarinta beeraha ee dalkeenna
Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha koowaad ee horum-arinta silsiladaha maalgashiga beeraha dalkeenna.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, waxaa ka qeyb galaya wasiirrada beeraha iyo waraabka dawlad Goboleedyada dalka, ganacsatada maalgelisa beeraha iyo quburo caalami ah.
Ujeedka Shirkan ayaa ah dhiirri-gelinta maalgashiga beeraha si kor loogu qaado kobcinta ilaha dhaqaalaha dalka, waxaana uu socon doonaa muddo laba cisho ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in horumarinta wax-soosaarka gudaha ay fure u tahay yareynta saboolnimada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bulshada Soomaaliyed la wadaagay muhiimadda ay beeraha u leeyihiin horumarinta dalka iyo kobcinta dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu dhiirri geliyey bulshada in ay maal gashadaan ganacsiga beeraha, isaga oo xusay in horumarinta wax-soosaarka gudaha ay fure u tahay yareynta saboolnimada, kobcinta shaqo-abuurka, iyo isku-filnaanshaha cunno ee dalka.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku boorriyay ganacsatada iyo maal gashadayaasha in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ku jira beeraha Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka ayaa hadalkan ka jeediyay shirweynaha koowaad ee horumarinta silsiladaha maalgashiga beeraha dalkeenna oo uu shalay ka daah-furay muqdisho.
Wasiirka Amniga XFS oo xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska iyo taliyihii hore
Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)iyo Taliyaha cusub ee CiidankaBooliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa shalay kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee Hoggaannada iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee Ciidanka Booliiska, wuxuuna Wasiirku halkaas ugu kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi.
Taliyaha cusub ayaa faray Saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Kala Saxiixday Heshiis Horumarineed oo Gaaray $68.5 Milyan
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho heshiis taariikhi ah oo gaaraya $68.5 milyan kula saxiixatay Dowladda Mareykanka. Heshiiskan waxaa si rasmi ah qallinka ugu duugay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Egeh oo dhinac ah iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott.
Heshiiskani wuxuu diiradda saarayaa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada iyada oo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah. Heshiiska ayaa wax ka qaban doona arrimo muhiim ah sida kobcinta dhaqalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, isagoo taageeraya aragtida fog ee adkeysiga Soomaaliya.
"Heshiiskani wuxuu ka turjumayaa iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kuna saleysan himilada aan wadaagno ee ah Soomaaliya oo adkeysi leh, barwaaqo ah, oo loo dhan yahay,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) intii lagu guda jiray xafladda saxiixa. "Deeqdan waxaan ku xoojin doonaa waxbarashada, maamulka, iyo horumarinta dhaqaalaha, si loo hubiyo in dadkeena, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, ay helaan agabka iyo fursadaha ay ku horumari karaan.”
Deeqda shalay ee $68.5 milyan ayaa ballaarin doonta barnaamijyada Waxbarashada Aasaasiga ah ee la Dardargeliyay, iyadoo ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah, lana dayactiri doono in ka badan 200 fasal, taas oo siin doonta 10,000 oo arday dheeraad ah fursad waxbarasho sanad walba. Sidoo kale, deeqdan waxay kor u qaadi doontaa awoodda dowladnimo, ka-qaybgalka bulshada, iyo abuurista fursado dhaqaale oo ay haweenka iyo dhalinyarada si gaar ah uga faa’iideysan doonaan.
"Heshiiskani wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo xooga la saarayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka – haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayay tiri Catie Lott, Madaxa USAID ee Soomaaliya, oo ka hadashay xafladda.
Heshiiskani wuxuu sii xoojinayaa ku dhawaad 18 sano oo Mareykanka uu taageero horumarineed siiyay Soomaaliya, taas oo kordhin doonta saameynta deeqdan ku leedahay dawladnimada, waxbarashada, iyo adkeysiga dhaqaalaha. Ujeeddada heshiiska ayaa ah in la abuuro xasillooni iyo horumar mustaqbalka fog oo laga helo bulshooyinka miyiga iyo magaalooyinka dalka oo dhan.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Washington uga qaybgalay shir ku saabsan ciribtirka ISIS
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa guddoomiyay shirka wasiirrada Isbah-aysiga Caalamiga ah ee la-dagaalanka ISIS oo ka dhacay magaalada Washington DC.
Shirka oo uu Soomaaliya uga ka qeybgalay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda mudane Cali Cumar ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa argagixisada ay kow ka tahay kooxda ISIS, waxaana isbahaysigan oo ka kooban 87 waddan ay go’aan ku gaareen in la sii xoojiyo hawlaha caalamiga ah ee ka hortagga argagixisada.
Ku dhowaad 4,000 Arday oo u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda
Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Ardaydii ugu badneyd ay sanadkan u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo wax ku baranaya canshuurta dalka.
Wasiirka oo ka qayb galayay furitaanka Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in la marayo sanadkii 10-aad dib u howlgelintii Jaamacadda burburkii ka dib, iyadoo ay shalay u fariisteen Imtixaanka 3,924 Arday oo ah tiradii ugu badnayd ee ay qabato.
Wasiirka ayaa sheegay in Jaamacadda lagu soo biirin doono sanadkan Macallimiin xagga luqadaha ah iyo qalab, si sanadka asaasiga ah diyaar garoow xooggan loogu sameeyo Ardayda, isagoo kula dardaarmay Ardayda in ay isu diyaariyaan in ay geli doonaan marxalad calami ah loona baahan yahay in ay la qabsadaan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof. Xasan Cusmaan Gacal ayaa dhankiisa sheegay in ay Jaamacaddu diyaar u tahay inta ku guuleysato Imtixaanka, wuxuuna xusay in hadafkoodu uu yahay in Jaamacaddu ay gaadho dhammaan gobollada dalka iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin.
Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala’a Nemer oo ah u qeybsanaha Soom-aaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo ah madaxa qeybta taageerada ee UNOPS.
Mas’uuliyintan ka socotay Hay’adda UNOPS ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka iyo qaabka ay u fuliyaan, waxaana sidoo kale kulanka looga hadlay wada shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNOPS.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku bogaadiyay hay’adahan howlaha mashaariic ee ay wadanka ka hayaan iyo sidoo kale taageeradda ay siiyaan hay’adaha dowladda.
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay horumarinta Dhallinyarada iyo Isboortiga dalka
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Barre Maxamud ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Daccò Coppi.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, ayaga oo xoogga saaray sidii dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ay kaga wada shaqayn lahaayeen arrimaha horumarinta Dhallinyarada iyo Isboortiga dalka.
Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in laysku xiro hey’adaha ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga labada dal si ay Soomaaliya kaga faa’ideysato hey’adahan khibrad ahaan iyo farsamo ahaan.
Safiirka Dowladda Talyaaniga Ambassador Daccò ayaa dhinaciisa ka ballan-qaaday Wasiirka fududeynta xiriirka dhinacooda ah.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa dowladda Talyaaniga kaga mahad celiyay xiriirka hufan ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya.
NISA oo fashilisay shabakad falal amni darro ah ka wadday Muqdisho
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban Shan xubnood kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro ah in ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.
Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakaddaan ayaa ku guulaystay soo qabashada mid ka mid ah shabakadda.
Shabakadaan ayaa sidoo kale lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Al-shabaab ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho.
Kenya oo ku boorisay Qaramada Midoobay inay sii wadaan taageeradooda Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Kenya Willian Ruto ayaa ku booriyay Qaramada Midoobay (QM) in ay sii wadayaan taageerada ay Soomaaliya siinayaan si loo helo heshiis ku saabsan taageerada amniga ee Soomaaliya ee sanadka 2024-ka.
Willian Ruto ayaa sheegay in ay sii wadaan inay Soomaaliya ka taageerto dagaalka lagula jiro Alshabaab si kor loogu qaado amniga gobolka.
"Taageeradeenna waxay horseedday in ay nabad iyo xasillooni ka dhalato Soomaaliya, oo dhawaan qaadan doonta kursi xubin aan joogto ahayn oo golaha ammaanka ah. Horumarka wanaagsani wuxuu hoosta ka xariiqay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray adkeynta nabadda iyo xasilloonida dalkaas iyo gobolkaba,” ayuu yiri Willian Ruto.
Waxa uu qiray doorka Kenya ee nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Kenya, isagoo ka sheegay hadalkaan mar uu ka hadlayay shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay.
Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa horey u sheegtay inay ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya, illaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya, kaasoo lagu beddelayo howlgalka ATMIS.
Puntland oo isku diyaarinaysa inay duullaan ku qaado kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari
Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya howlgallo culus oo looga hortagayo kooxda Daacish, oo si xawli ah isugu ballaarinaysa deegaanada gobolka Bari.
War rasmi ah oo laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu ku wajahan yahay magaalada Boosaaso si uu u diyaariyo hawlgalka ka dhanka ah Daacish.
Madaxweyne Deni ayaa si weyn uga walaacsan warbixinnada sii kordhaya ee ku aaddan khatarta Daacish, iyadoo sirdoonka Maraykanka uu muujinayo in dagaalamayaal ajaanib ah oo kasoo cararaya bariga dhexe ay dhulka buuralayda gobolka Bari ku sugan yihiin, si ay u helaan gabbaad.
kooxda Daacish ayaa dhibaato ku haysa ganacsiyada magaalada Boosaso, iyagoo canshuur culus ku soo rogay xarumaha ganacsiga. Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ganacsatada diiday awaamiirta Daacish ay la kulmeen weeraro.
Warkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo Mareykanka, uu ka digay in Daacish/ISIS ay ka faa’ideysan karto iska horimaadyada caalamiga ah si ay u xoojiyaan saameyntooda, wuxuuna ku boorriyay waddamada saaxiibka la ah inay xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan ammaanka iyo xasilloonida gobolka.
Jabuuti oo Itoobiya ka sugaysa Jawaab la xidhiidha dekedii ay ugu deeqday
Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in ay wali Itoobiya ka sugayso in ay kasoo jawaabto dalabkii ay Itoobiya ku siisay dekeda Tojorah ee waqooyiga dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo waraysi siiyay VOA, ayaa sheegay in ay wali rajo ka qabaan in Itoobiya ay aqbasho soo jeedintooda, oo ay isticmaasho dekeda Tojorah.
"Arrintaasi wali miiska ayay saarantahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed, waxaanu Itoobiya la wadaagnay mid kamid ah dekedaha ku yaal waqooyiga dalka" ayuu yidhi Wasiir Yuusuf.
Waxa uu sheegay in hadii Itoobiya ay aqbasho codsiga Jabuuti ay labada dhinac isla eegi doonaan nooca heshiiska ee ay wada-gali karaan, sida in ay wada abuuraan shirkad ganacsi taasi oo dhaqaalaha labada dal kor u qaadi doonta, waxaanu sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan Itoobiya.
Waxa uu sheegay in Jabuuti ay dadaal kasta ku bixinayso sidii loo qaboojin lahaa xiisada labada dhinac, waxa uuna xusay in masuuliyad gaar ahi ay Jabuuti ka saarantahay amaanka gobolka madaama ay tahay guddoonka Urur Goboleedka IGAD.
31 August, ayuu Wasiir Yuusuf sheegay in ay Itoobiya ugu yabooheen dekeda Tojora oo ay maamulkeeda 100% ku wareejindoonaan, isaga oo sheegay in ay ku dhexdhexaadinayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, lakiin 3 September ayuu markale sheegay in Jabuuti kali ah ka hortagayso in ganacsiga Itoobiya uu u wareego dekedaha Berbera iyo Musawac, khilaafka labada dalna ay iyagu xalisan doonaan, lakiin iyagu ay ganacsato uun yihiin, isaga oo intaa raaciyay in anay 100% maamulka dekeda ku wareejindoonin Itoobiya.
Itoobiya ayaa dhawaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay hortiisa ka difaacday heshiiska ay la gashay Somaliland, iyada oo sheegay in uu gobolka dan u yahay, dowlada Soomaaliya iyaa iyaduna si adag uga soo horjeedsatay heshiiska. Wadahadaladii u socday laba dal ayaan hada rajo laga qabin sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Saxafiyad caan ahayd oo lagu dilay duqayn ay Israel ka gaysatay Dimishiq
Ciidanka Cirka Israel ayaa goor dambe oo haben hore ahayd duqaymo ka gaystay Magaalada Dimishiq, iyadoo ay tiro dad ah ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbaahinta Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay weerar ka soo qaadeen dhinaca Buuraleyda Golan ee Suuriya laga haysto, isla-markaana ay bartilmaameedsadeen dhowr goobood oo ku yaala Caasimadda Dimishiq.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa ku warantay in weerarka ay ku dhinteen saddex qof oo rayid ah, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad dagaal oo gantaal ku dhufatay gaari marayay mid ka mid ah waddooyinka magaalada.
Safaa Ahmed oo ahayd Saxafiyad si weyn looga yaqaanay dalkaasi iyo laba qof oo kale oo la socday ayaa goobta lagu dilay.
Safaa Ahmed ayaa barnaamij soo saare ka ahayd Telefishinka Suuriya, mana cadda ujeedadii ka dambeysay in ay bartilmaameed noqoto.
Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Suuriya ayaa xaqiijiyay inay shahiidday Safaa Ahmed, ka dib markii Israel ay ku soo xadgudubtay bay qoraal ku sheegeen Magaalada Dimishiq.
Taliska Militariga Israel ayaa diiday in ay wax faallo ah ka bixiyaan weerarka lagu dilay gabadhaasi iyo dadkii kale ee la socday.
Weerarka ayaa imanaya, iyadoo aad mooddo in rabshadaha gobolka ay aad u sii kordhayaan.
Israel oo weerarada cirka ee Lubnaan ku kordhisay ciidanka dhulka
Ciidanka Israa’iil ayaa gudaha u galay Lubnaan ka dib markii lagu dhawaaqay in howlgal xadidan oo dhulka ah ay la beegsanayaan kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay konfurta Lubnaan.
Howlgalka dhulka ayaa la sheegay in ay barbar socdaan duqaymo xagga cirka ah oo lagu qaaday xaafado dhowr ah oo dhaca koonfurta Beirut.
Duqeymo dhacay maalinimadii daraad ayaa lagu dilay ugu yaraan 95 qof, sida ay ku warantay Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan.
Dhanka kale,weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 11 qof, sida ay sheegeen dhakhaatiirtu.
Qasa illaa hadda waxaa ku dhintay ugu yaraan 41,615 qof ,halka dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 96,359 ,kadib dagaalkii bilowday sanadkii tagay.
QM oo ka hadashay dadka ka
cararaya colaadda Lubnaan ee gaaraya Suuriya (Tirada hadda qaxday)
Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa sheegay in in ka badan boqol kun oo qof ay u qaxeen dalka Suuriya, iyagoo ka cararaya weerarada ballaaran ee ay Israel ka waddo koonfurta dalka Lubnaan.
Madaxa Hay’adda UNHCR ayaa sheegay in dadkan ay isugu jiraan Lubnaaniyiin iyo Suuriyaankii qaxootiga ku ahaa dalka Lubnaan.
"Dadkan waxay u badan yihiin muwaadiniin Suuriyaan ah oo ay la socdaan dad Lubnaaniyiin ah.” Ayuu yiri Madaxa Hay’adda UNHCR.
Muwaadiniinta Suuriyaanka ah ee hadda dib ugu laabtay dalkooda ayaa horey magangelyo ugu raadsaday dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan, intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
1.5 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah ayaa dib u dejin ka helay dalka Lubnaan, muddadii kooxaha hubeysan ay dagaalka kula jireen Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad.
Filippo Grandi, Madaxa Hay’adda UNHCR ayaa sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeysay ay aad u kordheen tirada dadka u cararaya dhinaca dalka Suuriya.
Shacabka faraha badan ee ka baxsanaya duqaymaha Israel ayaa la arkayaa iyagoo ka gudbaya kontoroolka Al Masnaa, oo ah kan ugu weyn ee la isaga gudbo xuduudda labada dal.
Toddobaadkii hore shacab fara-badan oo reer Lubnaan ah ayaa u cararay dhinaca Caasimadda Beirut, halkaas oo haatan aad arkeyso in Israel ay si weyn u garaaceyso, waana xilli duqaymaha ba’an Israel ay galeen toddobaadkii labaad.
Bilowgii duqaymaha Israel ee Beirut ayaa u muuqday kuwo goos goos ah, waana tan keentay in dadku intooda badan ay halkaasi u cararaan, balse wixii ka dambeeyay Jimcihi waxaad mooddaa in Israel ay diiradda saareysay Beirut.
Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa sheegay in ka badan hal milyan oo qof ay ku barakaceen duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee Israel.
Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa ballanqaaday 100 milyan oo dollar, oo gargaar degdeg ah oo la siinayo shacabka Lubnaan.
Israel oo duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadday koonfurta dalka Lubnaan
Taliska Militariga Israel ayaa saqdii dhexe ee habeen hore ku dhawaaqay in uu bilowday hawlgalka dhinaca dhulka ee dalka Lubnaan, iyadoo uu qorshuhu yahay in gacan bir ah lagu qabto amniga deegaanada xuduudda ee labada dal.
Militariga Israel ayaa sheegay in duulaanku uu ku bilowday qaab xadidan, oo sida ay sheegeen lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay Xoogaga Ururka Xisbullah ka joogaan deegaanada xadka ee koonfurta Lubnaan.
"Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsanaya tuulooyinka Lubnaan ee ku dhow dhow xadka, kuwaas oo Xisbullah ay u adeegsadaan goobo laga qalqalgeliyo bulshooyinka Israel ee ku nool waqooyiga Israel.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Militariga Israel.
Bayaanka ayaa lagu sheegay "Ciidanka Difaaca Israel ayaa beegsanaya kaabeyaasha militari ee ku yaala tuulooyinka u dhow dhow xadka.”
Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadu ay ku hawlgalayaan xogo sirdoon, iyadoo ayna caawinaad ka helayaan Ciidanka Cirka iyo kuwa madaafiicda goobta, isla-markaana ay si sax ah u garaacayaan bartilmaameedyada militari ee aagga.
Bayaanka Militariga Israel ayaa lagu sheegay in Hoggaanka Siyaasadda ay ansixiyeen hawlgalkan, ciidamaduna ay raacayaan qorshooyinka ay dejiyeen Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Israel iyo kan waqooyiga.
"Hawlgalka ayaa sii socon doona, iyadoo la eegayo qiimeynta xaaladda iyo si la mid ah dagaalka Gaza iyo goobaha kale.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Israel ayaa ku dhiiratay hawlgalkan, iyadoo Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ay si adag uga horyimaadeen. Mareykanka qudhiisa ayaa Israel uga digay duulaanka dhulka.
Mareykanka iyo Faransiiska ayaa Arbacadii soo bandhigay qorshe muddo 21 cisho ah lagu hakinayo xabadda, ka dib maalmo ay duqaymo dad fara-badan ku dhinteen oo Israel ka gaysatay dalkaasi Lubnaan.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa xulafada Israel ee reer galbeedka ku gacan seyray baaqooda, inkastoo markii hore la sheegay inuu soo dhaweeyay. Israel ayaana sii xoojisay hawlgaladeeda hawada ee dalkaasi.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay ka go’an tahay in xoog loo adeegsado Xisbullah, si barakacayaasha Israeliyiinta ay ugu soo laabtaan guryahooda waqooyiga.
Israel ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn ugu diyaargaroobeysay hawlgalka dhulka, iyadoona deega-anada waqooyiga gaysay ciidamo fara-badan iyo dhammaanba qalabka & gaadiidka ay ciidamadu u baahan yihiin.
Israel ayaa toddobaadkii hore qaadday hawlgalkii ugu weynaa ee dhinaca cirka ah, iyada oo ku guuleysatay inay maalmo yar gudahood ku disho saraakiishii ugu muhiimsaneyd ee Xisbullah oo uu ku jiro hoggaamiyihii ururka, Hassan Nasrallah, waxayna is tustay inay burburisay inta badan hubkii Xisbullah, taasoona ku riixday inay hadda fududeysato hawlgalka dhinaca dhulka.
Weerarkii Jimcihii lagu dilay Hassan Nasrallah ayaa soo afjaray rajadii laga qabay in xabad joojin ku-meel-gaar ah laga sameeyo xuduudda labada dal, si colaadda xal lagaga gaaro miiska wada hadalka.
Xiisadda ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Israel ay 23-kii bishii September bilowday inay si weyn u garaacdo xarumaha Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, waxayse xiisadda ka sii dartay markii la dilay Hassan Nasrallah.
Masuuliyiinta Israel ayaa ku celceliyay in la qaadi doono dhammaanba tallaabooyinka loo baahan yahay, si wax looga qabto amniga deegaanada waqooyiga ee xuduudda.
Ururka Xisbullah ayaa ku hanjabay inaysan ogolaan doonin in Israeliyiintii qaxday lagu soo celiyo deegaanada waqooyiga, inta uu socdo dagaalka Gaza.
Paris iyo Washington waxay labaduba sheegeen in colaadda aysan horseedi doonin in Israeliyiinta ay dib ugu soo guryo noqdaan waqooyiga Israel.
Ma cadda, sida Israel ay tani ku xaqiijin karto, bacdamaa ay Xisbullah geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli doonto, sidii ay u fashilin lahayd qorshaha Israel.
Maxaa xilka looga qaadayaa madaxweyne ku xigeenka Kenya ee mar ka shaqeynayay xoojinta xiriirka Soomaaliya?
Xildhibaannada Kenya ayaa bilaabay hannaan xilka looga qaadayo madaxweyne ku xigeenka dalka.
Waxay Rigathi Gachagua ku eedeynayaan inuu door ku leeyahay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Kenya saddex bilood kahor, inuu ku lug leeyahay musuqmaasuq, inuu dowladda yasay isla markaana uu u ololeynayay kala qeybin siyaasadeed oo qabaa'illada dhexdooda ah.
Waxay sidoo kale daba socotaa isku dhac weyn oo soo kala dhex galay madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa. Mooshinka xil ka qaadista ayaa la filayaa inuu si fudud uga gudbo labada aqal ee baarlamaanka, kadib markii mucaaradkii ugu weynaa ay ku biireen xisbiga Ruto kadib dibadbaxyadii dhowaan.
Booliiska ayaa sidoo kale xildhibaannada xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka ku eedeeyay inay maalgeliyeen ayna soo abaabuleen burcad si ay u dhacaan ayna rabshad u sababaan xilligii ay socdeen dibadbaxyadii canshuurta looga soo horjeeday ee dhacay bishii June. Rigathi Gachagua ayaa si kastaba difaacay xildhibaannadaas wuxuuna sheegay in eedeymaha looga gol leeyahay in magaciisa lagu ceebeeyo taageerayaashiisana lagu dacweeyo inay ku lug leeyihiin xil ka tuurista dowladda.
Dadaallo badan oo lagu joojinayo xil ka qaadista iyadoo maxkamado la marayo ayaa guul-darreystay.
Kenya iyo Soomaaliya ayaa bishii May waxay ballan qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo dhaqaalaha ganacsiga iyo maalgashiga.
Kadib kulan xilligaas dhex maray madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxay labada dal sidoo kale ka wada hadleen in si wada jir ah wax looga qabto burcadda iyo in lala yimaado dhaqan ganacsi la joogteyn karo oo labada dhinac faa'iido u leh.
Booqashada kadib hadal uu jeediyay Gachagua ayaa wuxuu sheegay in iyadoo xiriirka taariikhiga iyo midka dhaqan ee u dhaxeeya labada dal ee deriska ah uu ballaaran yahay, haddana xiriirka ganacsi uu yahay mid yar.
Wuxuu soo hadal qaaday sanadkii 2022, oo dhoofka Kenya ee Soomaaliya uu gaaray USD124.5 milyan (Ksh.15 bilyan) iyadoo wax soo dhoofsigana uu u dhigmay USD581.7 kun (Ksh.71.5 milyan).
"Wax shaki ah kuma jiro in xiriirkan ganacsi lagu xoojin karo iyadoo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya laga dhalinayo faa'iido la taaban karo iyadoo fursado loo abuurayo muwaadiinteenna,” ayuu yiri Gachagua.
Kenya iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale ka wada shaqeeyay in xayiraadaha meesha kaga saaro si la isugu furo dhaqdhaqaaqyada labada bulsho iyo badeecada, la dhiirrigeliyo maalgashiga suuqyo cusubna la furo kuwaasoo labada dal dan u ah.
Gachagua ayaa ugu baaqay guddiyaha ganacsiga labada dal inay xisaabta ku darsadaan heshiis is af garad oo dhexdooda ah oo sare loogu qaadayo is dhexgalka waaxaha gaarka ee labada dal.
Wuxuu intaa raaciyay in xoojinta xiriirka labada dal uu sare u qaadi doono barwaaqo dhaqaale oo ay gaaraan dadyowga Kenya iyo Soomaaliya.
Halkee ayuu ka soo billowday isku dhaca Ruto iyo Gachagua?
Hardanka awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa horseeday walaac laga qabo degganaan la'aan dowladda dhexdeeda ah, xilli Kenya ay bartanka uga jirto xasarad qoto-dheer oo dhaqaale.
Ruto ayaa Gachagua u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo haddii la doorto doorashadii 2022, markaasoo uu ka guuleystay raysal wasaarihii hore Raila Odinga kaddib doorasho si adag loogu tartamay.
Gachagua ayaa kasoo jeeda gobolka codadka ugu badan laga helo ee Mount Kenya, wuxuuna taageerayaal badan usoo jiiday Ruto.
Si mooshinkan loo meel mariyo, waxay u baahan tahay taageerada ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha labada aqal, iyadoo aysan ku jirin xildhibaannada lasoo magacaabay.
Xildhibaannada taageersan mooshinka ayaa kalsooni ku qaba in la meel marin doono.
Balse Gachagua ayaa caddeeyay inuusan gacmaha laaban doonin xilkana uusan ka degi doonin isagoo aan dagaallamin.
"Madaxweynaha wuu ku amri karaa xildhibaannada inay joojiyaan. Marka, haddii ay sii wadaan, wuu ku jiraa,” ayuu u sheegay warbaahin gudaha ah.
Ruto ayaa hore u ballan-qaaday inuusan Gachagua gelin doonin "ciriiri siyaasadeed”, oo la mid ah tii uu isagu la kulmay markii uu madaxweyne ku xigeen u ahaa ninkii uu xukunka kala wareegay, Uhuru Kenyatta.
Balse iyadoo xubno ka tirsan xisbiga Odinga ay ku biireen dowladda kadib dibadbaxyadii ay dhalinyarada horkacayeen ee ka dhacay Kenya kuna qasbay Ruto inuu ka laabto kordhinta canshuuraha, xaaladda siyaasadeed ayaa is beddeshay - iyadoo madaxweyne ku xigeenka uu u muuqday mid aad loo takooray oo go'doon la geliyay.
Gachagua ayaa, si kastaba, adeegsanayay luqad adag, isagoo sheegay inuu heysto taageerada codbixiyeyaasha halka uu kasoo jeedo ee gobolka bartamaha Kenya.
Xurgufta u dhaxeysa Ruto iyo Gachagua ayaa aad usoo shaac baxeysay bilihii lasoo dhaafay.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka mar walba ka baxsanayay in madaxweynaha uu ka sagootiyo garoonka marka uu dibadda u safrayo, uuna kusoo dhoweeyo marka uu soo laabanayo.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki, oo sidoo kale ah bare sare oo sharciga ah kaasoo uu aaminsan yahay madaxweynaha, ayaa u muuqday mid haya qaar ka mid ah mas'uuliyadaha madaxweyne ku xigeenka - taasoo ah wax sidoo kale dhacay markii ay kala boodeen Ruto iyo Kenyatta.
Sida Gachagua, Kindiki wuxuu kasoo jeedaa Mount Kenya - gobolka codadka ugu badan laga helo ee Kenya.
Xildhibaanno badan ayaa garab istaagay Kindiki iyagoo u aqoonsan ninka loogu jecel yahay gobolka, taasoo xoojineysa shakiga ah inay u ololeynayaan inuu beddelo Gachagua.
Taas ayaa ka dhigtay madaxweyne ku xigeenka mid aad loo go'doomiyay isagoo keliya heysta taageerada tiro siyaasiyiin la doortay.
Xigasho BBC
.halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes
....