Ku dhowaad 4,000 Arday oo u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda

0
Tuesday October 01, 2024 - 22:01:03 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhowaad 4,000 Arday oo u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda

    Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Ardaydii ugu badneyd ay sanadkan u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo wax ku baranaya canshuurta dalka. Wasiirka oo ka qayb galayay furit

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Ardaydii ugu badneyd ay sanadkan u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo wax ku baranaya canshuurta dalka. Wasiirka oo ka qayb galayay furitaanka Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in la marayo sanadkii 10-aad dib u howlgelintii Jaamacadda burburkii ka dib, iyadoo ay maanta u fariisteen Imtixaanka 3,924 Arday oo ah tiradii ugu badnayd ee ay qabato. Wasiirka ayaa sheegay in Jaamacadda lagu soo biirin doono sanadkan Macallimiin xagga luqadaha ah iyo qalab, si sanadka asaasiga ah diyaar garoow xooggan loogu sameeyo Ardayda, isagoo kula dardaarmay Ardayda in ay isu diyaariyaan in ay geli doonaan marxalad calami ah loona baahan yahay in ay la qabsadaan. Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof. Xasan Cusmaan Gacal ayaa dhankiisa sheegay in ay Jaamacaddu diyaar u tahay inta ku guuleysato Imtixaanka, wuxuuna xusay in hadafkoodu uu yahay in Jaamacaddu ay gaadho dhammaan gobollada dalka iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip