Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala'a Nemer oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo ah madaxa qeybta taageerada ee UNOPS.
Mas'uuliyintan ka socotay Hay'adda UNOPS ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka iyo qaabka ay u fuliyaan, waxaana sidoo kale kulanka looga hadlay wada shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya iyo Hay'adda UNOPS.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku bogaadiyay hay'adahan howlaha mashaariic ee ay wadanka ka hayaan iyo sidoo kale taageeradda ay siiyaan hay'adaha dowladda.
Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka UNOPS ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala'a Nemer oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo