halkaan ka aqriiso wararka wargeyska mogtimes
Madaxweyne Xasan Sheekh "Waa tuug khiyaanoole ah qofkii hareer mara nidaamka bixinta canshuuraha"
Madaxweynaha dowladda Fedar-aalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka shirka sanadlaha ee Midowga Bangi-yada Soomaaliyeed ayaa markale si adag uga hadlay arrimaha Canshuurta.
Wuxuu sheegay madaxweynaha in khiyaanoole uu yahay qofka ka dhuunta bixinta lacagaha Canshuurta ah, islamarkaana dowladda ay la xisaabtami doonto cid walba oo diidan bixinta lacagaha Canshuurta.
"Haddii laga dhuunto Canshuur bixinta waa tuuganimo iyo dambi waana lagugu ciqaabaya, sax ma ahan inaad badasho lambarka Merchant-ga, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Sooma-aliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka, wuxuuna ku adkeeyey iney masuuliyad gaar ah iska saaraan bixinta Canshuuraha oo qeyb weyn ka ah jiritaanka dowladnimo.
"Dowladnimo waa qawaanin iyo dhaqan-gelinta sharciyada, si taas loo helo waa inaad bixisaan canshuurta, dowladdu ma shaqeyn karto canshuur la’aan, bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya, iyadoo ganacsatada intooda badan ka fujiyeen nambaradii gaarka ahaa ee ku ganacsan jireen ee loo yaqaano Merchant-ga, kadib markii dowladda nambaradaasi ganacsi kusoo rogtay in laga jaro lagacaha Canshuurta.
Wasiirka Waxbarashada oo kulan aaladda fogaan aragga ah kula yeeshay dhigiisa dalka Turkmenistan
Wasiirka Wasaaradda Waxbar-ashada, Hidaha iyo Tacliinta sare XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shalay kulan aaladda fogaan aragga ah [Zoom] la yeeshay dhigiisa Wasiirka Waxbarashada ee dalka Turkmenistan Mudane Jumamurad Gurbangeldiyev.
Shirkaas ayaa si qoto dheer loogaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ka dhexeeya gaar ahaan dhinaca waxbarashada heer jaamacadeed, dhaqanka iyo tiknoolajiyadda.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay safaarada JFS ee wadanka Türkiye ayaa qabanqaabadiisa ay la xiriirtaa booqashadii uu dhawaan ku tagay Turkmenistan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Türkiye iyo Turkmenistan Mudane Fatxudiin Cali Maxame.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirka Bangiyada dalka
Ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuum-adda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay soo xiray shirka Sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada dalka oo daraad ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirka sanadkan oo lagu falanqeeyay mowduuca muhiimka ah ee "Furida Sohdimaha Curdunka ah ee Maaliyadda Soomaaliya,” ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo muhiim ah oo ku saabsan horumarka bangiyada dalka, fursadaha kobcinta dhaqaalaha, iyo caqabadaha horyaalla nidaamka maaliyadeed.
Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha, kobcinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka, iyo wada shaqeynta dowladda iyo ganacsatada bangiyada, iyadoo la raadinayo xalal lagu sii xoojin karo nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbadiisa ku bogaadiyay bangiyada dalka, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen adeegyadooda shaqo iyo fursadaha ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, taas oo ka dhalatay wada shaqeyn dhow oo dhex martay dowladda iyo ganacsatada.
Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa intaa ku daray in dowladda ay sii laba jibaarayso taageerada iyo wada shaqeynta bangiyada dalka si loo hormariyo dhaqaalaha iyo hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga "Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh”
Wasiirka wasaaradda gaasha-andhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa shalay kuliyada tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho uga qeybgalay xaflad lagu dhaariyey saraakiil loo diyaariyey Leyli-Sarkaal iyo Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025.
"Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka,” ayuu yiri Wasiirka Gaash-aandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Tabarada isdabajoogga ah ee lagu carbinayo ciidanka xoogga dalka ayaa qayb ka ah siyaasadda dowladda, si loo adkeeyo difaaca dalka.
Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah kabka miisaaniyadda Dowadda
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir muhiim ah waxa uu la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Karin Johansson iyo xubno ka tirsan Xafiiskeeda, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo.
Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay Warbixinta Wasiirka Maaliyada XFS ee horumarka Dowla-ddu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka.
Ms. Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday intii uu kulanku socday in Midowga Yurub ay bixinayaan lacag dhan Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah kabka miisaaniyadda Dowadda, lacagtaas oo ay Midowga Yurub ugu talagaleen in Dowladdu wax uga qabato 1-Horumarinta Dakhliga iyo sare u qaadiddiisa,
2 Faderaaleynta Hanaanka Maaliyadda Dalka iyo 3- Horumarinta Waxbarashada loo dhanyahay.
Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib, waxa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.
Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii.
Muqdisho: Gabar 5 sano jir ah oo laga soo tuuray dabaq 5 biyaano ah
Gabadhaan yar oo lagu magacaabi jiray Maryan Mahad Cadow oo aheyd 5 sano jir ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dabaq 5 biyaano ah oo Daraad laga soo tuuray, kaasoo ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Ehelada gabadha yar ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in gabadhooda shalay u geeriyootay dhaawacii darnaa ee Daraad kasoo gaaray dabaqa laga soo tuuray.
Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in gabadhaan yar laga soo tuuro dabaqa, waxaana aabaha iyo hooyada dhalay gabadha yar ay dalbadeen in cadaalad u helaan kiiska gabadhooda.
Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Hay’adaha amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdada gabadha yar looga soo tuuray dabaqa oo ah mid si weyn uga argagaxeen dadka ku nool degmada Cabdicasiis.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadha yar marka dabaqa laga soo tuurayay ay ka timid Dugsi Quraan oo ay kusii jeeday gurigooda, waxaana hooyada dhashay gabadhada yar ay sheegtay in dabaqa laga soo tuuray gabadheeda uu dagan yahay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.
Dhacdadaan ayaa ah mid saacadahii lasoo dhaafay si weyn u hadal hayaan dadka ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Cabdicasiis iyo degmooyinka ku xeeran, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in la xiray dad ku eedeysan kiiska gabadhaan yar.
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka dib-u-eegista tallaabooyinka ka hortagga Leexsashada Gargaarka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shalay Muqdisho ka daah-furay shirka dib-u-eegista tallaabooyinka ka hortagga Leexsashada Gargaarka oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda SoDMA, kaasoo ay ka qeyb galayaan Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Shacabka BFS, Wasiirrada gargaarka ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka Khaatumo, madax ka socota gobolka Banaadir,Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka xubno matalaya Ururada maxalliga ah ee banii’aadannimada, culimada Soomaliyeed iyo Rugta Ganacsiga.
Guddoomiyaha oo ka qeyb galayaasha ku soo dhaweeyay shirka ayaa sheegay in shirkaan uu ahmiyaad gaar ah u leeyahay in la aqoonsado muhiimadda ay leedahay in gargaarka banii’aadannimo uu u gaaro dadka loogu tala galay, isagoo aad ugu dheeraaday raadadka iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta marka gargaarka loo weeciyo musuqmaasuq ama lagu wajaho maamul xumo.
Dibad bax ballaaran oo lagu weyneynayay dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay Nairobi
Isu soo bax ballaaran oo lagu weynaynayay dhalashadaXabiibkeena Muxamed (NNKH) oo ay ka qeybgaleen Culimaa’udiin ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Dhallinyarada Ahlusunna WalJamaaca laguna weyneynayay dhalashada Nabi Maxamed (NNKH) ayaa waxa ka qeybgalay Culimaa’udiin Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha iyo dalka dibadiisa oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamuud Cabdul baari,Sheekh Cabdiraxmaan Waaberi iyo Sheekh Maxamuud Maxamed Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Nairobi dalka Kenya.
Bishan Mowliidoo ah bisha uu dhashay Suubanaheena Nebi Muxamed (NNKH) ayaa Muslimiinta waxa ay u tahay fursad aad u qiimo badan oo ay ku xasuusanayaan naxariista, jacaylka iyo caddaalada uu Nabigu u muujiyay Aadanaha, loona baahanyahay in lagu daydo wanaagga iyo dhaqanka suuban ee Nabiga, lana raaco tilmaamihiisa qiimaha badan.
Culimadii ka hadlay munaasabadda ayaa bulshada uga sheekeeyay siirada Nebi Muxamed (NNKH), taariikhdiisa..
Xubin ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda
Ciidamada xoogga dalka Soom-aaliyeed, gaar ahaan guutada 28-aad qeybta 21-aad ayaa shalay warbaahinta u soo bandhigay Qaasim Axmed Dhuxul oo ah xubin ka tirsan mudo dheer kooxda Al-shabaab.
Qaasim Axmed Dhuxul oo looga yaqiinay kooxda dhexdeeda Suulal Ceyn ayaa kasoo goostay Al-shabaab, kadib mudo sideed sano ah oo uu ka tirsanaa Al-shabaab, islamarkaana uu kala soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah gudaha dalka.
Ninkaan ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu isaga soo baxo Al, shabaab oo uu isku soo dhiibo ciidamada dowladda, isagoona si gaar ah ula soo xiriiray saraakiil ay isku heyb yihiin oo ku sugan deegaanka Masagawaa.
Waxuu sidoo kale sheegay Qaasim in kooxda Al-shabaab dhaxdooda ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo uu u adkeysan waayay, islamarkaana sababay inuu kasoo goosto kooxda.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa si xoog leh isugu soo dhiibayay xubnaha kasoo goosanaya Al-shabaab ee ka faa'ideysana fursada cafiska ah ee dowladdu siisay xubnaha isaga soo taga Ururka Al-shabaab ee la geeyo xarumo loogu talo galay in lagu dhaqanceliyo.
Turkiga oo markab gargaar wada u soo diray Soomaaliya
Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida shixnad gargaar ah, kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar, waxana uu ku yimid dalab dhawaan hay’adda SoDMA u dirtay dalkaas.
Markabkaan ayaa daraad ka soo shareecday dakedda Turkiga, isagoo oo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha kala ah bisha cas Turkiga (Kızılay) iyo hay’adda maareeynta musiibooyinka Turkiga ee (AFAD).
Mucaawinadan ayaa looga talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee LaNina oo ay dhawaan hay’adda SoDMA ku dhawaaqday.
Abdel Fattah el-Sisi: Soomaaliya kuma taageerno xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya darteed
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa caddeeyay in dalkiisu uu taageersan yahay midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
"Soomaaliya kuma taageerno Itoobiya darteed. Waxanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yidhi Madaxweyne el-Sisi mar uu la hadlayay madax kala duwan oo uu ka qayb galayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo ka qalin jabisay akadeemiyada Booliska Axaddii daraad.
Hadalka Madaxweyne el-Sisi ayaa daba socda muddo toddobaad ah oo la hadal hayay doorka Masar ee taageerada xasilloonida Soomaaliya.
Todobaadkii hore waxaa Soomaaliya soo gaaray markab sida shixnad gargaar milatari oo aad u badan oo ka timid ciidamada qalabka sida ee Masar.
"Waan garanaynaa dantayada, waxaanan kala dooran doonnaa xulafadayada iyo cadawgeenna. Mahadsanid Masar” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hoosta ka xariiqay xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.
Taageerada milateri oo ka mid ah shixnadaha hubka casriga ah ee ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, ayaa muujinaysa tallaabo lagu xoojinayo saamaynta Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.
Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira.
Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go'an tahay labada dal xoojinta xiriirka labada dal iyo xoojinta amniga gobolka.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo Xoriyadiisa dib u helay kadib Amar kasoo Baxay Maxkamada Sare ee Somaliland
Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa hada laga siidaayay jeelka Madheera, kadib markii ay Maxkamada Sare ee Somaliland amar ku bixisay siidayntiisa.
Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Xuseen Mirre Giirre, ayaa warbaahinta u caddeeyay in xabsiga laga siidayay xildhibaanka kadib amarka kasoo baxay maxkamada.
Giirre waxa uu sheegay in maxkamadu uga xilgudatay xadhiga xildhibaanka si waafaqsan dastuurka, waxa uu xusay in maxkamadu ay muujisay madaxbannaani, isaga oo bogaadiyay go'aanka ay soo saartay.
Xildhibaanka ayaa qoraal uu ku baahiyay baartiisa Facebook ku yidhi "Waxaan xaqiijinayaa in aan xoriyaddaydii dib u helay. Waxaanna u mahad celinayaa cid kasta oo ka damqatay muddadii 30-ka maalmood ahayd ee aan sharci darrada ugu xidhnaa xabsiga Mandheera".
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa xadhiga Abiib ku tilshalayy sharci-darro, iyada oo hay'addaha xukuumada ugu baaqday in ay sharciga u hoggaansamaan.
Xildhibaanka ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay xeer ilaalintu ka gudbisay eedo qaran-dumisnimo ah, kuwaasi oo uu goluha wakiiladu cod caqlabiyad ah ku diiday.
Wararkii ugu dambeeyay weerarada ay Israel ka waddo dalka Lubnaan
Duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee Israel ka waddo dalka Lubnaan ayaa galay toddobaadkii labaad, iyadoo Israel ay ku hanjabtay inay sii wadi doonto bartilmaameedyada ka dhanka ah Ururka Xisbullah.
Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa cambaareeyay kororka duqaymaha baahsan ee Israel, isagoona sheegay in Israel ay xeerarka caalamiga ah ka dhigtay wax aan shaqeyneyn.
Weerarada xagga cirka Israel ee aan loo meel dayin ayaa baqdin xoog leh ku haya shacabka Lubnaan, kuwaa oo qoysas fara-badan ku khasbay in ay guryahooda ka cararaan.
Duqaymuhu waxay sababeen dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in la diiwaan geliyay dhimashada in ka badan kun qof oo rayid ah iyo dhaawaca lix kun oo kale.Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in illaa hal milyan oo qof ay duqaymaha Israel ku cadaadiyeen inay guryahooda ka barakacaan.
Najib Mikati, Raysal Wasaaraha Lubnaan ayaa shalay sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in Ciidamada Lubnaan la geeyo xadka Lubnaan, si buu yiri ay u difaacaan aagga xadka, haddii loo baahdo.
Raysal Wasaare Mikati ayaa Israel ku eedeeyay in dalkiisa ay ka abuurtay xaalad aan horey loo arag, waxaana uu ka digay kororka weerarada Israel.
Raysal Wasaaraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in ka badan hal milyan oo qof oo reer Lubnaan ah lagu riixay in ay guryo la’aan noqdaan.
Waxa kaloo uu sheegay in dhaqdhaqaaqa barakaca ee dalkiisa ka socdo laga yaabo in uu noqdo kii ugu weynaa ee gobolka.
"Mowjadaha duqaymaha cirka ah ayaa dadka ku khasbay in ay ka cararaan Beirut iyo qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, oo ay ku jiraan deegaanada xadka koonfurta.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Mikati.
Masuuliyiinta Israel ayaa ku hanjabaya in ciidamadu ay duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadi doonaan koonfurta dalkaasi, si Ururka Xisbullah looga fogeeyo deegaanada xuduudda ee labada dal.
Ciidamada Dowladda Lubnaan ayaan ka hawlgalin deegaanada koonfurta, waana sababta uu Raysal Wasaaruhu u leeyahay in Ciidamada Qaranka ay difaaci doonaan deegaanada xuduudda, haddii loo baahdo.
Ururka Xisbullah ayaa muddo dheer ka arriminayay koonfurta Lubnaan, oo ay ku jiraan deegaanada dalkaasi ee xadka la leh waqooyiga Israel.
Raysal Wasaaraha Israel oo farriin la yaab leh u diray shacabka Iran
Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa galabta baahiyay muuqaal uu Raysal Wasaaruhu kula hadlayo shacabka dalka Iran.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa farriin la yaab leh hawada u mariyay shacabka Iran, si ay uga horyimaadaan dowladda dalkaasi.
Raysal Wasaaraha ayaa shacabka dalkaasi uga digay khatar uu sheegay inay u horseedeyso dowladdooda, ayna tahay in ay meel kaga soo wada jeestaan.
Waxa uu sheegay inaysan xor ahayn, isla-markaana ay u baahan yihiin inay ka xoroobaan nidaamka uu sheegay inay ku hoos nool yihiin.
Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Iran aysan daryeeleynin shacabkeeda, taasi bedelkeedana ay ballaayiin dollar ku bixineyso oo ku maalgelinayso ururada hubeysan ee ka dagaalama gobolka.
"Maalin walbaa waxaad arkeysaa maamul idin hoostaga oo hadalo kulul ka jeediya difaaca Lubnaan, difaacaya Gaza. Haddana maalin kasta maamulkaas wuxuu gobolkeenna sii geliyaa mugdi iyo dagaal.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel oo iftiiminaya in dhaqaalihii shacabka dalkaasi lagu maalgeliyo waxa uu ku sheegay kooxaha argagixisada.
"Taliska Iran keliya wuxuu diiradda saaraa dagaalada shisheeye, kuwaas waxay keliya sii kordhinayaan qalalaasaha gobolka.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.
Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay xaq u leedahay inay is difaacdo, haddii ay u aragto in jiritaankeeda uu halis ku jiro, waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin meel aysan gacanta Israel gaari karin oo gobolka ah.
"Ma jirto meel Bariga Dhexe ah oo Israel aysan gaari karin. Ma jirto meel aan aadi doonin, si aan u ilaalino dadkeenna oo aan u ilaalino dalkeenna.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Israel.
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa shacabka Iran ku booriyay in ay meel kaga soo wada jeestaan, sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen nidaamka ka arrimiya dalkaasi, wuxuuna rajo ka muujiyay mustaqbal ifaya oo Iran ay yeelato, kana xorowdo nidaamka maamula dalkaasi.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa reer Iran ugu baaqay in ay kor u soo kacaan, isagoona ballanqaaday in Israel ay garab taagan tahay, balse uu kaga digayo in ay god madow ku dhacaan.
"Inta badan dadka reer Iran waxay ogyihiin in maamulkoodu aanu dan ka lahayn iyaga, haddii uu dan ka yeelan lahaa waxay joojin lahaayeen ballaayiinta dollar ay ku khasaariyaan dagaalada aan wax tarka lahayn ee ka socdo Bariga Dhexe, waxayna bilaabi lahaayeen horumarinta noloshooda.” Ayuu yiri Netanyahu oo sheegaya in dhaqaalaha lagu bixiyo sameysashada hubka nuclear-ka iyo dagaalada ay tahay in dib loogu jiheeyo sida uu yiri horumarinta kaabeyaasha dadweynaha, sida waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.
Netanyahu ayaa kalsooni ka muujiyay in Iran ay xor noqon doonto sida uu yiri si ka dhakhso badan sidii la filayay, isagoona labada dal u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo shacabkooda oo nabad ku wada nool.
"Marka Iran ay ugu dambayntii xor noqoto, waqtigaas wuxuu iman doonnaa si ka dhaqso badan, sida ay dadku u maleynayaan.” Ayuu yiri Netanyahu.
Netanyahu ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in la burburin doono sida uu yiri shabakadaha argagixiso ee Iran taageerto, dalkuna uu heli doono sida uu yiri maalgashi caalami ah, dalxiis ballaaran iyo hal-abuur tignolajiyadeed oo cajiib ah.
Netanyahu ayaa ugu dambayn shacabka reer Iran ku booriyay inay diidaan kooxda yar ee fiqriga xagjirka ah ee xukuma sida uu yiri qaranka.
"Waxaad u qalantaan wax ka wanaagsan, carruurtiina waxay mudan yihiin wax ka wanaagsan, adduunka oo dhan ayaana mudan wax ka sii wanaagsan. Waan ogahay inaadan taageerin dilaaga Xamaas iyo Xisbullah, laakiin madaxdiina ayaa sameeya, waxaana mudan yihiin wax badan.” Ayuu yiri Netanyahu.
Netanyahu ayaa horey farriimo la mid ah u diray shacabka Lubnaan, Gaza iyo Yemen, isagoo muwaadiniinta ka codsanaya inay ka horyimadan nidamka.
Madaxii Hawlgalada Xamaas ee dalka Lubnaan oo weerar lagu dilay
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa xaqiijiyay in Israel ay weerar ku dishay hoggaamiyihii ugu magacawnaa dalka Lubnaan.
Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Fateh Sherif Abu El-Amin iyo xubno ka tirsan qoyskiisa lagu dilay duqayn ka dhacday magaalada koonfurta Lubnaan ku taala ee Tyre.
Xamaas ayaa sheegtay in Sarkaalkan lala dilay xaaskiisii, wiil iyo gabar uu dhalay, ka gadaal markii la bartilmaameedsaday hoygooda.
Militariga Israel ayaa qirtay in ay ka masuul yihiin hawlgalka lagu dilay Hoggaamiyihii Hawlgalada Xamaas ee dalka Lubnaan, ka dib weerar ay shalay ka fuliyeen dalkaasi.
Xamaas ayaa waxaa dalka Lubnaan ka jooga xoogag Falastiiniyiin ah oo iyaga taabacsan, kuwaa oo ka barbar dagaalama Xoogaga Ururka Xisbullah.
Falkan ugu dambeeyay ayaa muujinaya, sida Israel ay u ballaarineyso weerarada xagga cirka ee ay ku bartilmaameedsaneyo Saraakiisha dagaal-yahanada wax iska caabinta.
Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa ku celiyay in Israel ay sii wadi doonto duqaymaha baahsan ee dalkaasi, illaa laga xaqiijinayo hadafkeeda dagaalka.
Israel oo weerartay Yemen, ka dib isku daygii dil ee Netanyahu
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa gelinkii dambe ee Axaddii weerar xoogan ku qaaday Dekedda Magaalada Hudaydah, iyagoo ka aargudanaya weeraradii gantaal ee Jimcihii iyo Sabtidii ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku qaadeen gudaha Israel.
Wararka ayaa sheegaya in gantaaladii Xuuthiyiinta Yemen ay habeenkii Sabtida ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv uu u muuqday isku day dil oo ka dhan ah Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Netanyahu ayaa la sheegay in lagu weeraray garoonkaasi, xilli uu dib ugu soo laabanayay Israel, ka dib maalmo uu booqasho ku joogay Magaalada New York.
Iyadoo Israel ay ka jawaabeyso weerarkaasi, Ciidanka Cirka ayaa garaacay Dekedda Hudaydah oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Ururka Xuuthiyiinta.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn oo is xigxigay lagu beegsaday dekeddaasi iyo weliba haamaha shidaalka lagu kaydiyo.
Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in afar qof ay ku dhinteen weerarka, 49 kalena ay dhaawacmeen.
Weerarka ayaa si weyn u saameeyay korontadii magaalada, ka dib markii ay waxyeelo ka soo gaartay xarunta korontada ee Hudaydah.
"Afarta qof ee shahiiday, saddex ka mid ah waxaa weeye injineerada ka shaqeysa xarunta korontada.” Ayaa lagu sheegay warka laga baahiyay Al Masirah TV.
Militariga Israel ayaa sheegay in daraasiin diyaaradahooda dagaalka ah ay burburiyeen kaabeyaasha ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin Dekedda Hudaydah iyo weliba Ras Issa.
"Xarumaha korontada laga dhaliyo iyo dekedda waxaa loo isticmaalaa goobo hubka lagu kala wareejiyo.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Israel.
20-kii bishii July ayay Israel sidaan oo kale u weerartay Dekedda Hudaydah, markaas oo ay ka aargudaneysay weerar uu hal qof ku dhintay, 10 kalena ay ku dhaawacmeen oo Xuuthiyiinta ay July 19-keedii ka gaysteen Magaalada Tel Aviv.
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah Israel, inta ay weerarada ku hayso Gaza iyo Lubnaan.
Isku dhacyada gobolka ee sii kordhaya ayaa dhibaato amni ku ah deganaanshaha iyo xasilloonida Bariga Dhexe.
Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah oo sheegay in dagaalka uu daba dheeraan doono
Kuxigeenka Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa Israel ugu hanjabay in ciidamadeeda ay la kulmi doonaan iska caabin adag, haddii ay go’aansato duulaan dhinaca dhulka oo ka dhan ah dalka Lubnaan
Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa sheegay in dagaalku uu noqon doono mid daba dheeraada, isla-markaana aysan iska caabinta Lubnaan joojin doonin taageerada shacabka Falastiiniyiinta.
"Aad ayaan diyaar u nahay, haddii Isreliyiintu ay rabaan duulaan dhulka ah. Xoogaga wax iska caabinta ayaa diyaar u ah taas.” Ayuu yiri Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah.
Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa sheegay in Israel ay maalmihii ugu dambeysay ay xasuuq ka wadday dalka Lubaan, taas oo ku tusineysa ficiladeeda naxariis darrada ah.
"Israel waxay xasuuq ka gaysaneysaa dhammaan deegaanada Lubnaan, illaa laga wayo guri aan raad ku lahayn gardarrada Israel.” Ayuu yiri Sarkaalka labaad ee ugu sarreya Xisbullah oo intaasi ku daray "Israel waxay weerartaa dadka rayidka ah, ambalaasyada, carruurta iyo waayeelada. Ma la dagaalanto dagaal-yahanada, balse waxay gaysataa xasuuq.”
Waxa uu dhalleeceeyay doorka taageerada Mareykanka ee Israel, oo uu ku sheegay mid aan xadidneyn, isagoo intaasi ku daray in Mareykanka uu qaadi doono masuuliyadda, waxa ka jira Gobolka Bariga Dhexe.
Sarkaalkan ayaa wacad ku maray in Israel aysan gaari doonin ujeedooyinkeeda dagaalka, isla-markaana ay Xisbullah ku dhaqmi doonto jidkii uu horey ugu jeexay Hassan Nasrallah, hoggaamiyii geeriyooday ee Xisbullah.
Waxa sidoo kale uu sheegay in Israel ay moodeyso in Xisbullah ay awoodeeda wiiqmeyso, haddii la dilo madaxdeeda, balse taasi ay ka qaadi doonaan sida uu sheegay firfircooni dheeraad ah iyo inay dagaalka sii wadaan.
Naim Qassem ayaa tilmaamay in Xisbullah ay noqon doonto tan ugu dambeysa ee ku guuleysata dagaalkan, haddii sida uu sheegay ay xaq ku taagan yihiin.
"Waan ku guuleysan doonnaa, si la mid ah sidii aan ugu guuleysanay iska horimaadkii aan la galnay Israel 2006.” Ayuu yiri Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah oo warkan ku sheegay muuqaal uu shalay soo duubay.
Dhanka kale Naim Qassem ayaa sheegay in Xisbullah ay dhawaan soo dooran doonto hoggaamiye cusub, iyada oo loo marayo habab gudaha ah. Hoggaamiyahan ayuu sheegay in uu bedeli doono Hassan Nasrallah, kaas oo lagu dilay weerar ay Israel ka gaysatay koonfurta Magaalada Beirut.
Hadalka Naim Qassem ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ka soo baxa Xisbullah, tan iyo markii Jimciihii la dilay Hassan Nasrallah oo 32-kii sano ee la soo dhaafay hoggaaminayay ururka.
halkaan ka aqriiso wararka wargeyska mogtimes
,,,,,,