halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdusho times
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ganacsatada ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane DR Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaala da Muqdisho ka furay shirweynaha Bank iyadda Soomaaliyeed,
Madaxweynaha oo madasha ka jeediy ey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa Ganacsatadda ugu baaqay in ay bi xiyaan Cashuurta ku waajibtay” ogow ade ege ayaad tahay cashuurta iibka waxa laga rabaa waa qofka Soomaaliyeed ee wax gadanaya ha isku dayin in khiyaanto waa dambi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga ma hadceliyey Bankiyadda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta bixinta Cashuuraha oo ay door muhiim ah ka qaateen,Mada xweynaha ayaa ku baaqay in ganacsatada kalena ku daydaan oo fududeeye u noq daan Cashuur bixiyeyaasha.
Xildhibaano badan oo xalay kulan ku yeeshey guriga Sheekh Shariif
Xalay waxaa ka dhacay shir siyaasade ed oo xasaasi ah guriga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee dalka, Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shirkan waxaa ka qeyb galay in ka badan 40 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacab ka ee BFS, iyo siyaasiyiin hore xilal uga so o qabtay dowladda, kuwaas oo ay ku jir aan guddoomiyayaal hore oo ka soo sha qeeyay Gobolka Banaadir iyo wasiirro hore.
Inta badan kulanka, oo socday saacado badan, waxaa looga hadlay xaaladda siya asadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda. Inkastoo aan la shaacin wixii rasmiga ah ee ay dhina cyadu isku afgarteen, wararka soo baxay ayaa tilmaamaya in la isku raacay in kul amada noocaan oo kale ah la sii wado, lan a badiyo tirada ka qeyb galayaasha iyo heerarka shirka.
Waxaa jiray tuhuno sii xoogeysanaya tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay qorshaha hub ka dhigista si yaasiyiinta iyo saraakiisha hubeysan. Siy aasiyiin badan ayaa ka shakisan in ha dalka madaxweynaha uu xiriir la leeyahay qorshaha doorashooyinka ee dowladda. Shirkan ayaa u muuqda mid ka mid ah ku lamada siyaasadeed ee looga arrinsanayo arrimahaas.
Wasiir Xasan Macallin "Wada shaqeynteenu waxa ay ku xiran tahay inaan Alshabaab iska xoreyno”
Wasiirka Cadaalladda iyo arrimaha Das tuurka xukuumadda federaalka Soomaa liya Xasan Macallin oo hadal kooban ka jeediyay shirweynaha Bankiyadda Sooma aliyeed oo shalay Muqdisho ka furmay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay lee dahay in si wadajir ah looga qeyb qaato xo reynta dalka iyo ciribtirka Alshabaab si horumar dhaqaale loo gaaro.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in wada shaqeyntu ku xiran tahay in Khawa arijta la iska xoreeyo,maddaama argagix isadu meel walba ay gambaad ka dhigatay.
” Soomaaliya dhaqaalaheedu in uu kor u kaco waxaa saldhig u ah Bankiyada, qas hinka iyo cadowga ku jirana laga saaro oo laga nadiifiyo, walwalka iyo cabsida laga qabo haddii caalamka ahaan lahayd iyo haddii gudaheenna ahaan lahayd, arg agixisada waa ogtihiin meel walba gamba ad ayay ka dhigatay, Masaajidda iyo Diin ta ayay gambaad ka dhigatay, maaliyadda ayay gambaad ka dhigatay, marka da gaalkaas uu madaxweynuhu ku baaqay ee saddex geesoodka ah oo maaliyaddu, Caqiidadu iyo Militariga qeyb ka ahaayeen, marka in muwaadin kasta inuu ka qeyb qaato si cadowgaas dalka uga xoreysano si Soomaaliya horumar u gaarto wada sha qeynteenna u xiran tahy,”.
Soomaaliya ayaa sameysay dib u kaba sho ballaaran burburkii kadib waana guul umadda usoo hoyatay, waxayna Bankiya da qeyb weyn ka qaateen horumarinta iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo shalay ansixinaya labada Hindise sharciyeed
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta oo Isniin ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in shalay oo Isniin uu jiro kulanka, isla markaana ay ka soo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan maa daama Kulamo dhowr ah ay kooram la’a an y baaqdeen.
Ajandayaasha Kulanka shalay ee Xildhi baannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin:
1: Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Shar ciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeeg yada & Baaritaanka Beeraha Soomaali yeed (SARIS).
Labada Hindise Sharciyeed ayaa waxaa Golaha Shacabka horkeenay Wasiirka Wa saaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xuk uumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxa med Cabdi Xayir ( Maareeye).
Sidoo kale inta uu kulanka Golaha Sha cabka shalay socdo ayaa waxaa la fila yaa in Xildhibaannada loo jeediyo War bixin ta Shirka Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Africa.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla Hindise Sharciyeedyo dho wr ah, kuwaas oo Xildhibaannada ay ka d oodi doonaan kadibna ay ansixin doonaan.
Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Taliyaha Magacaaban ee Booliska Soomaaliya
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa booqasho sharaf eed iyo salaam ugu tagay Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Diyaano. Xildhibaanadan ayaa taliyaha ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay, iyaga oo Alle uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee hortaalla.
Intii lagu guda jiray booqashadan Xildh ibaanadu waxay si cad u muujiyeen taag eeradooda iyo saaxiibtinimadooda siyaas adeed, iyagoo balan qaaday inay garab taagan yihiin ayna la shaqeyn doonaan si ay u fududeeyaan howlaha muhiimka ah ee horyaalla Booliska Soomaaliyeed. Xild hibaanada ayaa sidoo kale xusay muh iimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga iyo kala dambeynta dalka, iyagoo taliyaha kula dardaarmay inuu la yimaado dadaal dheeraad ah si uu u gaaro himilooyinka waaweyn ee laga filayo Booliska Soo maaliyeed.
Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada taagee rada ay u muujiyeen, wuxuuna sheegay in uu diyaar u yahay inuu si daacadnimo iyo karti leh ugu adeego shacabka Soomaali yeed, isaga oo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar joogto ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh "Itoobiya waxay la wareegtay garoomo diyaaradeed iyo wadooyin muhiim ah oo ku yaala Gobolka Gedo"
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Telefashinka Aljazeera ayaa si adag uga ha dlay xadgudubyada dowladda Itoobiya ay ku hayso madax banaanida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hor eyn sheegay in Itoobiya ay la wareegtay ga roomo diyaaradeed iyo wadooyin muhiim ah oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya, gaar aha an gobolka Gedo.
"Itoobiya waxay waxay la wareegtay Garoo mo Diyaaradeed oo ku yaalla Koofurta Dal ka sida Gobolka Gedo, iyada oo ku doode ysa in lay kahortageyso in Masar ay timaado Waddanka, mana garaneyso sharciga ay ku qotomaan ficilladaas” ayuu yiri madaxweyn aha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sidioo kale sheegay madaxweynaha in arinta badda Itoobiya go'aankeedu uu ya hay iney si xoog ah ku yeelato qeyb ka mid ah Badda Cas ee Soomaaliya, taasina ay san noqon doonin mid marnaba u hirgali doonto dowladda Itoobiya.
"Itoobiya Deked ma rabto ee waxay doone ysaa inay awood ciidan ku yeelato Badda Cas Taasina ma suuragaleyso, Itoobiya wax ay rabta in labo sababood kusoo gaarto bad da Soomaaliya, tan koowaad waa in ay dek ed ka sameysato halka dhabbaha labaad uu yahay in ay saldhig ciidan badda ah ay hes ho, taasina waxa ay kahor imaaneysaa ma daxbannaanida Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha hor istaagay Wa dahadaladii mudada sadexda jeer ah dhe xmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ee markii af araad oo loo balansanaa qabsoomi waayay.
"Saddex jeer ayaa wadahadallo lagu qabto Nairob Kenya iyo Turkiga oo labo mar ah, waxa fashiliyay waa in ay Itoobiya ku ad keysaneyso heshiiska ka dhanka ah Madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wadahadal ma dh ici karo ilaa inta Itoobiya ugu soo laa banayso hannaanka caalamiga ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh.
Isagoo ka hadlayay dhinaca wararka la xar iira in dowladda Masar ku biireyso howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaaliya ay u madax ba naan tahay dalbashada cida ay ka qeyb ga lineyso howlgalka iyo cida ay iska diideyso.
"Masar way dalban kartaa iney kamid noq on karto Ciidamada Nabad ilaalinta Sooma aliya waana ka aqbali karnaa, balse Itoobiya halkaas door ugama furno waayo Masar iyo Soomaaliya waa labo dal oo muddo fog saaxiibo ah, go’aankeena anaga ayaa iska leh cidda aan la heshiineyso iyo cidda aan diideyno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee BJFS oo qabtay Munaasabadda Xuska Dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH)
Munaasabad lagu xusayay Dhalashada Nabigeenna Muxammad NNKH oo uu soo qaban qaabiyay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mu dane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaa ka qeyb galay wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo culimaa’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo khdubad ka jeediyay Munaasabadda Xuska Dhalashad da Nabigeenna Muxammad NNKH ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dhamaan culimaa’ udiinkii iyo mas’uuluyiintii ka qeyb gashay, waxa uuna tilmaamay in mar walba ay tahay in la xuso nabigeenna Muxammad NNKH.
Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa balan qaaday in sanadka soo socda Xuska Dhalashada Nabigeenna Muxammad NNKH lagu qaban doono meel fagaara ah oo ay kasoo wada qeyb geli doonaan dadka Soomaaliyeed iyo madaxda Dalka.
"Dhalashada Nabigeenna Muxammad NNK H xuskiisa mar walba ayaa nalooga baahan yahay inaan xusno sidoo kalena aan raacno sifooyinkiisii wanaaga badnaa,waxaana culi madda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay dadka Soomaaliyeeed ku wacyi geliyaan xuska iyo jaceylka suubanaheenna Muxam mad NNKH,waxaan balan qaadeynaa in sa nadka soo socda xuska Dhalashada Nabig eennna NNKH aan ku qaban doonno meel fagaara ah oo ay ka wada qeyb galaan dad ka Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka " ay uu yiri Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cu mar Abshirow.
Munaasabadda xuska Dhalashada Nabige enna Muxammad NNKH oo lagu qabtay hoyga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya,waxaa ka qe yb galay wasiiro Iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Culimaa’udiin.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada oo qaaday talaabo culus.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa shalay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wa siiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada ee Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya (XFS), Mudane Axmed Maxamed Cumar, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dadaallada ay Wasaaradda Dee gaanka iyo Isbedelka Cimillada ugu jirto jooji nta isticmaalka bacaha hal mar la isticmaalo, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya deega anka iyo caafimaadka bulshada.
Wasaaradda ayaa warbixin ka siisay Du qa Muqdisho halka uu marayo olole balla aran oo lagu xakameynayo bacaha, iyagoo iftiimiyay halista ay bacahaasi ku hayaan deegaanka, bilicda magaalada, iyo xaalada ha caafimaad ee ka dhasha isticmaalka bac ahaas, oo si gaar ah u waxyeelleeya caaf imaadka dadweynaha. Bacaha hal mar la ist icmaalo ayaa si aan habboonayn looga tuu raa magaalada, taas oo keenta wasakhow ga deegaanka iyo xayndaabka bilicda caasi madda.
Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale, ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Deega anka iyo Isbedelka Cimillada, isagoo xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay caafimaad ka iyo badbaadada deegaanka caasimadda. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Maamulka Gobolka Banaadir diyaar u yahay inuu kaa lin mug leh ka qaato hirgelinta qorshaha la gu joojinayo isticmaalka bacaha hal mar la is ticmaalo, si loo ilaaliyo bilicda iyo badqabka deegaanka Muqdisho. Howshaas ayaa qeyb ka noqon doonta dadaallada dowladdu ku doonayso inay hagaajiso nadiifnimada iyo caafimaadka caasimadda.
Wasiirka Amniga XFS oo soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah oo loo qabtay qaar ka mid ah Ciidanka Boliiska
Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cab dullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shalay si rasmi ah u soo xiray tartan Qur’aa nka Kariimka ah oo loo qabtay qaar kamid ah ciidanka boliiska Soomaaliyeed, kana so cday Dugsiga Tababarka Boliiska ee S/Guu to Kaahiye.
Munaasabadda soo xiritaanka tartankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciid anka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud ee Wasaa radda Diinta iyo Owqaafta JFS, xildhibaano, iyo marti sharaf kale oo ka socotay dowlad da iyo bulshada rayidka.
Ujeedka tartankan Qur’aanka Kariimka ah ayaa ahaa in sare loo qaado wacyiga iyo akhlaaqda ciidanka boliiska Soomaaliyeed, iyada oo darajooyin lagu abaalmariyay askar ta Xafidul Qur’aanka ah.
6 Qodob oo RW Xamse kaga hadlay khudbaddiisii kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Q.M
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Sooma aliya uga go’an tahay nabadda, is-dhexgal ka bulshooyinka, iyo horumar waara, iya doo laga jawaabayo caqabadaha sii kor dhaya ee caalamka. Halkan waxaa ku xus an qodobadii ugu muhiimsanaa ee khudba ddiisa.1-Midnimo caalami ah oo ka dhan ah khilaafa adka bani’aadann imo iyo musiib ooyinka:
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn u ad keeyay baahida degdegga ah ee loo qabo midnimo caalami ah si wax looga qabto khilaafaadka iyo dhibaatooyinka bani’aad annimo ee sii kordhaya, gaar ahaan meelo ay kamid yihiin Suudaan, Gaza, iyo Ukr aine. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo falalka colaadeed ee ka jira go bolladan, isagoo adkeeyay muhiimadda sharciyada caalamiga ah iyo kaalmooyin ka bani’aadannimo.
"Waxaan si adag u taageersanahay ilaa linta nolosha dadka rayidka ah iyo soo cel inta nabadda iyada oo loo marayo wada shaqeyn wadajir ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wa saaruhu.
2-Difaaca madaxbannaanida Soomaaliya:
Fariin adag oo uu u diray beesha caalam ka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku adkee yay xuquuqda Soomaaliya ee madaxban naanida, gaar ahaan inay iska difaacdo weerarada ka imaanaya Itoobiya. Wuxuu si cad u cambaareeyay isku dayada shar ci-darrada ah ee Itoobiya ay ku dooneyso inay ku wiiqdo madaxbannaanida Soom aaliya, isagoo ugu baaqay dhammaan dal alka inay u hoggaansamaan mabaadi’da midnimada qaranka iyo sugidda xuduuda ha, kuwaasoo muhiim u ah xasilloonida gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay aa khudbaddiisa ku eedeeyay Itoobiya inay ku kacday falal si cad u xadgudbaya madax bannaanida dalka, kaddib markii Addis Ababa ay ku dhawaaqday heshiis sharci-darro ah oo lala galay dhulka Soo maaliyeed.
"Soomaaliya waxay hadda wajahaysaa khatar weyn oo ka dhalatay tallaabooyinka dhawaan ka yimid Itoobiya oo si cad u xa dgudbay amniga dhulkeenna,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre isagoo ka hadlayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Wuxuu intaas ku daray: "Isku dayga Itoob iya ee ah inay isku dartaan qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya iyagoo marmarsiiyo ka dhigaya deked badeed ayaa ah mid shar ci-darro ah oo aan loo baahnayn.”
Kordhinta dadaallada nabadda iyo amn iga:
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay horu marka weyn ee Soomaaliya ka sameysay da gaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero arg agixisada, gaar ahaan soo celinta in ka ba dan labo-meelood oo meel dhulkii ay horay gacanta ugu hayeen AS. Wuxuu beesha caa lamka ugu baaqay in la helo maalgelin joog to ah si loo hubiyo in hawlgalada nabad-ilaal inta ay si hufan uga jawaabaan khataraha islamarkaana ay taageeraan dadaallada dhismaha qaranka.
4-Tallaabo degdeg ah oo lagaga hortagayo isbedelka cimilada:
Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dhibaatooyinka isbedelka cimilada, halkaas oo dhacdooyinka cimilada xad-dhaafka ah ay burbur baaxad leh ku hayaan dadkeeda iyo kheyraadkeeda. Ra’iisul Wasaaraha aya a adkeeyay baahida loo qabo fududeynta he litaanka maalgelinta caalamiga ah ee isbe delka cimilada si dalalka sida Soomaaliya oo kale ah ay u dhisaan adkeysiga islamarkaa na ay u ilaaliyaan bulshadooda.
Sanadkii hore, Soomaaliya waxay la kula ntay fatahaado ka dhashay roobab xooggan oo sababay dhimashada in ka badan 100 qof, iyadoo sidoo kale ay kamid tahay dala lka sida aadka ah ugu nugul isbedelka cim ilada.
5-Baaq ku saabsan dib-u-habaynta hay’adaha caalamiga ah:
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maa liyadeed ee caalamiga ah, si ay uga tarju maan xaqiiqooyinka cusub ee juqraafiyeed ka caalamiga ah. Wuxuu ku celiyay in dib-u-habayntani ay lagama maarmaan u tahay in codadka Afrika iyo gobollada kale ee soo koraya si ku filan loogu matalo hanaanka go’aan qaadashada caalamiga ah.
Bishii Juun ee sanadkan, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa doortay shan xu bnood oo cusub si ay uga mid noqdaan kur aasta aan joogtada ahayn ee Golaha Amma anka, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaaliya, Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama, mu ddo laga bilaabayo Janaayo 1, 2025 ilaa Diseembar 31, 2026.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoo bay wuxuu ka kooban yahay 15 xubnood, to ban xubnood oo aan joogto ahayn waxaa doorta Golaha Guud ee matalaya dhamm aan 193 xubnood ee Qaramada Midoobay, halka shanta xubnood ee joogtada ah ay yih iin Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Mare ykanka, Faransiiska iyo Ruushka.
6- Waddada Soomaaliya ee barwaaqada:
Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay gaa rto koboc dhaqaale, iyadoo ay jiraan khey raadka aan wali laga faa’iidaysan ee beera ha, xoolaha, tamarta dib loo cusboonaysiin karo, iyo dhaqaalaha badweynta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaranka si loo adee gsado kheyraadkaas loona gaaro xasillooni da iyo barwaaqada qaranka.
Wuxuu yiri: "Waxaan soo dhaweyneynaa maal-gashiga iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya ay u muuqato inay door muhiim ah ka qaadato ganacsiga iyo horu marka gobolka.”
Soomaaliya iyadoo isu diyaarineysa inay kuraas ka hesho Golaha Ammaanka ee Qar amada Midoobay sanadka 2025, Ra’iisul Wa saaruhu wuxuu mar kale xaqiijiyay in dalka uu ka go’an yahay dhiirrigelinta nabadda, is-dhexgalka bulshooyinka, iyo sharciyada caa lamiga ah, isagoo carabka ku adkeeyay in "Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dhismaha nidaam caalami ah oo caddaalad leh oo nabadeed, islamarkaana ay wada shaqeyn la yeelato bulshada caala mka.”
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku baaqay ruux is-kaashiga dib loo cusboonaysiiyay, isagoo xasuusiyay in caqabadaha ugu degdegga badan ee caalamka ay lagu xallin karo oo kaliya midnimo, mas’uuliyad la wadaago, iyo go’aan wadajir ah, isagoo tilmaamay in dad ka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin ka qe ybgalka howlgalkaas caalamiga ah.
Dowlada Masar oo qirtay xadgudubka Qaranimada Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Bad ar Abdelatty,
ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 79-aad ee golaha loo dhan yahay
ee Qaramada Midoobay. Abde latty wuxuu si cad u muujiyay walaaca weyn ee Masar
ka qabto dhibaatada ka taagan biyaha wabiga Niil, isagoo ku dhaleeceeyay
Itoobiya in ay ku xadgudubtay sharciga caal amiga ah, maareysayna arrimaha
biyaha si kali ah, taas oo ay Masar u aragto mid aan cadaalad ahayn. Wuxuu
hoosta ka xariiqay in siyaasadda Masar ay tahay in la helo xal caddaalad ku
dhisan oo u oggolaanaya dhammaan dalalka wabiga in ay si siman uga
faa’iidaystaan iyada oo aan waxyeello loo geysan waddamada hoose, sida Masar
iyo Suudaan.
Intaa ka dib, Abdelatty wuxuu cambaaree yay ficillo hal dhinac ah oo halis ku ah mid nimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Inkastoo aanu faahfaahin gaar ah ka bixin dhacdooyinka uu ula jeeday, wa xa uu si cad u sheegay in Masar ay si adag uga soo horjeeddo wax kasta oo carqalad eynaya qaranimada Soomaaliya.
Khudbadda Abdelatty kuma ekaan arrima ha biyaha Niil iyo Soomaaliya, wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay weerarrada Israa’iil ay ku hayso Lubnaan, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah xabbad joojin loo sameeyo. Wa xa uu cambaareeyay weerarrada Israa’iil ee ka socda Gaza iyo Daanta Galbeed, wu xuuna ku eedeeyay beesha caalamka in ay daciifnimo ka muujisay arrintaas.
Ugu dambeyntii, wasiirku wuxuu si xoog gan u adkeeyay baahida loo qabo dib-u-hab eyn lagu sameeyo nidaamka Qaramada Mid oobay, si loo xalliyo caqabadaha ca alamiga ah ee hadda taagan, isagoo ku baa qay in hay’adaha caalamiga ah loo waafa jiyo baahiyaha iyo xaalada cusub ee dunida.
Madaxweynaha JFS oo Wareysi ka bixiyay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxa muud, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Aljazeera, si qoto dheer uga hadlay arrimo dhowr ah oo heer qaran iyo heer gobol ah, isagoo sidoo kale taabtay mowduucyo la xiriira xaaladaha ka taagan wadamada Carbeed, gaar ahaan arrinta Falastiin.
Madaxweynaha oo ka hadlay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan xiriirka Sooma aliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobi ya ay dooneyso in ay ka taliso dhul So omaaliyeed, iyadoo saldhig ciidan ka sa maysanaysa Gacanka Cadmeed, wuxu una xaqiijiyay in DFS aanay ogolaan doon in qorshayaashaas.
Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay jebisay dhammaan shuruucdii iyo heshiisy adii la gaaray mas’uulna ka tahay xas illooni darrada ka jirta gobolka.
Dalkeennu waa dal madax bannaan, Waxaana diyaar u nahay inaan qaadanno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah haddii ay Itoobiya isku daydo inay qabsato qayb ka mid ah dhulkeenna.
Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaal ada ka taagan Badda Cas ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda ha lkaas, oo saameyn taban ku leh hor umarka, nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya.
Isagoo ka hadlaya taageerada milateri ee Masar ay siiso Soomaaliya, Madaxw eynaha ayaa tilmaamay in "Qaahira ay na taageerto, oo ay tababarto ciidamadeena amniga, waxayna na siisaa agabka ay ciid amadaasi u baahan yihiin, iyadoo la raa cayo heshiiskii difaaca ee Masar lala ga lay,” Wuxuuna xaqiijiyay in aanay jirin as kar Masaari ah oo xilligan ku sugan Soo maaliya.
Waxaan ka codsanay dalal kala duwan inay gacan ka geystaan dagaalka aan kula jirno argagixisada, Masarna waxay ka mid ahayd dalalkii ka soo jawaabay baa qeena oo nagu taageeray agabka iyo qala bka aan u baahnnahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah arg agixisada, ayaa yiri: "Dagaalkan wuxuu u baahan yahay iskaashi dhinacyada milate riga, fikriga iyo dhaqaalaha ah” isagoo xaq iijiyay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyadaas.
Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay rajeyneyso in Turkiga uu ku guuleysto dad aallada lagu doonayo in xal siyaasadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soo maaliya iyo Itoobiya. Wuxuuna madaxwe ynaha ku dhawaajiyay in xalka kaliya ee u furan Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay na bad ku wada noolaanshaha iyo in laga wa da shaqeeyo sidii loo gaari lahaa is dhax gal dhaqaale; taas oo barwaaqo u horsee di karta shacabka labada dal.
Dhinaca xiriirka caalamiga ah ee Soo maaliya, Madaxweynaha JFS wuxuu shee gay in heshiisyo badan oo dan u ah shaca bka Soomaaliyeed ay la galeen dowladda Mareykanka, Wuxuuna yiri: "Mareykanku waa Saaxibka dibadeed ee ugu weyn Soo maaliya” balse sidoo kale ay xiriir wan aagsan la leeyihiin Shiinaha iyo Ruushka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkiga uu mar walba garab taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan wakhtiyada baahidu jirtay, is aga oo carabka ku adkeeyay in uu kala dhaxeeyo Soomaaliya "wada shaqayn fiican si aan danteena ugu adeegno.”
Isagoo ka hadlaya xaaladda Suudaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shee gay in Soomaaliya ay raadineyso in la xaq iijiyo xasilloonida Suudaan iyo in la ilaaliyo madax-bannaanideeda iyadoo loo marayo wadahadal, wuxuuna muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda ka taagan, isagoo ballanqaaday in Soomaaliya ay bixin doo nto taageero nooc kasta ah si loo xalliyo xi isadda taagan.
Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya aysan la safaneyn dhi nac ka mid ah dhinacyada Suudaan, balse ay doonayaan in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Suudaan, Al-Burhaan, iyo Hemedti inay joojiyaan dagaalka, ayna ka jawaabaan baaqyada loogu talagalay in Suudaan laga badbaadiyo dhibaatada ay ku jirto.
Madaxweynaha ayaa intii lagu guda jiray wareysiga si qoto dheer uga hadlay xiisadda Falastiin, isagoo sheegay in xalka labada dal uu yahay habka ugu wanaag san ee lagu xaqiijin karo in Falastiiniyiinta ay helaan dal madax bannaan.
Aad ayaan uga xunahay waxa Gaza ka socda. Israa’iil waxay samaynaysaa wax yaabo mudan in la cambaareeyo. Beesha caalamka waa inay cadaadis dheeraad ah saaraan Israa’iil si ay u joojiyaan dhiigga daadanaya oo ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.
Isra’il oo sheegtay in ay duqeysay bartilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen
Isra’il ayaa sheegtay in ay duqeysay bar tilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen, iyada oo weerarkaan ku sheegtay mid ay uga jawaabeyso madaa fiic ay Xuutiyiinta ku garaacayeen labadi maalin ee lasoo dhaafay Israa’iil.
Weerarkan ayaa ka dhigaya furin saddex aad oo ay ay Isra’il kaga dagaallameyso mandiqadda Bariga Dhexe, laba maalin kaddib marki ay Beyrut ku dileen hogga amiyihii ururka Xisbullah ee Lubnan, Say yed Xasan Nasrallah.
Duqeynta cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Yemen ayay ku beegsatay dekadda maga alada Xudeyda. Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta hoos tagta ayaa ku warra ntay in duqeynta lagu dilay afar qof isla markaana ku dhaawacmeen 29 kale.
Dadka magaalada Xudeyda ayaa waka aladda wararka ee Reueters u sheegay, in madaafiicda ay jareen inta badan adeegga koronta.
Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo shalay dil ka badbaaday
Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa gal abta ka badbaaday isku day dil, kadib mar kii loo dhigay Qarax Miino, balse fashilmay oo aan qarxin.
Sheekh Soomow ayaa u socday guriga Hooyadiis oo ku yaalla degmada Yaaqs hiid, waxaana jidka loo dhigay Miino noo ca soo boodada ah, balse Allaah ayaa fa shiliyey.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, wa xaa faniinay taleefan yar oo miinada laga qarxiyo, sidaas ayuu ku fashilmay qaraxii.
Ilo wareedyo ka ag dhow Sheekh Cab dulqaadir Soomow ayaa Caasimada Onl ine u sheegay in gaariga uu Shiiqu watay uu ahaa gaari nooca aysan xabaddu karin oo Buruuf ah.
Sheekh Soomow iyo ilaaladiisa oo bad-qaba ayaa ka gudbay goobtii uu qaraxu yaallay, waxaana halkaas ku baxay ciidamada ammaanka ee degmada Yaaq shiid.
Shaki badan ayaa jira, waxaana kala shakigaan uu saameeyey wasaaradda diinta oo Sheekh Soomow uu ka tirsan ya hay.
Kiis kale ayaa xalay dhacay kadib markii gaari lagu hor jaray Wasiirkii hore ee Arri maha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Ro oble, waxaana loo diiday in uu kasoo galo isgoysyada Siinaay, Darjiinka iyo Sanca, kadibna gaarigiisa ayaa lagu hor jaray gaari kale.
Culumadaan ayaa ka tirsan dariiqada Suufiyada ee Ahlusunna, waxaana jirta ta basho ay ka qabaan wasaaradda diinta oo ay maamulaan Wasiir iyo Agaasime lagu x agliyo inay lasoo shaqeeyeen Al-Shabaab.
Wax ka baro Taariikhda Sheekh Xassan Nasrullah oo Gumaysataha Yahuudaa Kharajiyeen?
Xasan Nasrallah waxaa uu ahaa hogga amiyaha ugu muddo dheeraa xilka h ururk a Xisbullah ee Lubnaan, urur Islaami ah oo siyaasadeed iyo militari ah, oo gacan-saar la leh Iran. Nasrallah ayaa door weyn ku leh siyaasadda gobolka iyo dagaallada ka dhanka ah Israa’iil. Hoos waxaa ku faa hfaahsan taariikh nololeedkiisa:
Dhalashada iyo Waxbarashada
Xasan Nasrallah wuxuu dhashay 31-ka Agoosto, 1960, magaalada Bourj Hamm oud, oo ku taal koonfurta Beirut, Lubnaan. Wuxuu ka dhashay qoys asal ahaan ka soo jeeda koonfurta Lubnaan. Nasrallah wuxuu bilaabay waxbarashadiisa diinta ee Shiicada isagoo ku biiray hawlaha bar ashada diinta ee magaalada Baalbek.
Xasan Nasrallah wuxuu ahaa qof xiise eya arrimaha diinta iyo siyaasadda, isagoo si weyn u soo jiitay saaxadda siyaasadda Lubnaan xilligaas, gaar ahaan marka la eego xaaladaha cakiran ee dalka Lubnaan ay ka taagnaayeen dagaalka sokeeye (1975-1990) iyo dagaalka Israa’iil ka dha nka ahaa Lubnaan.
Ku Biirista Xisbullah iyo Hoggaaminta
Xasan Nasrallah wuxuu ku biiray ururkii Shiicada ahaa ee Amal, kaas oo ahaa urur siyaasi iyo militari oo wax ka dhisayay qad iyadda Shiicada Lubnaan. Hase yeeshee, sanadkii 1982-kii, markii Israa’iil ay du qeysay Lubnaan, Nasrallah iyo xubno kale oo ku xiran Shiicada ayaa ka go’ay Amal, waxayna aasaaseen Xisbullah oo ay taageero ka heleen dowladda Iran. Xis bullah wuxuu noqday urur islaami ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimo militari iyo siyaas adeed, wuxuuna bartilmaameedkiisa koow aad ka dhigtay la dagaallanka Israa’iil.
Sanadkii 1992-kii, Xasan Nasrallah wu xuu noqday hoggaamiyaha Xisbullah kad ib dilkii hoggaamiyihii hore, Sayid Cabaas Musawi, oo duqeyn ay Israa’iil ku dishay. Laga bilaabo waqtigaas, Nasrallah wuxuu hoggaamiye ka noqday Xisbullah, isagoo xoojiyay awoodda militari iyo siyaasadeed ee ururka. Xisbullah ayaa si weyn loo bar tay markii ay dagaallo adag la galeen Isra a’iil, gaar ahaan dagaalkii 2006, kaas oo Israa’iil ay ku qaaday Lubnaan laakiin Xis bullah ay awood u yeesheen inay iska caa biyaan.
Dagaallada iyo Siyaasadda
Xasan Nasrallah wuxuu hoggaaminayay Xisbullah muddadii uu ururku si joogto ah ula dagaallamayay Israa’iil iyo ciidamada reer Galbeedka ee ku sugan gobolka. Intii uu xilka hayay, Nasrallah wuxuu Xisbullah ka dhigay awood militari oo weyn oo ay taageerto Iran, gaar ahaan dhinaca hubka iyo dhaqaalaha. Waxa kale oo uu xoojiyaysaameynta siyaasadeed ee Xisbullah gu daha Lubnaan, isagoo ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan ee si yaasadda dalkaas.
Hogaaminta Nasrallah waxay keentay in Xisbullah uu yeesho taageero ballaaran oo ka timaadda Shiicada Lubnaan iyo mee lo kale oo gobolka ah, gaar ahaan Iran. Xisbullah waxay sidoo kale ku lug yeelatay dagaallada ka socda Suuriya, iyagoo taageero siiya dowladda Bashar al-Assad, oo xulufo la ah Iran iyo Ruushka.
Dagaalkii Lubnaan-Israa’iil ee 2006 ayaa magaca Xasan Nasrallah si weyn ugu faa fay dunida, isagoo caan ka noqday Bariga Dhexe iyo caalamka intiisa kale, gaar ah aan taageerayaashiisa oo u arkay dagaa lyahan aan cabsanin.
Xasan Nasrallah waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu saamaynta badan Bariga Dhexe, isag oo si adag ugu taagan mowqifkiisa ku aad dan in Israa’iil ay tahay cadawga kowaad ee Muslimiinta, gaar ahaan Shiicada. Intii uu hoggaaminayay Xisbullah, ururku wu xuu noqday awood aan la fududeysan ka rin, waxayna kaalin weyn ku leeyihiin siya asadda gudaha Lubnaan, iyagoo sidoo ka le saameyn ku leh Suuriya, Ciraaq, iyo Ye men.
Inkastoo Xasan Nasrallah uu weli yahay mid lagu amaano awooddiisa hoggaamine ed iyo kartidiisa, hadana caqabadaha soo wajahay waxaa ka mid ah cunaqabataynta iyo cadaadiska caalamiga ah ee Xisbullah saaran iyo dagaallada iyo burburka uu dal ka Lubnaan la kulmay.
Noloshiisa Gaar ahaaneed
Xasan Nasrallah inta badan wuxuu ka fogaan jiray in uu soo muuqdo fagaarayaa sha, isagoo badanaa jeedin jiray khudba do lagu baahiyo taleefishin, halkaas oo uu kaga hadli jiray mowqifkiisa siyaasadeed iyo dagaalka uu ku hayo Israa’iil. Taas a yaa ka dhigtay mid qarsoodi ah oo ay ada g tahay in si fudud loo helo. Waxaa marar badan la sheegay in uu ka badbaaday is ku dayo dil oo ay fuliyeen Israa’iil iyo xula fadooda.
Saamaynta Xisbullah ee shalay
shalay, Xisbullah waxay weli tahay mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Lubnaan iyo guud ahaan Bariga Dhexe. Inkastoo Xasan Nasrallah uu ka muuqdo fagaarayaasha yar, hadana weli wuxuu hoggaaminayaa Xisbullah oo kaalin muh iim ah ka ciyaaraya siyaasadda gobolka, gaar ahaan iska horimaadyada kala du wan ee ka jira Bariga Dhexe.
Hoggaaminta Xasan Nasrallah ee Xis bullah waxay ka dhigtay ururkan mid aw ood ciidan iyo mid siyaasadeed leh, iya goo ka soo horjeeda cadowgooda Israa’iil iyo taageerayaasheeda.
Sare-kac ku yimid Qiimaha la iibiya Dalaga kasoo Go’a beeraha Magaalada Baydhabo
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay si aad ah looga dareemay sicir barar xoogan oo dhinaca dalaga kasoo Go’a dalka.
Ganacsatada iyo Dadka danta yar ayaa siweyn u dareemay sicir bararka, kuwaas oo sheegay in uu saameyn ku yeeshay noloshooda, taas oo keentay dhaqaali yari soo wajahda.
Hadaba qaar kamid Ganacsatada Mag aalada Baydhabo oo ka hadlay qiimo kororka ku yimid dalaga kasoo go’a dalka ee Magaalada Baydhabo ayaa u saba beeyay xirnaanshaha degaano badan oo hoostaga Magaalada Baydhabo iyo Isbaa tooyin yaalla.
Waxaa ay ka dalbadeen Madaxda ugu sa reysa dowlad Goboleedka Maamulka Koo nfur Galbeed inay arrintaan soo faro-gel iyaan, isla markaana ay waxka qabtaan.
Tobnaan qof oo Nepal ugu dhintay daadad
Ugu yaraan 66 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Jimcihi ilaa Sabtidi shalay daadad iyo dhul go ka dhacay, iyadoo ay xirmeen waddooyinka ugu muhiimsan dal ka taasoo keentay in ay carqalad ku timaa ddo isu socodka gaadiidka cirka iyo dhul ka.
Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto kaddib marki lasoo wariyay in la la’yahay ku dhawaad 7 qof. Saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waka aladda wararka ee Reuters u sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 60 qof..
Dadka dhintay ayaa intooda badan ku no olaa dooxada Kathmandu oo hooy u ah dad gaaraya 4 milyan oo ruux isla markaa na ah caasimadda waddanka.
Shaqaalaha gurmadka oo adeegsanaya diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo doonyaha caagga ah ayaa isku dayaya in ay dadka kasoo badbaadiyaan saqafka ko re ee guryaha, kaddib marki ay biyaha ga rqiyeen guryaha joogga gaaban iyo gaad iidka intaba.
Wabiyada dalkaan ku hoos yaalla buuray aha Himilaya ayaa karkaarrada jabsaday kaddibna ku fatahay deegaannada, taasina waxay ka danbeysay kaddib marki ay guud ahaan gobolka Koofurta Aasiya ay ka da’een roobabka sannadka ee maan suunka.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdusho times
,,,,,,,,