halkaan ka aqriso wararka wargeyska mugdishotimes#
Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in guula waweyn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah al-shabaab
Ra’iisul wasaaraha xukuumada faderaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirka madaxedka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda oo ka duuleyso ahmiyadda Amniga u leeyahay Dalka labadii sanno ee lasoo dhaafay ku guuleysatay dagaalka ka dhanka ah al-shabaab saddex melood laba meelna laga saaray degaankadii ay argagixsada horay gacanta ugu heysay lana baabi’iyay awoodii ay ku lahayeen degaanadaa.
Ra’iisul wassaare Xamsa Cabdi Barre Ayaa tilmaamay in al-shabaab lagu qaaday dagaal saddex qeyb ah oo kala ah dagaalka tooska ah kan dhaqaale iyo in dowladdu ay xirtay barihii ay ku faafin jireen fikirka xajirnimada ah,taana ay keenatay in awooda ahaan iyo ciidan ahaanba ay burburaan al-shabaab.
"Waxaa lagala dagaalay dhinaca Maaliyadda iyo faafinta fikirkii xagjirnimad Waxaan sidoo kale daciifinay habka fikirkooda (Ideology) taasi oo wiiqday illihii taagerada” ayuu yri Ra’isul wasare Xamse.
Ra’iisul wasaare Xamsa "ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada iyo xasiloonida Geeska Afrika.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda faderalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbada ka jeediyay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Itoobiya ay halis ku tahay nabadgelyada iyo xasiloonida Geeska Afrika.
” ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada waxay na halis weyn ku yihiin Amniga iyo xasiloonida guud ahaan Geeska Afrika”
Ra’iisul wasaare xamse ayaa tilmaamay in Soomaaliya cadayneyso xaqa ay u leedahy Difaaca midnimadeeda dhulkeed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.
"Soomaaliya waxay cadaynaysaa xaqa ay u leedahay inay difaacdo midnimada dhulkeda, Waxa ayna ugu baaqaysaa Itoobiya in ay joojiso daandaansiga ay waddo oo ay u hoggaansanto shuruucda Calamka” ayuu yari Ra’isul wasare Xamsa
Ra’iisul wasare Xamsse Cabdi Barre ayaa Beesha caalamka uga mahadceliyey garab istaaga Soomaaliya, iyagoo cambaareyey xadgudubyada Itoobiya sidoo kalena taageeray ilaalinta mabaadi’da qaranka gobanimada iyo wadajirka dhuleed, kuwas oo ah tiirar u ah nabada iyo amniga caalamka.
"Xasiloonida gobolku waxay ku xidhan tahay is ixtiraamka Mabadi’das, "Itoobiyana waa in lagula xisaabtamaa falalka khalkhal galinaya Xasiloonida Gobalka Geeska Afrika”, RW. Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul wasaare xamse ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la iskula xisaabtamo ficilada ku xadgudubka xududaha calamiga ah ee Itoobiya ku kacayso.
GUDDOOMIYE CABDI XAASHI OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarla-maanka Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Abuu dubay kulan miro-dhal ah kula so qaatay Gudomiyaha Golaha Midni-mada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta.
Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Abuu dubay, waxa uu kulan la qaatay dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaratka Carabta Mudane Saqar Gabaash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga, qibrad wadaagga, tababarrada iyo is dhaafsiga waayo aragnimada.
Dhinaca kale Gudoomiyaha oo socdalkiisa ku soo maray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa booqasho u kuurgal ah waxa uu ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isago danjiraha safaarada iyo howlwadeennada kula dardaarmay in ay si dhow oo waxtar leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Wasiirka Deegaanka oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay Yoolka Cusub ee Miisaaniyadda Cimilada (NCQG).
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa ka qeybgashay Shirka Wasiirrada ee looga hadlayay Yoolka Cusub ee Miisaaniyadda Cimilada (NCQG). Shirka oo ka dhacay magaalada New York ayaa diiradda lagu saaray sidii loo kordhin lahaa maalgelinta cimilada ee dalalka u nugul, gaar ahaan Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu saameynta badan isbeddelka cimilada.
Wasiirada ayaa ku boorrisay in la sameeyo miisaaniyad ballaaran oo waafaqsan baahiyaha degdegga ah ee dalalka nugul, iyadoo mudnaanta la siinayo adkeysiga, la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo taageerada dadaallada dhimista khataraha ey sababaan isbeddelka cimilada.
Wasiiradda ayaa sidoo kale tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in taageerada dhaqaale lagu bixiyo deeqo aan dayn ahayn si looga hortago in dalalka dhibaateysan ay sii galaan deymo kale. Yoolkan cusub wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo in maalgelinta cimilada ay gaarto dalalka ay Soomaaliya kamid tahay, si loo xoojiyo dadaallada adkeysiga iyo la qabsiga mustaqbalka isbeddelka cimilada.
Wafdi ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo ka qeyb galay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
Wafdi ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo ka qeyb gakay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay Khatarta ka dhalata Adkeysiga Dawoyinka Jeermis dilaha ah.
Wafdi ka socday Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada oo uu ugu horeeyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimadka Dr Mohamed Hassan Mohamed Bulaale iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Abdijalil Sheikh Ali ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkaan oo looga hadlaayay khatarta caafimaad ee adkeysiga daawooyinka jeermis dilaha ah, Kulanka oo uu furay Madaxwenaha Golaha Guud Mr. Philemon Yang aya waxaa lagu ansixiyay siyaasada ka hortaga khatarta adkeysiga ldaawoyinka jeermis dilaha ah, kulanka oo ay sido kale goob joog ahaayeen Xoghaye ku xigeenka Qaramada Midoobay Mr Aamina, Xoghayaha guud ee hey’adda Caafimadka aduunka Dr Tedros Adhenom, Xoghayaha hey’aha deegaanka aduunka Ms. Inger Andersen, Xoghayaha Hey’adda Caafim-aadka Xolaha Dr Emmanuelle Soubeyran, iyo Xoghahaya hey’adda cunada aduunka,
Xoghaye ku xigeenka qaramada midoobay Mr Aamina oo ka hadashay kulanka ayaa ku boorisay dalalka aduunka inay qaadaan taalaabooyin wax ku ool ah ee wax looga qabanaayo khatarta adkeysiga daawo-yinka jeermis dilaha ah,
Sido kale Xoghaya guud caafimaadka aduunka Dr Tedros Adhenom ayaa ku nuux nuuxsaday sida lama huraan u tahay in dadaal wadajir ah aduunyado sameyso si khatartaan looga badbaadiyo jiilalka soo socdo,
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Guuleed Abdijaliil oo khudbad ka jeediyay ayaa sharaxay dadaalada Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ee ay wax uga qabanayso sidii looga hortagi lahaa khatarta ka dhalata Adkeysiga daawoyinka jeermis dilaha ah,
Ugu danbeyn Wasiir ku xigenka Wasarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Mohamed Hassan Mohamed Bulaale oo isna ka hadlay ayaa ka dalbaday aduunyada in Soomaaliya laga taageero sidi ay wax ugu qaban laheed khatarta ka dhalata Adkeysiga Daawooyinka Jeermis dilaha ah,
Ugu danbeyn shirka ayaa lasoo gababe-eyay iyadoo la isku waafaqay in la dhaqan galiyo siyaasadda ka hortaga khatarta Adkeysiga Daawooyinka Jeermis dilaha ah ee Sanadkaan looga hadlay shirka golaha guud ee qaramada midoobay.
Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay kulan yeeshay ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Feder-aalka, waxaana ogolaatay 137-Xildhibaan, 2 Xildhibaannna waa ay ka aamuseen.
Qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taala dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne.
Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad lagu magacaabo Geel doox, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux oo midi haweeney tahay ayaa ku dhintay qaraxaan oo wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo ku howlhan gurmadka dedka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda fedaraalka oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, waxaasa la filaya in saacadaha soo socda war kasoo saaraan hay'addaha amaanka.
Qaraxaan khasaaraha geystay ee goordhaw ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo bilahii lasoo dhaafay qaraxyada noocaan oo kale ah ay ku yaradeen iney ka dhacaan gudaha magaalada Muqdisho.
Khasaare ka dhashay qarax miino oo ka dhacay suuqa Xoolaha ee magaalada Jowhar
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax miino oo shalay ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar.
Dadka waxyeelladu soo gaartay ayaa dhammaantood ka mid ahaa ganacsatada suuqa, halka 12 neef oo ari ah ay ku dhinteen qaraxa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ganacsatada goobta.
Taliyaha booliska degmada Jowhar, gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ay mas'uul ka tahay qaraxa, isagoo ballan qaaday inay kordhin doonaan ammaanka magaalada si looga hortago weerarro dambe.
"Kooxda al-Shabaab ayaa miino ku aasay nawaaxiga suuqa, waxaana ku dhintay hal qof, saddexna waa ay ku dhaawacmeen. Cadowga wuxuu caadeystay inuu laayo ummadda," ayuu yiri taliyaha booliska.
Suuqa xoolaha ee Jowhar ayaa ah mid si weyn u mashquul ah, gaar ahaan maalinta Sabtida, maadaama dad badan ay suuqa yimaadaan si ay u iibsadaan xoolo fara badan oo halkaas la keeno.
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa kusoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo Habeen hore xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaaday degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka ku sugan degmadaas ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid ku bilaawday laba qarax oo jugtooda mar qura huradada ka toosiyay dadka ku nool degmada Kaxda, waxaana xigay jugta labada qarax dagaal toos ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu ka dhacay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale.
Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka Habeen hore ka dhacay degmada Kaxda, maadama ay aheyd xili habeen ah, mana jirto war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka.
Ugu dambeyntii weerarkaan Habeen hore Al-Shabaab ka geysatay gudaha degmada Kaxda ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale weeraro qaraxyo ku bilowday uga geysatay kooxda saldhigyada ciidanka dowladda iyo xarumo kale oo ku yaala degmadaas.
Diyaaradaha Israel oo si xun u garaacaya qaybo ka mid ah Caasimadda Beirut
Taliska Militariga Israel ayaa shacabka dalka Lubnaan ku amray in ay si degdeg ah uga fogaadaan kaabeyaasha militari iyo xarumaha kale ee Ururka Xisbullah.
Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa shacabka ku dhaqan Caasimadda Beirut ku wargeliyay inay 500 mitir ka fogaadaan dhismayaasha gaar ee Xisbullah.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay bartilmaameed yihiin dhammaanba xarumaha Ururka Xisbullah, dadkuna ay tahay inay ka fogaadaan.
Awaamiirtan ayaa jahwareer badan ka abuurtay magaalada, iyadoona kumanaan qof ay habeen hore khasab ku noqotay inay ku hoydaan waddooyinka, jardiinooyinka iyo weliba dhulka xeebta.
Dhanka kale Ciidanka Cirka Israel ayaa habeen hore garaacay bartilmaameedyo fara-badan oo Beirut ah, ka dib duqayntii weyneyd ee habeen hore fiidkii lagu beegsaday, waxa ay Militariga Israel ku sheegeen Xarunta Dhexe ee Xisbullah.
Militariga Israel ayaa sheegay in Xisbullah ay gantaaladeeda ku kaydineyso dhismayaasha Beirut.
"Ciidanka Difaaca Israel ayaa hadda wada weeraro qorsheysan oo lagu beegsanayo hubka ay leeyihiin Xisbullah oo lagu kaydiiyay dhismayaasha rayidka ee ku yaala xaafadda Dahieh.” Ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Militariga Israel.
Dadka reer Beirut ayaa sheegay in saqdii dhexe ee habeen hore illaa aroornimadii hore ee saaka ay maqleen illaa 20 qarax oo waaweyn.
Duqaymahan xiriirka ah ayaa yimid 90 daqiiqo ka dib, markii Afhayeenka u hadlay Militariga Israel uu dadka degan dhowr xaafadood oo koonfurta Beirut ah ku wargeliyay inay ka baxaan agagaarka dhismayaasha Xisbullah.
Ciidanka Cirka Israel ayaa sidoo kale garaacay bartilmaameedyo ay Xoogaga Xisbullah ku leeyihiin Dooxada Bekaa ama Beqaa ee bariga dalkaasi Lubnaan.
Xaaladda ayaa waxaa cad inay faraha ka sii baxeyso, iyadoona Israel ay weli diidan tahay baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in xaaladda la dejiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo sheegay in Israel ay dooratay dhabaha dagaalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Israel ku eedeeyay inay dooratay dhabaha dagaalka, ka gadaal markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu wacad ku maray in Israel aysan joojin doonin weerarada ay ka waddo dalka Lubnaan ee ka dhanka ah Ururka Xisbullah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo habeen hore ka hadlayay kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshay xiisadda Bariga Dhexe ayaa sheegay in gobolku uu qarka u saaran yahay dagaal buuxa.
"Bariga Dhexe waxa uu qarka u saaran yahay dagaal weyn, kaas oo dadka qaar ay aad u rabaan.” Ayuu yiri Wasiirka oo cambaareeyay ficilada Israel iyo isku dayada ay dagaalka gobolka ku fidineyso.
"Waxaan si adag u cambaareynaynaa ficilada dhinaca Israel ee sida ba’an ugu xadgudbay madaxbannaanida Lubnaan oo saaxiib nala ah. Weerarada aan loo meel dayin ee dhibaneyaasha ay yihiin dadka rayidka ah waa wax aan la aqbali karin. Waddada dagaalka ay Israel dooratay ma caawin doonto galbeedka.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in colaadda xuduudda labada dal aysan keeni doonin inay Israeliyiintii barakacay dib ugu soo laabtaan guryahooda waqooyiga Israel iyo inay Israel xasiliso amniga deegaanada xuduudda ee labada dal.
"Taas waxaa caddeyn u ah ololihii militari ee ay Israel ku qaadday Lubnaan sanadkii 2006. Marka adeegsiga qalabka militari ee ugu horumarsan kama caawinayaan Israel, si ay u xaqiijiso ujeedooyinkeeda dagaalka.” Ayuu Wasiirku hadalkiisa ku adkeeyay.
Dhanka kale Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa ku nuuxnuuxsaday inaanan marnaba si dhameystiran xal looga gaari doonin colaadda Gobolka Bariga Dhexe, iyadoo aan la xalin haysashada Israel ee dhulka Falastiiniyiinta.
"Colaadda Falastiiniyiinta iyo Israel ee aan la xalin ayaa saamayn degdeg ah ku leh gobolka oo dhan. Qalalaasaha ku xeeran Gaza oo aan horey loo arag cawaaqibkeeda ba’an iyo burburka ayaa noqday waxa horseedka u ah kor u kaca iska horimaadka Lubnaan iyo Israel. Duqaymaha joogtada ah ee ka socdo khadka buluugga ah iyo kuwa qotada dheer ee dhulka Lubnaan & Israel waxay mar hore saamayntoodu gaareen adduunka oo dhan.” Ayuu yiri Wasiir Lavrov.
Waxa uu sheegay inkastoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay meel mariyeen go’aamo dhowr ah oo ku baaqaya in xabad joojin waarta laga hirgeliyo Marinka Gaza iyo in gargaarka bani’aadantinimo la gaarsiiyo, haddana hawlgalka militari ee Israel uu sii socdo.
"Toban maalmood ka hor, Golaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu ansixiyay qaraar lagu taageerayo ra’yiga la talinta Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), kaas oo si aan leex leexad lahayn u qeexaya dabeecadda sharci darrada ah ee ay Israel ku haysato dhulka Falastiiniyiinta iyo baahida loo qabo in la soo afjaro. Xubnuhu waxay taageereen hindisahan loogu talagalay in lagu gaaro xal waara oo caddaalad ah oo laga gaaro khilaafka Falastiiniyiinta & Israel iyo xaqiijinta xaqa ay Falastiiniyiintu u leeyihiin in ay dhistaan dowlad iyaga u gaar ah oo lagu saleynayo xuduudihii 1967-kii, oo ay caasimaddeedu tahay Bariga Qudus.” Ayuu yiri Lavrov.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa afka ku ballaariyay inay jiraan go’aamo aan mad madow ku jirin oo Qaramada Midoobey ay ka soo saartay arrintan, isla-markaana ay tahay in hadaf mideysan lagu xaqiijiyo dhaqangalkooda.
Wasiirka ayaa walaaac ka muujiyay in dhibaatada ay ka jirto dhinaca Mareykanka, kaas oo gar iyo gardarraba ku taageeraya Israel.
Wasiirka ayaa Dowladda Mareykanka ugu baaqay inay qaadato nabadda iyo in si guud loo soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan si gaar ah ula hadlo Wakiilada Mareykanka, doorashada idinkaa iska leh. Waxaad sii wadi kartaan xannibaadda shaqada Golaha Ammaanka ama waxaad garab istaagi kartaan nabadda oo Beesha Caalamka ayaa ka dalban kartaan in dagaalka la joojiyo.” Ayuu yiri Lavrov.
Lavrov oo sii hadlayay ayaa yiri "La’aantiina, taageerada buuxda ee aad Israel siisaan, colaadda waxaa lagu dhamayn karaa si degdeg ah oo wax ku ool ah. Tani waxay gacan ka gaysan doontaa abuurista shuruudo dib loogu soo celinayo wada hadalada nabadda. Dabcan waa in la yiraahdaa wada hadalada waa in ay noqdaan kuwo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, iyada oo aan cidna ka amar qaadan.”
Hadalka Lavrov ayaa yimid, ka dib markii Israel ay habeen hore fiidkii qaadday weerar ay sheegtay in ay ku bartilmaameedsatay goob uu ku sugnaa Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah. Ujeedka ayaana ahaa in la dilo Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah. Marka laga soo tago sheegashada Israel ee ku saabsan inay dishay ninkaasi, haddana ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.
Haddii la xaqiijiyo in la dilay Hassan Nasrallah, waxay noqon doontaa mid aan u wanaagsaneyn shacabka labada dal iyo gobolkaba.
Nasrallah oo 32-kii sano ee ugu dambeysay hoggaaminayay Ururka Xisbullah ayaa dhisay ciidamada ugu hubeysan ee aan dowliga ahayn ee ka jira Bariga Dhexe. Saamayntiisu waxay aad uga fog tahay xuduudaha Lubnaan, waxaana jira xoogag raacsan fekerkiisa hoggaamineed, oo ah kooxaha Shiicada Muslimiinta ee gobolka.
Israel ayaa weerarkan qaadday, ka dib markii ay iska diiday baaqa xabad joojinta ee Mareykanka iyo Faransiiska, oo soo jeediyay in muddo 21 cisho ah la joojiyo colaadda, si loo bilaabo wada-xaajood diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda labada dal.
Mareykanka oo kudhowaaqay inuu soo afjarayo howlihiisii Ciraaq sanadka 2025
Bayaan ay si wada jir ah Jimcihi daraad u soo saareen Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayay ku xaqiijiyeen, in howlgalka ay Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ka wadaan ee Ciraq dhammaan doonto bisha September ee sannadka 2025-ka.
Mareykanka ayaa waxaa Ciraq ka jooga ciidan gaaraya 2,500 oo askari, halka 900 oo kale ay ka joogaan dalka deriska lah Ciraaq ee Suuriya. Ciidankaan ayaa qeyb ka ah Isbaheysi la sameeyay sannadki 2014-ki, kuwaas oo dagaal la galay kooxda Daacish, oo xilligaasi Ciraq iyo Suuriya kaga dhawaaqay Khalaafo Islaami ah.
Bayaanka faah-faahin dheeri ah kama bixin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baaya Ciraq iyo saldhiga ay ka guuri doonaan.
Ra’isulwasaaraha Ciraaq Maxamed Shiica Al Sudani ayaa bishii Jannaayo billaabay wadahadallada dowladaha Ciraq iyo Mareykanka ee bixista ciidamada Mareykanka.
Wuxuu sheegay, in kasta oo ay mahadinayaan caawitaanka Mareykanka, ay haddana ciidamada Isbaheysiga ee jooga Ciraq boqdeen kuwo soo jiita xasillooni-darrada maadaama buu yiri ay bartilmaameed u noqdeen weeraro isla markaana ay qaadaan duqeymo jawaab ah oo aysan kala tashan dowladda Ciraq.
Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee isbahaysiga ayaa la filayaa inay ku sii sugnaadaan magaalada Erbil. Waddamada kale, ee qeybta ka ah howlgalkaan ayaa isugu jira Jarmalka, Faransiiska, Spain, iyo Talyaaniga.
Militariga Israel oo sheegay in la bartilmaameedsaday goob uu ku sugnaa Hassan Nasrallah
Ciidanka Cirka Israel ayaa fiidnimadii habeen hore duqayn culus ka gaystay Magaalada Beirut, ka dib markii la sheegay inay heleen xogta goobta uu ku sugan yahay Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa dhulka la simay dhowr dabaq oo la degan yahay, iyagoo isku dayaya inay dilaan Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, oo sida la sheegay shir hoggaamineed ku qabanayay xarun dhulka hoostiisa ah.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in la burburiyay Xarunta Dhexe ee Xisbullah, oo ku taala xaafadda Dahieh ee koonfurta Caasimadda Beirut.
Taliska ayaa sheegay in weerarka uu ka dambeeyay, ka dib markii ay ogaadeen in Hoggaamiyaha Xisbullah uu shir ku qabanayo halkaasi. Dhowr dhisme oo dabaq ah ayaa dhulka lala simay.
"Ciidanka Difaaca Israel ayaa qaaday weerar xagga cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xaafadda Dahieh, oo ah meel ay ku xoogan tahay kooxda argagixisada ee Xisbullah.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari.
Militariga Israel ayaa sheegay in la burburiyay dhisme dhulka hoostiisa u qodan, oo sida ay sheegeen uu shirku ku qabanayay Hoggaamiyaha Xisbullah.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ee F-35 ay fuliyeen weerarka, iyagoona u adeegsaday bambaanooyinka waaweyn ee culeyskoodu uu gaarayo labada kun ee rodol, taas oo aad ka garan karto baaxadda burburkii ay reebeen.
Bambaanooyinka ceynkani oo kale ah ayaa ka mamnuuc ah goobaha uu rayidku ku badan yahay iyo dhulka cufan amaba isku raranka ah.
Iyadoo laga duulayo qiimeynta horudhaca ah ee Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad, xajmiga bambaanooyinka la adeegsaday iyo xog loo maleynayo inay ka heleen ururka dhexdiisa ayaa lagu sheegay in la dilay Hassan Nasrallah.
Warbaahinta Israel oo soo xiganeysa Saraakiisha Ciidamada ayaa ku warantay in la dilay Nasrallah, balse Saraakiil aan la magacaabin ayaa ka digay in geba-gabada laga yaabo in ay wax is bedelaan.
Warbaahinta Iran ayaa tebineysa in Hassan Nasrallah uu nabad qabo. Ururka Xisbullah ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin sheegashada Israel ee ah in la dilay Nasrallah.
Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta in Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ama taliyeyaal sare oo ka tirsan ururkaasi lagu dilay weerarka amaba lagu dhaawacay. Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa sheegtay in ay dad ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa xaqiijisay in ugu yaraan ay lix qof ku dhinteen weerarka, 91 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad ayaa ka digay in dad fara-badan ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha, kuwaas oo baadigoobkoodu uu socdo.
"Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay kororto.” Ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Lubnaan oo si adag u cambaareeyay weerarkaasi.
Haddii la xaqiijiyo geerida Nasrallah ayaa waxay dharbaaxo kulul ku noqon doontaa Ururka Xisbullah, oo ah cadowga Israel iyo xulafada Ururka Xamaas ee Falastiin.
Waa weerarkii ugu weynaa oo Israel ay ka fuliso dalka Lubnaan, tan iyo markii Israel ay Isniintii bilowday inay si qoto dheer u duqayso dalka Lubnaan.
Muxuu yahay iskaashiga difaaca ee ay ka wada hadleen Soomaaliya iyo Azerbaijan
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan looga hadlayay iskaashi difaac oo dhexmara Soomaaliya iyo Azerbaijan la qaatay dhiggiisa dalka Azerbaijan wasiirk, Zakir Hasanov, sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya.
Wasiir Cabdulqaadir oo booqasho ku joogay Azerbaijan ayaa ka qeybgalay munaasabadda sanad guuradii 5-aad ee ka soo wareegtay aasaaska difaaca caalamiga ah ee Azerbaijan.
Munaasabadda sanadguurada ayaa lagu qabtay hormaradii u danbeeyay iyo guulihii dhanka tiknoolajiyadda difaaca, waxaana lagu booriyay masuuliyiinta wasaaradda iyo madaxda kala duwan hormarka ay ka gaareen warshadaha iyo nidaamyada difaaca, munaasabadda ayaana ka dhacday magaalada Baku.
Bandhigii difaaca Azerbaijan, ayaa daneeyayaasha warshadaha difaaca u noqday mid muhiim ah, waxaana goobta lagu arkayay qalab ciidan oo casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs), nidaamyada gantaalada, iyo xalalka amniga internetka.
Ka qeyb galayaashii bandhigga ayaa fursad u helay dood ku saabsan isbeddellada difaaca caalamiga ah, iskaashiga istiraatijiyadeed, iyo iskaashiga tignoolajiyada oo lagu qabtay xarunta difaaca Azerbaijan.
Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya ayaa dhankiisa u kuurgalay tiknoolajiyadda casriga ah ee wasaaradda difaaca Azerbaijan, isaga oo goobta ku sugan mar uu hadlayay waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la casriyeeyo ciidamada qalabka sida oo loo helo qalab casri ah.
Soomaaliya ma danbaa ugu jirta xulufeysiga Azerbaijan?
Soomaaliya ayaa sanadihii sanbe waxa ay xoogga saareysay heshiisyada kala duwan oo ay la galeyso dadalka caalamka, heshiisyadaas ayaana u badnaa dhanka difaaca.
Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga ayaan wax ka weydiinay haddii Soomaaliya iyo Azerbaijan uu dhexmaro heshiis dhanka difaaca ah iyo waxa ay Soomaaliya ka faa’iidi karto.
"Soomaaliya muddadii u danbeeysay waxa ay diiradda saaraysay in ay ballaariyaan iskaashigeeda difaaca oo ay taagero helaan, marka la fiiriyo kulanka labadaan dal oo aan lahayn xiriir toos ah ma jirto hab ay Soomaaliya iyo Azerbaijan u wadaagi karaan arimaha difaaca,” ayuu yiri Kaboole.
Falaqeeye Axmed Kaboole ayaa dhanka kale soo hadal qaaday in Azerbaijan iyo Soomaaliya ay iska kaashan karaan dhanka dhaqaalaha, diblumaasiyadda, tiknoolajiyadda iyo arimo la xiriira tababarada la xiriira shaqaalaha.
"Azerbaijan kama mid ahan wadamada taariikhda u leh inay caawiya dalalka soo koraya, awood ciidan oo ay Soomaaliya ku caawiso ma lahan wax ay naga caawin kartana iima muuqdaan,” ayuu hadalka raaciyay falaqeeyaha.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee {SONNA} ka qeybgalka munaasabadda ee wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, tani waxa ay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay sare u qaadista awoodeeda difaaca iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah ee dhanka difaaca.
Sidoo kale munaasabadaan ayay Soomaaliya ku heshay fursad ay ku sahamiso iskaashiga suurtagalka ah iyo in ay soo iibsato nidaamyada difaaca ee horumarsan si ay u xoojiso ammaankeeda qaranka.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed, ayaa sheegay in ay ka faa’iideysanayaan khibradaha ciidan iyo hormarka tiknoolajiyadda ee Azerbaijan, si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, hadalkaan ayuuna ka sheegay munaasabadda sida ay baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anaadool.
Dhanka kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday in loo baahanyahay ballaarinta iskaashiga labada dal ayna wadaagaan arimo la xiriira tamarta, ganacsiga iyo jormarinta kaabayaasha.
Mar uu ka hadlayay xubin-nimada aan joogtada ahayn ee Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2025-2026, wasiirku waxa uu sheegay in jagadaas ay fursad u siin doonto in aragtiyaha Soonaaliya ay ka muuqato masraxyada caalamka.
Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan shiiq ayaa muddooyinkii danbe waxa ay ku dadaaleysay sidii ay xiriir ula yeelan lahayd dalal badan oo caalamka ah, iyadoona ay jireen heshiisko iskaashi oo ay la yeelatay dalal badan kuwaas oo sheegay in ay ka caawinayaan dhanka ammaanka.
Xigasho BBC
Wasiir Blinken "Israel iyo Xisbullah waa inay labadooduba xabadda joojiyaan”
Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay donista Raysal Wasaa-raha Israel, Benjamin Netanyahu ee ku saabsan in la si wado weraro ka dhanka Ururka Xisbullah iyo inanan la soo afjarin colaadda Lubnaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken o hadlayay saacado ka dib, weerarkii xooganaa ee Israel habeen hore fiidkii ka gesatay konfurta Magalada Beirut aya shegay in xalku ku jirin holgal militari.
"Dowladda Mareykanka waxay aaminsan tahay in wadada lo marayo xalka uu yahay diblomas-iyada e ma ahan dagal.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa dhinacyada ugu baaqay inay xabadda joojiyaan, isagoo xusay in weli diblomaasiyada ay furan tahay, xitaa iyadoo Israel ay iska dhega tirtay baaqyada xabad joojinta, ayna sii waddo duqaymaha ay ka gaysaneyso dalka Lubnaan.
"Israel iyo Xisbullah waa inay labadooduba xabada jojiyan. Weli wadada diblomasiy-ada way furan tahay Ayu yiri Wasir Blinken.
Blinken ayaa sheegay inay adkaan doonto in la helo waan-waan nabadeed, inta ay arkayaan ficilada uu mid ka mid ah ku ballaarinayo dagaalka.
"Diblomaasiyadda waxay u ekaan kartaa mid adag in la arko xilligan.” Ayuu yiri Blinken oo xusay in Sarakiisha Marekanka ay uruurina-yaan xogta ku saabsan khasaaraha duqaymihii Israel ee Beirut.
Blinken ayaa yiri "Waxa labada dhinac ay doortaan maalmaha soo socda ayaa go’aamin doona wadada gobolkani uu ku socdo. Haddii dagal ay doortaan waxa uu cawaaqib xun ku yeelan doonnaa dadkiisa, hadda iyo sanadaha soo socdaba.”
Dhanka kale Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo boqasho ku jogay dalka Mareykanka ayaa soo gaabiyay booqashadiisa, wuxuuna si degdeg ah ugu laabtay Israel.
Raysal Wasaaraha ayaa ka tallabsaday soo jeedintii Faransiiska iyo Mareykanka ee la xiriirtay in muddo 21 maalmood ah la hakiyo colaadda labada dal, intaasina laga wada shaqeeyo xalka xabad joojinta waarta oo laga sameeyo xuduudda labada dal.
Wax yar ka hor weerarkii fiidnimadii Jimcaha ee ka dhacay Beirut, Netanyahu oo khudbad ka jeediyay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayaa ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto ololaheeda militari ee ka dalka Lubnaan.
Tani waxay dadka qaarkii ku macne-eyeen dhammaadka rajadii uu caalamka ka qabay in si degdeg ah loo joojiyo colada Israel iyo Lubnan.
Dowlado badan oo kuwa caalamka ah ayaa taageeray hindisaha Mareykanka iyo Faransiiska ay Arbacadii soo bandhigeen, si miiska wada hadalka loogu xaliyo khilaafkooda.
Xisbullah oo xaqiijisay inuu geeriyooday Hassan Nasrallah
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday Hassan Nasra-llah, ka dib qaraxyadi waaweyna ee Jimcihii ka dhacay koonfurta Caasimadda Beirut.
Xisbullah ayaa muujisay in hogamiyahoodii uu ku geeriyooday weerarkii ay diyaradaha dagalka Israel ka fuliyen xaafadda Dahieh.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa dhulka la simay dhowr dabaq oo la degan yahay, iyagoo isku dayaya inay dilaan Hogamiyihii Xisbullah, o sida ay shegen shir hogamined ku qabanayay xarun dhulka hoostiisa ah.
Taliska Militariga Israel ayaa war ay shalay soo saareen ku sheegay in Hassan Nasralah lagu dilay holgal ay diyaradahoda dagaalka ku burburiyeen Xarunta Dhexe ee Ururka Xisbullah. Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee ay Israel ka gaysato dalka Lubnan, muddo 18 sano ah.
Ciidanka Cirka Israel ayaa habeen hore si qoto dheer u garaacay illaa soddon bartilmaameed oo ku yaala Magaalada Beirut, iyadoona ay Israel ku sheegtay inay ahaayeen xarumaha Ururka Xisbullah.
Xisbullah ayaa wacad ku martay in xoogageeda ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Israel, isla-markaana aysan dib uga laaban doonin taageeradooda shacabka Falastiiniyiinta.
Hassan Nasrallah ayaa bishii February ee sanadkii 1992-kii noqday Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, ka dib markii la dilay hoggaamiyihii isaga ka horreyay, waa Abbas Al Musawi.
Al Musawi oo xilka ururka qabtay bishii May ee sanadkii 1991-kii ayay Israel shirqool ku dishay, isagoo xilka ku magacaaban wax ka yar hal sano.
Nasrallah oo 64 jir ahaa ayaa kala bar noloshiisa hoggaaminayay Xisbullah, waxaana uu dhisay ururka aan dowliga ahayn ee militari iyo siyaasad ahaanba ugu xoogan Gobolka Bariga Dhexe.
Shacabka Lubnaan iyo kooxaha wax iska caabinta ee gobolka ayaa waxaa muuqata inay ka carreysan yihiin hawlgalka ay Israel ku dishay ninkaasi.
Israel ayaa qaadatay go’aanka lagu dilay Hassan Nasrallah, iyadoo dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolkaba ay ka soo horjeedaan in looga sii daro xiisadda gobolka.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu dhalleeceeyay in uu qaatay mowqif aad khatar u ah, kaas oo cawaaqib ba’an ku yeelanaya dadka gobolka.
Netanyahu ayaa quwadaha reer galbeedka ee Faransiiska iyo Mareykanka ku gacan seyray hindise xabad joojineed, oo si ku-meel-gaar ah loogu hakinayo xiisadda kala dhaxeysa Lubnaan, si fursad loo siiyo wada hadalada diblomaasiyadda, si dagaal la’aan ay guryahooda ugu soo laabtaan Israeliyiintii kol hore ku barakacay rabshadaha xuduudda ee labada dal.
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay isku dayada uu Netanyahu ku ballaarinayo colaadda gobolka.
Hadda xiisadda Bariga Dhexe waa mid aad u kacsan, iyadoo shacabka Israel ay baqdin badan muujinayan, lamana oga waxa uu ku dambayn doono masiirka gobolka.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mugdishotimes#
,,,,,,,,,,