halkaan ka aqriso wararka wargayska mogtimes
Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
Sebt 5, 2024, Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, wuxuu khudbad kaga hadlay furitaanka Foorumka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee Beijing, isagoo ugu yeedhay mid si wadajir ah loo gaadhi karo casriye-nta iyo aburista mustaqbalka bulsho wadag ah.
Sebtember 6, 2024, Madaxweynaha Shiinaha iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxay ku kulmeen Aqalka Shacabka ee Beijing halkaas oo ay ku dhawaaqeen in xidhiidhka labada dal la gaadhsiiyay heerka istiraatiijiyad wadaag ah. Tani waxay muujineysaa fursado waaweyn oo horumar u leh Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Masar: Soomaaliya waa xubin muhiim ah oo Ka tirsan Jaamacadda Carabta, cidna uma habjabi karto
Madaxweynaha Masar Cabdulfatah Siisii ayaa mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta.
Madaxweyne Siisii ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leeyahay difaac wadareed sida ku cad Axdiga Jaamacadda Carabta.
"Anagu ma hanjabeyno, laakiin ma ogolaan doonno inuu qofna u hanjabo Soomaaliya," ayuu yiri Siisii.
Waxa uu sidoo kale ku daray in Masar ay si adag u garab istaagi doonto Soomaaliya haddii ay ka codsadaan taageerada difaaca qaranimadeeda.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan, gaar ahaan kaddib markii Masar ay usoo rartay hub iyo qalab milatari oo ay ugu talo gashay in lagu taageero ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Itoobiya ayaa horey uga muujisay walaac ku saabsan hubka Masar ay siisay Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay khatar gelin karto ammaanka gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxtooyada kula kulmay qaar kamid ah dhallinyarada
Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ee caasimadda kulan gaar ah kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha dhallinyarada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dhallinyaradaasi la wadaagay xaaladda dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed iyo aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhallin-yaradaasi ugu dambeyn uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.
Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne Biden
Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhu-uriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Marey-kanka Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midobay ee magaalada New York.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Somalia iyo Marekanka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Sooma-aliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
R/wasaare Xamsa oo kulan muhiim ah la qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta,
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.
R/wasaaraha oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaa kulanka uu la qaatay Wasiiro Dowlaha Dalka Imaaraadka carabtta ay uga wada hadleen adkeynta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Labada dhinac waxa ay istuseen ahmiy-adda horumarka labada dal , nabad ku soo dabbaalidda gobolka iyo sida Soomaaliya gacan looga siin karo dhameystirka adeegyada dowladda iyo kuwa bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feder-aalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin inuu noqdo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS.
Magacaabistan ayaa timid si loo dar-dar gelinayo isbeddelada lagama maarmaanka u ah horumarinta hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa muhiimka u ah kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta waaxda duulista iyo gaadiidka dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qayb galay Bandhigga Difaaca "ADEX” oo lagu qabtay dalka Azerbaijan
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku sugan dalka Azerbaijan, ayaa ka qayb galay sanad guuradii 5-aad ee Bandhigga Difaaca "ADEX”, oo ka dhacay magaalada Baku, Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray horumarka tiknolojiyada difaaca ee dalalka caalamka.
Wasiirka ayaa sheegay inuu fursad u helay inuu indha indheeyo tiknolojiyadda cusub ee dhinaca difaaca, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in ciidanka xoogga dalka lagu qalabeeyo agabka difaaca ee ugu casriyeesan.
"Waxaan fursad u heley inaan arko horumarka Tiknolojiyada difaaca ee dunidu gaartey, waxaa naga go’an inaan ku qalabeyno ciidamadeena agabka ugu sareeya ee difaac,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Fiqi: Ma jirto rajo laga qabo inaan wada xaajood toos ah isugu imaano Itoobiya
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in aysan muuqan rajo laga qabo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isugu yimaadan wada hadal fool ka fool oo ku saabsan xiisadda arrimaha badda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Itoobiya ay martay dariiq qaldan, oo ay u bareertay boobka qayb kamid ah dhulka Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa heshiska ay la gashay mamulka Somalilan.
Wasiir Fiqi ayaa yiri, "Annaga nooma muuqato in Abiy Ahmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan is waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka Raysal Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeynayo ku xadgudubka qaranimada Soomaaliya.
"Waxaanu weli siineynaa Itoobiya fursad ay kaga laabato heshiiska, si xaaladu ay dib ugu soo laabato sidii ay ahayd ka hor kowdii bisha January ee sannadkan,” ayuu ku daray wasiir Fiqi.
Si kastaba ha ahaatee, Turkiga oo ahaa dhex dhexaadiyaha labada dal ayaa u muuqda mid ku guulaysan waayay inuu wada hadal siiyo laba dhinac, wuxuuna dhawaan dib u dhigay wareeggii saddexad ee wada hadalada loo ballansaa Ankara.
Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Magacaabidda Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuu-riyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaarada Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.
Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Wasiirka Deegaanka XFS oo ka qeyb gashay shir looga hadlay la qabsiga isbeddelka cimilada
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa ka qeyb gashay shir heer sare ah oo ay soo qaban qaabisay Global Center for Adaptation.
Shirka ayaa looga hadlayay la qabsiga
isbeddelka cimilada iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo saameynta isbeddelka cimilada.
Amb. Khadija ayaa sheegtay in Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada ay ku tiirsan tahay dadaallada heerka caalami ah.
Wasiirka ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya ay ku hawlan tahay ilaalinta noocyada kala duwan ee noolaha iyo soo celinta deegaanka si loo ilaaliyo hab-nololeedka iyo bay’ada.
Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay ajandayaal ay ka mid yihiin arrimaha cadaaladda dalka iyo sareynta sharciga.
Mudane Xasan Macallim ayaa midawga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka horumarinta magaalooyinka
Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ee dowlada Masar, Injineer Sherif El-Sherbiny ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud, iyaga oo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.
Injineer El-Sherbiny ayaa caddeeyay in dowladda Masar, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, ay diyaar u tahay in ay la wadagto Soomaaliya khibradeeda dhanka horumarinta magaalooyinka.
"Masar waxay leedahay xirfadaha iyo agabka lagama maarmaanka u ah dhismaha iyo horumarinta, waxaana rajeynayaa in aan ka qayb qaadan karno mashaariic tayo leh oo kaabaya horumarka dalka,” ayuu yiri El-Sherbiny.
Dhanka kale, Wasiir Siciid ayaa uga mahadceliyay Injineer El-Sherbiny soo dhaweynta, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay danaynayso in ay xoojiso iskaashiga ay la leedahay dawlada Masar.
Injineer El-Sherbiny ayaa sidoo kale ku booriyay dowladda Soomaaliya inay ka qayb qaadato shirka caalamiga ah ee World Urban Forum, kaas oo looga hadlayo iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta magaalooyinka, isla markaana ay kullamo la yeeshaan shirkadaha dhismaha ee Masar.
Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Madaxa Hay’adda TIKA ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masi-ibooyinka Mudane Maxamuud Macallin abdulle aya xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay’ada TIKA ee Somalia Mudane. Zafer Eski.
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii TIKA ay SoDMA uga taageeri laheyd kaydadka cuntada, biyaha iyo agabyada kale ee gargaarka degdegga ah sida ambalaasyada iyo deb-damisyada.
Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dhisidda kartida iyo aqoonta howl-wadeennada Hay’adda SoDMA.
Ciidamo ka tirsan CXDS oo tababar ku saabsan isticmaalka qalabka isgaarsiinta loo soo xiray
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, qeybta 43-aad, ayaa shalay loo soo xiray tababar ku saabsan isticmaalka qalabka isgaarsiinta, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.
Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyadoo ujeedkiisu ahaa in sare loo qaado aqoonta ciidamada ee dhinaca isgaarsiinta.
Madaxa Saadka qeybta 43-aad, Kabtan Cabdimaliik Careys Xuseen, ayaa soo xiray tababarkan oo ka dhacay magaalada Kismaayo, isaga oo xusay muhiimada ay u leedahay ciidamada inay si xirfad leh u isticmaalaan qalabka isgaarsiinta si kor loogu qaado isku xirka iyo wada shaqeynta gudaha ciidamada.
Mudada qabashada araajida shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujeyda oo la kordhiyay
Guddiga Tartansiinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta aya kordhiyay mudada qabashada araajida tartanka shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446/2025.
War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu furan yahay tartanka daabulka Xujeyda, waxaana shirkadaha diyaaradaha ee daneynaya ka qeybgalka tartankan lagu wargeliyay inay soo gudbiyaan araajidooda inta lagu guda jiro mudada cusub ee lagu kordhiyay.
Shuruudaha lagama maarmaanka ah ee shirkadaha ka qeybgalaya tartanka ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxana ka mid ah:
1- Shirkadda waa inay soo gudbisaa codsi qoraal Af Soomaali ah oo uu saxiixay maamulaha shirkadda.
2- Shirkaddu waa inay soo gudbisaa sooyaal shaqo oo Af Soomaali ah, kuna cad yihiin cinwaannada iyo xafiisyada shirkadda.
3- Shirkaddu waa inay leedahay xafiis shaqeeya oo ku yaalla gudaha Jamhu-uriyadda Federaalka Soomaaliya.
4- Waa in shirkaddu leedahay khibrad shaqo ugu yaraan shan sano ah oo ku saabsan daabulka Xujeyda.
5- Shirkaddu waa inay ku jirtaa caymis aan dhacsaneyn oo ay soo gudbiso nuqul kamid ah heshiiska caymiska.
6- Shirkadda lama doonayo inay horey Maxkamad xukun ciqaabeed ugu ridday shantii sano ee ugu dambeysay.
7- Waa in shirkaddu haysato ruqsad duulimaad oo ka timid Hay’adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed iyo shati ganacsi oo aan dhacsaneyn.
8- Shirkad walba waa inay tahay canshuur bixiye oo soo gudbisaa waraqadda canshuur bixinta Wasaaradda Maaliyadda.
9- Shirkaddu waa inay ku magac gooni ah tahay oo aanay la magac noqon shirkad kale oo tartanka ka qeyb galeysa.
10- Shirkaddu waa inay soo gudbisaa dhaq-dhaqaaq xisaabeedkeeda bangiga (Bank Statement) lixdii bilood ee ugu dambeysey.
11. In ay Shirkaddu haysato ugu yeraan 4 Diyaaradood, soona caddeysaa qaadkooda noocooda iyo guud ahaan badqabka Diyaaradaheeda (Documents).
12. In ay shirkaddu soo gudbiso ruqsadda duulimaadka tooska ah ee ay ka heysato Soomaaliya iyo Sacuudiga.
13. In ay shirkaddu u sameyso Xujeyda Soomaaliyeed duulimaadyo toos ah oo aan sii mareynin, soona mareynin dal kale.
14. In ay shirkaddu diyaar u tahay dhigista dammaanad lacageed oo dhan 25% gund ahaan tikidka xaajiga Soomaaliyeed, taasoo u soo noqaneysa Shirkadda marka ay gudato waajibaadkeeda shaqo.
15. In ay shirkaddu ka daabuli karto xujeyda Soomaaliyeed Garoomada diyaaradaha ee loo cayimay, kuna yaalla gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
16. In ay shirkaddu soo gudbiso qiimaha ugu yar ee kama dambeysta ah ee sicirka tikidka xaajiga Soomaaliyeed sanadka 1446/2025
17. Shirkaddii ku guuleysata adeegga daabulka Xujeyda Soomaaliyeed waxey heshiis shaqo la galeysan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS.
18. Shirkadaha daneynaya ka qeybgalka tartanka waxay araajidooda kusoo hagaajinayaan Xafiiska Waaxda Arrimaha Xajka iyo Cummada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta (hard copy), ayadoo lagu soo xirayo gal-xiran (bashkhad) sidoo kale waxay nuqul ka mid ah kusoo dirayaan Emailka. dg@mera.gov.so
19. Soo gudbinta Araajida waxay ka bilaabaneysaa Axad 23. 09. 2024, waxeyna ku egtahay maalin axada 29/09/2024.
Maamulka SODMA iyo Qaramada Midoobay oo ka hadlay xaaladda bin’aadanimo ee Soomaaliya
Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahana isku-duwaha gargaarka bani’aad-annimo ee dalka Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan bille ah oo dhinacyadu ku gorfeeyeen xaaladaha bani’aadannimo ee taagan.
Shirkaan oo ay qeyb ka ahaayeen hay’adaha OCHA, UNDP iyo FAO, ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga abaaraha laga baqayo in ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah bariga Afrika kuna jirto Soomaaliya, halka wax la iska weydiiyay sababaha keenay fatahaadaha xilligaan ka socda degaannada ku teetsan Wabiga Shabeelle, xilli aysan jirin roobab xooggan oo ka da’aya Soomaaliya iyo buuraha Itoobiya.
Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay warbixintii qiimaynta khasaaraha ka dhashay fatahaadihii Dayr-ta ee sanadii tagtay, xoojinta arimaha kahortagga leexsashada gargaarka, wadaagidda iyo wadajir uga war-qabka xogaha arrima bani’aadannimada ee dalka iyo sidii loo dardargalin lahaa mashruuca biyo xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar, gaar ahaan qeybta mashruucaan ka quseysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.
Madaxda Caafimaadka XFS iyo Gobolka Banaadir oo casho sharaf u sameeyay dhaqaatiir Masaari ah
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay dhaqaatiir ka socday Dalka Masaari oo howlo caafimaad oo isugu jiray daaweyn iyo qaliimmo ka fuliyay isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaan casho sharafta ah oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka hadlay Ku simaha Wasiirka caafimaadka, ahna wasiiru dowlaha Caafimaadka Maryan Maxamuud Xusen iyo Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka BanaadirC/Laahi Aadan muuse.
Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay la taliyaha wasiirka caafimaadka masar maxamed jaad iyo Safiirka Masar ee Sooaaliya Kiriin Hishaam,kuwaas oo xaqiijiyay in ay sii wadayaan garab joogga shacabka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Cisbitaalka Martiini C/risaaq Yuusuf Axmed oo isna ka hadlay xafladdi casho sharafta ayaa sheegay in dhaqaatiirtii ka socday Dalka Masar ay howlo caafimaad oo lacag la/aan ah u sameeyeen bukaanno gaaraya kun iyo shan boqol,kuwaas oo uu tilmaamay in loo qabtay adeegyo isugu jiray daaweyn iyo qalliimmo.
Saraakiil loo soo xiray tababar ku saabsan Isgaarsiinta
Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka iyo Booliiska ayaa shalay loo soo xiray tababar soconayay muddo 45 cisho ah kaasi oo ay ku baranayeen Isgaarsiinta Casriga ah iyo Teknoolojiyadda.
Tababarka ayaa waxaa soo xiray Madaxa Hoggaanka Isgaarsiinta Ciidinka Booliiska Jeneraal Salaad Maxamed Guuleed iyo Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaanshaanle Sare Cabdulaahi Xuseen Dhuxuloow.
Mudadii tababarka uu socday ayay Saraakiisha iyo Askarta XDS iyo Booliiska la howlgelyeen xafiiska tageerada Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay (UNSOS) iyagoo la shaqeeynayay shaqaalaha UNSOS gaar ahaan qeybta Teknoolojiyadda si ay usoo bandhigaan heerka aqoontooda ee dhanka Isgaarsiinta.
Tababarkan oo uu taageerayay Xafiiska taageerada Soomaaliya Qaramadda Midoobay ee UNSOS ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxa Teknoolojiyadda UNSOS FTS Pual.
Puntland oo qabatay mid kamid ah raggii qafaashay markabkii MV Cabdalla
Ciidanka Booliiska Puntland ee degmada Eyl ayaa qabtay Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle), oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeedii qabsaday markabkii MV Abdalla ee laga lahaa dalka Bangaladesh.
Qabashada eedeysnaha ayaa ka dhacday xeebaha degmada Eyl iyo deegaanada ku xeeran, halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayay sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka booliiska.
Ciidanku waxay sheegeen inay la socdeen xogta eedaysane Cabdiqani, taasoo fududaysay hawlgalka qabashadiisa. Si kastaba ha ahaatee, waa eedaysanihii saddexaad ee loo qabto kamid ahaanshaha burcad badeedii markabkaas qafaalatay.
Markabka MV Abdalla oo la afduubay 12-kii March 2024, ayaa la sii daayay 13-kii April, kadib markii laga qaatay madax furasho gaaraysa 5 million oo doolar.
Puntland ayaa sheegtay inay ku howlan tahay dagaal adag oo ay kula jirto kooxaha burcad badeedka ah, kuwaas oo ay sheegtay inay dhibaato ku hayaan dadka iyo badwabka deegaanka.
Isrel oo diidday baaqyada caalamiga ee xabbad-joojinta iyo duqeymo weli ku socda Lubnaan
Israa’iil ayaa diiday baaqyada caalamiga ah ee xabbad-joojinta Lubnaan,iyadoo sii wadda ololaha duqaynta oo ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof gudaha dalkaasi tan iyo Isniintii.
Aqalka Cad ayaa sheegay in baaqa caalamiga ah ee uu mareykanku hogaamiyo ee ku aadan xabad joojinta Lubnaan uu ahaa mid la soo abaabulay, inkastoo Israel ay diiday soo jeedintaasi.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Israa’iil, iyadoo Tel Aviv ay xaqiijineyso in la siinaayo xirmo cusub oo ah $8.7bn oo gargaar milatari oo Mareykan ah.
Maamulka Gaza ayaa dhalleeceeyay anshax-xumada Israa’iil aykula dhaqantay Falastiiniyiinta, kadib markii ciidanka ay dib u soo celiyeen 88 meyd oo aan la aqoonsan karin.
Ma jiro wax calaamad ah oo ku saabsan xabbad-joojin laga hirgaliyo Lubnaan, iyadoo ololaha duqeynaha ciidanka Isrel ay weli ka socdaan dalkaasi oo illaa hadda tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 700.
Ugu yaraan 41,534 qof ayaa lagu dilay Gaza, halka dhaawaca uu marayo 96,092 dagaalkii Israel ee bilowday sanadkii tagay.
Madaxweynaha Faransiiska oo dhalleeceeyay diidmada Israel ee xabad joojinta Lubnaan
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa dhalleeceeyay diidmada ay Israel kala hortimid qorshaha ay iyaga iyo Mareykanka ugu gogol xaarayaan in muddo 21 cisho ah xabad joojin lagaga sameeyo xudududa Israel iyo Lubnaan.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay Israel ku qaadacday in fursad la siiyo dadaalada caalamiga ah, ee ah in wada-xaajood lagu soo afjaro xiisadda labada dal.
Madaxweynaha oo booqasho ku jooga dalka Canada ayaa sheegay in iyadoo Canada iyo dalal kale ay kala shaqeynayaan, sidii looga baaqsan lahaa isku dhac ballaaran ay Israel diidan tahay inay taasi dhacdo.
Waxa uu sheegay in dhacyada dalka Lubnaan ay soo dhaweeyeen hindisaha xabad joojinta ku-meel-gaarka ah, balse aysan Israel soo dhaweyn.
"Xisbullah waxay muujisay inay diyaar u tahay xabad joojinta. Hadda qof kasta wuxuu sugayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.” Ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska oo wareysi siiyay Warbaahinta CBC ee Canada.
Madaxweyne Macron ayaa Mareykanka ugu baaqay inuu Israel ku cadaadiyo in ay aqbasho hindisaha xabad joojinta iyo in colaadda labada dal lagu dhameeyo miiska wada hadalka.
Washington iyo Paris ayaa Arbacadii soo jeediyay qorshe muddo 21 cisho ah lagu hakinayo colaadda, si loo sameeyo wada-xaajood horseedaya in la gaaro heshiis nabadeed, iyadoo shacabkii labada dhinac ee barakacayna ay si nabdoon ugu soo laabanayaan guryahooda.
Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in weerar dhinaca dhulka oo Israel ku qaaddo dalkaasi uu noqon doono khalad aad u weyn.
"Waxaan aaminsanahay in aan weli haysano saacado yar oo Raysal Wasaare Netanyahu uu ku bixin karo fursad nabaded.” Ayuu yiri Madaxweyne Macron.
Madaxweyne Macron ayaa yiri "Waxaan aaminsanahay in Mareykanku uu hadda kordhinayo cadaadiska Raysal Wasaaraha Israel, si uu sidaas u sameeyo. Haddii Netanyahu uu yiraahdo maya, Faransiisku wuxuu arrinta u gudbin doonnaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Lubnaan, Abdallah Bou Habib ayaa sheegay in Gobolka Bariga Dhexe oo dhan uu halis ugu jiro dagaalka ay Israel fidineyso.
Wasiirka oo khudbad ka jeedinayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la qaado tallaabo lagu joojinayo gardarrada Israel.
Israel ayaa iska dhega tireysa baaqyada xulafadeeda muhiimka ah, xilli ay ogsoon tahay cawaaqibka uu leeyahay dagaalka ay ballaarineyso.
Masuuliyiinta Israel ayaa ku hanjabaya inay ciidamadooda duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadi doonaan dalka Lubnaan, si shacabkoodii ku barakacay xiisadda xuduudda ay guryahooda ugu soo laabtaan.
Ciidamada Sudan oo weerar culus ku qaaday magaalada Khartoum
Ciidamada Sudan ayaa weerar culus ku qaaday magaalada caasimadda ah ee Khartoum, si ay dib ugu soo ceshadaan gacan ku heynta ciidamada Rapid Support Forces (RSF), sida ay ilo-wareedyo milateri u sheegeen Al Jazeera.
Ciidanka ayaa qaaday weeraro cirka ah Khamiistii oo lala beegsaday fariisimaha RSF ee caasimadda iyo waqooyiga Khartoum, weerarkaas oo ahaa kii ugu weynaa ee bilooyin ah.
Warbixinta ka soo baxday Khartoum, weriye Hiba Morgan ayaa sheegtay in ciidamadu ay la wareegeen saddex buundooyinka waaweyn, oo ay ku jiraan labo isku xira magaalada Omdurman iyo caasimadda.
Ciidamadeeda "waxay ku sii siqayeen… qasriga madaxtooyada halkaas oo sidoo kale laga soo sheegay dagaal culus”, ayey tiri wariye Morgan.
Ciidamada ayaa weeraray dhowr goobood oo ay leeyihiin ciidamada RSF-ta, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in ciidamada cirka ee Suudaan ay duullimaadyo dhowr ah ka wadeen magaalada Khartoum.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyntii subaxnimadii Khamiista ee RSF-ta, kuwaas oo lala beegsaday xaafado ka tirsan gobolka Karari, ee waqooyiga Cumdurman, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee gobolka Khartoum Maxamed Ibraahim.
In kasta oo ay ciidamadu dib uga qabsadeen Omdurman horraantii sanadkan, waxay ku xidhan tahay inta badan madaafiicda iyo weerarrada cirka mana awoodin in ay meesha ka saaraan ciidammada dhulka ee RSF ee waxtarka badan ee ku jira Khartoum.
Ilaha militariga ayaa sheegay in weerarku uu "qorsho ku jiray muddo bilo ah”, ayey tiri Morgan, oo ka dhan ah madaafiicda iyo diyaaradaha dagaalka.
Sudan waxa ay gashay iskahorimaad bishii April 2023, markaas oo ay xurguf muddo dheer soo jiitamaysay oo u dhaxaysay taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan "Hemedti” Dagalo ay ka qarxeen iskahorimaad ilaa hadda ay ku barakeceen in ka badan 10 milyan oo qof – ilaa 8.1 milyan oo qof. gudaha Sudan halka ku dhawaad laba milyan lagu qasbay inay dalka ka qaxaan, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay.
"Waxaad maqli kartaan madaafiicda culus o hada weli socota, marka waxay u egtahay in cidamadu ay weli la dagalamayan RSF melo badan,” ayey tiri Hiba Morgan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo sheegay inaanan la joojin doonin dagaalka Xisbullah
Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa xojiyay diidmada mamulka, ee ah inaanan la joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, ka dib soo jeedintii Mareyk-anka iyo Faransiiska ee ku saabsaneyd in xabad joojin laga sameeyo xuduudda labada dal.
Wasiirka ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ku gacan seyray in xabad joojin laga sameeyo xuduudda, isagoona ku goodiyay inaysan qaadan doonin wax xabad joojin ah, illaa laga xaqiijinayo yoolkooda dagaalka.
"Waxaan sii wadi doonnaa inaan si xoog leh ula dagaalano kooxda argagixisada ah ee Xisbullah, illaa laga xaqiijiyo in shacabkayagii qaxay ay dib uga soo laabtaan guryahooda.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiir Katz oo hadda ah Kusimaha Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa adkeeyay in hawlgalka jiidda waqooyi uu sii socon doono.
Katz ayaa iska leh go’aanka ugu dambeeya ee hawlgalka, illaa iyo inta uu shaqada kaga soo laabanayo Raysal Wasaare Netanyahu.
Khamiistii, war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ciidamada lagu faray inay si qoto dheer u beegsadaan kaabeyaasha Xisbullah.
Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant iyo Taliyaha Ciidamada, General Herzi Halevi waxay labaduba sheegeen inay suurtagal tahay in la qaado weerar dhinaca dhulka ah.
Ciidanka Cirka Israel ayaa 23-kii bishan bilaabay inay xagga cirka ka garaacaan kaabeyaasha militari ee Xisbullah, si Israeliyiintii barakacay ay guryahooda waqooyiga Israel dib ugu soo laabtaan.
Mareykanka ayaa Israel ku booriyay inay diiradda saarto wada-xaajoodyada diblomaasiyadda, bedelkii ay kordhin lahayd dagaalka Xisbullah, ayna uga sii dari lahayd xiisadda gobolka.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Netanyahu uu markii hore aqbalay hindisaha muddada 21-ka maalmood xabad joojinta looga sameynayo xudududa labada dal, balse uu ka laabtay, ka dib culeys uu kala kulmay Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa.
Paris iyo Washington ayaa Arbacadii soo jeediyay qorshaha xabad joojinta ku-meel-gaarka ah, si fursad loo siiyo dadaalada diblomaasiyadda, ka dib maalmo duqaymo dhimasho badan sababay oo Israel ay ka gaysatay dalka Lubnaan.
Antony Blinken, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in dagaalku aanu xal u noqon karin in shacabkii labada dal ee barakacay ay ku soo noqdaan guryahooda.
Walaaca caalamiga ah ee hadda jira ayaa ah in uu dagaal fool ka fool ah uu ka qarxo xuduudda, haddii Ciidamada Israel ay isku dayaan inay u tallaabaan dhinaca Lubnaan.
Mareykanka oo diidmo adag kala kulmay Maamulka Israel iyo dagaalka Xisbullah oo sii socon doono
Dowladda Mareykanka ayaa diidmo adag kala kulantay Maamulka Israel, si loo joojiyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Xisbullah, loona dejiyo xiisadda Bariga Dhexe.
Mareykanka iyo Faransiiska ayaa Arbacadii soo bandhigay qorshe muddo 21 cisho ah lagu hakinayo colaadda, intaasina laga wada shaqeeyo, sidii heshiis looga gaari lahaa coladdda xuduudda ee labada dal, si shacabkii labada dhinac ee ku barakacay xiisadda xuduudda ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu markii hore aqbalay soo jeedinta labada quwadood ee reer galbeedka, balse culeys ka qabsaday gudaha ay ku riixday in weerarada la sii wado.
Wargeyska Haaretz ayaa qoray in Raysal Wasaaruhu uu cadaadis ka haysto Wasiirada mayalka adag ee ka tirsan xukuumaddiisa, kuwaa oo ka biyo diidan in la joojiyo hawlgalada xagga cirka ee lagu burburinayo kaabeyaasha militari iyo xarumaha kale ee Ururka Xisbullah.
Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa Khamiistii sheegay inaanan la joojin karin weerarada ka dhanka ah Xoogaga Xisbullah.
Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir ayaa wacad ku maray in Xisbigiisa Otzma Yehudit uu kalsoonida kala noqon doono xukuumadda la wada leeyahay, haddii la ogolaado buu yiri in xabad joojin laga sameeyo Lubnaan.
Shabakadda Wararka Mareykanka ee Axios ayaa Sarkaal Mareykan ah ka soo xigatay in Netanyahu iyo kooxdiisa ay u muuqdaan kuwo dagaalka sii wadi doona.
Telefishinka Mareykanka laga leeyahay ee NBC News ayaa Saraakiil American ah ka soo xigtay in Tel Aviv aysan baaqooda dhageysaneynin.
Mareykanka iyo Faransiiska ayaa Khamiistii rajeynayay in Israel ay joojin doonto weeraradeeda, balse si ka duwan taasi waxay horey u sii wadday duqaymaha ay ku hayso dalkaasi Lubnaan.
War qoraal ah oo mar dambe ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa lagu beeniyay in xukuumaddu ay aqbashay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.
Warka ayaa lagu sheegay in Netanyahu uu amar ku bixiyay in ciidamadu ay si qoto dheer u duqeeyaan Xisbullah iyo Xamaas, inta laga gaarayo dhammaan ujeedooyinka dagaalka.
Netanyahu oo lagu wado in uu khudbad ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in uu ku hanjabi doono inaysan ka laaban doonin weerarada Gaza iyo Lubnaan.
Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku warameysa in xulafada ugu muhiimsan ee Israel, sida Mareykanka iyo Ingiriiska ay gebi ahaanba ka soo horjeedaan in dagaalka uu fido, haddii kalena ay khasab noqonayso inay ku soo biiraan, si Israel loo difaaco.
Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa la sheegaya inaysan dooneyn in ay ku lug yeeshaan dagaalka gobolka, sababtu tahay Mareykanka oo looga diyaargaroobayo doorashada madaxtinimada iyo Xisbiga Shaqaalaha ee UK ee dhawaan ku guuleystay doorashadii Ingiriiska oo ballanqaaday inay dib u eegis ku samayn doonaan siyaasaddoodii arrimaha dibadda ee ku wajahneyd Israel, maadaama shacabka dalkaasi ay si weyn uga horyimaadeen dhiigga ay Israel gacmaha kula jirto.
Ururka Xisbullah ayaa taageero ka helaya ururada hubeysan ee gobolka, sida Xuuthiyiinta Yemen, Xoogaga Ciraaq iyo Suuriya, kuwaa oo dhammaantood ku hanjabay inay beegsan doonaan bartilmaameedyada militari ee gudaha Israel, waana xilli Iran ay goor kasta ka aargudan karto Israel, ka dib dilkii ay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.
Ma cadda, sida Mareykanka uu Madaxda Israel uga joojin karo dagaalkan ay ku miigan yihiin iyo in wax laga qabto xaaladda kacsan ee ka jirta Gobolka Bariga Dhexe.
halkaan ka aqriso wararka wargayska mogtimes
.....