halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho times`
Madaxweyne Xasan Sheekh oo darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Munasabad ku qabsoontay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Sooma-aliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin.
Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliiska Sooma-aliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka, isaga oo ku adkeeyey ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaal sare
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa magicaabay Labo LaTaliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorshey-aasha muhiimka ah ee dowladn-imada, Dimuqradiyada io Federalka.
Madaxweynaha ayaa u magacabay Mudane Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.
Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowlada Soomaaliyed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo New York kula kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee geeska Afrika
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabbilsan Geeska Afrika Annette Weber.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadasha-qeynta ka dhaxeysa EU iyo Somalia, gaar ahan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada.
Waxa ay isla soo qaadeen caqab-adaha soo wajahaya gobolka Geeska Afrika, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeyo amniga iyo nabadda gobolka.
Wasiirka Qoyska oo la kulmay safiirka Sacuudiga
Wasaaradda Qoyska iyo hormarinta Xaququl insanka dowlada Federalka Soomaaliya iyo Safaaradda Sacu-udiga ayaa ka wada shaqeyn doona mashriic kala duwan, kuwaas o kala ah; dhismaha xarumo Dugsiga Qur’a-anka lagu baro carurta Soomaaliyed iyo xarumo lagu taagerayo hawenka danyarta yar si loo horumariyo xirfadooda iyo in laga hirgelin doono guud ahaan dalka.
Sidoo kale kulanka ay wada yeesheen Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta xaquul Insaanka XFS, S/ Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo Danjiraha Boqartoyadda Sacuudiga Danjire Mohamed Bin Ahmed ayaa la isku afgartay in iskaashiga labada dal in la xoojiyo isla markaana xiriirka labada dhinac ee Wasaaradaha Qoyska ee dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ay adkeeyso Safaaradda Sacuudiga, si ay isku dhaafsadaan labada dhinac xogaha, Aqoonta iyo kor uqaadista aqoonta howl-wadeennada iyo khuburada Wasaaradaha.
Kulankaan shalay ka dhacay xarunta Safarada Sacudiga Somalia ayaa kusoo dhammaaday in la joogteeyo kulamada iyo dardar-gallinta madhriicda wax-ku-oolka ah, waxaana kulanka qeyb ka ahaa madax ka socotay Wasaaradda iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.
Wasiirka amniga oo qaabilay safiirka Shiinaha
Wasiirka amniga gudaha Xukumada Jamhuuriyadda Federaalka Sooma-aliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Yu Wang, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Amniga ee ka dhaxeeya labada dal.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka amniga, iyadoo diiradda la saarayo dhisidda awooda ciidamada amniga, bixinta qalabka iyo ka hortaga xagjirnimada rabsh-adaha wadata, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.
Danjiraha ayaa dhankiisa sheegay in Dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiyan Soomaaliya ee dhinaca amniga gaar ahaan hay’adda miino baarista Soomaaliyeed iyo tayeynta shaqa-alaha ka hawlgala hay’ada Miina Baarista.
Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay dhigiisa dalka Azerbaijan
Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula qaatay dhigiisa dalkasi Jenaraal Zakir Hasanov.
Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha Difaaca iyo la-dagaalanka Kooxaha Al-shabaab.
Wasiirka deegaanka oo New York uga qaybgashay shirka maalgashiga Afrika
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay Shirka Maalgashiga Afrika, halkas oo ay kaga hadashay doorka Qorshaha Qaran ee Soomaaliya iyo yarenta diiqowga hawada, Wasiirka aya hoosta ka xariqday in Soomaalia ay u baahantahay maalgashi dhan $16.9 bilyan ee himilada – Nationally Determined Contribution (NDC) Soomaaliya ilaa 2030.
Wasiirka ayaa sidoo kale xoojisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhaxeeya dowladda iyo ganacsiyada gaarka ah (PPP), si loo sameeyo maalgashiga tamarta cagaaran (Green Energy) iyo beerashada cimilada la jaanqaada (Climate Smart Agriculture), taasoo gacan ka geysanaysa in la soo gaabiyo firaaqa dhaqaale ee ka dhashay isbeddelka cimilada.
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo la kulmay safiir ku xigeenka Turkiga
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macalin abdulle oo wada dalallo la xarira sidii loogu diyaar garobi laha abaarta la saadaalinayo, loona yareyn lahaa khatarta ka dhalan karta, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay Safiir ku xigeenka Safaaradda Turkiga, Ozan Can Gumus iyo Madaxa howlgalka Soomaaliya ee Hay’adda Bisa Cas ee Turkiga, serif simsek.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii Dowladda Turkiga gacan uga geysan lahayd howlaha ka hortagga La-nina iyo sii laba jibaaridda kaalmada bani’aadannimo, Safiir ku xigeenka ayaana ballan-qaaday in Turkiga ay dhawaan dalka keeni doonaan gargaar loogu talagalay dadka nugul ee garab istagga u baahan.
Yaboohaan ka yimid Turkiga ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii Hay’adda SoDMA ku dhawaaqday in abaarta la saadaalinayo ee La-nina ay saameyn ku yeelan karto in ka badan 16 degmo, iyo in dhaqaale ahaan loo baahanyahay 30 milyan dollar, si wax looga qabto.
Shir looga hadlayo dib u habaynta dhaqaalaha dalka oo Turkiga lagu soo gabangabeeyey
Waxaa shalay la soo gaba gabeeyey dib u eegistii 2-aad ee Barnaamijka ay taageerto hay’adda lacagta adduunka IMF ee dib u habaynta Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo Sabtidii la soo dhaafay shir looga hadlayey uu ka furmay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Inta uu socday shirkaan waxaa diiradda lagu saaray sida ay dowlada Soomaalia uga go’antahay sii wadida qorshayasha hormarined ee Maaliyadda iyo dhaqaalaha, xaaladda shalay taagan iyo u gogol xaaridda Seddexda sano ee soo socota halka la filayo inuu ahaado Hiigsiga Dowladda.
Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay dhammaan ku guulaysatay fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii Horumarinta dhaqaalaha marka loo eego wada xaajoodka dowladdu ay la lee dahay hay’adda IMF, yoolasha lagaaray waxaa ka mid ah sida uu tilmaamay Wasiirku, Dakhliga Dowladda oo kobac sameeyay kadib markii la casriyeeyay habka iyo nidaam uruurinta, Maareynta Maam-ulka kharashaadka dowladda, iyada oo la marinayo habracyada shurucda Maaliyadda.
Sidoo kale Banigiga dhexe ayaa xaqiijiyay dhammaan himilooyinkii lagu hormarinayay Siyaasadaha iyo Shuruucda Bangiga.
Wasiirka maaliyadda ayaa xusay in Dowlada Soomaaliya lagu amaanay qorshaha Isbedelka Qaranka (National Transformation Plan) oo hadda ay ku howlan tahay Xukum-adu in ay soo dhameystirto.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaa-liyeed oo uu ku tilmaamay inay yihiin Laf-dhabarta Dowladda ku waas oo qeyb weyn ka qaatay isbedelka, horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, isagoo ku amaanay dadaalkooda cashuur-bixineed iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan waxaa ka qeybgalay wasaradaha maaliyada, Qorshenta, Batroolka, Cadaaladda, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xarunta Warbix-inada Maaliyadda, Lataliyeyaasha Dhaqaalaha ee Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha JF Soomaaliya.
Wasiirka deegaanka XFS oo sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay maal gashi dhan $16.9 bilyan
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb Khadija Maxamed Al-makhzoumi aya khudbad muhiim ah ka jeedisay Shirka Maalgashiga Afrika, halkaas oo ay kaga hadashay doorka Qorshaha Qaranka Soomaaliya ee yareynta dikhowga hawada.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqday in Soomaaliya ay u baahan tahay maalgashi dhan $16.9 bilyan ee himillada-Nationally Determined Contribution (NDC) Soomaaliya ilaa 2030.
Wasiirka ayaa sidoo kale xoojisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhaxeeya dowladda iyo ganacsiyada gaarka ah (PPP) si loo sameeyo maalgashi tamar cagaaran (Green Energy) iyo beerashada cimilada la jaanqaada (Climate Smart Agriculture), taasoo gacan ka geysanaysa in la soo gaabiyo firaaqa dhaqaale ee ka dhashay isbeddelka cimilada.
Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka tacliinta sare
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulankooda 26-aad ee kalfadhiga shanaad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoo-minayay Guddoomiye kuxigeenka labad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee shalay ayaa waxa uu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka iyo Qeybinta Akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, nwaxaana ugu horeyn wasiiru dowlaha wasarada Waxbarashada, Hidaha iyo Taliinta Sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ay Xildhibaanada Golaha Shacabka u faahfaahisay warbixinta Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka iyo qodobada uu ka koobanyahay.
Intaasi ka dib maadaamaa hindise sharciyeedkan la marsiinayay Akhrinta koowaad kama furneyn wax dood ah sida uu qabo Xeerho-osaadka Golaha Shacabka sidaasi daraadeed Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay mabaadii’da guud ee Hindise Sharciyeedkan iyo saameyntiisa miisaaniyadeed.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Somalia Mudane abdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray in hindise sharciyedkan lagu wareejiyo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo Akhrintiisa labaad dibna Golaha ugu soo celiyo si looga doodo.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta XFS oo gaaray Jowhar
Wasiirka Qorshenta, Malgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa shalay soo gaaray magalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboledka Hirshabelle.
Wasiir Beene-beene ayaa la filayaa inuu kormeero diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029) ee ka socda dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Hirshabeelle ayaa waxaa in dhowaalaba ka soconayay masha-ariic kala duwan oo ay iska kaashan-ayaan dowlada dhexe iyo maamulka Hirshabeelle.
Shirka guddiga hagidda mashruuca iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo muqdisho ka furmay
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim, ayaa magalada Muqdisho ka furay kulanka guddiga haggida mashruuca iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee tababarka xirfadaha tamarta la cusbooneysiin karo.
Mashruucan ayaa tababar iyo hormarin dhanka xirfadaha cagaran ah iyo kuwa la cusbooneysiin karo loogu samayn doona 350 dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahad celiyay hay’adaha gaarka loo leeyahay taageeradooda hagar la’aaneed ee mashruucan, isagoo ku amaanay kaalinta wayn ay ka gaysteen aasaasidda xarumaha barashada farsamada gacanta, kuwaas oo soosaaray dhallinyaro badan oo xirfadleyaal ah shaqo abuurna u sameeyay.
Ciidamada Jubbaland oo fashiliyay miinooyin ay aaseen al-shabaab
Ciidamada sugaya amaanka deeganka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose ayaa howlgal miino baaris ah ka fuliyey Tuulada Laagta caanole oo Galbeedka kaga beegan deegaankaas.
Ciimada ayaa fashiliyey miinooyin ay waddada dhinaceeda ku aaseen Malleeshiyaadka al-shabaab si ay ugu waxyeelleeyaan bulshada iyo Gaadiidka isticmaalaya halkaas.
Saraakiisha howlgalkaan hoggaam-inaysay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xogta miinooyinka ay la soo wadaagen shacabka deeganka taasna ay keentay in ay fashiliyaan Miinooyinka.
Wasiirka Cadaaladda XFS oo Gaalkacyo ka furay shirka latashiga ururrada bulshada
Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamud ayaa magaalada Gaalkacyo ka furay shirka latashiga ururrada bulshada rayidka ah ee soo jeedinta wax ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, isagoo ku celiyay in la tashiga muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay lagama maarmaan u tahay qabyo tirka dasuurka KMG ah.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Abuukaate Burhaan Aadan Cumar, oo kalimad kooban ka jeediyay kulanka la tahsiga ururada bulshada rayidka ah ee Gaalkacyo ay la yeesheen mas’uuliyiinta hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dasuurka ayaa sheegay in dhammeystirka dasturku ay aasaas u tahay hormarinta dowladnimada Soomaaliyeed.
Xoghayaha Guddiga Lasocodka Dastuurka, Senetor Siciid Cabdi Xuseen (Cowke) ayaa Maamullada Mudug iyo Gaalkacyo ee maamulka Galmudug uga mahad-celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen mas’uuliyiinta hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista dastuurka ee wada tashiyada u tagay magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiinta hey’ada u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo uu ugu horreeyo wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, mudane Xasan Macallin oo uga mahad-celiyay ka qeyb galayaasha talada iyo aragtiyada wanaagsan ayaa ballan qaaday in deegaannada dalka oo dhan lagu qaban doono kulama noocaan ah si cid kasta aragtida ay qabto ugu darto, waxeyna dadka Soomaaliyeed ku boorriyeen meel kasta oo ay joogaan in talooyinka ay Online kusoo dhiibtaan.
Talyaaniga oo joojiyay fiisaha dalka ku galka Yurub ee uu siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed
Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay joojisay soo saarista fiisaha dal ku galka Yurub ee loo yaqaano Schengen ee ay siin jirtay dadka Soomaaliyeed ee kasoo codsada.
War qoraal oo lagu daabacay barta X ee safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay joojisay soo saarista fiisaha Schengen ee dhammaan dadka kasoo codsaday safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.
Lama sheegin sababta dowladda Talyaanigu u joojisay fiisahan. Hase ahaatee, go’aan bishii July ee sannadkan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay, in Guddiga Midowga Yurub uu soo jeediyay in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka ee la siiyo muwaa-diniinta Soomaaliyeed.
Qoraal rasmi ah oo uu Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in la soo jeedin doono in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.
Ujeeddada tillaabooyinkan ayaa ah dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray Midowga Yurub iyagoo aan haysan dukumentiyo sax ah.
Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Midowga Yurub ee loo yaqaano Schengen ah, waxaana codsiya-dooda fiisaha Schengen lagu qaban doonaa 45 maalmood gudahood, halka 15maalmod ay ku qaadanayso muwaadiniinta dalalka kale.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan ayaa sanad kaste iska dhiiba Waddamada Yurub sida Talyaaniga, kaddib markii ay dalalkaas ku tagaan Viisooyin ay ku helaan siyaabo kala duwan.
Itoobiya iyo Gambia ayaa ah qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub uu ka qaatay tallaabooyin adag oo dhanka Viisaha ah.
Dowladda Itoobiya oo codsatay in laga fiirsado bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ATMIS
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa sheegay in loo baahan yahay in si taxaddar leh looga fiirsado ka hor inta aan la go'aamin qabanqaabada bixitaanka dambeeya ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS.
Taye Atske-Selassie ayaa geesta kale sheegay in loo baahan yahay in la tixgelinayo dadaallada joogtada ah ee ciidamada Itoobiya ay kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada.
Hadalkaan ayuu sheegay intii lagu guda jiray kulan uu la yeeshay Catherine Molly Phee, kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Taye ayaa muujiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay horumarinta nabad iyo ammaan waarta oo ka dhacda gobolka Geeska Afrika.
"Labadeenaba waxaan xaqiijinay muhiimada ay leedahay sii wadida dadaalkayaga ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dhismaha nabadda iyo amniga gobolka," ayuu yiri wasiir Taye Atske-Selassie doodii ka dib.
Maalintii doraad, Itoobiya ayaa walaac weyn ka muujisay taageerada militari ee dowladda Masar u keentay Soomaaliya, taasoo ay sheegtay inay gacanta u gali karto argigixisada Soomaaliya. Halka Masar ay sheegtay inay taageeradan ugu talo gashay sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah
Xarunta War-bixinnada Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Turkiga (MASAK) ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham iyo wada shaqeyn dhex marta hay’adaha sirdoonka maaliyadeed ee labada dal.
Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo & wada shaqeynta labada dowladood walaalaha ah iyo in ay iska kaashadan ka-hortagga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT).
Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal ayaa iska kaashan doona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaallanka maal gelinta argagixisada ee dalalk-oda, ururinta, hormarinta, falanqenta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.
Sidoo kale, labada dal ayaa isweydaarsan doona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriirta la-dagaallanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaallanka maal gelinta argagixisada.
Heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya tallaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortagga dhamaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.
Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluu-maadka iyo xogaha, iyadoo la raacayo mabaadii’da Is-weydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya hay’adaha sirdoonka maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga war bixinada dhaq-dhaqaaqyada shaki-yada leh "Suspicious Transaction Reports” (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loolana dagaallamo dambiyada maaliyaded, ayada oo loo hoggaansaaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.
Xarunta Warbixinada Maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Turkiga ayaa dhisi doona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weyda-arsiyo iyo dedaallo. kale si loo dhiso awooda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal.
Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada & sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.
Munasabadda lagu kala saxiixan-ayay heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Somalia u fadhiya Turkiga Ambassador Fathudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo; Aamino Maxamed Cali iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr; Xasan KEYMAK.
Danny Danon "Ma doonayno inaan wiilasheenna u dirno Lubnaan”
Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisu aanu dooneyn inuu dalka Lubnaan u diro ciidamo ka dagaalama, balse ay adeegsan doonaan habab kale, si Israeliyiinta barakaca uga maqan deegaanada waqooyiga Israel ee ku yaala xadka Lubnaan dib loogu soo celiyo guryahooda.
"Ma daneynayno inaan bilowno duulaan kasta oo dhulka ah meel kasta. Ma doonayo inaan wiilkayga diro, mana rabno inaan wiilash-eenna u dirno inay ka dagaalamaan waddan shisheeye, laakiin waxaa naga go’an inaan ilaalino shacabka Israel.” Ayuu yiri Amb. Danny Danon
Safiirka oo Wariyeyaasha kula hadlay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayaa sheegay in Israel ay door bideyso xal diblomaasiyadeed, si loo soo afjaro colaadda kala dhaxeysa Ururka Xisbullah ee Lubnaan.
"Israel waxay isticmaaleysaa habab kale, si shacabkeennii qaxay ay guryahooda ugu soo laabtaan.” Ayuu yiri Safiirku.
Safiirka ayaa yiri "Sida keliya ee colaadda lagu soo afjari karo waxay tahay, iyadoo Xisbullah ay ka fogaato xuduudkayaga.”
Danny Danon, Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey ayaa dhanka kale dhalleeceeyay eedeymaha Israel uga imanaya madaxda caala-mka ee ku aaddan in ay gacan xad dhaaf ah u adeegsaneyso dadka rayidka ah.
Danon ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay in Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu Raysal Wasaare Benjamin Netany-ahu la barbardhigo Adolf Hitler.
Madaxweyne Erdogan oo gelinkii dambe ee Talaadadii khudbad ka jeedinayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Netanyahu iyo Hitler ay ka mideysan yihiin naxariis darrada.
Si kastaba ha-ahaatee dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xisbullah ayaa shalay galay maalintii saddexaad, iyadoo Ciidanka Cirka Israel ay garaacayaan koonfurta Lubnaan, halka Xisbullah ay weerar ku hayso waqooyiga Israel. Xisbullah ayaa shalay gantaalkii ugu horreyay oo nooca ballaastikada ah ku weerartay Magaalada Tel Aviv ee bartamaha Israel, walow ay Militariga Israel sheegeen inay ka hortaggeen gantaalkaasi.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho times`
,,,,,