halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes``
.
Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa gantaallo tiro badan ku riday saldhigyada ciidamada cirka ee Israa’iil iyadoo ka jawaabaysa dhimashada 492 ruux iyo dhaawacyada soo gaaray 1,645 oo kale.
Madaxda caalamka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xaaladda,halka Turkiga uu ka digay in weerarka Israa’iil ee Lubnaan uu gobolka oo dhan u jiidi karo fowdo.
Marinka Gaza,gaar ahaan bartamaha Deir el-Balah waxaa saacadihii la soo dhaafay weerarrada cirka ee Israa’iil ku dhintay ugu yaraan 24 qof, taas oo ay ku jireen hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay.
Tirada dadka Falastiin ee ay dileen Israel ayaa mareysa ugu yaraan 41,431 qof, halka dhaawacana lagu sheegay 95,818 ruux.
Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israel iyo Xisbullah
Israel ayaa isku dayeysa in muddo gaaban ay ku burburiso xarumaha militari ee Ururka Xisbullah ee ku yaala konfurta dalka Lubnaan.
Ciidanka Cirka Israel ayaa maalintii labaad si aan caadi ahayn u garaacaya kaabeyaasha militari ee Xisbullah iyo goobaha ay dadka rayidka ah degan yihiin, iyadoona ay weeraradooda u muuqdaan kuwo aysan cidina ugu aabe yeeleyn.
Wasaarada Caafimaadka Lubnaan ayaa xaqiijisay in weerarada arxan-darrada ah ee Israel ay ku dhinteen 558 qof, 1,835 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira 50 carruur ah.
Xoogaga Xisbullah oo ka carreysan dilka aan kala sooca lahayn ee Israel ayaa isku dayaya in ay ka aargutaan maamulkaasi.
Xoogagan ayaa garaacaya deegaanada waqooyiga Israel, waxaadna arkeysaa in ay duqaymahodu gaarayaan magaalada ugu weyn waqooyiga Israel ee Haifa.
Warbahinta gobolka ayaa ku warameysa in Xisbullah ay si toos ah u beegsaneyso Xeryaha Ciidamada Militariga ee jiidda waqooyi, isla-markana ay gantaaladeeda mararka qarkod ka baxsanayan hananka difaaca hawada ee Israel. Xisbullah ayaa mar sii horreysay soo bandhigtay gantaaladeeda oo gudaha ugu dhacaya goobo militari, balse ay Israel qarineyso xogta khasaaraha ee askarteeda.
Xisbullah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tan iyo daraad ay burburisay dhowr ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Israil, dagalkuna u hada uun bilow yahay.
Wararka ayaa sheegaya in Xisbullah ay dhowr gantaal tijaabo ahaan ugu tuurtay dhinaca Magaalada Tel Aviv iyo Daanta Galbeed ee la haysto, halkaasna laga maqlay seeriga digniinaha. Lama sheegin cid wax ku noqotay, iyadoona ay Israel sheegtay in hannaankeeda difaca hawada ee Iron Dome ay qabteen.
Xoogaga Xisbullah ayaa laga cabsi qabaa in ay dagaalka u adeegsadaan gantaalaha ridada dheer ee ay ku hubeysan yihiin, waxaana la leeyahay waxaa suurtagal ah in ay garaacaan magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv, iyadoo laga jawaabayo beegsiga Ciidamada Israel ee dadka rayidka ah.
Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool Tel Aviv aya gabaad u radsaday goobaha gantaalada laga galo ee dhulka hoostiisa, ka dib markii marar kala duwan dhawaqa digniinaha laga maqlay magaaladaasi.
Xisbullah ayaa la sheegaya in ay suurtagal tahay in ay xoogageeda haystaan dhowr xabo oo ka mid ah gantaalaha guuxooda ka dheereeya. Haddii ay dhacdo in ay adeegsadaan ayaa waxaa suurtagal ah in dagaalka uu weji kale yeesho.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii shacabkiisa uga digay maalmo adag oo soo socda.
Israel oo mar kale walaac caalami ah ka abuurtay dunida
Dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Israel iyo Xisbullah ayaa dhaliyay walaac caalami ah, iyadoona laga cabsi qabo in dagaalkooda uu uga sii daro xiisadda aadka u sarreyso ee ka jirta Gobolka Bariga Dhexe.
Israel iyo Xisbullah waxay labaduba ku hanjaben inay kordhin doonan werar-adoda ka dhanka ah midba midka kale.
Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa shalay ku celiyay inay kordhinayaan weerarada ay ku hayaan dalka Lubnaan, illaa ay ka naafeeyaan waxa uu ugu yeeray cadowga.
"Waxaan dardargelin doona hawlgalada. Xaaladdu waxay u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo dhinac walba ah oo joogto ah.” Ayuu yiri Taliyuhu.
Xisbullah waxay dhankeeda sheegtay in illaa daraad ay burburisay dhowr ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Israel ee jiidda waqooyi, dagaalkuna uu hadda uun bilow yahay.
Inta badan hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu yimid Shirka Sanadlaha ee Qaramada Midoobey ee ka soconaya Magaalada New York. Ajaandaha ugu muhiimsan ee shirka ayaana ah, sidii looga hortagi lahaa dagaalka ku sii fidaya Bariga Dhexe.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo mar kale ka hadlay xiisadda ka soo korortay xuduudda labada dal ayaa ka digay cawaaqibka daran ee ka dhalan kara, haddii dagaalku uu sii socdo.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa Ciidanka Cirka Israel ku dhalleeceeyay in ay gaysanayaan weeraro aan kala sooc lahayn.
Ciidamada Israel ayaa daraad illaa iyo shalay dilay ugu yaraan 558 qof oo dad rayid ah, halka in ka badan 1,835 kalena ay dhaawaceen, kuwaa oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.
Madaxweyne Joe Biden oo shalay khudbadiisi ugu dambeysay ka jeedinaya shirka, isago ah Madaxwenaha Marey-anka ayaa ballanqaaday in Washington ay samayn doonto wax kasta oo lagu joojin karo fidinta colaadda, balse warkaasi ayaa waxaan jirin cid rumeysatay, sababtoo ah Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa habeen hore sheegtay in ay ciidan dheeri ah u dirayaan gobolka, si loo difaaco Israel.
Ma cadda cidda laga difaacayo Israel, haddii ay iyadu tahay gacanta hurineysa dagaalkan. Israel ayaa damacsan in dagaalka ay soo geliso Mareykanka, si loo la dagaalamo Xisbullah iyo Iran.
Xulafada Mareykanka ee ka qaybgelaysa shirka ka socda New York ayaa la filayaa in walaacooda ay la wadaagaan Madaxweyne Biden.
Inkastoo Mareykanku uu dhamamadkii toddobaadka muujiyay, sida uu uga soo horjeedo in dagaalka lagu ballaariyo dalka Lubnaan, haddana khubarada ayaa qaba in Israel aysan qaadi karin wax tallaabo ah, Mareykanka la’aantii.
Dadka ka faallooda arrimaha gobolka ayaa Mareykanka ku dhaliila inaanu awoodiisa iyo saameyntiisaba u adeegsan in Israel uu ka joojiyo dagaalka ay u dim iyo dam leedahay.
Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Lubnaan, haweeneyda lagu magacaabo Jeanine Hennis-Plasschaert ayaa sheegtay in Bariga Dhexe uu qarka u fuulay, masiibadii laga digayay. Jeanine Hennis-Plasschaert waxay sheegtay in xiisadda gobolka ay weli joogto meel wax laga qaban karo.
Xalka ugu wanaagsan ee lagu joojin karo furinta labaad ee gobolka waa in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, taasna waxa diidan Hogaamiyaha Israel.
Haddii Mareykanku aanu Madaxda Israel, sida ugu dhakhsaha badan uga joojin dagaalkan waxa uu ku khasbaan doonaan inuu dhankiisa ka soo galo dagaal uu aaminsan yahay inaanan waqtigiisa la joogin.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Maamulka Madaxweyne Biden aanu haba yaraatee diyaar u ahayn dagaalkan, haddana aanu meel cidlo ah uga tagi karin Israel. Tani ayaa loo aaneynaya saamaynta Israel ee siyaasadda Aqalka Cad.
Iyadoo Madaxda Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ay diyaargarow ugu jiraan doorashada madaxtinimada dalkaasi ee 5-ta bisha November ayaa dagaalka u arka mid aan xilligan ku habbooneyn.
Xisbullah iyo Israel ayaa waxay 18 sano ka dib ay dib ugu laabteen dagaal, ka dib dagaalkii muddada gaaban socday, balse riiqmay ee dhex maray sanadkii 2006.
Israel ayaa la sheegaya in ay ku gacan sarreyso weerarada xagga cirka ah, laakiin marka ay noqoto dagaal dhinaca dhulka ah ayay khubarada ku doodayaan in looga adag yahay Israel.
Israel ayaa isku dayeysa in muddo gaaban ay ku burburiso xarumaha militari ee Ururka Xisbullah, ka hor inta aysan ku dhiiran in ciidamadeeda ay gudaha u galaan koonfurta Lubnaan.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes``
....